32
TILMAANSHAHA XEER-ILAALIYAHA XAFIISKA XEER-ILAALIYAHA GUUD EE QARANKA UHCX|URURKA HORMARINTA CAALAMIGA EE XEERKA 1

Office of the Attorney General Guidelines for … · Web viewKa sokow in XXGQ uu waajib ka saran yahay inuu abuuraan jawi shaqo oo hufan si ay xeer-ilaaliyayaashu u gutaan hawsha

  • Upload
    others

  • View
    1

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: Office of the Attorney General Guidelines for … · Web viewKa sokow in XXGQ uu waajib ka saran yahay inuu abuuraan jawi shaqo oo hufan si ay xeer-ilaaliyayaashu u gutaan hawsha

TILMAANSHAHA XEER-ILAALIYAHA

XAFIISKA XEER-ILAALIYAHA GUUD EE QARANKAUHCX|URURKA HORMARINTA CAALAMIGA EE

XEERKA

1

Page 2: Office of the Attorney General Guidelines for … · Web viewKa sokow in XXGQ uu waajib ka saran yahay inuu abuuraan jawi shaqo oo hufan si ay xeer-ilaaliyayaashu u gutaan hawsha

TusmoERAYO LA SOO GAABIYAY.......................................................................................4

1. HORDHAC.......................................................................................................5

2. ASAASIDDA XAFIISKA XEER-ILAALIYAHA GUUD...................................................62.1. QAAB CADDAALADEEDYADA MARXALADDA KALA-GUURKA IYO XXGQ.........................62.2. ASAASITAANKA IYO WAAJIBAADKA XXGQ EE KU XUSAN DASTUURKA...........................8

3. WAAJIBAADKA XXGQ.........................................................................................93.1. BAARITAANKA IYO SOO OOGIDDA KIISASKA CIQAABTA.............................................103.2. HALBEEGGA LAGU ILLAALIYO KIISASKA CIQAABTA AH...............................................113.3. WAAJIBAADKA GOONI AHAAN UGA SAARAN DUMARKA, CARUURTA IYO BULSHADA KUWEEDA NUGUL.......................................................................................................123.4. MAARAYNTA IYO DIB-U-EEGISTA FAYLKA...............................................................133.5. XIRIIRKA QAYBAHA KALE HAB-CADDAALADEEDKA DAMBIYADA..................................143.6. LA XISAABTANKA HAY’ADEED AH..........................................................................143.7. DABA-GALKA IYO KORMEEKA XABSIGA.................................................................143.8. XUKUNADA SHISHEEYE OO KAALMO XEER LA IS-WAYDAARSADO................................15

4. WAAJIBAADKA XAFIISKA XEER-ILAALINTA GUUD KAGA AADAN XEER-ILAALIYAASHA......................................................................................................15

4.1. WAAJIBAADKA KU XUSAN XEERKA NIDAAMKA GARSOORKA.........................................154.2. WAAJIBAADKA XXGQ EE KU XUSAN HALBEEGYADA CAALAMIGA AH..............................164.3. TABABARADA......................................................................................................164.4. ANSHAXMARINTA XEER-ILAALIYAYAASHA...................................................................175. HAB-DHAQANKA XIRFADEED.....................................................................................185.1. SHARAFTA IYO HAYBADDA XIRFADDA.......................................................................185.2. KARTI-XIRFADEED.................................................................................................195.3. MADAXBANNAANIDA............................................................................................195.4. LA XISAABTAN.....................................................................................................205.5. DHEXDHEXAADNIMO IYO HUFNAAN.........................................................................225.6. QARSOODINIMO..................................................................................................235.7. DANO-IS-KHILAAFSAN...........................................................................................23

6. ADEEGSIGA WARBAAHINTA..............................................................................25

Page 3: Office of the Attorney General Guidelines for … · Web viewKa sokow in XXGQ uu waajib ka saran yahay inuu abuuraan jawi shaqo oo hufan si ay xeer-ilaaliyayaashu u gutaan hawsha

7. WADASHAQAYNTA..................................................................................................25

Erayo la soo gaabiyayXGQ Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka

3

Page 4: Office of the Attorney General Guidelines for … · Web viewKa sokow in XXGQ uu waajib ka saran yahay inuu abuuraan jawi shaqo oo hufan si ay xeer-ilaaliyayaashu u gutaan hawsha

Soomaaliya

XXGQ Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud

XHC Xeerka Habka Ciqaabta ee Soomaaliya

UCX Ururka Caalamiga ah ee Xeer-ilaaliyayaasha

UHCX Ururka Hormarinta Caalamiga ee Xeerka

DkMgS Dastuurka ku Meel-gaadhka ee Soomaaliya

Tilmaanshaha QM

Tilmaanshaha Qaramada midoobay ee Kaalinka Xeer-ilaaliyayaasha

XNG Xeer-Nidaamiyaha Garsoorka

4

Page 5: Office of the Attorney General Guidelines for … · Web viewKa sokow in XXGQ uu waajib ka saran yahay inuu abuuraan jawi shaqo oo hufan si ay xeer-ilaaliyayaashu u gutaan hawsha

1. HordhacIswaydiin ma laha in xeer-talintu ay saldhig u tahay habsami u shaqaynta cadaalad-dambiyeedka.Hab dacwad-oogis oo tabargal ah, ayaa markaas, udubdhexaad u ah in garsoorku meel-mariyo xeerka ciqaabta.Dib-usoo-noolaynta iyo sii hormarinta XXG waa hawl socota oon ku suntanayn kaliya samaynta xeer-ilaalin u go’day la socoshada baadhista dambiyada iyo dambi soo oogista, balse waxaa kale oo soo hoos gala dib-u-habaynta dastuurka iyo xeerk-aba.

Hab-xeer kasta waxaa uu leeyahay tilmaamo u gooniya, saas dar-teedna ma sahlana in la cayimo maamuusyo guud oo ku wada dabaqmi kara dhammaan hababkaas.Soomaaliyana gooni kuma ahan arintaas.Haddaba, maadaama oo, sida ku cad qaybta 2aad, Soomaaliya aymarayso marxalad ay si wayn u muuqato is-baddal-ada lagu samaynayo xeerarka iyo dawladdaba waxaa muhiima in aan aad loo sii dhix-galin cayimista tilmaamo qiimo dhici kara marka jawigu is-beddalo.

Iyadoo ay kala duwanyihiin sooyaalada xeerku, haddana ururada caalamiga ah, urur-gobaleedyada iyo kuwa aan dawliga ahayn-intaba waxayka baaraan-degaan sooyaalada xeerasha si ay u ogaadaan maamuusyada guud iyo mabaadiida ay dhammaan ka simanyihiin. Tilmaanshahanu wuxuu maamuusyadaas guud iyo mabaadiidaas ku shaqlayaaa xeerarkii jiray iyo kuwa hadda lasoo wadaba ee Soomaaliya.

Gaar ahaan, tilmaanshahanu wuxuu cuskanayaa ilo-wareedyadan hoos ka muuqda:

Xeerka Nidaamka Garsoorka Somalia,Sharci No.3, 12 June 1962.

Habka Xeerka Ciqaabta, Sharci No 1, 1 June 1963.

5

Page 6: Office of the Attorney General Guidelines for … · Web viewKa sokow in XXGQ uu waajib ka saran yahay inuu abuuraan jawi shaqo oo hufan si ay xeer-ilaaliyayaashu u gutaan hawsha

Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Fedaraaliga ee Soomaaliya, 2012.

