75
Dharaaro Xusuustood Iyo Dhiiranaani By. Xusuus Qorkii Prof. Maxamed Siciid Gees

Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

Tags:

Embed Size (px)

DESCRIPTION

Waxaa reerkayaga reer Gees ka soo jeedeen magaalada Laasqoray oo aan degi jirnay dabayaaqadii qarnigii 19aad iyo ka hor halkaas oo ay Berbera uga soo guuren dibna ugumay noqon. Aniga oo hada ku soo noqday oo ah facii saddexaad, ima ay cajabin dhulka iyo nolosha taal, Lasqoray waxay u qaybsanayd saddex xaafadood , xaafad gabowday oo xeebta xigta oo leh daaro dhaadheer oo ah halku ka soo degay badmareenkii Ingiriiska ahaa ee Speak 1855 qaybtaas oo aanay hada cidina deganayn , xaafada laga dhisay wershada kalluunka oo leh daaro cusub oo ah Shacabka iyo xaafada hada la dhistay oo ka kooban daaaro dhagax ah iyo carshaan oo loo yaqaano Isweeto,

Citation preview

Page 1: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

Dharaaro Xusuustood Iyo Dhiiranaantii By. Xusuus Qorkii Prof.Maxamed Siciid Gees

Page 2: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees
Page 3: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

Xusuus Qorkii

Pror . Maxamed Siciid Gees

Sanadihii Cadhada

Waxaan ku xidhnayn nolosha tuulada kuliyadda Lafoole gelin hore iyo gelin danbeba casharo ayaa ka

socday tuuladaas oo ay Ardayda iyo Macalimiintuba ku nooshahay , dhawr jeer oo aan dejiyey jadwalka

casharada waxaan xusuusta in saacadaha shaqadu bilaabmi jireen 7:00 subaxnimo ayna dhamaan jireen

9:00 habeenimo marka laga reebo saacadaha 1:00 duhurnimo ilaa 4:00 galabnimo oo fasax ahaan jirtay

iyo saacada u dhaxaysa 6:00 makhribnimo ilaa 7:00 fiidnimo. Haddaba, markii la soo gaadhay sanadihii

sideedtameeyadii 1980 waxaa bilaabantay in macalimiintii jamacadu ay jeclaysteen inay isku qoraan

casharada gelinka danbe oo gelinka hore lagu yaaco Xamar iyadoo la raadinayo shaxaad lagu kabo

mushaharka sixir bararku hadheeyey isagoo mushahaarkii waxba go’ayn waayey waxaa kale oo la

raadsan jiray in meelo kale laysu bedelo ama la raadsado waxbarasho dibadeed oo aan laga soo noqon,

waxaa kale oo dhacday in fasaladii, qolalkii hurdada, hoolalkii iyo meelihii cuntadu ay wada gaboobeen

oo wax lagu dayactiro la waayey waxay waqtigaas u ekaatay meel laydhku ka sii damayo siina

dhimanaysa oo qof dan ka lihi aanu jirin, waxay madaxda jaamacaddu ku mashquul sanaayeen jamacadii

weynayd ee afka Talyaaniga wax lagu baran jiray ee Xamar ku taalay ee ay dawladda Talyaanigu maal

gelin jirtay. Waxaa meesha ku dhax baaba’aday kuliyadii waxbarashada Lafoole ee af Ingriisiga wax lagu

dhigi jiray oo iyada gooni looga takooray Jaamacada weyn. Waxaa sanadahaa hormuud ka noqday

kuliyada Lafoole Prof. Saleebaan Axmed Guuleed 1981 waxaa arrimaha ardayda qaabilsanaa Ciise Xasan

Cali ( ina qoob shalax) aniga Gees waxaan madax ka aha qaybta Fiisigiska , kimistarigana waxa madax ka

ahaa Cabdi Biixi Yoonis. Prof Guuleed waxaa u muuqday dhibaatada iyo dayaca haysta Kuliyadda halkaas

oo uu muda badan joogay oo uu Macalin ka ahaan jiray, waxaa uu magacaabay guddi loo xilsaaray

dayactirka jaamacada oo madax uga dhigay Aniga Gees gudigaas oo isugu jirtay Macalimiin iyo Arday,

waxaanu soo tiro koobnay inta daaqad , saqaf , albaab, musqul iyo goob jaban ee Jamacadda, markii

aanu soo dhamaystirnay warbixintii ayaanu u gudbinay Prof Guleed waxaa uu dabadeedna arrinkii ula

tegay Saleebaan Maxamuud Aadan ( saleeban gaal) oo markaa ahaa wasiirku xigeenka wasaarada

waxbarashada waxaa uu u bandhigay dhibaatada haysata kuliyadii waxbarashada Lafoole oo

macalimiinta ay barbaarisaa ay ka hawlgeli jireen dugsiyada dalka ee ay maamusho wasaarada

waxbarashadu ka dibna waxa uu waydiistay inuu wax kala qabto dayactirka kuliyada waxa kale oo uu u

sheegay in uu guddi u sameeyey arrinkaas uuna gudoomiye ka yahay Maxamed Saciid Gees, waxaa uu

Saleebaan gaal ka yeelay in uu wax kala qabto dayactirka kuliyada ka dibna waxa uu Prof Guleed u

sheegay inuu u soo dirayo gudoomiyaha gudiga Gees.

Maalintii danbe ayaan ugu tegay Saleebaan xafiiskiisi wasaarada waxbarashada Aniga iyo wasiirku

xigeenku iskuma aanaanu cusbayn oo hore ayaanu u soo wada shaqaynay markii uu madaxda ka ahaa

xafiiskii manaahijta ee waxbarashada halkaas oo aanu ka soo wada shaqaynay 1973-5, Saleebaan si fiican

ayuu iigu soo dhaweeyey xafiiskiisa isaga oo uu markaas la fadhiyey nin waxbarashada caan ku ahaa oo

markii danbe ka noqday Agaasime guud laakiin markaas ahaa agaasimaha waaxda maamulka iyo lacagta

Page 4: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

lana yiraahdo Axmed Saciid Kaarshe markii aan u waramay waxaa layga saxeexay qoraal ah hab

xisaabeedka aan ku shaqaynayo ka dibna waxaa farta layga saaray jeeg Baanka dhaxe ah oo ay ku qoran

tahay magacayga iyo lacag dhan 1,000,000 hal milyan oo shilinka soomaliga ah oo markaas u dhigmayey

lacag dhan $100,000 boqol kun oo doolarka Maraykanka ah.

Prof Guleed intaas kuma joogin ee waxaa uu u tegay Janaral Ismaciil Axmed Ismaciil oo ahaa taliyahii

Ciidanka Asluubta oo ay arday ugu jirtay oo ka warhayey xaalada kuliyada. Jananaku waxaa uu isna

noogu deeqay carro kaawe, nuurad , jay iyo qalabkii dhismaha, markii arrinku halkaas noo marayey oo

aanu haysano wax noogu filan hawshayadii laakiin aanaanu weli shaqadii bilaabin, ayaa Prof Guuleed u

tegay wasiirkii hiddaha iyo tacliinta sare oo masuul ka ahaa jamacadaha dalka waxaa uu uga sheekeeyey

hawsha dayactirka kuliyadda lafoole iyo meeshay hawshu u ,marayso waxaanu ka codsaday inuu gacan

ka geysto kana soo qayb galo, waa ka balan qaaday wasiirkii inuu ka soo qayb galayo waxaanu aad u

amaanay prof Saleebaan Axmed Guuleed . Markii uu Prof Guuleed ii sheegay inuu la kulmay wasiirka

ayaa shaki igalay, wasiirka waqtigaasi waxa uu aha nin la oran jiray Axmed Ashkir Bootaan waxaana

madax ka aha Jamacadaha dalka oo dhan nin la oran jiray Muudey oo ay isku beel ahaayeen wasiirka

(gabooye), maalin danbe anigoo aroor hore xiisad ku jira ayaa waxaa yimi kuliyadii gudoomiyahii

jamacada Mr Muuday dabadeedna waxaa layga yeedhay xafiiskii hormuudka kuliyada, markii aan

dhamaystay casharkii oo saacad ahaa anigoo weli tamaashiirtii faraha ku leh waxaa xafiiska ku wada jiray

Prof Guuleed iyo Gudoomiyaha jaamacada, Mr Muuday ayaa hadalkii ku bilaabay Gees waxaa laga rabaa

jeegii inaad soo wareejisid oo aad gudoonka jamacada ku soo wereejisid anagaa hawshaas maamulayna

oo dayactirka samaynayna, waxaan ugu jawaabay in aanay arrinkaasi suurta gal ahayn waayo wasaarad

kale ayaan heshiis la soo galay oo aan masuul uga ahay lacagta ka dibna waa u noo hanjabay oo u noo

sheegay inuu hawshaas u gudbinayo ciidanka nabadsugida iyo xisaab xil ma leh hadaan jeegaas dhakhso

loogu soo wareejin waayo, arinkii ayaa yaab nagu noqday oo aanu garawsan waynay ilayn Bootaanki wax

noo balan qaaday ayaa nagu soo qanjiidhiyey.

Waxaa si kedis ah maalintii labaad xilkii looga qaaday hormuudkii kuliyada Prof Guuleed nin kalena waa

loo magacaabay xilkaas, anigana iyadoo lay raadinayo oo aan ka baqayo in lay xidho ayaan ku kalahay

wasaradii waxbarashada oo u tegay wasiirku xigeenkii Saleebaan Gaal oo intaan u galay ku idhi iga qabta

jeegan anigoo aan weli sarifin yaan laygu xidhine iina soo cesha warqadii aad iga saxeexdeen intuu qoslay

ayuu u yeedhay Kaarshe intuu u sheegay ayuu ku yidhi bal ka wareeji Gees jeegan oo yidhi war ma waxan

ayey wax ka doonayaan maanay nimanku xishoonayn.

Maalintii danbe aya hormoodkii cusbaa I waydiiyey jeegi markaas ayaan ku idhi wasaaradii waxbarashada

ee lahayd ayaan ku celiyey. Ninba maalin ayey cadhadu ku bilaabantay anigana malintas ayey igu

bilaabantay.

Prof saleebaan Axmed Guuleed waa ka tegay shaqadii kuliyada oo haya’d kale ayuu shaqo ka helay,

aniguna waxaan qortay shaqo ka tegis dabadeedna Hargaysaan u soo dhoofay waxaan ku degay huteel

Maaweel waxaa i marti qaaday nin aanu saaxiib ahayn oo la yiraahdo Axmed Xuseen Caabi waxaanu

fadhiisanay guri ku yaalay xaafada shidhka waxaa nala fadhiistay rag aan ka xusuusto Dr Aadan Abokor,

Dr Maxamed Xasan Taani, Maxamed Baaruud iyo rag kale dadkaas oo aanu hore isu wada naqaanay oo

intooda badan aanu ku wada jirnay dugsigii sare ee sheekh. Waxay iiga warameen xaalada magaalada

Page 5: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

Hargaysa iyo musuqmaasuqa hadheeyey waxay kaloo ii sheegeen lacag dhan 90 malyuun oo laga

casaystay lacagtii iskaa wax u qabso ee loogu tala galay dayactirki cisbitaalka oo ay wadaan iyaga iyo koox

dhakhaatiir Jarmal ah nimankaas oo la xidhxidhi doono oo ahaa kooxdii UFO ee keentay kacdoonkii

Hargaysa iyo dhagax tuurkii.

Waxaa iyana waqtigaa Hargaysa ku sugnaa wefti ka socda dawlada oo ay ka mid ahaayeen intaan ka

xusuusto Axmed Maxamuud Siilaanyo iyo Maxamed Cumar Jees weftigaa waxaanu garoonka Hargaysa ka

soo wada raacnay diyaarad ay leedahay Somali airline waxaan xusuustaa waxaan fadhiyey kuraasta

danbe waxaa dhinacayga fadhiyey Axmed Siilaanyo iyo Maxamed Cumar jees waxaan akhrisanayey

jariirad ah News weak ka dibna waxaa gacanta ii soo taagay Siilanyo oo aan u dhiibay waqtigaa labada

oday midna aqoon fiican uma aanan lahayn. Dr Maxamed Xasan Taani oo aanu maalin guri ku yaalay

sekatu liira igu casumay oo aanu wada fadhiisanay isaga iyo marxuun Maxamed Cabdi Dhinbiil (Galbeedi)

waxaa uu ii sheegay mar ururkaas aqoon yahanku la kulmeen weftiga xukuumada ay indhaha soo

saareen Axmed Siilaanyo markay uga warameen xaalada dhabta ah ee Hargaysa ka jirta uu isna la yaabay.

Markii aan ku laabtay Xamar oo aan daba galay codsigaygii shaqo ka tegista waxaa maalin danbe layga

yeedhay xafiiski wasiirka Axmed Ashkir Bootan, xoghayntii ayaa I soo dhawaysay oo koob bun ah ii

keenay ka dibna waxaan galay xafiiski wasiirka oo hool aha markaas ayaanu is gacan qaadnay wasiirkii oo

ahaa nin aanu waxbadan hore u kulanay oo aan is naqaanay waxaa uu igu yidhi codsigaagi waa I soo

gaadhay lakiin waan kaa diiday oo intaan kursigaa fadhiyo kaa aqbalimaayo waxaan ka warhaya Adiga iyo

Biixi halkaad kaga jirtaan kuliyada lafoole iyo waxaad ka qabateen markaas taa kaa yeeli maayo ee wax

kale I waydiiso.

Cabaar ayaan fekeray markii aan arkay mawqifkiisa waxaan ku idhi hada waxaan u baahanahay in aan

caafimaad dibada u qabto, halkaan wax kale ka eegayey ayuu igu yidhi waan kaa aqbalay. Wax yar ka dib

waxa Naylo osto laygu qoray xafiiskii laanta socdaalka si laygu sii daayo pasporkaygii waxaana fiise lay

waydiiyey safaaradii Ingriisiga waxaana lay siiyey tigidh ah Muqdisho ilaa London iyo Muqdisho iyo lacag

dhan $3000 saddex kun oo doolar oo sahay ah oo layga sarifay baanka dhexe oo basaboorka laygu qoray.

15 March 1982 ayaan ka degay magaalda London halkaas oo ay iigu danbaysay 24Octobar 1977 markaas

oo aan ka dhamaystay waxbarashadii Masterka

London

Waxaan habeenkii u horaysay ku degay Huteel magaalada dhexdeeda ku yaal oo aan laga waayi jirin

Soomalida daarta dhinaceeda hoose baar ku yiilay, habeenkii cid ma helin, maalintii danbe waxaan tegay

xarrunta BBC ‘da ee bush house oo aan ku ogaa qaybta af Soomaliga Xasan Ciise Jamac markii aan tegay

xafiiskii soo dhawaynta oo aan u sheegay in aan doonayo ninkaas, ayaa waxaa ii soo baxay ninkale oo

Soomali ah oo la oran jiray Yusuf oo aanu hore Egland u wada joognay waagii hore, intuu I salaamay ayuu

hore ii geliyey meel makhaayad ahayd markaas ayuu igu yidhi waxaan gartay markii aad Xasan i

waydiisay in aad tahay nin qariib ah oo aan war hayn, waxaa uu ii sheegay in Xasan Ciise iyo koox uu ku

jiraa ay Adisababa qabteen dhawaan. Waxaa meeshii noogu yimi oo nagu soo biiray Maxamuud Axmed

Sh Muuse oo mar ahaan jiray gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka oo ay isku dhaceen askartii ka

dibna u soo guuray London isaga iyo xaaskiisa oo ahayd gabadh Ingriis ah halkii ayaanu isku waraysanay

Page 6: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

waxay aad u xiisaynayeen arrimaha ka dhacay Hargaysa oo ay ka mid ahaayeen xadhigii qolyahii UFO,

dhagaxtuurkii ardayda, Saraakiishii u baxsatay dhinaca Itoobiya iyo guud ahaan kacdoonka ka socda dalka

Soomaliland.

Markii aan magaaladii London si fiican u degay waxaa ii muuqatay in Soomalidu ku soo korodhay

magaalda oo markii hore dad yari joogeen, waxaan kula kulmay dhawr nin oo reer Lafoole ah oo qaar

jamacado kaga jiraan dalkan iyo qaar waxbarashadii dhamaystay oo iska jooga dalkan. Waxaa waqtigaa

ka socday London mudaharaadyo Jimce walba laga hor sameeyo safaarada Soomalida ee London. Ragii

an halkaas kula kulmay waxaa ka mid ahaa Ismacil X. Maxamuud Warsame oo aanu isku arday ahayn

kuna magac dheer Suulcayn oo reer Ceel afweyn ahaa oo ay reerahayaguna ay aad isu xidhiidhin jireen,

ninkaas oo markaas aad ugu ololaynayey ururkii SNM oo waqtigaas la yagleelay waxaa kale oo aan la

kulmay Dr Dixood oo gacanta haysta gabadh cad oo sheegta inuu ka mid yahay ururka SNM qabyta

London waxa kale oo aan la kulmay Cawil Cali Cabdi oo aanu macalimiin Lafoole ka wada ahayn oo

markaas dhamaystay Mastarkii dhinaca xisaabta oo London iska jooga, ninkaas oo anu saxiib ahayn

ayaan kula kaftamay Dr Dixoodka la hagayana maxaa halganka geliyey, Cawil isagoo kaftamaya ayuu iigu

jawaabay halka Warsaame indhoole ee Iskaashatooyinka ayaanu u dhiibaynaa markaanu dalka qabsano.

Markii aan joogay London waxaanu fadhiisanay guri uu deganaa Marxuun Jaamac Rabiile Good koox reer

Soomaliland ah oo aan ka xusuusto Faarax Obokar Khayre (Faarax Askari), Axmed Geele, Ismaciil

Maxamed X Warsame(Suulcayn) iyo Jaamac Rabiile dabadeedna waxaa layska waraystay oo laga

faalooday siyasada dalkii Soomaliya halkuu marayo, Jamac ayaa hoos igu yidhi war Maxamed waakaa

Isaaq samaystay jabhada SNM dalkana waynu la deganahay inta ay gooro goortahay aynu jabhada la

galno, haddii kale waynu isku dhacaynaa, waxaanu isla qirnay inay arrinkaasi dhab yahay lakiin isaga

Jamac waxaa uu hada ka soo noqday jabhadii SSDF markaas waxaa uu ii sheegay inay ku adagtahay inuu

hadana jabhad cusub galo. Aakhirkii waxa uu ka mid noqday jabhad la sameeyey mar danbe ee SDA

dawladii u horaysay ee Soomaliland ee C/raxmaan Axmed Calina waa ka qayb galay.

Waxaa kale oo waqtigaas London joogay niman badan oo siyaasiyiinahaa wadanka ka ahaan jiray oo ay

ka mid ahaayeen C/risaaq X xuseen, Axmed Siilaanyo iyo nin la oran jiray Abu Raas waqtigaas oo ay

socotay waanwaan ah sidii mucaaradka laysugu keeni lahaa. Nimankii aanu saaxiibada ahayn qaar ka mid

ah ayaa isku dayey inay igu dhiiri geliyaan in aan ku biiro Jabhada SNM hase yeeshe waan ka cudur

daartay sababtoo ah anigoo aan ku soo tashan in aan galo hawlo noocaas ah. Waxaa dhacday in aan

maalin tago safaaradii Soomalida ee London oo aan ugu tago nin aanu hore isu naqaanay oo DC mar ka

ahaanjiray Ceerigaabo Maxamed Cabdi X. Faarax waxaan u dhiibay basaboorkaygii oo aan ka codsaday

inuu ii dalbo fiise ah Imaaraadka UAE maadama aan ahay shaqaale dawladeed oo aan London ku joogay

fasax. Haddaba, markii aan maalintii labaad ku soo noqday ayaa waxaa Safaaradii iga helay nin aanan

garanayn oo baasaboorkaygii haya iina sheegay inuu meesha ka shaqeeyo oo magaciisa la yiraahdo

Maxamed Macalin oo mareexaan yahay isaguna fiisaha ii soo samaynayo waxaan la yaabay markii uu ii

sheegay oo yidhi xalay waxaad la fadhiday nimankii SNM ee safaarada ku mudaharaada waxaan u

sheegay in aan la fadhiyey nimankaas oo aanu wada macalimiin ahayn lakiin aanan la socon waxa

London ka socda, waxaa meesha iiga soo baxday in nimankii meesha wada fadhiyey ay qaar ku xidhan

yihiin safaarada , arinkaasi waxa uu ii noqday baraarujin waxaana ii cadaatay inay dadka wax

sheegsheega Soomalida ku badan yihiin oo aan lala geli karin arin culus sida ay sheegto maahmaahda

Page 7: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

soomalida ee oranaysa “ nin ayaa aqal mugdi ah isku xidhay oo far taagay oo markaasna la baxay far

taag”sidaas ayaanay waxba ugu dhex qarsoomi karin. Ka dib waxaan u safray magaalada ka xigta London

xaga waqooyi galbeed oo la yiraahdo Manchester halkaas oo ay igu qaabileen laba macalin oo reer

lafoole ahaa oo wax ka baranayey oo ahaa Daahir Maxamed Yuusuf iyo Maxamed Cali Salaad nimankaas

oo iga waraystay xaalka dalkii ku sugnaa waxaa dhacday in aanay labadoodi midna aanu dib ugu soo

noqon shaqadii iyo wadankii markii ay dhamaysteen waxbarashadoodi. Markii aan laba bilood ku sugnaa

London ayaan u soo dhoofay UAE, waxaan ka degay magaalada Abu dabay 1 mey 1982 halkasna waxaan

joogay dhawr bilood oo aan shaqo ka raajicinayey anigoo tegay jamacada ku taal Al cayn haseyeeshe

kuma aanan guulaysan in aan shaqo hore uga helo ka dibna waxaa igu adkaatay noloshii guryahii la

deganaa ee “power house” ama ( kabo badane). Sidaas darteed, waxaan ku soo noqday Xamar iyo

Lafoole iyo reerkaygii oo degan gurigii aan kaga tegay markaas oo aan saddex caruur ah lahaa, hal sano

oo danbe ayaan ka sii shaqeeyey kuliyadii Lafoole xaaladeedii way sii xumaatay oo way ka sii dartay

dhinaca nolosha iyo siyaasadaba. Waxaa dhacday in 1983 loo magacaabay wasaaradii hidaha iyo tacliinta

sare wasiir cusub oo ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan waxaana wasiirku xigeen looga dhigay Saleebaan

Maxamuud Aadan ( saleebaan gaal) waxaan dib u qortay codsigaygii ahaa shaqo ka tegista, wasiirkii

cusbaa waa ii ogolaaday waxaan shaqadii ka tegay 13 Ogosto 1983 dibna uguma laaban, markaan dib

xusuusta u celiyo waxay ahayd shaqadii ugu fiicnayd oo uguna wax soo saarka roonayd hasayeeshe

maciishadii nololeed oo aad u adkaatay iyo meeshii oo loo diiday horumar oo aan u adkaysan waayey iyo

weliba cadhadii wadankii Soomaliyeed ka bilaabantay iyo gadoodkii ku dhashay bulshadii Soomaaliyeed

ayaa igu kelifay in aan iskaga tago.

Haddii aan hore ugu jiray nolol jamacadeed oo dadka aan la kulmaa ahaayeen Prof iyo Arday oo ah meel

akhlaaq iyo samo lagu dhaqmo waxaan u soo baxay jamacadii nolosha dhabta ah ee ay ku noolyihiin bah

waynta Soomaaliyeed iyo habkay ku dhaqanto ee ah aqoon darada, qabyaalada, ay beentu saldhiga u

tahay. Waxa ii muuqday sida aanay waxba isugu ahayn qolada wax baratay iyo bah waynta Soomaaliyeed.

Da’ daydu waxay ahayd 37 sano oo xoog ah caafimaadna qaba xaqaygii waxaa uu noqday 15,000 sh ,so

( shan iyo toban kun oo shilin soomali ah), markii aan sadex bilood ku sii jiray gurigii Lafoole waxaan u

soo guuray Xamar waxaana degay guri yar oo xafada Kasobalbalaare ah oo uu lahaa nin aanu gacal ahayn

dabadeedna waxaan bilaabay in aan xoogsi tago , waxaa markaa caan ahayd oo la dhagaysan jiray hees

hal ku dhigeedu ahayd “ Xamar waa jiqee xagaad ka geli” waxaan is waydiiyey meeshaan hawsha ka

bilaabi laha, waxaan meel maqaaxi ah ku kulanay ayaamahaa nin aanu isku arday ahayn marna aanu isku

guri deganayn Marxuun Cali Sh Maxamed Askar ( Cali Jawhar) isaguna waxaa uu mudo u shaqaynayey

Baanka dhexe oo uu ayamahaa shaqadii ka tegay markaanu wada sheekaysanay ayuu igu yidhi war Gees

xagee ayaad qabanaysaa, markaas ayaa ugu jawaabay anigoo la kaftamaya “ Doontii awoowgay

Maxamed Gees ayaan dib u kicinayaa oo badaan gelayaa” isna waxa uu iigu jawaabay aniguna Jabhadaan

gelayaa oo waan dagaal tegayaa sidaas ayaanu isku macasalaamaynay.

Waxaan is baranay niman Hawiye ah oo dhulka ka ganacsada waxaan bilaabay in aan nimankaas dhulka

la dilaalo waqtigaas Xamar ayaa aad loo dhisayey oo dhulka ayaa aad loo iibsan jiray, waxaa ii kordhay

wax badan la socodkii nimankaas, waqtigaas dad badan oo u badan Daarood oo dawlada ku jira ama

ganacsato ah ayaa dhisanayey dhismayaal aad u waaweyn, waxaan xusuusta nin nimankaas ka mid ahaa

oo la oran jiray Garuun oo Maruursade ahaa ayaa maalin aan niman Mareexan ah aanu dhul ka soo

Page 8: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

iibinay ayuu badheedh iigu yidhi ha iska dhisteen anagaa u harayna ileyn waa goofkayagii, Cadhadu

halkaas ayey maraysay, sidii uu Garuun sheegay ayey noqotay oo ay magaaladii Xamar ku danbaysay oo

wixii la dhistay laga qaxay cidii aan deegaanka ahayni.

Ganacsigii Xamar waan dhex geli kari waayey oo inta badan waxaa uu ku xidhnaa Baananka dawlada iyo

koox dad dhaqaale loogu samaynayey iyo gancsato waaweyn aniguna cid kama aqoon,waxaan habeenkii

fiidka hor fadhiisan jiray farmasi uu reerkayagu lahaa oo marna ay lahayd Marwo Adna Aadan oo loo

yaqaanay farmasigii Adna ama Caalami ooku yaalay wadada Makamukarama , nin aanu saaxiib nahay oo

ka mid ahaa macalimiintii Lafoole oo iskaga tegay shaqadii macalinimo oo markaa shaqo ka helay Haya’dii

qaxootiga qaranka (NRC) Maxamed Cumar Dubad ayaa habeenkii I soo mari jiray oo ila cawayn jiray oo

habeenkuu habsaamo igu raad gadan jiray, aniguna waxan meesha u fadhiisan jiray in telifoonka laygula

soo xidhiidho waqtigaa ma jirin Mobile ,ninkaas waxay isku xidhnaayeen niman ganacsato ah oo hayada

qandaraasyo ka qaata oo Daarood u badanaa, habeen ayuu telifoon ii soo diray oo uu nimankii uu la

fadhiyey ka soo cudurdaartay markaasey kula kaftameen miyaad nagu qalootay oo reerkiini ayaad u

tagaysa, waxaa uu ku yidhi nin aanu saaxiib nahay oo reerkiina ah oo fisigis nukliyeer bartay oo shaqo la’

ayaan u tegayaa, waxay ugu jawaabeen arrinkaasi wax dhici kara ma ahaa, halkaas ayuu xaal marayey.

Si kasta ha ahaate bishii kowaad ee 1984 ayaan ku soo noqday magaaladii Hargaysa oo busaarad weyni

ka muuqato waxaa lay sheegay in ganacsigii ku xidhnaa Falanka fuluutada la joojiyey oo ahaa

gaancsatada wax soo dejisa oo ka iibsan jiray Doolarka ku xoolaha dhoofiya, waxaa la bilaabay in baanka

LC laga furto waxii la soo dejinayo, waqtigaa waxaa dekeda Berbera taagna markab bariis ah oo ay qolyo

aanu isku reernahay ay lahaayeen , waxaan la fadhiistay Maxamed Cali oo lagu qayilo, dhaqdhaqaaqa

baabuurtu aad ayey u yaraayeen oo waxaa la qaadan jiray waraaqo lagu socdo marka meel aad tegaysid,

waxaa layska waraysan jiray dagaalda jiida hawdka ku dhexmaraya jabhada SNM iyo ciidanka dawlada

Saaxiibadii 1981 igu soo dhaweeyey Hargaysa ma joogin waa qayb la xidhay iyo qayb dalka ka carartay,

aqoonyahanadii ku soo laabtay dalka gaar ahaan magaalada Hargaysa sanadahii 1977-1981 ee ka

sameeyey ganacsiga iyo hay’aaha samafalka meesha way ka baxeen dadka madaxda ah ama magaalda

jooga waxay u badan yihiin saraakiil reer koonfureed ah waan ku cidlooday Hargaysa, waxaan u

dhaadhdacay magaaldii Berbera oo waqtigaa ahayd qaboobe iyada waxaa ka muuqday xooga

dhaqdhaqaaq ah waxaa la furay warshadii sibidhka iyo kalluun qaboojiyayaal weyn iyo mashruucii FAO ee

doonyaha oo isna la kiciyey,Askartii iyo ciidankii badnaa ee Hargaysa joogay ma jiraan Berbera, ma jirin

jawigii carada badnaa ee hargaysa yaalay, waxaan u gudbay Burco magaladaasi weligay ima cajabin jirin

oo aad uma kala aqaan waa meel miyi ah oo boodh badan aad uguma aanan sii hakan ee markiiba

gaadhi u baxaya Ceerigaabo oo dhigo dheere ah ayaan shidhka kiraystay, habeenkii ka horeeyey ayaan

soo jeeday oo qayilayey markii gaadhigi dhaqaaqay ee laamiga qabsaday ayaan gam’ay, gaadhigii laamigii

waa ka degay oo wadadii rafka ahayd ayuu qabsaday ee boodhka waynayd, waxaan toosay baabuurkii oo

joogsaday meel tuula ah oo ninkii waday ka maqan yahay oo an keligay dhex fadhiyo, daaqada waxaa

isasoo taagay dhawr nin oo odayaal ah, hareerihii baabuurka ayaan eegay mise rag hubaysan ayaa jooga,

nimankii daaqada taagna ayaa iga codsaday in aan soo dego, waxaana lay geeyey niman gar cad ah oo

Derked ku tiirsan markaan meeshi tagay ayaa waxaa igu soo ururay niman badan oo wada hubaysan,

wadada Ceerigaabo iyo Burco isku xidha waxaa iigu danbaysay 1967 oo markaa laga joogay 17 sano,

waqtigaa may dhisnayn tuuladani oo dabaday ayaa la sameeyey, hadaba markii an tuulada garan waayey

Page 9: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

waxaan u maleeyey in gaadhigu u baxay dhinacii hawdka ee aanu Ceerigaabo u socon, nin oday ah ayaa

ila hadlay oo igu yidhi noo waran, waxaan ku idhi waxaan ahay nin socdaal ah oo Xamar ka yimi

magaalda Burco xalay uun ayaan u hoyday war ma hayo, waxa uu igu yidhi nin weyn ayaad tahay

Xamarna waad ka timi marka war waad haysaaye noo waran, waxaan ugu jawaabay reer magaal ayaan

ahay ee wax I waydii aan kaaga jawaabe, waxaa uu igu yidhi qolama ayaad tahay, talaa igu cadaatay

waxaan goostay in aan runta sheego haddii lay dilaayo iyo haddii lay sharfayaba waxaan sheegaty ciddii

aan ahaa, waxa uu igu yidhi orad iska tag nabadgelyo , dhawr goor oo danbena waan ku badbaaday

qolada aan ahay Ilaahay mahadi ha ka gaadhe odayaashii reerka ee magaca u sameeyey.

Dhinacii gaadhigaan u dhaqaaqay waxaanu isku mar kornay dereewalkii oo markii hore kor tegay,waxaa

uu arkay dadka badan ee igu xeeran markaas ayuu yidhi war maxaa dhacay waxaan idhi horta ina

dhaqaaji markaas ayaan uga waramay wixii meesha ka dhacay, waxaa uu ii sheegay in gaadhiga ay

leeyahay qolo, Habarjeclo ah oo reer Daahir ah meeshuna tahay tuulo la yiraahdo Xayira oo ay degaan

Habarjeclo waxaa uu iigu daray in ayaamahan dagaalo ka socdeen dhinaca Hawdka dhax marayey

Dhulbahante iyo habarjeclo oo raga meesha aad ku arkaysay ee hubaysnaa ay yihiin gurmad wixii

baabuur Burco joogtay ay xalay u gurmadeen dhinaca Hawdka isaguna uu u socdo Maydh sidaas ayuu

Ceerigaabo igu geeyey.

Ceerigaabo iyada cadho weyni kama taagnayn dhinaca beelaha wada degan , halkaa yaaan hore u sii

dhaafay waxaan tegay Badhan iyo Laasqoray oo aanan weligay arag cidna aanan ka aqoon.

Waxaa reerkayaga reer Gees ka soo jeedeen magaalada Laasqoray oo aan degi jirnay dabayaaqadii

qarnigii 19aad iyo ka hor halkaas oo ay Berbera uga soo guuren dibna ugumay noqon. Aniga oo hada ku

soo noqday oo ah facii saddexaad, ima ay cajabin dhulka iyo nolosha taal, Lasqoray waxay u qaybsanayd

saddex xaafadood , xaafad gabowday oo xeebta xigta oo leh daaro dhaadheer oo ah halku ka soo degay

badmareenkii Ingiriiska ahaa ee Speak 1855 qaybtaas oo aanay hada cidina deganayn , xaafada laga

dhisay wershada kalluunka oo leh daaro cusub oo ah Shacabka iyo xaafada hada la dhistay oo ka kooban

daaaro dhagax ah iyo carshaan oo loo yaqaano Isweeto,

Waxay Laasqoray leedahay xeeb dabiici ah oo aad u qurux badan iyo buuro dhaadheer oo ay dusha ka

fuushan yihiin ceeryaamo oo habeenkii markay baabuurtu ka soo degayso aad moodaysid xiddigo.

Xeebta ayaa 1886 ay laba iyo toban oday iyo Suldaankii wersangeli kula saxeexdeen Boqortooyadii

Ingiriiska heshiiskii Wersangeli ku daray maxmiyadii Ingriiska ee Soomaliya. Odayaasha afar ka mid ahi

waxay ka soo jeedeen ardaaga an ku abtirsado ee reer Faatax, Afarna ardaaga aanu wada dhalanay ee

reer Garaad , afarta kalena ardaaga aanu wada deganahay ee Ogayslabe.taasi waxay ku tusaysaa in aan

ahay nin degaankaas asal u leh inkastoo hada la joogo uu ardaagaygu inta ku nool Laasqoray ay aad uga

badan yihiin inta ku nool gobalada Maraykanka oo ay iskaga tageen degaankoodaas,

Maalmahaas waxaa dhacay afduubkii diyaarad Soomali Airline oo lagu khasbay inay fadhiisato garoonka

Adisababoo ay afduubeen niman sheeganayey SNM, waxaa iyana ka horaysay jebinti jeelka Madheera ee

02/01/1983 iyo furashadii laga furtay Cabdilaahi Askar miiska saraakiila Hargaysa, haddaba

dhacdooyinkaas badan ee iska daba dhacay oo ka dhacay galbeedka, kan u danbeeyey ee afduubka

diyaarada waxaan joogay buurciida Laasqoray maadama aan ka imi galbeed dadku aad ayey u

Page 10: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

xiisaynayeen in aan uga waramo waxa ka dhacayey galbeed iyo waxa sababay cadhada intas le’eg,

waxaan u sheegay inay ka cadhaysan yihiin dawlada maanta ka jirta Soomaliya oo ah dawlad keligeed

talis ah oo hab lagu bedelaa aanay jirin sidii doorashooyinkii waqtigii hore dhulka ka dhici jiray oo ay

weliba ku darsatay cidii ka hortimaada xarig iyo xasuuq , si loo furdaamiyana la garan waayey ka dibna

caradii badatay ayaa isu rogtay in xoog lagaga hortago, waxay yiraahdeen dadkii ku noola Laasqoray

dawlad xumadu dalka iyo dadkoo dhan way haysataa ee maxaa iyaga gaar u waalay, waxaan u sheegay

inay u arkaan in ay tahay dawlad qabiil keliya ah oo iyaga xoog ku xukumaysa oo ay maanta madaxda

gobaladaas u badan yihiin qabiilka Daarood iyo weliba markii la dejiyey boqolaalka kun ee qaxootiga ah

ee ka yimi Itoobiya dhulkooda ay u arkeen in dhulkiina laga dhaxal warejinayo.

Waxay ii sheegeen inay galbeed leedahay dekad , Airport iyo wada laami ah oo isku xidha

magaalooyinkaas nalal iyo biyo qasabado ah iskuulo badan. Waxay ii sheegeen dhinaca bariga sida

Ceerigaabo, Boosaso, Qardho aanay jirin waxaas galbeedku haystaan wax ka mid ahi sida dekedo, airport

biyo iyo laydh. Markaas maxay iyagu u cadhoonayaan iyagoo haysta waxaas oo dhan, nin baa yidhi haddii

arrinku sidaa yahay qolada Xamar iyo Shabeelooyinka jooga ee wax walba haystaa iyaguna way cadhoon

doonaan waxaan ugu jawaabay waa laga yaaba mudo yar ka bacdi waxaa lagu dhawaaqay jabhadii USC

sidaas ayey dadweynaha Soomaliyeed u kala afkaar ahaayeen.

Anigu waxbaan isku jaabjabtay oo niman ayaan la rartay doon adhi ah oo u baxaysay Yaman oo aan sii

raacay waxaanu ka degnay tuulo la yiraahdom Dubaab waa markii iigu horaysay ee aan bad maro oo aan

weliba doon ku maro inkasta oo aan qoyskayagu ahaayeen dad badeed oo doonyo lahaan jireen, baddu

marka aanay kacsanayn aad ayey u qurux badan tahay badda inta kaluun laga soo jilaabto ayaa cuntada

lagu bislaystaa marna adhiga doonta saaran ayaa la shiraystaa. Doonta waxaa laha hindi faraha ayaa laga

wada hadlayey iyo af Carabi jajaban markii aanu u dhawaanay dhinac xeebta Yaman ee ahayd habeen

waxaad arkaysaa xeebta oo wada dhalaalaysa oo ay nalal ka baxyaan dhinaca xeebta Soomalida markaa

loo soo dhawaadana wax siraad ah ku arki maysid waa dhulkeena oo aanay cidi deganayn , adhigii waan

iibsaday dhawr ayaamood ayaan joogay Dubaab ka dibna waxaan doon u raacay dhinaca Jabuuti Anigoo

sita lacagttii adhiga oo Doolar ah sida caadiga ah doonyuhu maqrib ayey ka soo bixi jireen Yaman

aroortiina waxay ku xidhan jireen marsada Jabuuti aniga iyo nin aanu xoolaha wada lahayn oo doonta ka

soo raacay oo doonaynay in aanu raashinka sii iibsano Jabuuti, waxaanu ka soo gudubnay marinka

Baabul mandab markeliya ayaa doontii waxaa ka damay matoorki, doontiina waxay noqotay weel ay

badu iska wadato, Baabul mandab waa jasiirad dhextaal halka ay iskaga dhacaan biyaha Badda cas iyo

gacanka Cadmeed jasiirada bada dhextaal ee Ilahay dhigay labada dhinac ayaa laga maraa dhinaca xigta

Yaman waa yaryahay oo doonyahaa mara dhinaca Jabutina waa weynyahay oo maraakiibta marta, markii

doonta matorku ka damay waxaa ugu darnaa laydhkii lagu arkayey ee lagaga baydhayey ee dusha ka

taagna, jawaan ayaa naafto la geliyey oo la daaray oo nin loo dhiibay si uu isula taago dhinaca hore ee

doonta si aanay maraakiibtu noo jiidhin , dhawr sacadood ayey nala sabaynaysay oo aanu nafta ka

quusanay, waxaa werwer weyn igu haysay lacagta badan ee doolarka ah ee aan waday oo aan ku

fekerayey sidaan u badbaadin lahaa anagoo nafta nacnay ayaa mar danbe matoorkii kacay, waxaan soo

galnay marsadii Jabuuti goor duhur ah oo ahayd in aanu ku waa bariisano. Haddaba, anigoo ka soo

noqday xafiiska laanta socdaalka ee dekeda Jabuuti oo aan sito macawis gaaban iyo boorsadaydii ayaa

waxaa igu soo baxay Eng Cabdi Jaamac Rooble oo aanu dalka Ingiriiska wax ka wada baran jirnay, waa uu

Page 11: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

I gartay inkastoo aan iska heeryo xumaa, gaadhigii ayuu igu soo qaday waxaa u i keenay huteel ku yaalay

xaafada sadexaad waan sheekaysanay oo waxan u sheegay in aan ka imi Laasqoray iyo Yaman oo aan

doon la socday, waxaa haddaba xiiso lahayd waxaa magaalada Jabuuti ka soo galay dhinaca Awaare, Cali

Sh Cumar Askar oo ay is arkeen Cabdi Jaamac oo ay sheekaysteen oo u sheegay in aan joogo markaas

ayuu waydiiyey oo yidhi war Cabdi ninka Gees doon ma la socday? markaasu yidhi haa, oo aniga dekedda

ka qaaday isagoo doonti ka soo degay markaasu Cali yidhi walee sidaas ayey balantayadu ahayd ee ii gey,

Marxuun Cali Jawhar waxaanu kulanay isaga oo gadhweyn la baxay waxaa uu iiga waramay waayihiisi

waxaa uu halkaa ku soo arkay waxaa uu hadalkiisi ku daray waxaa jabhada jooga intii aan Soomaliya kaga

imi kii tuuga ahaa oo hada xada garaamka mujaahidiinta kii basaaska ahaa kii madaxda istusi jiray iyo

qabyaaladaystihii, afmiishaarkii iyo IWM . Anigu dhalinyaradda yaryar ee joogta ayaan wax baraa oo

wanaag u sheega oo ku dhex jiraa haddana dawadii macaanka ayaa iga go’day oo aan Jabuuti u soo

doontay .Aniguna waxaan u sheegay in aan ka dhex goosho Laasqoray, Yaman iyo Jabuuti oo aan badda

maro, waayo iyadu ma laha kaantaroolada iyo askarta badan ee dhulka buuxisay waxaa keliya oo dhib igu

haysa musqulaha doonyaha oo ah saxaarad xaga danbe kaga xidhan daasad ayaa ku xidhan bada la soo

darsado si loogu istijoodo, taas ayaan habeenkii ka baqi jiray oo aan is oran jiray saw kula go’dee ama aad

dhankale u dhaaftee.

Marxuun Cali jawhar dib isumanan arag, waxaana lagu dilay dagaaldii Hargaysa 1988 isaga oo sawiraya

diyaardahii dadka maatada ah rushaynayey.

