48
report Daawo La’aanta: Beelaha laga tirada Badan yahay Soomaaliya ee La Illaawey Qoraaga Martin Hill

MRG SomaliaRep SOM MRG · 2015. 9. 11. · tirada badan yahay, kuwaasoo, colaad kastoo jirtaba, hore loogu geystay quursi iyo dibad uga saaridda nolosha caadiga ah ee dhaqaale, bulsheed

  • Upload
    others

  • View
    2

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

  • reportDaawo La’aanta: Beelaha laga tirada Badanyahay Soomaaliya ee La IllaaweyQoraaga Martin Hill

  • © Minority Rights Group International 2010All rights reserved

    Material from this publication may be reproduced for teaching or for other non-commercial purposes. No part of it may bereproduced in any form for commercial purposes without the prior express permission of the copyright holders. For furtherinformation please contact MRG. A CIP catalogue record of this publication is available from the British Library. ISBN 978 1 907919 01 5. Published October 2010. Printed in the UK on recycled paper. Daawo La’aanta: Beelaha lagatirada Badan yahay Soomaaliya ee La Illaawey is published by MRG as a contribution to public understanding of the issuewhich forms its subject. The text and views of the author do not necessarily represent in every detail and all its aspects, thecollective view of MRG.

    Inan Bantu ah ee joogto gudaha gurigeeda, Mudug, Puntland. Petterik Wiggers/Panos

    MahadcelinWarbixintan waxay qayb ka tahay mashruuc MRG oo lagurabo in lagu sugo nabadgalyada beelah laga tirade badanyahay ee nuglan ee Soomaaliya iyo in lagu abaabuloxorriyaddooda aasaasiga ah, kaasoo ay maalgeliyeenMidowga Yurub (European Union) oo adeegsanayaNidaamka Yurub ee Dimoqraadiyadda iyo XuquuqdaInsaanka (European Instrument for Democracy and HumanRights), iyo hay’adda Caawimaadda ee Ayrland (Irish Aid).Ujeeddada mashruucu waxay tahay in la kordhiyo kartidadabagalka iyo qareenimada ee ururrada mujtamaca raydkaah iyo dadka u halgama xuquuqda insaanka ee Soomaaliyakuwaasoo iyagu beelaha laga tirada badan yahay u dooda,iyo in la abaabulo ka qaybgalkooda dadweynaha haddii aytahay heerka xaafadeed, qaran iyo caalamkaba. Qoraallada

    ku jira warbixintan waxaa ka masuulah oo keliya MRG, oo marna loomaarki karo in ay ka turjumayaanfikradda Midowga Yurub amahay’adda Irish Aid.

    Ururka dalka gudihiisa ka matalaya MRG ama wadashaqeeyaan waa Dalada Gargaarka iyo xuquuqda dadkalaga tirada badan yahay ee SOMRAF (Somali Minority Rightsand Aid Forum) (SOMRAF), kaasoo ah urur aanan macaashku shaqaynin oo u dadaala xuquuqda insaanka,caawimaadda iyo horumarka Soomaaliyeed isagoosaldhiggiisu yahay Nairobi xarumana ku leh Soomaaliya,Soomaaliland, Jabuuti iyo Itoobiya.

    Hawsha soo ururinta macluumaadka loo adeegsadaywarbixinta waxaa qabtay laba xirfadleyaal cilmibaaris ooSoomaali ah oo iyagu jooga Nairobi, Kenya – Ahmed OsmanIbrahim (cilmibaaraha sare), oo agaasime hore ugu ahaabarnaamijka Soomaaliya ay ka waddo hay’addacaawimaadda ee ActionAid, iyo Mariam Yassin Hagi Yussuf-Jirde, Agaasimaha Guud (Executive Director) ee ururkaaanan dawli ahayn (NGO) ee Soomaaliyeed ee la yiraahdoIIDA Ururka Horumarinta Haweenka (Women’s DevelopmentOrganization) (cilmibaarto). Ururka MRG waxuu aqoonsanyahay gargaarka daruuriga ah ee ay iyagu warbixintan kadhiibteen. Waxaa weliba loo mahadcelinayaa Murtaza ShaikhSarkaalka Sharciyeed iyo Siyaasiyeed (Legal and PoliticalOfficer) ee Hindisaha Ka hortagga Colaadda ee looadeegsado Diblomaasiyadda Dahsoon (Initiative on ConflictPrevention through Quiet Diplomacy) (ICPQD) eejaamacadda University of Essex.

    Ururka MRG waxuu ka mahadcelinayaa wadashaqaynta iyoxiisaynta laga helay ururro iyo shakhsiyaad tiro badan oocaalami ama Soomaali ah iyaga oo lagala tashadaywarbixintan ama loo waraystay, iyo gaar ahaan ururradabeelaha laga tirada badan yahay ee Soomaaliyeed iyo dadkii lawaraystay ee ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay.

    Tafatiraha Xilsaaran iyo Isuduwaha Mashruuca(Commissioning Editor and Project Coordinator): MaruscaPerazzi. Tafatiraha Warbixinta (Report Editor): Helen Kinsella.Isuduwaha Soosaarka (Production coordinator): KristenHarrison. (Typesetting): Kavita Graphics.

    QoraagaMartin Hill waa lataliye madaxbannaan. Waxuu haystaashahaadada ugu sarraysa jaamacadda ee PhD oo uu uhaysto Cilmiga barashada Dadka iyo dhaqamadooda (SocialAnthropology) iyadoo uu ka helay jaamacadda dhaqaalahaee London School of Economics. Hay’adda xuquuqdainsaanka ee Amnesty International ayuu u ahaa CilmibaarahaGeeska Afrika (Researcher on the Horn of Africa) lagabilaabo 1976kii ilaa 2008dii, waxuuna dhowr sanadoodXubin Guurto ah (Visiting Fellow) ka ahaa MachadkaCilmibaarista Barwaaqosooranka (Institute of CommonwealthStudies), jaamacadda University of London.

    Minority Rights Group InternationalMinority Rights Group International (MRG) is anongovernmental organization (NGO) working to secure therights of ethnic, religious and linguistic minorities andindigenous peoples worldwide, and to promote cooperationand understanding between communities. Our activities arefocused on international advocacy, training, publishing andoutreach. We are guided by the needs expressed by ourworldwide partner network of organizations, which representminority and indigenous peoples.

    MRG works with over 150 organizations in nearly 50countries. Our governing Council, which meets twice a year,has members from 10 different countries. MRG hasconsultative status with the United Nations Economic andSocial Council (ECOSOC), and observer status with theAfrican Commission on Human and Peoples’ Rights(ACHPR). MRG is registered as a charity and a companylimited by guarantee under English law. Registered charityno. 282305, limited company no. 1544957.

  • Daawo La’aanta: Beelaha laga tirada Badanyahay Soomaaliya ee La IllaaweyQoraaga Martin Hill

    Ereyada la soo gaabiyey 2

    Warbixinta oo Soo kooban 3

    Horudhac 5

    Maab 7

    Nidaamka qabiillada ee Soomaaliya: xukunka qolooyinka tiro badan 8

    Beelaha laga tirada badan yahay ee Soomaaliya: Dhaxalka ka durugsanaanta bulshada iyo kalasooca dhaqan galay 9

    Dhibaatooyinka hadda ku wajahan beelaha laga tirada badan yahay 16

    Xadgudubka xuquuqyada beelaha laga tirada badan yahay ayadoo loo eegaayo gobol ka gobol 20

    Qaxootida beelaha laga tirada badan yahay iyo Soomaalida dalalka caalamka ku nool 29

    Hababka wax loo xalliyo: xoojinta xuquuqyada beelaha laga tirada badan yahay ayadoo loo maraayo adeegyo caalam ah 31

    Taloyinka 33

    Lifaaqa 1: Habka Cilmi-baariska 35

    Lifaaqa B: Qaamuus-yare 36

    Buugaagta la xushtey 38

    Qoraallada 39

    Tusmada

  • Ereyada la soo gaabiyey

    AMISOM African Union Mission for Somalia (ErgadaMidowga Afrika ee jooga Soomaaliya)

    CAT Convention Against Torture (Heshiiska Ka soohorjeeda Silic-dilyada)

    CEDAW Convention on the Elimination of All Forms ofDiscrimination against Women (Heshiiska kusaabsan Tirtiridda Dhammaan NoocyadaKalasooca ee loo geysto Haweenka)

    CERD Committee on the Elimination of RacialDiscrimination (Guddiga Tirtiridda Kalasoocaku salaysan Jinsiyadda)

    CRC Convention on the Rights of the Child(Heshiiska ku saabsan Xuquuqda Carruurta)

    EU European Union (Midowga Yurub)

    ICCPR International Covenant on Civil and PoliticalRights (Heshiiska Caalamiga ah ee ku saabsanXuquuqda Sharciyeed iyo Siyaasiyeed)

    ICERD International Convention on the Elimination ofAll Forms of Racial Discrimination (HeshiiskaCaalamiga ah ee ku saabsan TirtiriddaDhammaan Noocyada Kalasooca ee kusalaysan Jinsiyadda)

    ICESCR International Covenant on Economic, Socialand Cultural Rights (Heshiiska Caalamiga ahee ku saabsan Xuquuqda Dhaqaale, Bulsheediyo Dhaqameed)

    ICG International Crisis Group (Ururka Waqtigashiddada ee Caalamiga ah)

    ICU Islamic Courts Union (Midowga MaxkamadahaIslaamiga ah)

    IDP internally displaced person (qof gudaha dalkaku barakacay)

    ILO International Labour Organization (Ururka Caalamiga ah ee Shaqaalaha)

    NGO Non-governmental organization (Urur aanandawli ahayn)

    NSS National Security Service (Adeegga Amniga Qaranka)

    SNM Somali National Movement (Dhaqdhaqaaqa Qaranka Soomaaliyeed)

    SOMRAF Somali Minority Rights and Aid Forum (GolahaXuquuqda Beelaha laga tirada badan yahayiyo Caawimaadda ee Soomaaliyeed)

    TFC Transitional Federal Charter (XeerkaFederaaliga ah ee Dawladda ku meelgaar ah)

    TFG Transitional Federal Government (Dawladda Federaaliga ah ee Ku meelgaar ah)

    TNG Transitional National Government (Dawladda Qaran ee Ku meelgaar ah)

    UNCHR UN Commission on Human Rights (GuddigaQaramada Midoobay ee Xuquuqda Insaanka)

    UNDM United Nations Declaration on the Rights ofPersons Belonging to National or Ethnic,Religious and Linguistic Minorities (BayaankaQaramada Midoobay ee ku saabsan XuquuqdaDadka Ka soo jeeda Qolooyinka ku tiro yarQaranka ama Jinsiyadda, Diinta iyo Luqadda)

    UNDP United Nations Development Programme(Barnaamijka Horumarinta ee QaramadaMidoobay)

    UNESCO UN Educational, Scientific and CulturalOrganization (Ururka Qaramada Midoobay eeTacliinta, Cilmisayniska iyo Dhaqanka)

    UNHCR United Nations High Commissioner forRefugees (Hay’adda Qaramada Midoobay ee Qaxootida)

    UN OCHA United Nations Office for the Coordination ofHumanitarian Affairs (Xafiiska QaramadaMidoobay ee Isuduwidda Hawlaha Samafalka)

    UNOSOM United Nations Operation in Somalia(Hawgalka Qaramada Midoobay eeSoomaaliya gudaheeda)

    USWO Ubah Social Welfare Organization (UrurkaWanaagga Bulsheed ee Ubah)

    VOSOMWO Voice of Somaliland Minority WomenOrganization (Ururka Codka HaweenkaBeelaha laga tirada badan yahay eeSoomaaliland)

    WFP World Food Programme (Hay’adda Cunnada Adduunka)

    DAAWO LA’AANTA: BEELAHA LAGA TIRADA BADAN YAHAY SOOMAALIYA EE LA ILLAAWEY2

  • Warbixinta oo Soo kooban

    Halganka loogu jiro xuquuqda beelaha laga tirada badanyahay ee Soomaaliya waxuu barbar socdaa xaaladdatobaneeyadii sano ee ugu dambeeyey ee dadkoo dhanloogu geystey xadgudubka xuquuqda insaanka, lagabilaabo silic-dilyadii badnayd iyo cadaadiskii siyaasiyeed eexukunkii Siad Barre ilaa burburkii dawladda ee 1991kiiiyo dagaalkii sokeeye ee ka dib bilaabmay ilaa iminkanasocda. Xadgudubyo culus ayaa loo geystay Soomaalidadhammaanteed, ha ahaadaan qolooyin tiro badan iyokuwo tiro yarba.

    Hase yeeshee, qolooyinka tiro badan waxay ka faa’iidohelaan nidaam qabiil oo dhaqan ah oo ay ka heleennabadgalyo iyo mudnaan aan diyaar u ahayn beelaha lagatirada badan yahay, kuwaasoo, colaad kastoo jirtaba, horeloogu geystay quursi iyo dibad uga saaridda noloshacaadiga ah ee dhaqaale, bulsheed iyo siyaasiyeed, taasoo aysabab u tahay dhaxaltooyo ay u yeesheen addoonsi,midabtakoor caado ah, hanti ka qaadid iyo barakac.

    Nidaamka qabiilka ee ay isku tiiriyaan qolooyinka tirobadan ayaa beelaha laga tirada badan yahay weli kahorjoogsanaya in ay si wax ku ool ah uga qayb qaataansiyaasadda iyo shaqada; waxuu ka xannibaa helitaankacaddaalad fiican marka xadgudub loo geysto ama markaiyaga dembiga lagu eedeeyo; waxuu iyaga u diidaaxuquuqda ay u leeyihiin horumarka, tacliinta iyo samaysigahabnololeed waara; waxuuna ka horjoogsadaa oo looguciqaabaa guursiga xubnaha qolooyinka tiro badan.Qolooyinka tiro badan waxay weliba si caadi ah beelahalaga tirada badan yahay ugu geystaan hadallo neceyb ah,taasoo suurtogelisay in la sii wado dacaayadaynta beelahalaga tirada badan yahay ee ku salaysan muuqaalka jirkoodaiyo caadooyinkooda dhaqameed, sidaasoo ay kaga siidurkaan bulshada inteeda kale.

    Dagaal sokeeye, iyo fallaagada Islaamiga ah ee ka dibka soo horjeesatay dawladdii ku meelgaarka ahayd eedaciifsanayd ee konfurta dhexe ee Soomaaliya, ayaa keenayin kumanaan qof oo beelaha laga tirada badan yahay ah ayka cararaan guryahoodii, iyagoo u baxay qaybaha kale eeSoomaaliya iyo dibadahaba. Beelaha laga tirada badanyahay waxaa loogu abbaaranayaa waa la’aanta dad ilaaliyaiyo weliba, mararka qaar, sababtoo ah diinta amadhaqannada kale ee ay haystaan iyo caadooyinkooda.

    Ururka MRG waxuu soo ogaaday in haweenkaqolooyinka tiro, gaar ahaan, loo geysto xadgudub aad ufool xun oo ku yimaadda barakaca. Cilmibaareyaashaururka MRG waxay sanadkii 2009kii booqdeen xerooyinloogu talagalay dadka gudaha dalka ku barakaca (IDP)

    kuwaasoo ku yaalla gobollada Buntland ee qayb ahaanismaamula, ee waqooyiga bari ee Soomaaliya, waxaana loosheegay in uu jiro habdhaqan laga naxo oo joogto ah oolagu kufsado haweenka beelaha laga tirada badan yahay,kaasoo ay la yimaaddaan ragga qolooyinka tiro badanmararka qaarna xubnaha booliiska, militariga ama amnigaee Buntland.