Kal-fadhigii Siddeedaaad ee Qaramada Midoobay ee Ka Hortaga Dambiyada iyo sida loola Dhaqmayo Dambiilayaasha, “Tilmaamaha Kaalinka Xeer-ilaaliyayaasha” (1990).

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Maandooriyayaasha iyo Dambiyada, iyo Ururka Caalamiga ah ee Xeer-ilaaliyayaasha, “Meeqaanka iyo Kaalinka Xeer-ilaaliyayaasha: Tilmaanshaha Xeer-ilaaliyayaasha ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Maandooriyayaasha iyo Dambiyada, iyo Ururka Caalamigee Xeer-ilaaliyayaasha” (2014).

Golaha Yurub: Guddiga Wasiirada, “Soo Jeedinta (2000) 19 ee Guddiga Wasiiiradu u Jeediyay Dawladaha Xubnaha ah ee ku Saabsan Kaalinta Xeer-Illaaliyaha ee Habka Cadaalad-dambiyeedka” (2000) Rec (2000) 19.

Ururka Caalamiga ee Xeer-ilaaliyayaasha, “Halbee-gyada Masuuliyadda Xirfadlenimo iyo Muujinta Waa-jibaadka iyo Xuquuqaha Asaasiga ah ee Xeer-ilaaliyayaasha” (1999).

Koomishinka Caalamiga ee Xeeryahanada, “Mabaadi-ida Caalamiga ee Madaxbanaanida iyo la Xisaabtanka Garsoorayaasha, Garyaqaanada iyo Xeer-ilaaliyayaasha”, (2007).

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Maandooriyayaasha iyo Dambiilayaasha, “Daba-kaabka “Halbeegyada Ma-suuliyadda Xirfadlenimo iyo Muujinta Waajibaadka iyo Xuquuqaha Asaasiga ee Xeer-ilaaliyayaasha: Isu-duwistii Aragtiyada ay soo Bixiyeen Dawaladaha Xub-naha ah” (2011).

Shirarka Khaaska ah ee Qaramada Midoobay, “Mabaadiida Asaasiga ah ee Kaalinka Garyqaanada” (1990).

6

Page 7: Office of the Attorney General Guidelines for … · Web viewKa sokow in XXGQ uu waajib ka saran yahay inuu abuuraan jawi shaqo oo hufan si ay xeer-ilaaliyayaashu u gutaan hawsha

Tilmaanshahan waxaa lagu samayn dib-u-eegis iyo naqtiimis, marka ay si kama-dambaysa u caddaato dib-u-habaynta dastuurka lagu samaynayo, qaabka caddaaladeed ee dalku yeelanayo iyo wal-iba xiriirka dawladda fedaraalka iyo dawlad-goboleedyada.Hasay-eeshee, maamuusyada guud ee halkan lagu qodobeeyay sidooda ayay ahaan doonaan.

2. Asaasidda Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud2.1. Qaab Caddaaladeedyada Marxaladda Kala-

Guurka iyo XXGQSi la mida dhinacyo badan oo xeerar iyo maamulba, meeqaanka iyo kaalinka xeer-ilaaliyayaasha fedaraalka iyo kuwa dawlad-gob-oleedyada waa arirn wali tashigeedu lagu jiro iyadoo uun ka mida kan guud ee Qaabka Caddaaladeed ee Soomaaliya.

Taariikh ahaan, XXGQSoomaaliya waxaa lagu asaasay Xeerka Nidaamka Garsoorka (XNG) Sharci Lam. 3 ee 12, June 1962, kaa-soo XXGQku daray qaab-dhismeedka garsoorka. Tusaale ahaan, Qodobka 15 ee XNG wuxuu qeexayaa in Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo ku xigeenadiisuba ay ka mid yihiin xubnaha garsoorka.

In kastoo uu wali isagu dhaqan-gal yahay, haddana waxaa muuqata in is-baddal ku imanayo qaabkii uu XNG u asaasay XXGQ.Tusaale, Dastuurka Jamhuuriyadda Fedaraaliga ee Soomaaliya wuxuu si garsoorka ka madaxbanaan u asaasayaa XXGQoo ay ku jirto shaqada dambi-soo-oogiddu. Inkastoo wali dib-u-eegis lagu wado Dastuurka, haddana waxaa la filan karaa in XXGQ loo sooco sidii waax dawli ah oo madaxbannaan.

Sidoo kale, qaab-dhismeedka nidaamka fedaraal ee Soomaaliya, oo isna dib u eegis lagu wado, ayaa isna saammayn ku yeelan kara kaalinta XXGQ.Mid ka mida arrimaha wali xalinta u baahan ayaa ah xiriirka ka dhexeeya XXGQ ee fedaraalka iyo kuwa heer dawlad-goboleed.

7

Page 8: Office of the Attorney General Guidelines for … · Web viewKa sokow in XXGQ uu waajib ka saran yahay inuu abuuraan jawi shaqo oo hufan si ay xeer-ilaaliyayaashu u gutaan hawsha

Noocyada qaab-caddaaladeed ee laga baaran-dagayo ayaa ah sed-dex khiyaar. Kan kowaad waa qaab-caddaaladeed ay dawlad gob-oleed kasta yeelanayso XXG oo u gooniya kana soocan XXGQ ee fedaraalka. Khiyaarka labaad, waa in XXGQ ee fedaraalku ka ma-suul noqdo wixii dambi-soo-oogid ah, ha noqoto heer fedaraal ama heer dawlad-goboleed. Khiyaarka saddexaad, waa mid iskudhafan oo XXGQ ee fedaraalka uu soo saarayo tilmaamo iyo amarro ku saabsan qaab-siyaasadeedka dambi-oogista ee ay tahay inay ku shaqeeyaan Xeer-ilaalinta Guud ee dawlad-goboleedyada.

Mid kasta oo khiyaaradan ka mida wuxuu isku dayayaa inuu isu dheelitiro laba ujeeddo oo is bar-bar socda xiriirna ka dhaxeeyo. Tan hore waa in bulsho/degaan kasta uu rabo in xafiiska dambi-oogistu noqdo mid u sidkan danaheeda gaarka ah. Tan labaad ayaa ah sidii loo heli lahaa tababarro, halbeegyo iyo qaab-siyaasadeed dambi-oogis oo midaysan laguna dabaqikaro waddanka oo dhan.

XXGQ waxaa lagu asaasay Qodobka 7aad ee XNG.Qodobka 12(3) ee XHC wuxuu Xeer-iilaaliye Guud ku qeexay qof kasta oo matala XXGQ.Waxaa ka mida Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, ku xigeenadiisa.

Qodobka 8aad ee XNG wuxuu dhigayaa in ay waajibaadka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ay ka mid tahay inuu xaqiijiyo dhawrista xeerka, iyo inuu difaacodanta guud, waaxaha dawladda, iyo dhibanayaasha isagoo:

Baaraya, astaynaya ama galaya dacwadeeyn, si toosa ama isagoo u maraya hay’adaha xeer-fulinta.

Guda-galayaa amaba fara-galinaya dacwadaha madaniga ah, waase haddii XXGQ u arko in dan guud ku jirto arrintaas.

8

Page 9: Office of the Attorney General Guidelines for … · Web viewKa sokow in XXGQ uu waajib ka saran yahay inuu abuuraan jawi shaqo oo hufan si ay xeer-ilaaliyayaashu u gutaan hawsha

Xaraynaya racfaanada dacwadaha madaniga iyo kuwa ciqaabta.

Qodobka 8aad ee XNG wuxuu XXGQ u xil-saarayaa inuu hago xeer-fuliyayaasha samaynaya baaritaanada ama ku hawlan xakamaynta dambiyada, iyo waliba inuu kormeero xabsiyada iyo meelaha ama hay’adaha kale ee ciqaabta.

