22
1 | Page JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA GOLAHA SHACABKA Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda Warbixin Maaliyadeedka meel marinta Qoonda Miisaaniyadda 2018 Mudada: Janaaayo Agoosto

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA GOLAHA … · in la khilaafo hab raaca dakhli ururinta ee hay’adaha dowlada ee faraya in si joogta ah loogu xereeyo khasnada dhexe (Single Treasury

  • Upload
    others

  • View
    10

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA GOLAHA … · in la khilaafo hab raaca dakhli ururinta ee hay’adaha dowlada ee faraya in si joogta ah loogu xereeyo khasnada dhexe (Single Treasury

1 | P a g e

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA

GOLAHA SHACABKA

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo

La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda

Warbixin Maaliyadeedka meel marinta Qoonda Miisaaniyadda 2018

Mudada: Janaaayo – Agoosto

Page 2: JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA GOLAHA … · in la khilaafo hab raaca dakhli ururinta ee hay’adaha dowlada ee faraya in si joogta ah loogu xereeyo khasnada dhexe (Single Treasury

2 | P a g e

B. HORDHAC

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda iyo Qorsheynta iyo la-xisaabtanka hay’adaha dowladda isagoo tixraacayo qodobada 2aad, 68aad

iyo 70aad ee xeerhoosaadka Golaha Shacabka, iyo qodobka 7aad ee qaraarkii golaha shacabku meel mariyey 14/11/2018 iyo Sharciga

Maamulka Maaliyadda Qaranka Lm 2, ee 1961.

Guddigu isagoo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah ee ku aadan hawlaha maaliyadda dalka, kor joogtaynta iyo la xisaabtanka

hay’adaha dawladda, wuxaa uu si dhow ula socday habsami u socodka meel marinta Miisaaniyadda 2018, laga soo bilaabo bishii Janaayo

ilaa Agoosto 2018. Guddigu isaga oo mar walba ka helaya xogta xisaabtaadka iyo baarista maaliyadeed xafiiskayada kala ah.

- Xisaabiyaha Guud.

- Hantidhowrka Guud.

Guddigu wuxuu mudnaanta 1aad ee la socodka Miisaaniyada siiyay ama xoogga saaray labada dhinac ee kala ah.

- Dhinaca soo ururinta / soo xereynta dakhliga iyo hab-raaca maamulka bixinta kharashaadka, iyo

- Dhinaca dhaqan gelinta shuruucda ku xusan Xeerka Golaha Shacabku ku meel mariyay Qoondada Miisaaniyada 2018

iyo u hoggaansamida shuruucda kale ee Maamulka Maaliyadda ee dalka.

Page 3: JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA GOLAHA … · in la khilaafo hab raaca dakhli ururinta ee hay’adaha dowlada ee faraya in si joogta ah loogu xereeyo khasnada dhexe (Single Treasury

3 | P a g e

T. DAKHLIGA IYO KHARASHAADKA

Guddigu isagoo tixraacaya warbixinta Xisaabiyaha Guud ee Qaranka ee halkan ku lifaaqan oo ay ku caddahay dakhliga soo xerooday

iyo isticmaalka kharashaadka ee miisaaniyada 2018, waxaa Guddigu si qoto dheer uga baaran degay is barbar dhigna ku sameeyey ku

talagalkii Miisaaniyadda iyo isticmaalka kharashaadka bilaha Janaayo ilaa Agoosto 2018ka.

Guddigu isaga oo maanka ku haya muhimadda iyo mas’uuliyadda dastuuriga ah ee Golaha Shacabka ka saaran hubinta xaqiiqada

dakhliga iyo kharashka miisaaniyadda iyo ku dhaqanka sharciga iyo nidaamka Maaliyadda dalka, Guddigu si uu u guto waajibaadka loo

igmadey wuxuu kulamo la yeeshay, su’aalona ka weydiiyay, sidoo kalena warbixinno kala duwan ka dhagaystay hay’adaha hoos ku

qoran:

Wasaaradda Maaliyadda

Xisaabiyaha Guud ee Dowladda

Hanti dhowrka Guud ee Qaranka

Page 4: JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA GOLAHA … · in la khilaafo hab raaca dakhli ururinta ee hay’adaha dowlada ee faraya in si joogta ah loogu xereeyo khasnada dhexe (Single Treasury

4 | P a g e

b. Dakhliga: kutalagalka Sannad Miisaaniyadeedka 2018 (Janaayo ilaa Agoosto)

Sida ka muuqata kutalagalka Miisaaniyadda dakhliga ee 2018, kuna cad shaxda lifaaqa 1aad ee dakhliga, waxaa jira koror kooban meelaha

qaar sida canshuurta qaansheegadka Hotelada iyo canshuurta shaqqalaha gaarka ah. Sidoo kale waxaa jira gaabis ama hoos u dhac

meelaha qaar sida canshuurta Qaadka, canshuurta mushaarka shaqaalaha dowlada oo aanan fadhin. Sidoo kale waxaa jira ilo dakhli

laga filayay sida ka muuqata saadaasha qoondada Miisaaniyadda balse aan wax dakhli ah kasoo xeroon muddadii u dhaxaysey Janaayo

ilaa Agoosto 2018, sida xawaaladaha, bangiyada, warshadaha korontada iyo biyaha iwm.

Sidoo kale waxaan lahelin dhammaan kabki/kaalmadii Miisaniyadeed laga filayay wadamada Sacuudiga, Imaaraadka halka Dowladda

Qatar ay bixisay $3Malyan una dhiganta 30%, balse Dowladda Turkiga ayaa bixisay dhammaan kabki miisaaniyadeed ee ay ballan

qaaday oo ahaa $20 Malyan..

