7
1 Macluumaad qoto dheer oo ku saabsan baadhitaanka cudurka kansarka ee ku dhaca qanjidhka ku yaala xiniinyahay Qoraalkan waxaa loogu talogaley qofka heley marti qaad ah in lagu sameeyo baadhitaan joogto ah oo ku saabsan cuduka kansarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyhaya (prostatacancer). Waxaa aad halkan ka akhrisan kartaa macluumaad dheeri ah oo ku saabsan faa’iidooyinka iyo khasaaraha uu leeyahay baadhitaanku ka hor inta aand go’aansan in lagagu sameeyo baadhitaanka iyo in kale. Faa’iidooyinka iyo khasaaraha ku jira in la sameeyo baadhitaanka Waxaa fiican in hore loo ogaado cudurka kansarka isla markaana hore loo bilaabo daaweynta cudurku kansarka ka hor inta aanay soo bixin calaamada ama dhibaatooyinka cudurku. Sidaa aawadeed waxaa jira barnaamij badhitaan oo heer qaran ah oo loogu talogaley in hore loogu ogaado cudurada ay ka midka yihii kansarka ku dhaaca naasaha. Laakiin marka laga hadlayo baandhitaana kansarka ku dhaca qanjidhka xiniinyahay waxaa ay qiimeeyeen hay’ada qaabilsana kormeerka caafimaadka (Socialstyrelsen) in faa’iidooyika ku jira in la sameeyo baadhitaanka guud ee heer qaran uusan ka badneyn khasaaraha uu keeni karo baadhitaanku. Sidaa aawadeed ma jiro barnaamij baadhitaan guud oo heer qaran ah oo loogu talogaley kansarka ku dhaca qanjirka xiniinyaha. Sidaa aawadeed waxaa taa bedealkeeda haboon in la siiyo ragga macluumaad guud oo ka caawin kara in uu qof kastaa isagu go’aan ka gaadho haddii uu rabo in baadhitaanka uu sameeyo ama uu iska dhaafo. Faa’iidada ugu muhiimsan ee ku jirta in la sameeyo baadhitaan joogta ah waa in ay jirto fursad fiican oo hore loogu ogaan karo isla markaana lagu daweyn karo cudurka kansarka ee ku dhaca qanjidka xiniinyahay oo aad halis u ah, ka hor inta aysan soo bixin waxyeeladiisu isla markaana uusan ku fidin jidhka intiisa kale. Ragga aadka ugu welwelsan in uu ku dhaco cudurka kansarka ee ku dhaca xiniinyaha, waxaa dhici karta in ay dareemaan degenaansho haddii jawaabta ka soo baxada tijaabada shaybaarka ee lagu magacaabo PSA (PSA-prov) ay noqoto mid caadi ah. Kahasaarah ugu daran ee la soo darsi kara baadhitaanka ka dib, waa in ay dhici karta in uu horseedo in haddii qofka lagu sheego in uu qabo cudurka kansarka isla markaana lagu sameeyo daaweyn aan loo baahneyn, maadaama aysan jirin halis ah in uu qofka ku noqdo cudur halis ah. Daaweynta cudurka kansarka ee ku dhaca qnjidhka xiniinyahay (prostatacance) waxaa uu horseedi karaa ama keeni karaa hoos dhac ku yimaada tayada nolosha ee qofka. Khasaare kale oo uu keeni karo baandhitaanka ama tijaaba lagu magacaabo PSA, waa uu in uu cadadka maadada ma dheecaanka PSA ee ku jira dhiigga uu ka sareeyo intii caadiga ahayd, laakiin ay jirto sababo kale oo ugu wacan sareyntaas oo aan aheyn cudrka kansarka ee ku dhaca xiniinyaha (prostatacance). Waxaa ay taas macnaheedu noqoneysaa in rag badan oo laga qaadey tijaabada sheybaarka ee lagu magacaabo PSA (PSA-prov) ay u baahdaan baadhitaano kale oo lagaga sameeyo qanjidhka xiniinyaha, xitaa isaga oo aan qofka ku dhicin cudurka kansarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyahay (prostatacance). Qiyaastii 10-kii ninba 1 nin oo ka mid ah ragga ku jira da’aha dhexe ayaa cadadka maadad PSA ay si dhex-dhexaad ah kor ugu kacaadaa, sidaa aawadeed waxaa lagu marti qaada raggaas baadhitaano dheeri ah si loo xaqiijiyo in ay qabaan cuduka kansarka ee ku dhaca qanjidhka xininnyaha (prostatacancer) iyo in kale. Kaliya shantii ninba hal nin oo mid ka mid ah ragaas ayaa ugu danbeyntii laga helaa cudurka kansarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyahay (prostatacance). Marka baadhitaanka loo sameeyo si joogta ah muddo dhowr sannadood ah afartii ninba hal nin oo ka mid ka mid ah ayaa lagu arkaa in