Xeer Lambar 34, 1974 wuxuu dhigayaa in xarunta XXGQ ay tahay Muqdisho isagoo yeelanaya Xeer-ilaaliye Guud iyo 10 ku xigeen. Wuxuu kaloo dhigayaa in ku xigeen matalaya XXGQ loo qoonday-nayo maxkamad racfaan kasta oo gobol ku taal.

Waxaa kale oo Xeerka 1974 uu cayimayaa in XXGQ uu masuul ka yahay kiisaska ciqaabta isagoo ka tilmaan qaadanaya Xog-haya dawaladda uga wakiilka ah arrimaha cadaaladda. Xeerku waxaa kaluu faah-faahiyaa kaalinta XXGQ ee ah inuu booliska ku ko-rmeero baaritaanada. Xeerku wuxuu awood u siinaya inuu anshax-mariyo shaqaalaha xeer-fulinta ama uuba shaqo joonin ku sameeyo marka XXGQ uu arko in arrintaasu lama huraan tahay1.

2.2. Asaasitaanka iyo Waajibaadka XXGQ ee ku xusan Dastuurka

Qodobka 114 ee Dastuurku wuxuu u asaasayaa XXGQ sidii hay’ad fedaraali ah oo madaxbannaan. Ka sokoow kaalinkiisa dambi-oogista, Dastuurku wuxuu u xil-saarayaa XXGQ masuuliyado kale.Sida uu qabo qodobka 109A(2) ee Dastuurka, Xeer-ilaaliyaha Guud waa xubin ka tirsan Golaha Adeegga Garsoorka.

Madaamoo dastuurka laftiisa ay wali ku socoto dib-u-eegis, waxaa suurtagala in asaaska XXGQ iyo waajibaadkiisaba wax laga bad-dalo. Dib-u-eegista arrimahan uu ku samaynayo guddiga dib-u-

1 Qodobka 15 Xeer Lamb 34 ee Xeerka Nidaamka Garsoorka ee 1974

9

Page 10: Office of the Attorney General Guidelines for … · Web viewKa sokow in XXGQ uu waajib ka saran yahay inuu abuuraan jawi shaqo oo hufan si ay xeer-ilaaliyayaashu u gutaan hawsha

eegista dastuurku waxaa iyana laga filan karaan in is-beddalo dheeriya ka soobaxaan.

3. Waajibaadka XXGQWaajibaadka XXGQ waxaa si firirsan loogaga hadlay xeerar dhawr ah oo ay ugu doorranyihiin XHC iyo XNG. Qodabka 8(1) ee XNG oo taxaya waajibaadka XXGQ wuxuu leeyahay, waa inuu:

Baaraa, unkaa amaoogaa dacwad-ciqaabeedka; Unkaa ama fara-galiyaa dacwadaha madaniga ah

marka danta guud ay sidaas ku jirto; iyo Xareeyo racfaanada madaniga iyo kuwa ciqaabta

ahba.

Somaaliya waxay leedahay hay’ado ay tahay in dambiyada la galay ay ku soo war-galiyaan XXGQ si loo sameeyo dambi soo oogis.Kuwan waxaa ka mida Hanti-dhawrka Guud sida uu qabo Xeer Lamb 34, 19722.Sida uu dhigayo qodobka 15 ito 16 ee xeerkanu, haddii Hanti-dhawrka Guud, isagoo xilkiisa gudanaya, xaqiiqsado in lagu kacay dambi la xiriiira muumulista lacag dad-wayne ama hanti qaran, waa inuu ka diyaarshaa warbixin una gud-biyaa XXGQ. Marka uu war-bixintaas helo, XXGQ wuxuu bilaabayaa tallaabo-qaadis waafaqsan qodabada 69, 70 iyo 71 ee XHC.

Sida uu qabo xeerka qabyada ah ee ku saabsan asaasidda Guddi-gaLa-dagaallanka Musuqa ee Golaha Wasiiradu ansixiyeen, haddii Guddigu go’aansado inuu masuul dadweyne uu ku kacay gaf musuq ah oo ay ka dhalan karto dambiilanimo, Guddigu wuxuu kiiskaas u gudbinayaa XXGQ si uu u billaabo talaabo-qaad sharciya oo waafaqsan qodoka 70 ee XHC.

Qaybtani waxay diiradda saaraysaa kaalinta XXGQ ee talaabo-qaadka dacwad-danbiyeedka.

2 Xeerka Hantidhawrka Guud, No. 34 of 1972

10

Page 11: Office of the Attorney General Guidelines for … · Web viewKa sokow in XXGQ uu waajib ka saran yahay inuu abuuraan jawi shaqo oo hufan si ay xeer-ilaaliyayaashu u gutaan hawsha

3.1. Baaritaanka iyo soo Oogidda Kiisaska Ciqaabta

Sida lagu xusay qodobka 8(1) ee XNG iyo kan 12(3) ee XHC, shaqada ugu muhiimsan ee XXGQ waa baarista, soo oogidda iyo ka talaabo-qaadka dacwad-dambiyeedyada. Sida uu qabo XHC, XXGQ wuxuu kaalin fir-fircoon ka gaystaa baarista, soo oogidda iyo ta-laabo-qaadka dacwad-dambiyeedyada.Qodobka 70 ee XHC wuxuu xusayaa waajibaadyadan:

Ka doodidda Maxkamadda Guud, tan Racfaanka, kuwa gobolada, iyo maxkamadaha lagu dhiso Dastuurka.

Inuu helo cabashooyinka iyo war-bixinada khuseeya dambiyada.

Hagista baarista dambiyada iyo xaqiijinta in baad-hayaashu dhawreen dhammaan xeerarka iyo habkood-aba.

Marka uu ku qanco in dambi la galay inuu diyaariyo eedayn ka dhana eedaysanaha horgeeyaana maxka-madda ku habboon.

Haddiiaanu ugu horraynba aanu ku qancin in dambi la galay wuxuu amrayaa baaris dheeriya ama xiritaanka faylka.

Racfaan ayuu ka qaadanayaa go’aanka maxkamadeed ee uu u arko inuu jabinayo xeerarka Soomaaliya.

Waajibaadyadan waxay maldahayaan in XXGQ kaalin ka ciyaarayo xaqiijinta in baaritaanada loo fuliyay si waafaqsan xeerarka iyo hal-beegyada xuquuqda aadanaha3.Waxaa tan si cad loogu qeexay tilmaanshaha xeer-ilaaliyayaasha ee Qaramada Midoobay daabac-day si uu jaan-gooyo ugu noqdo waajibaadyada xeer-ilaaliyaasha adduunka oo dhan. Wuxuu leeyahay, XXG waa inuusan adeegsan

3Xafiiska Qaramada Midoobay ee Maan-dooriyayaasha iyo Dambiyada, iyo Ururka Caalamiga ah ee Xeer-ilaaliyayaasha, “Meeqaanka iyo Kaalinka Xeer-ilaaliyayaasha: Tilmaamshaha Xeer-ilaaliyayaasha ee Xafiiska Qara-mada Midoobay ee Maandooriyayaasha iyo Dambiyada, iyo Ururka Caalamigee Xeer-ilaaliyayaasha” osecutors Guide’ (2014) 38.

