24

Copyright © 2017 Anti-Tribalism Movement · ma karo in uu caawimaad kale dalbado. Waxay tirakoobta tahriibka lagu xusaa in ay dadku badankood ku dhintaan jidka ama lagu wax yeeleeyo

  • Upload
    others

  • View
    0

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: Copyright © 2017 Anti-Tribalism Movement · ma karo in uu caawimaad kale dalbado. Waxay tirakoobta tahriibka lagu xusaa in ay dadku badankood ku dhintaan jidka ama lagu wax yeeleeyo
Page 2: Copyright © 2017 Anti-Tribalism Movement · ma karo in uu caawimaad kale dalbado. Waxay tirakoobta tahriibka lagu xusaa in ay dadku badankood ku dhintaan jidka ama lagu wax yeeleeyo

Copyright © 2017 Anti-Tribalism MovementXuquuqda oo dhan way dhawrantahay. Buuggan ama qayb ka mid ah lama daabaci karo, lamana tarjuman

karo la’aanta idan qoran oo laga helo qoraha © 2017 Anti-Tribalism MovementSawirrada, Naqshadaynta Qoraalka, Galka & Tafatiridda Guud: Looh Press.

Page 3: Copyright © 2017 Anti-Tribalism Movement · ma karo in uu caawimaad kale dalbado. Waxay tirakoobta tahriibka lagu xusaa in ay dadku badankood ku dhintaan jidka ama lagu wax yeeleeyo

Maanta & Berri 3

Nabad baa caano macaan iska leh.Maahmaah Soomaaliyeed

Page 4: Copyright © 2017 Anti-Tribalism Movement · ma karo in uu caawimaad kale dalbado. Waxay tirakoobta tahriibka lagu xusaa in ay dadku badankood ku dhintaan jidka ama lagu wax yeeleeyo

4

TUSMOHORDHAC 5MUSUQMAASUQNIMO 7QABYAALAD 9RABSHAD 11TAHRIIB 13CADDAALAD 15SINNAANTA 17SHARCIGA 19AQOON 21

Page 5: Copyright © 2017 Anti-Tribalism Movement · ma karo in uu caawimaad kale dalbado. Waxay tirakoobta tahriibka lagu xusaa in ay dadku badankood ku dhintaan jidka ama lagu wax yeeleeyo

Maanta & Berri 5

HORDHAC“Muslimka toosan waa qofka afkiisa iyo gacmihiisa ay ka

nabad helaan dadka kale.”Saxiixul Bukhaari.

Kacdoonka la dagaallanka qabyaaladda ayaa ku faraxsan in ay fursad u heshay in ay farriintan kula wadaagto oo ah mid ku saabsan mustaqbal wacan iyo nabad dhalinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Waxaan qoraalkan kooban ku xusi doonaa foolxumada nabad-diidka iyo anshax xumida in laga shaqeeyo ama laga shaqeysto qabyaaladda iwm.

Qofka Soomaali ahi, meel walba uu ku sugan yahayba wuxuu jecel yahay xasilooni iyo nabad. Sidoo kale qofka ah dhallinyaro wuxuu rabaa in uu helo fursaddo waxbarasho, mustaqbal, maaweelo, asxaab ay isla wadaagaan fikirka wadajirka ah. Intaas oo idil ma suurta gali karto haddii aadan heli karin nabad, waxbarasho, shaqo kugu habboon, dowlad kuu adeegta kana fog musuqmaasuqnimo, qabyaalad iwm.

Buuggan kooban ka akhriso ama ka daawo foolxumadda ama quruxda ku sugan kii doorto burburinta/dhisidda dadnimada, dowladnimada diinta iyo dadkeena.

Page 6: Copyright © 2017 Anti-Tribalism Movement · ma karo in uu caawimaad kale dalbado. Waxay tirakoobta tahriibka lagu xusaa in ay dadku badankood ku dhintaan jidka ama lagu wax yeeleeyo

66

Page 7: Copyright © 2017 Anti-Tribalism Movement · ma karo in uu caawimaad kale dalbado. Waxay tirakoobta tahriibka lagu xusaa in ay dadku badankood ku dhintaan jidka ama lagu wax yeeleeyo

Maanta & Berri 7

MUSUQMAASUQU wuxuu saameyn ku yeelan karaa qaran ilaa shaqsi. Wuxuu hor is taagaa maalgashiga (mid gudaha iyo kan dibeddaba), wuxuu gaabis ku ridaa ganacsiga, wuxuu aragti qaldan ka bixiyaa kharshka dawladda, wuxuu hoos u dhigaa koboca dhaqaale, wuxuu baabi’iyaa

habka dhaqaale, wuxuuna caadi ka dhigaa suuqa madow iyo dambiyada. Waxaa jira daraasado baaxad leh oo muujinaya xiriirka ka dhexeeya musuqmaasuqa iyo saboolnimada ama/iyo sinnaanta dakhli.