Macluumaad qoto dheer oo ku saabsan baadhitaanka ......kansarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyaha tobaka sanno ee soo socda waa mid aad iyo aad u hooseysa. Haddii cadadka dheecaanka

  • Upload
    others

  • View
    9

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: Macluumaad qoto dheer oo ku saabsan baadhitaanka ......kansarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyaha tobaka sanno ee soo socda waa mid aad iyo aad u hooseysa. Haddii cadadka dheecaanka

1

Macluumaad qoto dheer oo ku saabsan baadhitaanka cudurka kansarka ee ku dhaca qanjidhka ku yaala xiniinyahay Qoraalkan waxaa loogu talogaley qofka heley marti qaad ah in lagu sameeyo baadhitaan joogto ah oo ku saabsan cuduka kansarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyhaya (prostatacancer). Waxaa aad halkan ka akhrisan kartaa macluumaad dheeri ah oo ku saabsan faa’iidooyinka iyo khasaaraha uu leeyahay baadhitaanku ka hor inta aand go’aansan in lagagu sameeyo baadhitaanka iyo in kale.

Faa’iidooyinka iyo khasaaraha ku jira in la sameeyo baadhitaanka Waxaa fiican in hore loo ogaado cudurka kansarka isla markaana hore loo bilaabo daaweynta cudurku kansarka ka hor inta aanay soo bixin calaamada ama dhibaatooyinka cudurku. Sidaa aawadeed waxaa jira barnaamij badhitaan oo heer qaran ah oo loogu talogaley in hore loogu ogaado cudurada ay ka midka yihii kansarka ku dhaaca naasaha. Laakiin marka laga hadlayo baandhitaana kansarka ku dhaca qanjidhka xiniinyahay waxaa ay qiimeeyeen hay’ada qaabilsana kormeerka caafimaadka (Socialstyrelsen) in faa’iidooyika ku jira in la sameeyo baadhitaanka guud ee heer qaran uusan ka badneyn khasaaraha uu keeni karo baadhitaanku. Sidaa aawadeed ma jiro barnaamij baadhitaan guud oo heer qaran ah oo loogu talogaley kansarka ku dhaca qanjirka xiniinyaha. Sidaa aawadeed waxaa taa bedealkeeda haboon in la siiyo ragga macluumaad guud oo ka caawin kara in uu qof kastaa isagu go’aan ka gaadho haddii uu rabo in baadhitaanka uu sameeyo ama uu iska dhaafo. Faa’iidada ugu muhiimsan ee ku jirta in la sameeyo baadhitaan joogta ah waa in ay jirto fursad fiican oo hore loogu ogaan karo isla markaana lagu daweyn karo cudurka kansarka ee ku dhaca qanjidka xiniinyahay oo aad halis u ah, ka hor inta aysan soo bixin waxyeeladiisu isla markaana uusan ku fidin jidhka intiisa kale. Ragga aadka ugu welwelsan in uu ku dhaco cudurka kansarka ee ku dhaca xiniinyaha, waxaa dhici karta in ay dareemaan degenaansho haddii jawaabta ka soo baxada tijaabada shaybaarka ee lagu magacaabo PSA (PSA-prov) ay noqoto mid caadi ah. Kahasaarah ugu daran ee la soo darsi kara baadhitaanka ka dib, waa in ay dhici karta in uu horseedo in haddii qofka lagu sheego in uu qabo