11

Page 12: Office of the Attorney General Guidelines for … · Web viewKa sokow in XXGQ uu waajib ka saran yahay inuu abuuraan jawi shaqo oo hufan si ay xeer-ilaaliyayaashu u gutaan hawsha

caddayn lagu helay si gaf ku ah xeerka ama halbeegyada xuquuqda aadanaha waana “inuu qaadaa talaabooyin lagu xaqiijinayo in cid-dii gafkaas gaysatay lagu horkeeno cadaaladda”4.Sidoo kale,xeer-ilaaliyaha waxaa waajib ka saaranyahay inuu xaqiijiyo in ee-daysanuhu helo dacwad-qaadis xaq ah.

Waajibaadka ilaalineed ee lagu xusay Tilmaanshaha Kaalinka xeer-ilaaliyayaasha wuxuu waafaqsanyahay sida ku qoran xeerka 1974 ee XNG wax laga baddalay. Xeerkaasu wuxuu xeer-ilaaliyaha farayaa inuu jiheeyo baaritaanada booliska, wuxuuna fasaxayaa in XXGQ uu baarayaasha anshaxmariyo hadday lagama maarmaan no-qoto.

Marka xeer-ilaaliyayaashu go’aansadaan in kiis la xiro, waa inay XGQ u gudbiyaan, markaas buu isna, si waafaqsan qodobka 72 ee XHC, u xirayaa kiiska ama u amrayaa qaadista talaabooyin dheeri ah.

3.2. Halbeegga lagu Illaaliyo Kiisaska Ciqaabta ah

Xeer-ilaaliyayaashu waxay taaganyihiin halka ay iska-talaabaan shaqada garsoorka iyo tanxeer-fuliyayaashu.Sidaasbayna waa-jibaad ugu yeeshaan mid kasta oo shaqooyinkaas ah.Ma ahan uun inay la-socdaan baaritaanada ooy xaqiijiyaan in baaritaanku waafaqsan yahay xeerka iyo halbeegyada xuquuqda aadanaha, ee waxaa kale oo laga rabaa inay kiisaskooda maxkammadda u hor-keenaan sitixgalinaysa xuquuqaha eedaysanaha iyo dhibanaha-ba.Haddaba, si ay u gudan karaan waajibkan labada dhinac ah, xeer-ilaaliyayaashu waa inay:

Ilaaliyaan talinta-xeerka, haybadda hab cad-daaladeedka dambiyada iyo xaqa qofku u leeyahay dacwad qaadis xaq ah.

4Kal-fadhigii Sideedaad ee QM kuna Saabsanaa ka Hortaga Dambiyada iyo sida loola Dhaqmayo Dambiilaha “Tilmaanshaha Kaalinka Xeer-ilaaliyayaasha” Qod. 16

12

Page 13: Office of the Attorney General Guidelines for … · Web viewKa sokow in XXGQ uu waajib ka saran yahay inuu abuuraan jawi shaqo oo hufan si ay xeer-ilaaliyayaashu u gutaan hawsha

U fuliyaan xilkooda si xaq ah, isku-toosan oo muddo ku habboon leh: isla-markaasna u dhacdaa qaab hufan, ah, xirfadlenimo ah oo dhawraya xuquuqda aadanaha markuu hagayo, tilmaamayo oo ka talabixinayo baaridda galka, iyo in kiisaska ay oogaan kaliya marka uu kiisku ku baaso tijaabada ka go’aan-qaadashada ee-daynta qofka5.

Tix-galiyo aragtida, danaha sharciga ah iyodareenka ay qabaan dhibanaha iyo markhaatigu6.

Ilaaliyaan xuquuqda eedaysanaha iyo dhallaanka iyagu gaf gaysta.

U bandhigaan eedaysanaha wixii caddaymo ah ee xeer-ilaaliyahu hayo ee eedaysanaha dambiga ka dhaqaysa ama ku caddaynaysa.

Ka go’aan gaaraan in caddaynta ay hayaan lagu helay si waafaqsan xeerka iyo dastuurka oo haddii aanay waafaqsanayn ay diidaan in caddayntaas loo adeegsado si ka dhan ah eedaysanaha7.

Ka dheeraaadaan inay war-baahinta ama is-gaadhsi-inta kale ee dadwaynaha siiyaan war iyagoon ogolaan-sho ka haysan XXGQ.

Tixgaliyaan madaxbannaanida iyo dhexdhexaadni-mada garsoorayaasha hawsha ku jira.

Eegaan inay ka tanaasulaan dacwadaynta, ku baaqaan wada-xaajood, duwis, iyo hab kale oo loo xaliyomu-ranada, iyadoo la ilaalinayo xuquuqaha eedaysanaha iyo dhibanaha8.

Uusan bilaabin ama sii wadin dacwad, marka baari-taan dhexdhexaad ah caddeeyo in sheegashooyinka dacwaddu aanay sugnayn9.

5ibid Qod. 4.1.6ibid 13(d).7ibid 16.8ibid 13(d), 18.9ibid 14.

13

Page 14: Office of the Attorney General Guidelines for … · Web viewKa sokow in XXGQ uu waajib ka saran yahay inuu abuuraan jawi shaqo oo hufan si ay xeer-ilaaliyayaashu u gutaan hawsha

3.3. Waajibaadka Gooni ahaan uga Saaran Du-marka, Caruurta iyo Bulshada kuweeda Nugul

Xeer-ilaaliyuhu waa inuu ogsoonaadaa duruufaha iyo culaysyada ku gaarka ah dumarka, caruurta iyo kuwa ugu tabartadaran bulshada, marka laga hadlayo xeerka ciqaabta. Waa in lagu dadaalaa sidii kooxahan loo soo dumi lahaa: ha noqdaan dhibbanayaal, ee-daysanayaal amaba markhaatiyaalba.Marka caruurta la dacway-nayo xeer-ilaaliyayaashu waa inay tixgashaan dabeecadda dambiga, baaxaddiisa/culayskiisa, badbaadinta bulshada, iyo shakhsiyadda iyo taariikhda ilmaha.Marka go’aan laga gaaro in ilmo la eedeeyo iyo in kale, waxaa xeer-ilaaliyayaashu mudnaanta siinayaan xal kale oon dacwadayn ahayn balse waafaqsan xeerarka ku habboon ee la xiriira dhallaanka10.

Qodobka 29(4) ee Dastuurka ayaa isna xaddidadaya xiritaanka caruurta. Wuxuu leeyahay, “carruurta waxaa la xiri karaa oo ke-liya muddo gaaban iyo duruuf ku habboon markii la waayo xal kale.” Caruurta waa in lagu xiraa meel ka gooniya dadka wa-awayn, marka laga reebo qoyskiisa.

Xeerka Dhaqan-celinta iyo Maxkamadaha Dhallaanka, Xeer Lambar 13 ee 8dii Maarso 1970, wuxuu ku qeexay dhallaan cid kastoo ka yar 14 jir; caruurna wuxuu ku qeexay cid kasta oo u dhaxaysa 14 ilaa 18 jir. Qodobka 3aad wuxuu leeyahay, dhammaan kiisaska ka dhanka ah caruurta, marka laga reebo kuwa dilka ah, waxaa dha-gaysanaysa maxkamadda caruurta. Qodobka 4aad wuxuu dhigayaa inaan la xiri karindhallaan ama caruur haddii:

- Aanu gaysan dil ama dambi mutaysan kara 7 sanoo xariga, ama

- Sii dayntiisu aanay dhaawacaynin ujeedka cadaaladda.

10ibid 19.

14

Page 15: Office of the Attorney General Guidelines for … · Web viewKa sokow in XXGQ uu waajib ka saran yahay inuu abuuraan jawi shaqo oo hufan si ay xeer-ilaaliyayaashu u gutaan hawsha

Qodobka 5aad ayaa isna sheegaya inaan dhallaanka aan lagu xukumi karin xabsi. Caruur lagu xukumay xabsi lama ogaalanayo inay isla joogaan maxaabiis qaan-gaara.