Intii aan joogay Laasqoray iyo Ceelayo waxaa had iyo goor soo mari jiray Jabuuti oo ay iigu horaysay 1984

aad iyo aad ayaan ula dhacay magaaldaas oo waaan ku lahaa saaxiibyo badan oo aan dugsigii sare

Sheekh, kuliyadii Lafoole iyo Iglan aan wada joognay kuwaas oo dalka Jabuuti ku soo noqday oo xilal ka

qabtay intii ay gobanimada qaadatay nimankaas oo u dhashay reerka Ciise aad ayey iigu soo dhawayn

jireen magaalada Jabuuti, dadka Ciisuhu waxay ka soo jeedaan reer miyi xoolo dhaqato ah oo dhaqanka

Soomalida ee soo dhawayta iyo marti gelintu aad ayey ugu dheer tahay.waxay dawladda Jabuuti aad ugu

guulaysatay dhinaca maamulka Lacagta iyo dhaqaalaha lacagtooda Faranka qiimaheedu ma dhaco, isma

beddelo, mushahaarkeeduna waa ku filan yahay shaqaalaha. Sidaa awgeed, aad ayaa loogu taama sidii

shaqo dawladeed loo heli laha oo mushahar u heli lahaayeen halkii Soomaliya laga cararayey shaqada

dawladda, waxaan arkay meel gawaadhi qashinka qaada subax walba guryaha isasoo hortaagayo isagoo

hoonka garaacaye si loo saaro qashinka , waxa kale oo aan aad uga helay dhinaca cuntada iyo

maqaaxiyaha oo heer walba leh oo aad waqtigii aad doontid cunto ka helaysid cuntooyin kale noocnooc

ah oo ka soo jeeda bulshooyin isku milmay oo leh Soomali, Canfar, Carab, Amxaaro , Oramo iyo Faansiis.

Halka Soomalidu meelkasta ay cunta keliya wada cunto. Waxaan aad u xiisayn jiray oo fadhiisan jiray

markaan magaalda imaado marfish uu lahaa nin caan ahaa oo marki danbena noqday xildhibaan

Barlamaanka Jabuuti ah oo la yiraahdo Antiwaan, oo asal ahaan ah reer Sanaag beesha Dhulbahante

waxaa halka isugu iman jiray dad badan oo ka kala yimi Soomaliya iyo kuwa ka yimi dagaalda oo kale

afkaar ah waxaa halkaa ka dhici jiray haasawe aan turxaan lahayn iyo aqoon is waydaarsi afkaaro yaab

badan lahaa oo xiiso badan waa marfishka keliya e aanay cadho ka muuqan inkasta oo mar kasta laga

heli jiray niman jabhad ah oo cadhaysan oo ka qayb galay dagaalda Soomaliya ka socda.

Haddaba, waxaan ka dhex goosho gacanka cadmeed iyo magaaloooyinka ku yaala sida Dubaab, Jabuuti,

Page 12: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

Ceelayo iyo Laasqoray.

1986 ayaan ku qaatay 2000 neef oo adhi ah markab yar oo soodani lahaayeen oo aan u kaxeeyey dhinaca

Khaliijka halkii socodku markii hore nagu qaadan jiray 36 sacadood, waxaanu galnay socod qaadanya 8

maalmood iyo 8 habeen waxaan ka dusnay marinka caanka ah ee aan idaacadaha ka maqli jiray ee

Hormes, marinkaas oo ay Maraykanka iyo reer galbeedku ilaashan jireen oo shidaalka u badani maro,

waxa markabkii goor aroorya ah nagula soo xidhay dekedda Xamariya ee magaalada Dubay xoolahii

ayaanu ka rognay, xoolaha oo aad u soo darxumaystay oo dhogortii ka dhacday oo xanuunsanaya ,

xoolaha Soomalida waxaa dhibaatada u geysta waxa la saara maraakiib aan loogu talagelin oo aan loogu

qaadin biyo iyo baad ku filan markas ayey dhogorta iska cunaan oo dad u ekaadaan.

xoolahii kaam ayaa la oran waayey markii ay saddex maalmood xeraysnaayeen ayaan xaraashay halkas

ayaan ku kacay oo noqday Xaaji ay xoolahii ka duuleen waxaan galay deyn weyn oo aan ka galay dadkii

xoolaha lahaa ee joogay Sooomaliya.

Nin aan macalin ugu ahaa Lafoole oo aha ardaygaygii ayaa maalin danbe iga helay anigoo fadhiya

makhaayad Dubay ah oo ay Soomalidu fadhiisan jirtay oo ku taal Ferej Maraa, waxaa iga yaabisay inay

Soomalidu Adunka meel kasta ay ka degaan meesha ugu dayacan, ninkaasi waxa u igu yidhi waxaan ka

shaqeeya Abu dhabi oo guri weyn ayaan deganahay keligay oo shirkada aan u shaqeeya I siisay waxaa uu

igu martigeliyey in aan la dego intan joogo,sidaas ayaan ka yeelay waxaan u guuray Abu dhabi, waxaa

maalintii danbe I maqlay oo gurigii iigu yimi nin aanu saaxiib ahayn mudo badan oo ahaa reer Lafoole,

shaqadana aanu meel ka wada bilownay Bashiir X Xasan Geelle oo ahaa nin aanu wada kaftami jirnay oo

aanu wax wada cuni jirnay ayaa intuu I martiqaaday igu yidhi waxa keliya oo hadda kuu hadhay in aan

tigidhka kaa bixiyo o aad ka tagto Abudhabi oo aad ku biirtid jabhada SNM waxad kaga maqnaanaysa

Soomalida deynta kugu leh, waxaan ku idhi war ninkii kaca miyaa jabhada gala taasi way ceebaynaysa

jabhada ee iga daa ma tagayee, dhawr bilood ayaa sii joogay Abu dhabi ma haysan Ciqaamad waxaan ku

soo galay baxri doon la samaynayo oo xeebta taal ayaa laygu wareejiyey manfiisti sidaas ayaan ku joogay

Abudhabi

Waqtiga sida loo badnaa ama filkaygu u badnaayeen Muslin wanaagsan ma aanu ahayn ee reer magaal

Soomaliyeed oo cabsidu Ilaah ku yartahay ayaanu u badnayn, waxa jirtay intii aan Lafoole joogay in aan

ku biiray Xerta Maxamed Rabiic qaybta tima yarta, Xamar oo qaadka laysku xidho ayaanu xarunta

timoweynta ku soo qayili jirnay oo aanu kaga baxsan jirnay Guulwadayaasha, hadaba siday Carabtu ku

maahmaahi jirtay “Faqrigaa ku bara ducada” waxaa ii muuqatay in da’daydu gaadhay 40 jir oo la mid ah

xiligii Nebiga risaaladu ku soo degtay Alle ka cabsi iyo barashada diinta yaan ku fekeray waxaan ku soo

noqday Xamar oo aan iska akhrisan jiray Quraanka iyo reerkaygii iyo caruurta oo markaa ahaa 5, mudo

ayaan Xamar camal la’aan ku joogay markii aan dalka ku soo noqday 1987 ayaa waxa dib loo furay

farabka fuluutadii Hargaysa iyo dad la siiyey waraaqo ay ku keeni karaan waxyaalihii awal la diiday sida

Sigaarka oo kale, markaas ayaan shaqo bilaabay oo xooga isku soo jaabajabeeyey oo Hargaysa la imi ,

Hadaba, markii hore ee aan ganacsiga bilaabayey ayaa Awoowgay Maxmed Gees ( Alle ha u naxariistee )

oo markaa noola ayaa igula taliyey bari ha tegin waa belad xasid waxba lagama faa’iido ee galbeed qabo

waxii uu ii sheegay ayaa dhacay, haddaba markii aan Hargaysa ku soo noqday oo xooga shaqaystay

Page 13: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

waxaan iska bixiyey dayntii laygu lahaa anigoo mar walba helayey macaash, haseyeeshe Hargaysa way

cadhaysan tahay waxaa la dilay taliyihii nabadsugida Axmed Aadan oo Mareexaan ahaa , magaaladu waa

bandoo 5 galabnimo waxaad arkaysaa dadka oo caraabaya qoraxdoo soo jeeda rag iyo dumar

Masaajidada Maqrib iyo Cishe laguma tukan jirin, dadka ka dib dhaca waqtiga bandowga waxaa lagu

xidhaa saldhigyada oo qofka timaha inta laga xiiroo ayaa ciidanka loo raafa qofkii madax-furasho laga

helana waa la sii daaya, waxaa degaan hadaba degan huteel u dhaw jeelka weyn ee Hargaysa habeen

ayaa waqtigii bandowga ahayd ayey rasaas is qabsatay oo rasaas badani ka dhacday dhinacii jeelka,

aroortii ayaan waraystay nin la yiraahdo Cabdilaahi Faarax Cabdi oo jeelka jaar la ahaa waxaa uu ii

sheegay in xalay laba nin ay si xarfad leh oo nooca filimada ay uga baxeen jeelka oo ay rasaastu ahayd

askartii gaadhka oo cirka u ridaysay. Jaadku waa mamnuuc hadana magaalada waa lagu cunaa oo waxaa

soo geliya oo iibsha askarta haddii aanad gaadhi wadan way adagtahay in aad Jaad la dhexmartid

meelaha lagu iibsho ayaa la fadhiista, Anigu waxaan fadhiisan jiray marfash uu lahaa nin Sacad Muuse ah

oo Sheekh aha oo curyaan ah oo la oran jiray Sh. Aadan . halkaas waxa fadhiisan jiray qolyo Sacad Muuse

iyo Warsangeli ahaa oo reer Hargaysa hore ahaa oo ganacsato ahaa kooxdaas ayaan ku biiray waxa lay

sheegay in nin Warsangeli ah oo nabdsugida ah oo ay dadku aad u amaani jireen ayaa korka kala socday

dadka gurigaas fadhiista si aan waxba loo yeelin ninkaas oo markii danbe Berbera lagu dilay Maxamed

Cali Shire, sidaas ayaanu mudo ku joognay Hargaysa mararna u dhoofi jiray Jabuuti marka la dhoofayo

waxaa Laanta sodaalka laga qaadan jiray warqada dhaqdhaqaaqa sidaas awgeed, wuu adka dhoofku iyo

in dalka laga baxaa, faran fuluutadii socotay waa joogasatay, waxaa iga yaabiisay magaalada oo sidaas ah

ay maalin anagoo fadhina marfashkii la noo sheegay in gurigii uu degana Gen. Moorgan oo ahaa

Madaxtooyada maanta ayaa waxaa lagu qabanayaa tartankii quruxda hablaha, oo gabadha ku guulaysata

la siinayo abaal marin, Sheekhii waxaa uu noo sheegay in arrinkaasi xaaran yahay, waxaa yaabku ahaa

dhibaatada carrada ka jirta iyo bandhiga quruxda hablaha inay ahayd laba arimood oo aan is qaban,

waxaa dhici jirtay marmarka qaarkood in la arki jiray diyaaradaha dagaalka oo dul maraya magaalada

iyagoo kormeer ah, markaan dadka waydiiyey waxay ii sheegeen in maalmahan dagaalo ka socdeen

dhinaca hawdka oo dhexmarayeen ciidanka iyo jabhada oo diyaaradahu ka qayb qaataan, waxay

socotaba waxaa la soo galay sanadkii 1988 waxaa mar qudha Hargaysa soo gaadhay wixii xukuumada

kaga jiray beesha Isaaq oo ahaa Wasiiro, Janano, maareeyayaal iyado maalmahaa magaalada Burcona

odayaal laga keenay waxaa la saadaalinaayey in heshiis dhex marayo dawladda iyo Isaaq, qolyahii aanu

saaxiibka ahayn ee reer Hargaysa ayaan kula kaftami jirnay anagoo ku xarakadaynayna war wax naga siiya

xoolaha laydinku mustafeeyey, maalin danbe waxaa la yidhi waxaa Hargaysa yimi Cabdiraxmaan Jaamac

Bare oo ahaa wasiirka Maaliyada oo sida diyaarad lacag ah waxaas oo hadal ah ayaa soconayey. Waxaa

iyana magaalda Berbera ku soo xidhay markab sida raashin mucaawino ah oo bur iyo saliid ah oo la yidhi

dadka laga xaraashaya , aniga iyo xertaydii waxaan u dhaadhacnay Berbera oo waan ka tagnay saxmadii

Hargaysa waxaan xeraynay lacagtii curaarta iyo qoraalkii aanu ku doonaynay in lanagaga xaraasho.

Anagoo Berbera joogna ayaa Genaral Moorgan u yeedhay ninkii hawsha raashinka waday oo ahaa nin

Hawiye ah oo uu amar ku siiyey in laga iibsho bur iyo saliida niman uu rabay, waxaa la garan waayey

ninkaa hawsha waday meel uu qabtay mar danbe ayaa la sheegay inuu Hargaysa joogo, markaas ayaan

tiriyey afaraydan:-

Bustahii Berbera joogi jiray baadi maqan uun dheh

Page 14: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

Burkii iyo saliidi aya damac ku beertuun dheh

Mar haduu beydkii jananka galay tuug baxsaday uun dheh

Bustaha waxa lagu xaman jiray Hawiyaha iyadoo la xiganayo gabaygii Sayid Maxamed Cabdule oo ahaa

Maandhow Hawiye ma diran maanta ka hore bustihii habacsana iyo heeryadii xumayd qaado

Waa halkaanu ka doonaynay bur iyo saliid waxaa dhib nagu noqotay sidaanu u soo ceshan lahyn lacagtii

curuurta ee aanu ku shubnay baanka

Haddaba, anigoo cadhaysan oo goor galab ah jaadkii iska daayey oo casar tukaday ayaan yara seexday

waxaan ku riyooday riyadan (Waxaa ila hadlay riyadi nin aan garanayo oo yidhi war Maxamed ma waxaad

ka cadhaysan tahay burkii iyo saliidi laguu diiday la calafsan maayo ee yanay bisha shanaad meesha

kuugu soo gelin) markaas ayaan toosay meesha cidi ma joogto, nin sariirta kale Jiifay ayaan ku idhi war

gaadhi Laascanood ah inoo raadi ka dibna Laascanood ayaanu tagnay. Haddaba, anigoo soo tijaabiyey

siday Soomalidu uga ganacsato xoolaha oo ay lacag badan uga hesho, lakiin aanay u xanaanayn waxay

geeyaan suuqa Yaman oo ay Sacuudiga uga gudbaan iyo kan Khaliijka,Labada sayladood ee xoolaha

Soomaalida la geeyo waan geeyey oo soo arkay, markaa Soomalidu ma taqaan sida xoolaha loo

xanaaneeyo oo ma siiyaan biyo joogta ah iyo cuno nafaqo leh intaa way socod siinayaan oo ma nasiyaan,

haddaba marka xoolaha la geeyo suuqyada aynu ka iibino waxay sameeyaan xoolahii waxay geynayaan

beero loogu talagalay in lagu xanaaneeyo waxaa la siinaya biyo dawooyin lagu daray iyo caws cosab ah

oo dawaysan markaad hal asbuuc ka maqan tahay ma garanaysid xoolahaagii oo aad ayey isu bedelaan,

markaa xoolaha sidaynu uga ganacsano ma aha si cilmiyeysan. Waxaan hadaba isku dayey alaab kale oo

Soomaalidu ka ganacsato oo ilaa ilbaxnimooyinkii hore ee Masaarida laga ganacsan jiray, oo aanan

aqoon fiican u lahayn waqtigaas,Soomalidu way yaqaanan xoolaha in la cuno oo hargooda la isticmaalo

lakiin xabkaha wax lagu sameeyo aad uma yaqaanaan, xabkaha la yaqaan soomaalida waxa ugu caansan

Faleenka sida Beeyada iyo Maydiga oo dawladii kacaanku u samaysay wakaalad u qaabilsan oo laga

joojiyey dadkii shicibka ee ka ganacsan jiray, waxaa kale oo jira xabko kale oo aanay wakaaladaasi shaqo

ku lahayn waa malmalka, hadiga , cadaada, falaxfalaxda waxaan doonay in aan xabkahaas ka ganacsado

oo suuqooda raadsho.

Haddaba dhirta xabkahaasi ka baxdo ciddi ma ilaashato lamana beero, beeyada iyo maydiga waa la

sarcaa marka la guranayo, hasa yeeshee ciddina ma kordhiso tirada dhirta layska dhaxlay taasoo sida ay u

socoto sanadba sanadka ka danbeeya sii yaraanaysa oo dabar goáysa.

Xabkaha kale ayaga xoola jirta ayaa markay xoolaha la joogaan soo gurta oo tuulada u dhaw ka siista

xoogaa sonkor ah ama shaah kaga cabba, haddana qaad ayay siistaan

Malmalka waxa laga gurtaa geedka Dhidinka oo ka baxa badanaaba dhulka dedibka ah waxaanna magaca

la siiya Itoobiya, wuxuuse ka baxaa degaanka Soomalida ka degan tahay Itoobiya, dhinaca Soomaliland

waxa uu ku badan yahay dooxada Nugaal iyo agagaarkeeda, dhinaca Soomaliyana waxaa laga helaa

gobalka Bakool nawaxiga Ceelbarde, Qudhacjoome oo Hiraan ah, geedku si hawl yar ayuu u baxaa oo

hadii aad laan ku mudid dhulka si fudud ayuu u baxaa haddaba waxaad ka soo qaada hadii si cilmiyeysan

Page 15: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

loo beeri lahaa oo la waraabin lahaa lana xanaanayn lahaa, sanadkii hal mar ayuu xabagta yeesha waa

xagaagi marka dabayshu soo dhacdo ee ay laamihiisa isku xoqdo ayey dheecaanka malmalka noqdaa ka

soo baxaan. 1kg ee malmalka saafiga ahi waxa uu Jabuuti ka jooga $2, Cadan haddii la geeyo $4 ,

sayladaha caalamiga ah ee waaweyna ilaa $8 ayuu gaadha, 50kg malmalka ahi waxa uu noqonayaa100-

200$ markaad gaysid sayladaha Cadan iyo Jabuuti waxa u u dhigma 10 kiish oo bariis ah

Xabag cadaadeedka waxa iyadda la yiraahda (Arabic gum), iyadu wadanka meel walba way ka baxdaa

dhulka Soomalidu degto waxayna aad ugu badan tahay dhulka Hawdka haseyeeshe way casaata

xabagtaasi oo ciida cas ee hawdka ayaa ku dhacda intay qoyantahay, xabag cadaadeedka ka baxda dhulka

buuraha ah oo aan badnayn aya fiican oo iyadu waa xabag cad, iyaddana 1kg waxay ka joogta sayladaha

inoo dhaw $12-$14, iyada qudheedu waa geed la beeri karo oo la ilaashan karo, wadanka Suudaan ayaa

aa d u beerta kana ganacsada, xabkahaas oo dhan uumi kulul aya la mariyaa waxaana lagala soo baxaa

saliido, saliidahaa soo laga sameeyo Cadro, Dawooyin, iyo kereemka laysku qurxiyo, saliidahaasi waxay

leeyihiin suuq qiimahiisa lagu qiyaasay dhawr malyuun oo doolar sanadkii. Si hawlyar ayaa loo soo saari

karaa saliidahaas waxaa lagu qiyaasay 1littir oo saliida Beeyada ahi inuu ka joogo sayladahaas aduunka

$200, littirka waxa laga soo saari karaa 10kg oo beeyo ah, oo qiimaheedu yahay markay xabagta tahay

$20 farqiga intaas leég aya u dhaxeeya marka lagu iibsho saliid iyo marka xabag lagu iibsho. Haddaba

hadii dhirta hada sida qaraabka loo gurto la beeri lahaa oo si fiican dhulka loogu beeri lahaa dhaqaale

baaxad leh ayaa dalka u soo xeroon lahaa, anigu qudhaydu markaas ma hayn warkaas ee waan daba

joogay oo hadaan helay .

Waxaan lacag ku daadiyey tuulooyinka Sool oo aan ka codsaday in lay ururiyo wixii malmal ah ee la helo ,

haddaba markii aanu ka baxnay Berbera aniga iyo ninkii ila socday in aanu soo urursano malmalkii iyo

wixii aanu ka helno xabag cadaadeed,waxaanu ku soo urur sanay magaalda Adhicadeeye ee Laascanood

iyo Caynaba u dhaxaysa waxaanu kaga soo raranay gaadhi 25 ton ah waxaan Hargaysa soo galnay goor

barqo ah anagoo xabagtayadii wadana. Waxaa isla maalinta magaalda Hargaysa ka soo galay dhinaca

Jabuuti isagoo gawaadhi wata Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre galabtii ayaa siday caadadu ahayd

dadweynihii xaafadaha iyo ardaydii laysugu geeyey garoonka kubbada cagta si uu uga khudbadeeyo

Madaxweynuhu. Markuu khudbadii bilaabay ayuu waxaa uu hadalkiisi ku soo daray waxaan soo maray

magaalada Gabilay oo aad moodaysid in lagu dhuusay, ka dib ardaydii ayaa qaylo la kacday iyagoo ku

dhawaaqaya “Huuraale”.

Anigu waxaan bilaabay hawshaydii oo waxaan kala safeeyey xaabgtii iyo malmalkii ka dibna waxaan ku

qaaday gaadhi oo Jabuuti ayaan la aaday, waxaan waydaartay xadka Lowyacado 1dii bishii Mey oo aan

Jabuuti galay aniga iyo xabkahaygii waxan ku degay huteel ku yaalay jidka Diigool, halka waxaan joogaba

waxa layga iibsaday malmalkii iyo xooga xabagtii ka mid ah, nin huteelka nala soo degay oo ka yimi

Sacuudiga ayaa iga iibsaday 4 ton oo ku qaatay diyaarad ilaa Jidah, ayaamo ka dib ayuu telifoon ii soo

diray uu iigu sheegayo in xabagtii suuq ku leedahay Jidah ka dib wixii aan hayey ayaan u saaray markab

ilaa Jidah oo isaga u diray,mudo ayaan sugayey ninkii aan alaabta u diray waa iga aamusay oo waa iga

goostay. Huteelka waxa nala deganaa niman badan oo reer Hargaysa ah oo uu ka mid ahaa Maxamed

Xaaji Jaamac Maax oo ahaa nin ehelu-diin ah, waqtiga oo ahaa bishii Ramadaan waxaanu fadhiisan jirnay

marfishka huteelka, waxan uga sheekeyey in aan watay malmal iyo xabag, waa uu ila kaftamay oo igu

yidhi war xabagta Daanyeerka cuna ee maxaa cuntadiisa kuu geeyey, markii ninkii igala aamusayna waxa

Page 16: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

uu igu yidhi Daanyeer ayuu ahaa oo isaga cuntadiisi ka daba yimid, waxaan kale oo u sheegay xaaldii

Hargaysa ka jirtay iyo riyadaydii.

27kii Mey ayaa Burco ku waa bariisteen xoogagii SNM, 31 Meyna waxay soo galeen Hargaysa, qolyahii

aanu wada deganayn huteelka waxay igu yiraahdeen waa ta riyadaadi fasirantay`cadhadii waxay gaadhay

heer kii ugu saraysay waxaa Jabuuti soo gaadhay dadkii soo qaxay oo qaar soo mareen Itoobiya oo ay

tareenka ka soo raaceen qaarna Lawyacado ka soo galeen, sheekooyin badan oo kala duwan ayey

keeneen iyagoo ku xisaabtamaya hadba meeshay soo mareen iyo ciddii joogtay iyo markaa ciday u

waramayaan cida ay yihiin,

Anigu waxaan la kulmay niman badan oo beesha Warsangeli ah oo ka soo kicitimay Hargaysa & Burco

qaarkoodna shaqooyin ka hayey wadamada Carabta oo fasax dalka ku yimi, haddaba kuwa ka soo galay

dhinaca Itoobiya ee la qaxay dadkii reer Hargaysa iyo Burco waxay ka sheekayn jireen jabhada SNM oo ay

warkooda ugu hiilin jireen oo ay aragtidoona sheegi jireen, kuwa soo maray dhinaca Awdal ee

Lowyacado ka soo gudbayna waxay iyaguna ku warami jireen warka ciidamadii dawlada ee ay soo

dhexmareen oo uu warkoodu dhinacaas u janjeedhay , saaxiibaday ayaan kula kaftamay dadka la

afduubo muda la xanaaneeya oo aan la waraysan inta ay naxdinta iloobayaan, sidaas awgeed aan labada

qoloba warkooda biyo iskaga darno. Si kasta ha ahaate waxa meesha ka soo baxay in rayidka dhibaato

weyn loo geystay, waxaa uu ii xaqiijiyey Marxuun Nuur Cabdi Cali Kullan oo Burco ka qaxay inay naftiisa

sigtay diyaarad rushaynaysay dad maato ah,oo u talaabayey dhinaca Itoobiya oo uu indhihiisa ku arkay

meyd ay laysay diyaaradaasi oo cid walba leh sida oday, carruur, dhalinyaro iyo dumar, waxa uu ninkalena

ii sheegay in meel u dhaw taliska ciidamada, lagu toogan jiray dad magaaladda laga soo ururin jiray

ninkaas oo ii sheegay inuu degana guri u dhaw taliska ciidanka isaga iyo dadkale oo qaxooti ahaa, waxa

kale oo uu ii sheegay nin ka mid ahaa dadkii aan Jabuuti kula kulmay inuu arkay dad qaxooti ah oo ay

booyadi waraabinayso dhinaca Naasa hablood oo ay diyaaradi si badheedh ah u garaacday oo ay

dhimasho iyo dhaawac badan u gaysatay. Waxaase iigu naxdin badnayd sheeko uu ii sheegay nin

dhalinyaro ahaa oo maalmahaa Hargaysa yimi waxa uu ii sheegay inuu degana habeenkii Hargaysa la soo

galay huteel Togdheer markii ay xabadu is qabsatay ayey dadkii u yaaceen dhinaca buurta iyo Geed

deeblay dadkii ayaan raacay muddo ka dib ayaan ku tashaday magaaladii in aan dib ugu noqdo waxa kale

oo uu ii sheegay inuu haystay fiise ah dalka Maraykanka oo uu Hargaysa u soo doontay kharashkii

dhoofka waxa uu igu yidhi markaan magaalada ku soo noqday waxaan la kulmay bar kantarool ah oo ay

jabhaddu samaysatay waa lay joojiyey waa lay waydiiyey waxan doonayo markii aan u sheegay in aan

magaalda dib ugu noqonayo waxaa lay geeyey taliyihii oo lay sheegay in la yiraahdo Gacmadheere

waxaan u sheegtay haybtayda iyo arrinkayga waxa u dabadeed I siiyey warqad dhaqdhaqaaq oo aan ku

dhaafi karo kantaroolada jabhada SNM waxa kale oo uu taliyihi igu yidhi haddii aanu anagu ku sii dayno

waxad halis u tahay dhinaca kale ee dawlada inay ku dilaan oo wixii xagayaga ka yimaada xabad ku

dhufta, waxan ugu jawabay waan isku biimaynayaa, waxaan ku soo dhacay iliiladae Cisbitaalka weyn ee

Hargaysa kor marta oo ay ciidamadii dawladu difaac kaga jiraan, halkaas ayaa laygu qabtay oo waxa lay

geeyey xarruntii NSS oo ahayd halka hada ay degan yihiin wasaaradaha Arimaha dibada, Qorshaynta iyo

Dib u dejintu,waxa laygu tuuray qol jeel ah oo ah hada Qorshaynta oo ay ku si jireen maxaabiis ilaa 20 qof

ah marba koox maxaabiista ah ayaa la qaad aoo aanay cidna laga soo celin, inanku waxa u ii sheegay in

nin ag fadhiyey uu habsaday, markii aan u sheegay in aan ahay Warsangeli ayuu intuu kor u dhawaaqay

Page 17: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

yidhi “war ilayn tani way waalatay Warsangeligana ilayn way laynaysaa” markaas ayaan aad u naxay oo

ku idhi miyaa layna laynayaa, waxa uu iigu jawaabay dadkii laynaga qaaday waa la laayey, inagana sidaa

sayaa laynoo qaadaya oo layna soo laynayaa, waxaa la sii marin jiray maxkamad ku taalay saldhiga

booliska oo dil ku xukumi jirtay qofkii la garan waayo. Wiilkaasi waxa uu igu yidhi markii kooxdii aan ku

jiray baabuurkii la saaraye ayaa waxaa iiga muuqday xeradii dhexdeedi nin ka tirsana NSS oo aanu isku

qolo ahayn oo aan garanayey markii aan arkay ayaan u qayliyey “Adeerow, adeerow

maxamedow”ninkaas ayaa gaadhigi iga soo dejiyey oo kooxdii aan ku jiray iga reebay dabadeedna iga sii

daayey sidaas ayaan ku soo samato baxay, waxaan filaya in dadkii meesha igula jirayna dhamaantood loo

laayey. Taasi waxay ii cadaysay in xasuuq ka dhacay Hargaysa oo la laaye wixii ka soo jeeday beelahaas

degan, markii aan Xamar ku noqdayna waxan xog ku helay in markii Burco la soo galay 27 Mey 1988 in

koox NSS ah loo diray Hargaysa oo laga soo ururiyey dad isugu jiray Aqoonyahan , Ganacsato, Odayaal

reer Hargaysa ah oo lagu tuhmayey inay wax qaban karaan dadkaasna intoodi badnayd la laayey.Bishii

June 1988 ayan Xamar ku soo noqday markii ninkii xabagta iga qaatay iga aamusay. Maxamed Xaaji

Jaamac Maax ayaan kula kaftamay waa idinkan waqooyi gubay ee anigu waxan ku tala jiraa in aan beero

geedka Dhidinka ee Malmalka laga gurto oo ku beero degaankayagii Bari, aad ayuu u qoslay oo igu yidhi

war ma waxaad moodaysa in dagaalka iyo qaxu ku ekaanayo xero Isaaq, war belaayadani ilaa Kismaayo

ayey ka baxaysa waana lawada marayaa wax anaga noo khaas ah ma aha. Erayadaas waxa uu Maxamed

igu laha anagoo Jabuuti joogna 1988 waxaan xusuustay 1991 anigoo qaxaya oo reerkaygii wata oo

maraya nawaaxiga Kismaayo, runtii ayey ahayd oo waxay ka baxday ilaa Kismaayo oo ilaa hada ka

socotaa.

“Haddii waa beryo aad nin weyn tahay kolaad weelka xashid waxuun qabo” waxaa laha erayadaas

Barkhad Cas, Xamar oo ciirciiraysa oo ay soo galeen dadkii ka soo qaxay gobalada Soomaliland, Anigoo

faro madhan oo xoogagii kharashka ahaa layga dhacay qaarna Hargaysa igaga gubteen ayaan Xamar soo

galay waxaan kulanay nin aanu isku arday ahayn oo doonyo lahaa, waxaa uu ii sheegay in xoolahii laga

dhoofin jiray Berbera ay istaageen markii dagaaladu ka bilaabmeen Waqooyi, gaar ahaa lo’da oo Yaman

qiimaheedu aad uga kacay, waxaa uu igu yidhi waa adigii xoolaha dhoofin jiree doontii ayaan keenaya

Ceelayo ee Beledweyne lo’ inooga raadi waan ka aqbalay.

Beledweyne weligay uma dhaafin kaantaroolka Jante kundhishe weligayna ma galin, hada ayaan galay,

waxaan ku degay Huteel webiga Shabeele saran oo waayo gob ahaa waxaa lahaan jiray Sh Cali Jimcaale

oo ahaa ninkii Madaxtinimada kula tartamay Aadan Cadde sanadkii 1961 waqtigan huteelku waa liita

waxaa haysata marwadii uu ka geeriyooday Marwo Dhaqan, aniga iyo kooxdii ila socotay markaan

hutelka ku soo degnay waa taqaan Soomali way na habsatay, markaanu isu sheegnay way na soo

dhawaysay oo tidhi gabadhayda ayaa dhashay caruur Wersangeli ah, Soomalida xidhiidhka ka dhaxeeya

waxa uu ku xidhan yahay kan beesha. Sidaas awgeed, waxa laga maarmaan ah in lagu haybsado si uu u

maro habmaamuuskii uu lahaa haddii uu yahay mid Tolnimo, Xidid, Abtinimo ama Muslinimo.Sidaas

awgeed qofku micno ma laha ee beesha ka mudan halka dunida kale laga hadlo xuquuqda qofka.

Dariishada qolka yaan ka daawan jiray webiga Shabeele oo hoos maraya biriij, webigaas oo ka soo

bilaabma buuraha bariga Itoobiya soona mara meelo badan oo ay Soomalidu degto isagoo ku dhamaada

qoyanka Baraawe, hadaba ila uu gaadho Jawhar waxba laguma beerto oo laguma waraabsado oo

xoolaha iyo dadkaa ka caba oo keliya wax kale laguma qabsado.

Page 18: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

Beledweynahii uu Hadraawi u heesay ayaan tegay waa meel kulul oo kaneeco badan oo webigu ku

wareego oo meelo badan ka soo galo waa meel xoolaad oo dhinac walba lagaga soo arooro waxaad ka

helaysaa Caano geel, lo’adhi iyo hilib nooc walba leh iyo badarka ka yimaada dhinaca Qalaafo, waa

magaalo aad ku arkaysid weelkii Soomalidii hore sida Dheriga, Xeedhada, Sibraarka, iyo fandhaalkii

waxaad kale oo ku arkaysa gabdho sita dharki hore ee dhaqanka Soomalida, dhinaca bari ee webiga

waxaa degan Xawaadle dhinaca galbeedka oo ay yiraahdaan Qoraxside waxaa degan Gaaljecel iyo

Janjeele waxaa kale oo webiga dhinacyadiisa degan dad timo adag ah oo la yiraahdo Makanon oo hada la

baxay Somali Bantu, halka webigu ka soo galo xadka Soomalida waxa ah laba tuulo oo la yiraahdo Buur

ukud iyo Deefow oo ay degan yihiin qolo la yiraahdo reer Xasan Kilweyne waxaa ku sii xigta tuulada

Bacaado oo ay deganyihiin Fiqi Cumar oo Dir ah labadaas beeloodba waa dad reer Diineed ah oo

Wadaado ah taasi waxay ku tusaysa in diinta Islaamku soo raacday webiga iyadoo ka soo jeeda Harar iyo

Saylac, dhinaca galbeedka Qulunqul iyo Qalaafe halkaas ayuu webigu ka soo galaa Soomaliya. Waxaa

yaab leh dadka degan gobalada Hiiraan Galgaduud, iyo Mudug waxay aad ugu liitaan dhinaca diinta,

waxad arkaysaa dadka diinta wax bara ee Masaajidada, malcaamadaha ku yaala magaalooyinka iyo

tuulooyinka gobalada waxaa jooga oo diinta u haya dad ka yimi Kililka 5aad ee Itoobiya sida reer Xasan

Kilweyne, Ashraaf, Sheekhaal iyo Fiqi Cumar Direer ma arkaysid wadaad u dhashay goboladaas oo diinta

dhigaya, dhinaca guurku waa furan yahay oo ninku intuu doono ayuu dumarka ka guursadaa, caruurta

hooyadaa korsata sidaas awgeed, sida kuwa Aabe iyo Hooyo wada koriyaan uma helaan anshaxa suuban,

caruurta kir ayaa lagu dhahaa wax xanaano ah ma helaan taas ayaa soo saartay dadkan gobaladaas ka

yimaada ciday doonaan ha ahaadeene oo boobka iyo dhaca caado ayey u lahaayeen ay ku kacayaan,

sidaa darted qabqablayaashu waxay ka baxeen degaanada Gobalada dhexe iyagoo fidmeeya dadka

gobaladda kale degan.

Maamuladii kale duwana ee dawladii Soomaliya soo maray iyo qabqablayaasha dagaal ee burburka

madaxda ka ahi iyo wixii maamul Soomaliyeed ka xumaaday iyagaa ka masuul ah marka laga soo bilaabo

Cabdilaahi Ciise, Aadan Cabdule Cismaan (adan cade)`Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, Cabdirashiid Cali

Sharmaake, Max’ed Siyaad barre, Maxamed Faarax Caydiid, Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo Cabdilaahi

Yuusuf Axmed dhamaantood waxay ka soo jeedaan gobalada dhexe ee diintu ku yartahay. Waxaan ka

raray jiida 1200 dibi laga bilaabo Jalalaqsi ilaa Guriceel waxa dibida lagu raraa baabuurta isjiidka ah oo

gaadhigii waxa uu qaada 30-35 dibi dhigaha ayaa xadhko lagaga xidhaa si aanay u boodin taas oo marmar

dhacda lagama dejiyo baabuurta ilaa ay gaadhayaan Ceelayo, dibidaas anigu ma lahayn e khidmad ayaan

ka qaadan jiray lakiin waxaan ku bartay dad iyo dal dhinaca Xawaadalaha waxaan gaadhay ilaa Coomaad,

Maxas, Jalalaqsi iyo Buraha Qumayoridka. Qumayo waxa la yiraahda dumarku markay aad u gaboobaan

waxaa loo nisbeeya inay awoodaan wax la yiraahdo cawri oo ay dadka dhib gaarsiin karaan

Ilbaxnimooyinkii hore oo dhami way la haayeen oo dhinac reer Yurub waxaa la yiraahda Wiches, qumayo

waa ta ku aamusisa ee indhaha kaa xidha, waxaa muuqata in Soomalidii hore islaamaha markay

gaboobaan oo ay noqdaan qumayo ay buuraha ka ridi jireen sida magacaasi ku tusayo, Xawaadlahu waxa

uu degaa dhinaca bariga ee webi Shabeele, dhinaca galbeedkana waxaan gaadhay meel la yiraahdo

Farlibaax iyo Qudhac joome oo ah gacanka webigu ka soo leexdo oo biyuhu galan waxaana dega Janjeele

oo ah dad reer baadiye ah dhinaca Galguduudna waxaan tegay dhulka ciidda cas ee Itoobiya halkaas oo

ah dhul Hawd ah oo ay degaan Ayaanle, Habar aji oo Cayr ah iyo Mareexaan waa dhul ciid cas oo ay ka

baxaan madheedhka iyo yicibtu, marka ay barwaaqada tahay ee baliyadu buuxan waa dhul aad u qurux

Page 19: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

badan, jiilaalkii waa oomane, labada xiliba anigu waan arkay, waxaan tegay meesha la yiraahdo Ceeldhiin

oo xadka ah oo ku yaala dhinaca Itoobiya oo laga waraabinayo kumanaan geel ah iyadoo dhalinyaro

badani ceelka ku jiraan oo ay wadaanta figlaynayaan ayaan isa soo dultaagay anigo lo’iska eegaya oo

qiimaha aanu isku hayno ninkii lahaa. Anagoo taagan ayaa waxaa yimi nin faras wata oo qaylo dhaan ah

markiiba nimankii ceelka ku jiray ayaa dhakhso uga soo booday oo mid walbaa qori la soo baxay, waxaa

ninkii qaylo dhaanka ahaa soo tebiyey in nin Sacad ah oo geeljire ahaa tuulada lagu dilay oo ay dileen

jabhad Ugaadeen ah oo meesha deganayd, waxaan arkay wiil yar oo gaadhigii aan watay na soo raacay

oo agtayda isku nabaya, waxaan u yeedhay Xaajigii lo’da lahaa oo aan ka siistay qiimahii markii hore aan

diidayey oo weliba maris ku qaatay oo aanan waxba ka qaban oo aan ku amray inay Guriceel iigu

keenaan halkaas oo aan baabur ka saarayo, ka dibna gaadhigii ayaan deg deg u kaxaysanay markii aan

soo gaadhay Guriceel ayan wiilkii waxaan waydiiyey war maxaad isugu kay nabaysay, waxaa uu yidhi

waxaan ahay Ugaadeen oo waxaan ka baqay in lay dilo markii warka la soo sheegay. Maalin aanu is

qabanay niman tuulada joogay oo dibida raraysay ayaa oday waxaa uu igu yidhi maalin walba lacag ayaad

nala dhexmartaa adigoo ah nin Daarood ah haddii aanad ahayn Warsangeli sidaa noomaad

dhexmarteen. Siyaasad xumadii maamulkii Siyaad ayaa waxaa sabab u ahaa, iyadoo jabhad hubaysan oo

Daarood ah ayuu soo dhex dejin jiray meelo aan degaankooda ahayn taas oo beesha colaad u soo jiidi

jirtay sida wiilkan yar ee aan waxba shaqo ku lahayni uu naftiisu khatarta u gashay .

Webiga Shabeele ilaa meesha uu dalka ka soo galo ilaa Jalalaqsi qaxooti ayaa la dejiyey waxaa iyana

degay oo buuxiyey xeryaha qaxootiga dadkii degaanka ahaa waayo, Soomalida haddii la yiraahdo wax

bilaash ah ayaa la bixinayaa way isu soo baxayaan, waa waxa ay dibada ugu yaaceen waxay maqleen

lacag bilaash ah ayaa laysa siiyanayaa iyadoon shaqo la qaban, Jano ifka ah ayaa la wada doonaya in la

wada helo iyadoon la shaqayn. Hadaba waxaa dhacday xero ka mid ah xeryahaa qaxootiga oo ku taalay

Buulaberde siduu ii cadeeyey nin Reer Xasan kilwayne ahi markii uu kacdoonku ka bilaabmay

Beledweyne ayey maleeshiyo Xawaadle ahi xerdaas yimaadeen oo dadkii kale saareen wixii sheegtay

qabiilka Daarood rag, dumar iyo caruur inta rasaas lagu laayey ayaa webiga lagu guray, mar aan

weydiiyey ninkaa dadkaa qiyaastooda waxa uu ii sheegay inay gaadhayeen 500 qof ninkaas oo ay walaalo

ahayeen Sheekh Maxamed Rashiid oo aanu saaxiib ahayn isagana la oran jiray Sheekh Cabdisamad.

Mudadii aan Beledweyne nawaaxigeeda ku sugnaa Xamar waxaa ka dhacay xasuuqi Jasiira ee caanka

noqday oo ay ciidamadii koofiyad castu ku xasuuqeen dad rayid ah oo u ka soo jeeday beesha Isaaq,

warku sidaas nooguma so gaadhin Beledweyne ee waxaa lanoogu sheegay mudaharaad ka dhacay

masjidkii Sh Cali Suufi oo ahaa xafadii aan deganaa iyo in dad meesha lagu leeyey, Nin Ayaanle Cayr ahaa

Xasan Nadiif oo dukaan ku lahaa tuulada Guri ceel ayaa ii sheegay oo yidhi markii amarku dhacay ee la

arkay ciidamadii koofiyad casta oo gaawadhidii ka degi wayday oo la arkay in magaalada lagaga xoog

roon yahay ayaa nin waliba qori iibsaday.

Waxaan ku soo laabtay Xamar 16 Ogosto maalintii Guulwadayaasha loo dabaaldegi jiray maalin walba

waxaa lahayd cid gaar ah , goor habeen ah ayey xaaskaygii foolatay iyadoo bandoo ah waxaa nagu

adkaaday sidii aan cisbitaal u geyn lahaa iyo halkii aan gaadhi ka heli lahaa waxaan xusuusta dhibta

habeenkaas, Ilaahay waxba nama yeelin habeenkaa gabadh ayaa ii dhalatay aan u bixiyey Samiira.

