16
1 ن الرحيم الرحم بسمCeelka Cuthmaan bin Caffaan ama b’iru Ruumah رومة بئر عثمان/بئرKaddib waxaan tagnay beer uu dhexdeeda ku yaallo ceelka Amiiru Al Mu’miniina khaliifka saddexaad ee Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa aalihi Wa Sallam Cuthmaan bin Caffaan “Thaa Al Nnurayni” ورين" "ذا الن عفان بن عثمانينؤمنير الم أم\ . Albaabka beertu markaan waa furnaa oo baabuurka ayaan ku galnay. Mar hadda ka hor aan imidna oo dhawr sano laga joogo wuu xirnaa. Waxaana hore la iigu sheegay inay beertaan dawladdu leedahay, waana qayb ka tirsan Wasaaradda Beeraha. Fiiri masawirradaan kasoo qaaday. Al Khayyaarii اري الخي\ wuxuu bogga boqol saddex iyo sideetan ku yiri: “wuxuu ku dhex yaalla qayb ka tirsan Wasaaradda Beeraha. Ceelkaan waxaa qoday nin u dhashay qabiilka Muzaynah, مزينة\ kaddibna wuxuu ka iibiyay ninka la yiraahdo Ruumah Al Ghifaarii لغفاري رومة ا\ oo u dhashay qabiilka Banii Ghifaar بني غفار\ . Ceelkaanu wuxuu biyihiisa tirada badan ka qaataa il daris la ah oo ku dheggan oo luntay kaddibna uu biyeheedu ceelkaan barakaysan usoo wareegay. Markaasaa waxaa biyeheeda macaan ka cabbay Tubbac تبع\ boqorka Ximyar حمير\ (Al Suhaylii لي السهي\ wuxuu yiri: "Tubbacaan تبع\ wuxuu waqtigiisu ahaa toddoba boqol oo sano islaamka hortiis."), Kaddibna wuxuu biyihiisoo uu ka cabbay Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, biyaha ceelkaasna ka yiri: ب المزني"ليب قلي "نعم الق“nicma al qaliibu qaliibu Al Muzanii” oo macneheedu yahay: “waa ceel nicmo leh oo wanaagsan ceelka ninka Muzaynah م زينة\ u dhashay.” Wuxuu kalo Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri: رة المزني"فيرة حفي "نعم الح“nicma al xafiiratu xafiiratu al muzanii” oo macnihiisu yahay: “waa ceel la qoday oo nicmo badan ceelka ninka u dhashay Muzaynah مزينة\ .” Ceelkaanu waa ceel horreeyey oo jiray zamanka jaahiliyada waxaana la yiraahdaa “Caynu Ruumah عين رومة\ ” oo ah “ishaa Ruumah” sidoo loo yiraahdo “B’iru Ruumah رومة بئر\ oo kale, looguna magac daray ninka lahaa Ruumah Al Ghifaarii لغفاري رومة ا\ , oo biyeheeda ku gadi jiray sibraarkiiba mudd timir ah (beegga hal mudd wuxuu u dhigmaa shan boqol afar iyo afartan

ϲراϵخϠا - siirah.comsiirah.com/kutub/Siiro/Ziyaaro PDF/10. Ziyaaro.pdf · Wa la yutimanna Allaahu haathaa al amra xattaa yasiira al rraakibu min Sancaa'a ilaa Xadramuut laa

  • Upload
    vonhi

  • View
    233

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

1

بسم هللا الرحمن الرحيم

Ceelka Cuthmaan bin Caffaan ama b’iru Ruumah بئر عثمان/بئر رومة

Kaddib waxaan tagnay beer uu dhexdeeda ku yaallo ceelka Amiiru Al Mu’miniina khaliifka

saddexaad ee Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa aalihi Wa Sallam Cuthmaan

bin Caffaan “Thaa Al Nnurayni” \أمير المؤمنين عثمان بن عفان "ذا النورين" .