cudurka kansarka isla markaana lagu sameeyo daaweyn aan loo baahneyn, maadaama aysan jirin halis ah in uu qofka ku noqdo cudur halis ah. Daaweynta cudurka kansarka ee ku dhaca qnjidhka xiniinyahay (prostatacance) waxaa uu horseedi karaa ama keeni karaa hoos dhac ku yimaada tayada nolosha ee qofka. Khasaare kale oo uu keeni karo baandhitaanka ama tijaaba lagu magacaabo PSA, waa uu in uu cadadka maadada ma dheecaanka PSA ee ku jira dhiigga uu ka sareeyo intii caadiga ahayd, laakiin ay jirto sababo kale oo ugu wacan sareyntaas oo aan aheyn cudrka kansarka ee ku dhaca xiniinyaha (prostatacance). Waxaa ay taas macnaheedu noqoneysaa in rag badan oo laga qaadey tijaabada sheybaarka ee lagu magacaabo PSA (PSA-prov) ay u baahdaan baadhitaano kale oo lagaga sameeyo qanjidhka xiniinyaha, xitaa isaga oo aan qofka ku dhicin cudurka kansarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyahay (prostatacance). Qiyaastii 10-kii ninba 1 nin oo ka mid ah ragga ku jira da’aha dhexe ayaa cadadka maadad PSA ay si dhex-dhexaad ah kor ugu kacaadaa, sidaa aawadeed waxaa lagu marti qaada raggaas baadhitaano dheeri ah si loo xaqiijiyo in ay qabaan cuduka kansarka ee ku dhaca qanjidhka xininnyaha (prostatacancer) iyo in kale. Kaliya shantii ninba hal nin oo mid ka mid ah ragaas ayaa ugu danbeyntii laga helaa cudurka kansarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyahay (prostatacance). Marka baadhitaanka loo sameeyo si joogta ah muddo dhowr sannadood ah afartii ninba hal nin oo ka mid ka mid ah ayaa lagu arkaa in

Page 2: Macluumaad qoto dheer oo ku saabsan baadhitaanka ......kansarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyaha tobaka sanno ee soo socda waa mid aad iyo aad u hooseysa. Haddii cadadka dheecaanka

2

cadadka maadada PSA uu ku yimaado kor u kaco wakhti ka mid ah muddada baadhitaanku socdo. Hadaba ragga uu cadadkooda maadada PSA kor u kac ku yimaado waxaa suurogal in hubaasho la’aanta ah in ay qabaan cudurka kansarka iyo in kale uu ku keeni karo welwel aad u badan. Waxaa caadi ah in baadhitaanku inta badan muujiyo in ragga lagu sheego kansar aad u yar oo aan haba yaraatee noqon doonin cudur aad khatar ah, halkii lagu bilaabi lahaa daawen si looga hortago in cudurka kansarku uu kuf ido jidhka intiisa kale mustaqbalka.

Waa maxey waxyaabaha dhiiri galin kara badhitaanka iyo waxyaabaha lidka ku ah? Waxyaabahan hoos ku qoran ayaa dhiiri galin kara in la sameeyo baadhitaanka joogto ah:

• Haddii ay kuula muuqato in ay ka muhiimsantahay in la dhimo halista in uu qofka ku dhaco cudurka kansarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyahay (prostatacancer) oo aad halis u ah, halkii aad ka feejignaan laheyd waxyeelada uu keeni karto daaweyntu.

• Haddii aabahaa ama walaalkaa uu hore ugu dhacey cudurka kansarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyahay (prostatacancer), gaar ahaan haddii laga helo cudurka ka hor inta aysan gaadhin 75 sanno jir. Haddii rag badan oo k mid ah qoyskaaga uu horu ugu dhacey cuduka kansarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyahay (prostatacancer) waxaa kordhaya halist ah in uu adigana kugu dhaco cudurku.

• Haddii hore lagaaga qaadet tijaabada sheybaadhka ee PSA (PSA-prov) isla markaana aad rabto in laguu sii wado baadhitaanka.

Waxyaabahan hoos ku qoran ayaa lid ku noqon kara in la sameeyo baadhitaanka:

• Haddii aad qabto cudur aad halis u ah, kaas oo ay dhici karto in uu halis galiyo noloshaada tobanka sanno ee soo socda, waxaa haboon in aad iska dhaafto in aad sameyso baadhitaanka. Inta badan waxaa ay qaadataa qiyaastii toban sanno in cudurka kansarka ee noocan oo kale ah ee ku dhaca qanjidhka xiniinyahay ee lagu ogaado baadhitaanka in uu noqdo cudur halis ah.

• Haddii ay kuula muuqato in ay ka muuhiimsantahay in laga feejignaado baadhitaanka joogtada ah iyo waxyeelooyinka ay keeni karto daawada, halkii la yareyn lahaa halista in uu kugu dhaco cudurka kansarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyahay oo aad halis u ah mustaqblaka danbe.

Baadhitaanka dhiigga PSA Hadaba haddii aad doorato in aad iska tijaabiso cudurka kansarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyahay (prostatacancer), talaabada ugu horeysa ee haboon in la qaado waa in lagaaga qaado baadhitaanka dhiig shaybaarka guud ee lagu qaado dhiigagga. Fadlan halkan ka fiiri shaybaarada guud ee lagu qaado dhiigga ee aad booqan karto Dhiigga waxaa lagu irbad lagu mudayo ama lagu durayo xiddid muuqda oo ku yaala gacanta Waxaa dhiigga lagu baadhayaa maaddo gaar ah oo lid ku ah unnugyada qanjidhka xiniinyaha oo loo yaqaano (prostataspecifikt antigen PSA), waa maado ama dheecaan uu soo daayo qanjidhka ku yaala xiniiyaha. Cadadka dheecaanka PSA ee ku jira dhiigga kor buu u kacaa marka uu ninku weynaado, maadaama qanjidhka xiniinyuhu uu marba marka ka danbeysa sii weynaado ragga intooda badan. Hadaba hadii uu cadadka maadada PSA uu dhaafo heer loogu talogaley , waxaa markaa loo baahanyahay in lagu sameeyo baadhitaano dheeri ah qanjidhka xiniinta si loo

Page 3: Macluumaad qoto dheer oo ku saabsan baadhitaanka ......kansarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyaha tobaka sanno ee soo socda waa mid aad iyo aad u hooseysa. Haddii cadadka dheecaanka

3

hubiyo in sababta uu dheecaanka PSA uu kor ugu kacsanyahay ay tahay kansar ama xanuuno kale oo caadi oo ku dhaca qanjidhka xiniinyahay.

Waa maxay macnaha jawaabta ka soo baxda tijaabada sheybaadka ee PSA (PSA-provet)?

Cadadka maadada ama dheecaanka PSA kuma xidhno inta badan in uu yahay kanasar Qiyaastii 10-kii ninba ee ku jira da’aha dhexe hal nin oo ka mid ah ayaa qaba in cadadka dhaaceenaka PSA uu kor ugu koco si dhex-dhexaad ah, waxaa sidaa aawadeed lagu taliyaa in lagu sameeyo baadhitaan dheeri ah qanjidhka xiniinyaha si loo ogaado in uu ninku qabo cudurka kansaarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyaha (prostatacancer) iyo in kale. Sababta ugu muhiimsan ee keenta in cadadka dheecaanka PSA oo si dhex-dhexaad ah kor ugu koco waa barrar caadi ah oo ku yimaada qanjidhka xiniinta. Barrarkaas caadiga ee ku yimaada qanjidhka xiniiyahay waa mid inta badan ku dhaca ragga ku jira da’aha dhexe iyo ragga waayeelka ah. Barrarkaa sida caadiga ah wax daawo ah looma qaato, haddii uusan wax cilad ah ku keenin qulqulka ama socodka kaadida. Infakshan ku dhaca xubnaha kaadi mareenka, waxaa uu keeni karaa in uu dheecaanka PSA uu si aad kor ugu koco. Waxaa dhici karta in ay qaadato muddo dhowr bilood ah in uu cadadka dhecaanka PSA dib ugu soo noqdo heerkii caadiga ah ka dib marka uu qofka infakshan kaga dhaco xubnaha kaadi mareenka. Haddii ay da’daadu u dhaxeyso 50–69 sanno isla markaana cadadka dheecaanka PSA uu ka sareeyo 3 mikrogram halkii litirba, waxaa haboon in in baadhitaan lagugu sameeyo si loo ogaado sababta keentey in uu dhecaankaasi kor u koco ay tahay xanuun caadi ah ama kansarka ku dhaca qnjidhka xiniinyahay (prostatacancer).

Cadadka dheecaanka ama maadada PSA oo hooseeysa waxaa ay macnaheedu tahay in halista ah in uu kugu dhaco cudraka kasarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyahay (prostatacancer) ee aadka u ba’an aysan u badneyn. Ragga intooda badan cadadka dheecaanka ee PSA ee ku jira dhiigga wuu hooseeyaa marka laga qaado dhiigga. Haddii cadadka dheecaanka PSA uu ka hooseeyo 3 mikaro garaam halista ah in uu kugu dhaco cudraka kasarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyahay (prostatacancer) ee aadka u ba’an aad ayey u yartahay. Haddii cadadka dheecaanka PSA ee ku jira dhiigga uu aad u hooseeyo (uu ka hooseeyo 1 mikaro garam halikii literba), waxaa ay taas macnaheedu tahay in halista ah in uu kugu dhaco cudurka kansarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyaha (prostatacancer) uu aad u hooseeyo, sidoo kale halista ah in kugu dhaco ama jidhkaaga ku faafo cudurka kansarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyaha tobaka sanno ee soo socda waa mid aad iyo aad u hooseysa. Haddii cadadka dheecaanka PSA ee ku jira dhiigga uu dhexeeyo 1 iyo 2,9 mikaro garaam halkii litirba, waxaa lagugu marti qaadi doonaa in lagaa qaado tjaabada shaybaadkha ee maadada PSA 2 sanno ka dib. Haddii cadadka dheecaanka PSA ee ku jira dhiigga uu ka hooseeyo 1 mikaro garam halikii literba, waxaa lagugu marti qaadi doonaa in lagaa qaado tjaabada shaybaadkha ee maadada PSA 6 sanno ka dib.

Qaar ka mid ah ragga waxaa khuseeya ama lagu dabaqaa cadad kale oo hooseeya Haddii uu aabahaa ama walaalkaa iyo waliba qof kale oo qoyska ka mid ah uu hore ugu dhacey cudurka kansarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyaha (prostatacancer) waxaa haboon in la baadho qanjidhka xiniinyahaaga, haddii cadadka dheecaanka PSA ee ku jira dhiigga uu noqdo 2,0 mikaro garaam litirkiiba ama ka sareeyo. Waxaa kale oo haboon in dhiigga PSA loo qaado si daba joog ah, inta u dhaxeysa 1–2 sanno, sidaa aawdeed waxaa haboon in aad la xidhiidho

Page 4: Macluumaad qoto dheer oo ku saabsan baadhitaanka ......kansarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyaha tobaka sanno ee soo socda waa mid aad iyo aad u hooseysa. Haddii cadadka dheecaanka

4

xarunta dhexe ee qaabilsan baadhitaan cudurka kansarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyaha (prostatacancertestning).

Tirada ragga 50- sano jirrada ah ee la baaro 1000 nin ee tijaabada (saamiga) PSA laga qaado 24 ka mid ah waxaa lagu la taliyaa inay maraan baaritaanka raajada (iskaanka) magnatka ah. 12 ka mid ah raggaas waxaa laga soo helaaa meelo sidii loogu talogalay ka duwan, waxaana lagu la taliyaa in tijaabo nud (cad) laga soo qaado. Kuwaas lix ka mid ah waxaa laga helaa kanserka qanjirka borostaatada, afar raggaas ka mid ah waxaa lagu la taliyaa daawayn labana si joogto ah baa xaaladooda loola socdaa.

Page 5: Macluumaad qoto dheer oo ku saabsan baadhitaanka ......kansarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyaha tobaka sanno ee soo socda waa mid aad iyo aad u hooseysa. Haddii cadadka dheecaanka

5

Maxaa dhacacaya haddii cadadka dheecaanka PSA ee ku jira dhiigga uu sareeyo? Haddii dheecaanka PSA ee ku jira dhiiggaaga uu kor u dhaafo 3 mikaro garaam litirkiiba, waxaa lagugu martiqaadi doonaa baadhitaanka raajada birlabta (magnetkameraundersökning). Haddii markaa baadhitaanka raajada birlabta (magnetkameraundersökning) uu muujiyo isbedel ku yimid qaybo ka mid ah qanjidhka xiniinyahay waxaa laguu gudbin doonaa baadhiitaan ah in cad yar laga soo jaro ama gooyo waaxdaas qanjidhka ka midka ah ee uu isbedlku ku yimid. Qaar ka mid ah ragga waxaa loo gudbiyaa dhakhaatiir takhasusu gaar ah u leh cudurada ku dhaca xubnaha kaadi mareenka (urologimottagning) ka hor inta aan lagu sameyn baadhitaanka raajada birlabta (magnetkameraundersökning).

Baadhitaanka la isticmaalo raajada birlabta (Undersökning med magnetkamera) Marka la smeynayo baadhitaanka la adeegsanayo raajada bilrlabta (magnetkamera) waxaa sawiro laga soo qaada qanjidhka xiniinyaha. Waxaa uu baadhitaanku qaata qiyaastii 20–30 daqiiqo. Marka la qaadayo sawirka waxaa loo baahanyahay in si degen ugu jiifto sariir ku dhex jirta mishiinka, mishiinkaas oo u qaab eg sida god dhuuban oo kale. Marka la sameynayo baadhitaanka lama dareemo wax xanuun ah, laakin dadka qaarkii waxaa ay dareemaan dareen aan fiicneyn maadaama la dhex jiifo mishiinka lagu sameynayo baadhitaanka oo woxoogaa aad cidhiidhi u ah. Haddii uu muujiyo baadhitaanku in ay wax walba caadi yihiin, waxaa lagu sameyn doonaa balan cusub 2 sanno ka dib si lagaaga qaado dhiig si loo hubiyo dheecaanka PSA ee ku jira dhiigga. Haddiiu baadhiitaaku uu muujiyo in uu wax qalad ahi ka jiro qayb ka mid ah qanjidhka xiniiyaha, waxaa lagugu marti qaadi doonaa baadhitaan ah in hilib yar laga soo joro qanjidhka xiniinyaha si loogu sameeyo baadhitaan dheeri ah. Haddii cadadka dheecaanka PSA ee ku jira dhiigga uu sareeyo marka la eego ama la barbar dhigo cabirka qanjidhka ku yaala xiniiyahaaga, waxaa dhici karta in lagugu marti qaado baadhitaan ah in hilib yar laga soo joro qanjidhka xiniinyaha si loogu sameeyo baadhitaan dheeri ah xitaa haddii uu baadhitaanka raajada bilabtu (magnetkameraundersökningen) uu muujiyo in ay wax walba caadi u muuqdaan.

Baadhitaanka nuddaha (Vävnadsprovtagning) Waxaa uu dhakhtarku kuu qeexi doono macnaha heerka uu gaadhisiisanyahay cadadka dheecaanka PSA ee ku jira dhiigga iyo waliba macluumaadka sawirada lagu soo qaadey baadhitaanka raajada birlabta (magnetkamera). Marka dhakhtarku sameynayo baadhitaanka waxaa uu farta ku soo taaban doonaa qanjidhka xiniinyahay, markaa ka dib waxaa daloolka malwadka lagaa galin doonaa ul dhuuban oo ay ku xidhantahay kamarada Ultraljud (Ultrasound). Iyada oo la adeegsanayo qalabka Ultraljud (Ultrasound) waxaa uu dhakhtarku samayn doona suuxin ama kabaabyo gudaha ah isla markaana waxaa uu qanjidhka xiniinyaha ka soo qaadi doona isaga oo adeegsanaya irbad aad u dhuuban 4–12 saamiyo unnug. Ma la qaadayo saamiga unnuga iyo marla la sameynayo baadhitaanka waxaa suurogal ah in la dareemo dareen aan fiicneyn, laakiin lama dareemo wax xanuun ah.

Maxaa dhacaya markaa ka dib? In baadhitaan lagu sameeyo baadhitaan cadka yar laga soo jarey qanjidhka xiniinyahay waxaa ay qaadan kartaa todobaadyo badan. Jawaabta in aad qabto cudurka kansarka iyo in kale waxaa ku wargalin doon dhakhtar ama kalkaalisada caafimaadka. Haddii baadhitaanku uu muujiyo in aad qabto cudurka kansaraka ee ku dhaca qanjidhka xininnyahay waxaa laguu qaban doona balan aad kula kulanto dhkhatar si aad uga wada hadashaan nooca daaweynta ee kugu haboon. Noocyo badan oo ka mid ah cudurka kansarka ee ku dhaca qanjidhka xininnyaha waxaa haboon in la daweeyo, halka qaar kale oo badan loo baahanyahay oo kaliya in lala socdo isla markaana

Page 6: Macluumaad qoto dheer oo ku saabsan baadhitaanka ......kansarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyaha tobaka sanno ee soo socda waa mid aad iyo aad u hooseysa. Haddii cadadka dheecaanka

6

la sameeyo baadhitaan joogto ah. Haddii baadhitaanka uu muujiyo in aanad qabin cudurka kansarka, waxaa lagugu marti qaadi doonaa in lagaa qaado dhiig qiyaastii labo sanno ka dib.

Xaqiiqooyin ama macluumaad ku saabsan qanjidhka xiniinyaha iyo cidurka kansarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyahay Qanjidhka xiniiyaha (Prostatan) waxaa uu ku wareegasnayahay dhuunta kaadi mareenka, kaas oo ku yaala xagga hoose ee kaadi haysta. Waa mid loo baahanayahay si loo tarmo. Qiyaastii marka ay raggu gaadhaan 40 sanno wuu weynaadaa qanjidhkaasi ragga intooda badan, bararkaas ama weynaantaasi waa mid caadi ah oo aan haba yaraatee wax dhibaato ah keenin. Sidoo kale kansarka ku dhaca qanijidhka xiniinyaha caadi buu noqdo marka ay da’ada ninku sii weynaataba, laakiin ma jiro wax xidhiidha oo ka dhexeeya bararka caadiga ah ee aheyn khatarta iyo cudurka kansarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyaha (prostatacancer). Bararka caadiga ah iyo kansarka labaduba waxaa ay horseedaan in kaadi haystu ay jilicdo, taas oo keenta in loo baahdo in la kaadsho marar badan. Astaamahan waxaa inta badan sababa bararka caadiga ah ee ma sababo cudurka kasarku inta badan. Marka astaamaha ama calaamadaha cuduka kansarka ee ku dhaca qanjidhada xiniinyahay ay si cad u soo baxaa lagama daweyn ama waxba lagama qaban karo inta badan, laakiin cudurka waxaa lagu yarayn karaa ama khafiifin karaa laguna xakamayn karaa hab daaweynta la adeegsado hoormoonada. Cudurka kansarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyahay waa nooca cudurda kansarka ee ugu badan wadanka Iswiidhen. Inta badan dadka uu ku dhaco ee u jirrado cuduka kansarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyaha waa ragga ay da’doodu ka weyntahay 70 sanno, cudurku waa dhif in uu ku dhaco ragga ay da’doodu ka yartahay 50 sanno. Halista ah in uu cudurku kugu dhaco kor bey u kacdaa haaddii uu aabaha, walaalkaa, iyo qof kale oo ka mid ah qoyskaaga uu hore ugu dhacey cudurka kansarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyahay (prostatacancer). Inkasta oo cudurka kansarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyahay (prostatacancer) uu yahay cudur aad halis u ah, hadana cudurada kansarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyahay (prostatacancer), waa mid aad u yar isla markaan si tartartiib ah u kora. Ragga intooda badan waxaa ay la noolaan karaan cudurka kansarka sannado aad u badan, isla markaana waxaa ay ugu danbeynta u dhintaan cuduro ama sababo kale oo aan aheyn cudurka kansarka. Wadankan Iswiidhen labaatankii ninba hal nin ayaa u dhita cudurka kansarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyahay (prostatacancer). Kala badh kuwaasi waa kuwo ay da’doodu ka weyntahay 82 sanno jir.

Daawynta cudurka kansarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyahay (prostatacancer) ee wakhti hore la helo ama ogaado prostatacancer Cudurka kansarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyahay (prostatacancer) ee lagu ogaado ka dib marka la qaado tijaabada sheybaadhka ee PSA (PSA-prov), waa mid gabi ahaanba qofka laga daaweyn karo iyada oo la adeegsanayo qaliin ama shucaac. Labada hab daaweynbaa waxaa ay inta badan ay horseedaan hoos u dhac ku yimaada hammada galmada (waxaa adkaada in la kacsado), hab daaweynta la adeegsado shucaaca waxaa ay maraka qaarkood sababtaa dhibaatooyin ku yimaada walamadka iyo in uu loo baahdo in marar badan la kaadsho. Hab daaweynta la adeegsado qaliinka waxaa ay mararka qaarkood keentaa dhibaatooyin ay ka mid yihiin in kaadidu ay qofka soo dhaafto. Rag badan oo la ogaado in ay qabaan cudurka kansarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyahay (prostatacancer) ka dib marka la qaado tijaabada sheybaadhka ee PSA (PSA-prov) waxaa ay qabaan kansar yar oo haba yaraatee aan wax dhibaato laheyn. Waxaa markaa sida caadiga la sameeyaa in lala socdo iyada oo la sameynayo baadhitaano joogto ah, halkii laga qali lahaa ama lagu daaweyn lahaa shucaac qanjidhka xiniinyahay. Haddii markaa la arko in cudurka kansarku uu aad u korayo, waxaa markaa dhici karta in ay lagama maarmaan noqoto in la sameeyo qaliin ama la isticmaalo hab daaweynta shucaaca.

Page 7: Macluumaad qoto dheer oo ku saabsan baadhitaanka ......kansarka ee ku dhaca qanjidhka xiniinyaha tobaka sanno ee soo socda waa mid aad iyo aad u hooseysa. Haddii cadadka dheecaanka

7

Fadlan ka akhri macluumaad dheeri ah 1177.se Kansarka ku dhaca qanjidha xiniinyahay

Bararka ama weynaanta aan khatarta aheyn ee ku yimaada qanjidhka xiniinyaha