29 Decenbar ayaan soo raacay diyaarad ay lahayd shirkada Konoko ee shidaalka ka baadhaysay gobolka

Page 20: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

Sool markii aan cid soo wastaystay si aan u raaco waayo wadadii aan lo’da ka dhoofin jiray waa la mari

kari waayey oo dhacii iyo dilkii ayaa ku batay, Diyaaradii waxay nagu dejisay dhoodida meeshii shirkadu

ceelka ka qodaysay waxaan meeshii iska helnay nin aan saaxiib ahayn Maxamed Cali Caateeye waxaa uu

ii sheegay in aan u raaco Laascanood ka dib waxaan u sheegay in aan Laasqoray ku socdo waxaa uu I sii

saaray gaadhi u socday Garawe, Maxamed waxaa uu ahaa ganacsade oo qandaraasyo ayuu ka qaatay

shirkadan, waqtigaana waxaa uu abaabulayey safarkii Garaad Cabdiqani iyo weftigii u baxayey hawd si ay

ula kulmaan jabhadii SNM iyo beelaha Isaaq, Maxamed markaa ii ma sheegin ee mar danbe ayuu ii

sheegay inay seegtay maalintii in uu ii sheego oo weftiga igu daro si aan waanwaanta uga qayb qaato,

waayo Warsangeli cid kama aanay hayn oo waxaa uu igu yidhi intaan kugu daro ayaan anigu ku siin lahaa

lacagta aad Laasqoray ka doonayanso.

Waxaan tegay Laasqoray, Ceelayo iyo Boosaso waxaan sii maray Garawe iyo Qardho inkasta oo aanu

dagaal ka socon magaalooyinka iyo tuulooyinka waxaa muuqday in arrinku faraha ka baxay iyadoo

magaalooyinka uu qorigu ka batay oo dadku hubaysan yihiin iyo baanankii dawladda oo lacagtii jeegeg

been abuur ah lagula baxayo oo cida haystaa ciday rabto u qorayso, degaankaas weli cadhadii si fiican

umay soo gaadhin.

Waxaan helay diyaarad ay lahayd Somali airline oo timi Boosaso oo aan Xamar u soo raacay Janaweri

1990, waxaa gurigii aan degenaa ee Kaaso- balbalaadhe iigu yimi nin reer Biyo cadde ah oo la yiraahdo

Xaaji Gacal Gafuurow oo ah Abgaal oo aannu is baranay markii aan sheekaysanay ayuu noo sheegay in

tuuladiisa aan ka helayno lo’aan dhoofinno, Aniga iyo nin aanu saaxiib ahayn Cabdi Ciise Cabdi garboole

oo ah reer Laascnood oo Wersangeli ah ayaa xoolo isku darsaday oo raacnay Xaaji Gacal, waxaa uu na

dejiyey Cariish tuulada ah , Biyo cadde waxay Jawhar ka xigtaa dhinaca bari waxay ku xigtaa tuulooyinka

Ceel dheer iyo Aadan yabaal, waxaan Jawhar ku sii maray C/laahi Yaasiin (shaandho) oo ahaa gudoomiya

waxbarashada gobolka Shabeelada dhexe, tuulada iyo magaalada Jawhar waxaa xidhiidhiya baabuurta

Sitay ma noogtada loo yaqaanay oo aroortii ka baxda tuulada iyadoo sida wax soo saarkii tuulada,

galabtiina ku soo noqota iyadoo sid aadeegii tuulada.

Hore waxaan ugu guulaystay in aan dibbi ka raro Beledweyn ilaa Ceelayo markan waxaan tijaabinaya in

aan lo’ka rari karno Jawhar ilaa Ceelaayo haddii ay hirgasho waxan lo’da dhiinka ah ee Banaadiriga ah ee

aan lahayn meel laga dhoofiyo oo qiimo jaban ayaanu suuq fiican u helaynaa hadii ay noo hirgashana

faaíido fiican ayaan helaynaa

Tuulada Biyo cadde waxay ahayd marin ay maraan Jabhada UNC oo markaa hawlgalo ka waday dhinaca

Ceel-buur, dhinaca deexda ayey ka soo gelin jireen hubka iyo ragga magaalada Xamar,waxay ka leexan

jireen wadada laamiga ah ee dheer oo kaantarooladdu ku badnaayeen, waxaan la kulanay xubno USC ka

mid ah oo tuulada keenay hub ay rabaan inay ka iibiyaan dadka degaanka, waxaa tuulada u dhaw

degaanada Aadan Yabaal oo ay degan yihiin niman Wersangeli ah oo Abgaal ah, madaama aanu nahay

niman Warsangeli ah marka aan sheegano cidna hoos nooma sii dayi jirin sheekadaas oo ah sheeko xiise

leh oo ay labada Warsangeli is sheegtaan wax badana ay wadaagaan waxaanu ahayn niman Cumar ah oo

Warsangeli ah oo Harti ah qolada kalena intaas ayey leedahay, nin Profisar ah oo layiraahdo Cali Jimcaale

oo jamacad Maraykan ah wax ka dhiga oo horena jamacadii Lafoole wax ka dhigi jiray ayaa waxaa uu

qoray buug uu ku doodayo in Somaalidu ay ka timi koonfur ee aanay ka iman dhinaca Carabta marka

Page 21: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

sidaa la eego waxaa laga dheegan karaa in Warsangeliga Calmadow degan iyo ka deexda degan ay isku

mid yihiin oo koonfur laga tagay oo ayaan jirin wax Carab ah oo laga soo isiran yahay. Mudo ayaan

joognay Biyo cade inkastoo aan Xamar dhawr goor ku noqday, Xukuumadii hore Soomaliya waa la sii kala

daayey waxaa hawsha sii waday wasiirku xigeenada waxaa dawladda la sugayey mudo 3 bilood ah waxay

reer xamarku ku kaftami jireen dawladda cusub cid ayaa loo raafaya iyo ciyaarahii gobalada caasimada

ayaa lagu dhamaynayaa (Faynalka) iyagoo u jeeday dagaalada ka socday waqooyi iyo kuwa ka bilaabmay

gobalada dhexe, inkastoo cadhadu soo gaartay Xamar hadana noloshi si dhib yar ayey iskaga socoytay

waxaa kale la oran jiray “dhibta waa la mooda hadii la moodi waayana waa la moosi, may filaynin in

xamar isku bedelayso xero dhiig oo muslin iyo gaalaba laga tagayo oo mooryaan xarun u noqonayso. Si

kasta ha noqotee, aniga iyo ninkii aanu shuraakada ahayn oo joogna Biyo cade ayaa 19/2/1990 anagoo

30 dibbi iibsanay soo waraabinayna ayaa waxaa naga horyimi nin ka tirsan dawlada hoose jawhar oo

cashuur qaade ah oo nagu ilaashanayey cashuurta dibida, waxa uu noo sheegay in dawlad cusub

idaacada Xamar laga sheegay,Anagu wax dheg ah uma aanu dhigin waqtiga oo qoraxdu kululayd oo kaliil

ah oo dhuqsi yaryari indhahaa kaa galayo cagahana boodh ayaanu kula jirnay, maxaa dawlad naga galay

waxaa ninku warkiisi ku daray waa niman wada cusub kuwii hore kuma jiraan. Waxaan casarkii

fadhisanay makhaayad yar oo ay gabadhi haysato waxaa yaalay raadyow duug ah waxaa soo galay

warkiin 5 galabnimo waxaa warka sheegayey Axmed Xasan Cawke isagoo sheegay magacyadii wasiiradii

cusbaa ayaa waxaa dhegtayda ku soo dhacay magaca nin aan saaxiib ahayn mudo dheer oo ahaa

Marxuun Bashiir faarax kaahin, waxaan ku dhawaaqay hadda ayaa cid aanu garanaynaa noqotay wasiir,

afkii cawke ayaa isagoo wada magacyadii waxaa ka soo booday Maxamed Saciid Maxamed Gees oo aha

wasiirka Kaluumaysiga iyo dekadaha iyo Gadiidka badda waxaan is idhi ma anigaa waalan mise Cadan

ayaa laga heesayaa waxan eegay hareerahayga in cidi I garanayso waxa meesha fadhiyey niman USC ah,

dhawr goor ayey idaacadii magacyadii ku soo celisay ninki ila socday ayaa shaki galay, lakin waxan ku

dadaalay in aan dhaafiyo in aan Aniga ahay, waxaa goor fiid ah noo yimi nin gaadhi lahaa oo meesha igu

ogaa Marxuun Ibraahim Cismaan Dheere oo si fool xun loogu dilay Kismaayo isagoo qaxooti ah oo

reerkiisa la qaxaya, ninkaa ayaa i qaaday, waxaan saaxiibkayna u sheegay warkii cusbaa isaguna inuu

hawshii noo sii wado ,sidaas ayaan Xamar ku galay waxaan hore u soo sheegay in 1983 aan shaqada ka

tegay oo ahayd macalinimo oo aan ahayn maamul markii la sameeyey xisbigii hantiwadaaga waxaa galay

dad badan oo ay ku jireen macalimiin si ay derejo uga helaan, aniguna waxan galay waqtigaa xerta tima

weynta.

7 sano ee aan ka maqnaa shaqada waxan ku noola nolol ii gaar ah oo qaadaa ma dhereg ahayd, inkastoo

aan dhawr goor kaalmo ka heli jiray reerkayaga, arrinkan aan idaacada ka maqlay waxaa uu igu noqday

arrin yaab iyo amakaag ah, waxii dawlad soomaliyeed ina soo maray iyo kuwa hadda jiraba waxaa jiray in

qaab beelaysan lagu magacaabi jiray arrinkaas oo ilaa maanta socota, hasayeeshe beesha warsangeli

wasiir ma lahayn ilaa 1970 markaas Janaraal Jama Cali Qoorsheel taliyihii booliska oo madaxweyne ku

xigeen u noqday Maxamed Siyaad Barre markii inqalaabka la sameeyey 1969 ilaa la gaadhay 1980.

Mar aan Marxuun Jamac la fadhiistay xamar 1979 oo aan wax ka waydiiyey arrinkii inqilaabka iyo waxa

uu ka ogaa waxa uu ii sheegay in aanu war u hayn ee loo sheegay markii u dhacay iyadoo ciidanka

boolisku awood aanu lahayn uu kaga hortago ciidanka milatarigaa sidaas ayaan ugaga qayb galay codsigii

iiga yimi taliyaha ciidanka, mar aan sii waydiiyey inuu ahaa inqilaabku mid sii qorshaysan waxaa uu yidhi

Page 22: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

wax qorshe ahi ma jirin ee dilkii madaxweynihii Cabdirashiid Cali Sharmaake ee ka dhacay Laascanood

iyo xukunkii degdega aha ee dalka lagu soo rogay ayaa laga faa’iidaysta. Waxaa uu Aabahay Saciid

Maxamed Gees ii sheegay oo ay saxiib ahaayeen Jamac Cali Qorsheel in habeenkii 21 oktoobar ay wada

socdeen oo ay soo mareen xarruntii xisbigii SYL oo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal khudbad ka jeedinayo

ku saabsan sidii musharaxi Madaxweynaha loo dooran lahaa , markii aanu halka ka soo noqonay ayuu

Jamac yidhi caawa waan daalanahay oo hore ayaan u seexanaya taasna waxa laga qaadan karaa inuu

qorshaha wax ka ogaa, waxaa uu ii sheegay Jaamac markii laysku daray waqooyi iyo koofur in ciidankii

booliska iyo ciidankii la aasaasay ee melateriga madax looga dhigay laba nin oo reer koonfureed ah oo

kala ahaa Janraal Daa’uud oo ahaa Hawiye iyo Maxamed Abshir oo ahaa Majeerteen, waxa kale ii

raaciyey in saraakiisha milateriga ah ee Majeerteen ku xidhnaayeen Maxamed Abshir kuwa Hawiye ee

booliska ahina ku xidhnaayeey Daa’uud, haddaba markii si lama filaan ah uu Maxamed Siyaad u noqday

taliyaha ciidanka isagoo aan ahayn Majerteen iyo Hawiye, waxaa cidhiidhi geliyey saraakiishi labada reer

waxaa uu markaa garab ka dhigtay saraakiil reer waqooyi ah oo dibadda wax ku soo baratay oo u dhiibay

xilal waaweyn oo Xamar u dhaw, kuwaas ayaa garab u noqday sidaas ayeyna ugu sahlanaatay inqilaabkii.

Waxaa dhaliyey inqilaanbka saarakiil reer soomaaliland ah oo ka muuqday golahii sare ee kacaanka

xubnahii ka yimi xoogga dalka, ragaas oo ay ka mid ahaayeen Ismaciil Cali Abokar, Axmed Saleebaan

Dafle , Muuse Rabiile Good, faarax Wacays , Axmed Xasan Muuse, Amed Cali Shire Axmed Maxmuud

Faarax iyo Axmed Khaawi. Waxaa uu Marxuun Cigaal qiray in maalintii askartu qabsatay dalka ee

inqilaabku dhacay looga dabaal degay Hargaysa iyo Burco iyo welib ay aad u soo dhaweeyeen dadkii reer

Waqooyiga ahaa ee Xamar joogay.

Waxaa uu Jaamac igu yidhi markii anaga lana siiyey 5 xubnood oo boolis ah waxaan keenay 5 kornayl ee

booliska ugu sareeyey. Sidaas ayuu ku dhameeyey sheekadiisi hase yeeshe waxaan ogaaday in la

khiyaameyey hadana qoladii reer Soomaliland oo taliyihii ciidanka iyo wasiirki gaashandhiga oo Ismaciil

isku waday waxaa laga dhigay Saalad Gabaydhe iyo Maxamed Cali Samatar oo reer koonfureed ah. Jamac

waxaa la xidhay may 1970. Sanadkii 1970ilaa 1980 waxaa wasiir iyo wasiir ku xigeen ah may lahayn

beesha Warsangeli waxay u tegi jireen Jamac Maxamed Qaalib oo la dhalay 1980 ayaa la siiyey wasiirku

xigeen ka dibn na la gaarsiiyey wasiir Maxamuud Saciid Gacamey isaga oo qabay faaduma Maxamed

Macalin oo ay eedo u ahayd Khadiijo Macalin marwadii kowaad ee madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Haddaba, waatii ay dhacday anigoo lo’daydii ka iibsanay Biyo cade laygu magacaabay taas oo aay

naftaydii khatar ku gashay oo haddii ay I ogaan lahaayeen ragiii USC ay I dili lahaayeen, waxan mardanbe

ogaaday in nin aanu xigto nahay ka shaqeeyey magacaabidayda Anigu waan ka maagay magacaabida

waqtigaas hase yeeshe waa laygu duducay iyadoo lay sheegay in haddii aan diiddo dhacayso in lay xidhi

karo waxaa kale oo laygu qanciyey in aanay jirin dawlad wada wanaagsan iyo mid wada xun ee ay tahay

qof walba nasiibkiis oo gacan walbaa waxay gaysato leedahay sidas waxaa igu yidhi Aabbe Saciid

Maxamed Gees. Waxaan xusuus tay nin aan isku arday ahayn oo la oran jiray Aadan Daahir Af qurac oo

ahaa nin aad u naxariis badan oo maalin aanu shinbir dilnay uu ka ooyay dilkaas, ayaan arkay isagoo

sarkaal ciidamada ah oo Hargaysa jooga ayaa laga dhigay xubin maxkamada badbaada ah markaas ayaan

ku idhi ma adigii shinbirta ka ooyey ayaa lagaa dhigay maxkamada badbaadada, waxa u iigu jawabay

maxaan badbaadiyey Maxamedow oo aan naxariistayda ku badbaadiyey dad badan oo la dili lahaa

sidaydii ayaan ahay waxba iskama kay bedelin, sidaas ayaan uga mid noqday dawladaa casarka joogta 10

Page 23: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

bilood, xukumadaas waxa ku badnaa dad aqoon yahano ahaa oo da’ yaraa oo aan hore siyaasad u gelin

hase yeeshe hay’ado dawlada ah ayey ka shaqayn jireen waxaa kooxdayadaas lanoogu magacdaray hayad

ajanabiga ilaalin jirtay oo la oran jiray group four iyadoo lanoo qarinayo in aanu ilaalilnayno madaxdii

kacaanka ee dawladda ku jirta, dhawr xubnood oo askartii dalka qabsatay ayaa dawlada ku jiray waxana

Ríisal wasaare ka ahaa Maxamed Cali Samatar iyo Maxamed Geelle Yusuf oo ahaa wasiirka maaliyada .

Cabdiqaadir Xaaji Masale wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Warsame Isaaq oo ahaa wasiirka Arrimaha

bulshada iyo Axmed Maxamuud Faarax Raiisal wasáare ku xigeen, waxaa aan aad ugu fiirsaday nimankan

dalka 21 sano xukumayey iyo siday yihiin iyo aqoontoodu siday tahay aad ayaan uga naxay markii aan

arkay ee aan bartay nimankaas waxaa iga muuqatay dad aan xogba u hayn xaqiiqada dalka ka jirta oo aan

ka warqabin ama isyeelyeelaya. Maxamed Cali Samatar waxa uu u ekaa nin quus tagaan oo niyad jabsan

oo aan wax dan ah ka lahayn waxa dhacaya, shirka golaha wasiiradan lalama iman jirin wax ajande ah

lakiin isagaa ayaa khudbad jeedin jiray oo ka dibna waa layska kala dareeri jiray waqtigaas Siyaad ma

iman jirin shirarka dawladda ee golaha wasiiirada.

Waxaa igu yaab badnaa Geelle oo ahaa nin kaftan badan jeesto badan oo hadalkiisa lagu qosli jiray

markii uu joogo golaha wasiirada, waxa isku kay qaban waayey ninkii joogay maxkamadii badbaadada ee

dilka toogashada ah xukumi jiray iyo ninkan laga maadsanayo, labadaas arrimood ayaa isu kay qaban

waayey, aniga iyo nin al yirhaado Caato oo aha wasiirku xigeenka maaliyada iyo wasiirkii qorshaynt

Gowdax ayaa gudi la noqonay Geelle, waxaa uu nooga sheekeyey isaga oo xaaskiisa iyo sodohdii la

socoto oo lafoole ka soo qaaday waa sida uu u dhigaye waxaa ka soo yeedhay ereyo kacaanka ka soo hor

jeeda xaaskiisi sidaas darteed waxaa uu yidhi iyadii iyo sodohdayba waxan ku dejiyey laamigii. Way iga

yaabisay oo waan is hayn kari waayey oo waxan ku idhi waxaad tahay nin dhaqan xun ee maxaad

sodohdaa u dejisay. Waxaa ii muuqday inuu yahay nin wejiyo badan leh. Saraakiishi ka qayb gashay

afganbigii dawladdii la doortay badidoodu way ka maqnaayeen dawladda oo waxay ahaayeen niman

niyad jabay oo himilooyin koodi na ka quustay oo guryaha iska jooga. Nin nimankas ka mid ahaa

Cabdirisaaq Abubakar oo wasiirki waxbarashada mar noqday ayaa waxa laga hayaa inuu ka mid aha

kooxdii loo qaybiyey inay soo qabtaan Ra’iisal wasaarihii dawladdii la riday Maxamed Xaaji Ibraahim

Cigaal.waxaa uu yidhi markii aan gurigiisa ugu tagnay oo u sheegnay in inqilaab la sameeyo oo aan

qabanayno ayuu igu yidhi war ma idinka dhabbaa war maad iska daysaan ma garanysaan dadkan sida

lagu wado, hadii aan Cabdirisaaq ahay waxan ugu jawaabay dadkan aad musuqmaasuqa iyo qabyaalada

ku rideen ayaad wax ka sheegaysaan, waxaa uu sheegay isagoo Maraykan jooga oo qaxooti ku ah in 21

sano ee uu ku jiray maamulka uu mar walba xusuussan jiray erayadii uu ku yidhi Cigaal habeenkii ay soo

qabanaynay arrinkiina sidii uu nooga digayey ay noqotay.

Haddaba waxan ogaaday in maskaxda inqilaabku ahaayeen nimanka Ismaciil Cali Abokor, Axmed

Saleebaan Dafle, Axmed khaawi , hase yeeshe markii Ismaciil oo filanayey wasiirka gaashan dhiga laga

qaaday oo loo dhiibay Salaad Gabaydhe markii danbena Samatar, waxaa samaysamay iskaaashi cusub oo

dhex maray Samatar iyo Dafle. Markii 1970 la khaarajiyey Jaamac Cali waxaa iyana la khaarijiyey

Caynaashe iyo Salaad Gabaydhe 1971, waxaa la sheegay sidii Salad Gabaydhe oo laga baqayey isagoo aha

nin Abgaal ah oo Xamar jooga abaabulna sameeye sidii loo qabtay ee loo khiyaameeyey waxa la sheegay

in ay Samatar iyo Cabdale Faadil ay gaadhi ku soo qaadeen iyagoo ku marti qaaday casho waxaa la

sheegay in markii ay marayeen wadada dalcada ee raadyow Muqdisho inta gaadhigii la joojiyey uu

Page 24: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

Cabdale ku qabtay baastoolad sidaa ayaa ninkaa lagu qabtay waxana lagu toogtay dugsigii Booliska isaga

iyo Caynaanshe iyo Cabdiqaadir Deel, haddaba waxaa dhacday 1991 markii xamar gadoodku ka dhacay

ee maamulki laga adkaaday ayaa Cabdale Faadil waxa uu magan gelyo u galay Janan ay saxiib ahaayeen

oo Hawiye Sacad ahaa Cali Xaashi halkaas ayey maleeshiyadii gadoodsanayd ku hor togteen iyadoo laga

daba joogo falkaas hore oo la diiday magantii janankaas, haddaba markii laga takhalusay Qoorsheel iyo

Caynaanshe iyo Salaad oo ahaa wasiirkii gaashandhiga, waxaa banaanday jagooyinkoodii waxaa la

magacaaabay sadex madaxweyne ku xigeen, kan kowaad Samatar wasiirka gaashandhiga kan labaad

Xuseen Kulmiye Afrax kan sadexaad Ismaciil, Cabdale Faadilna waxaa lo magacaabay taliyaha ciidanka

waxaa Ismaciil loogu daray xilka wasiirka warfaafinta oo u awalba hayey, waxaa halkaa ka muuqatay in

Ismaciil laga saray kooxdii ay maskaxda inqilaabka oo ay isku xidhmeen Samatar, Faadil iyo Dafle

kooxdaas ayaa ugu dhawayd maskaxda Maxamed Siyaad. Markii lagu dhawaaqay hantiwadaaga cilmiga

ku dhisan 1972 waxa soo galay saaxadii siyaasiyiin hantiwadaag ku kooxaysan ,kooxdaas oo aan askar

ahayn oo ahaa aqonyahaano ku shaqaysta hantiwadaaga oo madax u yahay Dr Maxamed Aadan Sheekh

ninkaas oo beel ahaan ka soo jeeday beesha Maxamed Siyaad ee Mareexaan, qoladii askartu waxay

ninkaas u arkeen khatar dabadeed laba jeer ayaa xabsiga loo taxaabay sidaa darteed, kooxdani way ka

adkaadeen waxaa ninkaa lagu xusuusta Dr Maxamed Aadan Sheekh markuu ahaa wasiirka caafimaadka

hawshii uu ka galay sidii loo abuuri lahaa kuliyad caafimaad taas oo uu ku guulaystay oo ay maanta

dhakhaatiirta ku nool cariga Soomaliya meelkasta oo Soomaldu degto waxay ka soo qalin jebiyeen

kulliyaddaas, aqoon-isma-qariso kooxdii askarta ee ka guulaysatay wax raad ah oo aan ahayn burbur

lagama hayo. Haddaba, waxay kooxda danbe ee askarta ahi wadanka wax ka ahaataba, afganbigi

dhicisoobay 1978 ee ay wadeen saraakiishi Majeerteen ayaa waxay wiiqday awoodii ay lahaayeen iyagoo

lagu eedeeyey inay ogaan waayeen shirqoolka, xilkii ay hayeen ee gaashandhiga iyo sirdoonka waa laga

wareejieyey waxaana arinkaa ka faa’iidaystay koox Mareexaan ah oo dawladda ku jiray waxaana

xoogaysatay awoodi kooxahaa Mareexaan, waxaana bilaabantay in la Mareexaaneeyo maamulkii

dawladda arinkaas oo markii hore ku socotay xawli xoog ah ayaa la dardar geliyey , waxaa markaa

samaysmay laba kooxood oo loo kala saftay dadkii xukuumada ka mid ahaa.

Madaxweyne Siyaad ilaa intii xamar laga caydhsaday labadaas kooxood ayuu isku ciyaarsiinayey oo uu

hadba qolo dhinacooda dhegta u dhigayey oo awooda siinayey, kooxda Mareexaan waxay wada hadalo la

galeen beelihii aanay cidna kaga jirin afganbigii dhicisoobay beelahaas oo ay ugu weynaayeen beesh a

Isaaq oo shirar lala galay wixii madax ka joogtay xamar waxaa Hargaysa laga keenay odayaal oo lagu

martiqaaday Xamar1979 markii lagu dhawaaqay jabhadii Soodhaf (SSDF) oo ku abtirsanaysay

Majeerteen. Kooxda Mareexan waxay go’aansadeen inay la shurkaan Isaaqa oo xukunka wax laga siiyo oo

kooxda Samatar iyo Dafle meesha laga saaro. Ismaciil iyo Carte la soo dhawaysto o markaa aan xilal hayn,

raga hawshan waday waxa u madax ahaa Cumar Xaaji Masale iyo Dr Maxamed Aadan Sheekh arrinkaasi

waxaa keenay markii uu bilaabmay kacdoonki waqooyi iyo jabhadii SNM ee beelaha Isaaq inay qoladii

hore ee Saamtar iyo Dafle ay mar labaad adkaadaan oo soo laba kacleeyeen sida ay ku dhacdayba xilkii

waa laga xayuubiyey oo xabsigaa loo taxabay Cumar xaaji Masalle, Maxamed Aadan, Ismaciil, Carte iyo

Cismaan Maxamed Jeelle, awoodi Cali Samatar ayaa dib u soo noolatay iyo Dafle, waxaa iyana jiratay

qollo kale o mareexan ah oo iyagu ku xidhan qoladan sida Axmed Xoosh iyo Maslax Siyaad oo iyaga

hantiilayaal laga dhigay oo lacag loo sameeyeey, mudo waxa arinku sidaa ahaado waxaa sii xoogsaday

jabhadii SNM iyo hawlgaladeedi waxa dhacay shilkii Km 13 ee Siyaad dhaawaca wayni ka soogaadhay ee

Page 25: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

uu koomada galay 1986 ee degdeg loogu duuliyey boqortooyada Sacuudiga dhakhtar ku yaala waxaa la

filaayey inaanu nabarada ka soo kacay sidaa darted labadii kooxood ee u tartamayey dhegta Siyaad iyo

awooda dawladda ayaa toos isugu dhacay waxaa loo diiday Maxamed Cali Samatar oo ahaa madaxweyne

ku xigeenka kowaad inuu madaxtooyada galo oo waxaa is hortaagay askar u daacad ah kooxda

Mareexaanka, waxa dhinaca Mareexaanka madax waqtigan u ahaa C/raxmaan Jaamc Bare iyo Warsame

indhoole iyo saraakiil Mareexaan ah oo loo bixiyey Tuutaale. Haddaba, markii uu Siyaad si mucjiso ah uga

soo kacay dhaawacii shilka ku gaadhay waxa uu raacay dhinacii qoladii Mareexaan ee loolanka ku jirtay

waxa uuna xilkii wasiirka maaliyadda u dhiibay Cabdiraxmaan Jamac Barre iyo ragii ku xidhnaa waxay

bilaabeen oo dib u soo nooleyeen siyaasadii ahayd in iskaashi lala yeesho beesha Isaaq taas ayaa keentay

ololahii aan ka soo sheekeyey ee ka socday 1987 iyo horaantii1988 ee Hargaysa iyo Burcoba. Hadaba

markii Xasan Guuleed madaxweynihii Jabuuti shirkii IGAD 1988 ee lagu qabtay Jabuuti uu ku heshiisiyey

madaxwaynayaashii Migiste iyo Siyaad ee Itoobiya iyo Soomaliaya, ayuu ka baxay Siyaad ololihii ay

wadeen kooxda Mareexaan arrinka waxaaa BBC ka cadeeye waraysi uu siiyey Dr Gaboose oo markaa

ahaa madaxdii Isaaq ee la socotay weftigii Siyaad oo joogay Jabuuti, waxa aan laga war hayn sida uu u

hirgali lahaa ololahasi waxa aan cidina ogayn madaxda Isaaq ee joogaty gudaha dalka ee ku jirtay

dawladda Siyaad inay xidhiidh la leeyihiin madaxdii SNM ee dibada jirtay, hase yeeshe mar aan arrinka ka

waraystay nin ka mid ahaa madaxda SNM waxaa uu ii sheegay in xidhiidhkaasi jiray oo ay niman ku jiray

xukumada Siyaad ay la soo xidhiidheen madasxdii SNM, oo mararna lagaga war bixiyey shirarkii jabhada

xidhiidhkaas, waa socday ilaa 1987 xidhiidhkaasi hadaba markii uu siyaad balankii ka baxay ayaa qoladii

Mareexaan ee hormuudka u ahaa Cabdiraxmaan mar danbe laga adkaaday, markii ay jabhadii SNM soo

galeen Hargaysa iyo Burco ayey arrinkii cirka isku shareeray waxa soo noolaaday kooxdii Samatar iyo

Dafle.

Hadaba dawladdaa aan ka mid noqday 1990 waxaa madax ka ahaa Samatar iyo kooxdiisa ragga ku jiray

waxay ahaayeen kooxdaa hore sidaa darted xukuumadani may ahayn mid wax talo iyo tayo u haysa

xaalada dalka ee sii xumaanaysay, taladaduna waxay ahayd wax ha layska celiyo ciddi talo kale keentana

waxay ahayd jeelka ha loo diro oo ahayd habkii ay ku soo badbaadeen ee ay ku soo dhaqmi jireen.

Hadaba markii ay samaysantay kooxdii Maanafeesto oo uu lahaa fikradeeda iyo abaabulkeeda Marxuun

Ibraahijm Abyan ee ay soo saareen baaqii manafeestada ahayd waxaa arrinkooda la keenay golahii

wasiirada ee uu gudoominayey Cali Samatar waxay taladii wasiiradu ay u badatay in loo furo wada hadal,

haseyeeshe waxaanu ku war helnay in xabsiga loo taxabay raggii. Ibraahim Maxamuud Abyan xidhiidh

weyn ayaa naga dhaxeeye hawlo siyaasadeed ayaanu wada galnay markii uu Sidam maareeyaha ka ahaa

waxaan ku kulananay Beledweyn anigoo Lo’ ka iibsanaya isagoo hay’ad cilmi baadhis uga samaynaya

sanadkii1989 waxaa uu ii sheegay inuu ku guulaystay inuu isku xidho siyaasiyiinti Hawiye iyo Majeerteen

kuwa gudaha jooga hawshuna meel fiican u marayso, sidaas ayaan dhaqaaqa uga war helay haseyeeshe

ma aan ahayn xubin firfircoon waxaan ku mashquulsana sidii aan reerkayga ugu heli lahaa yoomiyaha iyo

xoolo lagu soo dhidhiday oo xalaal ah, raga kale ee ku jiray ee galay kooxda maanafesto waxay u

badnaayeen rag ka xoogsaday dawladda oo heer ka gaadhay oo markii ay arkeen xaalku inuu xun yahay

ka soo yaacay ka soo baxay sida jiirku uga yaaco doonta degaysa, lakiin macaaradoodu ma ay ahayn mid

mabda’ ku dhisan sida Abyan oo isagu macaarad ku ahaa ilaa maalintii ay askartu xukunka qabsatay

waxna aan ka faaiidaysan xukumada waxa uu ku noola guri yar oo ka mid ahaa guryihii lagala wareeagy

Page 26: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

qolo kiristaan ah oo ka soo horjeeday Ming Sing wax xoola ahna kama helin maamulka halka qolyaha

kale ee sheeganayey mucaaradku ay ka heleen guryo waaweyn iyo xoolaba maamulka, xidhitaanka

ragaasi waxay soo koobtay noloshii xukuumadan, xadhigan nimankan iyo arrinkii xasuuqi Jasiira waxay ka

xidhay daymihii iyo deeqahii la siinjiray xukuumadan bishii septanbar1990 ayuu Siyaad xilkii ka qaaday

Samatar waxaa markale gulaystay kooxdii Mareexaan ee Cabdiraxmaan hogaaminayey markan ayey

kooxdani ku gulaysatay iskaashigii ay rabeen ee beesha Isaaq oo aay ra’iisal wasaare ka dhigeen Marxuun

Maxamed Xaawadle Madar waxa kale oo wasiirka gaadiidka badda cirka dhulka laga dhigay Hiirad

wasaradaas oo balaadhan isagoo isna beesha Isaaq u dhashay Cabbdiraxmaan waxaa uu noqday wasiirka

maaliyad iyo Cabdiqasina arrimaha gudaha iyo raíisal wasaare ku xigeen, hadaba maadama ay

Cabdiraxmaan iyo kooxdiisi guulaysatay oo aay isagan isku xidhnaayeen wasiirkii hore beesha Warsangeli

Maxamed Gacamey waxaa uu doonay inuu xilkii ku soo celiyo oo aniga layga saaro, haseyeeshe madaxdii

Isaaq ee dawlada ku jirtay oo ka mid yihiin Maxamed Xaawadle iyo Cabdilaahi Maxamed Hiirad, iyo

Maxamed Saalax oo Agaasime guud aha oo ku xidhnaa kooxda ayaa ku adkaysatay inaan anigu xilka sii

hayo,. .

Dhamaadkii qarnigii19aad marka reerkayaga reer Gees Shiikhdoon Berbera soo degeen waxaa dhacday

in aanu isku milano beelaha Isaaqa oo aanu wax ku barano dhexdooda kala guursano ka ganacsano guryo

ku yeelano Berbera, Hargaysa iyo Ceerigaabo aanu ku dhex yeelano saaxiibo isu baranay si aanay noo

aqoon beelaha aanu isku haybta nahay ee Harti. Dawladdan cusubi waxay ahayd mid barnaamij la timi ay

wax ugu qabanayso dalkaan oo ahayd sidii xilka loga wareejin lahaa Siyaad iyo kooxdiisa iyada oo aanay

wax dhibaato ah iyo burubur dalka ka dhicin, waxaa la hirgeliyey dastuur cusub oo xilka siinay

raíisalwasaraha awooda madaxweynahana yaraynaya ogolaanaya furitaan asxaab, doorasho xor ah in la

qabto waxaa la baabiíyey maxkamadihii badbaadada iyo qodobkii 51 ee dilka badnaa waxaa la baabiyey

xisbigii hantiwadaaga, waxaa Siyaad lagula hesheiiyey inuu sii joogo 2 sano ee u hadhay isagoo aan

awoood lahayn hase yeeshe waxay ahayd waqti xeedho iyo fandhaal kala dhaceen kumu simin waqtigu

xukuumadii inay ka midhi dhaliso, barnaamijku waxaa uu aha mid aad dib ugu dhacay waxay la kulantahy

cadhadii weynayd ee Soomaali ku habsatay ee Xamar ka dhacday 31 Decebar1990.

Dharaarihii nu danbeeyey ee taliski Siyaad Barre

Ninkan Cabdiraxmaan Jamac ee u tafa xaytay inuu badbaadiyo taliskii walaalkii ee uu ka mid ka ahaa

isaga laftiisu na ahayn nin isbedelku dhab ka yahay ama ka nadiif ah ceebihii taliska waxaa uu ii qiray

Cabdirisaq Juriile oo mashruuci Fay ee deeqdii talyaaniga ka madax ahaa oo hadana ah wasiirka

Qorshaynta ee dawlada Imbagti in Cabdiraxmaan iyo raii’salwasaarihii Talyaaniga ee waqtigaas Karaasi ay

ku lahaayeen mashruuca komishan gaadhay ilaa 32 malyan oo doolar oo ay labadoodu kala qabsadeen.

Markuu ahaa wasiirka arimaha dibadaba waxa uu hoos geeyey shirkadii kalluumaysiga ee dawlada

wasarada arimaha dibbada oo uu madax uga dhigay Eng Muunye oo reer Baraawe ah oo ilaa maanta

haysta, ma ahayn nin caqli badan ee waxaa uu ahaa nin kibir badan oo aqoon yar hase yeeshe waxaa uu

gartay in taliskii buruburayo oo waxa uu doonay inuu badbaadiyo laakin waxay ahayd waqti dhamaaday

ciyi waa ka baryey. Aniga isaga oo aan awalba i jaclayn ayaanu isku dhacnay waxanna u tagtay warqad

aan u qoray maalintii Axada oo mudahaarku dhacay, warqadaas waxaa akhriyey Maxamed Saalax oo

ahaa agaasihii guud ee wasaaradayda oo igu yidhi waxaa soo baxday Profisirnimadaadi, waxa dhacday

Page 27: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

inuu London uga yeedho ninkii uu awalba rabay ee Gacamay oo ku soo beegnay malintii ay Xamar

xabadu ka dhacaysay, ninkaas oo isagoo ku jiray guri u dhawaa Madbacada u qaylo dhaansaday isaga iyo

xaaskiisa askartii ilaalinaysay madaxtooyada oo la geeyo madaxtooyada oo lagu qabsan gaadhay oo dirqi

looga soo saray isaga iyo Siyaad.

Anigu waxaan la socday xaaladda dalku marayo waxaan ahaa nin dhawaan ku soo biiray maamulka sidii

aan hore u soo sheegay sidaa darteed socdaal laygu casumay waxaan ku beegay 2 Diinsanbar,

casumaadaas oo ka timi shirkadd Kuuriyadda koonfureed ah oo ay xidhiidh lahaayeen wasaaradda

Kalluumaysiga waxaan kale oo sii qaatay fiisayaal dhawr dal oo yurub ah sida Jarmalka, Talyaaniga iyo

Ingriiska, waxaan joogay muddo toban maalmood ah magaaladda Siiyool ee Koonfurta Kuuriya, markii

aan ka soo laabaty waxan magaaldda London soo galay 13 Disanbar, markii aan socdaalkan u baxayey

waxaan kala sii balamay reeraha nin aanu ehel ahaynoo sarkaal ciidamada ahaa inuu soo daad gureeyo

marka xaaldu casaarka gaadho, siday u dhacdayba taladaydii ma yeelin ee wefti dibadda u baxaya ayuu

ayaamahaasba raacay, 24 Dinasbar ayaan la soo hadalay Muqdisho,waxaa lay sheegay in xaaladii

casaankii dhaaftay, ninkii aan ku halaynayey reerahana uu dalka ka maqan yahay, sidaas darteed waxaan

goostay in aan xamar dib ugu noqdo waxaan soo raacay diyaaradi ugu danbaysay ee Somali airline ee

Xamar fadhiisata waxa safarka la socday agaasimihii waaxda kallunka ee wasaradda waxaa uu ila tegay

London, waxaa dhacday intuu London joogay inuu iigu keeno huteelkii aan degana nin Ingiriis ah oo aan

aqaanay oo ka shaqayn jiray mashruuc kalluumaysi oo Soomaliya ahaa, Agaasimuhu waxa uu ahaa nin

Abgaal ah Xuseen Cali Axmed waxay hore u soo sheekaysteen ninkan Ingiriiska ah waxaanu u sheegay in

taliskii Maxamed Siyaad dhacayo oo dalkii Hawiye qabsanayo oo isaggu noqonayo wasiirka

Kalluumaysiga, ninki Ingiriiska ahaa oo aan isagu Soomalida kala aqoon markii uu ii yimi waxaa uu ii

sheegay warkii Xuseen u sheegay iyo isbedelka dhacaya. Xuseen Cali Axmed ma dareensanayn sida

xaalku noqonayo iyo sida uu arrinku ku danbaynayoiyo in kacdoon qabiil ahi oo isna qabiil u sii kala jajabi

doono, arrinkaasi wa arrimaha uu fahmi kari wayey aqoonyaahanka Soomaliyeed ee qabiilka dabada

geliyey si uu xukun u helowaxa u hilmaamay in qabiilku sii dhalayo qabiil kale oo aanu lahayn meel uu ku

joogsado. Waxaa dhacday in Xuseen Anigoo ah wasiirka arrimaha dibadda Soomaliland ay soo fadhiisato

garoonka Hargaysa diyaarad uu la socdaa oo ay habeenki ku dhaxday, Xuseen waxaa gurigayga iigu

keenay Axmed Xuseen Oomane wasiirki Kalluumaysiga Soomaliland oo ay hore isu yaqaaneen, waannu

sheekaysanay isagoo aad uga dayrinaya Xamar iyo siday waxba uga dhismi waayeen, lana yaabsan

horumarka Soomaliland gaadhay, markii aanu joognay Rooma ee sugaynay diyaaraddii Somali airline

waxaanu la kulanay niman badan oo Abgaal ah oo ay Xuseen is garanayeen oo markaas u ololaynayey

USC waxaa ka mid ahaa nin la yiraahdo Eenow oo ah ninka samaystay dekedda Ceelmacaan ee Xaamr

alaabtu uga degto haddana ku nool isaga iyo qoyskiisi Virginia waddanka Maraykanka halkaas oo uu

guryo ka iibsaday iyo laba nin oo kale oo ABgaal ahaa oo la kala oran jiray Madaxay iyo Laangadhe oo

aanan garanayn meel ay ku danbeeyeen, waxay igula kaftameen oo run noqotay inay Xamar soo

galayaan 1da Jeenaweri oo ay ka tuurayaan Siyaad Barre taliska waqtigaa waxay ahayd 23 Diisanbar,

arrinkaasi run ayey noqotay waa kii kacdoonkii bilaabmay 31 Diinsabar 1990. Anigu waxaan Xamar ka

baxay oo u baxay dhinaca Kismaayo 2 Jeenaweri 1991 Anigoo wata reerkaygii, wixii ehel ahaa ee deganaa

xamar iyagana waxaan u soo daadgureeyey Kismaayo, waxaan Anigu yaqiinsana in aan Xamar dib danbe

loogu noqonayn haseyeeshe dad islahaa marka Maxamed Siyaad ka baxo nabad ayey noqonaysa oo dib

ugu laabtay naftoodi ayey ku waayeen, waxaa xiiso leh in aan galay oo ku degay huteel uu laha aDaahir

Page 28: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

Jaamac Barre (cascasay) oo ay Maxamed Siyaad walaalo ahaayeen galay qolka 04 oo lahaa musqul

gudaha ah, niman Daarood ah oo aanu Kismaayo u soo wada qaxnay ayaa igu oran jiraywasiirkii soo

baxsaday anna waxaan ugu jawaabi jiray qolka 04 ee Huteelkan ayuu Siyaad iigu imanaya, arrinkaasi

dhabayey noqotay 26 Jenaweri 1991 ayuu qolkaygii Anigo ka maqan ku soo degay oo habeenkaas

seexday , Maxamed Siyaad Barre habeenkaas oo keliya ayuu u hoyday Kismaayo ka dibna waxa uu u

baxay gobalki uu ku dhashay ee Geddo iyo Buurdhuubo ka dibna waxa uu ku geeriyooday waddanka

Naajeeriya magaaladda Abuuja 1995 ciddina war kama sheegin siduu u dhintay, walaalkii Cabdiraxmaan

Jaamac Barre waxaa uu sheegay marki ay BBC waraysatay inuu habeenkii seexday isagoo caafimaad qaba

oo aroortii la arkay isagoo meyd ah. Hore ayaa loo yidhi qofka Ibna Aadanka ah wax kasta oo kele waa

lala wadaaga ee geerida lalama wadaago ee waxay ku timaadda keligii oo qofka uun aya dhinta.