Shakhsiyaad iyo qoysas badan ayaa la dhibban cawaaqibka ka dhasha musuqmaasuqa. Inta badan dadka saboolka ah iyo kuwa liita ma awoodaan in ay faragelin ku sameeyaan nadaamka dawliga, sidaa awgeed mar kale wey dulman yihiin.

Musuqmaasuqu wuxuu ka dhashaa hoggaanka xun, waxaa kobciya in yar oo daneystayaal ah, wuxuuna abuuraa bulsho jilicsan. Ummaddii uu musuqmaasu dhaqan u noqdaa horumar ma gaarto, waxayna ku dambeysaa dib u dhac aysan si fudud uga soo kabsan.

Ha oggolaanin musuqmaasuqa, waa dib u dhaca bulshada.

Maahmaah Soomaaliyeed

“Maalintii col loo joogo labo lalama tashado; fulay iyo geesi. Waxaa lala tashadaa caaqil.”

MUSUQMAASUQNIMOLAALUUSH & NIDAAM DIID

Page 8: Copyright © 2017 Anti-Tribalism Movement · ma karo in uu caawimaad kale dalbado. Waxay tirakoobta tahriibka lagu xusaa in ay dadku badankood ku dhintaan jidka ama lagu wax yeeleeyo

88

Page 9: Copyright © 2017 Anti-Tribalism Movement · ma karo in uu caawimaad kale dalbado. Waxay tirakoobta tahriibka lagu xusaa in ay dadku badankood ku dhintaan jidka ama lagu wax yeeleeyo

Maanta & Berri 9

Cabdullaahi Suldaan “Timacadde”.

QABYAALADDU waa hab abaabul qabiileed. Waxay ku dhisan tahay sadbuursi qabiil oo bareer loogu dhacayo waxa dadka ka wada dhexeeya.

Qabyaaladdu waa jahli, qabyaaladdu waa mugdi, qabyaaladdu waa shay xaraan ah, qabyaaladdu waa haybsooc, qabyaaladdu waa dib-u-dhac, qabyaaladdu waa indhaha oo ruuxu is tiro hadhowna uu ka shallaayo.

Qabyaaladdu waa waxa ugu badan ee kala qeybiya bulshada soomaaliyeed hoosna u dhiga awoodeeda. Waxay abuurtaa nacayb iyo cadaawad aan loo baahnayn, musuqmaasuq, eex iyo in sharciga la hareer maro. Qabyaaladdu waxay qofka gelisaa in uu ka eego ruuxa kale ee soomaaliga dhanka qabiilka uu yahay taasoo uu ku jeclaanayo ama ku nacayo, uma eegayo aqoonta, kartida ama fikirka uu qabi kari ruuxaas sax iyo khaladba.

Qabyaaladdu waxay kor u kacdaa oo la kobocdaa aqoondarrida, gaajada, colaadda iyo sinnaan la’aanta ka jirta bulshada dhexdeeda. Sidee ruux uu ku aamini karaa in uu ka fiican yahay ruux kale isagoo ku saleynaya haybtiisa? Haybtaada maaha wax aad dooratay, waxa lagu faani karana waa guulaha uu ruuxu ku gaaro dadaalkiisa iyo kartidiisa ugu dambeyntiina miraheeda arki karo.

Haddaad dalkaaga iyo dadkaaga jeceshahay ka fogow qabyaaladda.

“Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.”

QABYAALADQABYAALAD U ADEEGAHA

Page 10: Copyright © 2017 Anti-Tribalism Movement · ma karo in uu caawimaad kale dalbado. Waxay tirakoobta tahriibka lagu xusaa in ay dadku badankood ku dhintaan jidka ama lagu wax yeeleeyo

1010

Page 11: Copyright © 2017 Anti-Tribalism Movement · ma karo in uu caawimaad kale dalbado. Waxay tirakoobta tahriibka lagu xusaa in ay dadku badankood ku dhintaan jidka ama lagu wax yeeleeyo

Maanta & Berri 11

RABSHADI waa, xiisad kicin, fidmayn, qas abuur, diintoo lagu quraabto iwm. Waa tiirarka sharci la’aanta. Dad ama qoomiyad markii ay rabshad caadaysato waa marka aan sharciga iyo garsoorka aan la ixtiraamin ama uusan shaqayn. Sababaha keena qas abuurka bulshadeed waa dadkii oo waaya meel

ay qeexid sharciyeed ka helaan.Sidoo kale waxaa caado ah qof rabshaysan in uusan keeni karin ra’yi ama hal abuur ku salaysan xeer ilaalis.

