4
Djibouti :Sooyaalkii Cali Bahdoon Buux Ururintii Cabdalla Xaaji Cusmaan Dad badan baa u soo halgamay oo nafahoodii qaaliga ahaa u huray xornimada neecawda qa calanka Djibouti ka babanaya. Waatii hore loo yidhi, gobannimadu waa geed ku baxa dhi Haddii kumanyaal dadkeenna ahi u soo mudan xadhig, silic saxariir iyo masaafuris joog maanta nooli kuma caweyneen nabadda iyo dawladnimada aynu ku faanno maanta.Xornimada gaadhay midnimo iyo wadajir, hasayeeshee goor kasta dadweynaha rag geesiyaal ah baa h oo indho u ahaa iyo ururro ku abtirsada waddaninnimo.Haddaba maanta oo aynu guranayno baxay dhiigga geesiyaasha, waxa waajib inna saaran ah dawlad iyo dadweynaba in goor w lana xuso sooyaalkii iyo halgankii ay u soo galeen gobannimada aynu maanta ku naaloon Waa ayaandarro haddii haba yaraatee waxba laga qori waayo halgankii dheeraa xornimada. Aniga oo ka mid ah inta xilku saaran yahay isla markaana waajibkayga gudan ku soo bandhigi maqaal kooban oo aan ka soo ururiyey sooyaalkii Allaha u naxariistee !ahdoon !uux oo baal dahab ah kaga jira halgankii xoraynta dhulka "oomaalida,gaar aha ali !ahdoon !uux Allaha u naxariistee waxa uu ahaa geesi u soo halgamay xornimada #a !ahdoon halgankiisu kuma koobnayn oo keli ah xoraynta dalka #amhuuriyadda #abuuti ee nin waddani ah oo u dagaalamayey dhulkii "oomaaliyeed ee ay kala qaybsadeen gumaystay $urub iyo Amxaaro. ali !ahdoon waxa uu aaminsanaa in "oomaali oo dhan ay yeelato cal keli ah. ali !ahdoon waxa uu ku dhashay magaalada caanka ah ee Ayshaca oo imika ka t "oomaalida %toobiya gaar ahaan gobolka "hinniile. Ayshaca waxay xuduudda #abuuti u ji &qiyaasta' ()km, waxana dhex mara khadka tareenka ee isku xidha #abuuti iyo Diri*dhab haddaynu kor ku soo xusnay magaalada Ayshaca inay caan tahay waxa habboon inaan tilma bixiyo sooyaalka Ayshaca. Ayshaca waxay ka mid tahay magaalooyinka aasaasmay markii l khadka tareenka ee xidhiidhiya #abuuti iyo Addis Ababa.magaaladu waxay ku taal meel ugu dhaw alisabiix&#abuuti' oo ka xigta dhinaca woqooyi*bari.Dhinaca bari waxa kaga abdulqaadir oo katirsan gobolka "elel ee "omaliland.+aadaama ay ku taal meeshaa malk noqotay Ayshaca meel ay ku kulmaan safarrada ka kala yimaadda alisabiix, abdulqaadi "aylac, intaa waxa u dheeraa tareenka oo habeen iyo maalinba isweydaaranaya.%ntaas oo Ayshaca ka dhigtay meel ganacsi xooglihi ka socdo oo lagu kala beddesho lacagihii ay gumaystayaashii dhulka xukumi jiray ee %ngiriis, aransiis iyo Amxaaro. Halgankii xornimadoonka "oomaalida dadweynihii reer Ayshaca qayb ballaadhan oo muuqata bay ka qaateen, waxay magaalooyinkii u horreeyey ee ururkii -eegada laga furo, ganacsatadii magaaladu dhaqa bixin jireen halgankii xornimadoonka ee loogu halgamayey midaynta dhulka "oomaalida o /0)kii markii ay xoroobeen labadii gobol ee ay %ngiriiska iyo 1alyaanigu kala hayste #amhuuriyaddii "oomaaliya wax yar ka dib, ayaa dawladii %toobiya oo uu markaa boqor k "alaase iyadoo aad uga xun xornimada "oomaaliya, waxay habeen madow soo dul dhigtay c mariyey dad iyo duunyo wixii joogay magaalada Ayshaca. Halkaa dadkii ku dhintay boqol dhaafeen, qaar kale oo badanna way ku dhaawacmeen. Dad intii ka nabad gashayna waxay abdulqaadir oo ka tirsan gobolka "elel ee "omaliland iyo alisabiix oo ka tirsan #ab Amxaaradu u geysatay Ayshaca rag badan baa gabayo ka tiriyey, waxa ka mid ahaa Allaha gabayaagii waddaniga ahaa ee Xaaji Aadan Afqallooc,wuxu yidhi "aqiir iyo kabiir reer Ayshaco, nabad ku soo hoyday "ardhaday galeen baad qumbulad, suna ku tuurteene "urkaa wada jarteen wiilashii, timaha soohnaaye 2in sidaa ku dhaqanteen ogaa, waa siqsiqayaaye "uldad*Xabashiyeed nimay heshaa, waa sac kuu taliye Haddaba geesigii ali !ahdoon magaaladaa waddaninimadu buuxisay buu ku dhashay kuna b !ahdoon yaraantiisiiba barbaar firfircoon oo fadalla cad buu ahaa.Walaalkii oo ka wey 3iirre !ahdoon oo xeer*yaqaan ahaa, geedaha garta lagu qaadana aan looga maarmi jirin