    Gobollada konfurta dhexe ee Soomaaliya ee ayshiddadu ka dhammaan laadahay, xarakada hubaysan eeal-Shabaab ayaa sanadkii ugu dambeeyey weerarro rabshadbadan u geystey beelaha laga tirada badan yahay, gaarahaan Bantuda iyo Kiristanka, iyadoo laga soo warbixiyeytoogashooyin, madax ka jarid iyo soo dejinta sharciyoxannibaya caadooyinka diinta ku salaysan, iyadoo dadkayeeli waayana ay uga yimaaddaan dhibaatooyin adag.Colaaddu waxay sanadkan 2010 oo keliya ku khasabtaydad kumanaan gaaraya oo gobolladaas ku noolaa in ayhalkaas ka cararaan.

    Waxay warbixintu muujinaysaa in JamhuuriyaddaSoomaaliland ee iskeed isu taagtay ee nabad guud ka jirtoay beelaha laga tirada badan yahay ku helaan dulqaaddheeraad ah. Hase yeeshee, wixii horumar ahaa ee la gaarilahaa waxaa soo gaabiyey waxqabad la’aanta dawladda,akhlaaqda dawladda ee liddi ku ah dadka u halgamaxuquuqda insaanka, iyo xubnaha qabiillada tiro badan oosii wada habdhaqanka waxyeellayn ah ee saamaynayahorumarka tacliimeed iyo bulsheed ee beelaha laga tiradabadan yahay.

    Ururka MRG waxuu ogsoon yahay in ay aad u adagtahay in la horumariyo xuquuqda insaanka ee beelaha lagatirada badan yahay marka lagu jiro colaad aan kala go’ayn,laakiin waa in aanan marwalba dib loo riixin. Sidaasdarteed waxuu ururku soo jeedinayaa talooyinka soosocda, oo kuwo kale soo raacaan:

    • Waa in Dastuurka cusub ee mustaqbalka loo soo saaroSoomaaliya si gaar ah loogu aqoonsado beelaha lagatirada badan yahay ee dalka jooga, waana in kaas laguadkeeyo xuquuqda ay u leeyihiin sinnaanta iyokalasooc la’aanta ee waafaqsan xeerasha xuquuqdainsaanka ee caalamka.

    • Waa in la hubiyo in helitaanka caddaaladda xubnahabeelaha laga tirada badan yahay ay ula siman yihiindadka kale, iyadoo matalan dadweynaha wax la barayolana tababbarayo si xaakimiinta, booliiska, xeer-ilaaliyeyaasha iyo looyarrada difaaca loo baro arrimahaiyo xeerasha khuseeya xuquuqda beelaha laga tirada

    DAAWO LA’AANTA: BEELAHA LAGA TIRADA BADAN YAHAY SOOMAALIYA EE LA ILLAAWEY 3

  • badan yahay, iyagoona laga hirgeliyo nidaamkacaddaaladda ee dalka.

    • Waa in lagu dhaqaaqo tallaabooyin gaar ah oo lagudhawrayo laguna abaabulayo xuquuqda haweenka kasoo jeeda beelaha tiro yar, ee iyagu la kulma kalasoocwajahado badan oo ku salaysan jinsigooda iyokaalintooda qolada tiro yar.

    • Beesha caalamku waa in ay taageero ka bixisoballaarinta shaqada Soomaaliya uu ka wado XafiiskaMadaxa guddiga Qaramada Midoobay ee XuquuqdaInsaanka si loogu daro barnaamij gaar ah oo loogu

    talagalay xuquuqda beelaha laga tirada badan yahay,kaasoo barbar socda kaalinta Khabiirka Madaxbannaanee Soomaaliya u xilsaaran (Independent Expert forSomalia), waana in ay taageero ka bixiso waxqabadkacaalamiga ah iyo goboleed ee lagu abaabulayoxuquuqda beelaha laga tirada badan yahay eeSoomaaliya iyadoo loo sii maro tusaale ahaan GolahaXuquuqda Insaanka ee Qaramada Midoobay (UNHuman Rights Council) iyo Guddiga XuquuqdaInsaanka iyo Dadyowga ee Afrika (African Commissionon Human and Peoples’ Rights).

    4 DAAWO LA’AANTA: BEELAHA LAGA TIRADA BADAN YAHAY SOOMAALIYA EE LA ILLAAWEY

  • 5DAAWO LA’AANTA: BEELAHA LAGA TIRADA BADAN YAHAY SOOMAALIYA EE LA ILLAAWEY

    Xaaladda ay ku sugan yihiin beelaha laga tirada badanyahay waa in la barbar dhigo duruufta ay Soomaaliya kusoo jirtay 20kii sanadood ee ugu dambeeyey oo la soomaray burburkii dawladda, dagaal iyo affadii ka dib dadkagaartay. Xadgudubyo aad u ballaaran oo ku saabsanxuquuqda insaanka ee aasaasiga ah ayaa loo geysteySoomaalida dhammaanteed, qolooyinka tiro badan iyokuwo tiro yarba, waxuuna ururka MRG ogsoon yahay inay adag tahay in la soo helo dariiq lagaga baxo colaadaha umuuqda kuwo aan dhammaanayn ee noocyo badan eelagu soo jiray tan iyo burburkii dawladda ee sanadkii1991kii.

    Soomaaliya waxay indhaha caalamka ugu soo jeesteenqaskaas awgii, laakiin beelaha laga tirada badan yahay eedalku ilaa iyo iminka ma haystaan nidaam lagu ilaaliyoxuquuqdooda insaanka iyo kaalmayn samafal ah oo kufilan. Macluumaadka iyaga ku saabsan waa kuwo aanandhammaystirnayn dadkuna ma wada oga, inkastoo dhowrwarbixinood xaaladdooda laga soo saaray labaatankiisanadood ee ugu dambeeyey, sida matalan kuwa ay soosaareen ururrada Soomaaliyeed ee u dooda beelaha lagatirada badan yahay iyo culimada Soomaaliyeed.Warbixinnada caalamka ee ku saabsan dhibaatadaSoomaaliya si dhif ah ayaa loogu soo hadal qaadaa beelahalaga tirada badan yahay iyo xuquuqdooda.1

    Hase ahaatee, haddana weligeed dib looma riixi karohirgelinta xuquuqda beelaha laga tirada badan yahay ee laquursado, iyagoo qayb lagama maarmaan ah oo ballaaranka leh mujtamaca Soomaaliyeed. Beelaha laga tirada badanyahay waxaa ku wajahan kalasooc mujtamaca ka dhaqangalay iyo xadgudubyo aad u daran oo loo geystoxuquuqdooda insaanka. Nidaamka caadiga ah eeqabiillada ku dhisan ee ay aasaaseen qolooyinka tiro badanayaa beelaha laga tirada badan yahay weli kahorjoogsanaya in ay ka qayb qaataan siyaasadda iyoshaqada; waxuu ka xannibaa helitaanka caddaalad fiicanmarka xadgudub loo geysto ama marka iyaga dembigalagu eedeeyo; waxuu iyaga u diidaa xuquuqda ay uleeyihiin horumarka, tacliinta iyo samaysiga habnololeedwaara waxuuna yareeyaa isguursiga qolooyinka tiro badaniyo kuwo tiro yar.

    Haweenka beelaha laga tirada badan yahay waxaa kuwajahan kalasooc noocyo badan: waxaa lagu xadgudbaaxuquuqdooda insaanka ee haween ahaan u yaalla, taasoouga timaadda nidaamyada siyaasiyeed ee dadweynaha iyoakhlaaqda bulsheed ee ragga, iyo weliba beelaha gaarka ah.Maxaa dheer, habdhaqan rabshad ku dheehan tahay oo

    laga argagaxo oo ku salaysan jinsiga ayaa loo geystaahaweenka ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay eeku rafaadaya xarumaha IDP ee gobollada Buntland eewaqooyi bari kaga yaalla dalka.

    Waxa marka hore keenaya in aanan si fiican xaaladdaloo fahmin waa maqnaanshaha macluumaad la isku tiiryo.Ma jiro tirakoob la isku hallayn karo oo laga hayoshacabka Soomaaliya sababtoo ah qaska iyo qalalaasahadalka ka jira, sidaas darteedna ma jiro war ku saabsan waxabeelaha laga tirada badan yahay ay dhibaatada kalakulmeen, gaar ahaan marka la eego tirakoobka beelahalaga tirada badan yahay ee dalka guud ahaan ka maqan.Tirakoobyadii shacabka ee dagaalka sokeeye ka horreeyeywaxay ahaayeen kuwo shaki ka jiro oo la khilaafsan yahay.Waxaa isbedbeddel ka muuqdaa caddadka laguxisaabinayo shacabka Soomaaliya ee hadda, oo ay ku jirtoSoomaaliland (jamhuuriyadda iskeed isu taagtay eewaqooyi galbeed ku taalla), iyadoo qiyaasta ugudambaysay ee laga helay Bangiga Adduunku (World Bank)ay shacabka ku beegayso qiyaas ahaan 9 milyan oo qof.2

    Qiyaasta laga helay Xafiiska Qaramada Midoobay eeIsuduwidda Hawlaha Samafalka (OCHA), marka lagudaro caddad ka yimid masuuliyiinta iskood isu taag ah eeBuntland, waxay taasi tilmaamaysaa in caddadka guud eeshacabku intaas ka badnaan karo, iyadoo qiyaas ahaan 5milyan ay ku nool yihiin konfurta dhexe ee Soomaaliya,3

    qiyaas ahaan 2 ilaa 3 milyan ay joogaan Soomaaliland,4 iyoilaa 2.4 milyan ay ku nool yihiin Buntland.5

    Sidoo kale, waxaa aad u yar tirakoobka saboolnimadabeelaha laga tirada badan yahay. Soomaaliya waxaymeelaha ugu hooseeya kaga jirtaa dalalka adduunka ugusaboolsan marka dhowr tusiyaal la raaco.6 Sida ay sheegtayHay’adda Qaramada Midoobay ee Qaxootidu (UNHCR),colaadda sii socota ayaa keentay in dad tiradoodu gaarayso1.4 milyan ay ku barakacaan dalka gudihiisa oo ay tagaankonfurta dhexe ee Soomaaliya iyo Soomaaliland waqtigiiku beegnaa dhammaadkii bishii Abriil 2010, iyadooislamarkaana ay milyan nuskii u qaxeen dalalka dariska laah Soomaaliya.7 Hay’adda Cunnada Adduunku (WFP)waxay soo ogaatay in dad tiradoodu gaarayso 2.5 milyan –qiyaas ahaan saddex meelood meel shacabka waddanka –ee dalka ku kala baahsan ay u baahan yihiin caawimaadcunto ah.8

    Waxaa laga yaabaa, inkastoo aanan si dhammaystiranloo soo baarin, in beelaha laga tirada badan yahay ay guudahaan colaaddu u saamaysay (marka loogu saami dhigotirada dadkooda), si ka daran qolooyinka tiro badan,

    Horudhac

  • 6 DAAWO LA’AANTA: BEELAHA LAGA TIRADA BADAN YAHAY SOOMAALIYA EE LA ILLAAWEY

    marka la xasuusto khasaaraha iyo kalasooca aad u daran eehore u soo gaaray beelaha laga tirada badan yahay.

    Waxaa dalka ka jira shuruuc u gaar ah, oo siyaado kuah xeerasha caalamka ee la aqoonsan yahay ee khuseeyaxuquuqda beelaha laga tirada badan yahay kuwaasoo lagusoo dhigay heshiisyo iyo bayaanno kaladuwan. DastuurkaSoomaaliland (oo aftiqaadid lagu soo oggolaaday maalintii31kii May 2001dii),9 Dastuurka Dawladda ku meelgaar ahee Buntland (oo la soo oggolaaday maalintii 5tii Juun2001dii),10 iyo Xeerka Dawladda Federaaliga ah ee Kumeelgaarka ah (TFG) ee Soomaaliya,11 ayaadhammaantood u huran sinnaanta iyo kalasooc la’aantamuwaadiniintooda dhammaantood. Xeerasha sharciyeedee kuwaas ku jira waxay yihiin kuwo cilmaani ah asalahaan waxayna guud ahaan hirgelinayaan isla xuquuqdanoocyadaas kaladuwan ah.

    Kalasooca loo geysto beelaha laga tirada badan yahaywaxuu ka yimid akhlaaqyo bulsheed oo taariikh looleeyahay iyo xeerar caado ah. Wixii isbeddel ah ee muuqdawaa mid si aayar ah u yimid oo aan dalkoo dhan ku wadafidsanayn, maadaama aanay jirin shuruuc gaar ah ookalasooc la’aanta ku saabsan, tallaabooyin bulshada lagudhexgeliyo beelaha laga tirada badan yahay ama ololeyaaldadweynaha lagaga wacyigeliyo danta beelaha laga tiradabadan yahay. Waxaa markaa si degdeg ah taageero iyo ilo

    ugu baahan dadka u dooda beelaha laga tirada badanyahay.

    Soomaalida dhexdooda waxaa si aayar ah ugu kordhayaaqoonsiga, iyo u doodista, xuquuqda beelaha laga tiradabadan yahay. Waxaa aragti ahaan la aqbalay in beelaha lagatirada badan yahay ay ka qayb galaan dawladda iyobaarlamaanka. Waxay beelaha laga tirada badan yahaywakiillo ku lahaayeen heshiiska xukun qaybsiga ee TFG ooku toosan Xeerka Federaaliga ah ee Dawladda kumeelgaarka ah (TFC) oo la anshixiyey sanadkii 2004tii.

    Haddana waxaa jira meelo farabadan oo weli u baahanin horumar laga gaaro kuwaasoo khuseeya dhawristaxuquuqda beelaha laga tirada badan yahay iyohabnololeedkooda, iyo joojinta akhlaaqda bulsheed eewaxyeellaynta leh ee taariikhda ay u leeyihiin qolooyinkatiro badan.

    Waxay warbixintani ku salaysan tahay hawlmacluumaad soo ururin oo cusub oo uu qabtay ururkaMRG12 iyadoo weliba ku daraysa cilmibaarista hore loosoo qabtay. Waxay tilmaamaysaa baahiyaha sida dhakhsobadan ama degdegga ah uga jira meelaha dhibaataysan iyomeelaha aan dhibaataysnayn ee dalka, iyo welibaisbeddellada mustaqbalka fog loo baahan doono markaxaaladda qayb kasteba ay xasillooni gaarto ee ay kuhabboon tahay xeerka maamulka.