Maxaa yeelay qofku markii uu waayo amni ama kalsoonidii uu xaqiisa ku heli lahaa wuxuu u gudbaa rabshad samayn.

Dalalka ay dagaaladu hareeyeen waa kuwa marka hore u saaxiib noqda rabshado iyo amni darri muddo soo jiitameysay marka dambana ku dambeeya kuwa ay dagaallo waaweyn oo lagu hoobtay ka dhacaan oo dad badan oo aan waxba galabsani ku dhamaadaan.

Ka hortag rabshadaha iyo amni darrida inta aysan isku beddelin dagaal aan si fudud loo xakameyn Karin. Marnaba ha yeelin inaad dagaal ka qaybqaadato lagu dilayo qof walaalkaa ah ama qof aan dambi galin.

Maahmaah Soomaaliyeed

“Nin rabshaysani ra’yi ma keeno.”

RABSHADDIL, DAGAAL, IYO DUMINTA AMNIGA

Page 12: Copyright © 2017 Anti-Tribalism Movement · ma karo in uu caawimaad kale dalbado. Waxay tirakoobta tahriibka lagu xusaa in ay dadku badankood ku dhintaan jidka ama lagu wax yeeleeyo

1212

Page 13: Copyright © 2017 Anti-Tribalism Movement · ma karo in uu caawimaad kale dalbado. Waxay tirakoobta tahriibka lagu xusaa in ay dadku badankood ku dhintaan jidka ama lagu wax yeeleeyo

Maanta & Berri 13

TAHRIIB waa safar sharci darro dal lagu dhexmaro ama lagu galo xuduuddiisa. Tahriibku wuxuu saamayn ku yeeshaa shakhsiyaad ku xiran qofka tahriibay. Waxaa suurta gal ah in

qofka tahriibaya uu u jeeda dhibta markaas haysata balse uusan arki karin dhabaatooyinka soo socoda. Lacag kumanaan ah oo loo uruuriyo ruuxa tahriibaya waa lacag lagu maalgalin karay shaqsi ahaan ama lagu

aaasaasi karay shirkad ama dakhli soconaya oo soo gala qoyska. Waxaa la caddeeyey in boqolkiiba sideetan dadka tahriiba in tahriibka bilowgiisa ama bartankiisa ay la kulmaan tuugo ka furata waxa ay sitaan, naftoodana khatar geliyaan, markaana qoyskii iyo ehelkii ku mashquulaan sidii laguu soo celin lahaa ama loogu quudin lahaa meesha aad joogto, waaba haddii taasi macquul tahay ama aad fursaddaas hesho. Tahriibuhu inta badan ma karo in uu caawimaad kale dalbado. Waxay tirakoobta tahriibka lagu xusaa in ay dadku badankood ku dhintaan jidka ama lagu wax yeeleeyo xuquuqda naftooda iyo jirkooda. Sidoo kale markii ay galaan wadamada ay u socdeen waxaa la galiyaa xerooyin (marka ay ugu nolol fiican yihiin), bilooyin ama sanado ka dibna loo soo celiyaa sharci daro darteed. Aad bey u yar tahay fursadda uu ruux soo tahriibay ku heli karo nolol iyo sharci deggenaasho, gaar ahaan xaaladda maanta ka jirta dalalka reer galbeedka iyo guud ahaa caalamkaba.

Ha halligin naftaada oo ha tahriibin, waxaa kaaga roon adigoo dhulkaaga aamina in aad wax ka soo saaratana aad ku kalsoonaato, kuna dadaasho.

“Tahriib ayaan ku soo galay dhuumashana waan ku joogaa .”