Djibouti

Embed Size (px)

DESCRIPTION

djibouti history

Citation preview

Djibouti :Sooyaalkii Cali Bahdoon Buux

Djibouti :Sooyaalkii Cali Bahdoon Buux

Ururintii Cabdalla Xaaji Cusmaan

Dad badan baa u soo halgamay oo nafahoodii qaaliga ahaa u huray xornimada neecawda qabow leh iyo calanka Djibouti ka babanaya. Waatii hore loo yidhi, gobannimadu waa geed ku baxa dhiigga dadweynaha. Haddii kumanyaal dadkeenna ahi u soo mudan xadhig, silic saxariir iyo masaafuris joogta ah,inteenna maanta nooli kuma caweyneen nabadda iyo dawladnimada aynu ku faanno maanta.Xornimada waxa lagu gaadhay midnimo iyo wadajir, hasayeeshee goor kasta dadweynaha rag geesiyaal ah baa hoggaamin jiray oo indho u ahaa iyo ururro ku abtirsada waddaninnimo.Haddaba maanta oo aynu guranayno midhihii ku baxay dhiigga geesiyaasha, waxa waajib inna saaran ah dawlad iyo dadweynaba in goor walba loo duceeyo lana xuso sooyaalkii iyo halgankii ay u soo galeen gobannimada aynu maanta ku naaloonayno.

Waa ayaandarro haddii haba yaraatee waxba laga qori waayo halgankii dheeraa ee loo soo galay xornimada. Aniga oo ka mid ah inta xilku saaran yahay isla markaana waajibkayga gudanaya,waxan halkan ku soo bandhigi maqaal kooban oo aan ka soo ururiyey sooyaalkii Allaha u naxariistee geesigii Cali Bahdoon Buux oo baal dahab ah kaga jira halgankii xoraynta dhulka Soomaalida,gaar ahaan Jabuuti.

Cali Bahdoon Buux Allaha u naxariistee waxa uu ahaa geesi u soo halgamay xornimada Jabuuti. Cali Bahdoon halgankiisu kuma koobnayn oo keli ah xoraynta dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee waxa uu ahaa nin waddani ah oo u dagaalamayey dhulkii Soomaaliyeed ee ay kala qaybsadeen gumaystayaashii reer Yurub iyo Amxaaro. Cali Bahdoon waxa uu aaminsanaa in Soomaali oo dhan ay yeelato calan iyo dawlad keli ah. Cali Bahdoon waxa uu ku dhashay magaalada caanka ah ee Ayshaca oo imika ka tirsan deegaanka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan gobolka Shinniile. Ayshaca waxay xuduudda Jabuuti u jirtaa hilaada (qiyaasta) 50km, waxana dhex mara khadka tareenka ee isku xidha Jabuuti iyo Diri-dhaba. Haddaba kol haddaynu kor ku soo xusnay magaalada Ayshaca inay caan tahay waxa habboon inaan tilmaan kooban ka bixiyo sooyaalka Ayshaca. Ayshaca waxay ka mid tahay magaalooyinka aasaasmay markii la dhisayey khadka tareenka ee xidhiidhiya Jabuuti iyo Addis Ababa.magaaladu waxay ku taal meel malko ah oo aad ugu dhaw Calisabiix(Jabuuti) oo ka xigta dhinaca woqooyi-bari.Dhinaca bari waxa kaga toosan magaalada Cabdulqaadir oo katirsan gobolka Selel ee Somaliland.Maadaama ay ku taal meeshaa malkada ah waxa ay noqotay Ayshaca meel ay ku kulmaan safarrada ka kala yimaadda Calisabiix, Cabdulqaadir, Diridhaba iyo Saylac, intaa waxa u dheeraa tareenka oo habeen iyo maalinba isweydaaranaya.Intaas oo dhan baa Ayshaca ka dhigtay meel ganacsi xooglihi ka socdo oo lagu kala beddesho lacagihii ay kala lahaayeen gumaystayaashii dhulka xukumi jiray ee Ingiriis, Faransiis iyo Amxaaro. Halgankii xornimadoonka Soomaalida dadweynihii reer Ayshaca qayb ballaadhan oo muuqata bay ka qaateen, waxay ka mid ahayd magaalooyinkii u horreeyey ee ururkii Leegada laga furo, ganacsatadii magaaladu dhaqaale badan bay ku bixin jireen halgankii xornimadoonka ee loogu halgamayey midaynta dhulka Soomaalida oo dhan.

1960kii markii ay xoroobeen labadii gobol ee ay Ingiriiska iyo Talyaanigu kala haysteen ee la aasaasay Jamhuuriyaddii Soomaaliya wax yar ka dib, ayaa dawladii Itoobiya oo uu markaa boqor ka ahaa Xayla Salaase iyadoo aad uga xun xornimada Soomaaliya, waxay habeen madow soo dul dhigtay ciidammo cagta mariyey dad iyo duunyo wixii joogay magaalada Ayshaca. Halkaa dadkii ku dhintay boqollaal bay kor u dhaafeen, qaar kale oo badanna way ku dhaawacmeen. Dad intii ka nabad gashayna waxay u kala qaxeen Cabdulqaadir oo ka tirsan gobolka Selel ee Somaliland iyo Calisabiix oo ka tirsan Jabuuti.Xasuuqaa ay Amxaaradu u geysatay Ayshaca rag badan baa gabayo ka tiriyey, waxa ka mid ahaa Allaha u naxariistee gabayaagii waddaniga ahaa ee Xaaji Aadan Afqallooc,wuxu yidhi

Saqiir iyo kabiir reer Ayshaco, nabad ku soo hoyday Sardhaday galeen baad qumbulad, suna ku tuurteene Surkaa wada jarteen wiilashii, timaha soohnaaye Nin sidaa ku dhaqanteen ogaa, waa siqsiqayaaye Suldad-Xabashiyeed nimay heshaa, waa sac kuu taliye

Haddaba geesigii Cali Bahdoon magaaladaa waddaninimadu buuxisay buu ku dhashay kuna barbaaray.Cali Bahdoon yaraantiisiiba barbaar firfircoon oo fadalla cad buu ahaa.Walaalkii oo ka weynaa lana odhan jirey Giirre Bahdoon oo xeer-yaqaan ahaa, geedaha garta lagu qaadana aan looga maarmi jirin isla markaana ahaa caaqilladii ka talin jirey magaalada Harar ayaa dusi Quraan ku daray, hasayeeshee cid noo sheegta ma arag halka uu ka gaadhay waxbarashada. Cali Bahdoon yaraantiisii kumuu ekeyn oo keli ah Ayshaca ee wuxuu u kala socdaali jirey Jabuuti, Diri-dhaba,Saylac iyo Harar.Cali Bahdoon waxa la sheegey inuu ahaa wiil aad u maskax furan oo caqli badan, walaalkii Giirre Bahdoon markuu ogaaday inuu Cali yahay wiil fiiro dheer ayuu goaansaday inuu u diro dibadaha si uu u soo biirsado aqoon iyo waaya-aragnimo. Giirre iyo Cali waxay u socdaaleen oo ay tageen magaalada Berbera. Cid noo sheegta ma arag taariikhdii ay ahayd, waxse la hubaa inuu Cali Bahdoon Berbera markab ka raacay una socdaalay qaaradda Yurub.Cali intii uu joogay Yurub waxa uu u badnaa dalalka Jarmalka iyo Talyaaniga. Kadib markii uu soo biirsaday aqoon iyo waaya-aragnimo ku filan isla markaana uu soo xoogsaday ayuu dalka ku soo noqday oo uu Jabuuti soo degey. Milayga uu dalka ku soo laabtay waa dagaalkii koowaad ee dunida ka hor.Cali Bahdoon shaqo ayuu ka qabtay shirkad Jarmal ah oo hilibka dhoofin jirtay oo uu muddo la shaqeeyey, beryihii dambana ganacsade iskii u xoogsada ayuu noqday.Xilligaa uu cali ku soo noqday Jabuuti, waxa magaalada ka socday dhisme xoogle gaar ahaan xaafadaha ganacsigu u badan yahay ee guudka loo yaqaan, Gasiira iyo dekedda. Cali Bahdoon dal jacaylkiisii baa tusay in magaaladu u baahan tahay geedo lagu beero si looga hadhsado kulaylaha lagu yaqaan xeebaha badda cas. Cid kasta way ogtahay kaalinta ay geeduhu kaga jiraan nolosha.Dabadeed Cali maamulkii gumaysiga ayuu u tegey oo uu ka codsaday in geedo lagu beero magaalada.Jawaabtii uu maamulka gaalku bixiyey baa noqotay, dhulkiinnu waa wada milix oo geedo kama baxayaan. Intaa kumuu joogin ee waxa uu u tegey ninka ay dawladdii gumaysigu soo wakiilatay ee loo yaqaanay Waaliga. Waliga qudhiisu jawaabtii hore oo kale ayuu Cali ugu jawaabay.Dabadeed Cali ayaa yidhi anaa idin tusi oo gacmahaygaan geedo ku beeri, haku daalin buu gaalkii yidhi.Cali Bahdoon aqoon fiican buu u lahaa deegaankiisa, geedaha ku habboon ee ka bixi kara dhulka xeebaha ah buu u yaqaan.Cali xaggaa iyo magaalada Berbera ayuu u ambabaxay waxaanuu ka soo qaaday geedka loo yaqaan Dhamasta ee aadka u waaweyn ee haatan sida xoogga ah ugu badan Jabuuti.Geedihii u horreeyey ee uu keeno ayuu gacmihiisa ku beeray bannaanka weyn ee u dhexeeya Baananka ku yaal Jabuuti ee loo yaqaan (place Lagarde)Tijaabadii u horreysay markay guulaysatay ayuu ku baahiyey meelo badan oo ka tirsan magaala madaxda Jabuuti.Markaa ka dib maamulkii Faransiiska ayaa geedaha daraaddood Cali Bahdoon ku sharfay billad. Geedihii uu berigaa beeray waa kuwa weli taagan ee dhaxalgalka noqday. Waa guushii u horreysay ee uu dalkiisa u soo hooyey Cali Bahdoon.

Sannadkii 1900kii waxa Jabuuti soo degey shirkado Faransiis ah oo bilaabay inay milixda dhoofiyaan. Milixda oo ka mid ah khayraadka ugu waaweyn ee laga helo dalkan Jamhuuriyadda Jabuuti. Shirkadahaasoo milixda ka heli jirey macaash fara badan. Shirkadahaasu waxay ahaayeen kuwo dhiigmiiran jiray shaqaalihii Soomaalida ee u shaqayn jirey. Shaqaalaha wax xuquuq ah looma oggolayn, saacado fara badanna way shaqayn jireen gunnaduna aad bay ugu yarayd. Intaa waxa u dheeraa iyagoo dusha laga saari jirey niman Carab ah oo Yaman laga soo waaridi jirey.Shirkaddii ugu waynayd ee milixda dhoofin jirtay waxay shaqaalaha madax uga dhigtay nin Yamani ahaa oo magaciisa la odhan jirey Maxamad Cumar oo gaalada daacad u ahaa isla markaana ka mid ahaa raggii shaqaalaha Yamanida ah keeni jiray. Dhinaca kale, xilligaa waxa socday dhismaha dekedda caalamiga ah ee Jabuuti, shaqada halkaas ka socotay qudheeda iyo xammaalistiiba dadkii Soomaaliyeed ee dhulka lahaa waa looga dacareeyey oo Carabtii Yaman laga soo waaridayey baa shaqada oo dhan haysatay.Intaa waxa dheeraa shaqaale ay Jabuuti ka qoran jireen maraakiibta waaweyn ee xamuulka qaadda oo iyaguna qoran jiray xoogsato laga keenay dalka Yaman. Dadkii Soomaaliyeed ee dhulka u dhashay waa looga dhaartay in haba yaraatee la siiyo wax shaqo ah.