Sida ka muuqata jaantuska hoose guud ahaan waxaa soo xerooday 8 bil ee sannadkan ugu horreysay dakhli dhan $ 156,717,203.52 una

dhiganta 57%, halka laga sugayay muddada 8da bilood ah in uu soo xeroodo dakhli dhan $183,086,794 taasi oo muujineysa inuu jiro

hoos u dhac dakhli mudada 8da bilood ee lasoo dhaafey oo dhan $26,369,590.48 una dhiganta 14% halka mudada 4ta bilooda ah ee

sandka ka hartay la filaayo in uu soo xeroodo dakhli dhan 117,912,987.48 una dhigma 43%, taas oo muujinaysa in uu gaabis xoogle

kajiro in la xaqiijiyo hiigsigi sanadkaan ee ahaa dakhli dhan $274,630,191.00. Iyadoo xaaladda miisaaniyaddu ay sheegeyso inuu jiro

Page 5: JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA GOLAHA … · in la khilaafo hab raaca dakhli ururinta ee hay’adaha dowlada ee faraya in si joogta ah loogu xereeyo khasnada dhexe (Single Treasury

5 | P a g e

isdhin xoog leh haddana xukuumaddu waxay marar badan sheegtay inuu koror dhaqaale jiro oo dakhliga soo xerooday ka batay intii uu

ku talogalku ahaa sida ku xusnayd soo jeedinti ku-noqoshadi Miisaaniyadda 2018.

t. Kharashka baxay Sanad Miisaaniyadeedka 2018 bilaha Janaayo ilaa Agoosto

Sida ka muuqata lifaaqa 2aad ee Kharashka Sannad Miisaaniyadeedka 2018, Guddiga oo tixraacaya warbixinada iyo baaritaanada uu ka

helay xafiiyada Xisaabiyaha guud iyo Hantidowraha aadna ugu kuur galay dib u eegisna ku sameeyay hab-maalmulka kharash bixinta

qoondada miisaaniyadda waxaa usoo ifbaxay arimaha hoos ku xusan:

1. In Wasaaradda Maaliyaddu ku dhaqmin asalkii Qoonda Miisaaniyadda 2018 ee Golaha shacabku ansixiyay sida ka muuqata

warxin maaliyadeedka soo gaartay guddiga horane u dhacday sanadki 2017 taas oo kaliftay in uu xirmi waayo xisaab-xirki 2017 ee

golaha loo soo gudbiyay kaliftane in guddigu dib ugu soo celiyo guddonka Golaha si dib loogu celiyo Wsaaaradda Maaliyadda.

2. Qarashaadka socodsiinta howlaha adeega (Running Cost) inta badan mahelaan hay’adaha dowlada marka laga reebo

madaxtooyada, golaha shacabka, Xafiiska Ra’iisulwsaaraha iyo Wasaaradda Maaliyadda taas oo ay ka dhalan karto gaabis ku

yimaada howlaha ay u xilsaaranyihiin hay’adahaasi sida Safaaradaha aan ku leenahay dalka dibadiisa, waxaa kale oo ka dhalan kara

in la khilaafo hab raaca dakhli ururinta ee hay’adaha dowlada ee faraya in si joogta ah loogu xereeyo khasnada dhexe (Single

Treasury Account) sida hore u dhacday hay’ada qaar kana muuqatay Warbixinta hantidhowraha.

Page 6: JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA GOLAHA … · in la khilaafo hab raaca dakhli ururinta ee hay’adaha dowlada ee faraya in si joogta ah loogu xereeyo khasnada dhexe (Single Treasury

6 | P a g e

3. Waxaa guddiga usoo baxday in si aan sharci ahayn lagusoo aruuriyay lacago loona bixiyay sidoo kale si aan sharci ahayn,

lacagahaas Waxaa ku amray Shirkadaha Xawaaladaha iyo Bangiyada gaarka loo leeyahay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda in ay

bixiyaan waxaana lagu tilmaamay qaaraan lasiinayo Xarunta Warbixinta Maaliyadeed ama Financial Reporting Centre (FRC) oo ah

hay’ad dowladeed oo leh qoondo miisaaniyadeed. Hadaba arintaan waxaa ka muuqata iska hor imaad maslaxadeed (conflict of

interest) maadaama xaruntaan sababaha loo abuuray ama waajibaadkeedu yahay in ay korjoogtayso xawaaladaha iyo bangiyada

gaarka loo leeyahay si looga hortago lacagaha fal dinbiyeedyada ku xusan sharciga ka hor tagida lacag dhaqida iyo maalgelinta

argagixisada (AML/CTF).

4. Waxaa kale oo guddiga u cadaatay in ilaa iyo hadda aan laga qaadin shirkadaha xawaaladaha iyo bangiyada gaarka loo leeyahay

aan laga qaadin canshuurti Sharciga ahayd halka lagu amray in ay bixiyaan lacago aan sharciga waafaqsanayn, iyadoo habka loo

maray qabashada/ aruurinta lacagahaas amma lagu bixiyay ay baal marsanyihiin nidaamka maaliyadda iyo xeerarka loo jideeyey.

Waxaa kale oo xusuusin mudan in lacaghaas lagu shubay xisaabta gaarka ah ee wasaaradda Maaliyada ku leeahay bangiga dhexe

sida uu amray Wasiirka Wasaaradda taas oo ah sharci darro khliaafsan dhammaan shuruucda `maaliyadeed ee dalka, halka ay ahayd

in lagu xereeyo khasnada dhexe ee dowladda.