Albaabka beertu markaan waa furnaa oo baabuurka ayaan ku galnay. Mar hadda ka hor aan

imidna oo dhawr sano laga joogo wuu xirnaa. Waxaana hore la iigu sheegay inay beertaan

dawladdu leedahay, waana qayb ka tirsan Wasaaradda Beeraha.

Fiiri masawirradaan kasoo qaaday.

Al Khayyaarii \الخياري wuxuu bogga boqol saddex iyo sideetan ku yiri:

“wuxuu ku dhex yaalla qayb ka tirsan Wasaaradda Beeraha. Ceelkaan waxaa qoday nin u

dhashay qabiilka Muzaynah, \مزينة kaddibna wuxuu ka iibiyay ninka la yiraahdo Ruumah Al

Ghifaarii \رومة الغفاري oo u dhashay qabiilka Banii Ghifaar \بني غفار .

Ceelkaanu wuxuu biyihiisa tirada badan ka qaataa il daris la ah oo ku dheggan oo luntay

kaddibna uu biyeheedu ceelkaan barakaysan usoo wareegay.

Markaasaa waxaa biyeheeda macaan ka cabbay Tubbac \تبع boqorka Ximyar \حمير (Al

Suhaylii \السهيلي wuxuu yiri: "Tubbacaan \تبع wuxuu waqtigiisu ahaa toddoba boqol oo sano

islaamka hortiis."), Kaddibna wuxuu biyihiisoo uu ka cabbay Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu

Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, biyaha ceelkaasna ka yiri:

"نعم القليب قليب المزني"

“nicma al qaliibu qaliibu Al Muzanii” oo macneheedu yahay:

“waa ceel nicmo leh oo wanaagsan ceelka ninka Muzaynah \زينةم u dhashay.”

Wuxuu kalo Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:

"نعم الحفيرة حفيرة المزني"

“nicma al xafiiratu xafiiratu al muzanii” oo macnihiisu yahay:

“waa ceel la qoday oo nicmo badan ceelka ninka u dhashay Muzaynah \مزينة .”

Ceelkaanu waa ceel horreeyey oo jiray zamanka jaahiliyada waxaana la yiraahdaa “Caynu

Ruumah \عين رومة ” oo ah “ishaa Ruumah” sidoo loo yiraahdo “B’iru Ruumah \بئر رومة ” oo kale,

looguna magac daray ninka lahaa Ruumah Al Ghifaarii \رومة الغفاري , oo biyeheeda ku gadi jiray

sibraarkiiba mudd timir ah (beegga hal mudd wuxuu u dhigmaa shan boqol afar iyo afartan

2

graamo), ahna timirta Al Nabawii \النبوي , ayadoo uusan Al Madiinah Al Munawwarah المدينة

\المنورة jirin (waagaas) biyo macaan oo la cabbo oo aan biyaha ceelkaas ahayn.

Markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:

"من يشتري بئر رومة ويجعل دلوه مع الدالء؟"

“man yashtarii b’iru Ruumah wa yajcalu dalwahu maca al dulaa’i?” oo macnihiisu yahay:

“yaa gadaya ceelka Ruumah \رومة oo dalwigiisa ka yeelaya sida dalwitada muslimiinta oo kale?

Oo macnihiisu yahay biyihiisa ka cabbaya muslimiintana waqaf uga dhigaya ay ka cabbaan”.

Rasuulka Ilaahayna Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu hore ninka

ceelka leh u yeeray oo ku yiri:

"بعنيها بعين في الجنة!"

“bicniihaa bi caynin fii al jannati!”

oo macnihiisu yahay:

“iga iibi oo iga dhaafso ceelkaan il jannada ku taalla oo lagu siiyo.”

Markaasu ninku wuxuu ku yiri:

“Rasuulka Ilaahayow Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam aniga iyo ciyaalkeygu

waxaan ayada ahayn ma lihin, taaasna ma karo.”

Markaasuu warkaasu wuxuu gaaray Cuthmaan bin Caffaan \عثمان بن عفان Allaha raalli ka

noqdee, markaasuu marka horena nus ka gatay ceelka marka labaadna nuska dambe oo uu wada

yeeshay.