Xeer-ilaaliyayaashu, waxaa kale oo ay tahay, inay ka taxaddaraan xaqiijinta bad-qabka iyo fayoobaanta dhibanayaasha iyo markhaatiyada dambiyada.Xeer-ilaaliyayaashu dhib gooniya ayay kala kulmikaraan kiisaska ku leg leh dhibane ah dhallaan ama dhibanayaasha xadgudubka jinsiga ku salaysan, maadaama oo ay u baahdaan daryeel caafimaad iyo daawayn maskaxda ah iyagoo in-taas u dheertahay faquuq bulsheed.Kiisaska noocana waa in xeer-ilaaliyayaashu mudnaanta siiyaan bad-qabka dhibanaha.Waa inay xaqiijiyaan in dhibanuhu helay daryeel caafimaad oo habboon oo ay ka mid tahay in lala socdo daryeelka caafimaad iyo daawaynta maskaxda, hadday muhiim tahay.Sidoo kale, xeer-ilaaliyayaashu waa inay taxaddar dheeriya siiyaan asturaanta iyo badqabka jirka ee dhibanaha.

3.4. Maaraynta iyo Dib-u-eegista FaylkaBaarista iyo haynta kiiska la yaala Waaxda Danbibaarista Booliska waxaa lagu wadaa dib-u-eegis balaaran, taasina waxaysaamayn ku yeelan kartaa sida XXG uu u agaasimo amaba u hayo faylka ki-iskaas. Hase ahaatee, qodobka 25 iyo 26 ee XHC ayaa xusaya xog ay tahay in faylka kiiska laga helo, waxaana ka mida:

Xusuus qorka baarista oo isagu muujinaya faah-faahinta baaris maalmeedka.

War-bixin hufan oo ay ku jirto arrimaha kiiska iyo wixii ku hareeraysan ee ah duruuf laga yaabo inay wax u dhinto geeddi-socodka dacwadda;

Faahfaahinta caddaymaha la hayo; Faah-faahinta shakhsiyeed ama xog kasta oo wax ka

tari karta aqoonsashada eedaysanaha, iyo qof walba oo haya xog ku aaddan duruufta dambiga.

Wixii xoga ee la xiriira baaritaanka.

15

Page 16: Office of the Attorney General Guidelines for … · Web viewKa sokow in XXGQ uu waajib ka saran yahay inuu abuuraan jawi shaqo oo hufan si ay xeer-ilaaliyayaashu u gutaan hawsha

Wixii agaba ee la taabay muddadii baaritaanku socday.

Sida ku cad Qodobada, 260 – 262 ee XHC, XXGQ ayaa ka mas’uul ah maamulista xafiiska xusuusdhiga dambiyada oo isagu haya ama-rada geedi-socodka dacwadaha ciqaabta iyo arrimaha maamul ama madani. Hadda waxaa socda dadaalo lagu casriyaynayo si hufanna loogu maamulayo faylasha uu gacanta ku hayo XXGQ.

3.5. Xiriirka Qaybaha Kale Hab-cad-daaladeedka Dambiyada

Xeer-ilaaliyuhu wuxuu u shaqeeyaa sidii xiriiriye tiro ka mida hay’adaha xeer-fulinta.Saasawgeed, waa inuu xaqiijiyaa iskaashiga hay’adaha ka shaqeeya nidaamka cadaaladda oo ay ka mid yihiin hay’adaha baarista, mas’uuliyiinta garsoorka, xirfadlayaasha xeerka iyo hay’adaha kaleba11.

3.6. La xisaabtanka Hay’adeed ahSida uu dhigayo XNG, garsoorka ayuu hastagaa oo laa xisaabtama XXGQ. Balse, waxaa kale oo isna la xisaabtama waaxda fulinta maadaamoo looga baahanyahay inay gudato wixii hawla ee muhiim u ah xaqiijinta in dawladdu u shaqaynayso si daalacan oo ku salaysan talinta-xeerka. Sidoo kale, waxaa la xisaabtama dadwey-naha si loo xaqiijiyo in looga sad-qaaday nidaam dawladeed oo ku salaysan talinta-xeerka.

3.7. Daba-galka iyo Kormeeka XabsigaXXGQ wuxuu kormeeraa xabsiyada iyo hay’adaha kale ee ciqaab-ta.XXGQ Waxuu baaraa ama qiimayn karaa xabsi, hay’ad ama goob ciqaabeed kasta.

11ibid 20.

16

Page 17: Office of the Attorney General Guidelines for … · Web viewKa sokow in XXGQ uu waajib ka saran yahay inuu abuuraan jawi shaqo oo hufan si ay xeer-ilaaliyayaashu u gutaan hawsha

3.8. Xukunada Shisheeye oo Kaalmo Xeer la Is-waydaarsado

Sida ku cad XHC Qodobkiisa 277, XXGQ waa inuuadkeeyaa is-way-daarsiga kaalmo-xeer iyo warqadaha lagu codsanayo gacan-siin dacwadeed(letters rogatory) ee ka yimaadda xukunada waddamada shisheeye12.

4. Waajibaadka Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud kaga aadan Xeer-Ilaaliyaasha4.1. Waajibaadka ku xusan Xeerka Nidaamka Gar-

soorka

Qodobka 24aad ee XNG wuxuu qeexayaa damaanadaha ay leeyihiin xubnaha Garsoorka oo ay ku jiraan Xeer-Ilaalliyayaashu. Damaanadahaas waxaa ka mida:

Inaan xubnaha garsoorka laga hor-istaagi karin hawlaha garsoorka iyadoo aan loo raacin hab anshax-marin;

Inaan xubnaha garsoorka la baddali karin ama aan loo diri karin hawlo kale ilaa ay ka ogalaadaan marka laga reebo inay arrintu ku timid tallaabo anshaxmarin ama inay tahay xaalad degdeg ah mooyaane;

Inaan xubnaha garsoorka la xiri karin ama aan xor-riyadooda gaar ahaaneed la xayiri karin iyadoo aan ogolaansho laga helin Golaha Sare ee Garsoorka;

Inaan Xubnaha garsoorka loo qabsan karin mas’uuliyad ama dacwad madani ah oo la xiriirta hawlaha ay qabteen iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo marka laga reebo mas’uuliyad ama dacwad madani ah oo ka dhalatey fal-dambiyeed; iyo

12Xeerka Habka Ciqaabta Qod. 277.

17

Page 18: Office of the Attorney General Guidelines for … · Web viewKa sokow in XXGQ uu waajib ka saran yahay inuu abuuraan jawi shaqo oo hufan si ay xeer-ilaaliyayaashu u gutaan hawsha

Inaan xubnaha garsoorka lagu qasbi karin inay qab-taan hawl ama shaqo qaran marka laga reebo adeegga milatariga ee ku xusan sharciyo kale.

Qodobka 25aad ee XNG wuxuu ka mamnuucayaa xubnaha garsoorka inay xubin ka noqdaan xisbi siaaysadeed ama ay faragashadaan hawlo aan u cuntamin xirfadooda.