Page 7: JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA GOLAHA … · in la khilaafo hab raaca dakhli ururinta ee hay’adaha dowlada ee faraya in si joogta ah loogu xereeyo khasnada dhexe (Single Treasury

7 | P a g e

5. Qasanadda Dhexe ee dowladda waxaa soo gaartay lacag dhan $50 Malyan sannadki 2017 kana timid Dowladda Sacuudi

Carabiya, waxaana la iscticmaalay isla sanadandkaas lacag dhan $30 malyan halka ay Wasaaraddu guddiga kusoo wargelisay $20ka

Malyan oo ka haray loo wareejinayo sanadka 2018 balse kama muuqato lacagtaas dakhliga dowladda mudada u dhaxaysa Janaayo

ilaa Agoosto 2018 sidoo kale kama muuqato in ay kasoo wareegtay lacagtaasi sannadki 2017 kuna soo wareegtay Miisaaniyadda

2018 dakhli ahaan.

6. Madax xigaha Adeega Dowlada gaar ahaan cuuraarta oo loo qoondeeyay xuquuq gaar ah waxaa laga wareejiyay lacag dhan $3

Malyan si aan waafaqsanayn sharciga kala wareejinada waxaana loo isticmaalay si aan waafaqsanayn xeerkii golaha ee xeerka

Miisaaniyadda 2018.

7. Raasumaalka: Waxaa jira Madax xigayaal kala duwan oo ay kujiraan lacago loogu tala galay raasumaal/ama mashaariic

hurumarineed oo ka mid ah qoondada Miisaaniyadda 2018 oo loo istimcaalay si aan waafaqsanayn Xeerkii goluhu ku ansixiyay

qoondada Miisaaniyada sida ku cad qaybta 8aad qodobka 4aad farqadiisa T ee Xeerka qoondada Miisaaniyadda 2018 oo farayay in

loo isticmaalo habaraaco uu farayo sharciga iibka qaranku.

Page 8: JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA GOLAHA … · in la khilaafo hab raaca dakhli ururinta ee hay’adaha dowlada ee faraya in si joogta ah loogu xereeyo khasnada dhexe (Single Treasury

8 | P a g e

8. Dowlad gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir: Sida ku cad qaybta 8aad qodobka 4aad farqadiisa J goluhu waxaa uu faray

Wasaaradda maaliyadda in ay guddiga horkeento ka hore bisha April 2018 faahinta Miisaaniyadaa Dowlada gobaleedyada iyo

Maamulka Gobalka Banaadir ilaa iyo hadda oo sanadki sii dhamaanayo wax faahfaahin ah Wasaaradu lama soo wadaagin guddiga,

9. Sida ku cad warbixinta hanti-dhowraha guud waxaa soo galay khasnadda Maamulka gobalka banaadir lacag dhan $15,281,181

mudada u dhaxaysa Janaayo ilaa june 2018 halka hore ay ugu jirtay lacag dhan $1,911,464.42 kana dhigaysa wadarta guud ee

dakhliga maamulka gobalka banaadir lacag dhan $16,556,504.75 mudada u dhaxaysa jaanyo ilaa juun 2018, balse waxaa uu

maamulka gobanlka banaadir ka helay dowladda dhexe lacag dhan $8,575,343.24 kana mid ah lacagaha sare ku xusan isla mudada

sare ku xusan, waana lawada kharash gareeyay isla muadaas sare ku xusan dhammaan lacagahaas, inta badan malahan cadaymo

kufilan isticmaalka lacaga sare ku xusan waxaana ka muuqda maamulxumo maaliadeed oo baahsan habka kharash bxineed ee

maamulka Gobalka Banaadir waxaana ka mid ah:

b. Dowladda hoose malahan Miisaaniyada sanadeed degsaan iyo qorshe dakhli iyo kharash oo ay ansixisay jiho ka

madaxbanaan maamulka gobalka banaadir

c. In ay jiraan ha’yado iyo shakhsiyaad ka baxsan dowlada hoose oo si joogta ah lacag uga qaata dowlada hoose ayada oo

aynan jirin wax heshiis qoran ama shaqa ah oo ay u hayaan maamulka gobalka ama dowladda hoose.

d. In khasnajiga dowlada hoose kasoo bixiyay si shakhsi ah bangiga dhexe lacag dhan $5,972,0852.82 mudada u dhaxaysan

Janaayo ilaa Juun 2018 mana cada sida loo isticmaalay lacagahaas.

Page 9: JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA GOLAHA … · in la khilaafo hab raaca dakhli ururinta ee hay’adaha dowlada ee faraya in si joogta ah loogu xereeyo khasnada dhexe (Single Treasury

9 | P a g e

e. Habraaca iibka iyo bixinta qanadaraasyada ee dowlada hoose in aan loo marin tartan furan taas oo dhiiri gelinaysa musuq

maasuq, naas nuujin, maamul xumo iyo xatooyada xoolaha dadweynaha isla markaana baarlmarsan sharciga iibka qaranka

f. Dhammaan shaqaalaha dowlada hoose gunnada lasiiyo waxaa laga jaraa 30% sifo aan sharci ahayn waxaana jira

Shakhsiyaad farabadan oo gunno ku qaata lataliyaal aanan lahan wax tixraac waajibaad shaqo ah (ToR) oo qoran heshiisna

kula jirin gobalka banaadir.

g. waxaa kaloo intaas dheer in Maamulka Gobalka Banaadir uu ka helay dowlada dhexe lacag kabadan Qoondada

Miisaaniyadda ee aan cadayn isticmaalkeedu mudada u dhaxasa Janaayo ilaa Agoosto 2018. Waxaana sharci dara ah in

hay’adaha dowlada loo hormariyo lacaga aan la gaarin waqtigoodi.