Waxay arrini sidaa ahaataba,1932kii ayuu bilaabay in uu cadaaladdarradaa ka dhiidhiyo geesigii Cali Bahdoon,waxa uu aasaasay ururkii u horreeyey ee gobannimo-doon ah oo laga furo dhulka Soomaalida,ururkaas oo la odhan jirey Al-khayriya.1935kii waxa ururku abaabulay bannaanbax ay badmaaxyadii Soomaalidu ku diiddanaayeen markab dekadda ku soo xidhay oo shaqaale Carbeed qortay. Bannaanbaxaas oo ku dhammaaday rabshado gacmaha la iskula tagay.Intaa kumuu joogine guddoomiyihii ururku Cali Bahdoon, waxa uu waraaqo u qoray maamulkii gumaysiga uu ku dalbanayo in shaqaalaha Soomaalida loo oggolaado inay ka shaqaystaan dekadda Jabuuti isla markaana la daryeelo xoogsatada u shaqaysa shirkadaha milixda dhoofiya.Wax badan buu Cali Bahdoon u khudbeeyey shirarna la qaatay shaqaalihii ay dulmiga ku hayeen shikadihii milixda,isagoo ku guubaabinaaya sidii ay xuquuqdooda u soo dhacsan lahaayeen.Ururkaa Alkhayriya raggii ay wada aasaaseen Cali Bahdoon waxa ka mid ahaa Siciid Qarayare oo guddoomiye ku xigeenka ururka ahaa iyo Cabdi Faarax oo ahaa xoghayihii ururka.Xaruntii ururka waxa laga furay aqal ku yaal suuqa loo yaqaan Indhacad oo ku yaal badhtamaha magaalada Jabuuti. Ururkaasi waxa uu soo jiitay dad badan oo Soomaali iyo Cafarba leh oo is qoray xisbiga. Dhaqaalaha ururka waxa bixin jiray danyartii ka xoogsanayey shirkadihii milixda,xoolo dhaqatada iyo ganacsatada yaryar.Muddo kooban gudaheed ayuu magaca ururku gaadhay meelo badan oo ka mid ah dhulka Soomaalidu degto.1934kii ayuu guddoomiyihii ururku Cali Bahdoon wafdi ballaadhan oo ka kooban (7) toddoba xubnood u diray dhulka Somaliland ee uu xukumayey gumaysigii Ingiriisku,wafdigaas oo uu hoggaaminayey ku-xigeenkii xisbiga Siciid Qarayare waxay socdaal guubaabo ah ku mareen isla markaana ay ka fureen xafiisyo ururku leeyahay magaalooyinka kala ah Hargeysa, Burco iyo Berbera.Xilligaa uu wafdigu socdaalka ku marayey Somaliland,waa markii la xarriiqayey xuduud-beenaadda u dhaxaysa dhulkii ay kala qaybsadeen Ingiriis iyo Amxaaro.Sidaa daraaddeed waxay dadweynaha ay la kulmayeen ku guubaabinayeen in la is hortaago xuduud-beenaadda. Xaruumihii uu ururku ka furay magaalooyinkii Somaliland,muddo yar ka dib gumaysigii Ingiriiska ayaa oodda ku rogay ururkiina mamnuucay.