  • 7DAAWO LA’AANTA: BEELAHA LAGA TIRADA BADAN YAHAY SOOMAALIYA EE LA ILLAAWEY

    2000 400 km

    Horn of Africa

    ETHIOPIA

    Mombasa

    Addis Ababa

    SUDAN

    YEMEN

    SAUDI ARABIA

    ERITREA

    UGANDA

    KENYA

    TANZANIA

    SOMALIA

    Mogadishu

    Nairobi

    Kampala

    Khartoum

    Dar es Salaam

    Wad Madan ı̄

    Ad Damazin

    Gondar

    Harar

    Atbarah

    Kasala Asmara

    Assab

    DJIBOUTIDjibouti

    Berbera

    Bossaso

    Garowe

    Beletweyne

    Baidoa

    Kismayu

    Wajir

    Kisumu

    Lodwar

    Tanga

    Mwanza

    Jimma

    Arba Minch

    Lake

    Victoria

    Zanzibar

    Red Sea

    Gulf of Aden

    A R A B I A N

    S E A

    SOMALILAND PUNTLAND

    SOUTH-CENTRAL

    Sana’a

    Hargeisa

    Galkayu

  • DAAWO LA’AANTA: BEELAHA LAGA TIRADA BADAN YAHAY SOOMAALIYA EE LA ILLAAWEY8

    Nidaamka qabiilladu waxuu weli muhiim u yahaySoomaaliya bulsho ahaan iyo siyaasad ahaanba.Qolooyinka tiro badan ee Soomaaliyeed (caadi ahaan looyaqaanno ‘bilis’)13 waxay u kala baxaan afar reer qabiil ooawooweyaasha laga soo qaatay: Daarood,14 Hawiye iyo Dir,oo iyagu ka soo jeeda nidaamka dhaqaale iyo bulsheed eexoolo dhaqatada guurta, iyo Rahanweyn (oo weliba looyaqaanno Digil-Mirifle), oo iyagu ah beerafalato xoolohaysta (xoolo dhaqato beero falata). Qabiilladaas, oodhaqan u leh in ay hub qaataan, waxay soo haysteendawladda casriga ah, siyaasadda, dhaqaalaha, iyo noloshamagaaleed tan iyo markii taliska lagala wareegayguumeysigii sanadkii 1960kii.

    Nidaamka qabiillada waxaa hore loogu tilmaamay‘dimoqraadiyad xoolo dhaqasho’,15 iyadoo inta badan lagudiiday in meel keliya dalka laga wada xukumo habayaraatee. Qabiilladu waxay ku dhaqmaan nidaamyo xeeldheer oo lagu xalliyo wixii khilaaf ah, dhexdhexaadin iyowadashaqayn oo ku toosan xeerka caado ah.16

    Ka dib isbeddelladii ballaarnaa ee qarni nuskii ku soogaaray bulshada ee ka bilaabmay dhammaadkiiguumeysigii, xorriyaddii dalka, kelitaliskii siyaasadeed,burburkii dawladda, colaaddii hubka la isugu qaatay iyodadka Soomaaliyeed ee adduunka qaxootinimo ugu kalabaahay, waxay qabiilladu weli yihiin, inta badan, qaabkagaar ahaaneed ee ay ku dhisan yihiin nidaamyadadawladda Soomaaliyeed iyo mujtamaca Soomaaliyeed eeka dambeeyey guumeysigii.17

    Qaar ka mid xubnaha qolooyinka tiro badan, eedhibaatooyin dhaqaale qaba, ayaa u guuray shaqooyin ay

    hore u qaban jireen uun qolooyin tiro yar oo gaar ah, sidakabatolista, ka shaqaynta saanta, iyo guryo dhisidda,iyadoo beelaha laga tirada badan yahay ee meelahaas kabaxay ay doonteen jagooyin dhaqaale iyo siyaasadeed oocasri ah welibana cusub. Hase yeeshee, daliilka uu ururkaMRG u soo qaaday warbixintan waxaa weli aad ugu cadcaadooyinka taariikh loo leeyahay ee xukunka qabiilka kusalaysan iyo xadgudubka qolooyinka tiro badan ku hayaanxuquuqda insaanka ee beelaha laga tirada badan yahay

    Nidaamka qabiillada ee Soomaaliya:xukunka qolooyinka tiro badan

    • Daarood: reer ama isutag qabiil oo ugu awood badanBuntland, iyadoo jilibyo qabiilka ka mid ahi ay joogaanbariga Soomaaliland iyo konfurta Soomaaliya.

    • Hawiye: qabiil ugu awood badan Muqdisho, gobolkaku hareersan ee Banaadir, iyo weliba gobolladaHiiraan, Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe.

    • Dir: reer qabiil oo ka kooban Isaaq iyo Gadabuursi oojooga Soomaaliland, Ciise oo jooga Jabuuti, iyoBiyamaal oo jooga konfurta Soomaaliya.

    • Rahanweyn oo weliba loo yaqaanno Digil-Mirifle:18

    isutag qabiil, ku nool qaybta beeraha ee u dhexeysawebiyada Jubba iyo Shabeelle ee konfurtaSoomaaliya, oo iminka darajo ahaan u dhigmasaddexda qabiil ee xoolo dhaqato ah, iyagoo kakooban laba qabiil oo xoolo dhaqato beero falata oola isku geeyey – Digil iyo Mirifle – iyagoo sheeganayain ay ka yimaaddeen awoowe keliya.

    Qolooyinka tiro badan ee Soomaaliya

  • DAAWO LA’AANTA: BEELAHA LAGA TIRADA BADAN YAHAY SOOMAALIYA EE LA ILLAAWEY 9

    Beelaha laga tirada badan yahay ee Soomaaliya waykaladuwan yihiin oo kuma dhisna oo keliya mawduucyadajinsiyadda, diinta ama luqadda ee ay ku kaladuwan yihiinsida ku qayaxan Bayaanka Qaramada Midoobay ee kusaabsan Xuquuqda Dadka ka soo jeeda Qolooyinka ku tiroyar Qaranka ama Jinsiyadda, Diinta iyo Luqadda.19 Waxaykaladuwanaantaasi weliba ku salaysan tahay farqiyadabulsheed iyo taariikheed ee u dhexeeya beelaha laga tiradabadan yahay iyo qolooyinka tiro badan ee xoolo dhaqatoah ee qaybta hore ku xusan.

    Beelaha laga tirada badan yahay waxay ugu badnaan kakooban yihiin saddex qolooyin bulsheed oo kala cad ooaanan hub qaadan – Bantu, Banaadiri iyo ‘qolooyinkaxoogsada’. Dhammaan beelaha laga tirada badan yahaywaxay sidoo kale yihiin Soomaali, iyagoo qolooyinka tirobadan la wadaaga luqadda iyo sifooyin dhaqameed oofarabadan.

    Beelaha laga tirada badan yahay waxay ugu badnaan kayimaaddeen xaalado taariikheed iyo dhaqameed oo gaarah.20 Bantudu waxay tilmaamayaan dhaxalkii ka yimidganacsigii addoomada ee qarnigii sagaal iyo tobanaad aysamayn jireen Carabtii joogtay Sansibaar, goortaasooAfrikaantii laga soo qabtay bariga iyo konfurta Afrika lageeyey Soomaaliya oo laga iibiyey Soomaalida. DadkaBanaadiri ah waxay ka yimaaddeen beelihii ganacsatadaajnabi ahayd ee soo degtay magaalooyinka xeebeed eekonfurta 1,500 oo sanadood ka hor, iyagoo ka soo guurayGacanka Carbeed. ‘Qolooyinka xoogsada’ ee darajo yar, eeaanan xoolo dhaqato ahayn waxay hidde u lahaayeen in ayu adeegaan qolooyinka xoolo dhaqatada ah iyagoo la lahaaxiriir kalasooc ku dheehan yahay.21

    Ka hor barakaca dadka farabadan ee dalka gudihiisa kasoo socday tan iyo sanadkii 1991kii colaadda awgeed,Bantudu waxay hore ugu badnaayeen gobollada beerafalatada iyo kaymaha ee webiyada u dhexeeya ee konfurtaSoomaaliya. Dadka Banaadiri ahi waxay ku noolaayeenmagaalooyin ku yaalla xeebaha konfurta dalka, iyagooqolooyinka xoogsada ay ku kala baahsanaayeen baadiyahaiyo magaalooyinka badidood iyagoo u kala baxsanaa beelotiro yar.

    Bantuda iyo qolooyinka xoogsada waxaa caado u ahaydin ay ku xirnaadaan qabiillo iyo isirro gaar ah oo22

    Beelaha laga tirada badan yahay ee Soomaaliya: Dhaxalka kadurugsanaanta bulshada iyokalasooca dhaqan galay

    • Bantu (ama Jareer), qolada tiro yar ee ugu weyn:waxay ka kooban yihiin dad ka yimid dad addoomoahaan jiray oo la soo qaaday ama soo baxsaday, iyobeero falato dhulka loogu yimid; waxay inta ugu badanahaayeen beero falato iyo farsamo yaqaan ku noolqaybaha beeraha ee webiyada u dhexeeya ee kuyaalla konfurta Soomaaliya, iyagoo qaar goor dambe u guureen ama u carareen meelo kale oo Soomaaliyaka mid ah.

    • Beelaha farsmomaalka ah, oo taariikh ahaan looyaqaannay Midgaan (ama caadi ahaan waqtigaxaadirka ah loo yaqaanno Gabooye, Madhibaan iyoMuuse Deriyo, oo hore u ahaan jiray ugaarsato iyodad ka shaqeeya saanta iyagoo hawlo kaloodhaqameed iyo farasameed u qaban jiray qolooyinkatiro badan); Tumaal (biro sanceeye); iyo Yibro(takhasus u leh dhaqanka). Waxay ku kala baahsanyihiin Soomaaliya (Soomaaliland iyo Buntland), Itoobiyaiyo Jabuuti.

    • Banaadiri: beelo ganacsato ah baayacmushtar kudhisan oo ka yimid dhulka Carabta iyagoo inta ugubadan ku nool magaalooyinka xeebaha konfurtaSoomaaliya – Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

    • Beelaha Xerta ah ama wadaada ah ee tirade yar,Qolooyinka diimeed ee tiro yar: waxaa kuwaas ka midah tiro yar oo Soomaali Kiristan ah, iyo weliba qolooyintiro yar oo ka mid ah diinta Islaamka – Ashraf iyoShekhal.

    Beelaha laga tirada badan yahayee Soomaaliya: oo kooban

  • DAAWO LA’AANTA: BEELAHA LAGA TIRADA BADAN YAHAY SOOMAALIYA EE LA ILLAAWEY10

    degaaneed iyagoo addoon u ahaa. Xiriirradaas addoonimo(oo loo yaqaanno sheegad) waxay burburayeen markashakhsi ama qoys ay cararaan, dal kale u guuraan amaabbaankoodu dhinto, sidaasoo ay iyagu xorriyad kuhelayeen laakiin ay ku ilaalo waayayeen. Qaarkood waxayisku dayi jireen in ay halkaas ka baxsadaan iyagoo meelkale u guuri jiray oo samaysan jiray awoowe been ah si ayisaga dhigaan xubin qabiilka ka mid ah, badi qabiilkii horeu ilaalin jiray.23

    Saddexda qolooyin ee tiro yar waxay dhammaantoodyihiin dad la quursado, kalasooc loo geysto,24 oo guudahaan ka mamnuucan in ay qabiillada waaweyn isguursadaan, taasoo ah wax iyaga ku sii waday in ay guudahaan ka durugsanaadaan qolooyinka tiro badan qarniyobadan. Ka durugsanaanta bulshada ee Bantuda iyo‘qolooyinka xoogsada’ – beelaha laga tirada badan yahay eemidabtakoorka iyo kalasooca ugu badan loo geysto –waxaa qeexaya murtida Soomaaliyeed ee caanka ah eetiraahda, ‘looma-ooyaan ayaad tahay’ iyo ‘looma-aaraanayaad tahay’, taasoo tilmaamaysa in beelaha laga tiradabadan yahay aanay filan karayn in daawo loo soo helohaddii xuquuqdooda lagu xadgudbo.25 Qabiillada tirobadan waxaa caado u ahayd in ay diidaan in ay guursadaandad ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ama in ayiyaga wax la cunaan (iyagoo u arkayey in siyaabaha ay waxu cunaan qaarkood ay wasakh yihiin).

    Caddadyada qiyaasan ee beelaha laga tirada badanyahay waxay yihiin kuwo inta badan loo malaynayo muranayaana ka jira, maxaa yeelay ma jiro tirakoob la iskuhallayn karo ama dhawaan la qabtay oo laga qaadayshacabka. UN OCHA sanadkii 2002dii waxuu kuqiyaasay in beelaha laga tirada badan yahay ay u dhigmaansaddex meelood meel wadarta shacabka, ama laba milyanoo ka mid ahaa lixdii milyan ee qof ee dalka waqtigaasjoogay.26

    Haddii ay weli guud ahaan sax tahay qiyaastaas saddexmeelood meel, waxaa laga yaabaa in beelaha laga tiradabadan yahay ay iminka gaarayaan ilaa 3 milyan oo ka midah qiyaasta shacabka ee 9 milyan ah (marka Soomaaliyaiyo Soomaaliland la isku daro). Waqtigaas, OCHA waxuuBantuda ku qiyaasay in ay u dhigmaan boqolkiiba 15shacabka waddanka, ama 1 milyan, Banaadiri 1.5 milyan,iyo Midgaan/Tumaal/Yibro 1.5 milyan, inkastoo lafilanayo in caddadyadaasi ay iminka hoos u qiyaasayaandadka Bantu oo ay siyaado u qiyaasayaan qolooyinka kaleee tiro yar. Waxaa laga yaabaa in Bantudu ay udhigmayeen ilaa nus shacabkii (ka hor 1991kii) joogayqaybaha webiyada u dhexeeya.27 Dadka u doodaBantuda/cilmibaareyaashu waxay tilmaamayaan inBantudu ay u dhigmaan boqolkiiba 20 tirada guud eeshacabka Soomaaliyeed ee hadda.28

    Maadaama uusan jirin tirakoob waqtiga ku habboonoo dhammaystiran oo ku saabsan shacabka beelaha laga

    tirada badan yahay ee Soomaaliyeed waxay taasi keenaysaain hay’adaha caalamku ay isku dayaan in ay soo saaraanqiyaaso iyo macluumaad aanan isku darnayn oo kusaabsan qolooyinka kaladuwan ee tiro yar, si loo wanaajinkaro baarista iyo ka jawaabcelinta baahiyahoodahorumarka iyo caawimaadda.

    Bantu (Jareer)29

    Bantudu waxay weli haystaan caadooyin iyo sifooyindhaqameed oo farabadan oo u soo jiray tan iyo muddadiika horraysay markii addoon ahaan loo soo qabtay ee lakeenay Soomaaliya. Caadooyinkaasi waxay ku darsadeenqaababka cusub ee bulsheed ee ay ka samaysteenSoomaaliya.30 Magaca ‘Bantu’ waxuu ka yimid aqoonsigiidhammaadkii qarnigii 20aad ee asalkooda, muuqaalkooda,hiddahooda dhaqameed iyo isirradooda Afrikada Madow.Waxaa caado u ahayd in si darajo hoosaysa loo dhexgeliyoqabiillada iyo isirrada Soomaaliyeed.

    Bantuda qaarkood waxay si fog ugu abtirsadaanbeelihii beera falatada ahayd ee waqtiyadii ugu horreeyeydhulka loogu yimid iyagoo ka horreeyey markii ay xoolodhaqatadu u soo guureen dhulka oo qarnigii sagaaltobanaad samaystay beelo gaar ah oo loo yaqaannoGoosha. Inkastoo addoonsigu meelahaas uu aad ugubadnaa, haddana mujtamaca Bantu ee waqtiga xaadirkaahi waxay ugu badnaan ka yimaaddeen boqolladii kun eeAfrikaantii lagu addoonsday ganacsigii addoomaha eeCarabtu wadday qarnigii sagaal iyo tobanaad.