10. Wasaaradda Maaliyada: Sida ka muuqata warbixin xisaabeedka mudada u dhaxaysa Janaayo ilaa iyo Agoosto 2018 Wasaaradda

Maaliyadu waxaa ay isticmaashay si aan waafaqsanayn xeerka qoondada Miisaaniyadda boqolaal kun oo doolar oo ka dheeri ah

Miisaaniyadeeda mudada sare ku xusan. Sidoo kale waxaa guddiga usoo ifbaxday in ay jiraan shaqaale ka qaatada mushaaro in

kabadan hal meel/hay’ad taas oo aan waafaqanayn nidaamka maaliyadeed ee dalka.

11. Guddiga waxaa usoo ifbaxday in amarka kharash bixineed ee khasanada dhexe oo si gaar ah awooda u siinaya xafiiska

xisaabiyaha Guud in uu Bangiga dhexe ula wareegay si aan waafaqsanayn hab-raaca shuruucda maamluka maaliyadda ee dalka

taas oo abuurtey; dibu dhaca kharash bixnta ayada oo dakhli ku filani ku jiro khasmnadda dhexe sida ku cad warbixinta

Hantidhowraha Guud ee Qaranka.

Page 10: JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA GOLAHA … · in la khilaafo hab raaca dakhli ururinta ee hay’adaha dowlada ee faraya in si joogta ah loogu xereeyo khasnada dhexe (Single Treasury

10 | P a g e

j. Isticmaalka keydka kabida/lama filaanka (Contingency)

Madaxa xigaha keydka kabida/ lama filaanka waxaa goluhu xeeriyay in loo isticmaali karo oo kaliya xaaladaha deg degga ah sida

fatahaado, abaaro, cudurro dillaacay iyo kharashaad leh muhiimad qaran oo lama filaan ah kana muuqanin miisaniyadda la diyaariyay

sida ku cad qodobka 2.5 faqradiisa 1aad iyo 2aad ee qaraarki qoondada miisaaniyada 2018 goluhu ku ansixiyay, balse Wasaaradda

Maaliyaddu waxay baalmartay qaraarki Golaha waxayna isticmaashay guud ahaan $2,532,866.86 kana badan qoondadii golohu

ansixiyay, waxaana loo iscitmaalay sidi loo qoondeeyay $1,000,000 kaliya oo la mid ah 39.5%, halka loo isticmaalay si khilaafsan

xeerki golaha lacag dhan $1,532,866.86 una dhiganta 60.5% wadarta guud ee la isticmaalay. Kharshkan intabadan meelaha sida qaldan

loogu isticmaaley waxaa ka mid ah shirar dibedda ah, sahay safar, xaflado, dayn bixin shakhsi ah, dayactir, kiro guri, kharash koronto,

martigelin iyo kharashaad Hotel, qalabayn hay’ado dowladeed, mishahar bixin, shiidaal, iibka baabuurka aan xabaddu karin iyo wax la

mid ah oo qoondo iyo madaxyo u gaar ah ku leh xeerka miisaaniyadda. Taasi oo si toos ah uga hor imanaysa sharciga maaliyadda iyo

xeerka qoondada miisaaniyadda ee Goluhu ansixiyey.

Page 11: JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA GOLAHA … · in la khilaafo hab raaca dakhli ururinta ee hay’adaha dowlada ee faraya in si joogta ah loogu xereeyo khasnada dhexe (Single Treasury

11 | P a g e

J. FULINTA QARAARKI GOLAHA EE QOONDADA MIISAANIYADDA 2018.

Guddigu waxaa uu dib u eegis ku sameeyay dhaqan galka qararaadki goluhu ku meel mariyay qoondada miisaaniyadda 2018

waxaana usoo ifbaxday in aysan fulin Wasaaradda maaliyaddu qodobada soo socda:

1. Qodobka 2.4 farqadiisa 1aad ee kala wareejinada xafiisayda dhxadooda ah waxaa loo fuliyay qaar ka mid ah si aan waafaqsanayn

habraaca goluhu u meelmariyay sida ku cad kal wareejinada soo garaay xafiiska guddiga sida kala wareejinada cuuraarta oo laga

soo wareejiyaya lacag dhan $3 Malyan loona isticmaalay si aan waafaqsanayn qaraarki golaha.

2. Qodobka 2.5 farqadiida 1aad iyo 2aad ee la xariirta kala wareejinada kaydka kabidda/Lama filaanka waxaa loo fuliyay si aan

waafaqsanayn xeerka qoondada miisaaiyadda 2018 iyo shuruucda maaliyadeed ee dalka

3. Qodobka 3.1 ee la xariira Mudnaanta kala horumarinta qarash bixinta waxaa loo fuliyay si aan waafaqsanayn xeerka qoondada

miisaaniyadda 2018

4. Qodobka 3.8 ee laxariira warbixin maaliyadeedka bilaha ah in loosoo gudbiyo guddiga 10ka bil walba looma fulin qodobkaas

si waafaqsan qaraarki golaha, guddiguna mahelo wax warbixin bileed ah oo aan guddigu dalban waxyna qaadataa waqti in uu helo

jawaabaha waydiimada uu guddigo dalbado.