4.2. WaajibaadkaXXGQ ee ku xusan Halbeegyada Caalamiga ah

Sida ku xusan Halbeegyada Caalamiga ah, XXGQ waxaa waajib ku ah inuu hubiyo in xeer-ilaaliyaasha ay hawlahooda xirfadeed iyo bulsho ay u gutaan si habboon. Qodobka 6aad ee Halbeegga Xir-fadeed iyo Odhaahda ku saabsan Waajibaadyada Asaasiga ah iyo Xuquuqaha Xeer-Ilaaliyayaasha ee Ururka Caalamiga ah ee Xeer-Ilaaliyayaasha wuxuu qeexayaa inay xeer-ilaaliyayaashu xaq u leey-ihiin:

Inay hawlahooda gutaan iyadoo aan la cabsiin, loo ca-gajuglaynin ama aan faragalin lagu samaynin;

In iyaga iyo qoyskoodaba la ilaaliyo marka ay khatar ka timaadda hawlaha ay qabtaan ay la soo daristo;

Inayyeeshaan xaalado shaqo oo maangal ah, mushaar macquul ah iyo faa’idooyinka kale ee shaqo;

Inay leeyihiin damaanad shaqo, hawlgab iyo lacagaha hawlgabka si waafaqsan nidaamka shaqaalaha dawladda;

Inay leeyihiin halbeegyo shaqo qorid iyo dalacsiin oo maangal ah oo ku salaysan aqoon, khibrad, karti, sharaf, iyo waxqabad;

In loo maro anshaxmarinta hab ku salaysan dhagaysi xaq ah iyo qiimayn xaqiiqda ku salaysan;

Inay dhisan karaan am aka qaybgali karaan ururada xirfadeed ee ku salaysan danahooda ama bixiya tababaro xirfadeed; iyo

18

Page 19: Office of the Attorney General Guidelines for … · Web viewKa sokow in XXGQ uu waajib ka saran yahay inuu abuuraan jawi shaqo oo hufan si ay xeer-ilaaliyayaashu u gutaan hawsha

Inay diidi karaan inay qabtaan fal kasta oo aan xeerka waafaqsanayn ama ka horimanaya halbeegyada an-shax-xirfadeedka.

4.3. TababaradaTilmaamaha Dawrka Xeer-Ilaaliyayaashuwaxay sheegayaan in dawladdu ay hubiso in xeer-ilaaliyayaashu ay helaan tababar hufan oo xeerka la xirriira iyo in la ogaysiiyo ahdaafta iyo halbeegyada anshax ee Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud ee Qaranka. Maadaama tababarka xeer-Ilaaliyayaashu yahay mid joogto ah13, XXGQ waa inuu gutaa waajibaadka hawshaa si loo helo tababar hufan ah oo lagama maarmaan u ah ahdaafta xafiiska, xeerarka waajibaadka anshax, iyo xeerarka shaqadooda ku haboon iyo qodobada Dastu-urka14.

Marka lagu daro tabarka la xiriira qaybaha muhiimka ah ee shar-ciga, Golaha Yurub wuxuu qabaa in Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud uu xeer-ilaaliyayaasha ku tababaro qaybahan soo socda:

Mabaadi’da iyo waajibaadka anshaxeed ee Xafiiska; Ilaalinta xeereed iyo dastuureed ee eedaysanayaasha,

dhibanayaasha iyo markhaatiyada; Xuquuqda banii’aadamka iyo xorriyadaha lagu qeexay

Xeerka Caalamiga ah Ilaalinta Xuquuqda Banii’aadamka iyo Xorriyadaha Asaasiga ah, gaar ahaan kuwa lagu xusay Qodobada 5aad iyo 6aad ee Xeerka;

Mabaadi’da iyo habdhaqanka shaqo ee Xafiiska, maa-mulka iyo cududa shaqaale ee la xiriira garsoorka; iyo

13Xafiiska Qaramada Midoobay ee Maandooriyayaasha iyo Dambiilayaasha iyo Tilmaanshaha Xiriirka Caalamiga ah ee Xeer-ilaaliyayaasha Dunida (n 4) 26.14Kal-fadhigii Siddeedaaad ee Qaramada Midoobay ee Ka Hortaga Dambiyada iyo sida loola Dhaqmayo Dambiilayaasha, “Tilmaamaha Kaalinka Xeer-ilaaliyayaasha (n 5) Art 2(b).

19

Page 20: Office of the Attorney General Guidelines for … · Web viewKa sokow in XXGQ uu waajib ka saran yahay inuu abuuraan jawi shaqo oo hufan si ay xeer-ilaaliyayaashu u gutaan hawsha

Habka farsamo iyo qoraalada ka qayb qaadan kara habsami u qabashada hawlaha Xafiiska15.

Waxaa kaloo muhiim ah in la sameeyo maxkamado muunad ah oo lagu tababarto iyo tababaro la xiriira habka dacwadaha loo qaado. Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud ee Qaranku waa inuu hubiyaa in xeer-ilaaliyayaasha ay helaan tababar hufan oo ku saabsan cilmibaarista sharci iyo sida loo diyaariyo doodaha afka ah iyo qoraalada loo gud-biyo maxkamadaha.

4.4. Anshaxmarinta Xeer-IlaaliyayaashaKa sokow in XXGQ uu waajib ka saran yahay inuu abuuraan jawi shaqo oo hufan si ay xeer-ilaaliyayaashu u gutaan hawsha qaran ee saaran, sidoo kale waa inuu hubiyaa in xeer-ilaaliyayaashu ay ku dhaqmaan dhammaan sharciyada, xeerarka kale iyo halbeegyada. Markaa, waxaa ku waajib ah inuu anshaxmariyo xeer-ilaaliyayaasha ku xadgudba sharciyadaa, xeerarka kale iyo halbee-gyadaa. Sida ku xusan Xeerka 28(2)(c), Golaha Sare ee Garsoorka ayaa ka mas’uul ah inay anshaxmariyaan xubnaha garsoorka oo ay ku jiraan xeer-ilaaliyayaashu.

5. Hab-dhaqanka XirfadeedXafiiska Xeer-Ilaalinta Guud ee Qaranku wuxuu u diyaarinayaa xeer-ilaaliyayaasha Hab-dhaqan Xirfadeed. Ilaa inta qoraalkaa laga sameynayo waa inay xeer-ilaaliyayaashu u hoggaansamaan halbee-gyada iyo tilmaamaha soo socda:

15 Golaha Yurub: Guddiga Wasiirada, “Soo Jeedinta (2000) 19 ee Guddiga Wasiiiradu u Jeediyay Dawladaha Xubnaha ah ee ku Saabsan Kaalinta Xeer-Illaaliyaha ee Habka Cadaalad-dambiyeedka” (2000) Rec (2000) 19Qodobka 7aad<http://www.refworld.org/pdfid/43f5c8694.pdf>la fiirshay 13 October 2016.

20

Page 21: Office of the Attorney General Guidelines for … · Web viewKa sokow in XXGQ uu waajib ka saran yahay inuu abuuraan jawi shaqo oo hufan si ay xeer-ilaaliyayaashu u gutaan hawsha

5.1. Sharafta iyo Haybadda XirfaddaXeer-Ilaaliyayaashu waa inay ilaaliyaan sharafta iyo haybadda xir-fadda. Iyadoo taas laga duulayo xeer-ilaaliyayaashu markasta waa:

Inay u hoggaansamaan xeerka, Habka Hab-dhaqan Xirfadeedka lagu xuso xeerarka Soomaaliyeed, Dastu-urka, iyo xeerarka kale ee la xiriira.

Inay xilkooda u gutaan hab ilaalinaya danta guud16. Inay ixtiraamaan, fuliyaan, ilaaliyaanna cadaaladda,

sharafta banii’aadamka, iyo xuquuqaha asaasiga ah ee ku qeexan xeerarka waddanka iyo Dastuurka.