TAHRIIBDUMINTA TIIRKA MUSTAQBALKA

Page 14: Copyright © 2017 Anti-Tribalism Movement · ma karo in uu caawimaad kale dalbado. Waxay tirakoobta tahriibka lagu xusaa in ay dadku badankood ku dhintaan jidka ama lagu wax yeeleeyo

1414

Page 15: Copyright © 2017 Anti-Tribalism Movement · ma karo in uu caawimaad kale dalbado. Waxay tirakoobta tahriibka lagu xusaa in ay dadku badankood ku dhintaan jidka ama lagu wax yeeleeyo

Maanta & Berri 15

Suurat an-Naxl: 90

CADDAALAD la’aan waa dulmi. Bani’aadamku kuma noolaan karo caado nololeed oo aysan jirin caddaalad, islamarkaana waxaa waajib ah jiritaanka dulmiga. Caddaaladdu waxay dhalisaa garqaad daacad ah, garsoor xaq ah, xeer si siman ah loogu dhaqmo, xukun aan lahayn eexo.

Caddaaladdu waxay dhalisaa wadajirka bulshadda. Waxaa ka mid ah miraha laga gurta nolosha cadliyaysan amni, koboc dhaqaalo, maandhis, sinnaanta bulshadda, kooda ugu hanti badan iyo kooda ugu hanti yar.

Dhibaatooyinka ugu wayn ee Soomaalida maanta haysata waxaa hormood u ah caddaalad la’aanta. Qof jecel ma jiro in xoog loo sheegto, in la dulmiyo, in hantidiisa la dhaco, in magaciisa la xumeeyo.

Caddaalad darridu waxay dadka ka qaaddaa kalsoonida, waxayna ku abuurtaa cuqdad ah in aysan dalka wax ku lahayn kadibna waxaa meesha ka baxaya in uusan danta guud difaacin.

Haddaad rabto in laguu caddaalad falo, horta adiga caadil ahow. Noqo caddaalad fale yio caddaalad fare.

“Eebbe waxa uu Fari Caddaalad iyo Samafal...”

CADDAALADLA XISAABTANKA NIDAAMKA

Page 16: Copyright © 2017 Anti-Tribalism Movement · ma karo in uu caawimaad kale dalbado. Waxay tirakoobta tahriibka lagu xusaa in ay dadku badankood ku dhintaan jidka ama lagu wax yeeleeyo

1616

Page 17: Copyright © 2017 Anti-Tribalism Movement · ma karo in uu caawimaad kale dalbado. Waxay tirakoobta tahriibka lagu xusaa in ay dadku badankood ku dhintaan jidka ama lagu wax yeeleeyo

Maanta & Berri 17

SINNAANTU waxay horseeddaa isu soo dhawaasho bulshada dhexdeeda ah, ummad waliba inta ay tixgeliso sinnaanteeda ayey masaafo ahaan isu jirtaa oo ay ku walaal tahay.

Bulshadu waa in ay ka sinnaataa xiriirka dhexdeeda ah, waana in ay u sinnaataa fursadaha aqoon, shaqo, dhaqaale, caafimaad iyo waxa dadka ka wada dhexeeya.

Sinnaantoo yaraata ama la waayo waxay horseedi kartaa cuqdad ay ku kala tagto ummad walaala ah oo meel ku wada nool.

Sinnaantu waxay sal u noqotaa wax wadaagga guud, waxay kugu duwdaa dal iyo dad jacayl, waxay xoojisaa xiriirka bulshada dhexdeeda, ummaddaa ku walaalowda oo isku jeclaata. Ruuxna ruux kama hooseeyo, ruuxna ruux kama sarreeyo.

Soomaali oo idil wey siman tahay, ha dhageysan midka kala sarreysiiya, ha u dulqaadan kan kala sooca, u taagnow sinnaanta iyaduu sammaha ku jiraaye.

Haddaad sinnaanta u hiilliso samaheedaad heleysaa, haddaad ka seexatana sun weeyee ogow.

Maahmaah Soomaaliyeed.

“Gar iyo geeriba loo siman.”

SINNAANTAMIDAYNTA JIILASHA SIMAN

Page 18: Copyright © 2017 Anti-Tribalism Movement · ma karo in uu caawimaad kale dalbado. Waxay tirakoobta tahriibka lagu xusaa in ay dadku badankood ku dhintaan jidka ama lagu wax yeeleeyo

1818

Page 19: Copyright © 2017 Anti-Tribalism Movement · ma karo in uu caawimaad kale dalbado. Waxay tirakoobta tahriibka lagu xusaa in ay dadku badankood ku dhintaan jidka ama lagu wax yeeleeyo

Maanta & Berri 19

SHARCIGA waa inaan cidna ka sarreyn laguna dhaqmaa, wax waliba waa in ay ku socdaan sharci si loo helo nidaam bulshada ku haga waxa san ee ay ku dhaqanto. “Tol xeer lihi cayr ma’ahan.”