Marka hore wuxuu uga gatay shan iyo soddon kun oo dirham, wuxuuna ninka ceelka leh kula

heshiiyay inuu isagu maalin leeyahay ninka ceelka lehna maalin.

Markaasay markay tahay maalinta Cuthmaanعثمان ayay muslimiintu ka dhaansadaan biyaha

laba maalmnood ku filan. Marka labaadna wuxuu uga gatay sideed kun oo dirham, markaasuu

ceelka muslimiinta waqaf uga dhigay.

Markaasuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa aalihi Wa Sallam u yimid oo uu

ku yiri:

“Rasuulka Ilaahayow Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa aalihi Wa Sallam jannada dhexdeeda ma

iiga yeeleysaa il sidaan anigu Ruumah \رومة u yeelay oo kale?”

Markaasuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:

"نعم"

3

“Nacam!” oo ah “haa!”

Horena wuxuu Raaasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam u yiri:

فله مثلها في الجنة." "من اشترى بئر رومة

“man ishtaraa b’iru Ruumah fa lahu mithluhaa fii al jannati” oo macnihiisu yahay:

“qof gada ceelka Ruumah \رومة wuxuu jannada ku leeyahay ayadoo kale.”

Wuxuu kaloo Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam:

ومة فيجعلها للمسلمين يضرب بدلوه في دالئهم وله شرب في الجنة؟""من يشتري بئر ر

“man yashtarii b’iru Ruumah fa yajcaluhaa lilmuslimiina yadribu bi dalwihi fii dulaa’ihim

wa lahu shirbun fi al jannati?” oo macnihiisu yahay:

“yaa gadaya ceelka Ruumah \رومة oo dalwigiisa ku tuuranaya siday muslimiintu ugu tuuranayaan

oo kale oo ka wada cabbayaan taas daraadeedna jannada meel uu ka cabbo laga siinayo?”

Wuxuu kaloo Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:

"من يشتري بئر رومة ليشرب يرويه في الجنة؟"

“man yashtarii b’iru Ruumah li yashriba yarwiihi fii al jannati” oo macnihiisu yahay:

“yaa gadaya ceelka Ruumah \رومة oo jannada laga siiyaa biyo oo ku oon boxo?”

Wuxuu kaloo Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa aalihi Wa Sallam yiri:

"من يبتع بئر رومة غفر هللا له."

“man yabtaacu b’iru Ruumah ghafara Allaahu lahu” oo macnihiisu yahay:

“qofka gada ceelka Ruumah \رومة Ilaahay dambigiisu dhaafayaa.”

Markay waqfidda uu Cuthmaan \عثمان ceelka muslimiinta u waqfay kaamil noqotay uuna

Cuthmaan bin Caffaan \بن عفان عثمان Allaha raalli ka noqdee maalkiisa ka bixiyay ayuu

Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:

"نعم الصدقة صدقة عثمان"“nicma al sadaqatu sadaqatu Cuthmaana” oo macnihiisu yahay:

“waa sadaqo nicmo leh sadaqada Cuthmaan \انعثم .”

4

Markaas kaddib markay taas muddo kasoo wareegatay ayuu ceelku wuxuu u baahday in la qodo

oo ciidda ay dabeyluhu ku ridaan laga saaro, lana dheereeyo ayadoo ay biyihiisu yaradeen gaar

ahaan xilliga kulaylaha ah oo kulaylka badan, ayuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa

Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:

"من حفر بئر رومة فله الجنة."

“man xafara b’iru Ruumah fa lahu al jannah” oo macnihiisu yahay:

“qofka ceelka Ruumah \رومة qodah wuxuu leeyahay jannada.”

Markaasaa waxaa hada qoday Cuthmaan bin Caffaan \بن عفان عثمان

.

Ceelka Cuthmaan \بن عفان عثمان . Xasanwali 1432H/2011M.

5

Ceelka Cuthmaan \عثمان ama B’iru Ruumah \بئر رومة ee Al Madiinah Al Munawwarah لمدينة ا

\المنورة . Xasanwali 1432H/2011M.