    Bantuda waxaa lagaga shaqaysan jiray lacag la’aanbeeraha konfurta dalka ee iyagu alaabooyin ay ka midyihiin misig iyo saliidda sisinta geyn jiray Bariga Dhexe iyomeelo kale. Waxay weliba qaban jireen shaqooyinka xooloraacidda, adeegeyaasha guryaha, dumar guryaha laguhaysto iyo farsamo yaqaan. Qaarkood waxay ku xirnaayeenreero Soomaaliyeed oo degaanka joogay, inkastoobadidood ay gooni ugu noolaayeen dhulal ay dhisteen ooBantu ah.

    Waxaa markii ugu horraysay lagu hayey xukunaddoonsi31 ay taageersanaayeen oo ay dhiirrigelinayeenmasuuliyiinta guumeystihii Talyaaniga ahaa ee konfurta(qaybtaasoo markaa loo yaqaannay Dhulka soomaaliyeedee Talyaaniga (Italian Somaliland)) ilaa markii ugudambaysay ee sharci ahaan la mamnuucay addoonsiga eedadka xorriyaddooda la siiyey sanadkii 1903dii. Tirofarabadan ayaa baxsaday si ay beelo addoomo ah oo soobaxsaday uga dhisaan meelaha ugu fog kaymaha webiyadau dhexeeyey; waxaa kuwaas loo saaray magaca Goosha(‘dadka kaymaha’). Waxaa u suurtogashay in ay haystaanxorriyad badan, iyo weliba qaar ka mid ah qaababkoodiibulsheed iyo dhaqameed iyo luqadahoodii asalka ahaa, eetusaale ahaan ka soo jeeday mujtamacyada Zigua, Yao,Nyasa, Makoa, Ngindu iyo Nyika.32

  • DAAWO LA’AANTA: BEELAHA LAGA TIRADA BADAN YAHAY SOOMAALIYA EE LA ILLAAWEY 11

    Ka dib markii la mamnuucay addoonsiga, addoomofarabadan oo la rukhseeyey ayaa u guuray dhulalkakaymaha si ay ugu biiraan Goosha waxayna iyagu noqdeenGoosha. Kuwii ka haray magdhaw lagama siinaddoonsigoodii, qaar farabadan waxay weli u siishaqaynayeen dadkii haystay, iyagoo mararka qaar weli kujira xaalad addoonsi u eeg. Qaar kale waxaa u suurtogashayin ay beera falashada si madaxbannaan ugu noolaadaaniyagoo samaystay tuulooyin Bantu ah oo gooni ah.Sanadihii 1930nadii, Bantuda waxaa lagu soo rogay sharcishaqo khasab ah oo cusub oo guumeysiga ka yimid33

    kaasoo iyaga ku khasbayey in ay waqtiyo badan kashaqeeyaan beeraha dadkii Talyaaniga ahaa ee dhulka usoo guuray iyagoo lacag aanan la siin jirin ama wax aad uyar la siin jiray.

    Sida qaybaha kale ee mujtamaca Soomaaliyeed,qabiilladii xoolo dhaqatada ahaa iyo Rahanweyn ayaadadkaas ‘ilaalin’ ku siin jiray nidaam dhaqan galay oo ahaaxiriir addoonsi (sheegad) oo ay ku galayeen qaybahaqabiillada degaanka. Bantuda waxay ugu shaqayn jireen‘abbaankooda’ lacag la’aan iyagoo ka heli jiray quud iyobaahiyahooda bulsheed ee aasaasiga ah. Waxay sidaasabbaankooda uga helayeen ilaalin ku toosan xeerka caado ah.

    Dumarka waa la dhiigmiiran jiray galmo ahaan;xubnaha qabiillada ayaa si caadi ah u kufsan jiraygabdhaha iyo haweenka Bantu ah iyagoo aan waxba lagaqaadi jirin, marka la barbar dhigo dhibaatooyinka ka imanjiray kufsashada dumarka qabiillada. Qabiilladu waxaycaado u lahaayeen in ay mamnuucaan in ay guursadaandadka Bantu ah, inkastoo ay iska caadi ahayd in ayguryaha ku haystaan haweenkooda.

    Ka dib afganbigii militariga ee xukunka lagaga qaadaydawladdii rayidka ahayd ee xisbiyada badnayd sanadkii1969kii, isbeddelladii dhaqaalaha ku yimid ayaa fursadocusub Bantuda uga soo saaray horumarinta beeraha iyoganacsiga. Nidaamyadii kalasooca horjoogsanayey (ooiminka baaba’ay tan iyo burburkii dawladda) ee xukunkiiMadaxweyne Siad Barre ayaa Bantuda iyo qolooyinka kaleee tiro yar u furay tacliinta dawladda iyo shaqadadawladda, waxayna iyaga u suurtogeliyeen aqoonsibulsheed iyo wakiillo ay siyaasadda ku yeeshaan.

    Intii ay ku sii shaqaysanayeen oo ay sii baranayeenfarsamooyinka ay diiddanayeen xoola dhaqatadu, waxayBantudu weliba xirfado cusub ka samaysteen beelahoodadhexdood waxayna u wareegeen shaqooyin farsameed oocasri ah oo farabadan, gaar ahaan injiniirnimada (sida dibu hagaajinta baabuurta ama doonyaha), warshadaha,nijaarnimada, qorista looxa, dhismaha guryaha, dhismahadhagaaxda, iyo rinjiyeynta guryaha.

    Hase yeeshee, kalasoocu weli wuu badnaa, taasoo ay kusii socotay saboolnimadoodu. Bantuda waxaa ka lumaydhul aad u badan sababtoo ah sharcigii diiwaangelinta

    dhulka ee 1975kii ay soo saartay dawladdii Siad Barre,kaasoo wixii dhul ah ay dawladdu kula wareegtay.Bantudu marar dhif ah ayay caddayn karayeen in ay iskaleeyihiin dhulkii ay caado u lahaayeen, welibana xubnahaqabiilladii dawladda ku xirnaa ayaa qaatay ama looqoondeeyey dhul beero ah iyagoon lacag bixinin ama waxyar bixiyey. Bantu badan waxaa hantida lagala wareegayiyagoon sharciga taas isaga difaaci karin ama isaga ilaalinkarin. Bantu waxaa lagu khasbay in ay, badi lacag la’aan,ugu shaqeeyaan hantiileyaashii cusbaa ee badi dhulkaaanan joogin.34

    Sanadihii 1980nadii waxaa ka muuqday heegaansiyaasadeed oo cusub oo ay bilaabeen Bantudu. Ereygiixumaa ee hore Jareer (‘timo adag’, oo ka yimidawooweyaashooda Afrikaanka ah) ee ay Bantuda ugu yeerijireen qolooyinka ‘bilistu’, iyagoo isugu yeeri jiray jileec(timo jilicsan ama galgaloolan, taasoo tilmaamaysay in ayCarab ka yimaaddeen), ayay Bantuda laftigoodu sooqaateen si ay uga dhigtaan ereyga af Soomaali ah ee iskutilmaamayaan. Sanadihii 1990nadii, markii waddamadadunidu ay yimaaddeen Soomaaliya, ereyga Bantu ayaadhulka ku batay oo noqday mid kan hore la siman ooiyaga lagu tilmaamo.35

    Sanadihii 1990nadii, goortii dagaalladii sokeeye ee kadambeeyey burburkii dawladda, hoggaamiyeyaashii dagaalee uu ka mid ahaa Janaraal Maxamad Caydiid (oo isaguMuqdisho kula dagaallamay cidaankii Maraykankasanadkii 1993kii), ayaa haystay gobollada konfureediyagoo ay garab joogaan jabhadahooda qabiil qabiil kudhisan, waxayna sii wadeen dhulka oo ay dadka xoog kagaqaadaan, dilis, barakicinta khasab ah ee dadka iyo kushaqaysigooda.36 Macaluushii darnayd ee sanadkii 1992kiika dhacday konfurta Soomaaliya ayaa si gaar ah u taabataydadyowga Bantu iyo Rahanweyn ee qaybaha Baydhaba.Hawlgal samafal ah ee Qaramada Midoobay, UNOSOM,ayaa la bilaabay, laakiin waxay Qaramada Midoobay dalkaka baxeen sanadkii 1995kii, iyagoo aanan wax fiican kaqabanin soo celinta nabadda, jabhadaha oo hubka lagaqaado, dib u dhisidda dawladda dhexe iyo midda bogoleediyo nidaamka caddaaladda, xallinta shiddada insaaniyeed,ama hubinta dhawritaanka xuquuqda insaanka. Dad kakala socda qabiillada dhammaantood ayay xadgudubyo ugeysteen jabhadihii hoggamiyeyaasha dagaal, waxaanabaaba’ay ilaalintii ay beelaha laga tirada badan yahay caadou lahaayeen in ay ka helaan qolooyinka tiro badan.

    Bantu waxaa si gaar ah u waxyeelleeyey jabhadahahubaysan (oo u dagaallamayey in ay la wareegaan xukunkadhulka beeraha ah iyo qaybaha magaalooyinka eekonfurta), iyagoo si joogto ah u dhacayey ugunaxadgudbayey dadka rayidka ah. Qolooyinku waxay welibaiyaga u diiddanaayeen in ay qayb ka helaan kaalmadamacalluusha ee dalka timid. Kumanaan Bantu ah ayaadalka gudihiisa ku barakacay ama u cararay Kenya.

  • 12 DAAWO LA’AANTA: BEELAHA LAGA TIRADA BADAN YAHAY SOOMAALIYA EE LA ILLAAWEY

    Ilaa iyo iminka, dadka Bantu si hagaagsan uguma aysuurtogelin in ay soo ceshadaan dhulkii laga xadaysanadihii 1990nadii ama ka hor. Haweeney Bantu ah oobarakacday oo lagu waraystay magaalada Hargaysasanadkii 2008dii ayaa ka soo warbixisay xaalad goortaascaadi ahayd oo macnaynaysa kalasooca iyo ka horjoogsigacaddaaladda:

    Waxaannu lahayn dhul yar oo ku yaalla xaafaddaHodan [ee Muqdisho] laakiin iminka ma haysanno.Waxaa qaatay qoys Hawiye ah maadaama aannuBantu nahayna uma tagi karno oo kama soo ceshan karno 37

    Xaaladda siyaasiyeed: halganka xukunkaloogu jiro, burburkii dawladda iyoxadgudubyada farabadan ee ku yimidxuquuqda insaanka

    Halganka loogu jiro xuquuqda beelaha laga tirada badanyahay waxaa barbar socda xadgudub guud ahaaneed oomuddo badan loo soo geysanayey xuquuqda insaanka.Dawladdii Siad Barre, oo xukunka haysay 1969kii ilaa1991kii, ayaa xuquuqda insaanka u geysatay xadgudubyoculus, iyagoo ay ka mid yihiin silic-dilyo farabadan, sooxiritaanka dad farabadan oo aan sabab loo hayn iyocadaadis siyaasiyeed. Taliskii Siad Barre ee shakhsiahaaneed waxuu inta badan ku tiirsanaa militariga iyoAdeegga Amniga Qaran (NSS), oo ugu badnaan kakoobnaa qabiilkiisa Mareexaan ee reerka qabiil ee Daarood.

    Waayihii hore, dawladda Siad Barre si cad ayay umamnuucday qabyaaladda loo adeegsado si looga helofaa’iido siyaasiyeed ama dhaqaale iyo midda kalasoocloogu geysto beelaha laga tirada badan yahay;nidaamyadaas oo ahaa kuwo ay si googo’an u hirgelinjireen adeegga NSS iyo maxkamadaha amniga ee sababla’aan ku shaqaynayey. Laguma dhaqaaqin barnaamijdadweynaha lagu barayo xuquuqda beelaha laga tiradabadan yahay lamana soo dejin shuruuc ku saabsankalasooca, ficil ahaanna, waxay dawladdu sii wadday ooay sii kordhisay qabyaaladda oo bartamaha ugu jirtayxukunkeeda iyo cadaadiskeeda.

    Hase yeeshee, nidaamyada ka soo horjeedayqabyaalladdu waxay gacan ka geysteen wanaajintaxaaladda beelaha laga tirada badan yahay, waxaynaweliba taasi ku timid dhiirrigelinta waaxyaha dhaqaale eeaan ku salaysnayn xoolo dhaqashada ee ah beerofalashada iyo kalluumaysiga, iyo fikirka rasmiga ahaa ee‘sinnaanta nidaamka hanti-wadaagga’, gaar ahaantacliinta bilaashka u ahayd dadkoo dhan ilaa jaamacadda.

    Waxay taasi ahayd markii ugu horraysay ee dadkaBantu iyo qolooyinka xoogsada ay si dhab ah tacliin u heli

    karayeen. Laakiin nidaamyadaasi ma ay tirtirin kalasoocabulsheed ee jiray. Beero falatada Bantu ahayd ayaywaxyeello badani ka soo gaartay reerihii guurtada ahaa eegobolkooda u soo wareegay muddadii abaartii sanadkii1974kii, dhul ay caado u lahaayeen ayaana qaarfarabadan lagaga qaaday sharcigii diiwaangelinta dhulkaiyo minguurintii dhulka ee loo waday beeraha dawladdasanadkii 1975kii. Waxaa dhulkooda badi xoog kagaqaadan jiray xubnaha qolooyinka tiro badan ee ku xirandawladda ama u dhow qabiilka Siad Barre. Dadkakalluumaysta ee Bajuni ayaa lagu khasbay in ay galaaniskaashatooyin dawli ah oo ay ugu badnaayeen qabiilladatiro badan waxaana sidaas kaga lumay qalabkoodii iyohabnololeedkoodii kalluumaysiga ee ay shakhsi ahaan ulahaayeen ama qoyskoodu lahaa.

    Ka dib markii dawladdii Siyad Barre ay afganbiyeenciidamadii mucaaradka ahaa sanadkii 1991kii, waxaaburburtay Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee dib loo soomagacaabay, xadgudubyo culus oo ku saabsanxuquuqda insaanka iyo dembiyo dagaal ayay geysteenhoggaamiyeyaasha dagaal ee jabhadaha qabiil qabiil kudhisan ee konfurta dalka. Waxaa burburay xarumihiidawladda, waxaa aad loo dundumiyey waddooyinkii iyoisku xireyaashii kale ee dalka, waxaana dalka gudihiisa kubarakacay dad rayid ah oo aad u farabadan iyo qaxootifarabadan oo u gudbay dalalka deriska ah iyo meelo kashiisheeya. Waxaa qaskaas iyo waxshinimadaas ugubadnaan ku baaba’day ilaalintii qabiil qabiil ku dhisnayd eecaado loo lahaa, taasoo beelaha laga tirada badan yahayu sii halis galisay xadgudubyada iyo dembiyada aygeysanayeen xubnaha qabiilladu iyagoon laga soo jarin.38

    Dhanka waqooyi galbeed sanadkii 1991kii,Dhaqdhaqaaqa Qaranka Soomaaliyeed (SNM) ayaa kudhawaaqay xorriyadda gaarka ah ee JamhuuriyaddaSoomaaliland oo iskeed isku taagtay. Markii uguhorraysay, beelaha laga tirada badan yahay ee magaaladaHargaysa (caasimada Soomaaliland) waxaa loogeysanayey dagaal, taasoo lagaga soo jarayey, faa’iidadii,ilaa xad ahayd, ee ay ka heleen nidaamyadii sinnaanta eedawladdii Siad Barre, iyagoo qaarkood lagu daraycuntubyo gaar ah oo militarigiisa ka mid ahaa. Xubnahaqolooyinka xoogsada ee hore loogu oggolaaday in ayhalkaas ganacsi ka furtaan oo ay guryo ka kiraystaan waala garaaci jiray, waa laga saari jiray waxayna u qaxeenItoobiya ama waxay degeen xaafadda heer hoose ah eeDami ee magaaladda ku taalla.39

    Hase yeeshee, weerarradaasi xoogaa ka dib ayayjoogsadeen. Beelaha laga tirada badan yahay waxaa shankursi looga qoondeeyey Aqalka Wakiillada iyo afar lagasiiyey Golaha Sare ee Baarlamaanka taasoo waafaqsanDastuur cusub, takhtar Gabooye ah ayaana loomagaacabay in uu noqdo wasiir ku-xigeenkacaafimaadka.