Maxamed Siyaad mMadaxweynihii Jamhuuriyaddii Soomaliya, Gudoomiyihii XHKS Taliyihii Ciidamadii

Afrikadda madow ugu xooga roona waxaa uu dhintay isagoo keligii qolkiisa ku jira oo aanay ka warhayn

Wasiiradiisi badnaa, Qabiilkisi iyo Carrurtiisi uu aad u jeclaa iyo dadkii kale ee ku xeernaan jiray waa arrin

uu ku cibaaro qaato qofkii fekeraya weliba kuwa u bu’aya xukun maroorsiga dalkan burburay. Marxuun

Maxame Xaaji Ibraahim Cigaal oo u dhawr iyo toban sano xabsiga ku hayey oo ahaa ninkii uu xukunka ka

inqilaabay oo waqtigaa ahaa Madaxweynaha Soomaliland ayaa markii BBC waraysatay aarinka ku

saabsan geerida Siyaad yidhi waannu dabaaldegi lahayn haseyeeshe anagiiba ayaan nabad haysan nasiib

darro isagoo xamaasad ku gelinayey daweynaha Isaaq ee is dilaya,geerida siduu u dhintay Marxuun

Maxamed Siyaad Barre ciddina ma ogaaan xitaa laanta BBC af Soomaliga ee afka dheeri waxba kama

sheegin sidduu u dhintay, haseyeeshe waxaan war ku helay laga so xigtay Madaxweynihii waqtigaa

Nayjeeriya Sanyo Abaje in uu Maxamed Siyaad is dilay, habkii uu isu dilay lama sheegin ee waxaa loo

maleeyey inuu dawo isku dilay.

Nayroobi iyo Noloshii ( Salama Kabisa

Waxaan laba diyaaradood ku soo qaaday reerihii intii aan qaadi karayey 12 febarwari 1991 oo keenay

Nayroobi, halka ay dadku raadsanayeen dhoof Yurub iyo Maraykan ah ugu kacaan Anigu ma raadsan

doqonimadayda, waxaan dhexgalay siyaasadii, waxaa Nayroobi lagu hayey siyaasad Maamulkii Siyaad ka

soo jeeda oo wejiyaal badan leh oo Daarood ah, qolo lagu magacaabi jiray Haraagi waxay iyagu ku jireen

wax iska celin iyo tolayeey, iyo qolo horeba mucaarid ugu ahaa maamulkii Siyaad oo iyagu danaynayey

inay Hawiye la shaqeeyaan oo dawladda la dhistaanoo ay madax u ahaayeen C/risaq Xaaji Xuseen,

Maxamed Abshir, Cumar Macallin iyo kooxdii Manafeesto kuwaas oo ka qaybgalay shirkii Jabuuti ee

Madaxweynaha laga dhigay Cali Mahdi Maxamed, waxaase badnayd qoladda heshiiska diidan ee lahayd

aan wax iska celino, kala qaybsanaantaasi waxay keentay in magaaladda Kismaayo gacanta u gasho USC.

Waxaan kula taliyey qolyihii Wersangeli ee Kiinya u soo qaxay intii I maqlaysay in la raadiyo sidii loogu

noqon lahaa waqooyi iyo degaankooddi oo aan lagu habsaamin Kismaayo, waxaannu bilownay hay’ada

SDRA oo markii danbe caan noqotay, oo aannu Nayroobi ku Aasaasnay taas oo markii danbe Diyaarrado

ku soo qaaday dadkii oo ku soo celisay Xerro Warsangeli, waxaannu dhinaca kale iska helnay Nayroobi

nin aannu waqti badan saaxiib ahayn Maxamed Cali Caateeye ninkaas oo ka mid ahaa qolyahii u raacay

Garaad Cabdi qani Balli gubadle ee la kulmay SNM, waxannu qol ka kiraysanay huteelka Six eighty (680)

qolkaas oo ku caan noqday arrimaha siyaassada waqooyiga ee Nayroobi oo ay cid walibaa dibadda kala

soo xidhiidhi jirtay oo lambarkiisu ahaa 202 waxaannu halkaas ka furnay aqoon iswaydaarsi dadkii reer

Page 29: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

waqooyiga ee deganaa Nayroobi ama u soo qaxay, waxaa arrimahaas nnagula jiray Xaaji Maxamed

Musbaar, waxaannu meesha ka samaynay merfish ay wada fadhiistaan dadka ka soo jeedda beelaha

waqooyiga dega sida:- Isaaq, Samaroon iyo Harti ( Warsangeli & Dhulbahante) qolka kiradiisa iyo jaadka

waxaa kala qaybsan jiray Aniga iyo Maxamed halkaas ayaannu ka soo ambabixinay dadkii ka qayb galay

shirarki nabada ee Berbera iyo Burco oo aan diyaarad ka soo saarnay gaar ahaan Wersangeli iyo

Dhulbahante, maalintii lagu dhawaaqay gooni isu taaga Soomaliland ayaannu xidhnay qolkaas 18 May

1991, halkaas ayaanu ka bilownay dhaqdhaqaaqi nabadaynta beelaha Soomaliland ragaasi waxay ka

wada qaybgaleen shirarkii Burco, Sheekh, Boorame & Ceerigaabo shirarkaas oo lagu nabadaynayey

beelaha Soomaliland oo ay ragaas qaarna madax ayey ka noqdeen xukuumadihii kale danbeeyey ee

Soomaliland. 16 April 1992 ayaan reerkayga geeyey magaalada Ticis ee Yaman waxaa ii suurta geliyey in

aan hawlahaas galo oo u adkaysatay dhibaatooyinkii na soo maray xaaskayga Ilaahay ha ka raali noqdee

Sahra Sh Cumar Dirir oo aan I dhibin intii aan hawlahaas ku jiray, intaan Yaman ku daadiyey carruurtii

ayaan degdeg ugu soo noqday Jabuuti iyo Soomaliland, xaaskayga ayaa carruurtii iskuuladda qortay,

mararka qaarkood ayaan is dhahaa denbi ayaad ka gashay reerkaaga iyo caruurtaada marka aan arko dad

soo meelaystay reerahoodi oo baasabooro Ajanibi ah sita oo markii hore ee arrinku kululaa ka qaxay oo

ka cararay oo haddana wasiiro ka noqday xukuumadaha Soomaliland, haddana waxaan isku qanciyaa

marka aan arko si kasta ha ahaate kuwii sanaddaha badan duurka ku jiray oo ku guur seegay ama ku

dhintay oo aan iyaguba waxba hayn, waa maqaadiir Ilaahay lama diido wixii laguu qoray. Waxaan imi

Jabuuti oo aan kula kulmay qoladii qolkii 202 iyo odayaal kale oo ay ka mid ahaayeen Garaad Cabdiqani

iyo Marxuun Maxamed Axmed Cabdule ( sakhraan), waxa kale oo aan la kulmay Maxamed Cali Caateeye

iyo Maxamuud Cabdi Cali (Bayr) oo wasiiro ka ahaa xukuumadii Marxuun Cabdiraxmaan Axmed Cali oo

iyaguna Jabuuti jooga markay ka baxeen xukuumadaas waxaa markaa socday dagaalo sokeeye ee

Berbera iyo Burco, waxaanu u gudubnay dhinaca Boosaso oo markaa diyaaradi tagto, hawlihii Nayroobi

ayaannu halkaas ka sii wadnay ee ahayd u ololaynta nabadaynta beelaha Soomaliland, waxa Boosaso

igula kulmay ururka Al itixaad oo Boosaso qabsaday dagaal ka dibna laga saaray Boosaso ururkaas oo u sii

fiday dhinaca xerro Wersangeli ilaa ay qabsadeen Laasqoray. Hawshii hore ee nabadaynta beelaha

Soomaliland iyo Maamulki Soomaliland waxaa kale oo nagu soo kordhay hawsha Al itixaad sidii loo

maarayn lahaa taas oo aanu ku guulaysanay, hawshaas waxaa gacan naga siiyey madax ka mid ahaa

jabhadii SNM ragaas oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Kaahin, iyo Ibraahim Dhegeweyne waxa kale oo

iyaguna gacan naga siiyey niman Dhulbahante ah oo ka mid ahaa kooxdii qolkii 202 oo ay ka mid

ahaayeen Baashe Cali Jaamac iyo Ciise Soofe Duraan ninka danbe oo ka mid aha Al-itixaad ayaannu

adeegsanay oo aanu ka dhignay inuu madax u noqdo waddaadada haysta Laasqoray waxaanu iyadana ku

guulaysanay in ninkii hore u haystay oo ahaa Habargidir Caydh anu ka bedelnay ninkaas oo la yiraahdo

Daahir Aweys oo hadda madax ka ah maxkamaddaha Islaamiga ee Muqdisho, Ciise waxaa uu noo

fududeeyey inuu wadaadadii nabad kaga saaro Laasqoray iyo deegaankii Wersangeli oo qaas iiyo

dhabaato dhicin oo aan dad badan lagu layn sidaas ayuu arrinkaasi ku dhamaaday. Marka lays barbar

dhigo sidii uu yeelay Cabdilaahi Yuusuf ee ay ku dhinteen boqolaal dhalinyarro ahi markii uu la

dagaalamayey ururki Al- itixaad iyo sidan danbe waa labo aan isu dhawayn.

Sanadihii cadhadu waxay ku soo dhamadeen shirarkii kale duwanaa ee ka dhacay Sheekh,Ceerigaabo iyo

Boorame 1993 inkastoo ay haddana mar danbe cadhadii ka soo cusboonaatay Hargaysa iyo Burco 1994

ilaa 1997. mudadii 10 bilood ahayd ee aan ka mid ahaa dawladii ugu danbaysay ee Soomaliya hawlo

Page 30: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

badan ayaan ka qabtay wasaaradi aan joogay haseyeeshe mar haddii ay isla duntay dalkii iyo xukuumadii

oo dhami wax la sheegsheega ma jiraan, haseyeeshe waxaan ka faa’iiday waxyaalo nolashaydii danbe

wax taray, waxaan ogaaday in haddii shaqaalaha Soomaaliyeed noloshooda lagu dadaalo oo baahidooda

wax laga qabto ay iyagguna si fiican u hawlgalaan, baahidooda oo aan ahayn mid buuran, caddaalad iyo

sinaan haddii lagu dhaqo inay iyaguna si le’eg kula dhaqmayaan madaxdooda oo ay ka dhex abuurmayso

is ixtiram aan weligeed dhamaan, waxa uu kugula dhaqmayaa in ninka madaxda ahi uu tusaale u yahay

shaqaalihiisa oo ay u dhaqmaan siduu u dhaqmo, haddii uu tuug yahay ay tuugo noqdaan,haddii uu

caajis yahay iyaguna caajis ayey noqdaan hadii uu nadiif yahay oo ay wax qabad ku arkaan iyaguna way

ku daydaan.

Hadii Hadi dhaco oo Hareerigu hoosta ka engago oo hadhyare Qudhac hablo diirtaan oo Higlada Bari

libaaxu hadhgalo, adaa hoogeye xagaad hadh u Dayan

Waxaan ayaamahan danbe hadal haynteedu ku badatay Jaraa’idka ayna ka doodeen asxaabta

mucaaridku Guddi dawladeed oo loo xil saaray goballadda bari gaar ahaan Sanaag iyo Sool.

Waxaa hadaba is waydiin leh Xukuumadda iyo Asxaabtu xog intee le’eg ayey ka hayaan wadada dheer ee

loo soo maray nabadaynta iyo dib-u dhiska Soomaaliland gaar ahaan goballadda bariga

Gobalka Sanaag waxaa ku dhaqan oo Illahay ku beeray Beello badan oo aadse loo yaqaano afar beelood

oo kala ah ( Habar yoonis, Habarjeclo,Dhulbahanteiyo Warsangeli)

Intaan Sanaag noqon gobal waxay ahayd district Cerigaabo, juqraafi ahaana wuxuu ka bilaabmaa dhinaca

galbeed Cadaad kulaaleed ilaa bari waylo oo magaalada Qardho u jirta 25km waana xadkii

mustacmaradihii Ingriiska iyo Talyaaniga, qiyaasta dhulka uu ku fadhiyo waxaa lagu qiyaasa saddex

meelood meel ahaan dhulwaynaha Soomaaliland (1/3)

Dhulka intaa le’eg magaallada ugu wayni waa Ceerigaaabo oo ah magaalo madaxda gobalka taas oo

ahayd meeshii uu fadhiyi jiray DC ingriiska ee xukumi jiray degmadaas , magaaladaas ayuun bay beelaha

ku dhaqan gobalku wada degaan taas oo cid waliba degan tahay oo aad u kortay , gobalka intiisa kale

waa magaalooyin yaryar iyo tuulooyin ay degan yihiin reer keliya oo u sii kala baxa ardaayo iyo tuulooyin

Hadaba waxaa maamul dawli ahi ka samaysmi karaa meesha la wada degan yahay kaas oo astaan

maamul u noqan kara gobalka kana sii fidi kara markuu hana qaado

Maanta Ceerigaaabo waa la wada degan yahay mahad Alle weeye, wixii dumay dib ayaa loo dhisay,

dhismayaal cusubina waa laga dhisay wayna dhismaysaa waxay leedahay baahidii nolasha intii u

muhiinsanayd xagga horumarka casriga ah sida biyo,laydh, telifoon ,internet . Waxaa ka furan Isbitaal,

dugsiyo hoose, dhexe iyo sare waxaa taga diyaaraddo ganacsigu waa isu furan yahay bari iyo galbeed.

Waxaa jooga macalimiin iyo hayaddo samafal oo ajanebi ah

Hadaba xaaladu sidaas may ahayn mudo hadda laga jooga 10 sano gushaas waxay ku timi dadaal qunyar

socod ah oo ay iska kaashadeen kana wada qayb galeen Guurtidda, Aqoonyahanka, & Haweenka beelaha

wada degan gobalkaas iyadoo aanay cidna dibada uga iman

Page 31: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

Waxaa xusid mudan halhays ah Rooma maalin qudha laguma dhisin sidaa darted wafti xukuumadda ah

oo maalmo ku qayila wiilalna qaad u qaada ka weyn xaajaddu.

Waxay u baahan tahay in la derso xaalada maanta iyo waxii loo qaban karo oo meeshi baahi jirto si cilmi

ah wax looga qabto taas oo noqota mid joogta ah oo aan wax yeelayn wixii hore u jiray

Haddii aan xusuusta dib ugu noqono 10 sano mudo laga joogo taas oo ahayd dib u yagleelkii nabada

shirwaynihii beelaha reer Sanaag ee lagu qabtay Ceerigaaabo. Waxaa shirkaas ka horeeyey shirar

doceedyo ka soo bilaabmay 1991 markii dawladiii Maxamed Siyaad burburtay iyo dagaaladii sokeeye ee

dadkii wada degana ku kale qaxeen magaaladi Ceerigaaabo oo ay beel waliba ku noqotay tuulooyinkii u

gaarka ahaa ee aan soo sheegay

Shir doceedyadaas waxaa ka mid ahaa Yubbe1, Yubbe 2 iyo Jiidali ooo dhex maray Warsangeli iyo

Habaryoonis bari

Ceelqooxle, Shinbiraale oo dhaxmaray Warsangeli iyo Habarjeclo

Darar weyne oo dhex maray Dhulbahante iyo Habar yoonis

Garadag oo dhexmaray Warsangeli, Habarjeclo iyo Dhulbahante

Shirar kale oo dhawr ah oo dhexmaray Dhulbahante iyo Habarjeclo

Shirar beeleedyadaas ay isugu imanayeen laba beelood ama saddex waxaa laga wada hadli jiray xabad

joojin iyo wixii danta ah sida daaqa waxa danbe ee dhaca wixii laga yeelli lahaa iyo biyaha. Marwalba

tuulada lagu qabanayo beesha taal ayaa marti gelin jirtay, hase yeeshe shirarku waxay ahaan jireen shirar

nabad أ¢â‚¬“dagaal oo qollo walbaa ciidankeeda iyo tignikadeeda way la iman jirtay

Inkastoo shirar bilaabmeen oo lawa hadlay oo xabad joojin jirtay hadana waa lakala yaalay oo isu socod

caadi ahi ma jirin oo xad ayaa lakala lahaa, waxaa jirtay gooba laysugu iman jiray oo ay ugu weynaayeen

labada goobood oo ganacsigu ka socday oo baabuurtu rarka iyo rakaabka ku kala wereejin jireen oo mid

walbaa dib uga noqan jiray

Waxay ahaayen goobahaasi xagga sare oo ahayd Higlo kala noqod oo u dhaxaysa Yubbe iyo Jiidali. Xagga

hoosena waxay ahayd Ceel qooxlle. Laysuma gudbi jirin oo qola walbaa halkas ayey ka noqon jirtay,

xaaladu halkaas ayey joogtay intaan laysugu iman shirwaynihii beelaha sanaag ee Ceerigaaabo

MagaaladiiCeerigaaabo oo ahayd xaruntii gobalka waxay ahayd meel aan baabuur soo gelin oo ay beel

qudhi joogto beeshaas oo ahayd Habaryoonis bari inkastoo Habarjeclona cidi ka joogtay waxayna la mid

noqotay tuulooyinkii aan soo sheegay ee ay deganaayeen beesha keliyi

Dad badan oo Siyaasiyiin ah oo ka mid ah beelaha degan Sanaag ayaa jeclaa in arrintu sidaas noqoto oo

aan laysku soo noqon oo sidaas loo kala xidhnaado, dadkaasina ilaa maanta way jiraan ha jogeen

soomaliland ama meel kale fikirkoodina isma bedelin.

Waxaa xusuus mudan markii shirwaynaha loo balamay july 1993 waxay Habaryoonis bari ergo u soo diray

Page 32: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

Warsangeli sidii ay balantu ahayd oo ka koobnaa 7-10 nin oo ay dhamaantood warsengeli dhaleen

intooda badanina ay xidid la ahaayeen Warsangeli, waxay soo gaadheen tuulada Yubbe halkaas oo lagu

nageeyey iyagoo doonayey in ay u soo gudbaan Hadaftimo oo ka socday shirweyne Warsangeli

Waxay shirweynihii Hadaaftimo u soo direen ergadii koox odayaal ah waxaanna la soo dhexgeliyey oo

lagu soo daray niman xag-jirayaal ah oo doonayey in dadku sidii hore u kala xidhnaado oo aan lays ku soo

noqon shirkuna burburo kuwaas oo ugu yimi ergadii yubbe

Markii aan arrintaas ogaanay qolyahayagii doonayey in la nabdo oo shirka la qabto dadku isku soo

noqdo, ayaa waxaannu soo raacay gaadhi tikniko ah (Baroon) niman ay ka mid yihiin Aniga Maxamed

Saciid, Axmed Cadami, Maxamuud Cabdi Xaamud, Saciid Bidaar, soo raacista baroonka waxaa nagu

kaliftay anagoo ka baqayna in ay xagg-jirayaasha beeshayadu na dilaan , sidaas ayaanu ku inimi Yubbe,

iyadoo ergadii ay habeenkii hore is maan dhaafeen qolyahii laga soo diray Hadaftimo oo shirka

burburinayey , habeenkii labaad ayaan la kulanay ergaddi oo aan u sheegnay in balantii sidii hore tahay

oo aan shirka imanayno .

Waxaa dhacday markii ay nimankaas ergada ahi ka soo anbabaxayeen Ceerigaaabo sida uu ii sheegay

ninkii soo raacay ee Warsangeli (Siciid Bidaar) in la geeyey darista Ceerigaaabo oo la dhaariyey oo lagu

yidhi wax laydin faro mooye wax kale ha sheegina, markii la dhaarinayey ayaa waxa soo booday ninkaas

Warsangeli oo yidhi war mid xanta noo sheega dhaarta nooga reeba, markaas ayaa lagu yidhi Hebel

ayaan waxba qarin ee isaga hala reebo.

Dhulbahantahana sidaas oo kale ayaa waxa loogu diray ergo ay wada dhaleen dhulbahante kana qabay.

Waxaan ku heshiinay ergadii in aan soo dirno shan qof oo ka mid noqda gudiga qaban qaabadda

shirweynaha beelaha sanaag.

Markii aan ku noqonay shirkii Warsangeli ee Hadaaftimo waa laysku khilaafay oo waxaa loo kala jabay

laba garab, oo loo badan yahay garabka ka soo horjeeda shirka iyo nabada o leh sidaa ha loo kala

xidhnaado xadkuna ha jiro iyo garab leh shirka hala tago nabadana hala qaato waanna shirkii horeeyey

ee Warsangeli isku khilaafo kaas oo lagu kala qaybsamay Odayaal, Siyaasiyiin, ciidan iyo tignikadii.

Anagoo fulinayna balantii iyo heshiiskii aan la soo galnay ergadii Yubbe waxaan hoos ahaan u dirnay oo si

qarsoodi ah uga baxay hadaaftimo habeenimo shantii nin ee aan ugu talagalnay in ay ka mid noqdaan

qabanqaabiyaasha shirka Ceerigaaabo kuwaas oo ahaa

1. Axmed xaaji Cali (Cadami)

2. Marxuun Cabdi Shire Diiriye

3. Marxuun Ciise Sharmaake Caamir

4. Siciid Maxamed Ismaaciil (Bidaar)

5. Ismaciil Maxamed Maxamuud (Jarafle)

Page 33: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

6. Iyo direewalkii gaadhiga Marxuun Maxamuud Xussen Cismaan oo markii uu soo noqday lagu dilay

Laas-qoray iyadoo jiray go’aan hoose oo ay gaadheen garabkii naga soo horjeeday ooahaa ciddi

Ceerigaaabo tagta in la dilo

Nimankaasi waxay gaadheen Ceerigaaabo si lama filaan ah iyagoo ay isugu yimaadeen shantii nin ee

qabanqabada u socotay beesha dhulbahante oo ka soo anbabaxay Fiqifuliye oo kala ahaa

1. Maxamuud Foolmadoobe

2. Xuseen Axmed Cabdileh

3. Maxamed Xasan Ilaalo

4. Cabdi Xuseen Mataan

5. Nin aan hada xusuusan magaciisi

Nimankaas si fiican ayaa loogu soo dhaweeyey Ceerigaaabo iyadoo lagu dejiyey qolo walba ciday

qaraabada ahaayeen

Waxaa ku soo biiray oo xagga Jabuuti ka soo raacay diyaarad oo siday raashinkii shirka iyo agabkii loogu

talagalay shirka oo ay bixinaysay hayadda wadaniga ee SDR oo Warsangeligu lahaa taas oo bixisay wixii

shirka looga baahna iyadoo qaar soo saartay Doon uu lahaa Cali Ducaale oo ahayd doontii Warsangeli ee

ugu horaysay ee soo gasha maydh, diyaarada waxa la soconay Aniga Maxamed Saciid, Maxamuud Cabdi

Cali (Bayr) iyo Maxamuud Cabdi Xaamud.

Wixii raashin iyo agab shirku u baahna sida qalabka hurdada, ka wax lagu cuno weelka biyaha iyo laydh

anagaa keenay beelahu waxay iska bixinayeen khusaarta iyo iidaanka.

Markii ay kulmeen gudigii qabanqaabada shirku waxay soo jeediyeen hab dhaxal gal ah oo ka duwan

hababkii loo qaban jiray shirarkii hore waxayna ku heshiiyeen qodobadan hoos ku qoran oo ay soo

diyaariyeen habka fikirkan Aniga Gees, Beyr iyo Saciid Jaamac Cali oo ay gudigii intiisi kalena nagu

raaceen oo la gudoonsaday in lagu dhaqmo

1. Habkii nabad-dagaalka oo laga baxo oo aan tigniko iyo ciidan aan magaalada lala soo gelin

2. Beelaha jooga Ceerigaaabo in ay ka saaraan magaalada ciidankooda iyo tignikadooda marka laga reebo

wixii looga maarmi waayo nabadgelyada

3. nabada shirka ay ka masuul yihiin beelaha habaryoonis bari iyo habarjeclo, halkii awal beel walba

shirarki hore iyadu iska masuul ahayd nabadeeda

Qodobka kowaad waxa ka biyo diiday beesha dhulbahante oo ay ka maqnaayeen odayaal iyo siyaasiyiin

ay tuhmayeen , markii aan anagu gooni ula shirnay oo u damaanad qaadnay iyaguna way nagu raaceen

oo way gudoonteen

4. waxaa loo qaybiyey nabada shirka in ay ilaaliyaan 200 nin oo calaamad gaar ah leh raashin gaar ahna la

Page 34: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

siiyo

5. waxaa lagu heshiiyey in shirgudoon la sameeyo ka kooban 9nin oo beel walba 2qof laga soo doorto

marka laga reebo beesha habaryoonis oo 3qof laga soo doortay

6. waxa la qorsheeyey in laba qolaba ay mar shirto oo ay darista tagaan shirgudoonkuna ku daro xoghayn

wax u qorta , waxay ku heshiiyaana shirwaynaha laga ansixiyo sidaa awgeed ayu shirka intiisa badani

dibada ku soo dhamaan jirtay

7. in la sameeyo gole Salaadiin Iyo garaado ah oo wixii laga maarmi waayo lagala tashado salaadiinta timi

waxaa ka mid ahaa

a) Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac

b) Garaad Saleebaan Garaad Maxamed

c) Garaad Ismaciil Ducaale

d) Suldaan C/laahi Suldaan Cali

e) Marxuun Suldaan Ciise Xirsi Qani

f) Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir

g) Suldaan Siciid Suldaan Cali Ducaale (wakiil)

Waxaa halkaa xusid mudan in aan beesha Warsangeli aanu iman suldaankeedi isagoo Suldaan C/salaam

Suldaan Maxamuud uu xanuunsanayey oo uu soo wakiishay Ismaciil Suldaan Maxamuud amarna ku

siiyey in uu shirka tago oo magaciisa kaga qayb galo

Ismaciil shirkii ma uu iman wuxuu raacay garabkii shirka diidanaa wuunna ka dhego adaygay amarkii

Suldaan C/salaan, sidaas awgeed waa la saluugay ergadii beesha Warsangeli ee shirka timi iyadoo ka

koobnaa 3 ardaa caaqiladoodii iyo niman siyaasiyiin iyo odayaal ah.

Markii uu xaalku halka marayey ayaa waxaa soo dhexgalay Marxuun jiif Caaqil Ismaaciil Muuse oo jiray

da’ ka badan 120 sano oo ahaa tiir ka mid ah tiirarka shirku ku socday ayaa isagoo dhiiri geliya waxaa uu

yidhi halhays cajiib ah oo ku tusaya hido samidii nabad jacaylka soomaaliyeed kaas oo ahaa “Ergo

nabadeed haddii uu yahay xitaa hal qof waa la aqbalaa, colaadse qof qudha laguma colaad qaato”sidaa

ayuu ku hirgalay qabashadii shirku

Dhacdooyin xusuus iyo xiiso mudan

Aniga iyo Bayr markii aan diyaarada ka soo degnay waxa lana dejiyey guri uu ku jiray Mayarka maanta ee

Ceerigaaabo Ismaciil Xaaji Nuur.

Gurigaas oo ka koobna laba qol oo isu furan qol aniga iyo beyr ayaa seexan jirnay qolka kale oo u furan

oo xigay dhanka albaabkana nin qori sita oo anaga na ilaaliya taas oo ku tusaysa khatarta ay u soo

Page 35: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

badheedheen dadka shirka yimi ee dhinac walba leh waxa jirta in magaalada Ceerigaaabo dhaxan badan

tahay marka dadka waaweyni ay qayilaana kaadidu ku badato sida la wada yaqaan sidaa awgeed guriga

oo ahaa guryihii hore ee musqushu dibada ku taalay oo markasta oo aan u baahano godka ay khasab

nagu noqotay in uu ninkii na raaco sidaa darteedna ay nagu kaliftay in aan kaadidii isku celino ilaa subaxii

si aan u ixtiraamno ninkaas

Waxaa kale oo dhacay mudadaas aan ahayn gudiga qabanqaabada intii aan shirka lawada iman arrimo

xiiso badan marka dib loo eego, ninkii fekerayana uu wax ku qaadan karo waxaa ka mid ahaa

I. Waxaa beelaha Hartiga magaalada ka joogay gudigaa ka hor laba nin oo keliya oo iyagu aan marna ka

bixin oo ahaa Warsangeli

Kan hore wuxuu ahaa nin la yiraahdo Magan oo ahaa doobiile ahna nin bulshaawi ah markii aan la

kaftanay oo nidhi maxaa kugu reebay meesha waxuu noogu jawaabay anigu mar walba dhar ayan

dhaqaa oo ciddi ii dhiibata yaan u dhaqaa ee dharku ima kala xigo, waxa uu iigu daray intii aad iga

maqnaydeen jaadkayga bilaash ayaa meeshayda laygu keeni jiray oo maalin ma waayi jirin hada markaad

timaadeen ayaa layga jaray oo la yidhi tolkaa ayaa yimi ee jaad isiiya

Kan labaadna wuxuu ahaa Cadami oo ahaa nijaar ahna wadaad ninkaas oo markii dagaaladii socdeen ee

ciidankii Siyaad joogay dad badan oo dhaawac ahaa oo isaaq ahaa qaaday oo gurigiisa ku daweeyey oo

markii ay bogsadeen magaalada dhuumasho kaga saaray isna cidna godob kama filayn

II. Waxaa dhacday maalin in qolyahaygii qabanqaabada ee Warsangeli iyo qolyihii hayada SDR u

baahanay meel aan ahayn guryihii aanu deganayn oo aanu gooni isugu xan qarsano dabadeedna waxaa

dhacday in laba gabdhood oo Warsangeli ahi ay yiraahdeen guri qol nooga kiraysan yahay yaan idin

geynaynaa. Markii aan gurigii galnay aya waxa naga helay laba arimood oo yaab leh anagoo ka koobnayn

afar nin Aniga, Beyr,Cadami iyo Xaamud

ط¢آ§ Guriga markii aan soo galnay ayaa anigu is bedelay oo dareen I galay marki ay saaxiibaday I

waydiiyeen waxa igu soo kordhay ayan u sheegay guriga gabdhuhu inagu martiqaadeen ee laga kireeyey

in uu yahay gurigii awoowgay Maxamed Gees ee aan ku soo koray

ط¢آ§ Anagoo qayilayna hawshayadiina ku guda jira ayaa waxaa gurigii isa soo hortaagay gaadhi

tigniko ah (suug) oo ciidan habaas lihi saran yihiin markii ay soo degeen ayey gabdhihii albabkii ku soo

jebiyeen oo qolkii aan fadhinay soo galeen iyagoo sita qoryahoodi, nimankaas oo aanay garanayn anaga

iyo gabdhaha tooni. Anagoo yaaban oo fajac iyo amakaag ku jirna maskaxdayaduna arrimo badani ku soo

dhaceen oo garan la wax socda ayaa nimankii mid ka mid ahi na salaamay (salaama calaykum), waan ka

qaadnay salantii (calaykuna salaam) markaas ayuu yidhi mee Maxamuud Cabdi Xaamud markaas ayey

su’ashii naga sii nixisay nina wuu tilmaami kari wayey isna wuu aamusay anagoo ka baqnay haddi aan

sheegno in xabad la raacsho. Markay halkaa maraysay ayaa mid naga mid ahi yidhi miyaad garanaysaan,

markaas ayey yiraahdeen maya, midkale oo naga mid ah ayaa yidhi maxaad ka doonaysaan haddii

aydaan garanayn. Waxay yiraahdeen xigtaan nahay, markaas ayuu yidhi waa aniga waa laysa salaamay oo

lays waraystay waxay noqdeen niman habaryoonis ah (urursuge) oo ay xidid yihiin oo markay maqleen in

uu yimi ka yimi Jiidali si ay ugu ciidamiyaan waxna uga doontaan

Page 36: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

III. Magaalo Ceerigaaabo u jirta 40km oo Warsangeligu dego (Carmale) ayaa nin gabadhi kaga foolatay

ayna hore u umuli wayday markii uu maqlay Ceerigaaabo ayaa laysugu tegay ayuu gabadhii soo qaaday

oo ku soo dhiiraday isbitaalkii Ceerigaaabo. Nasiib daro gabadhii iyo ilmihiiiba way isku dhinteen. Waxaa

na qabsaday aaskii anagoo yar una badan odayaal xabaalaha ceerigaabana gacantaa lagu qotaa wayna

adagyihiin waxaa dhacday goor casar gaaban ah anagoo weli wadna xabashi aan saka bilownay, in

magaaladii lays ka kaayo waydiiyey oo la yidhi nimankii Warsangeli ilaa saaka lama arag ee maxaa helay

markaas ayaa la ogaaday in aan aas jirno, maqribkii ayaa waxaa noo yimi iskarogo rag ah oo buuxda oo

uu hor kacayo Dacar Aadan Cade oo sita tiriigyo iyo qalabkii wax lagu qodayey, markay na soo gaadheen

ayey yiraahdeen ka soo baxa xabaasha oo iska nasta anaga dhamaynaynee

IV. Habeenkii aan magaaladda nimi ee diyaarada ka soo degnay waxaa dib u dhacay qaadkii magaalada

oo burca uga iman jiray, inta badan qaadka Ceerigaaabo dhexdaa lagu dhici jiray oo jidkaa loo geli jiray,

waxaa lakala garan waayey in la dhacay iyo in si kale wax u dhaceen. Markii qoraxdii dhacday ee la

waayey ayaa gaadhi waxaa kaxaystay koox dhalinyaro ah oo yidhi meelahas ayaan ka soo eegaynaa in

gaadhigii qaadku ku xumaaday, dhalinyaradaas qaadka raadisay waxaa sii raacay Marxuun Ciise

Sharmaake oo ka mid ayaa gudigii qabanqaabada ee Warsangeli. Alle ha naxariistee Ciise oo in badani

taqaanay oo ka mid noqday Golaha Wakiiladda Soomaaliland wuxuu ahaa nin bulshaawi ah oo kaftan

badan. Waxaa dhacday nasiib wanaag in gaadhigii qaad laga helay isagoo ku xumaaday meel u dhaw

Yufle, waxay isla goobtaas ku wada kulmeen gaadhi ka yimi burco oo ay wataan Marxuun Cali warsame

Dheere iyo Aadan Baxnaan. Markii ay is garteen oo ay isa salaameen ayaa Ciise u tagay Cali Warsame oo

ku yidhi caawa dhalintii Sanaag way dhantahay oo ana waan la socdaa Cali intuu qoslay ayuu ku yidhi

warkii aan u jeclaa ee dhegtaydu maqasho ayaad ii sheegtay waadna ii bushaaraysay (labadoodaba Alle

ha un raxariistee) ii waran ayuu ku yidhi yaa joogay magaaladdi markii uu magacyadayadii u sheegay

Gees, Bayr, Cadami iyo Xaamud ayuu ku yidhi waan ka balansanayne I geeya guriga ay joogaan, sidaas

ayey anagoo war hayn noogu soo dul dhaceen gurigayagii Cali iyo Aadan oo sita joonyad qaad ah .

halkaas ayan habeenkii oo dhan isku waraysanay oo war bixin ku siinay halkuu marayo shirka iyo wixii

aan ka soo gudubnay oo ilaa subaxdii fadhinay

Ku soo biirida shirka ee Cali Warsame wax weyn ayuu shirka taray wuuna dardar geliyey shirki wuxuu

ahaa nin maalqabeen ah, waayo arag ah siyaasi ah dad iyo dal aqoon ah oo fahansan waxtarka nabada

iyo waxay faa’iido leedahay, wuxuu ahaa ninrayigiisu dhaafsiisan yahay ceshiimada yar ee laysku haysto

run ahaan markii uu noo yimi shirkii wuu noo furfurmay gaar ahaan dhinaca beeshiisa wuxuu ahaa nin ay

afarta beeloodba ku kalsoon yihin taas oo wax badan noo fududaysay

Cali waxa uu ka mid ahaa niman dhawr ah oo aanu ka wada hadalnay anagoo xamar joogna sidii aan

beelaha Soomaaliland u nabdayn lahayn. Hawshaas gaar ahan Cali Warsame waxanu ku sii qorshaynay

magaaladda Nayroobi Kenya waxan raggii kale ee nagula jiray qorshahaa ka xusuustaa Maxamed Cumar

Jiir oo ka mid ah golaha Wakiiladda iyo Cabdiqaadir jirde Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee wakiilada iyo

nin la yiraahdo Cabdilaahi Xaaji Jaamac (talaata xajaar) oo aanan hada garanayn meel uu jogo

Dhacdooyin uu ku sigtay inuu shirku burburo

v Maalin maalmaha shirku socday ka mid ah, ayaa dhalinyaro hubaysan oo habaryoonis ahi waxay

Page 37: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

yimaadeen huteelkii ay degganayd ergada Warsangeli, waxay albaabka kula kulmeen dhawr ka mid ah

ergada oo uu ku jiro Maxamuud Warsame Xagar oo curyaan ah, waxay ku yiraahdeen magaalada deg-deg

ugaga baxa mudo saacado ah haddii kale waxa idin gaara waad arki doontaan, intay ku soo jeesteen

curyaankii ayey ku yidhaahdeen “adigu saacad kaga bax”. Curyaanki intuu qoslay ayuu yidhi ninkaygii

gurguuranayey waxaad u qabateen saacad nimankii lugaha qabayn dhawr saacadood, sidaasi ma

cadaaladbaa. Dadkii meesha joogay ayaa wada qoslay ooo ay ku jiraan dhalintii qoryaha sidatay. Sidaas

ayaa arrintii qasnayd si yar ugu dhamaatay

v Waxaa jirtay in meesha shirka loo qorsheeyey in lagu qabtaa ay ahaan jirtay hanuunin xaafadeed oo ay

dhistay dawladdii Siyaad oo la fadhataystay waxaa loo baahday in dib-udhis iyo dib u habayn lagu

sameeyo hoolka iyo xafiisyadda si hawsha shirka loogu qabto, hawshaas waxaa loo xilsaaray nin la

yidhaahdo Siciid Maxamed Nuux. Waxaa dhacday maalin in aan soo kormeernay meeshii xafiisyadda

ahayd ee la dhisayey Aniga, Cadami iyo Siciid ninkii hawsha waday waxaannu furnay albaabka mid ah

dhismaha waxaa naga soo baxay arrin naxdin iyo amakaag ah waxaan ku aragnay lafo dad iyo dharkii ay

gashnaayeen taas oo noo cadaysay in meesha dad lagu xasuuqay, taas oo ay nagu soo dhacday haddii

dadku ogaadaan waxa dhici karta in shirka dhexdiisa laysku laayo oo shirku burburo iyadoo aan garan

waynay waxaan samayno oo diidayna in dad kale arkaan, ayaa nasiib wanaag ninkii Siciid na dejiyey oo

ku xidhay albaabkeedii oo isku awday meeshii iyo wixii ku jiray oo yidhi inta shirku socdo sidaas ha inaga

ahaado markuu dhamaado ayeynu aasi doonaa. Taas waxay ahayd arrin shirku ku burburi gaadhay

v Markii hoolkii shirka la isugu yimid oo uu maalmo socday ayaa dadkii ka hadlayay waxaa ka mid noqday

nin madaxdii SNM ahaa oo layidhaahdo Siciid Maxamed Nuur, ninkaas oo hadalkiisii dhawr jeer ku

celceliyey kalmada ah (Allaahu akbar). Taas oo dadka badidiisu waxgaar ah ama xumaana aanay u

arkayn. Waxaa si lama filaana u kacay ninka layidhaahdo Fu’aad Aadan Cade oo ka mid ahaa ergadii

Beesha Dhulbahante hadana ah Wasiirka horumarinta reer miyiga iyo deegaanka, isagoo ku dhawaaqay

dhawr jeerna ku celceliyey kalmada (jaalle) kadibna hoolkii ayaa isla kacay iyadoo aad moodo indadkii u

kalabaxeen kooxihii dagaalami jiray laguna sigtay in gacanta laysa saaro, dadka badankiisii albaabaday

boobeen shirkiina waa laxidhay. Olole danbe ayaa dib loo galay shirkiina afar maalmood ayaa lafasaxay

oo la bilaabay shirar gooni أ¢â‚¬“gooni ah oo turxaanbixin ah taasina waxay ahayd maalin uu ku

sigtay in kalmadaas shirku ku burburo.

Furitaankii shirka

Markii uu dhamaaday shaqadii gudiga qabanqaabadu laguna heshiiyey qaabkii shirku u socon lahaa.

Lana dhamays tiray habkii loo dajinlahaa ergooyinka beelaha iyadoo labo beeloodba laysa saaray

(Warsangali&Habaryoonis) iyo (Dhulbahante & Habarjeclo).

Beel waliba waxay soo xulatay ergadii loo qoondeeyey inay shirka uga qaybgasho inkastoo ay yimaaden

dad badani

Waxaa shirka ku soo biiray saladiin gobalada kale ka timid oo aan hore u soo magacaabay oo iyaguna

kaalin wayn kaqaatay oo ay marka wax adkaadaan furfuri jiray

Waxaa aad loo xiisayn jiray Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac, ninkaas oo marka uu hadlayo sacabka aad

Page 38: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

loogu tumi jiray markuu ducaynayana aamiinta aad loo badin jiray si tiisa uun la aqbalayo isagoo beelaha

oo dhami ku kalsoonaayeen.

Wuxuu arrintaas ku mutaystay markii uu Siyaad iyo dawladiisi oo jirta uu u badheedhay heshiisiinta

beelaha Soomaaliland oo uu Hawd tegey ilaa Baligubadle oo ahayd xarruntii jabhadii SNM halkaas oo uu

kula soo shiray Madaxdhaqameedyadii beesha Isaaq iyo madaxdii jabhada SNM oo uu ka bilaabay

nabadaynta beelaha ku uuman dalkan Soomaaliland iyo isagoo ka qayb galay shirarkii Oog, Berbera,

Burco, iyo Boorame

Waxaa jirtay markii Garaad Cabdiqani iyo weftigii la socday ee beesha Dhulbahante oo uu ka mid ahaa

Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) ay ka soo noqdeen Baligubadle ay la xidhiidheen Beesha Samaroon oo

ay ka codsadeen inay iyaguna wefti u diraan Baligubadle oo la bilaabaan wada hadal iyo nabadayn

Beesha Isaaq iyo jabhadiiSNM, ayaan darro madaxdii Samaroon way diiday inay codsigaa fuliyaan. Waxaa

yaab badan in 13 sano ka dib Madaxweynaha Soomaaliland oo ka dhashay beesha Samaroon uu ergo u

diro Garaad Cabdiqani si uu Soomaaliland uga qayb noqdo. Tollow isbedelka intaas le’eg maxaa keenay,

waqtigaa ka jawaabi doona.