Page 12: JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA GOLAHA … · in la khilaafo hab raaca dakhli ururinta ee hay’adaha dowlada ee faraya in si joogta ah loogu xereeyo khasnada dhexe (Single Treasury

12 | P a g e

5. Qodobka 4aad ee xeerka qoondada Miisaaniyadda waxaa uu farayay in Wasaaradda Maaliyaddu hor keento golaha

sharcigi canshuuraha ka hor 30 April 2018 welina lagama hayo.

6. Goluhu waxaa uu faray wasaaradda in aan la’isticmaali karin dakhli iyo kharash aan ka mid ahayn qoondada miisaaniyada

balse Wasaaraddu waxa ay si aan waafaqsanayn xeerka qoondada miisaaniyadda 2018 iyo shuruucda maamulka maaliaydeed ee

dalka kusoo aruurisay dakhli una isitcmaashay kharash sida ku cada qaybta 1.2 faqradeeda 3aad ee warbixintan.

7. Goluhu waxaa uu faray Wasaarada gaashaandhiga in Dhammaan Ciidanka Xooga Dalka lasoo diiwaan geliyo ka hor 30

june 2018 waxaana guddiga lagu soo wargeliyay in 5,400 kaliya la diiwaan geliyay halka aan weli ciidamada intoodi kale la

diiwaan gelin, sidoo kale goluhu waxaa uu faray Wasaarada maaliyadda in loo kordhiyo konton ($50) doolar askarigiiba tirada

lasoo diwaan geliyo oo kaliya oo aan gunnada ku qaadan darajo, balse arinkaas Wasaaradda Maaliyadu mafulin kordhintaas

iyada oo aan sababayn.

8. Goluhu waxaa uu faray Wasaaradda Maaliyadda in ay usoo gudbiso guddiga si uu golaha ula wadaago liiska daymaha

gudaha lagu leeyahay dowlada oo faahfaasan ka hore 30 April 2018 welina guddiga uma soo gudbin Wasaaraddu .

Page 13: JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA GOLAHA … · in la khilaafo hab raaca dakhli ururinta ee hay’adaha dowlada ee faraya in si joogta ah loogu xereeyo khasnada dhexe (Single Treasury

13 | P a g e

9. Goluhu waxaa uu faray Wasaaradda in qof walba oo qaata mushaar ama gunno dowladeed sida shaqaalaha, ciidamada

iyo siyaasiinta loogu shubo xisaabtooda gaarka ah arintaan weli si rasmi ah uma dhaqan gelin gaar ahaan dhanka ciidamada.

10. Ugu dambeyntii sida ku cad qaraarkii ansixinta miisaaniyadda 2018 waxaa si gaar ah loo tilmaamay miisaaniyad dhan

siddeed milliyan iyo afar boqol oo kun ($ 8,400,0000) oo si gaar ah loogu qoondeeyey in lagu bixiyo mishaharkii xildhibaanadii

iyo shaqaalihii hore , hase ahaatee lacagtaasi waxaa laga isticmaaley laguna bixiyey arrimo aan loogu talo galin hanti dhan

Saddex Milliyan ($3,000,000) iyadoo aan ilaa hadda oo wax ka yar labo bilood oo keli ahi ka hadhey sannad maaliayadeedka

aanan xuquuqda shaqaalaha iyo mas’uuliyiintii dalkan sida naf hurka leh ugu soo shaqeeyey aysan helin

mishaharkoodii/gunnadii lagu ansixiyey xeerka qoondada miisaaniyadda 2018 ka.

11. Guddiga waxaa uu kala kulmay bangiga dhexe caqabad iyo in uu ka madax adeego la wadaagida xogaha la xiriirara

laxisaabtanka hay’adaha dowlada kadib marki guddigu u diray qoraalo rasmi ah kana waayay wax jawaab celin ah taas uu

muujinaysa in bangiga dhexe ogolayn hufnaanta maaliyadeed ee xisaabaadka dowladda loona igmaday Guddiga.

Page 14: JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA GOLAHA … · in la khilaafo hab raaca dakhli ururinta ee hay’adaha dowlada ee faraya in si joogta ah loogu xereeyo khasnada dhexe (Single Treasury

14 | P a g e

X. GUNAANADKA IYO SOO JEEDINTA GUDDIGA:

1. In Wasaaradda Maaliyaddu hor keento golaha sababah Miisaaniyadda 2018 ee goluhu ansixiyay loogu dhaqmi

waayay loona dejiyay miisaaniyad aan waafaqsanayn xeerki golaha una gaar ah Wasaaradda Maaliyadda

2. In Wasiirka Wasaaradda Maaliayaddu Golaha horkeeno sababha Wasaaraddu u fulin weyday inta badan

Qaraaradi Golaha Shacabka ee lagu Ansixiyay Qoondada Miisaaniyadda 2018

3. In Wasiirka Wasaaradda Maaliyaddu horkeeno Golaha sharciga u fasaxay in uu kusoo aruuriyo sifa aan sharci

ahayn lacagaha laga qaaday shirkadaha Xawaaladaha iyo Banigayda gaarka loo leeyahay kuna shubo Xisaab Wasaaradu

si gaar ah u maamusho oo aan ahayn qasnada dhexe ee dowladda

4. In Hanti-dhowraha qaranku soo baaro warbixin dhamaystirana ka keeno lacagaha wasaaraddu kusoo aruurisay

sifada aan sharciga ahayn iyo sida loo isticmaalay lacagtaas, hadii ay jirto lacag haraa ah oo aan weli la’istcmaalina sharciga

la waafajiyo.