6

Ceelka Cuthmaan \عثمان ama B’iru Ruumah \ومةبئر ر ee Al Madiinah Al Munawwarah لمدينة ا

\المنورة . Xasanwali 1432H/2011M.

.

7

Masjidka ka dhisan ceelka Cuthmaan \عثمان dhiniciisa. Xasanwali. 1432H/2011M.

Masjidu Al Ijaabah/ مسجد اإلجابة

Khabbaab bin Al Arat \خباب بن األرت , oo reer Banuu Zuhrah \وزهرةبن xilfi la lahaa wuxuu ahaa qofka

laba iyo labaatanaad oo islaama.

lbnu Hishaamna \إبن هشام wuxuu yiri:

"Waa Khabaab bin Al Arat \خباب بن األرت oo reer Banuu Tamiim \بنو تميم u dhashay. Khuzaacah

\خزاعة ayuu u dhashayna waa la yiri."

Ibnu Al Athiir \إبن األثير wuxuu Usudu Al Ghaabah \أسد الغابة ku yiri:

"Wuxuu ka mid yahay kuwa horreeyey oo islaamka ku hormaray, iyo kuwa Ilaahay daraadiis loo

cathaabay. Wuxuu ahaa kan lixaad oo islaamay. Mujaahid \مجاهد wuxuu yiri:

"Kan ugu horreeyey oo islaannimadiisa soo bandgigay oo muujiyay wuxuu ahaa Rasuulka

Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo Abuu Bakr \أبوبكر iyo Khabbaab \خباب , iyo

Suhayb \صهيب , iyo Bilaal \بالل , iyo Cammaar \عمار , iyo Sumayyah \سمية .

Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Ilaahay ku ilaaliyey oo gaalada uga

celiyey adeerkiis Abuu Dhaalib \أبوطالب , Abuu Bakarna \أبوبكر waxaa ka celiyey tolkiis, inta

8

kalese waxay u labbiseen cambuur bireed markaasey qorraxda ku wareen, oo ay sidaas ku

dhibtoodeen intuu Ilaahay doono kulaylka qorraxda iyo birta."

Al Shacbiyyu \الشعبي wuxuu yiri:

"Khabbaab \خباب waa adkaystay oo gaalada ma uusan siin waxay doonayeen, oo ah inuu Diinta

islaamka ka baxo, markaasey intay dhagax kululeeyaan ayay hilbaha dhabarkiisa ku dhejiyaan,

oo uu uu hilibkiisu sidaas ku gaabtay kuna tegey, oo dhabarkiisu hilib ma lahayn, oo kuma uusan

harin.

Khabaab \خباب ayaa wuxuu yiri:

"Waxaan usoo ashtakoonnay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isagoo go' uu

leeyahay barkan oo harka Kacbada jiifa. Markaasaan waxaan ku niri:

"Noo gargaar weydii (Ilaahay)"

Markaasuu soo fariistay isagoo wajigiisu guduutay, wuxuuna yiri:

أسه، ما يصرفه عن ثم يجاء بالمنشار فيجعل فوق ر كم يؤخذ الرجل فيحفر له في األرض،"قد كان من قبل

ما يصرفه عن دينه. وليتمن هللا هذا األمر عظام وعصب، الحديد ما دون لحمه منمشاط دينه، ويمشطه بأ

حتى يصير الراكب من صنعاء إلى حضرموت اليخشى إال هللا عز وجل والذئب على غنمه ولكنكم تعجلون."

"Qad kaana min qablikum yu'khathu al rajutu fayuxfaru lahu fii al ardi, thumma yujaa'u

bi at miishaari fa yujcalu fawqa ra'sihi, maa yasrifuhu can diinihi, wa yumshidhu bi

amshaadhi al xadiidi maa duuna laxmihi min cithaamin wa casabin, maa yasrifuhu can

diinihi. Wa la yutimanna Allaahu haathaa al amra xattaa yasiira al rraakibu min Sancaa'a

ilaa Xadramuut laa yakhshaa illaa Allaaha Cazza wa Jalla wa al th'iba calaa ghanamihi wa