Shirku wuxuu bilaabmay bishii July 1993 waxaa la soo gabagabeeyey bishii November 1993, mudadaas

shanta bilood ah ee uu socday shirku waxaa laga soo saaray axdi nabad galyo oo lawada saxeexay iyo

go’aan dhaxal gal ah oo ay qodobadiisu ugu muhiisanaayeen sida: adkaynta nabad galyada iyo in wixii

hanti maguurto ah sida guryaha, beeraha, ceelasha gaarka loo qotay IWM. Loo celiyo cidii lahayd

Waxaa xusid mudan in mudadii shirku socday uu Ceerigaaabo yimid taliyihii ciidanka booliska Somaliland

ee waqtigaas oo ahaa Cabdi Saxardiid (cabdi dhiboo) oo u dhashay Ceerigaaabo. Magacna ku lahaa,

wuxuu halkaas ku sameeyey booliskii u horeeyey ee gobolka oo ay ku jiraan beelaha oo dhami

mushaarna u qoray.

Rag kale oo badan oo magac ku leh gobalka ayaa ka soo qayb galay shirka oo aanan magacyadooda

halkan ku soo koobi Karin oo ah Siyaasiyiin , odayaal iyo waxgarad kale waxaa ka xusaya oo ka mid ahaa

Maxamed xaaji ducaale (dhoolayare)

Marxuun Maxamed Axmed Cabdule (sakhraan)

Maxamuud Saalax Nuur (fagadhe)

Jaamac Maxamed Qaalib (jamac yare)

Axmed Sheel

Shirku wuxuu noqday mid guulaystay oo horseeday dhismaha iyo nabada hada jirta, mudadii shirku

socday waxaa dhacday in dad badani ay magaaladii dib u soo degeen oo ganacsigii isu furmay oo

baabuurtii dhinac walba magaaladii ka soo galeen(Burco, Laascanood &Badhan), waxaa suurta gashay in

ay Maydh ka dhoofaan xoolo lo’iyo adhi ay leeyihiin Dhulbahante iyo Warsangeli. In shirkado la wada

samaystay sidas Shirkada ka dhaxaysa Maxamed Shire (Taallo), Saalax Mire & Siciid Bare. In NGO la

Page 39: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

wadaago la samaystay oo dadkii si fiican isu dhexgaleen

Waxay soomaalidu ku maahmaahdaa “wixii rag u kaco oo Rabi aqabo waa rumawdaa”. Nabadgelyada

Sanaag waxay ka bilaabantay laba nin oo tog labadiisa daan kala jooga oo go’ isu riday, labadii ninba

waxay geeriyoodeen intaan la soo gaadhin shirkii Ceerigaaabo,hase yeeshe rag ayaa halkii ka sii bilaabay ,

ragaas oo aan dawladka socon, lacagna loo dhiibin, askar badanina aanay gaar ka hayn, baabuur

dawladeedna aan wadan iyagoo ku xisaabtamayey jebkooda ayey gaadheen guusha intaa le’eg

Markii shirkii dhamaaday waxaa hargeysa yimi wefti afarta beelood ah oo sita go’aamadii shirka oo

Madaxweynihii Marxuun Cigaal iyo golayaasha qarankuba ku soo dhaweeyeen Hargeysa

Waxaa dhacday 1997 in laba ardaa oo ka kala tirsan beelaha Habaryoonis iyo Habarjeclo uu dagaal ku

dhex maray magaalada Ceerigaaabo gudaheeda waxaa isla habeenkii dhexgalay oo colaadi joojiyey

labadii beelood ee Hartiga ee magaalada la deganaa oo ku dhex jiray ilaa gurmad hargeysa ka soo baxay

ay soo gaadheen, taasina waxay ku tusaysaa in Ceerigaaabo wax ku tahay wada deganaashaha beelaha.

Hadaba xukuumadan cusub ee aan la socon wadada dheer ee loo soo maray nabadgelyada waxaan

leeyahay u fiirsada wareegtooyinkiina (degreeto) oo ha isku dhufanina beelaha wada degan, waxaa is

weydiin leh weftigan dawlada ee kharashaysani muxuu u soo kordhin doona Sanaag

Qaybtii labaad oo ah Shirarkii Boorame & Hargeysa

A) shirkii boorame

Derbi luga weyn darka loo dhigay waa wax doqono deysanmayse way iska dumisaa.

Shirkii Boorame wuxuu ahaa shir taariikhi ah oo la oran karo wuxuu ahaa kii seeska loogu dhigay

Qaranimadda Soomaaliland. Waxaa lagu saxeeexay axdi nabadeed ay dhamaan beelaha Soomaaliland

wada saxeexeen iyo axdi Qarameed maamulka dawladnimo iyo awood qaybsiga lagu qeexayey. Waxaana

loo doortay Madaxweyne Marxuun Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal waxaanna lagu dhisay golayaasha

Guurtiga iyo Wakiilada. Waxaanna lagu soo gabagabeeyey shirkaas dawladii SNM ee fadhiidka noqotay

ee mudadii lagu siiyey shirka Burco ee labada sano ahayd ay dhamaatay

Shirkaas beelaha Soomaaliland si lixaad leh ayey uga soo wada qayb galeen beelna kama ay

maqnaynWaxaan halkan ku xusayaa sidii ay beesha Warsangeli uga soo qayb gashay shirkaas arrintaas oo

aanay dad badani ka war hayn sida ay ugu suurta gashay in ergadu Boorame timaado, arrintaas oo xitaa

xubnaha weftigu aanay ka war hayn.

Aniga iyo Cadami waxaan joognay Jabuuti mudadaas loo diyaar garoobayey shirka boorame waxaa noo

yimi oo in muda ah na raadinayey ninla yiraahdo Maxamed Xaaji Xuseeen (Berberaawi) wuxuu noo

sheegay in laba diyaaradood oo ay leedahay Daallo loo kala diray Laas canood & Boosaaso si ay u soo

qaadaan ergooyinkii Warsangeli & Dhulbahante, waqtigaas ma jirin baabuur oo dhulka cidina ma mari

jirin meelaha dhaw-dhaw mooye sidaa awgeed ayaa loogu diray diyaaradaha. Waxaa kale oo la yaab

noqon kara maxaa ergada Warsangeli looga doonay Boosaaso sababtu waxay ahayd Ceerigaaabo weli

laguma heshiin oo shirkii Ceerigaaabo ee aan ka soo sheekaynay ma qabsoomin Magaalooyinka

Page 40: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

wersangelina ma lahayn garoomo ay diyaaraduhu fadhiisan karaan.

Sidaa awgeed Madaxdhaqameedka, siyaasiyiinta iyo ganacsatada Warsangelin waxay joogeen boosaaso

oo ahayd magaalo leh dekad, wado iyo ganacsi sidaas ayaa boosaso u joogeen. Boosaaso weligeed waxay

ahayd deegaan Warsangeli oo mar walba wersangeli waa joogay oo ardaaayo Warsangeli ah ayaa markii

talyanigu xukumi jiray deganaa. Kow iyo toban (11) tuullo oo Warsangeli leeyihiin ayaa laga xukuma

Boosaso ka mid ahaa degmadaas ilaa waqtigii talyaaniga ilaa maanta. Sida beelaha kale ee Soomaaliland

xadka Itoobiya & Jabuuti uga talaabsan yihiin ayaa anaguna xadkaas uga talaabsanahay.

Wuxuu noo sheegay ninki Maxamed Xuseen in diyaaradii Laascanood soo qaaday ergadii beesha

Dhulbahante ee shirka Boorame, haseyeeshe diyaaradii Boosaso ee loo diray ergadii Warsangeli waxay

ku soo noqotay Jabuuti iyadoo faaruq ah. Shirkii Boorame ee beelaha Soomaaliland iyaguu u xidhan

yahay cid lala xidhiidhana la la’ yhay, waxaan ku nidhi anaga naga war sug, markaas ayaan wardoon

tagnay ayaan la xidhiidhnay dhulkiiwaxaanna lanoo sheegay in shir lagu qabtay magaaladda Ceelaayo oo

laga soo saaray baaq ah in aan shirkaas Boorame la tegin, shirkaa Ceelaayo wuxuu ahaa shir

mu’amaradaysan. Markii aan ogaanay ayaan la xidhiidhnay kooxdayadii iyo ragii aan isku aragtida ahayn.

Markaas ayaa shir kale lagu qabtay magaalada Badhan oo lagu baabi’iyey baaqii shirkii Ceelaayo oo lagu

go’aansadayin la tago shirkii Boorame.

Waxaa xusud mudan markii la qabanayey shirka Badhan ayuu Marxuun Cabdi Shire Diiriye wuxuu yidhi

Ceelaayo waxaa jooga xamaaliin ee ma aha meel aayaha Warsangeli looga taliyo isagoo durayey nimankii

shirka hore ka qayb galay.

Markii aan ogaanay go’aanka danbe ayaan la xidhiidhnay Aniga iyo Cadami ninkii Maxamed Xuseen oo ku

nidhi diyaaradii mar labad u dir, markaas ayuu shakiyey oo yidhi khasaare labaad looma taag hayee ma

inaga hubtaan, waxaan u adkaynay in an hubno oo diyaarinay sidaas ayaa lagu diray diyaaraddii oo la soo

qaaday weftigii oo dhan oo ardaayadii Warsangeli ku dhan yihiin oo xitaa kuwii hore u diiday ay soo

raaceen oo ay ku yimaadeen Boorame oo ka qayb galeen shirkii. Hadaba dad badani ma garanayn sida ay

arrintu u fushay oo xitaa aanay ogeyn weftiga Boorame yimi.

Waxay ahayd arrin sir ah oo rag yari ogaayeen laakiin maanta halkan ayaan ku qorayaa waxaa jirtay in

badhtamihii 1992 in magaalada Laasqoray iyo nawaaxigeeda ilaa buurta ay qabsadeen niman ahaa Al-

itixaad oo Boosaso laga soo eryaday oo Cabdilaahi Yusuf kula dagaalamay halkaas oo ciidamadii

Cabdilaahi Yusuf marki ay hubsadeen in xero majeertaan ka saareen oo ay u gudben xerro Warsangeli ay

iskaga hadheen. Warsangelim meel uu joogaba wuu is abaabulay dibad iyo gudaba sidii uu magaaladaas

qadiimiga ah ee Laasqoray uga saari lahaayeen nimankaas, waxaa la ururiyey lacag, ciidan xoogan ayaa la

sameeyey , waxaa loo yeedhay Saraakiishii dalka iyo dibadaba joogtay, waxaa la sameeyey hay’ad wadani

ah SDR oo Jabuuti fadhigeeedu ahaa si ay kaalmada caalamiga ah ee dibada u soo gudbiso.

Suldaanka beesha ee waqtigaas Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud wuxuu awoodi iyo taladii

mandaqada Warsangeli u dhiibay ooisagu wakiil ka dhigtay inta nimankaas dhulka laga saarayo Col:

Cabdilaahi Axmed Jaamac Matan (Ilko-jiir), waqtigaa shirka boorame loo diyaar garoobayey waxaa

socday weli dagaalkii Al-itixaad iyo Warsangeliga sidaas awgeed ninkaas ayaa mandaqadda ka madax

ahaa isla waqtigaasna waxa safaaradda Maraykanka ee Jabuuti safiir ka ahaa ninahaa maraykanka

Page 41: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

madow oo hada magaciisi iga maqan yahay, ninkaasi nasiib wanaag sanadadii lixdamaadkii (1960-) waxa

uu ka mid ahaa macalimintii maraykanka ahaa ee la oran jiray(peace crops) wuxuunna macalin ka noqday

dugsigii dhexe ee Dayaxa (dayaxa School), ninkaasi wuxuu aha nin aad u yaqaanay soomaalida waqooyi

wuxuuna aad u dhiirigelin jiray in shirka boorame, shirkii Ceerigaaabo ee aan ka soo sheekeeyeyna wuu

noogu yimi isagoo uu la socdo safiirkii fadhiyey Nayroobi oo soomaaliya uga wakiilka ahaa maraykan

isagoo tusaya habhka ay soomaalidu wax u dhamaysan karto (waxay ahayd intaan maydkii askarta

maraykan wadooyinka xamar la jiidin)

Hadaba ninkaa safiirka ah waxay isku macalimiin Dayaxa ka ahaayeen Maxamuud Cabdi Xaamud oo

madaxdii SDR ka mid ahaa oo markaas ku sugnaa Jabuuti, COL: Ilko isna wuxuu ahaa ardaygiisi oo

waqtigaa ku jiray Dayaxa school sidaas ayuu isugu xidhay labadaas nin si uu dagaalka Al-itixaadka uga

caawiyo wuunna ka caawiyey oo dad is yaqaana ayey ahaayeen. Anagoo arintaas ogsoon Aniga iyo

Cadami lana soconay in diyaaradii hore hungo ku soo noqotay kana cabsoonayna in aanay beesha

Warsangeli ka soo qayb geli waydo shirkaa taariikhiga ah ayaan la xidhiidhnay Xaamud oo isna haysta

jinsiyad maraykan ah oo aan ka codsanay in uu la xidhiidho safiirkii Maraykanka oo awalba dhiiri gelin

jiray shirka boorame una sheego in aanay beeshii Warsangeli weli ka soo qayb gelin shirka sidaas

awgeedna uu warqad u qoro saaxiibkii Col: Ilkojiir si uu u soo diro ergadii Warsangeli. Safiirkii wuu

aqbalay codsigii oo warqad ayuu u qoray sidata shaanbadii safaarada Maraykanka ee Jabuuti oo uu ku

farayo in uu si deg-deg ah u soo diro ergadii

Sidaas ayey ergadii beesha Warsangeli ku timi Boorame oo ay shirkii uga qayb gashay

Waxaa xusid mudan markii ay noo timi warqadii safiirka waxaan u dhiibnay nin oday ah oo la yiraahdo

Cali Maxamuud Xabaw oo aan tigidhkii diyarada iyo sahayba sii siinay oo kula balanay in aanu u dhiibin

una sheegin cid aan ahayn Col Cabdilaahi (ilko) isna sidii ayuu yeelay oo sidii uu u sii siday ayuu farta ka

saaray iyadoo aanay cidina ogayn

Shirkii boorame sidaas ayuu ku furmay kuna dhamaaday iyadoo lagu saxeexay Axdi nabadeedkii iyo Axdi

qarameedkii iyo awood qaybsigii

Markii shirka Boorame dhamaaday beesha Warsangeli kama qayb gelin dawladii la dhisay ee

madaxweynah ka ahaa Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ma aysan soo magacaabin xubnihii uga

qayb geli laha golayaasha Guurtiga Iyo Wakiiladda sababtuna waxay ahayd waxaa u cuntami weeyday in

ay dawelada Hargeysa ka qayb galaan iyadoo aanu dhamaan nabadii gobalka Sanaag

Sidaas darted markay ka soo noqdeen shirkii boorame waxay dardar geliyeen shirkii Ceerigaaabo ee aan

hore uga soo sheekeeyey. Markii uun shirkii dhamaaday oo nabadii hirgashay ayaa beeshii Warsangeli

wefti ka socdaa u soo baqooleen Hargeysa halkaas oo ay kula kulmeen Madaxweynihii Marxuun Cigaal

iyo Shirgudoonadii Golaaya Guurtiga iyo Wakiiladda iyagoo markaas hal sano ka maqnaa dawlada iyo

golayaasha waxay yimaadeen June 1994 waxaa uu Marxuunkii Cigaal ka siiyey dawladii 4(afar) xubnood

oo kale ahaa 1) Wasiirka Caafimaadka Axmed Xaaji Cali Cadami 2) Wasiiirka Gadiidka cirka & dhulka Cali

Faarax Dhahar 3) Wasiirku xigeenka Xanaanadda xoolaha Cawl Garaad Maxamuud 4) wasiirku xigeenka

Dalxiiska iyo suugaanta Axmed Yacquub Cismaan.

Page 42: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

Siduu ahaa heshiiskii Boorame waxay beeshu soo magacday xubnihiika mid noqon lahaa golaayasha

Guurtiga iyo Wakiiladda oo dhamaa 12 xubnood oo isku jira waxaa xusid mudan in madaxweynaha iyo

madaxweyne ku xigeenku markii boorame la joogay ay balan qadeen laba kursi in loo celiyo Warsangeli,

kursigii uu balan qaaday madaxweyne Cigaal waxaa dhacday in markii ay beeshu timi ay bixisay beesha

ciise muuse oo ninkii fadhiyey laga kiciyey iyadoo balantii Madaxweynaha ay fulinayeen waxaa nasiib

darro noqotay kursii Madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan aw Cali aan fulin iyadoo dhawr jeer beesha

Samaroon lagala kulmayoo ay ka dhego adagday oo weli kursigii ku maqan yahay waxaase nasiib wanaag

ah maanta oo Madaxweyne Daahir Rayaale taladii hayo oo ka dhashay beesha Samaroon, Warsangeli

waxay ka sugayaan kursigii in uu ku soo celiyo oo sidii Marxuunkii Cigaal balanta buuxiyo waxayna ku rajo

weyn yihiin inarrintaas.

Anigu Kama aan qayb gelin Dawladii oo wasiirada kama mid noqon kabana qayb gelin Xildhibaanaddii

labada Gole guurti iyo wakiiloba.

Waxay kale oo ay beeshu keentay ciidankii qaranka guutadii 1aad oo markaas la aasaasayey qaybtii kaga

soo aaday oo ahayd 35 askari Mudane Jibriil Cali Salaad oo ka tirsan Golaha wakiiladda aya ka soo

kaxeeyey ciidankaas Ceerigaaabo gaadhina u soo kireeyey oo soo dhexmariyey 1000km oo ah xero Isaaq

ilaa Hargeysa, iyagoo qoryahoodi sita sida la wada ogsoon yahay waqtigaa dhulka waxaa uu ahaa meel

kasta kaantarool ay dayday haystaan socodka dhulku wuu adkaa, hadaba Jibriil iyo inamadii askarta ahaa

waxay u soo badheedheen khatartaas muuqata si ay uga qayb qaataan dhismaha dawladnimo ee

Soomaaliland .

Dadka kale waxay soo marayeen 100-200km oo laami ah, inamadaasi waxay ka mid noqdeen guutadii u

horaysay ee ciidanka qaranka, ayaan darro markii uuu dagaalkii sokeeyuhu ka bilawday Hargeysa qaar ka

mid ah dhalintaasi waxay ku geeriyoodeen Hargeysa oo lagu aasay iyagoo calanka Soomaaliland huwan.

Jibriil iyo ragayagii isku fikirka ahayn markaan tango dhulkii waxaa dhacda in ay odayaashi wiilasha dhalay

na qabsadaan oo ay marar badan qaarkood magtii na waydiistaan iyo xaqii inamadooda.

Waqtigii weftiga Warsangeli Hargeysa yimaadeen oo diyaarad uu u diray madaxweyne Cigaal

Ceerigaaabo ka soo qaaday waxaa lagu dejiyey huteel Ubax, waxaa noogu darnayd meel aan fadhiisano

oo aan isku waraysano in aan waynay inkastoo beesh aWarsangeli magaalada Hargeysa ku leedahay 400

guri iyo in ka badan oo isugu jira Fooqaq, Bakhaaro iyo guryo waawayn oo badankoodu ku yaalaan

badhtamaha magaalada guryahaas dhamaan markaas waa la wada haystay,

Waxaa meel weftigu galabtii fadhiisto noo soo qalqaaliyey ninkia la yiraahdo Muuse Inji oo na fadhiisiyey

guri uu leeyahay taliye ku xigeenka Booliska ee waqtigaa oo ahaa “Jidhif”

Mahad ilaahay maanta guryahaasi oo dhami waxay ku soo noqdeen gacantii beesha dadkii lahaa ayaa ku

jira ama kiraystay qaarna waa meherado furan sida huteelo, bakhaaro iyo dukaano.

Beeshu maanta waxay magaalada hargeysa ku soo kordhisay oo ay bilawday wershado casri ah sida Ila-

taango Hargeysa spring water iyo kuwa kale sida tan nacnaca waxy ku jirtaa shirkadaha ganacsiga ugu

waaweyn sida isgaarsiinta iyo xawaaladaha iyadoo gurya danbe oo cusubna ay ka dhisteen qaarna

Page 43: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

iibsadeen magaalada hargeysa

Inkastoo Hargaysi xero Warsangeli u jirto 1000km waxaannu kaga hanti badanahay beelo badqan oo

nooga dhaw

Waxaa xusid mudan maalintii weftiga odayaasha hargeysa yimaadeen markii aan fadhiga dhamaysanay

ayaan laba oday oo aan hore u arag Hargeysa soo kaxeeyey oo geeyey sandaqad u dhawayd Cajab oo

lagu iibin jiray caanaha, sandaqada waxaa haystay laba wiil markii an caanihii ka dalbanayn oo na siiyeen

ayaan wiilashii waraystay oo idhi yaad tihiin waxay iigu jawaabeen waxaannu nahay Warsangeli, labadii

oday ayaa is eegay oo ka yaabay, markaas ayaan ku idhi caanaha xagee ka keenteen waxy yiraahdeen

geelayagii oo daaqaya Geed balaadh. Markaas ayaan odayaashi u sheegay in aanay hargeysa Warsangeli

qariib ku ahayn mar haddii geeloodi uu daaqayo degmada hargeysa gudaheeda .

B) shirki Hargeysa

Shirarka ay Soomaaliland ku dhaadato waxaa ka mid ah shirwaynihii beelaha Soomaaliland ee 1996 lagu

qabtay Hargeysa oo laagu doortay Marxuun Cigaal mar labaad Madaxweynaha Soomaaliland mudo 5

sano ah, laguna ansixiyey Distoor ku meel gaar ah. Cigaalna uu dhisay waqtigaa Dawladii ugu waxtarka

badnayd dawladihii soo maray dalkan Soomaaliland ee ummadda gaarsiisay horumarka,

dimuqraadiyadda,iyo nabadda maanta la hadhsanayo.

Waxaa markii shirkaa la qabanayey aanu hargeysa isugu nimi anagoo ku balansanayn Aniga iyo Cadami

oo aan anigu ka soo dhoofay Yaman isaguna ka soo dhoofay Masar, labadaqyadu midna kama mid ahayn

ergadii ka qaybgalaysay shirka. Waxaa si lama filaan ah ula kulanay iyadoo beesha Habarjeclo iyo

Shirgudoonkii shirku is hayaan dabadeedna ay beeshii habrjeclo xanaqday oo shirkii dibada uga baxday.

Ergada Beesha Habarjeclo waxaa markaas hogaaminayey labadii Suldaan ee ay beeshu lahayd waqtigaas

oo kala ahaa 1) Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali 2) Suldaan Maxamed Guuleed

Salaadiinta iyo Siyaasiyiintii beeshu waxay go’aansadeen inay shirka ka tagaan oo ku noqdaan Yiroowe ,

beelihii kale ee Isaaq oo Salaadiin Siyaasiyiin iyo odayaal ahaa baa ergo ugu tegay in ay joogaan way ka

diideeen

Markii ay halkaas maraysay oo aan ogaanay in ay maanta baxayaan oo cid waliba ka quusatay ayaannu

isku urursanay xubno ka mid ah Beelaha Harti ee Soomaaliland oo aan hada ka xusuusto xubnahas hada

iyagoo badnaa

1. Marxuun Maxamed Axmed Cabdileh (Sakhraan)

2. Marxuun Bile Xaaji Jaamac (Bile dheere)

3. Axmed xaaji Cali Cadami

4. Maxamed Saciid Maxamed (Gees)

5. Maxamuud Cabdi Cali (Bayr)

Page 44: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

6. Fu’aad Aadan Cadde

Markii aan isu nimi ee kulanay ayaannu isla garanay in aan beesha habarjeclo u tango oo aan negayno si

aanay shirka uga tegin, halkii ayaan ka dhaqaaqnay oo ugu tagnay ergadii beesha habarjeclo goobtii ay

deganaayeen iyagoo isu diyaarinaya in ay anbabaxaan markii aan la kulanay ayaan ka codsanay in ay noo

nagaadaan maanta ,una sheegnay inay berrina anagu macsuun oo yihiinoo aannu wadda fadhiisanayno

isna waraysanayno kuna tashan doono. Nasiib wanaag way naga aqbaleen Salaadiintii iyo ergadiiba

sidaas ayeyna noogu nagaadeen. Markii aan is afgaranay in ay noo nagaadaan ayaannu hadana u tagnay

Shirgudoonkii shirka iyaguna wixii aan ula tagnay way naga aqbaleen. Nimankayagaas waqtigaa naguba

jirin mid Dawlada ka tirsan ama Golaayasha qaran ma jirin cid hawshaa noo dirtay oo ka danbaysay

kharashka aanu ku casumaynayna angaa iska ururinay

Waxaannu maalintii danbe wada fadhiisanay guriga Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) anaga iyo

labadii Suldaan iyo ergadii kale waannu wada hadalnay oo is afgaranay waxayna naga yeeleen in ay shirkii

dib ugu noqdaan. Sidaas ayey uga qayb galeen shir waynihii beelaha Soomaaliland ee Hargeysa 1996

Samayntii Distoorka

Haddii aan halkaas kaga yara joogsano nabadayntii beelaha Soomaaliland aan wax yar ka iraahdo

Dimuqraadiyentii inagoo ka bilaabayna samayntii Distoorka

Shirweynihii qaran ee Hargeysa lagu qabtay 1996waxaa barber socday Gudi ka kooban 15qof oo

Shirgudoonkii shirkuu doorteen inay isku began laba distoor oo mid uu sameeyey Khabiir Soodaani ah oo

markii hore loo keenay inuu la taliyo guddigii baarlamaanka ee loo magacaabay oo loo xilsaaray in ay

sameeyaan distoor sidi uu Axdi qarameedkii Boorame dhigaayey. Waxaa dhacday in ay is qabteen

Khabiirkii oo Madaxweyne Cigaal ku xidhnaa lagana urinayey iyo gudigiiBaarlamaanka. Sidaas darteed

waxay arrintii keentay in laba distoor la soo saaro mid Khabiirkii sameeyey iyo mid Gudigii Baarlamaanku

sameeyeen .

Gudigaas ka koobnaa 15 qof waxay ahaayeen

1. SH.Cabdiilaahi sh. Cali Jawhar Guddoomiye

2. Maxamed Axmed Cabdulle Guddoomiye-ku-xigeen

3. C/qaadir X. Ismaaciil Jirda xoghaye

4. SH. Maxamuud Suufi Muxumed xubin

5. Maxamed Siciid Maxamed {Gees} xubin

6. SH.Cali sh. Cabdi Guuleed xubin

7. Faysal Xaaji Jaamac {Qareen} xubin

8. Cismaan Xusseen Khayre {Garsoore} xubin

Page 45: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

9. Prof. Faarax Cabdilaahi Fariid xubin

10. Prof. Maxamuud Nuur Caalin xubin

11. Xasan Cabdi Xabad xubin

12. Axmed Macalin Jaamac xubin

13. Yuusuf Aadan Xiseen xubin

14. Cismaan Cali Bille xubin

15. Maxamed Jaamac Faarax xubin

Gudigaas waxay hawshoodu ahayd in ay labada distoor mid iskaga dhigaan si loo helo xal dhaxdhexaad

ah. Gudigaasi mar waxuu ka koobnaa oo loogu tala galay in uu wada matalo inta badan beelaha

Soomaaliland, dhinaca kalena wuxuu ka koobnaa dad gorsoorka yaqaanna, dad Diinta islaamka aqoon u

leh, dad si fiican uyaqaana luqadaha sida (English, Carabiga), dad yaqaana Suugaanta, dad maamulka

dawliga ah ku soo jiray mudo badan iyo siyaasiyiin hore.

Markii aan hawshii bilownay waxaa lanoo keenay nuqul ku qoran af Soomaali oo ahaa distoorkii ay

sameeyeen gudigii Baarlamanku iyo saddex nuquloo ku qoran Af soomaali, English, iyo Carabi oo ahaa

distoorkii uu sameeyey Khabiirkii Soodaaniga ahaa. Anagoo hawshii ku dhex jirna ayaa waxaa noo yimi

Shirgudoonkii shirka ee na magacaabay si lama filaan ah ayey noo fareen in aan Axdi qarameed samayno

kii hore ee Boorame ka balaadhan sidaa ayaannu ku samaynay Axdi qarameed cusub muddo koobanku

dhamaynay. Mar labaad ayey nagu soo noqdeen Shirgudoonkii shirku oo ay na yiraahdeen distoor

sameeya oo labadii distoor oo hore ka soo dhex saara distoor cusub

Gudigayagii waannu fekernay oo tashanay intaan albaabkii hoosta ka xidhanay markii aan aragnay kala

hadalka Shirgudoonka, waxaannu isku raacnay in aan wadanka lagu maamuli Karin Axdi qarameed

cimrigiisu 2sano yahayee ay lagama maarmaan tahay in uu wadanku distoor yeesho, waqti ay maanta

kaga haboon tahay samayskiisa aannu jirinlana heli doonin.sidaas darteed hawshayadii ayaannu ku

dhaqaaqnay waxaa hadaba noo muuqday in labada distoor iyo Axdi qarameedkuba ay xagga qaab

dhismeedka dawladeed isku waaafaqsan yihiin iyagoo dhigayey habka Madaxweyne , madaxweyne ku

xigeen iyo gole fulimeed oo hoos yimaadda iyo laba gole oo sharci dejin Guurti iyo Wakiillo iyo Garsoorka

oo madax banaan sidaas darteed wax khilaaf ah oo badani ma jirin. Waxaase nala kulantay arrin kale oo

aanan filayn taas oo ahayd in xubno ka tirsan beelaha aan Isaaq ahayn ee gudiga ka mid ahaa qaarkood

ayaa la yimi dood ah in distoorka lagu qeexo in beelaha Soomaaliland ay qaydhiinka ku qaybsadaan

xilxlka dawlada oo la yiraahdo tusaale ahaan beel hebel ayaa leh Madaxweynaha , beel kalena ku

xigeenka ilaa wasiirada ,taliyaasha ciidamada ilaa madaxda hay’adaha sidaa loo cadeeyo.

Anigu mar walba waxaan qanbay inkastoo aanan ka tirsanayn beesha Isaq in aan waxba lakala cayimin ee

wax walba loo sinaado oo qof walbaa nasiibkiisa qaatooo aan waxba laka qaybsan arrintaas oo iska kayo

horkeentay xubnihii dooda watay iyo Aniga.

Page 46: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

Waxaa loo batay oo la qaatay figradii ahayd in wax walba loo sinaado oo aanan waxba la qaybsan.

Arrintaas Aniga iyo Daahir Rayaale waan ka faa’iidaysanay oo haddii figradaa hore la qaato Daahir

maanta madaxweyne ma noqdeen Aniguna laba xil oo waaweyn oo aan soo qabtayoo ahaa

Wasaarradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibada ma qabteen oo beeshaydu iskuma hesheen.

Hase yeeshe marka aad hadda aragtid dawladdan cusub sida wax loo qaybiyey iyo tiro yaraanta iyo tayo

la’aanta wasaarradaha la siiyey beelaha Hartiga iyo sida aanay waxba ugaga jirin madaxda sare dawladda

waxaa ii muuqatay waxay ka cararayeen qoladii lahayd aan qaydhiinka ku qaybsano oo distoorka halagu

qaybsado, mararka qaarkood waxaan is iraahdaa iyagaa kaa saxsanaa.

Marka aan arrintaas ka baxo waxaa noogu adkaa qaybta ka hadlaysa Garsoorka gaar ahaan Maxkamada

Sare iyo Gudiga Cadaalada. Markii aan qaybtaa qoraynay waxaa gudoomiye ka ahaa maxkamada sare nin

aad u yaqaana sharciyada kana soo baxay jaamacadaha dalka England. Magaciisuna ahaa Xaashi Sheekh

Muuse Cabdi, ninkaasi wuxuu warqad u soo qoray gudigayagii loo xil saaray Distoorka wuxuuna nagu la

taliyey inaan maxkamada sare ka dhigin hay’ad maamusha maxkamadaha kale ee ay ku koob naato

eegista racfaanka loo soo qaato iyo fasiraada distoorka marka loo baahdo.wuxuu ka digay hadii

gudoomiyaha maxkamad sare uu noqdo gudoomiyaha gudiga cadaalada oo distoorku sidaa qeexo waxay

shaqadii maxkamada sare noqonaysaa badelid, xilka qaadis, dalacsiin, iyo casilaada garsoorayaasha

maxkamadaha hoose. Sidaa darteed waxay ka baxaysaa shaqadeedii waynayd waayo shaqada gudiga

cadaaladu waa shaqo maamul ee maaha mid garsoor. Waxaa laga rabaa gudiga cadaaladu inuu ururiyo,

dabagalo, xog ka helo garsoore kasta in uu laaluush qaato, in aanu shaqada iman, inuu eex yaqaan,iyo

inuu caadil yahay. Sidaana garsoore walba loogu abaal mariyo shaqadiisa.

Nasiib daro taladaas lama qaadan oo garsoore Cimaan Shunuu oo kamid ahaa gudigayaga iyo xubno kale

oo ku raacay ayaa taladaa diiday kadibna waxaa laqaatay in gudoomiyaha maxkamada sare noqdo

gudoomiyaha gudiga cadaalada.

Sidaas ayuu gudoomyaha maxkamada sare ku noqday inuu qabto sadex xil oo kale ah:

v Gudoomiyaha maxkamada sare

v Gudoomiyaha gudiga cadaalada

v Gudoomiyaha maxkamada dastuuriga ah

Arintaasi waxay keentay iska hor imaad dhexmaray Golaha wakiilada iyo Dawlada gaar ahaan madax

waynihii marxuum Cigaal. Markii la arkay gudoomiyihii maxkamada sare oo sidii hore looga digay

wakhtigiisii ku qaatay kale badalka garsooreyaasha kale uu hadba gobol tagaya oo noqday nin maamula

maxkamadaha hoose. Sidaa awgeed wuxuu madax wayne cigaal ku qanciyey Cismaan shunuu oo ahaa

gudoomiyihii waqtigaas ee maxkamada sare inuu iskaga dago xilkii gudoomiyaha gudiga cadaalada.

Waxaanu ku magacaabay wasiirkii cadaalada inuu noqdo gudoomiyihii gudiga cadaalada halkaas waxaa

ka bilaabmay buuq wayn oo ka dhex dilaacay xukuumadii iyo golihii wakiilada. Waxaa dhacday in cismaan

shunuu ay colaad u qaadeen golihii wakiiladu ayna diideen inay an sixiyaan iyagoo ku eedaynayey

iyadoon qodob dastuuriya aan labadalin sided u aqbashay soo jeedinta madax waynaha oo aad uga

Page 47: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

dagtay xilkii, isagii larabay inuu ilaaliyo ayaa jabiyey dastuurkii kuna xad gudbay.madaxa wayne cigaalna

waxay ku qaadeen olole ah inuu jabiyey dastuurkii.

Waxaa xusuus mudan in shir gudoonkii golaha Guurtidu ay arinta soo dhexgaleen oo labadii dhinacba

lahadleen oo ahaa golihii wakiilada iyo xukuumadii gaar ahaa madax waynihii, taas oo ay labadii garaba

ay aqbaleen dhexdhexaadintii dabadeedna shir lagu qabtay madax tooyada oo ay sadexdii goleba xubno

uga qayb gala u soo dirsadeen .markii shirkii furmay oo uu fadhiyo madax wayne cigaal, labadii

shirgudoon, wasiiro, iyo xildhibaanadii. Waxaa dhacday in doodii adkaato oo la is mariwaayey, waxaa

meesha dhexdeedii isku dhacay gudoomiye Qaybe iyo wasiirkii maaliyada Axmed siilaanyo oo hadalkii ka

xumaaday, arintiina cirka isku shareertay, qoladii guurtida ee wax dhexdhexaadinaysay waxay ku hadlaan

ayey waayeen.

Markii xaalku halkaa maraayey Anigoo kamid ahaa xubnihii wasiirada ee shirkaa ka qayb galayey ayaa ku

dhiiraday wuxuu xalku ahaa waxaan ka soo sheekeeyey markii dastuurka la qorayey qodobkan hada

muranka keenay iyo dhaliilihii laga digayey oo soo baxay. Markaasaan idhi hadii aan nahay xukuumada

waan kanoqonay gefkayagii ahaa magacaabidii wasiirka cadaalada inuu noqdo gudoomiyaha gudiga

cadaalada, goluhuna gacan naga siiyo sidii wax looga bedeli lahaa dastuurka. Arintaasi waxay ahayd arin

dhiiranaan ah oo madax waynihii oo fadhiya aan xilkiisii sheegtay, cigaal inta uu yaabay oo isoo eegay

ayuu yidhi wax gef ah oo aan samaynay majirto haseyeeshee sida uu gees sheegay ayaanu ku

raacsanahay dadkii shirka joogay oo dhan ayey neefi ka soo booday meeshiina waxaa ka dhacay is

afgarad. Arintaas iyo arimo kale oo badani waxay ka marag kacaysaa in uu ahaa madax wayne cigaal nin

talada qaata oo sidii ay mucaaridku sheegi jireen aanu ahayn nin keligii taliye ah.

U malayn mayo in madax wayne kale oo Soomaaliyeed yeeli lahaa in wasiirkiisii oo aan latashan uu

go’aamiyo arin isagoo fadhiya. Way dhacday waana ogolaaday oo ku qancay Cigaal.

Waxaa ka mid ahaa qodobadii kale ee anugu adkaaday oo muran badani ka dhacay markii aan dastuurka

samaynaynay gudigayagii loo xilsaaray Xilka qaadida gudoomiyaha maxkamadda sare, xubno gudiga ka

mid ah ayaa waxay ku doodayeen dastuurka Maraykanka oo aynu wax badan iskaga mid nahay wuxuu

qorayaa in gudoomiyaha maxkamadda sare iyo xubnaha garsoorayaasha maxkamadda sare in haddi la

magacaabo oo golayaasha sharci dejintu ansixiyaan aan laga qaadi Karin ilaa ay ku geeriyoodaan ama ay

iskood iyagu u hawl gabaan. Xubnaha kale waxay ku doodayeen weli uma bislin nidaamkaa oo waxaynu

abuuraynaa xukaam keligood taliyayaalah oo aan cidna eryi karinhaddii ay xumaadaan, sidaa darteed

waxaa la doonay xal labadda u dhaxeeya waa la waayey. Markii danbe waxaa laysku raacay in

Madaxweynuhu magacaabi karo xilkana ka qaadi karo isagoo la tashanaya shirgudoonadda labada gole

ee kale.arrintaasi waxay laciifisay awoodi Garsoorka mar haddi uu madaxweynuhu eryi karo. Taasina waa

arrin qabyo ah oo weli ku jira dastuurka oo ah gef muuqda oo lagu gefay madaxbanaanidii hay’adda

garsoorka waanna arrin fudud oo la sixi karo.

Arrinta kale oo iyana gefka ku ah dastuurka oo wakhtigaa muranka keentay waxa weeya qodobka xafiiska

Xeerilaaliya guud, waxaana waaga aad uga dooday oo soo ahaan jiray xeerilaaye Garsoore Cismaan

Shunuu hase yeehse waa laga batay oo taladiisi lama qaadan iyo waayo aragnimadiisi waxaannu ku

doodayey in xafiiska xeerilaayiha aan lagu darin qaybta garsoorka ee uu yahay xafiis maamul oo ka tirsan

Page 48: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

qaybta xukuumadda tasna waa laga diiday laakiin marka sharciyadda aduunka la eego wuu ku saxsanaa.

Waxaa kale oo dhacday intii aan guddigayagu ku jirnay hawshaas markii la gaadhay qodobka ah

shuruudaha looga baahan yahay qofka Madaxweyne noqonayamuran ka dhacay ka dibna ay

shirgudoonkii shirku ay noo keeneen isagii oo qoran oo aanu sidii ugu darnay oo ilaa maanta uu sidii ugu

jiro

Waxaa dastuurkii aanu horgeynay shirweynaha si loo ansixiyo ku jiray qodob ahaa haddii ay dhacdo in

dalkan Soomaaliland uu ku biro ama la midoobo waddan kale loo baahan yahay in labda gole Guurtiga

iyo Wakiilada oo isu tegay ay ku ansixiyaan aqlabiyad ah 2/3 saddex meelood marka loo qaybiyo in laba

meelood isku raacaan ka dibna afti dad weyne la qabto, qodobkaas oo aannu ka soo qaadanay dastuurkii

ay sameeyen Baarlamaanku, waxaa dhacday markii loo akhriyey ayey ergooyinkii shirku mar keliya isla

kaceen oo yiraahdeen deg-deg halooga saaro , anagayagii gudiga ahaynna lana canbaareeyey oola yidhi

waxaad dooraysaan Soomaali weyn. Sidaas ayaannu kaga sarnay qodobkii dastuurka

Dastuurkii waannu dhamaynay waxanu u geynay Shirgudoonkii shirka isna waxaa uu hor dhigay

shirwaynihii oo halkaas ku ansaxiyey in si ku meel gaar ah loogu dhaqmo mudo saddex sanno ah ka dibna

loo qaado afti dadweyne.

Xeererkii doorashooyinka

Bishii kowaad ee 1999 anigoo markaas ahaa Wasiirka Qorshaynta ayaa Madaxweyne Cigaal ayaa shirkii

golaha wasiiradda soo hor dhigay baraamij lagu dejinayo Shuruucdi doorashooyinka oo loo gudbinayo

golayaasha sharci dejinta. Baraamijkaa oo sheegayey in maalin walba golaha wasiiradu isugu imanayaan

hoolka shirarka markay saacaddo ka soo shaqeeyaan wasaaradaha. Waxaa Wasiiradii loo qaybiyey

saddex guddi

v Guddi loo xilsaaray wax ka bedelka dastuurka

v Guddi loo xilsaaray in ay soo habeeyaan xeerarka doorashooyinka

v Guddi loo xilsaaray in ay soo habeeyaan xeerka Asxaabta

Sidaas ayey hawshii ku bilaabantay maalin maalmaha ka mid ahayd ayuu noo sheegay Cigaal in uu

idaacad ka dhageystay xeer ay waddanka Naajeeriya ay soo saareen oo ku saabsan doorashooyinka

iyagoo wakhtigaa ka baxayey nidaamka askarta oo mudo soo xukumayey doonayeyna nidaamka

dimuqraadiga xeerkaas oo ah in marka hore la samaysto ururo siyaasadeed oo aan xadidnayn ka dibna ay

ka qayb galaan doorashooyinka Dawlladaha Hoose, ka dibna sadexda urur ee ugu horeeya doorashada

dawladaha hoose ay noqdaan saddex xisbi qaran.