1936kii halgankii xisbiga Alkhayriya ku jirey ayaa cirka isku shareeray madaxdii ururkuna si cad oo madmadow ku jirin bay ugu dhawaaqeen in gumaysigu ka baxo dalkooda oo ay xornimo qaataan.1937kii waxa sii kordhay oo meel xun gaadhay kacdoonkii lagu diiddanaa shaqaalihii Yaman laga keenayey. Haddaba si loo baajiyo dhiig daata, ururkii Alkhayriya waxay talo ku soo jeediyeen in xoogsatada Carabta ah dhulkoodii lagu celiyo. Maamulkii gumaysigu taas uu oggolaaday, hasayeeshee qaar ka mida ganacsatadii Carabta ayaa arrintii daba-ka-waydaaratay oo la heshiiyey odayo dhuuni-raacyo ah. Odayadaa oo ku qanciyey madaxdii maamulka gumaysiga in Carabtu yihiin dad Muslimiina oo walaalahooda, isla markaana ay raali ka yihiin inay dalka ka shaqaystaan. Markaa ka dib maamulkii gumaysiga ayaa ka noqday goaankiisii hore iyo heshiiskii ahaa in xoogsatada Yamanidu ku noqdaan dhulkoodii. Goaankaa ka dib dhallinyaro fara badan oo ka mid ahayd kuwii loo diiday in shaqo laga siiyo dekedda Jabuuti ayaa goaan ku gaadhay inay weeraraan Carabtii dibadda laga soo waaridayey ee dhulkooda ku cidhiidhiday.Dabadeed maxaa dhacay? Habeen madow ayaa Carabtii dekedda ka xoogsanaysay oo hurudda bannaanka ka horreeya masjidka weyn ee Xamuudi golxaddo lagula dhex dhacay oo si xun loo laayey.Carabtii qaar badan way dhinteen, in kale oo badanna waa la dhaawacay. Habeenkaa wixii ka dambeeyey Yamanidii la soo waaridayey cagahooda ayey wax ka dayeen dhulkoodii bayna ku noqdeen iyagoo habqan ah.Taasi Soomaalidii fursad ballaadhan bay u noqotay oo ay shaqo kaga helaan dhulkoodii laga horjoogey. Gumaysigii Faransiisku isagoo marka horeba ulo booca ugu tukubayey ayuu Xisbigii Al-Khayriya ku eedeeyey inuu isagu ka dambeeyey dagaalka dhacay. Dhacdadaa ka dib gumaysigu oodda ayuu ku rogey ururkii, madaxdii iyo taageerayaashii qaar badan oo ka tirsanna xabsiyada ayuu ku hubsaday.Guddoomiyihii Xisbiga Cali Bahdoon Buux iyo ku-xigeenkii Siciid Qara-yare xabsiga dhexe ayaa loo dhaadhiciyey,xoghayihii Cabdi Faarax isaga waxa loo masaafuriyey gasiiradda Madagaskar.Inta sannadood ee ay xidhnaayeen cid noo sheegta ma arag, hasayeeshee intii ay xabsiga ku jireen ayuu gumaysigu si xun ula dhaqmay jidh-dil xoog lehna u geystay gaar ahaan Cali Bahdoon.Cali Bahdoon xabsiga ayuu ka soo baxay isaga oo caafimaadkiisu wanaagsanayn. Waayadii dambe nabarradii xabsiga ka soo gaadhay awgood ayey maskaxda wax uga dhinmeen. Dadka qaar baa qaba in Cali Bahdoon Carabtii ay ku colloobeen halganku ay sixir iyo baab uga soo qabteen Yuhuud magaalada deggenayd.Hadal iyo dhammaan Cali waxa uu ahaa geesi naftiisa iyo maalkiisaba u huray xoraynta dalkiisa iyo dadkiisaba.Cali Bahdoon u dambayntii waxa loo qaaday magaaladii uu ku dhashay ee Ayshaca si loo soo dabiibo, halkaas oo uu aakhirkii ku xijaabtay laguna aasay.

Allaha u naxariistee Gabayaagii waddaniga ahaa ee Xaaji Aadan Afqallooc, sannadkii 1947kii markii uu tirinayey gabaygii uu ugu calaacalayey geesigii Sheekh Bashiir ee gumaysigii Ingiriisku dilay, waakii ku soo daray ee lahaa(GOBANNIMO DUQII CALI BAHDOON, DOONISTEED DHIMAYE) Cali Bahdoon waxa uu ifka kaga tegey laba wiil oo kala ahaa Cusmaan iyo Maxamad(labadaba Allaha u naxariisto) iyo gabadh Siciida la yidhaa oo haatan nool.Cali Bahdoon intii uu dhalay iyo intay sii dhaleen waa(49) Sagaal iyo afartan qof oo wiilal iyo hablaba leh.

Ururintii Cabdalla Xaaji Cusmaan

[email protected]