Ku dhaqanka sharciga waxaa sal u ah in muwaadin walba uu sharcigu qabanayo taasoo keeneysa in ruuxa wax maamulayaa uu wada siman yahay dadka la maamulayaa u hoggaansanaanta sharciga. “Haddaad nabad doonayso adiga ha lagaa helo.”

Sharciga oo loo hoggaansamaa waa ilbaxnimo horseedda horumarka aadanuhu hiigsanayo, sharcigoo la hareermarana waxay bulshadaas gayeysiisaa dib-u-dhac dhaqan dhaqaale iyo mid ummadeedba. Bani’aadamku waxa uu kaga duwan yahay noolaha kale waa in uu sharciyo sameysto, ku dhaqmo una hoggaansado. “Nin gar daran ma guuleysto.”

Ummadi waxay ku wada noolaan kartaa, isu maamuli kartaa, ku kala dambeyn kartaa, nadaamna ku heli kartaa sarreynta sharciga oo dhaqan u noqota bulshadaas.

“Xeer la'aan waa la xooloobaa.”

Maahmaah Soomaaliyeed.

SHARCIGATIXGALINTA & KU DHAQANKA SHARCIGA

Page 20: Copyright © 2017 Anti-Tribalism Movement · ma karo in uu caawimaad kale dalbado. Waxay tirakoobta tahriibka lagu xusaa in ay dadku badankood ku dhintaan jidka ama lagu wax yeeleeyo

2020

Page 21: Copyright © 2017 Anti-Tribalism Movement · ma karo in uu caawimaad kale dalbado. Waxay tirakoobta tahriibka lagu xusaa in ay dadku badankood ku dhintaan jidka ama lagu wax yeeleeyo

Maanta & Berri 21

AQOONTU waa difaacaha maanka qofka waxgaradka ah. Haddii bulshada jahligeedu bato waxaa sidoo kale badanaya hoggaanka xun. Farqiga u dhexeeya hoggaanka wanaagsan iyo midka xun waxaa sal u ah aqoonta. Aqoondarridu waxay meesha ka saartaa isfahamka bulshada, waxay yareysaa horumarka

nooc walbuu ahaadaba ummaddii ay ku badatana waxay geliyaa mugdi, waxaa bulshadaas ku yaraada aqoonyahankii ummadda hagi lahaa una horseedi lahaa horumar iyo baraare.

Kobcinta maanka waxay dhalisaa ogaansho aan horay u jirin. Sidoo kale waxay dhalisaa aragti cusub oo ah jirrooyinka haya bulshadda iyo sidii loola dagaali lahaa.

Aqoontu waa diin, aqoontu waa caqli, aqoontu waa awood, aqoontu waa hanta, aqoontu waa badbaado waana baraare.

Ummad waliba dadaalka ay aqoonta geliso ayey kaga horreysaa ummadaha kale, shaqsi kastana dadaalka uu aqoonta geliyo ayuu kor ugu kacaa. Haabo meel kore oo hankaaga kor u qaad.

Wax la raadiyo aqoontaa ugu wanaagsan, wax la maalgeliyo aqoontaa ugu fiican, wax lagu dadaalo aqoontaa ugu sarreysa ee aqoontaada sare u qaad.

Maahmaah Soomaaliyeed

“Aqoon la’aani waa iftiin la’aan.”

AQOONKOBCINTA MAANKA & HORUMARKA HOGGAANKA

Page 22: Copyright © 2017 Anti-Tribalism Movement · ma karo in uu caawimaad kale dalbado. Waxay tirakoobta tahriibka lagu xusaa in ay dadku badankood ku dhintaan jidka ama lagu wax yeeleeyo
Page 23: Copyright © 2017 Anti-Tribalism Movement · ma karo in uu caawimaad kale dalbado. Waxay tirakoobta tahriibka lagu xusaa in ay dadku badankood ku dhintaan jidka ama lagu wax yeeleeyo

MAHADSANID AKHRISTE

Kacdoonka la dagaallanka qabyaaladda (Anti-Tribalism Movement) waxay kuu rajaynaysaa ina ilahay qoraalkan qalbigaga galiyo oo aad ku dhaqanto manta laga bilaabo Inshallah.

Wixii dheerad ah nagala soo xiriir Anti-Tribalism Movement

www.theatm.org Tel: +252616307774

[email protected]

Page 24: Copyright © 2017 Anti-Tribalism Movement · ma karo in uu caawimaad kale dalbado. Waxay tirakoobta tahriibka lagu xusaa in ay dadku badankood ku dhintaan jidka ama lagu wax yeeleeyo