laakinnakum tacjiluunna." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

"Waxaa dhacday adinka hortiin in ninka lasoo qabto oo dhulka god looga qodo, kaddibna

miishaar la keeno oo madixiisa la dul saaro, taasina ayan diintiisa ka leexinayn. Markaasaa

waxaa loogu shanleeyaa shanlo bir ah oo la geliyaa inta hilibkiisa ka sokeysa oo laf iyo xidid ah,

markaaseeyan taasi diintiisa ka leexinayn. Ilaahayna amarkaan (oo ah Diinta islaamka oo uu uu

isagu keenay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) wuu taam yeelayaa oo uu faafayaa oo

xidideysanayaa ilaa heer uu musaafirku isaga goosho Sancaa' iyo Xadramuut \حضرموت dhexdooda

isagoo aan ka baqayn axad aan Ilaahay ahayn iyo dhurwaa oo arigiisa uga baqo mooyee.

Adinkuse waad degdegeysaan."

Khabbaab \خباب wuxuu ahaa tumaal seefaha sameeya, Rasuulka Ilaahayna, Sallaa Allaahu

Calayhi Wasallam, meeshuu ka shaqeeyo ayuu ugu imaan jiray oo uu qalbigiisa soo jiidan jiray.

Markaasaa waxaa taas loo sheegay haweentii lahayd (ahaydna Ummu Anmaar \أم أنمار , oo gaalad

weyn ahayd hodanna ah, maalkeedana la dahgaallanka Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi

Wasallam, ku bixin jirtay, sida maalgelinta duullaanka Uxud \أحد oo ay gaaladu Makkah \مكة ka

duuleen. Waxayna ahayd haweeneyda Makkah \مكة gabdhaha ku gudda).

Markaasey intay bir soo qaadato oo ay dabka geliso, ayay markay caddaato Khabbaab \خباب

9

madaxa uga dhejin jirtay. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uga

ashtakooday, oo yiri:

"اللهم انصر خبابا!"

"Allaahumma ansur Khabbaaban", oo macneheedu yahay:

"Ilaahayow Khabbaab u hiilli oo libta sii."

Markaasaa haweentaas madaxa cudur ka galay oo ay u qaylin jirtay sida eeyaha oo kale.

Markaasaa waxaa lagu yiri, oo ay takhaatihtu ku yiraahdeen inay daawadeedu tahay: "Is gub".

Markaasey Khabbaab \خباب amartay oo intuu bir dabka geliyo uu markay caddaato madaxa uga

dhejiyaa.

Khabbaab \خباب wuxuu ka qayb galay Badar \بدر iyo Uxud \أحد iyo dhammaan mashaahidda uu

Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, goob joogga ka ahaa.

Khabbaab \خباب wuxuu yiri:

"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa salaad tukaday oo ku dheeraaday.

Markaasey waxay yiraahdeen:

"Rasuulka Ilaahayow, ma waxaad tukatay salaad aadan tukan jirin?"

Wuxuu \يه وعلى آله وسلملصلى هللا ع yiri:

فأعطاني إثنتين ومنعني واحدة. سألته ني سألت هللا عز وجل فيها ثلالثا،. إ"أجل! إنها صآلت رغبة ورهبة

فأعطانيها. وسألته أن ال يذيق عطانيها، وسألته أن ال يسلط عليهم عدو من غيرهم،متي بسنة فأأن اليهلك أ

بعضهم بأس بعض فمنعنيها."

"Ajal, innahaa salaatu raghbatin wa rahbatin. Innii sa'altu Allaaha Cazza wa Jalla

fiihaa thalaathan, fa acdhaanii ithnatayni wa manacanii waaxidatan. Sa'altuhu an

laa yahlika ummattii bi sanatin fa acdhaaniihaa, wa sa'altuhu an laa yusallidha

calayhim caduwwan min ghayrihim, fa acdhaaniihaa. Wa sa'altuhu an laa yuthiiqa

bacduhum ba'sa bacdin famanacaniihaa." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

"Haa, waana salaad wax ku doonid iyo cabsiba. Ilaahay, Cazza wa Jalla, waxaan dhexdeeda ku

weydiistay saddex arrimood, markaasuu labana i siiyey, midna iga reebay. Waxaan weydiistay

inuusan ummaddeyda abaar guud oo wada saameysa ku halaagin, wuuna i siiyey oo iga yeelay.