Inaanay cidna si toos ah ama dadban u faquuqin iya-goo eegaya qawmiyaddiisa, isirkiisa, qabiilkiisa, jin-sigiisa, xaaladiisa shakhsiyeed, caafimaadkiisa, dhaqaalihiisa, meesha uu ka soo jeedo, midabkiisa, da’diisa, laxaadkiisa, diintiisa, fikirkiisa, caqiidadiisa, dhaqankiisa, dharkiisa, luqadiisa ama dhalashadiisa17.

Inay dadweynaha kula dhaqmaan hab maamuusan oo aan liidaynin haybada Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud ee Qaranka.

5.2. Karti-xirfadeedXeer-ilaaliyaashu waa inay ilaaliyaan sharafta iyo haybadda xirfad-da.Waa inay leeyihiin aqoon iyo tababar ku habboon hawlaha iyo waajibaaka Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud ee Qaranka.Sida ay waajib ugu tahay XXGQ inuu xagga tababarka iyo aqoonta uga dhiso xeer-ilaaliyayaasha, waxaa xeer-ilaaliyayaashana laga rabaa inay la soc-

16 Golaha Yurub: Guddiga Wasiirada, “Soo Jeedinta (2000) 19 ee Guddiga Wasiiiradu u Jeediyay Dawladaha Xubnaha ah ee ku Saabsan Kaalinta Xeer-Illaaliyaha ee Habka Cadaalad-dambiyeedka” (2000) Rec (2000) 19Qod. 7<http://www.refworld.org/pdfid/43f5c8694.pdf>la fiirshay 13 Octo-ber 2016.17Kal-fadhigii Siddeedaaad ee Qaramada Midoobay ee Ka Hortaga Dambiyada iyo sida loola Dhaqmayo Dambiilayaasha, “Tilmaamaha Kaalinka Xeer-ilaaliyayaasha (n 5) Art 2(b).

21

Page 22: Office of the Attorney General Guidelines for … · Web viewKa sokow in XXGQ uu waajib ka saran yahay inuu abuuraan jawi shaqo oo hufan si ay xeer-ilaaliyayaashu u gutaan hawsha

daan isbaddalka sharciga iyo inay markasta xirfadooda aqooneed kor u qaadaan.

5.3. MadaxbannaanidaXeer-ilaaliyuhu waa inuu ka madax-bannaan yahay laamaha kale ee dawladda ama raadayn kale waana inay xilkooda u gutaan “iyadoo aan la cabsiin, la horistaagin, loo cagajuglayn, aan si aan haboon-ayn loo faragalin ama aan loo banbixin mas’uuliyad madani, ciqaabeed iyo mid kale toona18. Madaxbannaanida waxaa lagama maarmaan u ah in xeer-ilaaliyayaashu ay ilaaliyaan xeerarka dalka iyo dastuurka. Xeer-ilaaliyayaashu waa inay si taxaddar ku jiro ula shaqeeyaan hay’adaha sharciga fuliya iyo laamaha kale ee dawladeed ee qabta hawlaha xiriirka la leh xeer-ilaalinta waana inay hubiyaan in xeerarka iyo qaab-dhaqanka Xafiiska Xeer-Ilaal-inta Guud ee Qaranka la dhawro, iyo in xeer-fulinta loo qabto si daalacan oo waafaqsan tilmaamaha dhigan.

Maadaama oo ay lagama maarmaan tahay in mararka qaarkood uu xeer-Ilaaliyuhu isticmaalo ikhtiyaarkiisa marka uu go’aanada gaarayo, waa in la diyaariyaa sharciyo iyo xeerar tilmaama arrintaa oo sidoo kale hubiya in go’aamada lagu qaato ikhtiyaarku loo gaaro hab hufan oo cadaaladda ku dhisan19.

Xeer-ilaaliye madaxbannaan ayaa lagama maarmaan u ah in dawladda lagula xisaabtamo falalkeeda.Madaxbannaanidu laakiin macnaheedu ma aha mid iska furan oo aan xad lahayn; waxaa xeer-

18ibid Qodobha 4aad: Ururka Caalamiga ee Xeer-ilaaliyayaasha, “Halbeegyada Masuuliyadda Xirfadlenimo iyo Muujinta Waa-jibaadka iyo Xuquuqaha Asaasiga ah ee Xeer-ilaaliyayaasha” (1999). Qod 2.1.19Kal-fadhigii Siddeedaaad ee Qaramada Midoobay ee Ka Hortaga Dambiyada iyo sida loola Dhaqmayo Dambiilayaasha, “Tilmaamaha Kaalinka Xeer-ilaaliyayaasha (n 5) Qod. 17.

22

Page 23: Office of the Attorney General Guidelines for … · Web viewKa sokow in XXGQ uu waajib ka saran yahay inuu abuuraan jawi shaqo oo hufan si ay xeer-ilaaliyayaashu u gutaan hawsha

ilaaliyaha go’aamadiisa kula xisaabtamaya xeer-fulinta, hay’adaha kale ee dawladda iyo dadwaynaha20.Miisaanka isla xisaabtanka iyo madaxbannaanida wuxuu u baahan yahay inay xeer-ilaaliyayaashu ay diyaariyaan nidaam daalacan oo go’aan lagu gaaro iyo inay ka digtoonaadaan xiriiro aan haboonayn oo ay la yeeshaan kuwa laga yaabo inay isku dayaan inay raadeeyaan go’aamadooda.

Madaxbannaanida xeer-ilaalinta waa qadiyad hay’ad ahaan iyo shakhsi ahaaneedba. Inkastoo Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud ee Qaranka uu sharci ahaan hadda ka mid yahay garsoorka, haddana Xafiisku waa inuu ahaado hay’ad dawladeed oo madaxbannaan waana inay qaab-siyaasadeedkiisa iyo hawlgalkiisu uu dhawro madaxbanaanida sidoo kalana uu abuuraa jawi ay xeer-ilaaliyaashu hawlahooda ugu gutaan si ka madax-bannaan raadayn iyo faragalin aan haboonayn21. Madaxbannaanidu sidoo kale waa qadiyad ay tahay inuu aamino xeer-ilaaliyaha laftiisu waana inay hagto marka uu gaarayo go’aanka si “maangal ah oo dhexdhexaad ah oo ku salaysan sharciga iyo marag-muujinta22”

5.4. La xisaabtanWaa in xeer-illaaliyayaasha lagula xisaabtamo go’aamada ay gaaran.Sida ku xusan Xeerka Nidaamka Garsoorka, xubnaha Xafi-iska Xeer-Ilaalinta Guud waxay ka mid yihiin garsoorka. Golaha Sare ee Garsoorka ee ku dhisan Qodobka 27aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka wuxuu ka kooban yahay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo noqonaya Guddoomiyaha Gudiga, Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Garsoorayaasha Maxkamadda Sare, iyo saddex xubnood oo aan ahayn xubno Baarlamaan ama qareenno ku shaqeeya oo Golaha Shacabku doorto muddo saddex sano ah. Sida uu qabo Qodobka 28(1), Golaha Sare ee Garsoorka wuxuu ka

20Xafiiska Qaramada Midoobay ee Maandooriyayaasha iyo Dambiilayaasha iyo Tilmaanshaha Xiriirka Caalamiga ah ee Xeer-ilaaliyayaasha Dunida (n 4) 8.21 ibid 922 ibid.

