4

Click here to load reader

Sifilis: Maxay tahay macnaha haddii natiijada ... · Sifilis: Maxay tahay macnaha natiijada baaritaankega hadday bositiifo tahay? Sidee baan ku badbaadin karaa ilmaheyga? Sifiliska

  • Upload
    dohanh

  • View
    212

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: Sifilis: Maxay tahay macnaha haddii natiijada ... · Sifilis: Maxay tahay macnaha natiijada baaritaankega hadday bositiifo tahay? Sidee baan ku badbaadin karaa ilmaheyga? Sifiliska

Nambarka daabacadda PHE gateway: 2016047 Daabacadda: Abriil 2016

Barnaamijka Baaritaanka (Screening) Cudurrada Faafa ee Xilliyada Uurka ee NHSka

NHS Infectious Diseases in Pregnancy Screening Programme

(Somali)

Sifilis: Maxay tahay macnaha haddii natiijada baaritaankeygu ay noqoto bositiifo?

Syphilis: what does my positive screening result mean?

Page 2: Sifilis: Maxay tahay macnaha haddii natiijada ... · Sifilis: Maxay tahay macnaha natiijada baaritaankega hadday bositiifo tahay? Sidee baan ku badbaadin karaa ilmaheyga? Sifiliska

Bogga 2 Barnaamijka Baaritaanka (Screening) Cudurrada Faafa ee Xilliyada Uurka ee NHSka

Sifilis: Maxay tahay macnaha natiijada baaritaankega hadday bositiifo tahay?

Maxay tahay macnaha natiijada baaritaankega hadday bositiifo tahay?

Baaritaankaga dhiigga ee dhowaan aad sameysay wuxuu caddeeyey in aad tahay bositiifo xanuunka sifiliska. Natiijada baaritaankaagu macnaheedu ma aha in ay hubaal tahay in aad qabtid xanuunka sifiliska. Tijaabada baaritaanka waxaa bositiifo (positive) ka dhigi karaa:

• Waxaad qabtaa sifilis u baahan in lagaa daaweeyo.

• Waxaad hoe u qabtay sifilis taasi oo lagu guuleystay daaweynteeda.

• Waxaa suurtowda in natiijada baaritaankii aad sameysay ay been noqotay (false result).

Sidee baan ku qaaday xanuunka?

Bakteeriyaha waxay geli kartaa jidhka haddii meel boog ah ee jidhkaagu ay xilliyada galmada ee aan loo qaadan sheeyada ka hortagga ay taabtaan meel kale ee qof qabo xanuunkaasi. Waxaa kaloo lagu gudbin karaa:

• Hooyada oo ilmaha u gudbiso xilliga uurka ama goorta dhalmada.

• Wadaagidda cirbadaha leh infekshanka. Miyaa la i daaweyn karaa?

Sifiliska ee xilliyada hore waa la daaweyn karaa. Haddii goor hore la daaweeyo, aad bay u yaraaneysaa halista dhibaatada cudurka iyo u gudbinta ilmahaaga uurka ku jiro. Baaritaanka wuxuu ka kooban yahay daraasaad dheeraad ah ee jidhka iyo dhiigaba. Sifiliska waxaa lagu daaweeyaa hal ama laba kaniin oo antibiyootig ah. Aad bay muhiim u tahay ogsoonaanta hataa daaweynta kadib weli wuu ku hayn karaa infekshanka. Mar kale ayuu kugu soo laaban karaa.

Sifiliska waa infekshan bakteeriyada ka dhasha oo soo raaca dhiigga. Badanka dadka qaba sifiliska waa caadi mana laha astaan ama xanuun kale. Si kastaba ha ahaatee, waa xanuun halis oo haddii aan la daaweynin keeni karo suxxdin, qalal (paralysis), indho la’aan iyo hataa dhimasho.

Page 3: Sifilis: Maxay tahay macnaha haddii natiijada ... · Sifilis: Maxay tahay macnaha natiijada baaritaankega hadday bositiifo tahay? Sidee baan ku badbaadin karaa ilmaheyga? Sifiliska

Bogga 3 Barnaamijka Baaritaanka (Screening) Cudurrada Faafa ee Xilliyada Uurka ee NHSka

Sifilis: Maxay tahay macnaha natiijada baaritaankega hadday bositiifo tahay?

Sidee baan ku badbaadin karaa ilmaheyga?