Waxaan kaloo weydiistay inuusan ummaaddeyda cadaw aaan ayaga ahayn uusan ku sallidin,

waana iga yeelay. Waxaan kaloo weydiistay inuusan qaarkood qaarka kale la dagaallamin oo ay

xarbigooda iyo xooggooda dhedhensiiyaan, waana iga reebay."

Lafdiga Muslim \مسل waa sidatan:

10

) ان اهلل قد زوى لى األرض فرأيت مشارقها ومغاربها وان أمتى سيبلغ ملكها مازوى لى منها وأعطيت الكنزين األحمر واألبيض ( أما زوى فمعناه جمع وهذا الحديث فيه معجزات ظاهرة وقد وقعت كلها بحمد اهلل كما أخبر به صلى اهلل عليه و سلم قال العلماء المراد بالكنزين الذهب والفضة والمراد كنزى كسرى وقيصر ملكى العراق الشام فيه اشارة

تى الجنوب والشمال فقليل إلى أن ملك هذه األمة يكون معظم امتداده فى جهتى المشرق والمغرب وهكذا وقع وأما فى جهبالنسبة إلى المشرق والمغرب وصلوات اهلل وسالمه على رسوله الصادق الذى الينطق عن الهوى ان هو االوحى يوحى قوله

) سبحانه وتعالى والملك قوله ( أى جماعتهم وأصلهم والبيضه أيضا العز) فيستبيح بيضتهم صلى اهلل عليه و سلمأى الأهلكهم بقحط يعمهم بل ان وقع قحط فيكون فى ناحية ن الأهلكهم بسنة عامة ( وانى قد أعطيتك ألمتك أ

) سألت [ قوله صلى اهلل عليه و سلم 0982يسيرة بالنسبة إلى باقى بالد االسالم فلله الحمد والشكر على جميع نعمه ] 0980هذا أيضا من المعجزات الظاهرة ] ربى ثالثا فأعطانى اثنتين إلى آخره (

Meeshuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, salaaddaas ku tukaday waa Masjidu Al

Ijaabah \ةمسجد اإلجاب , oo Masjidka Nabiga ee Al Madiinah Al Munawwarah \المدينة المنورة shan

boqol iyo saddex iyo sideetan mitir u jira.

Xadiithka oo faahfaasanna waxaa wariyay Saxiix Muslim, waana midka labo iyo kontonaad iyo

laba kun iyo si deed boqol iyo sagaashanaad, wuxuuna ka wariyay Thawbaan \ثوبان .

Khabaab \خباب wuxuu kaddib degay Al Kuufah \الكوفة ee dalka Ciraaq \عراق , ayaduuna ku dhintay

oo lagu duugay isagoo saddex iyo todobaatan jir ah sanadka toddoba iyo soddon ee Hijrada,

waxaana ku tukaday Calii bin Abii Dhaalib \علي بن أبي طالب , Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.

Da' daas ka duwan iyo sanad taas ka duwanoo kalena waa la sheegay.

Masjidkaan anigo dhawr goor ayaan ku tukaday wa al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina,

masawirradaan ka qaadayna hadda ma hayo, wuxuuna Masjidka Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi

Wa Calaa Aalihi Wa Sallam u jira shan boqol saddex iyo sideetan mitir, siduu Dr.

Muxammad \محمد u xisaabay.

11

Masjidu Al Ijaabah \مسجد اإلجابة ee Al Madiinah Al Munawwarah \المدينة المنورة . Xasanwali

1432H/2011M.

12

Mixraabka Masjidu Al Ijaabah \مسجد اإلجابة ee Al Madiinah Al Munawwarah \المدينة المنورة .

Xasanwali 1432H/2011M.