Page 15: JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA GOLAHA … · in la khilaafo hab raaca dakhli ururinta ee hay’adaha dowlada ee faraya in si joogta ah loogu xereeyo khasnada dhexe (Single Treasury

15 | P a g e

5. In hanti-dhowruhu soo baaro halka ay ku danbaysay lacagta $20 ka Malyan ah ee ka timid Dowlada Sacuudi

Carabiya oo hore loo sheegay in Miisaaniyadda 2018 lagu soo dari doono balse aan ka muuqan Miisaaniyadda iyo warbxin

xisaabeedka 2018 ee guddiga soo gaaray.

6. In la hakiyo Miisaaniyadda Hay’adaha qaatay lacag ka badan qoondadoodi Miisaniyadeed mudada u dhaxaysa

janaayo–Agoosto 2018 ilaama la hubinayo in aynan qabin wax horumaris ah sida Wasaaradda Maaliyadda iyo Gobalka

Banaadir, waxaana u xilsaaran hubinta rintaas hantidhowraha iyo Xisaabiyaha guud ee qaranka warbixina kasoo siiyo

guddiga si uu ula soo wadaago golaha.

7. In hanti-dhowruhu soo baaro dhammaan lacagaha ku xusan warbixinta guddiga ee loo isticmaalay si aan

waafaqsanayn xeerka qoondada Miisaaniyadda 2018.

8. Guddigu waxaa uu si adag u farayaa Bangiga dhexe in uu dhowro maamulka khasnada dhexe una madaxbaneeyo

xafiisya xisaabiyaha guud kuna koobnaado mas’uulayadiisa.

Page 16: JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA GOLAHA … · in la khilaafo hab raaca dakhli ururinta ee hay’adaha dowlada ee faraya in si joogta ah loogu xereeyo khasnada dhexe (Single Treasury

16 | P a g e

Lifaaqa 1aad: Dakhliga

Tixraac Faahfaahinta Kutagalka Dhabta Farqi

111101 Caanshuurta Mushaharka (Shaqaalaha Dowladda) 3,900,000.00 2,184,221.98 1,715,778.02

111102 Canshuurta Mushaharka (Shaqaalaha Gaarka ah) 950,000.00 1,605,332.64 - 655,332.64

111201 Canshuurta Faaidoyinka Ganacsiha 1,240,000.00 1,076,905.41 163,094.59

111204 Canshuurta Daaraha 840,000.00 294,575.00 545,425.00

114102 Qaansheegadka Hoteeladda 600,000.00 1,214,499.81 - 614,499.81

114103 Isgaarsiinta 3,500,000.00 2,996,410.28 503,589.72

114104 Warshadaha Korontadda 450,000.00 - 450,000.00

114105 Shirkadaha Biyaha - - -

114106 Iibka Badeecadaha Dekadda ka soo dega 13,000,000.00 7,324,366.00 5,675,634.00

114108 Xawaaladaha - - -

114901 Biyaha Safaysan - - -

115000 Furdooyinka 81,000,000.00 -

115101 Qidmadaha Canshuurta Shidaalka - 5,017,691.00

115102 Qidmadaha Canshuurta Alaabaha laso Dhoofiy - 337,935.00

115103 Baabuurta Raaxadda - 5,203,483.00

115104 Canshuurta Sokorta laso dajiyo - 5,231,861.00

115106 Canshuurta Tubaakadda & Taraqa - 825,083.00

115108 Casnhuurta Burka - 1,811,305.00

115109 Canshuurta Qalabka Dhismaha & Korontadda - 3,417,733.00

115110 Canshuurta Miraha & Baastadda - 98,441.00

115111 Saliidda Qudaarta laga Sameeyo - 2,246,446.00

115112 Saabuunta & Qalabka Nadaafadda - 918,329.00

115113 Cudbiga, Dunta Dharka & Maryaha - 2,129,743.00

115114 Dharka Duuga ah - 820,373.00

Page 17: JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA GOLAHA … · in la khilaafo hab raaca dakhli ururinta ee hay’adaha dowlada ee faraya in si joogta ah loogu xereeyo khasnada dhexe (Single Treasury