Markaas ayuu yidhi tolow xeerkaas oo dhan xaggee ka helnaa wakhtigaa Soomaaliland ma lahayn

qalabka Internet. Waxaan la xidhiidhay ninSoomaaliyeed oo u shaqeeya UNDP oo la yiraahdo Maxamed

Cabdiraxmaan Xuseen isagoo Nayroobi tegaya oo aan ku dhahay markaad tagto Nayroobi internatka

nooga soo saar xeer doorashooyinka dalka Nayjeeriya iyo dalal kale oo Afrikaan ah. Ninkii wuxuu ii

keenay xeerkii Nayjeeriya aan doonaynay iyo xeerarka dalalka Ugandha iyo Keenya aniguna waxan u

Page 49: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

geeyey Madaxweyne Cigaal isna aad iyo aad ayuu ugu farxay oo wuxuu u gudbiyey gudigii ku shaqada

lahaa

Markii gudiyadaasi soo dhameeyeen hawshii loo diray aye golihii wasiirada dib ugu soo celiyeen. Sidaas

awgeed ayuu golihii maalin walba shir ka geli jireen arrintaas iayadoo qodob-qodob looga doodi jiray

mudo yar ayey hawshaasi ku dhamaatay dabadeedna waxaa loo gudbiyey golaha wakiilada bishii labaad

ee 1999

Ayaan darro golahii wakiiladdu hawshii way ku daahday dastuurkii oo ugu horeeyey waxay dhameeyeen

aakhirki sanadkii 2000. Waann tii aftida dad weynaha lagu ansixiyey 31 may 2001oo ay 97% u codeeyeen

kaas oo noqday furihii u horeeyey ee dimuqraadiyada Soomaaliland iyo tartanka asxaabta badan

Waxxa iyana nasiib daro ahayd in nuqulkii dastuurka ee loo gudbiyey golaha wakiilada uu ka koobnaa 99

qodob iyadoo lag asoo yareeyey kii hore oo ahaa 156 qodob. Nuqulka ay ansixiyeena uu noqday 130

qodob. Qodobo badan oo ay xukuumadu soo jeedisay in wax laga bedelo sidoodii ayey ugu soo celiyeen

gaar ahaan qodobkii gudiga cadaalada sidaas ayuu ku hirgalay dastuurkii.

Xeerka asxaabta waxay ansixiyeen isla sanadkii 2001 wax dhibaato ahi kama dhicin

Waxaa adkaaday xeererkii doorashooyinka oo ka koobnaa saddex xeer

v Xeerka doorashada golayaasha deeegaanka

v Xeerka doorashada madaxweynaha iyi ku xigeenkiisa

v Xeerka doorasha golayaasha Guurtiga iyo Wakiilada

Xeerkaas golaha wakiiladdu waa isku qabteen xildhibaanada beelaha qaarkood ayaa ka baxay ilaa ay

dhacday in kooramkii goluhu buuxsami waayo

Maalin maalmaha ka mida ayaan nasiib wanaag la kulmay Cabdilqaadir X. Jirde oo ah gudoomiye ku

xigeenka koowaad ee golaha wuxuu iiga waramay xaalada golaha iyo sida xeerkii laysugu afgaran la’yahay

iyo waqtigii oo gabo gabo ah. Waxaanu usoo jeediyey talo uu qaatay kuna guulaystay oon ku idhi kala

qaad xeerarka oo xeerka doorashada golayaasha dib u dhig. Waxaad soo hormarisaa qaybta golayaasha

deegaanka iyo madaxtooyada. Sidaa ayuu yeelay oo golihii ku ansixiyeen xeerarkii doorashooyinka

golayaasha deegaanka iyo madaxtooyada oo is wata. Sidaas ayey ku hirgaleen labada doorasho oo ay u

qabsoomeen inkastoo kii sadexaad weli laalanyahay.

Waxaa xusid mudan in markii xeerarkaas goluhu ansixinayey madaxwayne Cigaal uu booqasho ku joogey

Gobolka Sanaag, markii uu ku soo noqday caasimada wuxuu isla markiiba telefoon kula hadlay

Cabdiqaadir Jirde oo uu ka waraystay halkay marayaan xeerarkii horyaalay golaha wakiilada, wuxuu u

sheegay inay ansixiyeen xeerarkii dorashada golayaasha deegaanka iyo madaxtooyada. Wuxuu Cigaal u

sheegay inuu diyaar u ahaa inuu sii kala daayo golaha wakiilada lakiin hadase aad iga baxsateen. Waxaa

kale oo xusid mudan barnaamij uu marxuumkii damacsanaa oo uu lageeriyooday iyadoo aan cidna ogayn

Alle ha u naxariistee.

Page 50: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

Waxaa dhacday sadex maalmood ka hor geeridiisii inuu siiyey BBCda waraysi anagoo joogna qolkii uu ku

jiray ee cusbitaalka magaalada Biritooriya uuna la soo xidhiidhay Yuusuf Garaad. Waraysigaa ka hor

wuxuu la soo xidhiidhay Yuusuf Garaad wasiirkii warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo uu

waydiiyey war ahaa waxaa geeriyooday madaxwaynihii. Cabdilaahi intuu ladagaalamay ayuu telefoonkii

ku dhigay.

Aniga ayuu ila soo hadlay Yuusuf aroortii oo markaa ahaa wasiirka arimaha dibada oo isla su’aashii

iwaydiiyey, waxaa u sheegay inaanu warkaasi waxba ka jirin oon waliba u balaminayo madaxwaynaha si

uu ula soo hadlo waxaan siiyey lambarkii mobilka madaxwaynuhu haystay waxaana la balamay todobada

fiidnimo inuu nalasoo hadlo.

Wuxuu nala soo hadlay anagoo lafadhina qolkii madaxwaynaha Cigaal kana kooban

1. Marwadii Madaxwaynaha Kaltuun X. Daahir Cigaal

2. Wasiirkii Arimaha Dibada, Maxamed Siciid Gees

3. Wasiirkii warfaafinta, Cabdilaahi Maxamed Ducaale

4. Gudoomiyaha Baanka, Cabdiraxmaan Ducaale

5. Dr, Cali Qaadi

6. wakiilka Soomaaliland ee S/Africa Iqbaal

markii waraysigii dhamaaday ayaa Yuusuf garaad waydiiyey madaxwaynihii maxaan dadkii iyo dalkii kaa

gaadhsiiyaa Cigaal waxa uu faray fariin ay ku jirtay inuu yidhi waxaan maqlayey inla yidhi waxbaa la

kordhinyey majirto wax la kordhin karaa. Waxaa jirtay in telefoon naloogu soo sheegay intaan soo

maqnayn in golihii guurtigu u kordhiyey golaha wakiilada mudo halsano ah iyadoo waqtigoodu ku ekaa

may 2002 warkaas ayuu ku maqlay SAfrica oo uu kaxanaaqay, iyadoo ay cadayd in aanu doonayn in loo

kordhiyo

markii aan ku noqday hutelkii aan deganaa aya waxa ila soo hadlay Yusuf Garaad intii aanu siidayn

waraysigii madaxwaynaha waxa uu I waydiiyey in uu sii daayo fariintii madaxwaynaha isagoo abaal iiga

dhigayey balantii aan usoo sameeyey. Waxaan ku dhahay ka goy anigoo ka fakerayey in aanay qurux

badnayn in madaxwaynuhu amar ka bixiyo BBCuu kula hadlayo golihiisi kale oo ay ku fiican thay in marka

laysu tago laga wada hadlo. Waraysigii waa la siidaayey anagu nasiib uma aanu helin in aanu dhageysano

lakin waxaa lanoo sheegay in fariintii iyo hadalkale oo madaxwaynuhu kula hadlayey Cabdiqaasim lag

ajaray.

Markii uu ogaaday madaxwaynihii in aan fariintii BBC laga sii dayn ayuu igu amray in aan raadiyo

waraysigii la siidaayey oo aan hargeysa la hadlo,

lama oga waxaa uu ka yeeli lahaa kordhinta golaha wakiiladda iyo marka uu ogaado in aan anigu

waraysigaa fariinta ka reebay waxa uu yeelli lahaa.

Page 51: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

Waxaa xukuumadda cusub iyo golaha wakiiladda horyaalla xeerkaa doorashooyinka golayaasha oo aan

fari ka qodnayn

Doorashooyinka hore ee qabsoomay waxaa xeerarkooda iyo miisaaniyadii ku baxday sii habeeyey

Madaxweyne Cigaal iyodawladiisioo ku tala gashay in ay sidaa u qabsoomaan.

Dhamaystirka dimuqraadiyadda sidaa ku bilaabantay waxaa laga sugayaa xukuumadda hada jirta iyo in

dawlad iyo shicibba la ilaashado nidaamka uu inoo sii jeexay madaxweyniheeni geeriyooday Maxamed X.

Ibraahim Cigaal,

Furitaankii Axsaabta

Bishii june bilawgeedii 2001 markii ay aftida dastuurku dhamaatay ayaa shirkii golaha wasiiradda si lama

filaan ah uu madaxwayne Cigaal ugu sheegay in hadda haboontahay in xukuumadu bilowdo sidii loo

abuuri lahaa axsaab siyaasi ah, waxa uu markaa ku dhawaaqay ayaa u diyaar ah in uu xisbiga xukuumada

galo, dabadeedna golihii gacanta ayey wada taageen iyadoo aaney cidna ka hadhin, dabadeedna wuxuu

sheegay in uu xisbiga magaciisa u bixiyey “UDUB” wuuna sii fasilay magacii oo uu yidhi waa “URURKA

DIMUQRAADIGA UMMADDA BAHOWDAY” waxaana loo baahan yahay in aynu samayno xeerarkiisii

wuxuuna magacaabay guddi soo diyaarisa howshaa oo uu gudoomiya ugu magacaabay anigoo ah

wasiirkii maaliyada ee waqtigaa Maxamed Siciid Gees, iyo wasiiro kale oo dhowr ah oo ay ka mid

ahaayeen Axmed Yuusuf Ducaale wasiirkii waxbarashada, Cabdi Aw daahir wasiirkii caafimaadka. Markii

hore gudigu waa koobnaa markii danbe wasiiro badan ayaa jeclaystay in ay ka midnoqdaan, markaa

waxaa laga dhigay gudigii sadex iyo toban xubnood (13). Sida caadiga ah marka gudi loo xilsaaro hawl

inta badan hawshu waxay qabsataa xubno gaar ah sidaa darteed hawshii waxay ku dhacday

saddexdayadaas aan soo magacaabay, anaga ayaa diyaarinay distoorkii, barnaamijkii, calaamadihii, iyo

tiradii golaha dhexe ee xisbiga, markii aan hawshaa soo dhamaynay waxaa dib ugu celinay

Madaxwaynaha iyo gudi kale oo balaadhan halkaas oo lagu ansixiyey kadib waxaa lamagacaabay gudi

kale oo kashaqaysa qabanqaabada shirka gudigaas aniga ayaa marlabaad la iiga dhigay gudoomiya

shirkaa waxaa lagu qabya guriga shaqaalaha halkaas oo aanu dhignyey buug lagu qoro magaca lagana

saxeexo qofka doonayo inuu kamid noqdo xisbiga, iyadoo qof kasta halkaas lagu sawirayey si loo siiyo

aqoonsigisa xubin ee xisbiga. Shirkaas ayaa lagu ansixiyey dastuurkii, barnaamijkii, calaamadi, calankii,

gudigii fulinta, golaha dhexe iyo gudoomiyaha, ku xigeenkiisa iyo xoghayeha xisbiga.

Sidaas ayey ku bilaabmatay oo lagu dhiiraday in ururadii kale la samaysto oo uu ugu horeeyey UCID

Dastoorka xisbiga waxaan ka soo dheeganay markii aan samaynaynay Dastoorka xisbiga ANC ee Koonfur

Afrika oo aanu inter-natka kala soo baxnay, ururada kale intooda badani iyaguna waxay ka sii dheegteen

UDUB

Sidaas darteed haddii aanay dawladu bilaabin in ay samaysato xisbigeedda u malaymaayo in ay asxaabtu

samaysmi lahayd oo cid kale ku dhiiran lahayd, ku dhawaaqiddi UDUB waxay ka cadhaysiisay koox

mucaarad ahayd iyo Salaadiin ku shiray Burco oo ku dhawaaqay in UDUB la baa’biyo, xubnahaas

mucaaradka ahi waxay markii danbe isugu biyo shubteen ururkii ASAD ee uu hogaaminayey Saleebaan

Maxamuud Aadan, xubnaha ururkaasi waxay u badnaayeen kooxdii SNM ee la oran jiray Calan cas mar

Page 52: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

danbena la baxday Dib-u habaynta SNM. Waxayna ahaayeen qoladdi la gashay tartankii doorashada

madaxweynaha Mudane Cigaal shirkii beelaha Soomaaliland ee Hargeysa 1997 ee uu ka guulaystay

Hadaba waxaa xusid mudan halka ay madaxweyne Cigaal iyo xukuumaddiisu 1999 ka bilawday

dhaqdhaqaaqa hanaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka asxaabta badan ee ay xeerarkeedi

samaysay una gudbisay golahii wakiiladda, in ay mucaaradku ku dhaqaaqeen isla sanadkaas samaynta

Salaadiin cusub iyagoo xooga saarayey beelaha Samaroon, Habrjeclo, iyo Arab iyagoo isu diyaarinayey oo

kharash iyo hanti ku bixinayey sidii loo qaban lahaa shirbeeleed marka ay dhamaato mudada

Madaxweynuhu, iyagoo ku ciil qabay doorashadii 1997 ee laga guulaystay ay sabab u ahayd

madaxdhaqameedka oo raacsanaa madaxweyne Cigaal iyagoo taa ka duulaya ayey samaysteen

Salaadiintoodi

Halkaas waxaa ka cad in laba wado oo kala jeeda ay mareen Xukuumadda iyo Mucaaridku. Waxaa lama

filaan ku noqotay markii la yidhi aftidii dastuurka la qabanayaa sida Warbaahinta iyo doodihii ay qabatay

Akaademiga Nabadda iyo Horumarka Soomaaliland laga arkay waxay isku dayeen in ay joojiyaan dadkana

shaki ka geliyaan aftidii dastuurka, hase yeeshe markii ay dadwaynuhu u dhaqaaqeen in ay codkooda

dhiibtaan waxaa khasab ku noqotay in ay dadka dhinac ka raacaan, waxaa iyana jahawareer ku sii riday

ku dhawaaqidii xisbiga UDUB waxay marmarsiiyo ka dhigtaan way garan waayeen. Markii ururo kale oo

badan la sameeyey sida UCID, HORMUUD, BIRSOL, ILAYS, SHAHAN, iyoUMMAD oo diyaar u noqday in ay

is diiwaan geliyaan aye ASAD diiday in ay is diiwaangeliyaan markii hore iyagoo aaminsanaa in aanay la

tartami Karin madaxweyne Marxuun Cigaal iyo xisbigiisaHaseyeeshe geeridii Marxuun Cigaal ka dib ayey

isdiiwaan geliyeen isla markaas ayaa la aasaasay xisbiga weyn ee mucaaradka Kulmiye. Sidaas ayey

doorashooyinkii ku bilaabmeen iyadoo u horaysay tii golayaasha deegaanka oo ay ka qayb galeen lix (6)

urur oo ay ka soo baxeen saddexda xisbi ee hadda jira saddexdii urur ee hadhayna iyagoo qof-qof ah ayey

ugu kala biireen xisbiyadii soo baxay. Saddexdii xisbi ee soo baxay ayaa ka qayb galay doorashadii

madaxweynaha iyo ku xigeeenkiisa waxaanna ku guulaystay xisbiga UDUB.

Waxaa xiiso leh siday u dhacdayba in xukuumaddii uu soo dhisay madaxweynne Daahir Rayaale Kaahin

ay ka mid noqdeen lix(6) xubnood oo ka tirsanaa Ururkii ASAD, ururkaas oo sidaan hore u soo sheegay ka

soo horjeeday dimuqraadiyadda dalka iyagoo diidanaa aftidii dastuurka iyo furitaankii ururadda

siyaasadda .

Ragii sameeyey UDUBna ay iyaguna bananka uga joogaan qaybna ay ka mid noqdeen xisbiyo kale oo

siyaasadeed , hadaba su’aashu waxa weeye ma UDUB ayaa ku biiray ASAD mise ASADayaa ku biiray

UDUB .

Taasi waxay ku tusaysaadimuqraadiyadda ka bilaabmatay Soomaaliland iyo habka xisbiyadda badan in

aanay ahayn mid caafimaad qabta oo ku dhisan mabda’ iyo aragti siyaasadeed ee ay tahay mid ku

salaysan danaysi iyo maslaxad shakhsi oo uu qof meeshi dantiisa ka helayo uu u wareego markii uu

doono

Madadxda asxaabta iyo dawladuna aanay waxba kala dooranayn ee ninkii u yimaadaba iska qadanayaan

oo kii shalay cadawga u ahaa iyo kii la shaqaynayey isugu mid yihiin

Page 53: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

Waxay ahayd arrintu in urur walbaa ku fara adaygo aasasayaashiisa oo aanu dhiiri gelin in ay ku soo

biiraan kuwo ururo kale ka yimi, madaxdii saddexdii urur eeku hadhay doorashooyinkii ee waayey

kalsoonidii dadweynaha waxay ahayd in ay ku milmaan bulshada oo aan ururo ahaan loola dhaqmin

halka laga siinayo sadka oo lagu daray maamulka xisbiyada kale iyo dawladaba haddii aan sidaas la yeelin

ma samaysmi karto asxaab leh mabda’ iyo aragti siyaasadeed mar haddii maalinba meeshi doog leh la

raacayo , waxayna xaajadu ku soo arooraysa maahmaahda Soomaaliyeed ee ahayd (Geel,geel watdaartay

geeddo la’aan dheh ). Sidaas ayey ku bilaabantay geedi socodkii dimuqraadiyentii Soomaaliland

Dibloomaasi u dhashay wadanka Maraykanka oo la yirahdo Devid Shiin ayaa mar uu hadal ka jeediyey

sanadkii hore Akaadeemiga Nabadda iyo Horumarinta Somaaliland waxaa uu cadeeyey in wadan loo

aqoonsan karo inay dimuqraadiyaddu ka hirgashay marka ay ka dhacaan saddex doorasho oo

madaxweyne oo isku xiga oo si hufan oo lagu qanacsan yhay loo qabto iyo sadex dorasho oo baarlaman,

sidaas haddii loo eego waxaa Soomaaliland lagu sheegi kara dimuqraadiyad marka la qabto laba danbe

oo doorasho madaxweyne iyo saddex baarlamaan oo ku beegmaysa sannadka 2018

Hadaba ciddi u haysata kana dhigata ajende siyaasadeed hirgelinta dimuqraadiyada in lagu ictiraafo

waxay ictiraafkaas sugaysaa ilaa sanadka 2018 kaas ooo micnihiisu yhay marka ay xijaabtaan ama ka

baxaan inta maanta ku jirta saaxadda siyaasadeed ee dalka oo ay markaas wadanka u taliyaan kana

hormood yihiin xisbiyadiisa dad ku soo barbaaray 15 sano oo dimuqraadiyad ahayd kana fiyoob

dagaaladii sokeeye iyo dawladihii keligi taliyaha ahayd iyo ti musuqmaasuqa ee dalka soo martay

Akhristayaasha la socday taxanahan geedi socodkii nabadaynta iyo dimuqraadiyenta Soomaaliland

waxaan ku soo gabagabaynayaa maqaalkan dimuqraadiyadii sababta oo ah soo gelitaanka bishan

barakaysan ee Ramadaan waxynu mar kale ku kulmi doonaa saxfadaha wargeyska Jamhuuriya marka

Ramadaanku dhamaato anigoo bilaabi doona dib-u dhiskii Soomaaliland.

Waxaan ka afeefanayaa haddii cid gef uga yimaado taxanahas maa aha mid loo la jeeday loolamana kicin

ee waa taariikh aan anigu goobjoog uhaa ee maaha mid aan cid ka soo weriyey ama meelkale ka soo min

guuriyey.

Sidaa iyo Ramadaan kariim

Ciid Mubaarak

Waxaan halkii ka sii anba qaadayaa qoraalkeeni aynu ugu yeedhnay Geedi socodkii Nabadaynta iyo

Dimuqraadiyenta Soomaliland oo aan ka soo minguurinayey Xusuus qorkayga. Waa anigii idinku balan

qaaday in aan dib u bilaabi doona marka ay Ramadaanku dhamaato inagoo ku guda jirna qaybtii

Dimuqraadiyenta

Waxaa xusid mudan in habeen ka mid ahaa ramadaankii 1998 aan Madaxweyne Murxuun Cigaal balan

uga dalbay Odayaal ka yimi bariga Sanaag oo Hargeysa ku sugnaa wuunna iga aqbalay balantiina waxay

noqotay goor fiid ah, Cigaal waxaa uu ahaa nin aad ugu xeeldheer hasaawaha iyo bulshaawi oo cid walba

dhaqankooda aad uga dheregsanaa Soomaali iyo Ajanebi marna laguma qaloon jirin agtiisa isagoo

deeqsiiya dadka hadalkiisa. Waxaa uu habeenkaas odayaashi uga sheekeeyey in wakhtigii ingriisku dalka

Page 54: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

ka talin jiray uu mudo yar ka shaqeeyey xafiiskii D.C, wakhtigaas maalin ka mid ah uu arkiifiyadii xafiiska

ka helay warbixin uu Badhasaabkii Fisher la oran jiray u diray Wasiirkii mustacmaradaha Ingiriiska oo uu

kula taliyey in Soomaliland loo xukumo sida dalalka Carabta iyadoo loo samaynayo Suldaan ama Sheekh

inaguna Ingiriis ahaan aynu iyaga maamulkeena sii marino. Waxuu Wasiirkii ku soo jawaabay oo uu

waydiiyey Badhasaabkii qofka laga dhigayo Suldaankaa ama sheekha, waxa uu Badhasaabkii ku jawaabay

in laga dhigo Maxamuud Cali Shire, dawladii Ingiriisku arrintaas halkaa kama sii wadin. Cigaal waxaa uu

odayaashi kula kaftamay markii uu sheekadaas dhameeyey mar ayeydin noo noqon lahaydeen Amiiro oo

aad wadanka xukumi lahaydeen ee maxaad nooga qaloonaysaan oo oo aad ugu soo dhiiran waydeen

Soomaaliland. Madaxweynihii isagoo hadalkii sii wada waxa uu ka hadlay la soo noqoshada madax

banaanidda Soomaaliland in aanay ahayn mid dadka Soomaalida kala takooraysa waxaa uu cadeyey in

isu socodka, ganacsiga iyo wada noolashuhu uu sidii hore yahay ee waxaa lakala soocday uu yahay

Maamulka iyo siyaasadda. Waxaa uu ka sii shekeeyey oo uu xusay in maalin dhawayd ciidanka

wardoonku u yimaadeen iyagoo qaba inay war weyn sidaan waxay ii sheegeen ayuu yidhi in nin Hawiye

ahi uu magaaladda Hargeysa ka furtay bakhaar weyn oo ganacsi isla markaana uu iibsado hubka una

dhoofiyo Muqdisho waxaan ugu jawaabay ayuu yidhi waxaad ii sheegteen ma aha war dhiilo leh ee aad

iyo aad ayaan ugu farxay waxaan jeclaan lahaa in rag kale oo badan oo dunida dacaladeeda ka kala yimi

ay dukaamo iyo ganacsi ka furtaan Hargeysa iska daaya nin Hawiye ahe anagoo ku dadaalayna in

Soomaaliland noqoto meel la maalgashado, dhinaca hubkana war kan dawladana ka iibsha haddii aad

doontaan, waayo marka uu hub inaga dhoofaba nabadaa inoo xoogsanaysa ee haddii aynu lacag ku

helno waa khayr inoo soo kordhay.

Dhawaan xukuumadda Soomaaliland waxay soo saartay go’aan sheegaya in dadka ajenibiga ahi ay dalka

kaga baxaan muddo 45 maalmood ah. Xukuumadii hore ee madaxweyne Marxuun Cigaal arrintaas waa

lagu soo qaaday golihii wasiiradda dhawr jeer dodo dhaadheerna waa laga dhiibtay waxaana laysa gartay

oo tusaale ahaan loo soo qaatay in dadka soo galaytiga ah ee shaqo doonka ahi ay hurumar ku soo

kordhiyaan wadamadda ay soo galaan ayna ka qayb qaataan dib-udhiska wadamadda dagaaladda ka soo

kabanaya, waxaa tusaale ahaan loo soo qaatay dalka Jarmalka oo dagaalkii II ka dib ay soo galeen

malayiin Turkiya oo xoogsata ahi oo ka qayb qaatay horumarka iyo dib udhiskiisa , sidoo kale isla

wakhtigaa dalka Ingiriiska waxaa soo galay dad badan oo ah Hindi ,Eeshiyaan kale iyoo Jumaykaan

xoogsato ah oo iyaguna ka qaybgalay dib udhiskii iyo horumarka. Sidaa darteed si Soomaaliland dib

udhiskiisa iyo horumarintiisu u taabo gasho waxay dawladii wakhtigaasi ogolaatay in dadkaa soo

galaytiga ah xoriyad iyo nabadgelyo la siiyo Soomaali iyo Ajanebi kii doona ha noqdeen. Hargeysa kuma

ay dhisanteen mudadaas kooban iydoo 90% ay burbursanayd haddii aanay xukuumadu taladaas qaadan.

Waxay xukuumaddu wakhtigaas isku raacday in dadka Soomaalida ahi meelkasta ha ka yimaadeen in ay

degi karaan, wax ka baran karaan, ka xoogsan karaan, kana ganacsan karaan Soomaaliland laakiin aanay

ka qayb geli Karin maamulka iyo siyaasadda. Waxaa la soo jeediyey marka la samaynayo aqoonsiga

(Taysaradda) in la sameeyo laba nooc oo kala duwan oo mid loogu talo galo Muwaadiniinta midna la siiyo

dadka soomali ah ee aan u dhalan Soomaaliland. Dadka kale ee ajanibiga ah ee aan ahayn Soomaalida

iyagana in la diiwaan geliyo si deg-deg ah loona kala saaro kuwa doonaya qaxooti iyo nabadgelyo iyo

kuwa shaqa doonka ah. Waxaa shirkaas lagu soo qaaday in maanta ummadii Soomaaliyeed ay wadamo

shisheeya ah oo aanay isku af, diin iyo dhaqan ahayn ay ku nool yihiin oo nabad ku joogaan kana

shaqaystaan sidaa darteed haddii Soomaaliland xooga yari u soo doonteen nabad iyo shaqo aan

Page 55: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

albaabada laga xidhan ee Ilaah lagu mahadiyo nabada uu ina siiyey ee ay iyagu aanay haysan maanta.

Marxuun Cigaal isagoo shirkaa gudoominayey wuxuu ku soo gabagabeeyey duco uu yidhi waxaan Ilaahay

ka baryayaa in u walaalahayga Soomaaliyeed siiyo Nabadgelyo inagana inoo sii xoojiyo. Waxaan xuuustaa

markaas Cumar Maxame Nimcaale oo ahaa Wasiirka arrimaha gudaha ee wakhtigaa ayaa yidhi u

ducaymayno ee waan habaaraynaa markaas ayaa golihii oo dhami qosol la dhaceen sidaas ayaa shirkii

lagu soo gabagabeyey .

Waxaa xusid mudan ciidanka sirdoon ee Cigaal ku halqabsaday dadka badan kiisu may ogeyn in ay jiraan.

Markii lay magacaabay wasiirka Maaliyadda bishii mey 1999 ayaa waxa dhacday maalin anagoo ku guda

jirna sidii aan u yareyn lahayn hay’adaha ka hawl gala goobaha kastamada ayaan waxaan boosta

xafiiskayga ka helay warqad ka socota haya’da wardoonka oo uu ku saxeexan yahay taliyahoodi

wakhtigaas ayna ku codsanayaan in xubno ka mid ahi ay ka hawlgalaan goobaha kastamada iyagoo leh

waxaan ka shaqaynaynaa nabadgelyada goobahaas, arrintaasi yaab ayey igu noqotay iyadoo goobahaas

nabadgelyadooda ay ka hawlgalaan booliis ayna joogaan kastam officers, waxa kale oo aan garan waayey

oo yaab noqotay cida ay hoos tagaan iyo meesha laga xukumo war doonka waayo qaabka dawlada iyo

dastoorka midna kuma jiraan , qaar ka mid ahaa madaxdii maaliyadda aya igu yidhi waxay hoos

yimaadaan Madaxtooyadda.

Waxaan markaas qoray warqad ku socota madaxtooyadda oo aan ku warsanayo in haya’dda iyo

codsigooda uu la socdo Madaxweynuhu waxaanna ku daray koobi ah codsigoodi. Maalin ka dib waxaan si

kadis ah ku war helay wareegto uu soo saaray Madaxweyne Cigaal oo uu ciidankii wardoonka ku

baabi’iyey kuna kala diray hawlwadeenadoodii isagoo ku sheegay in ay hadda u soo dhigteen inay tagaan

meelahii dhakhliga yar laga ururinayey hawshoodii loo dirtayna aanay taas ahayn.

Mudo ka dib waxan ka qayb galay shir kooban oo uu gudoominayey Cigaal ayna ku jireen taliyii ciidanka

qaranka Ismaaciil Shaqale iyo taliyii ciidanka booliiska Marxuun Maxamed Jibriil shirkaas oo dib loogu

soo unkay ciidanka sirdoonka iyadoo ciidamadii dalka laga soo xulayo hawlwadeenadii ka mid noqon

lahaa hay’adaas markaas beelaha Hartiga oo hore uga maqnaana cid ayaa lagaga soo daray gobalada oo

dhana waa la gaarsiiyey waxaanna madax looga dhigay Marxuun Rooble Timir. Markii xaalku halka

marayey ayaa la yidhi miisaaniyad iyo kharash ha loo qoondeeyo. Waxaan su’aalay madaxweynihii sida

miisaaniyad loogu samaynayo mar haddii aanay dastuurka waafaqsanayn waayo dastuurku waxaa uu

ciidan ogol yahay saddex ciidan oo aha 1) ciidanka qaranka 2) ciidanka Booliiska 3) ciidan Asluubta sida

ku cad qodobadda 123 iyo 124. waxaa uu ogolaanaya qodobka 113aad haddii loo baahdo hay’ado kale

waa la dhisi karaa si xeerka waafaqsan, taaas oo macnaheedo yahay in madaxweynuhu uu soo jeediyo

wareegto ah in hay’adaas la sameeyo ka dibna golaha wasiiradu soo sameeyaan xeerka iyo shaqadeeda

kana doodaan oo ay ansixiyaan una gudbiyaan Golaha wakiiladda oo marka ay ansixiyaan ay hirgalayso

oo sharci noqonayso.

Waxaa cigaal iigu jawaabay intaynu sharci u samaynayno waxaad hoos gelisaa oo ugu dartaan

miisaniyadda madaxweyne ku xigeenka oo wakhtigaas uu ahaa madaxweynaha hadda Daahir Rayaale

Kaahin ilaa maantana sidaas ayey ugu hoos jiraan xafiiska madaxweyne ku xigeenka miisaaniyadiisa

iyadoo hay’adiina aanay lahayn wax sharci ah oo aan jiritaankeeda weli la ansixin.

Page 56: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

Waxaa nasiib darro ah iyadoo la gaadhay wakhtigii dimuqraadiyadda oo la sameeyey habka asxaabta

badan dalkana ay ka dhaceen doorashooyin xor ah in ay hay’adaas oo sii xoogaysatay shaqadeedu aanay

waafaqsanayn dastoorkii loo codeeyey may 2001.

Waxaa kale oo aan xusayaa xukuumaddii 1997 ee uu dhisay Marxuun Cigaal, markii uu ku guulaystay

xilka madaxweynaha isla markaana uu madaxweyne ku xigeenna uu noqday Daahir Rayaale Kaahin 1997.

waxa uu madaxweynihii magacaabay gudi ka kooban 16 xubnood oo labiday aqoon iyo waayo aragnimo

oo loo xil saaray inay madaxweynaha kala soo taliyaan dawlada uu samaynayo sida ay noqon doonto.

Gudigaa waxa gudoomiye looga dhigay Madaxweyne kuxigeenkii wakhtigaas Daahir Rayaale Kaahin

waxana ku xigeen looga dhigay Axmed Maxamuud Maxamed (Siilaanyo) oo ah labadii nin ee ku tartamay

doorashadii madaxtooyada u dambaysay, waxa kaloo kamid ahaa gudigaas intaan ka xasuusto Marxuum

Maxamed Axmed (Sakhraan), Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Cali Sheekh, Cumar Maygaag Samatar,

Jaamac Saalax, Cali Sh. Aareeye, aniga Maxamed Siciid (Gees) iyo 6nin oo kale oo hada magcoodu iga

maqan yahay. Gudigii wuxuu bilaabay howshiisii isagoo ku kulmi jiray xarunta madaxtooyada xafiiska

golaha wasiirada, wuxuu ogaysiis ku bixiyey oo laga fidayey warbaahinta qofkasta oo muwaadin

Somaliland ah oo markaa ku jira maamulka ama dibada kajooga inuu keeno C.V giisa iyo nuqulka

shahaadooyinkiisa waa qofkii doonaya inuu ka qaybgalo xilna ka qabto maamulka xukuumada iyo

wasiiradiisa.markii ay dhamaatay mudadii loo qabtay ururintii C.V yada oo dadkii danaynayey ay soo

xareeyeen. Waxay gudigii sameeyeen hab loo qiimeeyo oo loo kala sooco dadkii C.V yada keenay iyadoo

la tix gelinayo shahaadadiisa, waayo aragnimadiisa shaqo iyo da’diisa waxana loo qaybiyey sadax

qaybooda A, B, C dabadeedna liiskii waxa loo gudbiyey madaxweynihii iyo hay’ada shaqaalaha.

Waxa kaloo gudigii u soo jeediyeen madaxweynihii talo ah in dal ku u baahan yahay dawlad aanay tirada

wasaaradaheedu ka badnayn 16 wasaaradood. Hawshaas oo socotay mudo dhan bil iyo dheeraad markii

lasoo gaba gabeeyey waxay gudigii la kulmeen madaxweyne Cigaal markay u tageen ugu horayn wuxuu

ku bogaadiyey howshay soo qabteen wuxuuna xogwarran kasiiyey sidii wadanka lagu maamulayey

mudadii afarta sano ahayd ee la soo dhaafay, waxaanu u sheegay inaanay suurtoobayn tirada

wasaaradaha ka yar 16 ee aad ku taliseen isagoo ku sababeeyey waayo aragnimaduu soo arkay awgeed

ayna ka badanayaan intaa. Arrinta maalintaas taagnayd ayaa maanta lagu canaanayaa Madaxweyne

Rayaale dawladiisa balaadhan horaa loo yidhi nin xil qaaday eed qaad.Cigaal wuxuu sheegay inuu ka

faa’iidaysanayo.Liiskii wax aqoon ka Somaliland ee gudigu soo sameeyey isagoo kala soo bixi doona

wasiirada inta hadhana u gudbin doono hay’ada shaqaalaha si loo shaqaaleeyo oo looga xusho madaxda

kale ee qaranka.markuu ka warramayey waayo aragnimadiisi maamulka Somaliland ee afar sano la soo

dhaafay wuxuu yidhi runtaan idiin sheegaya mudada afarta sano ahayd dakhliga wadanka aniga gacanta

ku hayey,awoodayda uun ayuu ku bixi jiray sabtoo ahayd cid aan wax ku aamino ayaan waayey isagoo

hadalka sii wada wuxuu yidhi wasiiradayda qaar ayaa hal mashruuc laba ama sadax jeer kharash igaga

qaaday iyagoo umalaynaya inaanan ogayn, Sidaa awgeed waxaan door biday waxa yar ee la soo urursho

inaan anigu maamulo oo aanan cidna u dhiibin hada se dawlada cusub markaan dhiso waan iska

wareejinayaa ,

Cigaal wuxu dhisay dawladii ugu aqoonta badnayd ee soomarta Somaliland ama Somaaliya ba hadii la

eego waxay ka koobnayd rag ugu yaraan sita shahaadada darajada labaad ee Jamacada (Master) haddii

aan ragas wax ka magacaabo

Page 57: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

1. Axmed maxamuud Maxamed (siilaanyo) wasiirka maaliyadda

2. Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) wasiirka A/dibada

3. Dr. Maxamed Cabdi Gaboose wasiirka A/gudaha

4. Eng. Yusuf Caynab Muuse wasiirka Gaashaandhiga

5. Eng. Axmed Maxamed Biixi wasiirka Macdanta &biyaha

6. Maxamed Axmed Xaashi (farxaan) wasiirka xanaanada xoolaha

7. Maxamed Saciid Maxamed (gees) wasiirka Qorshaynta

8. Daahir X. Maxamed Yusuf wasiirka Waxbarashada

9. Dr. Cabdi Aw Daahir wasiirka Caafimaadka

10. Rashiid X. Cabdilaahi wasiirka Boosaha &Isgaarsiinta

11. Maxamed Muuse Cawaale wasiirka Deeganka & H/reer Miyiga

12. Axmed Xuseen Oomane wasiirka Kaluumaysiga

13. Jaamac Saalax Maxamed wasiirka Madaxtooyadda

Intaas aan soo magacaabay dhamaantood waa Master degree ama PHD inta kalena waxay ahaayeen

kuwo aan ka yaraysan xaga aqoonta iyo waayo aragnimada oo intooda badani sitaan shahaadooyin

jamacadeed oo kuwaas la mid ah iyadoo lagu dadaalay in nin walba meeshi uu ku haboona ama

takhakhuskiisu ahaa lagu magacaabay.

Waxaa Maaliyadda loo dhiibay Axmed Siilaanyo oo lagu aaminay, isagaa dejiyey maamulka maaliyadda

ee maanta jira, isaga ka hor ma jirin wax dakhli ah oo dawladu leedahay oo la garanayey mana jirin wax

miisaaniyad ah oo lagu tala geli jiray, dad tijaar ah ayaa badanaa laga sii amaahan jiray raashinka

ciidanka, shidaalka, qalabka xafiisyada iyo wixii loo baahdo taas oo aad u fara badnayd dabadeedna

waxaa la siin jiray waraaqo cashuur dhaaf ah oo ay badeecadaha iyo xoolaha kaga dhoofsadaan kalana

soo degaan dekeda Berbera, sidaas awgeed dakhli micno leh uma soo xeroon jirin dawlada. Waxaa lay

sheegay inkastoo aanan anigu arag in ay dhici jirtay in waraaqahaa alaab lagula soo baxo in ka badan hal

mar mararka qaarkood. Wasiirka cusubi Siilaanyo waxaa uu qaaday laba talaabo oo dhaxalgal noqday oo

run ahaan aad muhiin u ahaa marka hore waxa uu la xisaabtamay tijaartii isaga iyo wasaradiisi, nin walba

waxaa loo furay fayl lagu cadeeyey deynta uu ku leeyahay dawlada waxaana loo balan qaaday in la

siinayo deyntiisa oo aanay cashuur u qaadanayn, taas oo markaas keentay in la ogaado dakhliga soo

galaya dawlada. Talaabada labaad waxa uu sameeyey raashin iyo mushahaar la siiyo Ciidamada oo

qorshaysan. Halkaas waxaa dhab u hirgalay maamul xisaabeedkii maaliyadda wuxuuna ku guulaystay

inuu 6 bilood ee sanadka ka hadhsanayd inuu u sameeyo miisaaniyad wadanka lagu maamulo.

Markii hawshii gudigii la talinayey madaxweynaha ay dhamaatay oo aan horena uga soo qayb galay

Page 58: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

gudigii dastoorka oo isna dhameeyey hawshiisi waxaan u diyaar garoobay in aan ku noqdo Yaman oo aan

deganaa taas oo caado ii ahayd 5 sanadood ee u danbeeyey inaan sanadkii badh joogo Soomaaliland

Badhna Yaman waxaa tigidhkii Jabuuti iigu deeqay saxiib qaaali ah oo aan la ilaawi Karin Marxuun

Maxamed Cabdi Dhinbiil (Galbeedi) oo wakhtigaas ahaa wasiirka Arimaha Dibada& Qorshaynta.

Wakhtigaas waxaan deganaa hotel Maaweel anigoo sidaa aan soo sheegay diyaar u ahaa in aan dhoofo

ayaa aroor waxaa qolkii hutelka ee aan deganaa waxaa igu soo garaacay wiil dhalinyaro ah oo aanan

garanayn waxaa uu ii dhiibay warqad ah balan madaxtooyadda ah oo 9;00 subaxnimo ah ninkaas oo aan

markii danbe wax badan wada shaqaynay oo ka mid ahaa Xoghaytii Cigaal oo la yiraahdo Naasir,

warqadaas uu ii dhiibay ku cadayn waxa laygu yeedhayo laakiin waxay ahayd balan kulan sidaas ayaan

ugu tegay Madaxweyne Cigaal oo I sugayey waxaanu igu qaabilay xafiiskiisi waxayna ahayd maalintii ugu

horaysay ee aanu labadayadda oo keliyi kulanay, markii aan isa salaanay oo aan fadhiistay ayuu igu yidhi

waxaan go’aansaday in aan kugu magacaabo xil ah wasiirka wasaarada qorshaynta ee maxaad ka qabtaa

waxaan ugu jawaabay waqtigii hantiwadaagu waa kii dhamaaday ee maxaynu qorshaynaynaa waxa uu

iigu jawaabay adeer hawlo badan ayaa jira oo aan qoraal kuugu soo gudbin doonotaas oo aan u rabo in

wasaaradani qabato, hadalkii ayaan ku celiyey oo idhi anigu aqoon macalinimo ayaan leeyahay ee maad

ii dhiibtid waxbarashada hadiim aad xil ii dhiibaysid waxaa iigu jawaabay waa runtaa ee Daahir maxamed

Yuusuf ayaan hortaa ku magacaabay waxaan idhi waa u qalmaa oo isku macalimiin ayaan ahayn oo waa

nin ka soo baxaya aniguna waan kaa aqbalay xilkaas sidaas ayaan ku noqday wasiirka wasarada

Qorshaynta 20 mey 1997 xilkaas oo aan hayey ilaa mey 1999. markiiaan ka soo baxay kulankuu Cigaal

waxaa ii yimi niman Siyaasiyiin ah oo ka tirsan beesha Warsangeli oo ku sugnaa Hargeysa waxay

qaarkood iigu badheedheen in aan iska casilo xilka lay magacaabay oo aan diido iyagoo ku sababaynaya

in meel lagaga dhacay beesha Warsangeli oo hore u hayn jirtay wasaarado waaweyn sida Caafimaadka &

Gadiidka cir iyo dhulka arrintoodi waan ka diiday nimankaas siyaasiyiinta isku sheegayey waxaan ku idhi

waryaadhaheen meesha wax lagu qaybsanayaa ma yaalaan ee hawl ayaa taala iyo wax la abuurayo

Aniguna meeshaan cidlada ah ayaan qabanayaa oo isku tijaabinaya waxan ka qaban karo. Markii aan

tegay wasaaradii waxay noqotay siday sheegayeen meel aan wax oolin oo miisaniyadeedu waxay ahayd

30,000,000(soddon milyan oo shilin S.L) , shaqaalaheedu 30 qof, xafiiyadeedu waxay ahaayeen 4 qol ,

wax gaadiid ah ma lahayn , tell ma lahayn , biyo ma lahayn iyo musqulo toona waxaa laga soo jaray

Arimaha Dibada oo shaqaalihii intoodi badnayd waxay ku hadheen Arimaha Dibada hase yeeshe waan u

badheedhay arrintaasna waxa iiga muuqday mida Soomaali meelkasta oo ay joogtoba ka haysato fikirka

xilka dawladnimo taas oo ay ugu dhismi wayday dawlad hagaagsani kuwii horena uga burbureen oo ah in

xilka umaddu intaan la gelin loo haysto meel wax lagu xado oo ninka iyo beeshiisu ku cad goostaan sidaa

ayuu maamul dawladeed oo dhexe aanu ku dhismi Karin inta fikirkaasi jiro. Labo sano ka dib waxay

noqotay wasaarad dhismaheedi labanlaabmay, Gaadiid leh, tell leh,qalabkii xafiisyadu u dhan yihiin

qoraaladda Soomaaliland ka hadlayana laga soo saaro, shuruucdii lagu dhaqayey hay’adaha gudaha iyo

kuwa caalamiga ahna la sameeyey markaas ayaa layga wereejiyey iyadoo ka mid noqotay wasaaradaha

ugu muhiinsan dalka.