13

Masjidu Al Miiqaati/ مسجد الميقات

Thuu Al Xulayfah/Abyaary Calii/ عليذو حليفة/أبيار

Qofka Al Madiinah Al Munawwarah \المدينة المنورة kasoo xajjiya miiqaatkiisu waa Thuu Al

Xulayfah ذو حليفة , oo maanta la yiraahdo abyaaru Calii عليأبيار .

Dr. Muxammad Ilyaas Cabdu Al Ghanii \محمد إلياس عبد الغني\د wuxuu yiri:

"Thuu Al Xulayfah ذو حليفة waxay Masjidka Nabiga ee sharafta leh, Sallaa Allaahu Calayhi

Wasallam, ee Al Madiinah Al Munawwarah \المدينة المنورة u jirtaa laba iyo toban kiiloomitir,

waxaana halkaas ku yaalla Masjidu Al Miiqaati \مسجد الميقات , ahna meeshay ka ixraamtaanoo

xajka ka xirtaan dadka Al Madiinah \المدينة deggan iyo inta soo martaba.

Waxaana la wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, meeshuu masjidkaasu ku

yaallo ku degi jiray kuna tukan jiray markuu safar ku jiro oo uu Makkah \مكة u socdo iyo markuu

kasoo noqonayaba.

Al Bukhaarii \البخاري iyo Muslim \مسلم waxay wariyeen inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu

Calayhi Wasallam, markuu Makkah \مكة aado uu ku tukan jiray Masjidu Al Shajarati \مسجد الشجرة ,

markuu kasoo laabtana uu ku tukan jiray Thii Al Xulayfah \ذوالحليفة , waadiga bartamihiisa, uuna

halkaas ku hoyan jiray ilaa uu waago uga baryo. Masjidkaas waxaa maanta ku tukan karta ilaa

shan kun oo qof."

Masjidu wuxuu leeyahay musqulo lagu qubaysto waxaana hortiisa ku yaalla dukaammo laga

gadan karo cunno, dhar, kabo iyo maryaha cadcad oo lagu ixraamto.

14

Masjidu Al Miiqaatiمسجد الميقات ee Thuu Al Xulayfah \ذوالحليفة /Abyaaru Calii \عليأبيار . Xasanwali

1432H.2011M.

15

Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan wuxuu ku dashay Gaalkacyo degmadaasoo uu aabihiis

qaalli ka ahaa, dayrtii la magac baxday Hoobaaq. Hoobaaq waa beel daaqsiin ah oo ka mid ah

dooxada Golol, halkaasoo ay eedi ku kala gaartay labada qabiil ee Cumar Maxamuud iyo Sacad

dayrtaas, eedaasoo bilaabatay 1943 socotayna ilaa 1944. Xasanweli wuxuu u dhashay Shiikhaal

Looboge, oo ah Quraysh, ayagoo ah ubadka Abuu Bakar Al Ssddiiqu, Saaxiibka iyo ina adeerka

iyo soddogga Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Looboge aabihiis Fiqi Cumar

wuxuu ku noolaa Boqortooyada Harar siday u warisay tirada lix boqol iyo sagaal iyo afartan ee

wargeyska dalka Sucuudiga kasoo baxa ee la yiraahdo Al Muslimuuna, soona baxay maalinta

Jimce ee toddobada bisha Rabiicu al Awwal ee sanadka Hijriga ah ee kun iyo afar boqol iyo

sideed iyo toban, una dhigantah kow iyo tobanka bisha Luulyo ee sanadka kun iyo sagaal boqol

iyo toddoba iyo sagaashanka, boggiisa tobanaad. Yuusuf Cabdu Al Raxmaan Shiikh oo

maqaaladaas qoray wuxuu ku yiri: "Kaddib markay saliibiyiinta krishtaanka ahi ay gacanta ku

dhigeen Bayti Al Maqdis, dhammaadka qarniga shan iyo tobnaad ee Miilaadiga ah iyo

dhammaadka kan shanaad ee Hijriga, ayna ku sugnaadeen Shaam, ayna gacanta ku dhigeen