17 | P a g e

115115 Caleenta Shaaha - 73,931.00

115116 Qudaarta & Qudaar Miroodka - 2,429,206.00

115117 Qalabka Cinjirka ama Caagga - 71,953.00

115118 Lugaha Goomaha Gaadiidka - 245,037.00

115119 Digaaga & Ukuntta - 182,096.00

115120 Qalabka Dhismaha - 2,524,426.00

115121 Qala\bka Ellektaroonikadda - 2,763,532.00

115122 Nuuca Cuntdda Sida Bariid, Baasto IWM - 5,101,330.00

115123 Alaabta Guryaha - 1,888,295.00

115124 Waxyaabaha la isku qurxiyo - 240,401.00

115125 Kuwa Kale - 10,893,126.80 26,528,243.20

115201 Casnhuurta Jaadka so daga 16,000,000.00 8,761,285.00 7,238,715.00

116102 Dakhliga Diiwaangalinta Notory-ga 2,600,000.00 1,712,184.00 887,816.00

116104 Dakhliga Canshuurta Scodka Gaadiidka 1,600,000.00 1,391,723.22 208,276.78

116105 Dakhliga Diiwaangalimaha kale 1,500,000.00 1,740,617.74 - 240,617.74

116108 Stamp duties of other invoices - 5,672.11 - 5,672.11 131101 Current (Turkey) 20,000,000.00 20,000,000.00 -

131102 Current (Saudi Arabia) 30,412,000.00 - 30,412,000.00

131103 Current (Qadar) 10,000,000.00 3,462,259.00 6,537,741.00

131104 Current (UAE) 660,000.00 - 660,000.00

131105 Current (Norway) - - -

132101 Bangiga Aduunka-Mashruuca MPTF 2,213,753.00 1,414,781.22 798,971.78

132102 Bangiga Aduunka - Mashruuca CIP 7,638,433.00 1,918,558.59 5,719,874.41

132103 Bangiga Aduunka- Mashruuca PFM 3,975,000.00 982,335.63 2,992,664.37

132104 Bangiga Aduunka - Mashruuca ICT 2,127,974.00 1,166,743.13 961,230.87

132105 Mashruuca SCORE 1,815,053.00 890,376.75 924,676.25

132106 RCRF - Salary 28,230,000.00 7,916,498.33 20,313,501.67

132110 RCRF - sub-National - 3,562,434.23 - 3,562,434.23

Page 18: JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA GOLAHA … · in la khilaafo hab raaca dakhli ururinta ee hay’adaha dowlada ee faraya in si joogta ah loogu xereeyo khasnada dhexe (Single Treasury

18 | P a g e

132111 RCRF - Project expenses - 270,899.75 - 270,899.75

132112 Bangiga Horumarinta Afrika- Mashruuca EFG 2,020,000.00 492,344.00 1,527,656.00

132114 Mashruuca SUIPP 3,097,425.00 93,751.35 3,003,673.65

132115 Mashruuca Dib u dejinta Degmooyinka (UN) 939,600.00 535,292.00 404,308.00

132116 Midoowga Yurub (Mushaaraadka Booliska) 4,008,000.00 - 4,008,000.00

132118 Mashruuca Surge Support - 2,000,000.00 - 2,000,000.00

132402 Hadhagii Xisaabaadka 1,465,648.00 - 1,465,648.00

133201 Capital (world Bank) - - -

142101 Qidmadda Maamulka 147,305.00 2,765,837.06 - 2,618,532.06

142201 Canshuurta Dal kugalka & Baasabooradda 4,880,000.00 6,669,546.00 - 1,789,546.00

42203 Khidmadaha Dhoofka 900,000.00 - 900,000.00

142204 Khidmadaha Shatiga 460,000.00 438,838.84 21,161.16

142401 Khidmadda D/galinta Shaqaalaha 460,000.00 554,730.00 - 94,730.00

142501 Khidmadda Dekadaha 22,000,000.00 16,802,427.66 5,197,572.34

142701 Iibka Adeega & Alaabta - - -

Wadarta Guud 274,630,191.00 156,717,203.52 117,912,987.48

Lifaaq 2aad: Kharashaadka Miisaaniyadda 2018

Tixraac Magaca hay'adaha Ku talagalka Miisaaniyadda

Miisaaniyadda. Wasaaraddu ku shaqeeyo

Miis. Dhabta Jan-Agoosto.

10101 Xafiiska Madaxtooyada 4,961,697 4,931,637 2,953,158.74

10201 Xafiiska Barlamaanka 5,146,885 5,146,885 2,787,991

10202 Xubnaha golaha shacabka 14,449,312 14,449,312 8,333,866.66

10203 Xafiiska aqalka sare 3,983,520 3,983,520 2,086,533

Page 19: JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA GOLAHA … · in la khilaafo hab raaca dakhli ururinta ee hay’adaha dowlada ee faraya in si joogta ah loogu xereeyo khasnada dhexe (Single Treasury

19 | P a g e

10301 Xafiiska Raisal wasaaraha 5,454,846 5,445,351 3,035,605.64

10302 Agaasinka Bi'ada 511,736 518,351 308,525

10401 WasaaraddaArrimaha dibedda 2,610,083 2,636,543 1,474,847.20

10402 Safaaradaha 4,807,000 4,807,000 1,477,320

10501 Wasaaradda Maaliayadda 7,632,037 7,628,303 5,212,177

10502 Xisaabiyaha guud 1,617,680 1,611,065 1,045,847.17

10503 Adeegga guud ee Dowladda 33,401,482 33,021,482 19,949,832.87

10509 Agaasinka Xaruunta warbixina maaliyadda 660,000 660,000 341,584.00

10601 Wasaaradda Qorsheynta 1,529,784 1,535,166 910,683.26

10602 Hay'adda tirakoobka qaranka 288,000 288,000 0.00

10701 Wasaaradda Arrimaha gudaha 8,218,621 8,150,042 5,177,652.00

10702 Guddiga Qaxootiga Qaranka 501,944 508,559 303,534.00

10801 WasaaraddaArrimaha diinta iyo awqaafta 852,844 852,844 499,830.00

10901 Wasaaradda Cadaaladda 628,280 628,280 343,882.90

10902 Taliska Ciidanka Asluubta 5,862,760 5,862,760 3,419,940.60

10903 Maxkamadda gobolka banaadir 1,413,032 1,413,032 896,008.00

10904 Maxkamadda racfaanka 273,104 273,104 147,536.00

10905 Guddiga adeegga garsoorka 188,792 188,792 92,028.00

11001 Maxkamadda Sare 891,784 898,489 462,831.00

11101 Xeer Ilaaliyaha Guud 1,067,016 1,073,631 632,925.50

11201 Garyaqaanka guud 519,864 516,984 294,192.00

11301 Hantidhowraha guud 1,746,864 1,736,514 940,751.00

Page 20: JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA GOLAHA … · in la khilaafo hab raaca dakhli ururinta ee hay’adaha dowlada ee faraya in si joogta ah loogu xereeyo khasnada dhexe (Single Treasury