  • 13DAAWO LA’AANTA: BEELAHA LAGA TIRADA BADAN YAHAY SOOMAALIYA EE LA ILLAAWEY

    Sanadkii 1998kii dhanka waqooyi bari, shir dhexmaray isimo iyo siyaasiyiin ayaa si gaar ah loogadhawaaqay Maamulka Goboleed ee Buntland oo ah qaybxorriyad badan oo ka tirsan Soomaaliyada federaali ah,iyadoo loo sameeyey dawlad gudaha ku shaqo leh oogaar ah, baarlamaan, xukuumad, waax caddaalad iyonidaamyo kale, waxaana ku yaraa faragelinta dawladdafederaaliga ah. Kumanaan qof oo ku barakacay colaaddiikonfurta Soomaaliya ka dib 1991kii ayaa u cararaydakadda horumarka degdeg badan ee Boosaaso ooBuntland ka mid ah, iyagoo ay ku jireen dad farabadan ooBantu ah iyo qolooyin kalo tiro yar.

    Ka dib shirkii nabadda ee sanadkii 2000 la qabtay,waxaa la aasaasay baarlamaan ku meelgaar ah waxaanaDawlad Qaran oo Ku meelgaar ah (TNG) laga dhisayMuqdisho muddo saddex sanadood ah. Hase yeeshee,dawladda TNG gudaheeda ayuu khilaaf ka jiray waxaynaawoodi weydey in ay aasaasto maamul qaran, militari iyociidaan booliis oo meel dhexe laga maamulo, ama nidaamkaloo xukuumadeed ama caddaaladeed. Meelaha qaar,waxaa ka soo baxay maxkamado Islaami ah oo aan rasmiahayn iyagoo wata jabhado hubaysan iyo xabsiyo waxaynasuurtogeliyeen amni xaafadaha qaar laga soo dhaweeyey.

    Nidaamka qabiillada ku dhisan waxuu xubnahaqabiilka ugu deeqay badbaado yar, laakiin beelaha lagatirada badan yahay ee aanan haysan qabiil ilaaliya ayaywaxyeello badan gaartay. Jabhaduhu waxay xukumeenqaybo dhul oo kaladuwan, iyagoo aanan laga jarindembiyadooda, waxaana farabatay dadka la afduubo eelagu weydiisto lacago farabadan.

    Xerooyinka IDP, oo ay badi joogeen beelaha lagatirada badan yahay, xubnaha qolooyinka tiro badan eehubaysan ayaa si caadi ah u noqday ‘irrid ilaaliyeyaal’,iyagoo degaanka looga yaqaannay ‘mukulaal madow’.Marka ay xadaan caawimaadda ka timid hay’adahacaalamka (oo shaqaalahooda Soomaalidu ay ugubadnaan ka soo jeedeen qolooyinka tiro badan), waxay kudeeqayeen ilaalo hubaysan oo cunto lagu siin jiray.40

    Ururrada NGO ee Soomaaliyeed qaarkood (oo kashaqaynayey dhibaatooyin kaladuwan oo la xiriiraxuquuqda iyo horumarka) ayaa ka aasaasmay konfurtadhexe ee Soomaaliya muddadaas qasku jiray, si ay ugasoo horjeestaan quwadda hoggaamiyeyaasha dagaal ooay isu dayaan in ay dib u soo celiyaan amniga aasaasigaah, xuquuqda insaanka iyo habnololeedka.

    Dawladda Federaaliga ah ee Ku meelgaar ah (TFG),oo ka dhalatay wadahadallo nabadeed oo la qabtaysanadkii 2004tii si loogu beddelo dawladda qaran eeTNG, ayaa iminka dawlad Soomaaliya u ah. XeerkeedaFederaaliga ah ee Ku meelgaar ah, oo ah Dastuur kumeel gaar ah, waxaa ka kooban qodobbo muhiim ah ookhuseeya xuquuqda insaanka iyo xeerka maamulka,inkastoo aanan si cad loogu soo hadal qaadayn

    xuquuqda beelaha laga tirada badan yahay. Haseyeeshee, dawladda federaaliga ah ee TFG xukun ku filankuma hayso qayb dalka ka mid ah awoodna uma leh inay hirgeliso qodobbadaas.

    Baaritaannada caalamku hadda ka fiirsanayo ee lagusamaynayo dembiyada dagaal iyo dembiyada liddi ku ahinsaanka ee ay geysteen qolooyinka kaladuwan eecolaaddu ka dhex martay Soomaaliya sanadihii ugudambeeyey waxay u badan tahay in lagu daro dembiyadaloo geystay beelaha laga tirada badan yahay.

    Benadiri Koox labaad ee qolooyin tiro yar ayaa ka timid beelahabaayacmushtarka ee magaalooyinka ee ay dhisteenmuhaajiriin waqtiyo kaladuwan (qaarkood ilaa 1,500 sanoka hor) ka yimid meelaha iminka ah Sacuudi Carabiya,Yaman, Cummaan, Iraan iyo India. Waxay degeen ‘xeebtaBanaadir’ iyo tuulooyinka dhulka gudihiisa,41 waxaynadhisteen tuulooyin guryo dhagax ah si ay isu diffaacaan ooay ganacsi u samaystaan, iyagoo gacan weyn ka geystayfidinta Islaamka. Waxay la falgaleen qabiillada degaanka(xoolo dhaqata iyo Rahanweyn), iyagoo sii haystay qaar kamid ah sifooyinka gaar u ah.

    Qaybaha BanaadiriQolooyinka Banaadiri waxaa ugu badnaan ka mid ahbeelaha soo socda.42

    • Reer Xamar, oo ku nool Muqdisho (waqtigii Xorriyadda la helay qiyaas ahaan shacabka nuskii ayayahaayeen), oo ka dhigan ‘qabiilka’43 Xamar (magackaloo loo yaqaanno Muqdisho), iyagoo leh lahjad ugaar ah ee luqadda Soomaaliga (Af-Hamar), waxaynau kala baxaan qaybo ama ‘jilibyo’ kaladuwan oofarabadan.

    • Degganeyaasha dakadda Marka (oo ahayd‘caasimadda’ xeebeed qarnigii saddex iyo tobanaad),oo mararka qaar loo yaqaanno Reer Marka, iyagoo lehlahjad u gooni ah ee Soomaaliyeed (Af-Donte) oo kuxiran Af-Maaymaay ee qabiillada Rahanweyn eedegaanka.

    • Barawaani, ku nool magaalada xeebta ee Baraawe,iyagoo leh sifooyin taariikheed iyo dhaqan magaaleedoo qayb ahaan u gaar ah kuwaasoo ka yimid qarnigiilix iyo tobanaad markii Baraawe (oo la dhisay qarnigiisagaalaad) ay ahayd dakad ganacsi oo muhiim ah oois maamusha waxayna ka hortageen weerarradiiBurtaqiiska. Qarnigii sagaal iyo tobanaad, Baraawewaxaa loo aqoonsaday xarunta degaanka eecilmibarashada, tacliinta, faafinta diinta iyo aqoontasharciyeed ee Suufinimada Islaamka. Barawaaniduwaxay ku hadlaan Shimini oo u ah luqadda hooyo(iyadoo weliba loo yaqaanno Shimbalasi), taasoo ah

  • 14 DAAWO LA’AANTA: BEELAHA LAGA TIRADA BADAN YAHAY SOOMAALIYA EE LA ILLAAWEY

    lahjad Kiswahili oo degaanka lagaga hadlo, iyo welibalahjadda jilibka Tunni ee Af-Maaymaay.

    • Bajuni, beel kalluumaysata oo darajo hoose saboolnaah iyagoo ku nool dakadda konfurta ee Kismaayo iyojasiiradaha badda ee Bajuni ee u dhow xuduuddaKenya.44 Waxay awooweyaal fog ku leeyihiin konfurtabari ee Aasiya taasoo ka timid xirirradii ganacsiga eeqarniyo ka hor u dhexeeyey xeebta Soomaaliyeed iyoShiinaha iyo konfurta bari ee Aasiya. Waxay kuhadlaan Kibajuni, lahjad Kiswahali oo degaanka lagagahadlo, iyadoo u ah luqadda hooyo.

    Qolooyinka Banaadiri waxay luqadda Soomaaligu u tahayluqad labaad waxa keliya ee qaranka loogu aqoonsadaanawaa ahaanshahooda muwaadiniin Soomaaliyeed. Tan iyosanadihii 1950nadii, qolooyinka Banaadiri waxay ku soojireen siyaasadda qarannimada iyagoo xisbiyo u gaar ahlahaa, kuwaasoo mararka qaar ku xirnaa xisbiyadaqabiillada kale. Qabiillada kale ee xoolo dhaqatada iyagukuma ay xirnayn ama kuma ay dhex jirin si ay kuwaasi uilaaliyaan, mana qabin ka durugsanaanta bulshada iyokalasooca ay qabeen dadka Bantu iyo qolooyinkaxoogsada.

    Muddadii dagaalladii sokeeye ee ka dambeeyey1991kii, waxaa dhinaca kale u rogmatay darajadii hore umudnaanta lahayd ee qolooyinka Banaadiri, iyagoo qaarbadani ay ahaayeen ganacsadeyaal qani ah, maxaa yeelayma ay samaysan jabhad hubaysan oo ay isku ilaaliyaan.Waxyeello badan ayaa Reer Xamar ka soo gaartayweerarrada jabhadaha hoggaamiyeyaasha dagaal; iyagooguryahooda iyo dukaannadooda dhacayey; xadayeydahabka haweenka; kufsanayeyna gabdhaha iyo haweenka.Qolooyinka Banaadiri intooda ugu badan waxay u qaxeenKenya iyagoo qaxooti noqday. Dhowr kun ayaa weliganacsigooda ka wata Muqdisho, Baraawe iyo Marka,iyagoo jabhadaha qabiillada lacag siiya ama ay ushaqeeyaan rag hubaysan si ay isku ilaaliyaan.45

    Dadka kalluumaysta ee Bajuni waxay weli joogaanmagaalada dakadda leh ee Kismaayo iyo JasiiradahaBajuni, inkastoo dagaalka sokeeye ay uga yimaaddeenweerarro iyo bililiqaysi ay u geysteen jabhadaha hubaysanee Kismaayo, halkaasoo ay isku soo dagaalayeen jabhadahaqabiillada iska soo horjeeda tan iyo 1991kii.

    Qolooyinka xoogsada46

    Qolooyinka xoogsada waa koox ka kooban qolooyin tiroyar oo gaar ah oo u kala baxa saddex kooxood oo ugumuhiimsan oo ku nool shaqooyin gaar ah oo aan xoolodhaqasho ahayn iyo farsamada,47 iyagoo daruuri u ahaadhaqaalaha dadyowga guura. Waxaa iyaga laga helaadhammaan dhulka Soomaaliyeed; Soomaalilandgudaheeda, waxay yihiin qolada tiro yar ee ugu weyn.48

    Xubnaha qolooyinka xoogsada ma leh muuqaal kaduwan qabiillada xoolo dhaqatada ah ee ay la noolaayeenloomana arko in ay leeyihiin asal qalaad ama aananSoomaali ahayn. Waxay ku hadlaan lahjadaha degaanka eeluqadda Soomaaliga.

    Saddexda kooxood ee ugu muhiimsan waxay yihiinMidgaan (keli ahaan Midgaan, jamac ahaan Midgo), ooweliba loo yaqaanno Gabooye Soomaaliland dhexdeeda,49

    iyagoo caado u lahaa ugaarsiga iyo ka shaqaynta saantalaakiin waxay weliba qaban jireen shaqooyin farsameed ookaladuwan iyo gudniinka wiilasha iyo gabdhaha; Tumaal,oo caado u lahaa shaqada biro sancaynta; iyo Yibro (keliahaan Yibir, jamac ahaan Yibro) oo caado u lahaa kutakhasusidda dhaqanka.50

    Shaqooyinkii caadada loo lahaa qaarkood ayaa lumaybartamihii/dhammaadkii qarnigii labaatanaad. DadkaYibro, tusaale ahaan, iminka kama faa’iido heli karaandakhligii mar iyaga ugu badnaa ee samanyo ee lacagahadhalmada iyo arooska ee ay ka heli jireen qolooyinka ‘bilis’(oo loo siin jiray ducada), maxaa yeelay waxaa caadadaasmamnuucday dawladdii Siad Barre horraantii sanadihii1970nadii iyadoo lagu tilmaamay mid ‘qabyaali ah’.

    Tirada yar ee xubnaha qolooyinka xoogsada ee waxbartay waxay qabtaan shaqo ah nooca ay rabaan, laakiinintooda ugu badan waxay shaqo ka helaan waaxyahamuruqmaal iyo adeegidda, sida dadka suuqa wax ku iibiyaiyo ganacsatada; hilibleyaasha, shaqada guryaha, cuntokarinta iyo iibinta shaaha. Hase yeeshee, iminka keli kumaaha hawlaha ay caado u lahaayeen (meelaha ay kuwaasi welika jiraan), waxaana badi ku adkaatay in ay shaqo kale helaan.

    Markii uu ka lumay habnololeedkii caadada u ahaa, iyocolaadda jirtay ayaa keenay in qaar farabadani ay uguuraan dhul magaaleed ama xerooyinka IDP ama in ay uqaxaan xerooyinka qaxootida ee dalalka deriska ah.

    Iyadoo wax fiican ah, dhowr fannaaniin oo caan ahayaa ka soo jeeda qolada xoogsata ee Midgaan, waxaanaxushmeeya oo jecel beelaha qolooyinka tiro badan.51

    Beelah laga tirada badanyahay ee diimeedKa sokow beelaha laga tirada badan yahay ee bulsho iyodhaqameed ee dhanka hore ku xusan, waxaa mararkaqolooyin tiro yar loo arkaa labada beelood ee yar yar eediinta Muslinka haysta – Ashraf iyo Shekhal – ee iyaga loogeystay xadgudubyo la xiriira jinsiyadda ama xuquuqdainsaanka. Waxaa weliba jira qolo tiro yar oo SoomaaliKiristan ah iyagoo ka kooban shakhsiyaad ama beeloSoomaaliyeed oo waalidkood ama iyagu ka tagay diintaIslaamka oo Kiristan noqday, iyagoo qaarkood ay is qariyaan.

    Diinta ugu badan Soomaaliya ee ay guud ahaanSoomaalida dhammaantood haystaan waa IslaamkaSunniyiinta ee Shaafici ah. Waxay taariikh ahaan taasi

  • 15DAAWO LA’AANTA: BEELAHA LAGA TIRADA BADAN YAHAY SOOMAALIYA EE LA ILLAAWEY

    ahayd wax mideeya horumarka mujtamaca Soomaaliyeedee tan iyo faafiddii Islaamka ee dhammaadkii kunbuuxiiugu horreeyey. Habdhismeedka gaarka ah ee diintaIslaamka, ee meelaha kale ka jira, ayaa keenay in aydegaannada qaarkood ka dhashaan noocyo gaar ah.

    Ashraf iyo ShekhalDadyowga Ashraf iyo Shekhal waxay caado u lahaayeen inay kaalin muhiim ah ka galaan xallinta khilaafaadka,waxaana xushmayn jiray oo ilaalin jiray qabiillada ay lanool yihiin. Hase yeeshee, qaarkood waxaa si xun utaabtay colaadihii sokeeye ee 1990nadii waxaana ka luntayilaalintaas caado u ahayd, iyagoo ay abbaarteen jabhadahaiyo hoggaamiyeyaasha dagaal ee qabiilladu si ay uguxadgudbaan xuquuqdooda insaanka.

    Dadka Ashraf waxay sheegtaan in ay ku abtirsadaanNabi Maxamad iyo gabadhiisa Faatima, waxaynaaamminsan yihiin in ay Soomaaliya u soo haajireen qarnigiilaba iyo tobanaad. Dadka Ashraf ee jooga qaybaha dalkaqaar ka mid ah waxay ku xiran yihiin oo loo arkaaqolooyinka Banaadiri, inkastoo dadka Ashraf ee ku dhexnool dadka Digil-Mirifle ay iyaga ugu xiran yihiin jilibahaan. Shekhal (oo weliba loo yaqaanno Sheikhal amaSheikash) ayaa ah beel diimeed oo midda hore la siman oodalka ku kala daadsan iyagoo sheegta in ay asal ku leeyihiinCarabta iyo dadkii Islaamka ahaa ee ugu horreeyey.

    Labada dadyow ee Ashraf iyo Shekhal waxay gaareenheer ay raad ugu yeeshaan siyaasadda dalka waxayna guulka gaareen waxbarashada iyo ganacsi ay la galaanwaddamada Carabta, haddana waxaa weli ku soo wajahikara kalasooc iyo xadgudubyo loo geysto xuquuqdoodainsaanka oo sabab ay u yihiin asalkooda qabiilka aananahayn iyo la’aantooda jabhad hubaysan. Sanadkii 2006dii,tusaale ahaan, xafiiska OCHA ayaa muujiyey xaaladdadhowr boqol oo qoys oo Shekhal ah oo barakac ku tagayItoobiya iyagoo kaalmayn caawimaad ah u baahan.52

    KiristankaIlaa waqtigii Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah (ICU)ay la wareegeen xukunka qaar ka mid ah qaybahakonfureed ee dalka ka dib 2006dii, waxaa guud ahaan laisaga dul qaadan jiray tirada yar ee Kiristanka Soomaali ah,iyagoo si furan kanisadaha ugu cibaadaysan jiray, inkastoosoo dhawaanshaha ergayda Kiristanka aanan rasmi ahaanla oggolayn.

    Xeerkii dawladda TFG ee sanadkii 2004tii ayaa kudhawaaqay in diinta Soomaaliya ay tahay Islaamka. Kaasilaguma xannibin caqiidooyinka kale, laakiin intiisa ugubadan laguma aqoonsan xaqa loo leeyahay xorriyadda lagudoorto iimaanka. Kiristanku wakiillo kuma lehBaarlamaanka Federaaliga ah ee Ku meelgaarka ah (TFP)ama waax kaloo dawladda ka mid ah oo iyaga lagubadbaadin karo.

    Xarakada hubaysan ee al-Shabaab, oo iminka xukumaugu badnaan konfurta dhexe ee Soomaaliya, waxay kudhaqmaan fasirashadooda aad u daran ee ShariicadaIslaamka,53 waxaanay abbaarteen dadka iyagu taas dhinacka noqda iyagoo ku dhaqma caqiidooyinka iyocaadooyinka Islaamka Soomaaliyeed, Kiristanka amaAfrikada asalka ah (Bantu iyo Goosha). InkastooIslaamiyiinta asal raaca ah ay sheegeen in aanay dadka beelbeel u kala saarin, haddana beelaha laga tirada badan yahayee Banaadiri, Bantu iyo Kiristanka ayaa lagu abbaaraycaddibaadda diinta ku salaysan. Si aad u hesho warbixindheeraad ah oo ku saabsan caddibaadda Kiristanka, fiiriqaybta ku saabsan konfurta dhexe ee Soomaaliya.

    UgaarsatadaAweer (oo weliba loo yaqaanno Boni) ayaa ahaa beeshiikeliya ee waqtiyadan dambe ugaarsata Soomaaliyadhexdeeda, laakiin waxay u muuqataa in aanay iminkaSoomaaliya ka jirin ama ay aad ugu yar yihiin, taasoo katimid dhexgalkooda qabiillada degaanka; macaluul iyodilka ay u geysteen jabhadaha hoggaamiyeyaasha dagaal;ka haridda habnololeedkii caado ay u lahaayeen; iyobarakac ay ku tageen Kenya sanadihii 1990nadii si ay ugunoolaadaan degmada xeebta ee Lamu.54 CilmibaareyaashaMRG waxay Soomaaliya ka waayeen war laga hayo dadkaAweer (inkastoo qaarkood lagu sheegay in ay weli ku noolyihiin55 degaanka Hola ee degmada Badaade ee konfurtaSoomaaliya).

    Waagii hore, beesha Aweer ee aad u tiro yar waxay kunoolaayeen qaybaha kaynta ah ee ku siman webiga Jubba.Qaar farabadan ayaa magaalada Baraawe ku noqday dadIDP ah oo barakacay. Waxay ku hadlayeen luqad Kushitioo u gooni ah. Dadka Aweer waxay sheegan kari lahaayeenin ay yihiin dadka dhulka loogu yimid iyagoo ku abtirsadadadkii ugaarsatada ahaa ee ugu horreeyey gobolka ee iyagulahaa habnololeed dadkan la siman, inkastoo darajadaasaanan weligood looga aqoonsan Soomaaliya dhexdeeda.Dadka Aweer waxay ka mid yihiin 42 qolo oo Kenya loogaaqoonsaday in ay yihiin dad dhulka loogu yimid.56

    Dadka Eyle waxay yihiin qolo xoolo dhaqato ugaarsataoo gooni ah, tirana yar iyagoo ah beel tiro yar oo gaar ah.Waxay ku nool yihiin tuulooyin ku yaalla qaybaha udhexeeya webiyada. Waxaa la soo sheegay in ay gaarayaan12,000 oo qof oo ku kala nool afar tuulo oo ku yaallaGobolka Shabeellada Dhexe, iyo tiro ka yar oo ku nool dhulMuqdisho ku yaalla oo la dejiyey dadka IDP ah. Waxaygooni uga yaallaan dadka kale, qaar dhif ah ayaa waxbarashosoo qaatay, waxaa waxyeelleeya qabiillada Rahanweyn eedegaanka, waana dad sabool ah oo dulmiyaysan. (Sidoo kalefiiri qaybta ku saabsan konfurta dhexe ee Soomaaliya si aadu hesho warbixin dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda ayiminka ku sugan yihiin dadka Eyle).

  • 16 DAAWO LA’AANTA: BEELAHA LAGA TIRADA BADAN YAHAY SOOMAALIYA EE LA ILLAAWEY

    Beelaha laga tirada badan yahay ee Soomaaliyeed wadajir –iyo xubnaha beelaha laga tirada badan yahay shakhsi ahaan– waxaa laga horjoogsadaa ama lagaga xadgudbaadhammaan noocyada kaladuwan ee xuquuqda insaanka eeaasaasiga ah ee ku qayaxan heshiisyada caalamiga ah iyokuwa goboleed sida Heshiiska Caalamiga ah ee ku saabsanXuquuqda Sharciyeed iyo Siyaasiyeed (ICCPR), HeshiiskaCaalamiga ah ee ku saabsan Xuquuqda Dhaqaale,Bulsheed iyo Dhaqameed (ICESCR), Heshiiska Ka soohorjeeda Silic-dilyada (CAT), Heshiiska Caalamiga ah eeku saabsan Tirtiridda Dhammaan Noocyada Kalasooca eeku salaysan Jinsiyadda (ICERD), iyo Xeerka Afrikada eeku saabsan Xuquuqda Insaanka iyo Dadyowga (AfricanCharter on Human and Peoples’ Rights), kuwaasoodhammaantood sharci ahaan qabanaya waddankaSoomaaliya.57 Qaar farabadan oo ka mid ah xadgudubyadabeelaha laga tirada badan yahay loogu geystay xaaladahadagaal ayaa weliba liddi ku ah Heshiisyada Geneva iyoqodobbada kale ee sharciga insaaniyeed ee caalamka

    Hadallada neceyb ahDadka la waraystay, maragfurkii ay MRG u sameeyeen siwarbixintan loogu isticmaalo, waxay iyagu badi ku soohadal qaadeen ereyo ka mid ah hadallada neceyb ah, ee kayimid akhlaaqda bulsheed iyo dhaqameed eewaxyeellaynta leh ee yasidda ah iyo dhaxalka addoonsiga.Waxay ka soo warbixiyeen in iyaga si caadi ah ay uaflagaadeeyaan xubnaha qabiillada tiro badan, iyagoodadkaas ku xaqira darajadooda iyo aqoonsigooda qolo tiroyar. Dhowr xubnood oo ka mid ah dadka Bantu iyobeelaha laga tirada badan yahay ee xoogsada ayaa soosheegay si joogto ah loo caayo loona yaraysto. DadkaBantu waxaa weli loogu yeeraa addoon.

    Darawal bas oo Bantu ah oo 40 jir ah kuna noolMuqdisho ayaa waxan soo socda u sheegay ururka MRG:

    Waxaan ku nool ahay aqal yar oo cooshad ah oo labaqol leh. Nolol aad u adag ayaan ku nool ahay...Kalasooc badan ayaa naga haysta mujtamaca aannu kudhex nool nahay [taasoo ka dhigan in uu noogayimaaddo qabiillada tiro badan, oo u badan Hawiyeee jooga Muqdisho]. Dadka rakaabka baska ku ahway i caayaan. Marka ay doonayaan sabab ay iiguqayliyaan, baabuurka jooji bay i yiraahdaan markaaan marayno meeshii ay rabeen, oo maadaama uusanbasku sidaa uun isku taagi karin, waxaan joogsadaa

    xoogaa ka dib halkii ay igu yiraahdeen joogso. Ka dibnacaay iyo qaylo ayaa la iigu mayraa...Dadkayga kalmadocaay ah ayaa loo sameeyaa waana la nacaa.58 Mararkaqaar, waxaan doorbidi lahaa in aan ku shaqeeyokaariyoone [anigoo xammaal ah], taasoo caadi u ahdadkayga jooga Muqdisho, si aan markaa iyaga ugalahadli karo dhibaatooyinkaas.59

    Beelaha laga tirada badan yahay ee naafonimo qaba waxaaku wajahan noocyo kaladuwan oo kalasooc ah. Haweeneyjoogta Buntland waxay cilmibaaraha MRG ku tiri:

    Waxaan ka soo jeedaa qolo tiro yar waanannaafaysan ahay. Aflaagada maalinwalba aan lakulmo inta ay leeg tahay looma dulqaadan karo.Noloshaydu sideeda kale ayayba isaga adag tahaymana aha in ay dadku igu caayaan Tumaalka aanahay iyo naafonimadayda.

    Qodobbada 19aad iyo 20aad ee ICCPR60 iyo Qodobka 9aad

    ee Xeerka Afrikada ee ku saabsan Xuquuqda Insaanka iyoDadyowga61 waxay ku toosan yihiin hadallada neceyb ah.Waa in Soomaaliya ay ku dhaqaaqdo in ay soo saartoshuruuc lagu mamnuucayo taageerada neceybka kusalaysan isirka, jinsiyadda ama diinta ee qaranka ka hirgalaee lagu dhiirrigelinayo kalasooca, kahridda ama rabshadda.Mustaqbalka, masuuliyiinta dawladdu waa in ay kudadaalaan in ay dib u eegaan oo ay isku hagaajiyaanshuruucda ku saabsan hadallada neceyb ah si loo hubiyo inay kuwaasi waafaqsan yihiin xeerasha caalamka ee la oggolyahay.

    Waa in si degdeg ah wax looga qabto sida aymasuuliyiintu ugu dulqaataan hadallada neceyb ah, markala eego sababta weyn ee ay kuwaasi u yihiin xadgudubyadaloo geysto sharafta shakhsi ahaaneed ee ku xusan tuducasoo socda.

    Waa in weliba shuruucdaas la soo raaciyo nidaamyo iyodariiqyo kaloo taxane ah, kuwaasoo gaar ahaan loogutalagalay in lagu kordhiyo qaybta ay beelaha laga tiradabadan yahay ku leeyihiin dadweynaha iyo siyaasaddaSoomaaliya; in lagu kordhiyo waxbarashada iyo aqoontaku saabsan xuquuqda insaanka; in lagu ilaaliyo war-isgaarsiinta beelaha laga tirada badan yahay iyo beelaha;wadahadallada jinsiyadaha iyo diimaha kaladuwan; iyoxeer habdhaqan oo macne ku fadhiya lana hirgelin karo ooloo sameeyo xildhibaannada iyo hoggaamiyeyaashasiyaasadeed.

    Dhibaatooyinka hadda ku wajahanbeelaha laga tirada badan yahay

  • 17DAAWO LA’AANTA: BEELAHA LAGA TIRADA BADAN YAHAY SOOMAALIYA EE LA ILLAAWEY

    Wakiillada siyaasadeed oo yarSanadihii 2000 iyo 2004tii, dawladaha TNG iyo TFGwaxay midba iskood u ansixiyeen nidaamka xukunwadaagidda ee qabiilka ku dhisan ee loo yaqaanno‘hannaanka 4.5’ ee wakiillada, kaasoo ah xeelad kalasooc kudheehan yahay oo keenaysa in beelaha laga tirada badanyahay marka la isku daro ay u dhigmaan uun hal qabiil ootiro badan nuskii: waxaa hannaankaas lagu simaywakiillada afarta qabiil ee tiro badan, waxaana beelaha lagatirada badan yahay gebi ahaan lagu siiyey qiyaas ahaan nustirada kuraasta loo qoondeeyey reer kastoo qabiil tiro badanah. Sidaas darteed, sanadkii 2000, 31 ka mid ah 225 kursiee baarlamaanka (ama boqolkiiba 14) ayaa loo qoondeeyeybeelaha laga tirada badan yahay; sanadkii 2004tii, markiitirada kuraastu ay kor u kacday ee ay gaartay 275, beelahalaga tirada badan yahay waxaa loo reebay qaybtoodii 31kursi ahayd, taasoo tirada boqolleey ee wakiilladooda hoosu dhigtay oo ka dhigtay boqolkiiba 11.

    Habka qaybinta kuraasta laguma matalayn tiradashacabka ama sida ay dhulka ugu kala qaybsan yihiin,taasoo aanan laga haynin macluumaad la isku hallaynkaro; waxayse ahayd, mid siyaasiyiintu ay ka wadaheshiiyeen oo ku salaysnayd waaxyaha dhaqameed eeSoomaalida. Qabiil kasta waxuu qaybtiisa kuraasta u kalaqaybsaday jilib jilib ahaan iwm, halkii beelaha laga tiradabadan yahay ay musharrixiintooda ka soo doorteen,iyadoo ay taas ka go’aan gaareen wakiillada ka kala socdabeelaha laga tirada badan yahay ee kaladuwan, iyadoonawixii muran ah ay xalliyeen guddi dhexdhexaadin oomadaxbannaan.62 Kuraasta boqolkiiba laba iyo tobanwaxaa loogu talagalay haweenka, inkastoo aanan tiradaasiyaga weligood la wada siinin.

    Waxaa shaki ka yimid tirada iyo aqoonsiga beelaha lagatirada badan yahay. Ma jirin liis rasmi ah oo la isku tiirinkaro, ama macluumaad si cad loogu tirakoobayoastaamaha beelaha ama shacabka. Ka sokow beelaha lagatirada badan yahay ee ugu muhiimsan ee hore loo sootilmaamay, waxaa soo raacay dhowr ‘qolo tiro yar ah’ ooiskood isku soo taagay kuwaasoo ka soo jeeda qolooyinka‘bilis’ laakiin aanan faa’iido ku lahayn tiro ahaan iyosiyaasad ahaanba halka ay ku nool yihiin oo markaas rabayin ay kaalintooda sare ugu qaadaan sheegashada darajadaassiyaasadeed ee beelaha laga tirada badan yahay ee cusub.63

    Inkastoo hannaanka 4.5 ay beelaha laga tirada badanyahay ku heleen ra’yi ay ku yeeshaan go’aannadasiyaasadeed ee la gaaro, waxuu ahaa mid daciifsan oo ugubadnaan ka baxsan meelihii lagu ogaa in ay kuguuldarraysatay dawladda TFG, taasoo ku soo jirtaycolaad iyo dhibaato joogto ah. Waxaa sidaas lagusuurtogeliyey in caalamku tixgeliyo xuquuqda beelaha lagatirada badan yahay goorta dib u dhiska dalka laakiin ilaaiyo iminka raad badan kama hadhin.

    Inta la soo saarayo Dastuurka dib isugu habaysan eeaakhirka beddeli doona xeerka TFC ee hadda waxaa si gaarah loogu baahan doonaa in dib loo eego oo la beddelohannaankaas, si loo hubiyo in beelaha laga tirada badanyahay ay yeeshaan wakiillo siyaasadeed oo waxtar leh.Hannaanka waxaa cambaareeyey aqoonyahannada iyo uhalgameyaasha beelaha laga tirada badan yahay iyagoo kutilmaamay in uu muujinayo ‘kalasooca waadaxa ah ee jiraiyo quursiga daran ee jinsiyadeed’ (oo ku salaysanqiyaasaha qaladka ah ee loo haysto in ay tiradoodu tahay)iyo in uu diiddan yahay cabashooyinkii waqtigaas aysameeyeen beelaha laga tirada badan yahay.64

    Hannaanka 4.5 iyo nidaamka loogu qaybiyey kuraastaayaa weli la adeegsadaa, laakiin, dhammaadkii 2008dii,dawladda TFG iyo isutag ka kooban kooxaha mucaaradkaah, oo la yiraahdo Ururka Dib u xoraynta Soomaaliya(ARS), ayaa ku heshiiyey in ay kordhiyaan tirada kuraastabaarlamaanka oo ay ka dhigaan 550, iyadoo kuraasta cusub200 ka mid ah loo qoondeeyey ururka ARS 75-na la siiyeyururrada mujtamaca raydka ah.65 Tirada kuraasta ee looqoondeeyey beelaha laga tirada badan yahay waa lalabalaabay oo waxaa laga dhigay 62, taasoo ka dhigan inqaybta ay halkaas ku leeyihiin ay weli tahay boqolkiiba 11.66

    Mamnuucidda is-guursigaqolooyinkaInkastoo ay caado ahayd in qabiilladu ay mamnuucaanguursiga qolo tiro yar, haddana waxay taariikhdumuujinaysaa in la filanayo in xiriirrada noocaas ahi ayweligoodba soo jireen, iyagoo qarsoodi ah hadday uguyaraato, inkastoo ay dhif yihiin. Xannibaaddaas saaranisguursiga qolooyinka ayaa beelaha laga tirada badan yahayu diidday noocyada taageerada qabiilka ama horumarka eeku timaadda xirirrada guurka.

    Waxaa halkan hoose ku qayaxan arrin loo soo sheegaycilmibaareyaasha MRG oo ku saabsan guur laba qolo dhexmaray oo ka dhacay Soomaaliland sanadkii 2009kii,goortaasoo nin qolo tiro badan ka soo jeeda iyo gabadhqolo tiro yar ay samaysteen xiriir qarsoodi ah aynaisguursadeen, taasoo keentay cadowtinimo badan ka timidqabiilka ninka.67

    Noloshayda ayaan khatar geliyey. Waxaan ahayMadhibaan waxaanan guursaday nin Isaaq ahqiyaas ahaan hal bil ka hor. Waannu ogayn halistaaannu ku sii soconnay laakiin waxaannugo’aansannay in aannu baxsanno oo aannu iskuguursanno meel ka fog tuuladayada. Waxaannuimannay Gabiley reerka ninkayga ayaana dhib nookeenay. Waxay ninkayga ku khasbeen in uu i furoanigana waxaa i garaacay qaar ka mid ahqaarabadiisa. Dhalo inta ay ciid ka buuxiyeen ayay

  • madaxa igala dhaceen. Waxay u haysteen in aananigu dhibaatada wado, oo aan wiilkoodakexeysanayo. Dhaawac xun ayaa i gaaray waxaanareerkayga khasab ku noqotay in ay isbitaalka igeeyaan. Duqayda ayaa kulantay waxaana la i siiyeymagdhaw. Way caddayd waxa ay rabeen:‘Madhawgaaga qaado oo wiilkayaga iska ammaangeli’. Waxaa naloo arkaa dad ka hooseeya dadka kalemana jirto cid rabta in ay na guursato.

    Xaaskii Madhibaan ahayd ee ninkeeda khasab looga furaywaxay cilmibaaraha MRG tustay nabarradii ka soo haraydhaawicii madaxa looga geystey. Waxay sheegtay in aanaydulmigaas u sheegin booliiska, ‘maxaa yeelay qofkadhaawaca ii geysta iyo qofka aan u cabanayaaba waxa ay kasoo jeedaan isla qabiil keliya’.

    Haweeney Ogaadeen ah oo ku nool xero IDP ooMuqdisho ku taalla ayaa ka hadashay dhacdada soo socota:

    Waxaan aqaannay gabadh ka soo jeedda qabiilkaHawadle oo guursatay nin Midgaan ah. Waxay derisku ahaayeen Beledweyne [bartamaha Soomaaliya]laakiin reerkeegu ma oggolayn ninkan ay dooratay.Waxay leedahay shan carruur ah: saddex wiil iyo labagabdhood. Waalidkeedu iminka iyada uma arkaangabadhoodii oo way ka jareen wixii xiriir ahaa.Waalidkeeda way jeceshahay oo waxay rabtaa in ayiyaga soo booqato laakiin waxay ka baqaysaa in ayiyada ku waxyeelleeyaan ninka ay dooratay. Markiiuu arkay dhibka ay ku jirto, ninkeedii oo jeclaa ayaaiyada furay si uu ‘sharafteeda ugu celin karo’.

    ShaqadaMaadaama xoogaa ka mid ah beelaha laga tirada badanyahay ay waxbarasho fiican qaateen, marka laga reebo kuwiiay u suurtogashay in ay dalka ka baxaan, dadkaasi mahaystaan xirfadaha ku habboon ugu badnaan fursadahashaqada ee casriga ah. Taas maxaa dheer, xubnaha qabiilladatiro badan ayaa iminka raadiya shaqooyinka muruqmaalkaah ee hore loogu ogaa beelaha laga tirada badan yahayiyagaana badi laga doortaa beelaha laga tirada badan yahay.Haweeney Gabooye ah oo ku nool Soomaaliland ayaacilmibaaraha MRG ku tiri:

    Isaaqa weligood shaqo kama heli doontid waynamarwalba ku caayi doonaan oo waxay yiraahdaan,‘Maxaad waalidkaaga ugu eegaysaa lacagta badan eeay ka bixiyaan waxbarashadaada aadan wax ku helidoonin? Maxaad guriga u joogi laadahay oo aadhooyadaa u caawin laadahay?’

    Sahamin ku saabsan xuquuqda beelaha laga tirada badanyahay oo sanadkii 2006dii uu qabtay Ururka CodkaHaweenka Beelaha laga tirada badan yahay eeSoomaaliland (VOSOMWO)68 ayaa lagu soo ogaaday inreeraha Gabooye, Tumaal iyo Yibir ay ku nool yihiin lacagka yar hal doollar oo Maraykan ah maalintii. Qiyaas ahaannus dadkii la soo waraystay ayaanan shaqo haynin.

    Arrimaha la xiriira luqadaha beelaha lagatirada badan yahay

    Luqadda Soomaaligu waxuu leeyahay lahjado u gaar ahgobollada kaladuwan. Lahjadaha ugu waaweyn waa Af-Maay (ama Af-Maymay), oo ah luqadda ku badankonfurta, iyo Af-Maxaa (ama Af-Maha), oo lagaga hadloSoomaaliya inteeda kale, iyadoo lahjado ka yara duwanlagaga hadlo Soomaaliland iyo Buntland. Labadalahjadoodba waxay ahaayeen luqadaha rasmi ah ee dalkailaa sanadkii 1972kii, markii dawladdu ay go’aamisay inAf-Maxaa uu noqonayo luqadda rasmi ah ee wax laguqoro ee Soomaaliya. Go’aankaasi waxuu dadka ku noolkonfurta, sida Bantu, ka sii durkiyey oo uu ku sii adkeeyeyka qaybqaadashada siyaasadda Soomaaliyeed eecaadiga ah, adeegyada dawladda iyo tacliinta.69

    Luqadda Mushuuguli ee dadka Bantu waxaa intabadan soo dhawray beelo Goosha ah oo gaar ah.Inkastoo luqadda ugu muhiimsan ee banka Webiga Jubbaay tahay Af-Maay, qaar ka mid ah Bantu ee ku nooltuulooyinka baadiye ayaanan fahmayn. Waxay markaa kuhadlaan luqado qabiil qabiil u kala duwan oo ay ka soodhaxleen awooweyaashood, sida Kizigua, iyadooSawaaxili mararka u yahay luqad ka dhexeysa.70

    Laba qolo oo Banaadiri ah oo leh hidde iyo dhaqan ugaar ah ayaa ku hadla lahjado Sawaaxili ah: BarawaanidaBaraawe waxay ku hadlaan Shimini (oo weliba looyaqaanno Shimwini ama Shimbalasi), dadka Bajuni-nawaxay ku hadlaan Kibajuni. Qolooyinka xoogsada waxayku hadlaan af Soomaaliga caadiga ah noociisa halka ayku nool yiihin. Tumaal iyo Yibro, iyo weliba Eyle, waxay kuhadlaan lahjadda af Soomaaliga ee qabiilka ay ku xiranyihiin, halka Midgaha iyo Yibro ay iyaguna ka leeyihiinlahjad gaar ah oo qabiillada tiro badan ee Soomaaliyaaanay fahmayn.71

    Xuquuqda luqadda khuseeya waxay qayb muhiim ahka yihiin xuquuqda beelaha laga tirada badan yahay. Qaarfarabadan oo ka mid ah beelaha laga tirada badan yahay,waxay luqaddoodu u tahay qayb lagama maarmaan ahoo ka mid ah aqoonsigooda iyo dhaqankooda. GuddigaXuquuqda Insaanka iyo Dadyowga ee Afrika ayaaqodobkaas u aqoonsaday dacwado lagu soo oogay dalkaMauritania. Guddigu waxay oggolaadeen in:

    DAAWO LA’AANTA: BEELAHA LAGA TIRADA BADAN YAHAY SOOMAALIYA EE LA ILLAAWEY18

  • DAAWO LA’AANTA: BEELAHA LAGA TIRADA BADAN YAHAY SOOMAALIYA EE LA ILLAAWEY 19

    Luqaddu waxay qayb lagama maarmaan ah ka tahayhabdhismeedka dhaqanka; waxay dhab ahaan utahay udub iyo habka ugu fiican ee lagaga hadli karo.Isticmaalkeedu waxuu hodmiyaa shakhsiga waxuunaisaga u rukhseeyaa in uu qayb firfircoon ku yeeshobulshada iyo waxqabadyadeeda. Marka qofka loodiido ka qayb qaadashadaas waxay taasi ka dhigantahay in isaga loo diiday aqoonsigiisa.72

    Qodobka 4.3 ee Bayaanka Qaramada Midoobay ee kusaabsan Xuquuqda Dadka Ka soo jeeda Qolooyinka kutiro yar Qaranka ama Jinsiyadda, Diinta iyo Luqadda(UNDM) waxuu dhigayaa in ‘Dalalku ay qaadaantallaabooyinka habboon si, marka ay suurogal tahay,dadka ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ay uheli karaan fursado ku filan oo ay ku bartaan afkoodahooyo ama in wax loogu sheego afkooda hooyo’.

  • DAAWO LA’AANTA: BEELAHA LAGA TIRADA BADAN YAHAY SOOMAALIYA EE LA ILLAAWEY20

    Xadgudubka xuquuqyada beelahalaga tirada badan yahay ayadoo looeegaayo gobol ka gobol

    Xaaladda beelaha laga tirada badan yahay wuu kala duwanyahay markii loo eego aagaha juquraafi ay ku nool yihiin –ayadoo u dhexeeyo dawladda is-xorriyeysey ee Soomaalilandee waqooyi-galbeedka, oo xorriyad sheegatey ka dib markiila rogey xukunkii Siad Barre 1991 (laakin ay dalalkacaalaamka weli aqoonsanin); Buntland, waqooyi-bariga,oo sheegtay inay is-maamuleyso iyo noqotey gobolfederaal ah ee dalka Soomaaliya 1998; iyo koonfurta-dhexe ee Soomaaliya, gobol ku jiro dhibaato insaan joogtaah, kuna yaalo magaalo-madaxa rasmiga ee dalka,Muqdisho. Ayadoo la eegaayo kala duwanaanta xuquuqdainsaanka ee ka dhexeeyo goboladaan, warbixintaan wuxuubaaraaya xaaladda beelaha laga tirada badan yahay markiiloo eego gobol ka gobol.

    SoomaalilandOgaanshada iyo wax ka qabadka xuquuqyada qolooyinkatiro yar wuu ka sii horumarey Soomaaliland (gaar ahaansanadaha ugu dambeeyey) markii loo bar-bardhigokoonfurta-dhexe Soomaaliya iyo Buntland. Gobolkawaxuu caan ku noqdey nabadda ka jiro, horumarkadimuqraadiga ay ku jiraan doorasho xisbiyo kala duwanleh, iyo halganka mujtamaca shacbiga. Xuquuqyadabeelaha laga tirada badan yahay sida VOSOMWO iyoUrurka Wanaagga Bulsheed ee Ubah (USWO), ayaa sitartiib ah ugu horumarey jaaliyadaha beelaha laga tiradabadan yahay oo dhaqan ahaan hoggaamin jirey sultaanama odoyaasha qabiilka.

    Dastuurka Soomaaliland ee Maajo 2001, qaybta 8.1wuxuu sheegayaa ‘waa in dhammaan muwaadiniintaSoomaaliland helaan isla xuquuqyo iyo waajibaad markiiloo eego sharciga iyo la kala siinin mudnaansho markii looeego midabka jirkooda, qabiilkooda, dhalashadooda,luqadooda, lab ama dhiddignimadooda, hantidooda,heerkooda, ra’yigooda, iwm. Markii la hoos yimaadoqaybta 8.2, ‘waa mamnuc in la sameeyo mudnaansho iyokalasooc ku salaysan jinsiga, qabiilka, dhalashada iyodeganaanshada; iyo isla markiiba, barnaamjyada loogutalagaley in lagu joojiyo dhaqanka xun ee waqtiga dheersocdo waa inay noqdaan waajibaad qaraneed’. Qof khabiirku ah sharciga Soomaaliland Ibrahim Hashi Jama wuxuuaaminsan yahay in qaybtaan ka mid ah dastuurka u xiriirla leeyahay ‘wax-qabadyo dhaqan oo keeni jirey kalasooc

    iyo/ama bilow kalasooc ayadoo la tiirsanaayo sababahamamnuuca ah ee ku qoran shardiga’ iyo ‘wuxuu si hubaalah u daboolaa la dhaqanka beelaha laga tirada badanyahay, sida Gabooye, iwm.’ 73

    Hase-yeeshe, ma jiro sharci gaar u ah ka hortaggakalasooca.

    Hase-yeeshe, horumarka waxaa xad u noqdey wax-qabad la’aanta dawladda, guul-darreysiga habka sharciga,falka yar ay qabteen Xuquuqda Insaanka Qaranka eeSoomaaliland, akhlaaq-xumada ay dawlada ku qabto gaarahaan dadka difaaco xuquuqda aadanaha,74 iyo akhlaaqdaiska-naceebka bulshadeed ee adag oo ay qabaan xubinadaqabiillada wayn.

    Waxaa kaas dheeraad u ah, Soomaaliland wuxuunoqoshada muwaadin Soomaaliland ku xiraa qayb-kaahaanshada qabiillada la tixgeliyo inay ka yimaadeengobolada Soomaaliland; rasmi ahaan dawladdaSoomaaliland wuxuu shacbiga ka socda Buntland amakoonfurta-dhexe ee Soomaaliya ula dhaqmaa sida inayyihiin ‘ajnabi’.75

    Doorashada baarlamaanka 2005, Aqalka Wakiiladawuxuu xushtay inuu ka saaro shanta jago ee la siin jireybeelaha laga tirada badan yahay sababtoo ah wuxuu yiriinuusan xiriir la leheyn Dastuurka, oo ballanqaado indhammaan muwaadanka ay siman yihiin (sabatoo ah,wuxuu sameeyaa kalasooc kaasoo ka soo horjeedo qaybta 8ee dastuurka oo sheegaayo inuusan koox bulshadeed ladoonaynin ‘in mudnaansho’ laga siiyo koox kale). Gurti(odeyaalka qabiilka oo aan la soo dooran ee aqalka sare)way diiden doorashadaas 2007 laakin waxay ogolaadeendoorashada labaad oo la qabtey 2009.76 Maadaama aysanqabin wikiil siyaasadeed iyo inkastoo heerkooda aqoontauu hooseeyo iyo fursaddooda shaqo-helidda xun yahay,xubino yar ee ka mid ah beelaha laga tirada badan yahayayaa awoodo inay caan ama hoggaamiyayaal noqdaan.

    Kalasooca waxbarashadaTiro yar ee ka mid ah qolooyinka tirada yar (iyo gaarahaan gabdho ka tiro yar wiilasha) ayaa wax-barta.Sahaaminta beelaha laga tirada badan yahay eeVOSOMWO oo la qabtey 2006 wuxuu sheegayaa inboqolkiiba 20 oo kaliya ee carruurta qoysaska la wareysteywaxbarasho helay ama dugsi tega.77 Markii waalidkii lagacodsadey sababta ay carruurtooda dugsiga u geyn waayeen,

  • DAAWO LA’AANTA: BEELAHA LAGA TIRADA BADAN YAHAY SOOMAALIYA EE LA ILLAAWEY 21

    boqolkiiba 39 waxay eedeeyen ‘deegaanka kalasooca leh eeka dhexeeyo ardeyda dhallinyarada ah iyo dugsigaba’;boqolkiiba 47 waxay eedeeyeen saboolnimada iyokalasooca ay carruurtooda kala kulmeen dugsiga; iyoboqolkiiba 13 waxay dareemeen inuu waqti-lumis yahayin carruurtooda u diraan dugsi sababtoo ah xittaa markiiay shahaado qataan loo ogolaan doonin inay qabtaanhawlo kale aan ka eheyn kuwa ay beelaha laga tirada badanyahay dhaqan ahaan u qabtaan. Daraasadda waxaa laguogaadey in badanaa ardeyda iyo macallimiinta u dhasheybeelaha laga tirada badan yahay, kalasooca uu qayb ka ahaanoloshooda.

    Inkastoo akhlaaqda is-beddelaayo, dhaxaltooyada kayimaado taariikh kalasooc lagu sameeyo dugsiga wuxuu kuharaa qaar ka mid ah dadka ka socdo beelaha laga tiradabadan yahay, sida uu ka muuqdo bayaan-markhaatigalooga sameeyey MRG magaalada Hargaysa :

    Markii aan dugsi dhigan jirey macallinkeyga mauusan ogeyn in qof Midgaan ah fasalkiisa dhigtey,wuxuuna bilaabey casharkiisa ku saabsan dhaqankaiyo hiddada qabiilada yar. Wuxuu yiri in Midgaantaay ka duwan yihiin dadka kale ee jaaliyadda sababtooah waxay ka mid yihiin dhaqan ka hooseeya... Maaysan qabaan xirfad luqad iyo waxay cunaancuntooyin tayo xun leh ayuu yiri. Aniga waxba masheegin laakin dhammaan ardeyda kale ee fasalka wayku nexeen. Waxaan sugey in casharka dhammaadokadibna guriga ayaan u cararey. Hooyadeyda iyowalaasheyda ayaan u sheegay. Macallinka ma ogadhaawaca niyadeed uu hadalkiisa igu yeeshey. Mauusan u maleynin in ardey ka socdo beelaha lagatirada badan yahay fasalkiisa dhigto.

    Hase-yeeshe, isla qofkaas wuxuu yiri,

    Kaftan iyo been ku saabsan beelaha laga tiradabadan yahay way jiraan, laakin waa inuu qofku iskadhega-tiro. Weligeed uma ogolaado in kalasooc hoos iidhigo. Waa sii wadey waxaana ku guuleysteywaxbarashadeyda.

    Ardayda Gabooye ee dhigta Jaamacadda Hargaysa waxaayhoggaamiyeen inay is- habeeyaan ayagoo garabsiinaayoNGO, si ay u horumariyaan fursadaha waxbarashadabeelaha laga tirada badan yahay. Sanadaha la soo dhaafey,waxay sameeyeen guddi (oo jinsigiisu kaladuwan yahay) siay isku-duwan taageerida maaliyadeed eewaxbarashadooda iyo hormuud u noqdaan qoloyin tiroyar oo kale. Heesiyaanka caanka ah Mariam Mursal, oo udhalatey qolada tiro yar ee Gabooye waxay xittaa caan katahay Soomaalida dalalka kale ee caalamka ku nool, waxaysi soke la shaqeysey gabyaha Soomaaliga ‘Hadraawi’ (xubin

    ka mid ah qabiilka wayn ee Soomaaliland) si ay dugsihoose uga dhisaan xaafadda Dami ee Hargaysa.78

    Diidmada guurka ka dhexeeyo qabiillada kala duwan Tiro yar ee guur ka dhexeeyo qabiillada ‘biliska ah’ iyoqolooyinka xoogsada ayaa ka dhacey magaaloyinka ugu waa-wayn ee Soomaaliland sanadaha la soo dhaafey, laakin dagaaliyo colaad ayeey ka helaan qabiillada kalee ay qaraabo yihiin.

    Hargaysa, MRG wuxuu ku wareystey haweeni Isaaq ee20 jir ah oo ka socda qabiilka Ogaaden oo guursatey ninGabooye ah. Dhaawacyo tiro badan ayeey jirkeeda kuqabtey taaso sabab u ah dagaalka joogtada ah iyo garaacaay ku sameeyeen xubinada qoyskeeda. Walaalaheeda ayaadagaal ku soo qaadey toddobaadka la soo dhaafey. Ayadaiyo ninkeedaba aad ayeey u murugsanaayeen iyo wel-welsanaayeen.

    Waxaan ninkeyga guursadey afar bilood ka hor.Waan ogaa halista aan is geliyey, laakin qadarkuuwuu ka muhimsan yahay waxyaabaha kale. Waxaanku guursaney tuulo yar oo u dhow Hargaysa iyowaxaan u soo laabaney qoysaskeena anagoo u sheeginguurkeena. Nolosheyda waxay noqotey mid aad u xunmarkii uu qoyskeygu ogaadey inaan guursadey. Waxaai garaacey qosykeyga oo Isaaq ah waxayna xireenninkeyga. Askarta booliska waxay ku dadaaleen inaydhex-dhexaadiyaan iyo waxay qosykeena u sheegeenin diinteena uusan ka soo horjeedin guurka qolo amaqabiilo kala duwan. Laakin suurtogal ayuu noqonwaayey in laga dhaa-dhiciyo. Booliska wuxuugo’aansadey inuu ninkeyga xabsiga ku haayo si ay ugabadbaadiyaan aarsasho kale. Ugu dambeyntii waa lasii daayey ka dib markii dad ay qaraabo yihiin oo katirsan qabiilkiisa Madhibaanka soo caawiyeen... Mahayo shaqo joogta ah. Haddii uu shaqo helo, wuxuukeena cunto anigana waan kariya. Haddii uusankeenin, anaago gaajo ah ayaan iska seexannaa.Waxaan ku noolaahay xaalad cabsi iyo murugo joogtoah. Waxaan ka cabsanaaya in xubinada qoyskeyga idilaan sababtoo ah waxa kale ay igu sameyn karaanhorey ayeey igu sameeyeen. Mar-mar waxay dagaaligu soo qaadaan meelo shacbiga joogo, halkaaso dadiga badbaadiyey. Ma ogi goorta uu akhli-xumadaanjoogsan doono, Ilaahi kaliya ayaa og.

    Gabadh Maadhibaan oo 17 jir ah ayaa MRG u sheegatysida xabbad loogu dhuftey markii dad qori sita ayyimaadeen dabbaaldeg ninkaax laga soo horjeedo ee kadhacey magaalada Hargaysa:

    Waxaa xabbad laygu dhuftey hal sano ka hor. Anigoodugsiga ka soo laabanaayo iyo u socdo guriga ayaan

  • DAAWO LA’AANTA: BEELAHA LAGA TIRADA BADAN YAHAY SOOMAALIYA EE LA ILLAAWEY22

    joogsadey si aan u eego xaflad ninkaax. Waan ogaa innin ka socdo qabiilka Musse Deriyo u ninkaaxayohaween ka socoto qabiilka Isaaq. Anigoo ninkaaxa kadaawanaayo ganjeelada guriga dibeddiisa, waxaayimid niman hubeysan. Waxay ka soo baxeen gaariwayn. Waan cabsadey waana ka carrarey, waxay idheheen istaag laakin waan iska dhega-tirey. Markaasayeey xabbad (rasaas) gacanta igu dhufteen. Taasiwaxay eheyd goorta ugu dambeeya aan dugsiga tegay.Iminka waxaan ka cabsadaa inaan dibedda tago.Gacanteyda weli way i xanuuntaa iyo sii fiican umashaqeyo. Waxaa kaliya ee aan xasuusto waa inaansuuxey. Ma aqaano wixii dhacey ee xiga. Waxaanmaqley in dad kale ay ayagaba ku dhaawacmeen.

    Buntland Nolosha jaaliyadaheena waa dhibaato, dhibaatoayaan ku qabnaa helidda badbaado iyo sharaf. Xittaama lihin ariga aan gooraco iyo hilibka ayaan kuiibiyaa suuqa. Waa inaan lacagtiisa baxshaa ka dibmarkii aan hilibka iibiyo. Mar-mar ma helo lacag igufilan aan ku baxsho qiimaha ariga waxaana galaadeyn. Haddii aan lacagta dib u bixin waayo dhibaatoayaan gelaaya, way i garaaci karaan ama i xirikaraan. Qofka ku garaacaayo waa isku qabiil qofkajooga saldhigga booliska, halkeeba tegnaa? Haween Maadhibaan ah, Boosaaso

    Gobolka Buntland waxaa ku yaalo gobolo maamuleed aybadanaa degan yihiin qabiillada Daarood dhinaca galbeedwuxuu xudduud la leeyahay Soomaaliland iyo dhinacakoonfur wuxuu xudduud la leeyahay koonfurta-dhexe eeSoomaaliya. Inkastoo uu aaga badanaa ka fogaadeydagaalka hubeysan iyo siyaasadda ka socda koonfurta-dhexeee Soomaaliya, International Crisis Group (ICG) waxuusoo sheegay in Buntland uu ammaanka hoos u dhacey iyoka jiro wel-wel siyaasadeed taasna sabab u ah ‘xukumid xuniyo bur-burka isku-xirnaanta qabiilka iyo midnimadaqabiilka Daarood ee lug ku lahaa aasaaskiisa 1998’.79

    Buntland caawin ama badbaadin yar ayuu siiyey beelahalaga tirada badan yahay, ha ahaadano jaaliyadaha waqtidheer gobolka ku noolaa (badanaa qolooyinka xoogsada)ama IDP (Dadka Dalka Gudihiisa ku Barakacay) oo kasocdo koonfurta Soomaaliya (badanaa Bantuda, laakin lehdhowr kooxo xoogsada iyo Banaadiriga).

    Baarlamaanka Buntland ma lahan kursi gaar u ahjaaliyadaha tiro yar (badanaa Madhiban iyo MusseDeriyo). Qabiillada wayn (Majerteen, Warsangeli iyoDhulbahante; oo dhammaan ka socdo qabiilka Daarood),shirka Isimo (odeyaalka qabiilka) oo lagu aasaaseydawladda Buntland jago kuma siinin beelaha laga tiradabadan yahay ka dibna kama jawaabin xaaladaha xun,80

    dawladdana ma lahan habka wakiilnimada 4.5 uu TFGisticmaalo kaaso beelaha laga tirada badan yahay jago kasiiyo baarlamaanka. Odeyaalka beelaha laga tirada badanyahay (lagu yaqaano garaad, ugas ama bogor, sidahoggaam