Khaliiju Al Caqabah ee ku dara Badda Cas, ayay krishtaanku waxay raadiyeen cid ay is

gaashaanbuursadaan, oo Badda Cas xagga koofureed uga goysa. Markaasey waxay heleen

xabshada krishtaanka ah oo ay markaas gaashaanbuur la noqdeen, ayna kula heshiiyeen inay iska

kaashadaan la dagaallanka islaamka iyo muslimiintaba, kuna gaaray taas inay xabashadu kusoo

duusho oo ay qabsato Boqortooyada Islaamka ee Harar, taasoo gogol dhig u noqoneysa ku

duulidda Xijaaz iyo duminta Kacbada la Sharfay. Sidaas ayayna ku heshiiyeen. Markaasey

xabashadu waxay kusoo duushay Harar, waxaana usoo baxay oo ka hortegey Al Shiikh Abaadir

oo soomaalidu u taqaanno Fiqi Cumar, ahna aabaha dhalay Aw Qudhub. Markaasuu Amiir

Cumar bin Shamsu Al Ddiin (oo ah Fiqi Cumar) si xun u jebiyay oo ka adkaaday. Markaasey

xabshadu waxay ka gargaar iyo gurmad dalbeen gaashaanbuurtooda krishtaanka ah. Qaylo

dhaankoodaas waxaa kasoo jawaabay Richard the Lion-heart oo ahaa boqorka ingiriiska, ahaana

maareeyaha hawlaha ka socday bariga dhexe "Bariga Carabta". Richard wuxuu soo diray

ciidammadiisa ka kooban burtuqiis iyo talyaani, si ay xabashada ugu gargaaraan. Ciidammadaani

waxay gacanta ku dhigeen oo qabsadeen dekadaha ay Harar lahayd oo ah Zaylac iyo Barbara iyo

Bulaxaar, kuwaanoo hadda ku yaalla gobolka waqooyi ee Jamhuuriyada Soomaaliya.

Ciidammadaasu waxay soo gaareen ilaa dusha magaalada Harar. Markaasey Imaarada Makkah

Al Mukarramah iyo Yaman ayay waxay Harar usoo direen ciidammo gurmad ah. Sidaas ayay

ciidammada Islaamku uga adkaadeen kuwa krishtaanka ah, uusanna krishtaamiinta Shaam uga

laaban hal askariba ha ahaadee, ayadoo dhammaantood lagu laayey inta u dhexeysa Harar iyo

Muqdisho iyo Barbara. Muqdisho waxay Harar usoo dirtay gurmad ahaan fardo iyo hub."

Xasanweli wuxuu 1970 ka qalin jebiyay Jaamacadda Bologna ee dalka Talyaaniga halkaasoo uu

ku bartay takhtarnimada xoolaha. Kaddib wuxuu noqday macallin Dugsiga Sare ee Xasan

Barsane ee Muqdisho, Macallin Kulliyada Daawada Xoolaha ee Jaamacadda Qaranka

Soomaaliyeed, Xildhibaan Golaha Shacbiga Qaranka ee Soomaaliya, Danjiraha Soomaaliya ee

Dawlado Yurub ah, kaddibna wuxuu ku wareegay Jaamacadda Dawladaha Carabta, uuna noqday

Danjireheeda Kenya, iyo Danjireheeda Qarammada Midoobay ee Vienna. Kaddib wuxuu soo

degay USA, wuxuuna noqday Macallin Dugsiga Sare ee English High School ee Boston, Baare

Shareecada Islaamka ee Islamic Legal Studies Program ee Harvard Law School ee Harvard

University ee Cambridge. Siirada Ibnu Hishaam ayuu soomaali ku tarjumay 180 cajaloodna ku

duubay. Kaddib wuxuu ilaa sideed sano ka ahaa imaam masjidyada xabsiyada ku yaalla gobolka

Massachusetts oo ay Boston caasimadda u tahay ee dalka maraykanka, halkaasoo uu dadka

xabbisan ku salaadana tujin jiray, barina jiray diinta islaamka, hortiisana ay ku islaameen khalqi

16

badan oo rag iyo dumarba leh, uuna shahaadada xaqqa ah u mariyay, mahaddana Ilaahay ayaa

iska leh.