20 | P a g e

11401 Wasaaraddda Gargaarka 640,700 713,015 209,625.00

11501 Wasaaradda Dastuurka 3,472,232 3,472,232 978,846.15

11601 Guddiga Xuduudaha iyo federaalka 644,928 644,928 346,553.00

11602 Gudd. Madaxa banaan ee dib u heshiista Qaranka 501,132 501,132 282,187.40

11603 Gudd. Madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka 2,500,000 2,500,000 882,946.00

11604 Guddiga madaxa banaan ee xuquuqul insaanka 468,000 468,000

11605 Gud. Madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka 695,636 695,636 388,186.50

11606 Gud. Madaxa banaan ee shaqaalaha rayidka 1,103,872 1,103,872 667,013.30

11607 Gud. Madaxa banaan ee la dagaalanka musuq. 300,000 300,000

20101 Wasaaradda gaashaandhigga 2,646,040 2,632,015 654,112.00

20102 Taliska Ciidanka xoogga 44,833,182 44,833,182 36,157,599.90

20103 Maxkamadda ciidamada 1,456,000 1,456,000 842,916.66

20104 Hay'adda naafada & agoonta ciidamadda 115,000 115,000 47,165.34

20201 Wasaardda Amniga 1,988,780 1,982,165 1,154,794.00

20202 Taliska ciidanka booliska 21,949,920 21,949,920 12,872,019.40

20203 Hay'adda Nabadsugidda Qaranka 12,505,680 12,505,679 7,294,699.90

20204 Hay'adda socdaalka iyo jinsiyadaha 4,066,920 4,066,920 2,372,370.00

30101 Wasaaradda Tamarta iyo biyaha 1,101,452 1,101,362 674,553.56

30201 Wasaaradda Macdanta 1,277,583 1,281,318 574,350.91

30301 Wasaaradda Beeraha 1,134,868 1,167,268 716,569.80

30401 Wasaaradda Xanaanada Xoolaha 986,236 986,911 570,076.90

30501 Wasaaradda kallumeysiga 1,180,960 1,187,575 626,527.50

Page 21: JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA GOLAHA … · in la khilaafo hab raaca dakhli ururinta ee hay’adaha dowlada ee faraya in si joogta ah loogu xereeyo khasnada dhexe (Single Treasury

21 | P a g e

30502 Hay'adda cilmi baarista badaha 497,784 491,169 286,784.00

30503 Mashruuca horumarinta xeebaha 99,340 99,340 44,348.00

30601 Wasaaradda Warfaafinta 4,098,266 4,096,313 2,485,510.20

30701 Wasaaradda Boostada 1,562,494 1,560,712 919,002.50

30703 Hay'adda isgaarsiinta 1,088,000 1,088,000 249,604.37

30801 Wasaaradda howlaha guud 1,245,660 1,232,430 668,361.00

30901 Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada 1,875,664 1,881,559 1,039,682.10

30902 Hay'adda saadasha iyo duulista hawada 717,096 731,046 413,264.00

31001 Wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda 1,203,028 1,203,028 747,656.00

31002 Dekedda Xamar 104,500 484,500 418,958.75

31101 Wasaaradda ganacsiga 2,095,780 2,095,780 1,164,416.42

40101 Wasaaradda Caafimaadka 4,393,320 4,395,273 763,336.40

40201 Wasaaradda Waxbarashada 7,077,488 6,714,258 1,735,961.00

40202 Jaamacadda Umadda 2,284,581 2,634,581 1,245,949.69

40203 Akademiyada cilmiga fanka iyo suugaanta 813,556 830,521 360,850.00

40204 Akademiyada goboleedka af soomaliga 1,324,260 1,324,260 220,400.00

40301 Wasaaradda shaqada 1,439,744 1,464,119 822,334.24

40401 Wasaaraddda isboortiga iyo dhallinayarada 692,572 645,412 405,409.00

40501 Wasaaradda haweenka & hor. Xuquuuqul insaanka 975,292 974,437 569,741.60

11402 Hay'adda Maareynta masiibooyinka 276,440 276,440 154,676.00

Mashaariicda

1030301 Mashruuca CIP 7,638,433 7,638,433 2,042,936

Page 22: JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA GOLAHA … · in la khilaafo hab raaca dakhli ururinta ee hay’adaha dowlada ee faraya in si joogta ah loogu xereeyo khasnada dhexe (Single Treasury

22 | P a g e

1050401 Mashruuca SFF 2,213,753 4,213,753 1,864,735.17

1050501 Mashruuca PFM 3,975,000 2,975,000 1,009,372.18

1050601 Mashruuca EFG 2,020,000 1,020,000 7,291.80

1050701 Mashruuca RCRF 2,150,000 2,150,000 750,950.35

1050801 Mashruuca SCORE 1,815,053 1,815,053 1,273,527.52

1070301 Mashruuca dib u dejinta degmooyinka 939,600 939,599 630,672.00

1070401 Mashruuca SUIPP 3,097,425 3,097,425 159,265.00

3070201 Mashruuca ICT 2,127,974 2,127,974 1,721,372.98

Total Budget 274,630,191 274,630,191 152,582,958