Gushaas waxaa lagu gaadhay iyadoo aanaan wax miisaaniyad kordhin ah waydiisan dawlada, anigoo aan

tegin xafiisyada wasiirka maaliyadda iyo xisaabiyaha guud oo kharash ka dalban

Waxaa si lama filaan ah xafiiska u soo booqday Maxamed Xawaadle Madar oo aniga iyo agaasimaha guud

Page 59: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

ee wasaaradda Cawil si fiican u yaqaanay oo aanu xamar wada shaqayn jirnay waqtigaasna waxa uu

madax ka ahaa Shirkadda isgaarsiinta SOLTELCO waxa uu nagu yidhi maxaad tell xafiisyada u soo gashan

weydeen xafiisyada dawlada intooda kale way leeyihiine waxaan ugu jawaabnay anagu lacag ma haysano

aan ku soo gashano waxa uu noo balan qaaday inuu bilaash noogu soo geliyo, isla maalintii ku xigtay

waxa uu soo diray shaqaalihiisi oo noo geliyey 2 tell xafiiskaygii iyo kii agaasimaha guud,

Waxaa wasaaradda la jaar ah wasaarada dib-udejinta oo kharash faro badani kaga socday xaga hay’ada

UNHCR waxaa wasiir ka ahaa C/laahi dereewal oo aan saaxiib ahayn waxaana agaasime guud ka ahaa

Maxamed cumar cartan oo aanu aqoon weyn isu lahayn taas oo ahayd xidhiidh dheer oo ka dhexeeyey

labadayada qoys iyadooy labadayada aabe saxiib ahaayeen ayna ka soo wada qayb galeen halgankii

gobanimo doonka , maalin maalmaha ka mid ah ayaan Maxamed Cumar kula kaftamay (xabaalahaba

xabaasha u dhaw waa la rusheeyaa) ee maad wax ku soo tuurtaan wasaaradan fara madhan ee jaarka

idinla ah, arrintii wuu garawsaday oo wuxuu nagu caawiyey isla markiiba hal Kanbuuyitar iyo Printankiisi

iyo hal Photocopy, wasaaradiina wuxuu noogu sameeyey dayactir gudaha ah isagoo u soo diray shaqaale

ranjiya oo sameeya wixii dayactir u baahnaa .

Anigana waxa uu iigu deeqay inuu gaadhigiisa gelinka danbe igu rawixiyo aroortiina aan iska soo lugeeyo.

Markii uu xaalku halkaa marayey nasiib wanaag waxaan is baranay madaxii hay’ada UNHCR ee waqtigaas

oo la oran jiray Antony Verwi oo u dhashay Holland ninkaas oo aad wax uga qabtay dib u dhiski

Soomaaliland wax badana u qabtay waxaan ka codsaday in uu dhismaha wasaaradda noo balaadhiyo oo

ay hay’adu qandaraas ku bixiso dhismahaq oo marka la dhameeyo muftaaxa nagu soo wareejiso, waa iga

aqbalay codsigaas oo dhisme le’ag inti hore wasaarada ayuu noogu daray.

Waxaanu dhexgalnay hawl maalmeed kii wasaarada waxaan bilaabay in la soo saaro buugii u horeeyey

oo loo magac bixiyey SOMALILAND IN FIGURES waxaan wasaarad ka tegay (layga bedelay) iyadoo uu soo

baxay laba koobi kii sadexaadna madbacada ku maqan yahay buugaas ilaa maanta nuqul danbe lama soo

saarin oo iga danbeeyey intii wasiir xilka wasaarada iiga danbeeyey kumay guulaysan arrintaas iyada oo

ay joogaan wasaarada shaqaalihii aqoonta u lahaa,

Waxaa kale oo aanu xidhiidh la yeelanay hay’ad kale oo ah UN oo la oran jiray UNDOS oo tiro koob iyo

cilmi baadhis ka samaynaysay dhulweynihii laysku oran jiray Soomaaliya, hay’adaas wuxuu Agaasi guud

Cawil kula heshiiyey in hawlaheeda dhinaca Soomaaliland ay wasaarada qorshayntu kala shaqayso

iyaduna naga caawiso sidii aanu u soo saari lahayn qorshaha horumarineede ee 3 sqanadood (three year

planning) sidaas ayaanu ku bilawnay wada shaqaynti iyaguna waxay naga bixiyeen kharashkii tafatiraha

buuga oo ahaa Mr Jonh Darrysell iyo qayb daabacaadi buuga ka mid ah, buugaas oo ahaa laba nuqul.

Markii wasaaradii soo saartay labadaas buuug waxay gilgileen hay’adihii deeqda bixin jiray oo ay ku

noqotay waxaanay ka filayn Soomaaliland inay soo saari karto, waxaa xusid mudan Safiirkii waqtigaas

waddanka Maraykanka u fadhiday dalka Jabuuti oo ahayd gabadh la oran jiray Mrs. Sherm Honk markii

ay heshay nuqul ka mid ah buugaagtaas way noogu soo hanbalyeysey o tidhi Jabuuti oo ah dawlad jirta

ayaan weli lahayn qorshe sanadeed qoran, inkastoo mashaariicdii la qorsheeyey inay wasaaraduhu

fuliyaan aanay wada hirgelin duruufo jiray awgeed oo dhaqaale xume ahaa hadana waxaa is dadban u

fuliyey hay’ada mashaariicdii aanu mudnanta siinay . waxay noqdeen nuquladii shay wafti kasta oo dalka

yimaada lagala hor tago oo la weydiiyo waxay ka qaban karaan sidaasayna xujo ugu noqodeen waxaanu

Page 60: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

iyadana hawlo ka qabanay anagoo kaashanayna hay’ada UNDP ee fadhida Itbiya iyo dawlada Itoobiya iyo

Khuburo reer Soomaaliland ah waxaanu wada jir u soo saarnay qorshe horumarineed loogu magic daray

(cross border projects) oo kililka shanaad ee is maamulka Soomaalida Itoobiya iyo Soomaaliland isku

xidhaysay, hawshaas waxaa lagu qabtay wasaarada qorshaynta dhexdeeda anagoo Xafiis ka siinay

mashruucaas wasaarada oo hawshooda ku qabsan jireen , markuu dhamaaday mashruuci oo qoraalkii

soo baxay waxaa qalabkii lagu shaqaynayey lagu wareejiyey wasaarada oo ka koobnaa miisas, kuraas,

kanbuyuutar iyo qalabki xafiiska mashaariicdaa waxaa ku hinaasay UNDP Nayroobi oo Soomaalida

qaabilsan sidaas ayey u hirgeli waayeen laakiin qoraalkii wuu soo baxay oo meelkasta waa la gaarsiiyey.

Waxaan kale oo ku guulaysanay xidhiidh wanaagsan oo aan la yeelanay UNDP in aan ka helno khabiir

nagala shaqeeya wasaaradda oo noqotay gabadh Maraykan ah oo la yiraahdo Laurra Hammud oo hada

Prof: ka ah waxna ka dhigta jaamacda (Clark Universatiy) oo ku taal Boston wadanka Maraykanka ka

dibna waxaa gabadhaas bedelay nin la yiraahdo Nick Hilter oo isna u dhashay wadanka Ingiriiska o hada

ka shaqeeya UNDP wadanka Asbijaan ee ka tirsan Aasiyadda dhexe labadaaas khabiir wasaarad awax

badal ayey u qabteen iyagoo nagala talin jiray dhinacyada Qoraaladda iyo xidhiidhka hay’adaha

caalamiga ah .

Waxaa iyana xusud mudan in had iyo goor oo ka dhex taagnaan jiray hay’adaha caalamig aiyo

xukuumada Soomaaliland Xidhiiidhka ka dhexeeya sababtuna ahayd iyadoo aanu jirin sharci wada

shaqayntooda qeexaya, oo cabsho ka iman jiray xagga bulshada, and xukuumadda iyo hay’adaha

laftooda. Anagooo maalin maalmaha ka mid ah ku jirna shirkii golaha wasiiradda ayaa Madaxweyne

Marxuun Cigaal iigu dhex dhiibay golahii buug laga soo saaray jaamacadda la yiraahdo (London School of

Economics) oo ka hadlaya sharciyadda ayu leeyihiin dawlado badan oo Arikaan ahi hay’adaha NGO yadda

la yiraahdo Local ama International waxaannu I faray in aan soo sameeyo sharci heshiis oo dhex maraya

Xukumadda Soomaaliland iyo hay’adahaas. Waxaa iyana xusayaa in mar aan booqasho ku tegay 1997

wadanka Ingiriiska magaaladd aLondon aan la kulmay ninka madaxda ka ah hay’ada PEHNA oo

dhalashadiisu tahay Ereteriyaan Dr. Saria wada ahdalkayagii waxaa ka soo baxay in u isiiyo nuqul ah

sharciga heshiisyada ee dawlada Itoobiya kula dhaqanto hay’adaha ajenibiga ah . waxan guda galnay sidii

aan u samayn lahaa xeerkaa anigoo kaaashanaya Buugi Madaxweynuhu ii dhiibay iyo nuqulkaa Itoobiya

markii aan dhamaynay xeerkii ayaan la xidhiidhnay hay’adahii waxaanna arrintaas gacan weyn ka

geysatay Lorre Hammud oo ku qancisay ninkii u ahaa hay’adahaas xidhiidhiyaha ( focal point) oo madax

ka ahaa hay’ada IRC si uu NGO ugu bandhigo sharcigan oo ay iyaguna cid u soo dirsadaan si ay wasaarada

isula eegaan arrintaasna way aqbaleen oo waxaa shartcigii kja wada shiray wasaarada iyo hay’adaha IRC,

ICD, DRC oo hay’adaha metalayey waxay isku raaceen nuqulkii heshiiska .

Markii aan ku heshiinay ayaan nauqulkii iyo lifaaq aan u raaciyey u geeyey Madaxweryne Cigaal oo caan

ku ahaa hawsha uu danaynayo in uu dhakhso u dhamaystiro waxaa uu isla markii uu gaadhayba u isugu

yeedhay golahii wasiiradda oo uu u qaybiyey nuqulkii waxaanu ku amray in aan waxba laga bedelin ee la

soo akhriyo markii golahii wasiiradu isku raaceen waxaa loo gudbiyey golahii Wakiiladda o markaas uu

Gudoominayey Cabdiqaadir Jirde isaguna arinkaas xil weyn ayuu iska saaray oo wuxuu siiyey mudnaanta

kowaad oo golahii ayuu hordhigay sidaas ayaanna lagu ansixiyey waanna sharciga keliya ee inta aan

xusuusto isagoo ku qoran af Ingiriisi goluhu ansixiyeen. Markii sharcigu soo baxay ayaa aniga wasaaradii

layga bedelay sidii aan ugu tala galnay uma an dhaqan gelin xeerkii wasiiradii wasaaradda iiga danbeeyey.

Page 61: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

Waxa kale oo aan ku guulaysanay intii aan wasaarad ajoogay in aan qabano Workshop weyn oo ay wada

qabteen hay’adaha UNHCR, UNDP, Wasaarada dib udejinta iyo Wasaarada qorshaynta oo ku saabsanaa

sida dadka dib loogui soo celinayo dalka loola dhaqmayo iyo mashaariicda loo qabanayo iyo meelaha

lagu soo celinayo sida adeega bulshada wax looga qabanayo markii workshopkaa la qabanayey waxaa

wefti looga yeedhay 6 gobal ee dalka waxaana loo diray gobaladda aqoonyahano ka socda hay’adaha

deeqda bixiya iyo Xukuumada oo warbixino ka soo qoray waxaana lagu qabtay guriga shaqaalaha

waxaana furay madaxweyne Cigaal waxaa nasiib u yeeshay dhamaystirkii shirkaas oo xilkii wasaarada aan

ku wereejiyey Axmed Maxamed Siilaanyo waxaana halkaas ka soo baxay baahiya mashaariicda laga

fulinayo Soomaaliland iyo kharashka ku baxaya. Waxaan wasaarada yalay oo aan ka tegay sadex buug oo

kala ah 3year planning oo lagu naanaysi jiray buuga cad iyo oolaba vulama ah iyo buugaga cagaaran oo

aha cross bonder projects iyo kan buluuga ah oo ahaa Soomaliland in fingures waxayna ahayeen waxa

keliya ee la hordhigo weftiyada dalka yimaada iyo hay’adaha o la yiraahdo maxaad ka qabanaysaan

waqtigaasina waxa u aha mey 1999 waxaa ayaan darro ah ilaa maanta wax buug ah ama qoraalo oo la

ictimaado aanay wasaaradii soo saarin sanadkaan maqlay waxaa la qorayaa 3 year planning waxaa u

dhaxaysa mudo ah 5 sanno wasaaradda qorshaynata qarankuna waa muraayada dalka laga daawado

Waxaa xusid mudan 1998 markii uu Sacuudigu xayiraada saaray xoolahii noola ee lo dhoofin jiray oo

dhaqaalahii dalkana saameyn weyn iyo hoos u dhac ku keenay. Waxaa qoraal soo saaray wasiirka

Maaliyadd Axmed Maxamed Siilaanyo Wasiirkii Arimaha dibada Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe iyo

wasiirkii Qorshaynta Maxamed Saciid Gees aanu u dirayno beesha caalamka anagoo ugu baaqaynay si ay

wqx ugala qabtaan Soomaaliland iyo soomaalida kaleba cunaqabatayntaas dhaqaale ee uu Sacuudigu ku

joojiyey xoolahii oo ahaa lafdhabarka dhaqaale ee Somaalida.

Waxaa raacay wefti uu madaxweyne Cigaal hogaaminayey oo booqasho ku tegay wadanka Itoobiya,

waxaa dhacday in aniga Gees iyo Maxamuud Saalax Fagadhe lanoo qaban qaabiyey in safiirkii

Maraykanka ee Adisababa Devid Shiine uu noo balamiyey dawlaha deeqd abixiya safaaradahooga

Adisababa halkaasna aanu ku soo bandhignay qoraalo sheegaya dhibta dhaqaale ee ay kentay

xayiraadaas xooluhu iyo sida uu ahaa qoreshahi horumarineed ee 3 sano aanu ku tala galnay, dadkii

halkaas isugu yimi way aqbaleen dalabkayagii waxaann aka danbeeyey in la bilaabo mashruuci loogu

magic daray HEC oo dawlada Talyaaniga iyo EU ay ugu deeqeen mashaariicay fulinayeen dawladaha

hoose ee magaaloyinka Soomaaliland qiimahooduna ahaa 1.7 milyan US doolar mashaariicdaas oo ay

iska kaashan jireen wasaaradaha Maaliyadda, Arimaha Gudaha, Qorshaynta iyo Ngo dalalka EU. Waxaanu

ku heshiinay in lacagta dolarka lagu shubo Baanka dhaxe ee soomaaliland baankuna bixiyo shilin

Soomaaliland taas oo wax weyn ka tartay qiimo jabkii ku dhici laha ashilinkeena, mashaariicdaasi waxay

u hirgaleen sidi loogu talagalay taas o ku riday deeq bixiyayaashii kalsooni fiican oo ay ka heleen

xukuumada Soomaaliland iyo in xidhiidhkii xukuumada iyo hay’adahu sii xoogaysto. Waxaa dhacday

sanadkii 1999 intaanan ka wareegin wasaarada in aan ka qayb galnay shir qarsoodi aha oo uu

madaxweyne Cigaal noo xil saaray sadex wasiir oo kala ahaa Siilaanyo, Fagadhe iyo aniga Gees in aan

kulan la yeelano madaxii EU u qaabilsana soomaalida ee waqtigaas iyo wefti la socday ninkaas oo u

dhashay wadanka Boortaqiiska lan oran jiray Mr. Duwarti ka dib markii ay is arkeen madaxweynaha

shirkaa soo aanu isla qaadanay ayna naga ogolaadeen in Eu komishankeedu u heshiisyo toos ah la galaan

xukuumadda Soomaaliland uuna bixiyo mashaariic lagu horomarinayo Soomaaliland qaybaheeda kal

Page 62: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

duwan ee adeega bulshada, waxayna noo sheegeen inay arrinkaas ka soo dhaadhiciyeen dalalka xubnaha

ka ah EU oo ay aqbaleen dhamaantood waxayna ku nuuxnuuxsadeen in marka u heshiiskaasi hirgalo ay

albaabada u furayso inay heshiisyo toos ahi dhexmari doonaan dalalka xubnaha ka ah EU iyo

Soomaaliland iyagoo goonigooni dal walba ugu iman doono, waxayna ku faaneen inay iyagu ahayeen EU

komishanku qoladii u horeysay ee Maamulka Falastiiniyiinta la gala heshiis ka dibna ay dalalkii xubnaha

ka ahaa ay midmid ula galeen dhamaantood. Arrinkaasi haddii uu hirgalo waxay noqon lahayd guul weyn

oo u soo xeroon lahayd Soomaaliland.

Waxaa dhacday in markii arrinkaas laga war helay iyo kuwa kaloo la mid ah ay is gaashaan buuraysteen

qolyahii ka soo horjeeday ictiraafka Soomaliland markaa soo lagu dhaqaaqay in la abaabulo shirkii Carta

halkaa soo lagu sameeyey dawlad ku sheegtii soomaaliyeed iyadoo ujeedada u weyni ahayd ha la joojiyo

Soomaaliland . sidaas darteed ayey ku waxay komishankii EU awoodi waayeen inay heshiiskaas fuliyaan

mar hadi lagu dhawaaqay dawlad soomaaliyeed .

Waxaan ka cudur daaranaya anigoo qoraalkii halkaas ku hakinay sababtoo ah anigoo safar ugu baxayo

dalka dibadisa dalalka USA& UK sidaas dartii waxaa balan qaadayaa in aan akhristayaasha Jamhuuriya

ugu dhamaystiri doono joornaalka isagoo buug ah oo faahfaahsana aan soo saari doobo

AALLAA MAHAD LEH

Waxaan mudo dheer joogay Wasaarada Qoeshaynta sidii aan hore u soo sheegay taas oo aan xilkeeda

qabtay laba goor markii hore waxaa uu ahaa May 1997-may 1999 markii danbana waxaan ku soo laabtay

16 December2001- May 2002 .

Mudadaas aan joogay wasaaradaas waxaan xidhiidh fiican oo wada shaqayn ah la yeeshay hay’adaha

caalamiga ah ee joogay hargaysa iyo shaqaalaha ka hawl gala kuwa Unta iyo NGO sidii aan horeba u soo

sheegay.

Waxaan iloobayn kaalintay ka qayb qaateen xubnaha ay ka mid ahaayeen Laura Hammond, Matt Bryden,

Emanual (laangadhe) sidii qamadigii mucaawinada ee loo waday dalka Itoobiya sidii loo soo marin laha

dekada Berbera, arrinkaas oo markay hirgashay dhaqaalaha dekada iyo dalkaba sare u qaaday, furtayna

kana qayb qaadatay dhismaha magaalada caan ka ah ee Wajaale. Emanual (laangadhe) waxay saaxiib

ahaayeen kooxdaas aanu isku xidhnayn waxaanu u dhashay dalka Belgium waqtigaana waxaa uu la taliye

ugu shaqayn jiray hay’ada DANIDA ee laga leeyahay dalka Denmark, waxaanu sahamin ku sameeyey

miinada iyo gantaalihii ciidankii dawladii soomaaliyeed ee duugoobay oo khatar ku hayey dadka iyo

noolaha kaleba kuwaas oo ahaa sancadii Ruushka, si arrintaa wax looga qabto waxaa uu farsamadooda

iyo habka samayskooda ka soo helay hay’adihii Maraykanka e la socday sida loo sameeyo hubka

Ruushka,, gantaalaha oo hargaysa iyo Berberaba ku wareegsana. Waxaa ninkii Emaul ii sheegay in ninka

Euda u qaabilsan dhinaca Logistics e jooga Adisababa uu yahay nin Belgium u dhashay ayna isku magaalo

ka yimaadeen aqoon weyna ay isu leeyihiin ninkaas oo la yiraahdo Pascal Johnson oo ay wada yaqaaneen

kooxdani (Matt, Laura & Emanual) kaas oo ay ka dhaadhiciyeen in Berbera iyo Soomaliland tahay meel

nabad ah oo macaawinadda raashinka Itoobiya loo soo marin karo, Pascalna arrintaa waa ku dhiiraday

madaxdiisina wuu ku khasbay oo sidaas ayaa markabkii u horeeyey ee raashinka u siday Itoobiya ku soo

xidhay dekada Berbera horantii sanadkii 1999. Arrintaasi si sakhsi ah ayey ku bilaabantay oo aanay dadka

Page 63: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

intiisa badani aanay ka war hayn. Mudadaas aan joogay wasarada Qorshaynta waxaa ii suurta gashay in

aan ka mid noqdo dhawr wefti oo uu Madaxweyne Cigaal hogaaminayey oo dalka dibada uga safray. Kii u

horeeyey waxa uu aha 1998 oo ahaa shirka Madaxweynayaasha dalalka IGAD oo lagu qabanayey

magaalda Jabuuti, shirkaasi waxa uu lahaa sheeko gaar ah waxaanu ka mid ahaa waxyaalihii kala

fogeeyey xukumadaha Soomaaliland iyo Jabuuti ee waqtigii Madaxwyne Cigaal.

Mudane Maxmuud Saalax Nuur (Fagadhe) oo ahaa wasiirka arimaha dibada markaas ayaa socdaal uu ku

tagay Jabuuti ka soo noqday waqtigaas oo uu xafiis ka soo furay magaalada Jabuuti loona magaabay

Cumar dheere weliba xafiiska laga siiyey guryo ay dawladii hore ee Soomaaliya ku lahayd magaalada

Jabuuti mid ka mid ah, waxaa uu Mudane Fagadhe ka sheegay shirkii golaha wasiiradda in Madaxweyne

Cigaal lagu marti qaaday inuu khudbad war bixin ah oo ku saabsan arrimaqha wadankii laysku oran jiray

Soomaaliya ka soo jeediyo shirka Madaxweynayaasha dalalka IGAD, arrintaas oo ay waqtigaas ka

hadlayeen madaxweynayaasha halkaas isugu imanyey. Madaxweynuhu arrinkaas aad ayuu ugu diyaar

garoobay, markii ay soo dhawaatay mudadii shirka waxaa hore loo sii diray labada wasiir ee Arimaha

dibada iyo Maaliyadda oo kal ahaa Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) iyo Axmed Maxamuud (Siilaanyo)

si ay weftiga madaxweynaha googol xaad ugu sii sameeyaan. Waxaan ka mid noqday weftigii

madaxweynaha oo ahayd markii iigu horeysay oo aan Safar dibada ah u raaco waxaa kale oo waftigaa ka

mid aha Yusuf Caynab Muuse oo ahaa wasiirka gaashandhiga, Cali Sh. Ibraahim Aareeye oo ahaa wasiirka

Dalxiiska iyo dhaqanka, Ismaaciil Shaqale oo ahaa taliya ciidanka qaranka iyo xubno ka tirsan xoghaynta

iyo ilaalada madaxtooyadda. Waxaannu hargaysa ka duulnay 14 march 1998 diyaaradda aanu raacnay

waxa lahaa shirkadda diyaaradaha e Airjabuuti, diyaaradaas oo aad si fiican loo soo agaasimay hoosteeda

iyadoo lagu maamusayo madaxweynaha, waxaa kaloo maalintaas lagu soo daray diyaaradda laba

gabdhood oo ah (air hostess) oo hablo quruxbadan ahaa dirayskii diyaaradahana sitay. Kursi ku dhaw

madaxweynaha ayaannu fadhiisanay aniga iyo Cali aareeye, cali waxa uu ahaa ardaygaygii kuliyaddi

waxbarasha ee Lafoole wuxuuna aha anin bulshaawi ah oo kaftan badan oo ku hadla af soomaliga sooca

gaar ahaan luqada Ciisaha oo madaxweyne Cigaal iyo golaha wasiiraduba aad u jeclaayeen kaftankiisa.

Hablahii ayaa noo keenay sharaab Cali ayaa intuu xagii madaxweynaha u jeestay ayuu ku yidhi

“madaxweyne hablahani waa Ciise” isagoo quruxda hablaha tilmaamaya, madaxweynihii intuu fahmay

hadalkii cali ee tilmaamayey quruxda hablaha ayuu ku jawaabay “Caliyow waa dawladnimada oo uu ku sii

daray waqti dhawayd oo aan tegay Nayroobi waxaan la yaabay hablihi Kenyaatiga ahaa quruxdoodi

kuwaas oo Lixdameeyadii aan cidina eegi kari jirin foolxumadooda waxaa isbedelkaa u keenay

dawladnimada”. Anagoo weli diyaaradii ku dhex jirna ayuu Cigaal soo hibtay arrin maalmahaas dhacday

oo ahayd wasiirkii beeraha ee waqtigaa Marxuun Yaxye X. Ibraahim oo uu xilkii ka qaaday waxa uu yidhi

war ninkii Yaxye ee aanu u dirnay dalka Sacuudiga si uu inooga qaado xayiraadi xoolaha ee uu inagu soo

rogay ayaa intuu Ismaciil Buubaa guri la galay u markhaati furay dhinaca Sacuudiga war ilayn kan oo kale

maynu arag.

Nin naga mid ahaa ayaa cigaal xusuusiyey oo yidhi waa kii golaha ka yidhi ayaamihii aad na magacawday

“ madaxweyne ma teenan yar ayeynu iska aaminaa mise Soomaali ka weyn ayeynu raadsanaa” cigaal

intuu soo booday ayuu yidhi war anigu arrinkaa ma maqlayn ilayn waxbaan ka oran lahaye,ninkale oo

naga mid aha ayaa yidhi madaxweyne markii aanu joognay jabhadii SNM waxa uu aha nin aan la afgaran.

Cigaal ayaa ninki ugu jawaabay bal u kaadi waa waxaan idinku nacaye marka ninka xilka laga qaado ayaad

Page 64: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

tiraahdaan waxaa ayuu ahaa oo aad wax ka sheegtaane markaan magacaabayo cidna wax kam asheegto.

Waxaan ka degnay garoonka diyaaradaha ee Jabuuti cabaar ayaan diyaaradii ku dhex jirnay oo aan ciddi

noo iman iyadoon cidina garoonka aanay nagu sugayn, nasiib wanaag waxay ahayd bilaha hawada

Jabuuti qabowdahay haddi ay kul ahaan lahayd shuf baanu noqon lahayn .anagoo diyaaraddii dhex

fadhina oo is eeg eegayna oo markaas sidii lagu yaqanay Cigaal markuu wax saluugo gacanta timaha dhex

gelinaya oo fekeraya auaa waxaa noo yimi raxan baabuur ah oo diyaaradii soo hoos joogsaday waxaana

ka soo degay Mudane Fagadhe iyo Mudane Siilanyo oo uu la socdo wasiirka Arimaha dibada Jabuuti

Mudane Cali Cabdi sidaas ayaanu baabuurti ku raacnay oo aanu tagnay Hutel Shariton o ku yaal xeebta

Jabuutioo lagu qabanayey shirka IGAD laguna dejiyey Madaxweynayaashi iyo waftigii shirkaa ka qayb

galayey. Wax qolal ah oo loogu talagalay weftigayagu ma jirin, waxaanu ogaanay in Fagdhe iyo Siilaanyo

aanay deganayn Shiriton ee ay degan yihiin hotelka mulac. Cigaal iyo weftigi la socday waxaan

fadhiisanayn kuraasta taalay soo dhawaynta Hutalka, mar danbe ayaa waxaa noo yimi nin carab u eg oo

sita macawisaha ay ku caan yihiin Yamaniintu markaasu salaamay Cigaal kana cudurdaartay in aan waxba

loo sheegin, ninkaa anigu ma garanayn laakin waxa lay sheegay inuu yahay Cabdiraxmaan Boorre oo

markaa hutal Shariton wax kulehaa ama lahaaninkaas oo sheeko danbe dhexmari doonto isaga iyo cigaal.

Laba qol oo aan fiicnayn ayaa dadkii ku jiray laga saaray oo qol la dejiyey Madaxweynihii kii kalena la

wada dejiyey Xoghayntii madaxweynaha oo ahaa C/raxmaan Dalmar, ilaaladii oo ahaa Marxuun Cismaan

Dhalac iyo afhayeenkii Cabdi Idiris weftiga intii kalena meel looma helin oo magaalda ayaam meel aan

degno ka doonanay, galabtii ayaanu ku soo noqonay Shariton halkaas oonu ku qabsanay shirkooban oo

Cigaal noo gudoominayey waxaannu ogaanay in sidii aannu ku soo talagalnay ama wax lanoogu sheegay

aanay arrinku ahayn ee isbedel jiro. Madxweyne cigaal waxaa uu gaadhay go’aan ah in Mudane Caynab

iyo Mudane Ismaciil Shaqale beri aroor ay gaadhi raacan oo tagan Lowyacaddo dhinaca Soomaaliland

halkaas oo ay ku sugayeen baabuurtoodi, aniga iyo Cali aareeyena aan beri ka soo wardoono

Madaxweynaha, subaxdii ayey labadii mudane sidaas ku anbabaxeen dhinacii Soomaaliland, waxa xusid

mudan in wasiirka gaashandhiga iyo taliya ciidanku u socdeen inay la galaan heshiis iskaashi xagga

nabdgelyadda ah wasiirka gaashandhiga Jabuuti iyo Taliyaha ciidanka, waxaa jirtay waqtigaas ka hor inay

dagaalo ka dhici jireen xadka u dhaxeeya labada dal haseyeeshe markii shirkaasi soo dhawaaday in

xiisadii siyaasadeed degtay oo labada dal isu soo dhawaadeen, waxaa jirtay in markaa koox mucaarad ah

oo hubaysan oo Ciise ah kuna kacsan dawladda Jabuuti inay deganaayeen dhinaca xadka Soomaaliland

oo ay dagaalo ku qaadi jireen Jabuuti iyadoo cidamada Jabuutina ay xadka ka so gudbi jireen iyagoo

raadsanay kooxdaas . Markii shirka loo diyaar garoobayey ay dawlada Soomaaliland koxdaas kal dirtay oo

qaar la xidhxidhay qaarna lagu amray inay ka guuraan xadka soomaaliland, maalmihii la kala diray

kooxdaa ayaa waxa la soo xidhiidhay Cigaal niman madax u aha akooxdaa oo ku yidhi “war anagaa idiin

dhaana qoladaa aad nooga hiilnaysane na daaya” sida waxa ku tiraabay madaxweyne cigaal markuu

arkay sida loola dhaqmay weftigiisa. Aroortii xigtay ayaannu shir ku qabsanay qolkii madaxweynaha

waxxannu is waydiinay waxa arrinti aanu ku soo talagalnay bedelay iyo sida ay wax u dhaceen iyo

sidiiaanu yeeli lahayn , labadii wasiir ee naga soo horeeyey waxay isku dayeen inay noo sharxaan sida ay

balantii ku burtay waxayna noo sheegen in uu casumaadda madaxweyne Cigaal ay u fidisay Jabuuti uu

joojiyey Madaxweyne Xasan Guuleed Abtidoon hawsha hore ee casumaadana uu lahaa mud Ismaciil

Cumar Geelle oo markaa aan ahayn madaxweyne laakin nabadgelyadda dalka gacanta ku hayey sidaas

ayey sheegeen inay arrintu u socon wayday, taasi wayna qancin wayday markii hadalkii Aniga igu soo

wareegay ayan idhi arrinka meesha ka dhacay waxa masuul ka ah labadii wasiir ee inaga soo horeeyey

Page 65: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

sababtoo ah markay arkeen in balankii wax ka soo noqday oo is bedel yimi waxay ahayd inay la soo

xidhiidhaan Madaxweynah oo jooga Hargaysa intaanu weftigu soo anbabixin, arrintaas oo lagag

badbaadi laha ceebta iyo weji gabaxa ka dhacay meesha, taas oo sabab u noqotay xidhiidhkii xumaaday

ee labada xakuumadood. Hadalkaygaas may jeclaysan saaxiibaday, waxaanse mar dance maqlay in

madaxweyne Cigaal oo aananu aqoon badan isu lahayn waqtigaas uu aad ugu bogay hadalkayga cad,

xogtaa waxa mardanbe i siiyey Jaamac Saalax Maxamed oo waqtigaa ahaa wasiirka madaxtooyadda oo

aannu mudo badan isnaqaanay ilaa waqtigii caruurnimadda, waxaa uu igu yidhi isagoo ila kaftamaya

Geesow awadaa ayaa Cigaal igu siiyey lacag dhan 2000$(laba kun oo doolar) markii aan waydiiyey

sababtana waxa uu igu yidhi waqti aad ku maqnayd Egland oo aad ku raagtay mudo 4 bilood ah ayaa

Cigaal oo doonaya inuu xilka kaa qaado u soo galay subax, isagoo ogaa inaynu aqoon isu leenahay ayuu

igu yidhi ninkii saaxiibka Gees waa goostay oo xilkii ayaan ka wareejinayaa. Markaas ayaan ku idhi aniguu

ila soo hadlay oo waa soo socdaa waanna kii fasaxa ina soo waydiistay oo aynu siinay waxaanna kula

taliyey cid kuu dhaanta heli maysid ee hayso., sidaasna wuu iga aqbalay, hadda markaad ka soo

noqoteen socdaalkii Jabuuti ayuu iigu mahad naqay taladaydii oo igu yidhi”marbaan nin wayn iga tegi

lahaa” sidaas ayu lacagtana abaal gud iigu siiyey.

Dhawr maalmood o danbe ayaan sii joognay Jabuuti markii shirkii IGAD dhamaaday iyadoo ay Cigaal u

suura gashay inuu gooni gooni ula kulmo qaar ka mid ah Madaxweynayaashi shirka ka soo qatbgalay,

markii weftigii shirka ka qayb galayey ay dhoofeen ayaannu u soo wada guurnay Hutelki Shariton.

Waxaa madaxweyne Cigaal tell u soo diray madaxweyne Xasan Guuleed si ay u dhacdayba Cigaal

telifoonki ayuu qaban waayey, markaas ayuu Xasan u maleeyey in weftigii Cigaal dhoofeen oo hutelka ka

baxeen, waxa uu si deg deg ah u soo diray koox wasiiradiisa ka mid ah oo ku yidhi gaadha intaanay

dhoofin oo iigu keena madaxtooyadda, sidaas ayaa anagoo joogna hutelkii lanoogu yimi oo lanagu

geeyey Qasriga madaxtooyadda Jabuuti halkaas ayaannu kula kulanay Mudane Xasan Guuleed anagoo

dhan, markii soo dhawayntii iyo salantii dhamatay ayaannu waxaannu u banaynay si ay labada

madaxweyne gooni ugu sheekaystaan, waxaa lanna fadhiisiyey qolkale oo ka tirsan qasriga

madaxtooyadda halkaas oo aannu ku sugaynay intay wada hadlayeen waxaa nala joogay Mudane

Ismaaciil Cumar Geelle oo hadda ah madaxweynaha Jabuuti ninkaas oo waqti hore oo aan joogay Jabuuti

xilka wasiirnimo ka hor aan aad u maqli jiray hadal hayntiisa isagoo ku caan ahaa ururinta dhaqanka

soomaaliyeed, halabuurka, dadka waxka qora dhaqanka iyo suugaanta soomaaliyeed, lana hadalhayn

jiray inuu bedeli doono Xasan Guuleed xilka madaxtinimadda dalka. Markaas oo aragti ahaan iigu

horaysay aad ayaan ugu fiirsaday oo aan isha u geliyey waxaan arkay inuu yahay nin gadahayga ah si

caadi ah u labisan sigoo sitay isku jog safari ah garkana aan aad u xiirin waxaa markiiba ku soo jiidanayey

madaxiisa weyn oo timo weyn lahaa oo aan aad u feedhnayn, indhahiisa waaweyn, nin aad wax u

dhagaysanaya oo feejigan, isku kalsooni weynina kaq muuqato, isagoo nala fadhiya ayaa waxa isasoo

dultaagay nin dhalinyaro ah oo sita suudh iyo tay, Ismaciil inta uu uga kacay kursigiisi ayuu kursi kale soo

qaatay, waxaan la yaabay ninka uu Ismaciil sidaa u ixtiramay ninka u yahay, waxaan ogaaday mardanbe

inuu ka mid aha shaqaalaha madaxtooyadda, waqti danbe oo ay ka soo wareegtay 4 sano ayan la kulmay

mar danbe Ismaciil isagoo ah Madaxweynaha Jabuuti waqtigaas oo gurigiisa nagu marti qaaday qado iyo

barje ayey ii muuqatay fiicnaantiisa iyo caqli badnaantiisa waxa uu ku hadla 7 luqadood oo kala ah

Somali, Carabi, Faransiis, Ingiriisi, Canfar, Amxaari iyo Oramo,. Nin siyaasi ah ayaa waxa uu ku tilmaamay

Page 66: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

inuu yahay Madaxweynaha ugu caqliga badan uguna xariifsan madaxda Geeska Afruka.waxaannu dib ugu

soo noqonay magaallada Hargaysa 19 march 1998 anagoo shan maalmood Jabuuti joognay waxaa uu

noo sheegay Cigaal in Xasan Guuleed markii ay wada hadleen uu ka balan qaaday in uu mudo dhaw ku

casumi doono tuuladda u ku raaxaysto ee Carta, ayaan darro dib isumay arag intii u xilka madaxweynaha

si hayey Xasan. Markii weftigu hargaysa ku soo noqday waxa u Cigaal kala hadlay dadweynaha reer

Hargaysa khayriyadda halkas oo ilaa 1958 dadka kal hadli jiray siduu noo sheegay, waxa uu ka hadlay wixii

naga qabsaday Jabuuti iyo shirkii IGAD, waxaa uu ku qaadqaaday oo u ku talax tegay madaxda IGAD

isagoo mid mid u soo qaaday, waxaannu ku dooday inay nimankaas intooda badani yihiin dhalinyaro aan

waxba kal socon arimaha Soomaalida iyaguna aan dhexdooda isku fiicnayn, dadkii arrinkaa wax ka

garanayeyna albabadda laga xidhay khudbad dheer ayuu halka la maray isagoon madaxdii IGAD aan kal

reebin .

Si ay u dhacdayba mudo yar ka dib ayuu Cigaal martiqaad ka helay dawlada Itoobiya mar labaad ayaa

aniguna aan ka mid noqday wefti raacaya Madaxweynaha waxaannu ka dhoofnay Hargaysa 5 may 1998

waxaa weftiga madaxweynah raacay ka koobnayeen aniga Gees oo aha wasiirka Qorshaynta Fagadhe

wasiirka A/dibada iyo Cali Warancadde wasiirka H/guud si wayn aya lanoogu soo dhaweeyey magaaladda

Adisababa waxaana lana dejiyey Hilton Adisababa. Aniga iyo Warancade waxaanu la kulanay wasiirka

ganacsiga Itoobiya oo markaas isku hayey dhawr wasaaradood oo hoos imanayey, waxaa xusid mudan

Anigu waxaan siday qoraal aan ku soo samaynay wasaardii Qorshaynta oo ahayd sii diyaar garow ku

saabsan waxaan ka wada hadli lahayn anaga iyo Itoobiya, barmaamijkaas aan ula tagnay waxaa ka mid

ahaa in dawlada Itoobiya deeq u raadiso dhismaha wadada isku xidha Jigjiga iyo Kalabaydh, in telefoonka

Micro-wave laysku xidho, in diyaarada Itobiya Airline timaado Hargaysa waqtigaa Daallo keliya ayaa isku

xidhi jirtay, in dhinaca Boosaha layska kaashado, iyo in korontada Itoobiya la soo gaarsiyo Soomaaliland

iyo in dekada Berbera isticmaalaan oo wax kala soo degaan, si arrimahaasi u hirgalaan in Baanka Itoobiya

iyo shirkadahooda Caymisku Hargaysa ka furtaan xafiisyo, arrimahaas oo dhan waa laysku raacay

markaas aye bilaaban tay iskaashiga labada dal arrimahaas qaar ayaa hirgalay qaarna weli way taagan

yihiin. Maalintii danbe markii Madaxweyne Cigaal arkayey ra’iisal wasaare Males zanawi waxaa u tegay

Cigaal iyo Fagadhe oo keliya, markii aanu waydiinay Fagadhe siday arrinkasi u dhacay waxa uu nagu yidhi

waa laydin waayey aniga iyo warancadde, anaguna waxaannu joognay qolalkayaga huteelka cidna nooma

iman, arrinkaa Aniga iyo Warancadde aad ayaannu uga xumaanay waxaanu u qaadanay in uu ogaan u

sameeyey Fagadhe isagoo noo hayey hab maamuuska. Anagoo weli ku sugan Adisababa ayaa maalin

waxa uu noo sheegay Cigaal intuu Aniga iyo Fagadhe noogu yeedhay qolkiisa in Safiirka Ingiriiska u jooga

Itoobiya uu martiqaad qado noogu sameeyey gurigiisa, waxa uu nagu yidhi anigu tegimaayo dhawr goor

oo horena waan is aragnay oo waxa uu igu soo kordhinayaa ma jirto ee labadiinu u taga, arrintaasi aad

iyo aad ayey iiga yaabisay waanna garan waayey sababta uu cigaal u tegi waayey martiqaadka safiirka

Ingiriiska, arrinkaas gadaal ayaan ka ogaaday si dadban.

Waxaa waqtigaas Jabuuti tegay Cali sh Aaraye oo ka keenay mucaawino ka kooban baabuur qaboojiye ah

iyo cagafcagaf iyo xooga dirays ah oo dawlada Jabuuti ku deeqday markaas oo roobab duufaano wataa ka

da’een Saylac oo ay wax yeeleen, golaha wasiiradda ayuu Cali ka sheegay deeqdaa uu ka keenay Jabuuti

isagoo ku bushaaraynaya, Cigaal intuu ku qoslay ayuu yidhi Caliyow wax ka weyn a xooggaa diraysa ayey

Jabuuti ina tari kartaa haddii ay doonayso. Waxan ogaaday in uu Cigaal qoraalo badan kula xidhiidhay

Page 67: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

dawlada Ingiriiska oo gumaysan jirtay Soomaaliland mudo 80 sano ah oo dad badan oo reer

soomaaliland ahina ay ku waayeen naftoodi iyagoo u dagaalamaya dawlada ingriiska dagaalkii labaad ee

dunida iyo Jabuuti oo uu af iyo adinba ula tegay si kasta ha ahaate labadaas wadan oo uu aad isugu

halaynayey inay wax kala qabtaan arrimaha Somaliland nasiib daro labadaba siduu ka filanayey kama

helin sidaas awgeed niyad jab ayaa kaga dhacay dhacdooyinkaa ayaa ku kalifay in uu qadadii safiirka tegi

waayo. Waxa kale oo aan maqlay oo ah sheeko dadka badan oo reer soomaliland ahi aaminsan yihiin

lkaakiin aanan hubin xaqiiqdeeda oo oranaysa sababta mar labaad Cigaal loo xidhay oo jeelka loogu

taxaabay waqtigii Siyaad marr uu Cigaal safiir ka ahaa dalka Hindiya 1975-76 waxay sheekadaasi

oranaysaa xadhigaasi waxa uu la xidhiidhay arrin ku saabsan dalka Jabuuti oo ah Mudane Xasan Guuleed

aya waqtiga Cigaal safiirka aha booqday Hindiya isagoo u olalaynay gobanimadda Jabuuti waxaa uu

Cigaal kula taliyey Xasan inaanu waxba Soomali wayn ku soo biirin ee uu madaxbanaanidiisa gooni u

haysto arrinkaas ayaa Cigaal uu ku soo dacweeyey ninkii safaarada uga hooseeyey oo la oran jiray Ina

Yusuf Mareexan sidaasana mar labaad cigaal lagu xidhay, iima suurta gelin in aan Cigaal arrinkaa ka

hubiyo markii danbe ee aannu aad isu baranay oo uu iiga sheekayn jiray taariikhdiisa iyo tan Soomaalida ,

mar uu arrimaha Jabuuti ka hadlayey waxa uu ii sheegay markii uu ahaa Ra’iisal wasaaraha ka ahaa

soomaliya 1968 uu socdaal ku tegay wadanka Faransiiska Pris uu la kulmay ra’iisal wasaarihii waqtigaa

Mr Diigool hadalkii dhex maray waqtigaa ayaa madaxnimada Jabuuti siisay Ciisaha hadii aanan la kulmin

weligii Cali Caaraf iyo danaakiladda aya xukunka hayn laha, si kasta ha ahaatee Cigaal quus ayuu ka

joogay labdaa dal Jabuuti iyo Egland oo dad badani isku halaynayaan. Mar Mudane Ismaciil Cumar Geelle

uu waraysi siiyey wargays ka soo baxa Jabuuti oo ay dawladu leedahay oo la dhaho Qaran ama Nation

waqti uu cilaaqaadka Soomaliland iyo Jabuutiaad u xumaaday ka dib shirkii Carta ee lagu soo dhisay

waxa loogu yeedhay dawladda ku meelgaarka ah ee Soomaliya waxa uu yidhi Madaxweyne Ismaciil

qolada walaalahayo ee reer Soomaliland waxay na weydiisteen ictiraaf marka aannu niraahno kari mayno

cadho ayey jiq iska siiyaa. Mar danbe oo aan la kulmay nin la taliyeu ahaa Madaxweynaha Jabuuti oo aan

sheekaysanay ayaa ii sii jilciyey waraysiga madaxweynaha waxa uu igu yidhi dawladan Jabuuti waa

dawlad yar oo aan nafuud ama awood badan ku lahayn aduunka kana qaadata dawlado badan deeqo iyo

mucaawinooyin sidaa darteed kama hor iman karno go’aamadaurur dawleedyadda sida

ururkaJaamacada Carabta, Golaha Amaanka ee qarammada midoobay, ururka Midowga Afrika, ururka

dawladaha Islaamka kuwaas oo ka soo wada horjeeda kala go’a Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ee

burburtay, wax aan naga suurtoobayn ayaad nagu duducaysaan, gaar ahaan dalalka Carabta oo aanu

xidhiidh sokeeye leenahay marna ma ogola nin dawladii soomaliyeed la kala gooyo anaguna kama hor

iman karno sababtoo ah anagaa u baahan sidaas ayey noogu dudayaan walaalahayaga Soomaliland oo ay

u fahmi waayeen mawqifkayaga. Cigaal waxa uu culays dheeraad ah siiyey wadanka Talyaaniga, dalkaas

oo ay dadka reer Somaliland aad u neceb yihiin haseyeeshe waxa u cigaal aaminsanaa in uu yahay dalka

qudha ee dib u dhiska Soomaliland iyo soomaaliyaba wax ka qaban kara tiroba laba goor ayuu tegay

dalkaa talyaaniga haseyeeshe kuma guulaysan arrinkaas, waxaase markhaati ma doonto ah in mar hore

iyo hadaba deeqda ugu weyn ee la siiyo dalki laysku oran jiray Soomaliya ay bixiso dawlada Talyaanigu.

Madxweyne Cigaal shaxda siyaasada dibada waxa u ku aha farshaxan weyn sida loo ciyaaro ayuu aad u

yaqaanay mudadii uu soomaliya ra’iisal wasaaraha ka noqday waxaa u noqday iyadoo soomalya meel

walba colaadi kaga socoto ayuu furfuray oo xidhiidh la yeeshay Itoobiya, Kiinya iyo Faransiiska oo

waqtigaa ay ka talin jireen niman aad aduunka looga tixgeliyo sida Joma keenyate, Xayla salaase iyo

Page 68: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

Diigool ragaas oo ay madxdii ka horeeyey ee reer koonfureed isku dhereriyeen oo ay dagaalo ku qaadeen

iyadoo la doonaya dhul waynaha ay dad soomalidu degto siyaasiyiinta oo garaadkoodu aad u hoosayey,

cigaal siyaasadoodi mid ka duwan ayuu jeexay oo madxdaas ayuu xidhiidh fiican la samaystay kuwaas oo

uga marag furay siyaasadiisa iyo firfircoonaantiisa wax garad waqtigiii uu dalka xukumayey 1967-69.

Waftigayagii waxa uu Hargaysa ku soo noqday 9 may 1998.

Dawlada masaarida ayaa qabatay shir ah dib u heshiisiin Soomaaliyeed kuna qabatay magaaldda Qaahira

horaantii sanadkii 1998 sida aadla socotaan. Safiir ka socda dawlada Masaarida ayaa socdaal ku yimi

hargaysa oo la kulmay madaxweyne Cigaal oo u sheegay in uu ka soo qaybgalo shirka Soomalida ee

Qaahira, Cigaal ma jeclaysan sida uu hadalka u yidhi Safiirku dabadeedna is afgarad la’aan ayaa lagu kal

tegay, sidaas awgeed dawladaha Carabta oo ay u horayso Masaridu waxay u qaadeen Soomaliland colaad

mudo ayaa sidaas loo kale xidhnaa. Hadaba markii shirkii IGAD lagu guuldaraystay qoladii IGAD oo ay

Itoobiya hogaaminayso iyagana waa uu ku laaday oo waxa uu ku yidhi “ arrinka Soomaalida waxay Masar

Iyo Itoobiya ka dhigteen arrin ay iyagu ku feedhtamaan” taas ayaa keentay martiqaadka Itoobiya si loo

mustafeeyo Cigaal.

Madaxda ururka midowga afrika (AOU) waxauu u xilsaaray arrimaha soomalida urur gobaleedka IGAD,

Itoobiya way ka fogaysay Masaarida inay faraha la soo gashomar haddii aanay iyaddu ku jirin ururkaas,

Masaariduna waxay isticmaashay ururka Jaamacadda Carabta iyo kan Islaamka si ay Soomalida faraha ula

soo gasho, markii xaalku halkaa gaadhay ayaa dawlada Talyaanigu isku dayday inay labada qolo isu soo

dhawayso, waxayna samaysay waxay ugu magacdareen ururka IGAD iyo saaxiibadii taas oo ah in ururkii

IGAD lagu daray dalal daneeya arrimaha Soomaaliya oo ahaa Jamacada Carabta, ururka Islaamka iyo

urirka EU dalalka Masar, Yamen Iyo Talyaaniga.

Waxaa loo soo diray wefti dalkii laysku oran jiray Soomaliya 1998 weftigaas oo ahaa IGAD iyo

saaxiibadiiuuna madax u aha aagaasimaha waaxda Afrika ee wasaarada Arimaha Dibada ee Itoobiyaoo

hadana ah safiirka Itoobiya u fadhiya dalka Jarmalka, weftigaas oo soo maray meelo dhawr ah oo

soomaliya ah ayaa soo gaadhay Hargaysa waxaannu la socday aragti siyaasadeed oo la yiraahdo (building

blocks) oo ah in qoladii ama kooxdi nabad samaysata halkeeda wax loogu qabto sida Soomaliland,

Puntland, Jubaland, Hiiraanland IWM hadhowna maamuladaas la wada hadalsiiyo. Nooca ay wateen

waxay ka soo horjeeday shirka Qaahira oo doonayey in mar qudha la sameyo dawlad dhexe o

soomaaliyeed. Weftigu waxaa uu ka koobnaa safiiro ka socda dhamaan wadamadda IGAD sida Itoobiya,

Jabuuti, Kiinya, Suudaan, Erateriya, iyo Ugaandha,

Cigaal gudi aan ku jiro ayuu u xilsaaray mawqifka ay dawlada Soomaliland ka qaadanayso weftigaa isagoo

Draft noo soo qoray ku sabsan arrinkaas ay la socdaan iyo taladiisa, hadaba inkastoo arrinka ay la

socdeen uu ahaa mid inoo danaynayey hadana waxaa u cuntami waayey isbarbar dhiga layna

barbardhigay maamulada kale ee ka jiray Somaliya. Waxaa uu ku adkaystay in mawqifka Soomaliland

gooni ka ahaado kan soomalida kale, waxaase uu ku dheeraaday wax ka sheega ururka IGAD oo uu ka

soo dhigay urur xaaraan ah oo karti uu wax ku qabto lahayn, oo wadamada ku jiraa ay dhamaantood

wada col yihiin qaarna dagaalo ka dhex socdaan, waxaa uu ku dheeraaday sida ay wax u heshiisiin karaan

kuwa aan iyaguba heshiis ahayn.

Page 69: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

Gudigayagii waxaan ku dhiiranay in aan wx ka bedelno Drafkii Cigaal qayb ka mid ah oo uu ku talaxtegay

wax ka sheega Jabuuti, isna marki aannu ku celinay aarinka waa nagu raacay waana uu ku qancay in

qodobkaa laga reebo, weftigii IGAD iyo saaxiibadii waxannu la shirnay gelin danbe shantii galabnimo (5

pm) dhinaca Soomaliland waxaa uga qayb galay gudigii wasiirada ee loo xilsaaray, Madaxweynaha iyo

m/ku xigeenka iyo shirgudoonadaa labda gole (Guurtiga& Wakiilada) halkaas waxaa uu Cigaal ka akhriyey

qoraalkii rasmiga ahaa ee qeexayey mawqifka Soomaliland oo ahaa mid lagu gacan shaydhay qorshahii

ay weftigu wateen.waxaa casho sharaf loogu sameeyey habeenki Qasriga Madaxtooyadda oo ay uga soo

qaybgaleen madaxda hay’adaha ajanebiga ah ee jooga Hargaysa dad badan ka mid aha wax garadka iyo

odayaasha Soomaaliland

Waxaan xusuusta waxanu miis wada fadhiisanay habeenkaas mudane Maxamed Muuse Cawaale wasiirkii

Deegaanka iyo ninka u qaabilsanaa EU (commissioner) Soomaaliya oo ahaa nin u dhashay dalka

Burtuqiiska, ninkaas anagoo sheekaysanayna ayaan waxaan u timaamay dhawr qof oo ka mid ahaa dadkii

reer Soomaliland ee habeenka cashada ka soo qayb galay waxaa ka mid ahaa Maxamed Xawaadle Madar

oo aan ku idhi waa Ra’iisal wasaarihii u danbeeyey ee dawladii Soomaliya iyo Axmed maxamed Aadan

(qaybe) oo aan ku idhi waa wasiirkii Arimaha dibada ee u danbeeyey dawladii Soomaliya. Ninkaas

Bortaqiiska ahi oo ahaa Nin kaftan badan waxaa uu nagu yidhi waxaannu ogaanay in dawladii Maxamed

Siyaad ee soomaliya waxa waday ay ahaayeen reer Soomaliland sababtoo ah markii ay burburtay ee aad

xagan u soo qaxdeen waa idinkan maamulka samaystay, qoladii reer Koonfureed waxba samaysan Kari

waaye. Waxaannu isku daynay Hiiraan oo ay nabadi ka jirto in aanu maamul u samayno oo dhaqaale

badan ayaanu gelinay haddii aanu nahay EU waxay dhaafi kari waayeen Maxkamado Islaami ah wax ka

badan way awoodi kari waayeen inay samaystaan, maalin dhawayd oo aan booqasho ku tegay iyadoo

Badhasaabkii aan la socdo oo uu magaalda I tustusayo ayaanu ku soo baxnay dad ay Maxkamadii

karbaashayso markaas ayuu iga xishooday oo wax uuu ii sheego garan waayey, waxaanna uu raaciyey

Soomalida koonfureed haddii aan maamul loo samayn waxay noqonaysaa xurun hubka iyo daroogada

lagu kal iibsado, waqtigaa ma ay jirin AL-Qaacida iyo Argagixiso ee wuu ku dari lahaa waayo webiyadii iyo

kanaaladii la sameeyey cid lacag ma geliso. Waxa uu hadalkiisi ku soo gunaanaday haddii aydinaan idinku

reer Soomaliland ku noqon maamul uma samaysmayo sidaas awgeed waxa uu Caalamku aqoonsaday in

aad ka mid noqotaan Soomaliya oo aan laydin Ictiraafin. Arrinkaasi waa naga yaabiyey waannu kala garan

waynay in uu nala kaftamayey iyo in run tahay waxaa uu noo sheegay si kasta ha noqotee xubnigii

weftiga la socday ee ka socday wadamadda Yaman, Masar iyo Jaamacada Carabtu go’aankaa lagu gacan

saydhay weftigaa aad ayey ugu diirsadeen.

Mudo yar ka dibna waa arrinkii dhaliyey in Madaxweyne Cigaal martiqaad rasmi ah ka helo dalalka Masar

iyo Yaman waxaa halkaa ku jira arrin yaab ah oo markii hore Cigaal waxaa uu u hiiliyey IGAD oo carabta

waa ku laaday hadana IGAD ayuu ku laadan oo Carabtuu soo dhaweeyey, isdaas ayuu isugu ciyaarsiin

jiray hadba labadii qolo ee is haysata. Waa danbe waxaan la kulmay khabiir Itoobiyaan ah oo wadankii

Soomalia la oran jiray buugaag iyo qoraalo ka qoray oo xog aad ah u hayey waxa uu ii sheegay in dawlada

Itoobiya Madaxweyne Cigaal aad iyo aad uga danbayn jirtay iskana ay ilaalin jireen inay ku gefaan waayo

waa nin waxkala dooran kara ama leh (choices) sidaas ayuu maalinba dhinacay u badinayso kubada ugu

laadi jiray

MAAMUL FIDINTII

Page 70: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

Mudadii uu socday dagaalkii sokeeye 1994-96 waxaa maamulka dawlada Soomaliland ku ekaa dhinaca

bari degmada Sheekh, hadaba sandkii 1996 markii la isugu yimi shir weynihii beelaha Soomaliland ee

lagu soo afjaray colaada sokeeye dibna loogu doortay Madaxweyne Cigaal oo aan anigana ka noqday

wasiirka W/ Qorshaynta waxaa xukuumadda soo food saartay xaalad beni-aadanimo oo xun oo ka

muuqatay magaaladii Burco oo ahayd magaalada labaad ee dalka waxaa naafeeyey dagaaladii sokeeye

waxay ahayd meel beelihii wada daganaa u kala qaxeen Oodweyne iyo Yiroowe, waxaa burburay

adeegyadii bulshada sida goobihii waxbarashada, cafimaadka xafiisyadii dawlada , booliiska iyo wixii

ummada ka dhaxeeyey oo dhan. Magaalada waxaa dhextaalay kumanaan miino ah meesha noocaas ah

ayey dadkii ku soo qamaameen oo ay dib u soo degeen markii la heshiiyey, waxay noqotay meel xerro

dhiig ah oo ay maalin walba ka dhacaan dilal iyo dad ay miino ku qaraxday iyadoo dhakhtar iyo ciidankii

nabadgalyadu midna aannu jirin. Maanta magaaldii burco waa magaalo dhisan oo horumar fiican

gaadhay waxaa laga dhisay Huteelo waaweyn, guryo waaweyn, waxaa jooga 4 shirkadood oo isgaarsiin,

waxay leedahay nal, biyo , dhakhtar, xaga waxbarashada waxaa xitaa laga furay jaamacad, hadaba siday

dhakhsaha ugu soo kabatay ayaa ah wax musjiso ah, waxayna tusaale u noqonaysa adkaysiga, isku

filnaashaha iyo kartida umadda Soomaliland, waxaa mudnaanta kowaad leh dadweynaha reer Burco ee

dalka iyo dibadaba jooga, D/hoose ee Burco oo madaxa ka ahaa Moyar Maxamed Xuseen, masuuliyiinta

D/dhexe iyo Madaxweyne Cigaal oo mar walba ku dadaaalayey nabad ku wada noolaashaha

dadweynaha reer Burco dhaqaale badan ku bixiyey arrinkaas. Wasaaradda Qorshayntu waxay ka qayb

qaadatay isku dubaridka hay’adaha sidii loogu dhiirigelin lahaa inay tagaan burco hawlana ay ka

bilaabaan. Waxaa hawshaa gacan weyn naga siisay hay’adda HABITAT ee UN. Waxaa iyana

muhiimadeeda weyn lahayd haddii aan miinada laga safayn magaaladda inaanay dadku ku soo noqon

Karin. Madaxweyne Cigaal ayaa dhawr jeer ka codsaday hay’ada UNDP inay arinkaas wax ka qabato

laakiin way ka madax adkaysatay iyadoo marmarsiiyo ka dhiganaysay miisaaniyad uma hayno hawshaas,

markii xaalku halkaa marayey ayaa Cigaal waxaa uu dalka ka eryey wakiilkii UNDP ee hargaysa u joogay

waxaannu ka mamnuucay inay dalka soo galaan madaxdii hay’adaas ee joogay Nayroobi. Cigaal arrinkaas

waa ka noqday markii ay UNDP ogolaatay inay Burco miinada ka saarto taas oo ay shirkad South African

ay soo kiraysteen si ay hawshaas u bilowdo. Hadaba intaan hawshaas la fulin ayaa waxay soo bandhigtay

UNDP heshiis ku saabsan arrinkaas oo ay la gelayso dawlada Soomaliland waxayna ahayd inay heshiiska

dhinaca Sooamliland u saxeexan wasaaradaaha Qorshaynta iyo Gaashandhiga oo ahayd wasaarada

hawsha loo qabanayey oo uu markaas wasiir ka ahaa Eng: Caynab markaas oo hay’ada miino saarka

Qaranka la hoos geeyey gaashandhiga oo laga wereejiyey wasarada Dib u dejinta si askar ciidanka

qaranka ka mid ah loogu tababaro hawsha miino saarka oo ciidanku yeeshan qayb hawshaas qaabilsan si

aynaan cid dibadeed ugu baahan nasiib darro muda yar ka dib ayaa nin madax ka ahaan jiray hay’ada

miino saarka oo xilkii laga qaaday ayaa xafiiska UNta ee Newyork fax u diray uu ku sheegayo in

macaawinaddi UN ta Soomaliland ay ciidamo ku tababaranayso. Markaas ayaa lala soo xidhiidhay

madaxdii UN ta ee Nayroobi joogay oo aarinkaas la soo weydiiyey, markii xaalku sidaa noqday aya mar

labaad hay’adii miino sarka la hoos geeyey wasaarada Dibu dejinta ujeedadii laga lahana halkaas ayey ku

burburtay, hadana hay’ad walbaa iyadaa cid shaqalaysata oo u tababarata sida DDG iyo Hallo Trust

dadkaas oo suuqa gala marka shaqadu ka dhamaato,.

Hadaba heshiiskii aanu saxeexaynay Aniga Gees iyo Caynab waxaa ku jiray qodob oranayey 3 bilood ee

hore cidda hawshaas wax ku noqotaa wax magdhaw ah kuma laha hay’ada UNDP, qodobkaasi waa nagu

Page 71: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

adkaaday mashruucuna waxa uu ku xidhan yahay in heshiiska la saxeexo, Cigaal iyo hay’aduna halkay kale

joogeen waannu ogayn isku dhac danbena ma aanu rabin, sidaa awgeed ayaanu aniga Gees iyo Caynab

anagoo cidna la tashan saxeexnay heshiiskii oo nidhi cida wax ku noqota mudadaas waxa bixinaysa

xukuumadda Soomaliland, sidaas ayaa shaqadii lagu bilaabay oo miinadii lagaga saaray Burco taasina

waxay sababtay inay dalka yimaadaan hay’ado kale oo miino saar. Waxaa iyana garab socotay hawshaa

hawl maamul fidin ah oo maamul loo samaynayo labadaas gobal ee Sanaag iyo Togdheer. Hawshaas laba

wefti oo ka kooban Wasiiro, Xildhibaano iyo madaxda kale ee dalka ayaa loo kala diray labada gobol

Weftiga Togdheer waxaa hogaaminayey Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo wasiirki Maaliyadda

waxaana ka mid ahaa Cabdi Aw Daahir wasiirkii Caafimaadka, Daahir sh. Maxamuud Wasiirkii

Waxbarashada, Maxamed X warsame, Cali sh Aareye, C/rashiid Ducaale Qanbi iyo Bashiir X Xasan Geelle

iyo xildhibaano iyo madax kale.

Weftiga Sanaag waxaa hogaaminayey Jamac Saalax Maxmed wasiirkii Madaxtooyadda waxaa ka mid

ahaa Maxamuud Saalax Nuur w/ Arrimaha Dibada, Maxamed Sacviid Gees Wasiirkii Qorshaynta

Maxamed Muuse Cawaale wasiirki Degaanka, Cabdilaahi Maxamed Ducaale wasiirkii duulista hawada,

Maxamed Faarax Jaahweyn wasiiru Dawlihii A/gudaha, Cawl Suldaan Maxamuud W/xigeenkii Xanaanada

xoolaha, Xuseen Faarax Doodi w/ xigeenkii Maaliyadda, , iyo xildhibaano iyo madax kale.

Labadas kooxood waxaa loo diray inay maamul u soo sameeyaan labadaas gobol ayna ciidan beeleedka

soo qarameeyaan oo soo dhisaan ciidan qaran, hawshaas oo bilaabantay bishii 6 june socotayna ilaa

bisha 10 October 1998 waxaa dhidibada loo soo taagay maamulka D/hoose iyo ka D/dhexe ee labadaas

gobol iyadoo lasoo qarameeyey ciidan ka badan 4000 askari. Waxaa xusid mudan waqtigaa in dhoofkii

xoolaha nool xayiraadi saarnayd kaas oo ahaa lafdhabrka dhaqaalaha dalka oo wiiqday wax qabadkii

xukuumadda, waxaa yaab lahaa sida lo hirgeliyey barmaamijka intaa baaxad le’ag iyadoo aanu dhaqaale

jirin. Mar aan arrinkaas kala sheekaystay mudane Siilaanyo oo ahaa wasiirki maaliyadda waxa uu igu

yidhi “war nin ka dhiiran ina Cigaal ma arag waayo xoolahii oo la joojiyey dhaqaalihii oo hoosta galay

ayuu hawshaas galay xagguu ka keenaya kharashkaas” waxaa hadaba xiiso leh in kharashkaas uu Cigaal

ka sii hormarsaday shirkada Total ee dayactiraysay haamaha shidaalka Berbera oo lagana kireeyey,

arrinta shirkadaas Tootal oo dalka sheeko badan ku reebtay oo mucaaradku had iyo goor ku doodi jireen

in Cigaal lacag ka qaatay iyada oo aan la ogayn meel uu lacagtaa geeyey arrinkaa soomalida ka

maahmaahday “ Allow nimaan wax ogayn ha caadaabin’

Anigu waxaan ka mid noqday kooxdii wasiirada ee ka hawlgalay Sanaag waxaan tegay Ceerigaaabo

halkaas oo ay iigu danbaysay 5 sano ka hor markii aan ka qaybgalayey shirkii nabadaynta beelaha Sanaag

ee aan hore uga soo sheekeeyey halkaas waxaannu joognay 5 bilood waxaannu Hargaysa ku soo noqonay

anagoo soo dhisnay Ciidan qaran, Maamulkii gobalka iyo kii degmooyinka soo dhaqaajinay, haseyeeshe

hawshaasi ma sahlanayn, waxaannu soo bilownay qaadista cashuuraha D/dhexe iyo tan D/hoose

hawshaas waxaa ku dhintay hal askari, dad shicibah iyo askarina waa ku dhaawacmeen, guri waa lagu

dumiyey, dad waa lagu xidhxidhay si ay hawshaasi u fusho, baabuurna waa lanaga dhacay inkastoo

markii danbe lanoo soo celiyey

Waxaa nagu soo maray intii aannu halkaas joognay arrimo aan la ilaawi Karin, waxaa dhacday inaanu la

Page 72: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

kulanay arrimo shaqaaqo dil ah oo dhexmartay laba ardaa oo wada degan Ceerigaaabo kuwaas oo mar

horena isku dhacay oo kala ahaa ardaa ka tirsan beesha H/yoonis iyo mid ka tirsan beesha H/jeclo heshiis

ayaa hore loogu sameeyey ahaa in cidii wax danbe gaysataa ay keenayaan gacan ku dhiiglaha ayna

bixiyaan lacag ganaax ah (boon) oo halkaa taagan ayuu ku soo beegmay weftigu, gacanta danbe ama

dilka danbe waxaa geystay ardaaga H/jeclo, ardaaga H/yoonis oo uu ka dhintay ninka danbena waxaa uu

ku adkaystay in ninkii dilka geystay la keeno sidii uu ahaa heshiisku , sidaas ayaa ardaagi H/jeclo lagu

khasbay inay keenaan ninkii markii ay ka dhego adaygeena waxaa laga xidhay odayaal dhawr ah, ciidan

Booliis ahna waa lagu saaray meeshii ninka lagu tilmamay inta cid garanaysa lagu daray, laakiin waxba

may soo qaban, anaguna ma aanu filayn in la soo qabanayo laakiin ardaaga kale ayaanu madaxa ugu

buuxinaynay in la soo qabto xadhiga iyo booliisku waxay ahayd arrin (psychology) ahaan wax ka taraysay

heshiiska beelaha sababtoo ah dhaqanka Soomalida xadhiga iyo jeelka way neceb yihiin.

Arrinkii waxaannu ku soo gabagabynay in ardaagii wax dilay ay bixiyaan mag dheeri ah iyo lacagtii

ganaaxa oo dhamayd (100.000,000 sh So) 100 malyan oo aha shilinkii Soomaliga, waxa kale oo aanu hoos

ahaan lacag u siinay odaygii dhalay ninkii la dilay si aanu u samir siino isagoo lahaa wiilka oo keliya.

Ardagi H/jeclo waxannu kula balanay inay lacagta ganaaxa hada bixiyaan si aannu hawsha u furdaamino

magtuse geed ka go’an ayey ahayd oo waa laga balamayey, sidaas ayey ku bixiyeen lacagtii ganaaxa

ahayd iyagana dawlada ayaa mardanbe dib ugu celisay sidaad oo kale marar badan ayey dawladu

beelaha ka bixisay mago iyo ganaaxyo si loo ilaaliyo nabada iyo wada noolashaha bulsha weynta

Soomaalialnd sababtoo ah nabada ayaa wax walba laga horumarin jiray sidaas ayeyna Soomaaliland ku

horumartay iyadoo nabada loo huri jiray naf iyo maalba.

Waxaa iyana xusid mudan sida lagu bilaabay cashuuraha gobalka Sanaag kan D/dhex iyo tan dawaladda

hooseba.waxaannu u yeedhnay ninkii jaadka Ceerigaaabo wakiilka ka ahaa oo nidhi imisa ayaad cashuur

na siin kartaa waxaa uu noo sheegay in uu iibiyo 100 marduuf maalintii uuna na siinayo halkii marduufba

1000 (kun shilin oo soomali ah) waan ka aqbalnay, waxa kale oo aanu u yeedhanay ganacsatada kale ee

wax kala soo degta xeebta maydh xoolahana ka dhoofisa iyagana waxaanu kula heshiinay intay

awoodayeen taas oo ahayd 1/3 cashuurta laga qaado dalka , markii aanu helnay cashuuraha ayaanu

amaahanay laba gaadhi oo ahaa Landrover oo aanu saarnay askar ah ilaalo ah oo habeenkii magaalada

wareega taas oo wax weyn ka tartay tuugo waqtigaa magaaladu qaati ka joogeen anagoo u qornay

askartaa lacag masaariif ah iyo shidaal laga siinayo lacagta cashuurta ah ee la ururinayo.

Madaxweynaha ayaanu arrinkas u soo bandhignay cashuur jebinta ah isna waa naga aqbalay, sanad iyo

badh ka dib cashuurihii kor ayaa loo qaaday oo cashuuraha dalka waa la mideeyey oo waa la simay

cashuuraha dalkoo dhan,

Waxa kale oo iyana aan xusuusta markii aanu qaramaynay ciidan beeleedkii waxaannu isugu geynay 600

askari meesha la yirqaahdo Biyo guduud anagoo isku dhafnay oo u samaynay ururo iyo horjoogayaal

ciidamadaas oo aahaa ciidan beeleedyadii oo wata hubkoodii fududaa iyo tiknikadoodaba oo aan hore

meel isugu iman jirin, halkaas ayaa tababar loogu bilabay oo loogu dhisay xafiisyadii, aqaladii ay seexan

lahaayeen iyagoo qotay ceelkii ay ka cabi lahaayeen taas oo dadki degaankana anfacday iyagoo

samaystay muufadii ay ku duban lahaayeen rootiga kaas oo ka fiicnayd kii magaalada lagu cuni jiray.

Anaguna waxaannu u geynay mashiinkii nalka iyo saxanka dishka si ay uga daawadaan oo ay ugu hamiyan

Page 73: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

horumarka ay gaadheen dadka dunida kula nool oo ay uga baxaan nolashii day-daynimada .

sidaas si le’eg aye weftigii Burcana u soo sameeyeen maamulkii Gobalka iyo degmooyinka iyo ciidan

qaran oo aanu ku soo wada noqonay Hargaysa

Intii aan Ceerigaaabo joognay mar aan ku soo noqday Hargaysa waxan ka mid noqday guddi wasiiro ah

oo loo qorsheeyey inay ka qayb galaan kulan saddex geesood ah oo dhex marayey xukuumada iyo labada

gole ee Guurtiga iyo wakiiladda oo lagaga arrinsanayey dib u habaynta Distoorka sidii hore loogu taliyey

shir weynihii beelaha soomaliland ee Hargaysa wasiiradda hawshaas loo xulay waxay ahaayeen Axmed

Maxemed Siilaanyo wasiirkii maaliyadda, Cumar Maxamed Nimcaale wasiirkii A/ gudaha, Rashiid Xaaji

Cabdilaahi wasiirkii gaashandhiga, Muuse Xaaji Maxamed (Inji) wasiirkii beeraha iyo Maxamed Saciid

Gees wasiirkii qorshaynta kulankaasi waxa uu ka dhacay guriga Goodirka loo yaqaano ee Maxkamadda

Sare waxaa shirkaa kka qayb galay Madaxweyne Cigaal, shanta wasiir, labada shirgudoon ee golayaasha

Guurtiga iyo wakiilada iyo dhamaan xildhibaanada labada gole shirkaas oo ku saabsana dib u habaynta

distoorka iyo xogwaran au dawladu siinaysay labada gole. Waxaa hadalkii bilaabay Mudane Siilaanyo

isagoo hadalkii wata ayaa waxa ka dhabqiyey xildhibaan la yiraahdo Farjar oo muran ku bilaabay, mudane

siilaanyo sidii uu ninka ula murmayey ayuu ka duway mawduuci shirka ujeedadiisu ahayd, waxa ku xigay

oo iga horeeyey labada wasiir ee Cumar Iyo Rashiid waxa muuqday in aan laga helin hadalkoodi oo laga

caajisay markaa ka dib ayuu hadalkii anig aigu soo wareegay markii aan hadalkii bilaabay ayaa si fiican

meeshi looga bogay hadalkaygii oo uu sacabku kala go’ yeelan waayey cigaalna aa dugu bogay aniguse

ma dareemin oo markii shirkii dhamaaday gurigaygii ayaan ku soo noqday oo nin ayaa gaadhigiisa igu soo

qaaday waayo anigu waqtigaa gaadhi ma lahayn, waxaa imi gurigaygii oo sidii caada ahayd waxaan u

fadhiistay mijintii gelinka danbe, wasiiradii gaadhiyaasha watay madaxtooyadii ayey madaxweynihii kaga

daba tageen, anigoo fadhiya oo ila fadhiyo wasiirka Ciyaaraha hada oo marka aaha sarkaal Baanka ah

Maxamuud Saciid maxamed ayaa albaabka la soo garaacay markii laga furay waa askari ka tirsan ilaalada

madaxtooyadda oo ii siday bushqad uu cigaal iigu soo dhiibay markii aan ku soo noqday fadhigaygii

ayaan furay bushqadii waxaan ka helay lacag dhan 2000$ ( laba kun oo doolar) arrinkaasi waa iga

yaabiyey. Hadaba Marxuun Cigaal waxa uu ahaa ninka caykaas ah oo aan qarsan Karin qofka waxa u ku

arko markaas, waxa uu u qabana ma qarsan karo ee markiiba waa u sheega. Cigaal waxa uu aha anin aan

la malayn Karin Dec 1997 dabayaaqadeedi anagoo fadhina shirkii golaha wasiiradda ayuu Cigaal yidhi

anigu waxaan doonaya in aan istiqaalad dhiibo oo shaqada ka fadhiisto waxaanna u qorayaa labada

shirgudoon sida dastuurku qorayo, arrintaasi wareer ayey ku keentay wasiiradii shirka fadhiyey intuu

shirkii ka kacay ayuu xagii gurgiisa isaga dhaqaaqay waqtigaas Madaxweyne ku xigeenku Daahir Rayaale

Kaahin waxa uu ku maqnaa Ceerigaaabo, cid shirkii gudoomisa ayaannu waynay ka dib waxaannu ka

hawlgalnay oo aanu culayska saarnay xildhibaanadii labad agole si aanay u aqbalin istiqaalada shaqo

fadhiisiga, maalintii danbe ayey golayaashi ku diideen cod aqlabiyad ah sida as oo uu dastuurku

ogolaanayo, sidaa ayuu Cigaal xilkii ku hayey ilaa 3 may 2002 uu ku geeriyooday. Ilaa hada lama garanayo

waxa ku kelifay istiqaalada isagoo hayey mudo yar oo dhan 10 bilood markii la doortay 23 feb 1997 hase

yeeshe waxa loo badinaya in ay sababtay khilaaf isqabad oo dhex maray Cigaal iyo odayaal reerkiisa ah

Habar awal.

sidaas si le’eg aye weftigii Burcana u soo sameeyeen maamulkii Gobalka iyo degmooyinka iyo ciidan

qaran oo aanu ku soo wada noqonay Hargaysa

Page 74: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

SAFARKII YAMAN IYO MASAR

Waxaa uu madaxweyne Cigaal martiqaadka helay dawladaha Yaman iyo Masar markii uu ku gacan

saydhay hindisihii IGAD.

Aniguna waxaan ka mid noqday weftigii Cigaal u raacayey Yaman iyo Masar taas oo noqonaysa markii

sadexaad eee aannu cigaal isu raacna socdaal dalka dibadiisa ah, waxaa hore u sii tegay Yaman mudane

Maxamuud Saalax Nuur (fagadhe) oo ahaa wasiirkii arimaha Dibada ka dibna waxaa lanoo soo diray

diyaarad ay leedahay dawlada Yaman, diyaaradaas waxaanu hargaysa ka raacnay 23ferbuary 1999, waxaa

uu ka koobna weftiga madaxweynuhu wasiirka qorshaynta Maxamed Saciid Gees, wasiirka

gaaashandhiga Rashiid Xaaji Cabdilaahi, xoghanta madaxweynaha C/raxmaan Dalmar iyo ilaalada

Madaxweynaha Cabdi Jaamac sidii ay caadadu ahayd waxa uu madaxweynahu salaan sharaf ka qaatay

cutub ka tirsan ciidanka qaranka iyadoo ay halkaa ku sii sagootiyeen madaxda qaranka iyo dadweyne aad

u fara badan, waxaa diyaarada dalka yamen soo raacay oo la socday niman ka tirsan sirdoonka Yaman,

nimankaasi intii uu madaxweynuhu salaanta qaadanyey iyaga iyo duuliyayaasha diyaaraduba daaqaday

ka daawanayeen siday mar danbe noo sheegeen waxayna yiraahdeen waxaannu soomaliland

moodaynay sida soomalida kale ee waan la yaabnay wadankan ay maamulka , nabada iyo kala

danbayntu ka jirto sidaasna waxay gaarsiiyeen dawladoodi taas oo aannu ka garanay sida lanoogu soo

dhaweeyey iyo waraysigii lanala yeeshay. Garoonka diyaaradaha ee Sanca ayaannu ka degnay iyadoo ay

nagu sugayeen madax ka socota dawlada Yaman oo uu hogaamiyayey ninka haysta Amni siyaasiga

wadanka ama Sirdoonka halkaas waxaa lanagaga qaaday baabuurta dhaadheer ee loogu talagalay marti

sharafta waxaanna lana dejiyey Hutel Shariton Sanca, aniga socdaalkan aan ku imi Yaman waxa uu ii

lahaa arrimo gaar ah. Waxaa qado sharaf lanoogu sameeyey hutelkii aanu deganayn waxaana ka soo

qayb galay madaxa Sirdoonka iyo wasiiro iyo madax kale oo Yaman ah. Gelinkii danbena waxaannu

yeelanay fadhi qayilaad ah taas oo ah arrin ay wadaagan dalalka Yaman iyo Soomaliland waxaanna la

fadhiisiyey guriga Madaxweyne ku xigeenka Yaman Abdoo Rabi Mansuur waxaanna ka soo qayb galay

wasiirka Qorshaynta Yaman oo hada ah Ra’iisal wasaaraha Yaman Dr. Bajamaal iyo madaxa Hay’ada Amni

siyaasiga dalka iyo hawl wadeeno ka tirsan sirdoonka iyo madaxtooyadda, halkaas ayaa jaad iyo

badeecado lana hor dhigay dabadeedna waxaa noo bilaabantay wada hadalkii iyo is xog waraysigii.

Waxaan xussusta mudane Fagadhe oo ahaan jiray reer Cadmeed ayaa hadba waxa uu weydiinayey niman

siyaasiyiin ahaa oo ay isku yaqaaneed Cadan waayo Madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirkuba waxay ka

soo jeedeen Yamantii Koonfureed (Cadan) nimankii uu magacaabay ayaa waxaa loo sheegay in qaar ay

xidhan yihiin, qaarna la dilay kuwana ay dhinteen.mudane Cigaaal ayaa kula kaftamay war cid danbe ha

inagu weydiin ilaa fiidkii ayey socotay wada sheekaysigii.

Maalintii labaad ayaa 9 subaxnimo ayaannu la kulanay Madaxweyne Cali Cabdale Saalax isagoo nagu

qaabilay qasriga madaxtooyada Sanca waxaa xusid mudan markii aanmu gelaynay qolka weyn ee uu wax

ku qaabilo ayaa lanaga reebay shandadihii gacanta ee aannu sidanay taas oo yaab nagu noqotay lakiin

dib ayaannu ka ogaanay in Madaxweyne Hore oo Yamanta Waqooyi ahaa lagu dilay Shandad nin

Dibloomasi ahi uula soo galay oo Bam ku jiray oo ku qaraxday. Sidaas ayaa shandadaha lanooga reebay

dareenka jiray awgiis. Markii aanu u soo galnay Cali Cabdale Saalax intuu kor u istaagay oo salaan noo

soo fidiyey ayuu nagu qoslay oo yidhi war nimankan reer Soomaliland buurbuurana, markaa Cigaal ayaa

si dhakhso ah ugu jawaabay xoolahii aad naga xayirteen ayaannu cunay halkaas oo lagu wada qoslay, la

Page 75: Xusuus Qorkii Pror . Maxamed Siciid Gees

yaab ma laha waayo nimanka meesha marayey waxay ahaayeen Cigaal, Fagadhe, Rashiid iyo Gees.

Madaxweyne Cali waxa uu hadalkisi ku bilaabay waxaa ii waramay Madaxweyne ku xigeenkii iyo

madaxdii kale ee aydin is aragteen iyadoo ay markaas la fadhiyeen madaxweyne ku xigeenkii, wasiirki

Qorshaynta iyo madaxii Amni siyaasigu ee aannu shalay wada fadhinay.

Waxaa uu yidhi aad ayaannu ula soconaa arrimaha dalkii la Oran jiray Soomaliya waxa ka socda anagaana

ugu dhuun daloolna waxaannu nahay dalka carbeed ee ugu dhaw juqraafi ahaan, kumayaan qaxooti ah

aya degan dalkayaga oo ka oo qaxay dagaalda ka socda. Idinka reer Soomaliland waxa u isticmaalayey

erayga (ardu soomaal ) waannu ka war ahyna in aad nabad tihiin oo aad maamul samaysateen sidaas

awgeed ayaan diyaaradayda idinku soo diray oo ugu soo aaminay, qolada kale ee qabqablayaasha dagaal

ee Soomaliya halkan ayaan isugu yeedhay oo aan isku dayey in aan ku heshiisiiyo oo nabadgelyada la soo

celiyo waan af garan waayey, kuwa wax qabsanay ma aha waannuna ugu taag weynay. Hadaba idinku

waxaad leedihiin maamul, ciidan, booliis, markuu halkaa marayey ayuu na waydiiyey tirada ciidankeena,

waxaannu u sheegnay inay dhan yihiin 20,000 (labaatan kun) askari, waxa uu yidhi waxaan idiin soo

dirayaa niman farsamo yaqaan ah oo idiin kiciya taangiyada iyo Beebeeyada idinka fadhiya, hase yeeshe

waxaan idinkula talinaya Jaamacadda carabtu idin ictiraafimayso waayo haddii ay idin ictiraafto waxaa

jira dalal badan oo Carab ah oo doonaya inay kala Googo’aan sida Suudan, Ciraaq, iyo Al jeeriya kuwaas

ayey ka baqayaan inay kala furfurtaan. Anagu reer Cadmeedka arrinkaas waannu ku dagaalanay

dhawaan. Sidaas awgeed maslaxada Carabta kuma jirto.

Hadaba waxaan idinkula talinayaa oo aan weliba gacan idinku siinayaa in aad idinku sheegataan dawladii

soomaaliyeed oo aad ka noqotaan goosiga, anagu waxaannu noqonaynaa dawlada ugu horaysa oo idin

ictiraafta dalalka khaliijkana anigaa ictiraaf iyo dhaqaale aad dalka ku dhistaan idinka raadinaya dhamaan

waan isku fiicanahay weliba waxaan ka bilabayaa Suldaanka Cumaan Suldaan Qaabuus, markii uu halkaa

marayey ayuu eegay dhinacii Marxuun Cigaal. Madaxweyne Cali ayaa hadalkiisi ku soo dhameeyey ha la

degdegina ee ka soo tashada oo weliba waa idinkan ku socda Masar ee la soo qaada arrinkaas oo ha u

sheegina in aan anigu idiin soo jeediyey waayo wax aan xagooda ka iman ma aqbalaan oo jaamacada

Carabta iyaga iska maamusha, waa idinka caawa dhoofaye soo noqodka ayeynu isa sii arki doona.