Sifiliska waxay hooyada u gudbin kartaa ilmaha xilliga uurka. Haddii aan la daaweyn waxay sababi kartaa in ilmaha ay soo dilmaan, dhicis noqdaan ama ay ku dhashaan dhibaato caafimad. Daaweynta sifiliska isla markiiba xilliga uurka waxay suurtagelineysaa in infekshanka uusan u gudbin ilmaha. Qaadista sifiliska macnaheedu ma aha in ilmaha lagugu soo qalo goorta dhalmada, waadna nuujin kartaa naaska. Kooxda takhsuuska ee kiliniga daaweynta jenitourinary (GUM) ayaa go’aamin doonaa hadduu ilmahaagu u baahan yahay kadib marka uu dhasho. Kadib marka uu dhasho ilmahaa waxaa eegi doonaa takhtarka, (neonatologist) waxaana suurtowda in lagu sameey baaritaanka dhiigga lana siiyo antibiyootig si looga hortago infekshanka. Maxaa xigi doonaa?

1. Umuliso takhsuus ah ayaa kaala hadli doontaa kaagana jawaabi doonta wixii walaac ah ama su’aallo ee adiga ama ninkaagu aad qabtaan.

2. Ballan ayaa lagaaga sameyn doonaa takhtar takhsuus ah iyo kooxda kilinga caafimaadka galmada (genitourinary medicine)

3. Takhatraku wuxuu sida badan kugula talin doonaa in aad sameysid baaritaano kale ee infekshanka galmada la isku qaadsiiyo (STIs).

Si loo sugo caafimaadka iyo daryeelkaaga loona xaqiijiyo in ilmahaa uusan u gudbin xanuunka, waa muhiim tegitaanka dhammaan ballamaada isbitaalka ee

xilliga uurka. Yaa u baahan ogaanshaha in aan qabo sifilis?

Aad bay muhiim u tahay in qof kasta oo ku lug leh daryeelkaaga uu ogsoon yahay natiijadaada. Taasina waxay u suurtagelin doontaa in adiga iyo ilmahaaga aad heshaan daaweynta iyo daryeelka aad u baahan tihiin. Arrintani waxaad kala hadli kartaa kooxdaada ee takhsuuska caafimaadka. Aad bay muhiim u tahay in ninkaaga laga baaro sifiliska lagana daweeyo si infekshanka uusan mar kale kuu qaadsiin. Waa in aadan ninkaaga la sameyn wax galmo ah ilaa aad labadiinaba ka dhammeysataan daaweynta.

Page 4: Sifilis: Maxay tahay macnaha haddii natiijada ... · Sifilis: Maxay tahay macnaha natiijada baaritaankega hadday bositiifo tahay? Sidee baan ku badbaadin karaa ilmaheyga? Sifiliska

Bogga 4 Barnaamijka Baaritaanka (Screening) Cudurrada Faafa ee Xilliyada Uurka ee NHSka

Sifilis: Maxay tahay macnaha natiijada baaritaankega hadday bositiifo tahay?

Haddii aad hore u qabtay nin kale, ama carruur kale aad dhashay, waa in iyagana laga baaro xanuunka. Takhtarkaaga iyo kalkaaliyadda ayaa kaala talin doona kaana caawin doona sida loola xiriiro ninkaaga. Qarsoodinimo (confidentiality)

Iyadoon oggolaansho lagaa helin, akhbaartaada looma gudbin doono qof kale aanse ka ahayn hawlwadeenada ku hawlan daryeelkaaga, sida takhtarka qoyskaaga iyo umulisada. Akhbaartaada iyo midda ilmahaaga waxay adeegyada NHS u adeegsan doonaan la socoshada iyo hormarinta adeegyada iyo daryeelaaga. Si loo hubsado in akhbaarta aan loo gudbin qof kale, NHSka waxaa u degsan xeerka ilaalinta akhbaarta oo si aad ah loo ilaaliyo.

Xaggee baan ka heli karta akhbaar dheeraad ah?

Akhbaar dheeraad ah ee sifiliska waxaad ka heli kartaa?

• NHS Choices www.nhs.uk/conditions/syphilis

• Patient.co.uk http://www.patient.co.uk/health/syphilis-leaflet

Haddaad qabtid walaac ama su’aal dheeraad ah waxaad kala hadashaa takhtarkaaga, umulisada ama fisitarka caafimaadka (health visitor). Daabacadda koowaad: Abriil 2016 © Crown copyright 2016

Xaquuqda qoraa (Crown copywrite) waa la oggol yahay isticmaalka macluumaadka (aan ka ahayn calaamadaha loogga) taasi oo waafaqsan Oggolaanshaha Shatiga Dowladda (Open Government Licence), waxaadna ka daalacataa www.nationalarchives.gov.uk/doc/open-government-licence/version/3/ Shuruudaha iyo xaaladda.

Meealaha xaafaddaada ee aad la xiriiri kartid: