38
QORSHEEYAHA 2019-20 WAALID

WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

  • Upload
    others

  • View
    11

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

QORSHEEYAHA2019-20

WAALID

Page 2: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

2

6 – 8 Oktoobar

NOOGU SOO BIIR GURI- NOQOSHADA/AYAAMAHA FASAXA TODOBAADKA EE QOYSKA OKTOOBAR 4-6!

Calaamadee kalandaariyahaaga hadda ee GURI-KUNOQOSHADA IYO AYAAMAHA FASAXA TODDOBAADKA EE QOYSKA! Waalidiinta, ardayda, walaalaha, ardaydii hore iyo saaxiibada kale waxaa ay isugu imaanayaan waxqabadyo iyo farxad. Ma doonaysid in aad seegto isku imaatinkan ee qoyska Tommie!

Ka hel faah-faahinada ayaamaha fasaxa toddobaadka:stthomas.edu/familyweekend

Naga hel Facebook si aad u hesho wararka ugu dambeeya ee ku saabsan jadwalka ayaamaha fasaxa toddobaadka!

TommiesWeekend

Page 3: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

3

AAMINSANAANSHAHA IYO JIRITAANKA ST. THOMAS HADAFKAAyada oo dhiirrigelinteeda leedahay dhaqanka aqooneed ee Katooliga, Jaamacadda St. Thomas waxaa ay bartaa ardayda in ay noqdaan hoggaamiyeyaal damiir ahaan mas'uul ah ee u fakara si muhiim ah, u dhaqma si caqli ah oona u shaqeeya si xirfad leh si uu u horumariyo wanaaga guud.

AAMINSANAANTABULSHO AHAAN, WAXAA NAGA GO'AN:

DABA-JOOGA RUNTA Waxaannu qiimeynaa wax iska-weydiinta aqooneed/caqliyeed sida hab-dhaqan qofka noloshiisa oo dhan soconaya, daba-jooga runta ee aan xaddidneyn ee dhex-dhexaadka ah ee noocyo kasta oo ay tahayba, dhexgelinta aqoonta tacliinta oo dhan, iyo sahaminta fikradaha cusub ee khiyaaliga iyo hal-abuurka ah.

TACLIIN HEERSARE AH Waxaan ka dhex abuurnaa dhaqanka barayaasha, ardayda iyo shaqaalaha oo aqoonsanaya awoodda fikradaha iyo abaal-marinada fikirka adag.

IIMAAN IYO SABAB Waxaan si firfircoon ugu qayb galnaa dhaqanka aqooneed ee Katooliga, kaas oo qiimeeya waafaqsanaanta aasaasiga ah ee iimaanka iyo sababta oona kobciya wadahadal macno leh oo ku wajahan dhanka horumaridda/kobcinta dhaqanka aadanaha.

Page 4: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

4

SHARAF Waxaanu ixtiraamnaa sharafta qof kasta oo waxaan qiimeynaa tabarucaadka gaarka ah ee qof kasta keenayo mahrajaanka weyn ee bulshada jaamacadda.

KALA-GEDDISNAAN Waxaan ku dadaalnaa in aannu abuurno bulsho firfircoon oo kala duwan, oo wadajirkeenna, waxaannu u shaqaynaa bulsho cadaalad ku dhisan oo loo dhanyahay.

DAREENKA SHAQSI AHAANEED Waxaan kobcinaa dhaqan taageera ladnaanta xubin kasta.

MAHADNAQ Waxaan u dabaaldegnaa guulaha dhammaan xubnaha bulshadeenna ee yoolasha la gaaray iyo caqabadaha laga adkaaday, waxaana wax kasta ugu mahadnaqnaa Eebbe.

Page 5: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

5

QORAAL KA SOCDO WAAXDA ARRIMAHA ARDAYDA

Ku soo dhawoow bulshada/beesha Jaamacadda St. Thomas. Sannadka soo socda waxaa uu balanqaadayaa isbeddelo, farxad, iyo bilowga nolol cusub oo u bilaabanaysa qoyskaaga.

Waxaan rajaynaynaa inaan ku caawinno adiga iyo ardaygaaga in aad heshaan bilow wanaagsan anaga oo kaaga jawaabayna su'aalo ama walaac kasta ee aad qabtiin, iyo anaga oo idin bareyno shakhsiyaad badan oo qayb ka ah safarkan ee ardaygaaga. Waxaan u qaabeynaynaa qorshahaan sida mid adiga kugu gaar ah – si aan kuugu caawinno in aad taageerto ardaygaaga sannadkiisa koowaad oo dhan.

Waxaan rajaynayaa ardaygaaga in uu ka faa'iidaysan doono waqtigiisa ee Jaamacadda St. Thomas asaga oo ka qayb galayo fursadaha jaribaya karaankooda, dhiirrigeliya oo ballaariya aragtiyadooda dunida ayada oo loo marayo xiriiro shaqsi ee uu la yeelanayo barayaasha, shaqaalaha, ardayda jaalkiisa ah, qalinjebiyeyaasha iyo bulshada agagaarkiisa ah. Jaamacad Katoolig ahaan, waxaan abuurnaa bulsho daryeel, ixtiraam iyo wax soo saar leh oo ka kooban hoggaamiyeyaal iyo bartayaal arday ah. Waxaan ku dhiirrigelinaa ardayda in ay gaaraan meel ka baxsan fahamkooda iyo in ay horumariyaan awooddooda buuxda. Adduunka waxa uu u baahanyahay hoggaamiyeyaal duni cadaalad ah oo dadnimo leh. Ayada oo loo marayo ka-qaybgalka waayo-aragnimada kulliyadda, ardaygaaga waxa uu yeelanayaa xirfadaha iyo tayooyinka u oggolaanaya in uu bixiyo hoggaankan.

Page 6: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

6

Siyaabo dhawr ah oo aan filayno in aad ugu qayb gali doonto:

• Haddii aad jeclaan lahayd in aad hesho iimaylo joogto ah oo ku qoran wararka ugu dambeeya ee ka imaanaya jaamacadda, fadlan booqo stthomas.edu/news/subscribe.

Iimayladan waxa ay kugu wargelinayaan hindiseyaasha iyo hawlaha badan ee ka jira jaamacadda.

• Kala soco jaamacadda St. Thomas warbaahinta bulshada: Facebook.com/uofstthomasmn Twitter.com/uofstthomasmn Instagram.com/uofstthomasmn

• Xasuusin ahaan, waxaad had iyo jeer ka booqan kartaa mareegtada weyn ee jaamacadda stthomas.edu.

Waqtiyada xaaladaha deg-degga ah ama cimilada aan fiicnayan, bogga hoyga ah si joogto ah ayaa loo cusboonaysiin doonaa.

• Fadlan calaamad saar kalandaariyahaaga ee 2019 Guri- noqoshada/Ayaamaa Fasaxa todobaadka ee Qoyska ee dayrtaan Oktoobar. 4-6, 2019. Mareegtadeenna stthomas.edu/familyweekend waxaa ay bixinaysaa faahfaahinno badan waxaanna la cusboonaysiin doonaa dayrtan iyada oo la sii gelin doona jadwalka oo dhammeystiran.

Waxaan si qoto-dheer u qiimeynaa taageerada waalidiinta iyo qoysaska ee hannaanka waxbarashada. Su'aal la'aan, saameyntaada iyo hagidaada waxa ay sii xoogaysan doontaa inta ilmahaaga uu la kulmayo caqabado cusub, oo tacliin iyo bulsho ahaana koraya, waxaa uuna yeelan doonaa dareen madax-bannaan oo ballaaran.

Daacadnimo,

Karen M. Lange, Ed.D.Ku-xigeenka Madaxa Waaxda Arrimaha Ardayda

Page 7: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

7

TALOOYIN LOOGU TALOGALAY WAALIDIINTAKuwan waa dhowr talooyin ah oo kugu caawinaya in aad hagto sannadkaaga koowaad waalidka St. Thomas ahaan.

1. LETTING GO waxaa ay noqon kartaa qaybta ugu adag ee hannaanka. Ardaygaaga waxaa sida xaqiiqda ahi uu u baahan doonaa taageeradaada, balse waxaad u baahantahay in aad ku kalsoonaato oo aad u oggolaato in uu gaaro go'aamadiisa si uu u kobco.

2. U DULQAADO ardaygaaga waxaadna ku dhiirrigelisaa in ay ayagana isku dulqaataan. Qofka in uu booskiisa ka helo kulliyadda waxa ay ku qaadataa waqti.

3. KA HADAL filashooyin ku saabsan sida ardaygaaga uu kuula wadaagayo horumarkiisa tacliimeed.

4. LA XIRIIR. Ardaygaaga waxaa laga yaabaa in uu adiga marka hore kuu soo noqda ka hor inta uusan caawimo ka raadsan qof jooga dhismaha jaamacadda. Intii aad badbaadin lahayd, ku dhiirrigeli ardaygaaga in uu macluumaad raadsado, wada xaajood ka galo khilaafaadka iyo in uu xal gaaro isaga oo adeegsanaya khayraadka laga heli karo dhismaha jaamacadda.

5. WAQTI HORE CAAWIMO RAADSO. Haddii aad aragto ardaygaaga oo ku dhiban fasalka, fadlan ku dhiirrigeli ardaygaaga in uu caawimo weyddiisto – iyo in uu sameeyo WAQTI HORE! Jaamacadda St. Thomas waxay leedahay xogag badan oo loogu talogalay caawinaad tacliimeed.

6. KU XIRNOOW. Weyddii ardaygaaga waxa uu dareensan yahay in ay macquul tahay marka la eego war-isgaarsiinta joogtada ah. Samee filashooyin la wadaago oo loogu talogalay war-isgaarsiin.

7. KU DHIIRRIGELI ardaygaaga in uu la xiriiro qof isaga ka duwan.

Page 8: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

8

#collegeboundBisha soo socota waa waqti ay ardaydu mashquul yihiin – waxa ay taageeradaada ugu baahanyihiin dhammeystiridda kuwan soo socda:

SOO GUDBI DARAJADA QORAALEED EE UGU DAMBEYSA IYO DHIBCAHA MEELAYNTA HEERKA-SARE (AP): Ardayda waa in ay u soo gudbiyaan darajada qoraaleed ee ugu dambeysa ee dugsiga sare, shaqo koorso kasta ee heer kuleej ah iyo buundooyin kasta ee AP ama IB ah Xafiiska Qoridda. Su’aalaha waxaa loogu hagaajin karaa La-talinta Tacliinta lambarkan (651) 962-6300, stthomas.edu/academiccounseling.

SOO-IIBSO BUUGGAAG: Ardayda waxa ay ka soo iibsan karaa buuggaag Dukaanka Jaamacadda oo ku yaala heerka hoose ee Xarunta Dhismaha Jaamacadda ee Murray-Herrick. Hadaad rabto macluumaad iyo doorashooyin badan, booqo tommiebooks.stthomas.edu/tommiebooks1/Home.

EEG IIMAYLKA: Iimaylka waa qaabka war-isgaarsiinta rasmiga ah ee jaamacadda St. Thomas, sidaa awgeed ardayda waa in ay si joogto ah u eegaan. Haddii ardaygaaga uu qabo su'aalo ku saabsan tiknoolajiyadda, booqo stthomas.edu/its/students/newtocampus.

SAMEE MIISAANIYAD SHAKHSI: Miisaaniyad-dejinta waa xirfad muhiim ah oo ay tahay in la barto waqti hore ee ah xirfadda shaqo ee kulliyadda ardayga. La-taliyeyaasha gargaarka maaliyadeed waxaa ay ku caawin karaan ardayda in ay hubiyaan in wax walba ay yihiin sidii laga rabay xirmada sannad dugsiyeedkan iyo si dhaafsiisan. stthomas.edu/ftt

KU NOOLASHADA GUDAHA AMA DIBADDA DHISMAHA JAAMACADDA: Haddii ardaygaaga uu ku noolan doono dhismaha jaamacadda, waxaa ay ka heli karaan macluumaad dheeraad ah Nolosha Degganaanshaha (Residence Life) stthomas.edu/residencelife. Haddii ardaygaaga uu ku noolan doono guriga ama dibadda jaamacadda, waxaa uu ka heli karaa khayraad heersare ah stthomas.edu/offcampus.

OGGOLAANSHAHA BAABUUR DHIGASHADA: Haddii ardaygaaga uu u soo socdaalo dhismaha jaamacadda, booqo stthomas.edu/parking si aad u hesho macluumaad badan oo ku saabsan oggolaanshaha baabuur dhigashada iyo habab gaadiid beddel ah. Oggolaanshaha baabuur dhigashada ee ardayda deggan waa mid xaddidan waxaana lagu qaybiyaa hannaan baqtiya-nasiib ah.

Page 9: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

9

KEENISTA BOOSTADA EE DHISMAHA JAAMACADDA: Qolka boostada waxaa uu ugu wargelin doonaa ardaydga iimayl ahaan haddii baakad ama bakhshad dhismaha jaamacadda loo keeno. Ardaydu waxa ay u baahnaan doonaan in ay soo bandhigaan Aqoonsigooda St. Thomas marka ay qaadanayaan agabkooda.

CUSBOONAYSII MACLUUMAADKA CINWAANKA: Sannad kasta ardayda waa in ay cusboonaysiiyaan cinwaankooda, telefoonkooda, xiriirkooda xaaladaha deg-degga ah iyo macluumaadka wargelinta Murphy Online ee ah banner.stthomas.edu.

USTALERT: Kani waa nidaamka wargelinta xaaladaha deg-degga ah ee loo adeegsado in lagu wargeliyo xubnaha bulshada ee jaamacadda xaaladaha deg-degga ah. Ardayda waxaa ay ku diiwaangeliyaan lambaradooda telefoonka gacanta USTALERT ayada oo loo marayo Murphy Online ee banner.stthomas.edu.

PROXY: Ardaygaaga waxaa uu u oggolaan karaa shakhsiyaadka kale in ay helaan qaybo diiwaanadooda tacliinta ah. Hadaad rabto macluumaad badan, booqo stthomas.edu/proxy.

AQOONSO ISTICMAALAYAASHA LOO IDMAY eBILL/ePAY: Jaamacadda St. Thomas waxa ay bixisaa keliya oggeysiisyada eBilling – biilasha waraaqda ah boostada laguma diro. Marka bayaan cusub la soo daabaco, farriin iimayl ah ayaa loo dirayaa cinwaanka iimaylka ardayda St. Thomas. Ardaygaaga waxa uu kuu idmi karaa ama kuu wakiishan karaa in aad gasho ama ka sameyso lacag-bixinno koontadooda. stthomas.edu/businessoffice/ebilling

DIB-U-EEGIS KU SAMEE QORSHAHA CELINTA LACAGAHA WAXBARASHADA (TRP): Macluumaadka ku saabsan Qorshaha Lacag-celinta Waxbarashada (TRP) waxaa loo diray ardayda xagaagan. Si taxaddar leh dib-u-eegis ugula samee qorshahan ardaygaaga; waxaa la weyddiin doonaa in ay gaaraan go'aan ku saabsan haddii ay iibsanayaan iyo haddii kale bilowga teeramka dayrta 2019. Jaamacadda St. Thomas waxaa ay si adag ugu dhiir-rigelinaysaa ardayda in ay u tixgeliyaan Qorshaha Celinta Lacagaha Waxbarashada si ay qoysaska isaga difaacayaan khasaaraha maaliyadeed haddii ay dhacdo ka bixitaan sabab u ah caafimaad. stthomas.edu/businessoffice/students/tuitionrefundplan

Page 10: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

10

DIIWAANADA TALLAALKA: Macluumaadka tallaalka ardayda waa in la geliyo Murphy Online iyada oo la gelinayo bartan banner.stthomas.edu ka hor Okt. 18, 2019, maalinta fasalka ee 45aad. Ka gaabinta in la geliyo macluumaadkan waqtiga kama dambeysta ah waxaa ay keeni doontaa in la joojiyo diiwaange-lintooda koorsada teeramka gu’ga.

WAX KA BARO SIYAASADAHA: Ardayda waxaa la filayaa in ay bartaan siyaasadaha jaamacadda. Siyaasadaha ardayga waxaa si toos ah internetka looga heli karaa halkan stthomas.edu/policies.

SHAQO KA RAADSO DHISMAHA JAAMACADDA: Ku dhiirrigeli ardaygaaga in uu booqdo kharyaadka shaqada ardayda ee ah stthomas.edu/jobsatust.

KA QAYBGAL XAFLADAHA SOO DHOWEYNTA: Ardaygaaga waa in uu ka qaybgalo xafladaha dhismaha jaamacadeed lagu qabto si uu wax badan uga barto dhismaha jaamacadda iyo in uu la kulmo ardayda soo noqonaysa iyo kuwa cusub. Mid ka mid ah xafladaha ugu wanaagsan ee ardayda cusub waa Carwada Waxqabadyada, oo loo jadwaleeyay laga bilaabo duhurkii-1 p.m. maalin Talaado ah, 17ka Sibteembar, 2019, waxaana lagu qaban doonaa John P. Monahan Plaza. stthomas.edu/campuslife

Page 11: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

11

eBIILASHO: BIIL-BIXINTA BAYAANKA ELEKTAROONIGA AH stthomas.edu/businessoffice/ebillingDhammaan lacagaha lagu soo dalaco koontada ardayda (oo ay ka mid yihiin lacaga waxbarashada, ujrooyinka, guryaynta, qorsheyaasha cuntada iyo kharashaadka kala duwan), iyo sidoo kale dhammaan deymaha koontada ardayga (oo ay ka mid yihiin lacag-bixinno, gargaarka maaliyadeed ee la bixiyay, isku hagaajinada iyo deymaha kale ee kala duwan) waxaa lagu soo koobaa bayaanka koontada ardayga, oo elektaroonig ahaan loo soo bandhigo si dib-u-eegis loogu sameeyo.

• Ardayda waxa ay gaari karaan eBills-kooda la heli kara ee Nidaamka eBill/ePay iyada oo loo marayo Murphy Online.

• Ardayda waxaa ay awoodaan in ay eegaan dhaqdhaqaaqa koontada iyo in ay lacag-bixin sameeyaan iyaga oo adeegsanaya ACH ama kaarka deynta.

• Ardayda waxaa ay awoodaan in ay abuuraan isticmaalayaal idman in ay eegaan ama baxiyaan biilasha.

• Ardayda waxaa ay awoodaan in ay sameeyaan astaanta eRefund.

ISTICMAALAYAASHA IDMAN• Isticmaalayaasha idman waa dhinac saddexaad oo

si gaar ah ugu ogolaaday ardayga in uu galo oo eego ama bixiyo biilasha. Isticmaalayaasha idman waxaa ka mid noqon kara waalidiinta, mas'uuliyiinta, xaasaska, shaqaalaha, iwm.

• Si loo abuuro isticmaalaha idman, ardayga waa in uu gelitaanka ka soo oggolaado Murphy Online.

MAALIYADAHA GETget.cbord.com/stthomasArdayda waxaa ay isticmaali karaan maaliyadaha eXpress si ay ugu soo iibsadaan buugaag, sahay, dhar iyo hadiyado Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood oo la ansixiyey oo dibadda dhismaha jaamacadda ah.

Maaliyadaha GET waa qalab online-ka ah ee haystayaasha koontada eXpress ee St. Thomas waxaa ay isticmaali karaan in ay maareeyaan maaliyadaha koontada eXpress waqti kasta, meel kasta ... xataa aaladda telefoonka gacanta.

Page 12: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

12

HAGAHA DIIWAANNADA WAXBARASHADA ARDAYDADiiwaannada ardayda waa kuwo qarsoodi ah waxaana lagu ilaaliyaa Xuquuqaha Waxbarashada Qoyska iyo Xeerka Arrimaha Gaarka ah (FERPA) stthomas.edu/registrar/student/ferpa. FERPA waxaa loo adeegsan karaa K-12 iyo tacliinta sare. Xuquuqaha FERPA waxaa ay ka wareegaan waalidiinta heerka K-12 waxayna u wareegaan ardayda marka ay bilaabaan dhigashada tacliinta sare ayada oo aan la eegayn da'da.

MACLUUMAADKA WAKIILKAstthomas.edu/registrar/proxyArdayda Jaamacadda St. Thomas waxaa ay u ogolaan karaan shakhsiyaad kale in ay helaan qaybaha qaar ee diiwaannadooda tacliinta. Shakhsiyaadkan waxaa loo yaqaanaa isticmaalayaasha wakiilada ah. Ayada oo loo marayo Murphy Online, ardayda waxaa ay awood u leeyihiin in ay ka xushaan liiska oggolaanshaha oo gabalo macluumaad ah ay wakiiladooda eegi karaan. Macluumaadka la siiyo wakiilka waxaa loo heli karaa qaab “Keliya La Akhrin Karo”. Wakiilka ma awoodi doono in uu cusboonaysiiyo macluumaad kasta ee ardayga ama ma codsan karo dokumeenti kasta oo qoran isaga oo u marayo gelitaanka wakiilka.

• Ayada oo la marayo nidaamka wakiilka, diiwaannada tacliinta ardayga ayaa laguu soo deeyaa isticmaalkaaga keliya loomana siideyn karo shakhsiyaad dheeraad ah kasta ama loo adeegsado ujeeddo kasta oo kale marka loo eego isticmaalkaaga shakhsi.

• Ardayga waxaa uu maamulaa boggoga macluumaadka ee wakiilka loo oggol yahay in uu eego.

• War-isgaarsiinta hadalka ah ee wakiilka waxaa keliya la oggol yahay haddii oraah sir ah uu sameeyo ardayga. Oraahda sirta ah waa erey summad gaar ah leh ama oraah ee uu u qoondeeyay arday wakiil kasta ee uu sameeyo. Oraahda sirta ah ayaa loo baahan yahay marka wakiilka uu soo waco si uu u helo macluumaad ku saabsan ardayga. Maamulayaasha jaamacadda waxaa ay u baahan doonaan in ay xaqiijiyaan oraahda sirta ka hor inta aan la siideyn macluumaadka la idmay ee ku saabsan ardayga. Tani waxaa loo sameeyaa si loo ilaaliyo xuquuqaha FERPA ee ardayda.

• Bixinta biilka ardayga waxaa keliya geli kara Isticmaalaha Idman ee eBilling, oo ka duwan gelitaanka wakiilka.

Page 13: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

13

QEEXITAANKA OGGOLAANSHAHAQaybtan waxaa ay ka kooban tahay sharaxaadaha oraahyo dhawr ah oo laga yaabo in aad la kulanto wakiil ahaan. Si aad u hesho macluumaad dheeri ah, fadlan la xiriir Diiwaan-hayaha, (651) 962-6700.

GARGAAR MAALIYADEED• Eeg Abaalmarinteyda Gargaarka Maaliyadeed• Shuruudaha Ardayga: shuruudaha loo baahan yahay

si loo dhammeystiro galka gargaarka maaliyadeed ee ardayga

• Jadwalka Lacag-bixinta Abaalmarinta: taariikhaha bixinta maaliyadaha gargaarka maaliyadeed

• Taariikhda Gargaarka Maaliyadeed• Taariikhda Codsiga Amaahda• Farriimaha Muhiimka ah Gargaarka Maaliyadeed

ARDAY• Jadwalka Faah-faahsan ee Ardayga: fasallada ee

uu ardayga ka diiwaangashanyahay, maalmaha iyo waqtiyada kulanka, baraha, iwm.

• Jadwalka Kooban ee Ardayga: fasallada ee uu ardayga ku diiwaangashanyahay

• Xaalka Diiwaangelinta: xaalka ardayga sida waqtiga oo dhan, qayb ahaan waqti, iwm.

• Darajooyinka Ugu Dambeeya: gal si aad u oggaato dhammaan darajooyinka ugu dambeeya ee loo soo sheegay ardayga

• Darajo-qoraaleedka Tacliinta: waxaa ay u ogolaanaysaa wakiilka in uu eego darajo-qoraaleedka aan rasmiga ahayn ee ardayga. Darajo-qoraaleedka rasamiga ah waxaa keliya heli kara ardayga.

KOONTADA ARDAYGA• Faahfaahinta Koontada ee Teeram kasta• Warbixinta Faah-faahinta Bixinta Lacagaha

Waxbarashada• Wargelinta Canshuurta oo Kooban ee1098-T: waxay u

oggolaanaysaa wakiilka in uu eego foomka 1098-T

CINWAANKA ARDAYDA• Eeg Cinwaanka: gal si aad u eegto cinwaanka iyo

lambarada telefoonka ee lagu qoray diiwaanka ardayga

Page 14: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

14

AGOOSTOMAALMAHA SOO-DHOWEYNTA Ardaydu waxa ay ka qaybgeli doonaan barnaamijkeena Maalmaha Soo-dhoweynta ee loo baahanyahay laga bilaabo Jimcaha, 30-ka Agoosto, ilaa Tallaado, 3-da Sibteembar. Barnaamijka waxaa uu bixiyaa barnaamijyada bulshada iyo waxbarashada ee loogu talogalay ardayda sannadka-koowaad ee u adeegi doona sida aasaaska waayo-aragnimadooda kulliyada. stthomas.edu/welcomedays

LOOGU TALOGALAY WAALIDIINTA DOONAYSA IN AY KU SII XIRNAADAAN:• Rukun ka dhigo Joornaalka eliktarooniga ah ee

StThomasPARENT. stthomas.edu/parents/newsletter

• Ka eeg wararka dhismaha jaamacadda Qolka-wararka stthomas.edu/news Waxaad ka rukuman kartaa stthomas.edu/news/subscribe

NOLOSHA DHISMAHA JAAMACADDAXarunta Ardayda Anderson, Qolka 325(651) 962-6130stthomas.edu/campuslife

XOGAGA WAALIDKAMadaxa Xafiiska ArdaydaXarunta Ardayda Anderson, Qolka 241(651) 962-6050stthomas.edu/parents

Page 15: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

15

TAARIIKHO MUHIIM AHAgoosto. 30

Agoosto. 30- Sibteembar. 3

Ardayda sannadka-koowaad waxaa ay u guuraan hoolal deegaan ah, ardayda LLC waxaa ay heli doonaan casuumaad ay waqti hore ugu soo guurayaan.

Maalmaha Soo-dhoweynta

AGOOSTO 2019

AXAD ASNIIN TALLAADO ARBACO KHAMIIS JIMCO SABTI

1 2 3

4 5 6 7 8 9 10

11 12 13 14 15 16 17

18 19 20 21 22 23 24

25 26 27 28 29 30 31

Page 16: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

16

SIBTEEMBARFasallada waxay bilaabanayaan Arbaco, 4ta Sibteembar, 2019. Ku dhiirrigeli ardaygaaga in uu si caqli ah isugu dheelitiro waqtigiisa.

Tommies waxay fursad u haystaan in ay ka-qaybgalaan hawlo tiro badan oo ah hawlaha waxbarashada, dhaqanka, ciyaaraha fudud, hawlgelinta bulshada iyo jaaliyada. Carwada Waxqabadyada oo la qabanayo marka ay tahay Talaado, 17ka Sibteembar, 2019, waa fursad lagu oggaanayo fursadaha kala duwan ee la heli karo.

Sibteembar waa Bisha Wacyigelinta Ammaanka Dhismaha Jaamacadda

Xafiiska Ammaanka Guud iyo xafiisyada kale ee ku yaalla dhismaha jaamacadda waxaa ay wadaagayaan in ay sare u qaadaan wacyiga iyo mas'uuliyadda ardayda ay ugu abuurayaan jawi ammaan ah gudaha iyo dibadda dhismaha jaamacadda.

AMMAANKA GUUDDhismaha jaamacadda ee St. Paul: Guryaha Morrison, dabaqa koowaad, marka laga tago Lootada BDhismaha jaamacadda ee Minneapolis:Hoolka Minneapolis Opus (MOH) 203 (651) 962-5100: khadka codsiga xaaladaha aan deg-degga ahayn iyo gelbinta(651) 962-5555: khadka xaaladaha deg-degga ahstthomas.edu/publicsafety

XARUNTA LADNAANTAFuritaanka dayrta 2019, Xarunta Ladnaanta waxa ay ku yaali doontaa geeska Waddooyinka Grand iyo Finn waxaanna ku jira adeegyo iyo barnaamijyo sida Adeegyo Caafimaad, Adeegyo Nafsaani iyo La-talin (CAPS), Xarunta Ladnaanta iyo Xafiiska Ka-hortagga Rabshadaha iyo Wacyigelinta.

Ayada oo la raacayo Qodobka IX ee Wax-ka-beddelidda Waxbarashada ee 1972 dii, jaamacadda kuma sameyso takoor jinsi ku saleysan barnaamijyadeeda iyo hawlaheeda. Jaamacadda ayaa u magacowday Danielle Hermanny in uu noqdo iskuduwaha dadaalada jaamacadda ay ugu hoggaansameyso sharcigan iyo xeer-hoosaadyada la xiriira, oo ay ka mid tahay u hoggaansanaan la'aanta Qodobka IX ama hawl kasta ee uu mamnuuco, sida dhibaatayn galmo.

Qof kasta ee dareema in jaamacadda aysan si buuxda ugu hoggaansamin Qodobka IX waa in uu la soo xiriiro: ISKUDUWAHA QODOBKA IX Danielle Hermanny Qolka 247, Xarunta Ardayga Anderson (651) 962-6882 [email protected]

Page 17: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

17

TAARIIKHO MUHIIM AHAgoosto. 30- Sibteembar. 3Sibteembar. 3

Sibteembar. 4Sibteembar. 10

Sibteembar. 17

Sibteembar. 17

Sibteembar. 19Sibteembar. 30- Oktoobar. 6

Maalmaha Soo-dhoweyntaMaarso Iyadoo Loo Marayo Qalooca, Nimcada Isdhexgalka Diimaha, iyo Dabaaldega FuritaankaFasallada simistarka dayrta ayaa bilaabanayaMaalinta ugu dambeysa ee lagu darayo fasalka oggolaanshaha macalinka la’aantiiMaalinta ugu dambeysa ee laga tagayo fasalka ayada oo aan loo baahnayn xusuus qorid la diiwaangeliyoBandhiga Waxqabadyada (wax ka baro ku dhowaad 130+ naadiyo arday iyo ururro)Lacag bixinta biilka koowaad ee la iska rabo

Toddobaadka Guri-kunoqoshada/Qoyska

SIBTEEMBAR 2019

AXAD ASNIIN TALLAADO ARBACO KHAMIIS JIMCO SABTI

1 2 3 4 5 6 7

8 9 10 11 12 13 14

15 16 17 18 19 20 21

22 23 24 25 26 27 28

29 30

Page 18: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

18

OKTOOBARGuri-noqoshada Tommies iyo Ayaamaha Fasaxa Toddobaadka ee Qoyska, Oktoobar. 4-6, 2019, waa fursad heersare ah oo loogu talogalay adiga iyo xubnaha qoyskaaga in aad dib u xiriirtaan oo aadna wada dareentaan nolosha St. Thomas. Ku soo biir qoyska Tommie inta aynu u dabbaal-degayno doorashooyinka Guri-noqoshada iyo Ayaamaha Fasaxa Toddobaadka oo ay ka mid yihiin Gaardiga Guri-noqoshada, damaashaad iyo fursad lagula xiriirayo qoysas kale. stthomas.edu/familyweekend

Bisha oktoobar waa waqti aad sii wadi karto in aad ku dhiirrageliso ardaygaaga in uu booqdo Xarunta Guusha Ardayga. Xogaga wax barista/umeerinta waxaa la heli karaa ayada oo loo marayo Xarunta Xogaga Xisaabta (MaRC) ama Xarunta Qoritaanka ee loogu talogalay caawimaadda imtixaanada iyo waraaqaha. Qof baraya ayaa sidoo kale laga helayaa tooska waaxyada waxbarasho.

Haddii aad dareento in wiilkaaga ama gabadhaada ay waqti adag kala kulmaan kala-guurka kuliyadda, ku dhiirrigeli in ay isticmaalaan xogaga bilaashka ah ee la heli karo ayada oo loo marayo Adeegyada La-talinta iyo Nafsaaniga.

Fasaxa nus-teeramka waxaa uu bilaabanayaa Oktoobar. 25, 2019, waana fursad loogu talogalay qof walba in uu ku nasto.

MADAXA ARDAYDAXarunta Ardayda Anderson, Qolka 241(651) 962-6050stthomas.edu/deanofstudents

ADEEGYADA LA-TALINTA IYO NAFSAANIGAXarunta Dhismaha Jaamacadda ee Murray-Herrick, Qolka 356Laga bilaabo Oktoobar 2019-ka waxaan ku yaali doonaa geeska Waddooyinka Grand iyo Finn.(651) 962-6780stthomas.edu/counseling

XARUNTA XOGAGA XISAABTA (MARC)Dhismaha Sayniska ee O’Shaughnessy, Qolka 235 (651) 962-5529stthomas.edu/marc

XARUNTA QORAALKAXarunta John R. Roach, Qolka 361 (651) 962-5601stthomas.edu/writing

Page 19: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

19

TAARIIKHAHA MUHIIMKA AH Sibteembar. 30- Oktoobar. 61da Oktoobar

18ka Octoobar

25ka Octoobar28ka Octoobar

Toddobaadka Guri-kunoqoshada iyo QoyskaWaqtiga kama dambeyska ee codsiga simistarka gu'ga iyo waxbarashada dibadda ee Teeramka-Janaayo (J-term)Maalinta ugu dambeysa ee la gelinayo macluumaadka tallaalkaFasaxa teeramka-nuskiisa ahDib-u-bilaabashada fasallada

OKTOOBAR 2019

AXAD ASNIIN TALLAADO ARBACO KHAMIIS JIMCO SABTI

1 2 3 4 5

6 7 8 9 10 11 12

13 14 15 16 17 18 19

20 21 22 23 24 25 26

27 28 29 30 31

Page 20: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

20

NOFEEMBARHaddii aad u dabbaal-degto fasaxa qaranka Mareykanka ee Mahadnaqa iyo haddii kaleba, waqtigan waa waqtiga lagu mahadin lahaa hadiyadaheenna oona dib loo eegi lahaa siyaabaha la noogu yeeray in aan u khidmayno. Mahadnaqa waa mid ka mid ah aaminsanaanta jaamacadda, waxaana filaynaa in ardaygaaga uu kusoo biirri doono adeegga beesha degaanka, qaranka iyo midka caalamiga ahba. Xarunta Mutadacwanimada Tommies ee Wadajirka ah waxaa ay ka shaqeysaa in ay ku caawiso ardayda in ay helaan meelayn mutadawacnimo ah oo ku habboon baahiyadooda iyo waxyaabaha ay xiiseeyaan hareeraha Magaalooyinka Mataanaha ah.

Haddii aad ku nooshahay aagga metro-ga, tixgeli in aad ku darto kursi ama laba dheeraad ah miiskaaga Mahadnaqa oo loogu talogalay ardayda caalamiga ah. Dabbaal-deg gaar ku ah Mareykanka, Mahadnaqa waxaa uu bixiyaa fursad loogu talogalay Xafiiska Ardayda iyo Culumada Caalamiga ah si loogala hawlgalo beesha dhismaha jaamacadda in la siiyo ardayda caalamiga ah waayo-aragnimada waaqiciga ah ee damaashaadka/xafladaha.

Ardaygaaga waxaa laga doonayaa in uu la kulmo la-taliyaha kuliyaddiisa iyo/ama la-taliyeyaasha dhanka tacliinta horaanta Nofeembar si uu ugu diyaar garoobo diiwaangelinta koorsada Teeramka-Janaayo iyo simistarka gu'ga.

LA-TALINTA TACLIINTAXarunta Dhismaha Jaamacadda ee Murray-Herrick, Qolka 110(651) 962-6300stthomas.edu/academiccounseling

XARUNTA LOOGU TALOGALAY GUUSHA ARDAYGAXarunta Dhismaha Jaamacadda ee Murray-Herrick, Dabaqa Koowaad(651) 962-6342stthomas.edu/[email protected]

XAFIISKA ARDAYDA IYO CULUMADA CAALAMIGA AHXarunta Ardayda Anderson, Qolka 218 (651) 962-6650stthomas.edu/oiss

XARUNTA MUTADAWACNIMADA TOMMIES EE WADAJIRKA AHXarunta Ardayda Anderson, Qolka 318(651) 962-5262stthomas.edu/tommiestogether

Page 21: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

21

TAARIIKHO MUHIIM AH11-21ka Nofeembar

18ka Nofeembar

28ka Nofeembar

Diiwaangelinta hore ee Teeramka-Janaayo iyo simistarka gu'gaMaalinta ugu dambeysa ee laga bixi karo fasal ayada oo aysan jirin darajada FFasaxa mahadnaqa ayaa bilaabanaya

NOFEEMBAR 2019

AXAD ASNIIN TALLAADO ARBACO KHAMIIS JIMCO SABTI

1 2

3 4 5 6 7 8 9

10 11 12 13 14 15 16

17 18 19 20 21 22 23

24 25 26 27 28 29 30

Page 22: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

22

DISEEMBARSida Jaamacad Katoolig ahaan, Xarunta Wadaadka Dhismaha Jaamacadda waxaa ay ku dadaalaysaa in ay kulmiso baahiyada wacdiga diimeed iyo nafta kala duwan ee dhammaan bulshadeenna. Ardayda danaynaysa kobcida nafta waxaa lagu casuumayaa in ay booqdaan xafiisyadooda.

Marka aad ku soo dhoweyso ardaygaaga guriga fasaxaha jiilaalka, waxaad ka dareemi kartaa xoogaa isbeddelo ah. Ardaygaaga waxaa ay u badan tahay in uu u ekaado qof si aad ah u madax-bannaan, isku-kalsoon oo yool ku jihaysan marka loo eego sida uu ahaan jiray ka hor inta uusan imaan jaamacadda St. Thomas.

Inkasta oo laga yaabo in ay u muuqato waqti hore, waa waqti wanaagsan oo aad kala hadli karto ardaygaaga qorsheyaasha guryaynta ee sannad dugsiyeedka soo socda. Nolosha Deggenaanshaha waxaa uu ku wargelinayaa ardayda hadda deggan hannaanka xulashada qolka ayada oo loo marsiinayo war-isgaarsiin iimaylka ah.

Nolosha Ardayga Dibadda-Dhismaha Jaamacadda (OCSL) waxa ay bixinaysaa macluumaad ku saabsan tixgelinta gaadiidka iyo guryaynta ka-baxsan dhismaha jaamacadda. Adeegyada Ardayda Dibadda Dhismaha Jaamacadda (OCSL) waxaa ay martigelinayaan siminaarrada waxbarashada kireystaha si loogu caawiyo ardayda in ay wax ka bartaan khuraafaadka iyo xaqiiqooyinka dhabta ah ee nolosha ka-baxsan dhismaha jaamacadda.

XARUNTA DIINTA EE DHISMAHA JAAMACADDAXarunta Ardayda Anderson, Qolka 207(651) 962-6560Xafiiska Cibaadaysigastthomas.edu/spiritualityXafiiska Adeegga iyo Cadaaladda Bulshadastthomas.edu/serviceandsocialjusticeXafiiska loogu talogalay Daryeelka Wadaado diimeedka iyo Cibaadadastthomas.edu/campusministry

ADEEGYADA ARDAYDA EE DIBADDA DHISMAHA JAAMACADDAXarunta Ardayda Anderson, Qolka 253 (651) 962-6138stthomas.edu/offcampus

NOLOSHA DEGGENAANSHAHAKoch Commons, Qolka106 (651) 962-6470stthomas.edu/residencelife

Page 23: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

23

TAARIIKHO MUHIIM AH2da Diseembar

2da Diseembar13ka Diseembar16ka Diseembar

17-20ka Diseembar

Darajooyinka aan dhammayn ee laga filayo simistarka gu'ga iyo teerarmka xagaagaDib-u-bilaabashada FasalladaFasallada ayaa dhammaada Waxbarashada maalinta iyo fiidkii ah ee imtixaannada kama dambeyska ah ayaa bilaabanayaImtixaannada kama dambeyska ah

DISEEMBAR 2019

AXAD ASNIIN TALLAADO ARBACO KHAMIIS JIMCO SABTI

1 2 3 4 5 6 7

8 9 10 11 12 13 14

15 16 17 18 19 20 21

22 23 24 25 26 27 28

29 30 31

Page 24: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

24

JANAAYOWaa sannad cusub iyo bilowga teerarmka Janaayo. Waqtigan sidoo kale waa waqti aan ku casuumayno adiga iyo ardaygaaga in ay dib-u-milicsadaan dhawrka bilood ee ugu horreeyo Tommie ahaan. Maxay ahaayeen guulahooda? Ma jireen wax dhalliilo ah?

Waa waqti fiican oo ay ardaydu la kulmi karaa la-taliyeyaashooda dhanka gargaarka maaliyadeed si ay ugu jawaabaan su'aalo kasta ee ku saabsan sida loo gudbiyo Codsiga Lacag La'aanta ah ee Gargaarka Ardayda ee Federaalka (FAFSA).

Janaayo sidoo kale waa waqti fiican oo la raadsan karo shaqada dhismaha jaamacada ama tababarka shaqo oo dibadda dhismaha jaamacadda ah. Ka eeg mareegtada JobsAtUST liiska shaqada ardayda ee hadda ah. Xarunta Horumarinta Xirfadda Shaqo waxa ay ku caawin kartaa ardaygaaga in uu kobciyo ama turxaan-bixiyo taariikhdooda shaqada iyo waxbarashada.

GARGAAR MAALIYADEEDXarunta Dhismaha Jaamacadda ee Murray-Herrick, Qolka 152 (651) 962-6550stthomas.edu/financialaid/undergraduate

KHAYRAADKA AADANAHA/SHAQAALAHAGuryaha Aquinas, Qolka 217 (651) 962-6510stthomas.edu/jobsatuststthomas.edu/hr/studentemployment

XULASHADA HOGGAANKA ARDAYDA Xafiiska Nolosha Dhismaha JaamacaddaXarunta Ardayda Anderson, Qolka 325 (651) 962-6130stthomas.edu/studentaffairs/initiatives/ studentleadershipselection

Page 25: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

25

TAARIIKHO MUHIIM AH2da Janaayo3da Janaayo

8da Janaayo

20ka Janaayo23ka Janaayo

30ka Janaayo

Fasallada Teeramka-Janaayo ayaa bilaabanayaMaalinta ugu dambeysa ee lagu darsan karo fasal oggolaansho la'aanta baraha/macalinkaMaalinta ugu dambeysa ee fasal laga baxayo ayada oo aysan jirin qoraal lagu qorayo diiwaanMaalinta Martin Luther King Jr. – fasal ma jiroMaalinta ugu dambeysa ee laga bixi karo fasal ayada oo aysan jirin darajada FFasallada Teeramka-Janaayo ayaa dhammaanaya

JANAAYO 2020

AXAD ASNIIN TALLAADO ARBACO KHAMIIS JIMCO SABTI

1 2 3 4

5 6 7 8 9 10 11

12 13 14 15 16 17 18

19 20 21 22 23 24 25

26 27 28 29 30 31

Page 26: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

26

FEBRAAYO Inta heerkulka uu ku heebaabayo barafowga, simisterkeenna gu'ga ayaa bilaabanaya! Ku caawi ardaygaaga in uu ka guulaysto diiqadda jiilaalka adiga oo ku dhiirrigelinaya in uu isku dayo waxqabad cusub, barnaamij ama ururka ardayda simistarkan.

Marka la joogo jaamacadda St. Thomas, waxaan qiimeynaaa kala duwanaanta qaniga ah ee ardaydeenna, waxaanna ku dhiirrigelinaa ardayda in ay bartaan dadka asalkooda kala duwan ee ka duwan ayaga. Xafiisyada kala duwan waxa ay qorsheeyaan dhacdooyin iyo barnaamijyo lagu caawinayo ardayda in ay kordhiyaan aqoonta ay u leeyihiin dhaqankooda – xirfad ay u baahanyihiin ardayda oo dhan, ayada oo aan la eegayn takhasuskooda.

Xarunta Ladnaanta waxa ay leedahay adeegyo iyo barnaamijyo sida Adeegyo Caafimaad, Adeegyo Nafsaani iyo La-talin (CAPS), Xarunta Ladnaanta iyo Xafiiska Ka-hortagga Rabshadaha iyo Wacyigelinta. Xarunta Ladnaanta waxaa ay ku caawinaysaa ardayda jaamacadda St. Thomas in ay kobciyaan hab-nololeed caafimaad qab leh iyaga oo bixinaya barnaamijyo sannadka oo dhan soconaya oo ku saabsan mawduucyo kala duwan oo caafimaadka ah. Ku dhiirrageli ardaygaaga in uu eego dhammaan waxa ay Xaruntu bixinayso.

Dhismaha Madadaalada iyo Ciyaaraha Fudud ee Anderson waxa uu hoy siiyaa xarun biyo, garoon leh 2,000 oo kursi oo loogu talogalay ciyaaraha kubada kolayga iyo la liska, guri martigeliya waddo lagu ordo oo 200-mitir ah, tas-hiilaad jirdhis oo loogu talogalay wadnaha iyo murqaha iyo tababarka miisaanqaadidda, iyo qololka lebiska oo armaajooyin leh. Ku dhiirrigeli ardaygaaga in uu booqdo AARC.

XARUNTA LADNAANTAXarunta Dhismaha Jaamacadda ee Murray-Herrick, Qolka 355 (651) 962-6128Laga bilaabo Oktoobar 2019-ka waxaan ku yaali doonaa geeska Waddooyinka Grand iyo Finn.stthomas.edu/wellness

DHISMAHA MADADAALADA IYO CIYAARAHA FUDUD EE ANDERSON(651) 962-5920stthomas.edu/aarc

ADEEGYADA ISKUJIRKA IYO KALA DUWANAANSHAHA ARDAYDAXarunta Ardayda Anderson, Qolka 224 (651) 962-6460stthomas.edu/studentdiversity

Page 27: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

27

TAARIIKHO MUHIIM AHFebraayo. 3Febraayo. 7

Febraayo. 14

Febraayo. 18

Fasallada simistarka gu’ga ayaa bilaabanaya Maalinta u dambaysa ee lagu darayo fasal aan u baahnayn oggolaansho macalinMaalinta u dambaysa ee laga tagayo fasalka ayada oo aan loo baahnayn xusuus qorid la diiwaangeliyoBandhiga Hawlaha Gu’ga

FEBRAAYO 2020

AXAD ASNIIN TALLAADO ARBACO KHAMIIS JIMCO SABTI

1

2 3 4 5 6 7 8

9 10 11 12 13 14 15

16 17 18 19 20 21 22

23 24 25 26 27 28 29

Page 28: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

28

MAARSOAyada oo xagaaga si dhaqso ah u soo dhow yahay, hadda waa waqti aad u fiican oo uu ardaygaaga ka fikiri karo in uu ka faa'iideysto fursadaha waxbarashada dibadda ah. Waxbarashada dal kale waxa ay ardaydu siisaa fursad ay kula kulmi karaan waayo-aragnimo cusub iyo siyaabo lagu fakaro.

Sannad kasta in ka badan 1,000 ardayda jaamacadda St. Thomas ah ayaa dibadda dhismaha jaamacadda wax ku soo barta waxa ayna kuu sheegayaan in ay ahayd mid ka mid ah waayo-aragnimadooda ugu fiican Tommie ahaan. Jaamacadda St. Thomas waxaa ay ku bixisaa in ka badan 330 simistar - ama barnaamijyo sannadka oo dhan soconaya dalalka sida Talyaaniga, Turkiga, Ingiriiska, Australia and Spain.

Ku qaadashada simistar ama Teeramka Janaayo dibadda waxa ay qaadanaysaa diyaargarow laga taxaddaro. Ku dhiirrigeli ardaygaaga in uu kula kulmo la-taliye Xafiiska Waxbarashada Dibadda simistarkan si uu u bilaabo qorsheynta waayo-aragnimadan nolosha wax-ka-beddelaysa.

XAFIISKA WAXBARASHADA DIBADDAXarunta Dhismaha Jaamacadda ee Murray-Herrick, Qolka 212 (651) 962-6450stthomas.edu/studyabroad

Page 29: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

29

TAARIIKHO MUHIIM AH Maarso 1

Maarso 15

Maarso 23Maarso 30

Wakhtiga kama dambayska ah ee codsiga loogu talogalay waxbarashada dibadda ee xagaaga ee St. ThomasWakhtiga kama dambayska ah ee codsiga ee loogu talogalay dayrta, xagaaga iyo waxbrashada dibadda ee sannad dugsiyadeedka la ogolaaday ee kale Nasashada nus-teeramka ayaa bilaabanaysaDib-u-bilaabashada Fasallada

MAARSO 2020

AXAD ASNIIN TALLAADO ARBACO KHAMIIS JIMCO SABTI

1 2 3 4 5 6 7

8 9 10 11 12 13 14

15 16 17 18 19 20 21

22 23 24 25 26 27 28

29 30 31

Page 30: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

30

ABRIILArdaygaaga miyuu wax iska weyddiinayaa takhasusaadka, raadinayaa shaqooyin tababar-qaadasho ama ka fikirayaa waxa la sameeyo qalanjebinta ka-dib? Haddii aysan weli booqan Xarunta Horumarinta Xirfadaha Shaqo, ku dhiirrigeli ardaygaaga in uu booqdo. Xarunta Horumarinta Xirfadaha Shaqo waxaa ay bixisaa adeegyo badan oo ay ka mid yihiin qoritaanka taariikhdooda shaqada iyo waxbarashada, wareysiyada jilitaan ah, sahaminta xirfadda iyo kalfadhiyada macluumaadka shaqo. Adeegyadan waxaa ay wanaajiyaan waayo-aragnimada shaqo waxaa ayna u diyaariyaan ardayda xirfadaha shaqo ee mustaqbalka.

Inta lagu guda jiro bisha Abriil, ardayda waa in ay la kulmaan la-taliyeyaashooda tacliinta/la-taliyeyaasha kulliyadda si ay ugu diyaar garoobaan diiwaangelinta koorsada dayrta iyo xagaaga.

XARUNTA HORUMARINTA XIRFADAHA SHAQOXarunta Dhismaha Jaamacadda ee Murray-Herrick, Qolka 123(651) 962-6761stthomas.edu/careerdevelopment

Page 31: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

31

TAARIIKHO MUHIIM AHAbriil 10-13Abriil 14Abriil 14 -23

Abriil 22

Nasashada fasaxa ciida masiixiyiinta Dib-u-bilaabashada FasalladaIsdiiwaangelinta xilliga hore ah ee loogu talogalay kulamada xagaaga iyo simistarka dayrtaMaalinta u dambaysa ee laga baxayo ama noqonayo ayada oo aan jirindarajada F

ABRIIL 2020

AXAD ASNIIN TALLAADO ARBACO KHAMIIS JIMCO SABTI

1 2 3 4

5 6 7 8 9 10 11

12 13 14 15 16 17 18

19 20 21 22 23 24 25

26 27 28 29 30

Page 32: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

32

MAAJOSannad-dugsiyeedka koowaad ee ardaygaaga ee jaamacadda St. Thomas ayaa dhammaaday! Adiga iyo ardaygaaga waxaa laga yaabaa in aad dareentaan dareemo isku-dhaf ah. Wax badan ayaa isbeddelay sannadkii la soo dhaafey waxaadna ciyaartay door muhiim ah inta lagu guda jiray waqtigan isbeddelka ee nolosha ardaygaaga.

Ardayda waxaa ay sii-wadi karaan in ay wanaajiyaan waayo-aragnimadooda waxbarasho xagaaga iyada oo loo marayo shaqo tababar-qaadasho, fasallo, cilmi-baaris tacliimeed, waxbarasho dibadda ah ama shaqo xagaaga ah.

Page 33: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

33

TAARIIKHO MUHIIM AH1da Maajo

15ka Maajo18ka Maajo

19-22ka Maajo23ka Maajo

Darajooyinka aan la dhammayn ee laga filayo simistarka dayrta iyo Teerarmka-JanaayoFasallada ayaa dhammaada Waxbarashada maalinta iyo fiidkii ah ee imtixaannada kama dambeyska ah ayaa bilaabanayaImtixaannada kama dambeyska ahBilowga

MAAJO 2020

AXAD ASNIIN TALLAADO ARBACO KHAMIIS JIMCO SABTI

1 2

3 4 5 6 7 8 9

10 11 12 13 14 15 16

17 18 19 20 21 22 23

24 25 26 27 28 29 30

31

Page 34: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

34

QORAALLO

Page 35: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

35

QORAALLO

Page 36: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

36

QORAALLO

Page 37: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

XIRIIRADA MUHIIMKA AHLa-hawlgalayaasha guusha ardaygaaga

LA-TALINTA TACLIINTA(651) 962-6300stthomas.edu/academiccounseling

URURKA QALINJEBIYEYAASHA(651) 692-6430stthomas.edu/alumni

XAFIISKA CIYAARAHA FUDUD(651) 962-5900stthomas.edu/athletics

XAFIISKA GANACSIGA(651) 962-6600stthomas.edu/businessoffice

NOLOSHA DHISMAHA JAAMACADDA(651) 962-6130stthomas.edu/campuslife

XARUNTA DIINTA EE DHISMAHA JAAMACADDA(651) 962-6560stthomas.edu/ministry

XARUNTA LOOGU TALOGALAY GUUSHA ARDAYGA(651) 962-6342stthomas.edu/centerforstudent achievement

DUKAAMADA DHISMAHA JAAMACADDA(651) 962-6850stthomas.edu/campusstores

XARUNTA HORUMARINTA XIRFADAHA SHAQO(651) 962-6761stthomas.edu/careerdevelopment

ADEEGYADA LA-TALINTA IYO NAFSAANIGA(651) 962-6780stthomas.edu/counseling

MADAXA ARDAYDA(651) 962-6050stthomas.edu/deanofstudents

KHAYRAADKA NAAFADA(651) 962-6315stthomas.edu/enhancementprog

GARGAAR MAALIYADEED(651) 962-6550stthomas.edu/financialaid

ADEEGYADA CAAFIMAADKA(651) 962-6750stthomas.edu/healthservices

ADEEGYADA ARDAYDA EE DIBADDA-DHISMAHA JAAMACADDA(651) 962-6138stthomas.edu/offcampus

XAFIISKA ARDAYDA IYO CULUMADA CAALAMIGA AH(651) 962-6650stthomas.edu/oiss

XAFIISKA WAXBARASHADA DIBADDA Xarunta Dhismaha Jaamacadda ee Murray-Herrick, Qolka 212 (612) 962-6450stthomas.edu/studyabroad

SARKAALKA XIRIIRKA WAALIDKA(651) 962-6050stthomas.edu/parents

ADEEGYADA BAABUUR DHIGASHADA(651) 962-PARK (7275)stthomas.edu/parking

AMMAANKA GUUDKhadka xaaladaha-aan deg-degga ahayn (gelbinta) (651) 962-5100Khadka xaaladaha degdegga ah (651) 962-5555stthomas.edu/publicsafety

XAFIISKA DIIWAAN HAYAHA(651) 962-6700stthomas.edu/registrar

NOLOSHA DEGGANAANSHAHA(651) 962-6470stthomas.edu/residencelife

ADEEGYADA ISKUJIRKA IYO KALA DUWANAANSHAHA ARDAYGA (651) 962-6460stthomas.edu/studentdiversity

ISKUDUWAHA QODOBKA IXDanielle HermannyQolka 247, Xarunta Ardayga Anderson(651) [email protected]

XARUNTA DHEXE EE TOMMIEMacluumaadka iyo iibka tikidka ee xafladaha bulshada(651) 962-6137stthomas.edu/asc/tommiecentral

Daryeelada Jaamacadda St. Thomas waxa ay bixiyaan xogag iyo macluumaad lagu wanaajinayo dhisme jaamacadeed ammaan ah oo caafimaad leh. Haddii aad qabto walaac ku saabsan ardaygaaga, fadlan booqo: stthomas.edu/ustcares

Page 38: WAALID - stthomas.edu · Dukaamada Dhismaha Jaamacadda St. Thomas iyo agab raashiin mid kasta oo ka mid ah goobaha cuntada lagu cuno ee dhismaha jaamacadda gudaheeda iyo dhawr goobood

DOS110315

Qaybta Arrimaha Ardayda