23

Page 24: Office of the Attorney General Guidelines for … · Web viewKa sokow in XXGQ uu waajib ka saran yahay inuu abuuraan jawi shaqo oo hufan si ay xeer-ilaaliyayaashu u gutaan hawsha

mas’uul yahay hubinta madaxbannaanida garsoorka.Guddoomiyiha Maxkamadda Sare wuxuu kormeeraa hawlaha maxkamadaha iyo hawlwadeenadeeda oo ay ku jiraan xubnaha Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud ee Qaranka.Golaha Sare ee Garsoorka wuxuu tallaabo an-shax-marineed ka qaadi karaa xubnaha garsoorka.

Qodobka 109Aaad ee Dastuurka, Golaha Sare ee Garsoorka waxaa lagu baddalay Golaha Adeegga Garsoorka oo ka kooban: Gud-doomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiyaha Maxkamadda Dastu-urka, Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul-Insaanka, laba qareen oo ka tirsan Ururka Qareenada Soomaaliyeed iyo saddex muwaadin. Golaha Adeegga Garsoorku wuxuu magacaaba, anshaxmariyaa, baddalaa xubnaha garsoorka ee heer federaal, wuxuu sidoo kale jaangooyaa gunnada iyo mushaarka xubnaha garsoorka, go’aanna ka gaaraa arrimaha kale ee la xiriira hawlaha garsoorka. Waxaa intaa dheer in Golaha Adeegga Garsoorku uu dawladda federaalka kala taliyo maamulka garsoorka sida shaqaalaynta, shaqo-ka-fariisinta, iyo tallaabo kasta oo sharciyeed oo laga qaadayo garsoorayaasha.

Dastuurku wuxuu qeexayaa in XXGQ uu yahay hay’ad madaxban-naan oo ka tirsan dawladda federaalka.Laakiin, dib-u-eegidda Das-tuurka waxaa la soo bandhigay in Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud ee Qaranka uu ka mid ahaado Garsooka. Arrintaas wali lagama gaarin go’aan kama dambays ah. Sida ay tahay xaaladdu hadda, ma cadda habka lagula xisaabtamo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Inkastoo Xeerka Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorku uu Golaha Shacabku ansixiyay haddana lama magacaabin xubnaha Golaha shaqadiisana ma billaabin.

Si kasta uu noqdo xiriirka ka dhaxeeya Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud ee Qaranka iyo garsoorka, haddana hawlaha XXGQ waxaa sidoo

24

Page 25: Office of the Attorney General Guidelines for … · Web viewKa sokow in XXGQ uu waajib ka saran yahay inuu abuuraan jawi shaqo oo hufan si ay xeer-ilaaliyayaashu u gutaan hawsha

kale la xisaabtama dawladda, Golaha Shacabka iyo dadwaynaha23. La xisaabtanka dawladda iyo Golaha Shacabka waxay keeni kartaa in XXGQ:

Warbixin ka siiyo hawlaha uu qabto dawladda iyo Baarlamaanka;

U gudbiyo hawlaha dawladda isticmaalka hantida iyo kharashka; iyo

U gudbiyo warbixin sannadle ah Baarlamaanka.

Inkastoo Xeerka Nidaamka Garsoorku uu Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu ka mid yahay garsoorka, haddana xiriirkaas waa in loo arko inuu yahay mid maamul oo aanan la xiriiran hawlaha asaasiga ah ee Xafiiska. Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuu u madaxbannaan yahay hawlaha uu u asaasan yahay sida dacwad-oogidda, baaridda iyo ilaalinta danta guud.Go’aamada Xeer-ilaalinta waa kuwa ka madaxbannaan go’aamada maamul uu garsoorku ku gaaro si waafaqsan Xeerka Nidaamka Garsoorka.

Waajibaadka Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka kaga aadan dad-weynuhu waxay salka ku hayaan dowrka uu xafiisku ka ciyaaro dawladda. Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu xiriir toos ah la leeyahay dadweynaha isagoo si gaar ah ula shaqeeya dadka bul-shada ugu nugul. Si uu xilkaa u guto, xeer-ilaaliyayaashu waa inay:

Xilkooda u gutaan si hufan, daalacan oo la xisaabtan leh;

Warbixin siiyaan bulshada iyagoo qeexaya habka ay go’aamada u qaataan;

Bulshada ku wacyigaliyaan tilmaamaha iyo halbee-gyada xafiiska; iyo

Tixgaliyaan fikirka iyo dareemada maangalka ah ee dhibanayaasha iyo markhaatiyada.

23 ibid 13

25

Page 26: Office of the Attorney General Guidelines for … · Web viewKa sokow in XXGQ uu waajib ka saran yahay inuu abuuraan jawi shaqo oo hufan si ay xeer-ilaaliyayaashu u gutaan hawsha

Ururada xirfadlayda sida Ururka Qareenada Soomaaliyeed waxay ka qaybqaadan karaan nidaamka isla xisaabtanka.Sidoo kale war-baahinta, ururada bulshada iyaguna waxay qayb ka noqon karaan kormeer aan rasmi ahayn oo la xiriira falalka xeer-ilaaliyayaasha.

5.5. Dhexdhexaadnimo iyo hufnaanXeer-ilaaliye kasta waa inuu ku dadaalo inuu xilkiisa u guto si hu-fan, madaxbannaan oo dhexdhexaad ah. Sidaa darteed xeer-ilaaliyuhu waa inuu xilkiisa u guto si “ka madaxbannaan raadayn gudaha ah ama dibadda ah, qalqaalo, cadaadis, cagajuglayn, ama faragalin kaga timaadda shaksi, koox siyaasadeed ama cid kale.

Si uu xeer-ilaaliyuhu dhexdhexaad u noqdo waa inuu:

Dhawraa danta guud kaliya oo aanu tixgalin tiisa gaarka ah, danaha dhinacyada kala duwan ama cadaadiska warbaahinta;

Iska ilaaliyo inloo arko si aan haboonayn oo keeni karta in laga shakiyo inuu eexanayo;

Qaadan hadiyad, abaalgud, kaalmo, dayn, ixsaan, mar-tigalin ama ka war hayn kale oo laga yaabo inay dhaawacdo sharafta, dhexdhexaadnimada iyo madaxbannaanida Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka;

U isticmaalin macluumaad qarsoodi ah oo uu ku helay xilkiisa xeer-ilaalinimo hab aan xiriir la lahayn hawlihi-isa isagoo u adeegsanaya macluumaadkaa si uu u kob-ciyo danahiisa gaarka ah ama danaha cid kale;

Ka joogsadaan dacwad ama arrin kasta oo keenaysa inaanay dhexdhexaad noqon;

Xubin ka noqon urur aan sharci ahayn; iyo U dhaqmin hab fadeexaynaya ama xafiiska u

gaysanaya dhaawac dhaqaale.

26

Page 27: Office of the Attorney General Guidelines for … · Web viewKa sokow in XXGQ uu waajib ka saran yahay inuu abuuraan jawi shaqo oo hufan si ay xeer-ilaaliyayaashu u gutaan hawsha

5.6. QarsoodinimoXeer-ilaaliye kasta waa inaanu faafin macluumaad aan la ogolayn, haboonayn ama war aan dhammaystirnayn oo uu ku helay gu-dashada xilkiisa. Sidaa darted waa inaanu u sheegin maclu-umaadka laga helo marag, eedaysane, iyo cabashoole cid kasta oo aan loo ogolayn inay macluumaadkaa hesho, sidoo kale aanu galaangalin macluumaad sir ah ama qarsoodi ah iyadoo aanu fasixin Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Sidoo kalana waa inaanu sii dayn macluumaad kashifi kara aqoonsiga qof aan qaan-gaarin ama dadka kale ee nugul.

5.7. Dano-is-khilaafsanXeer-ilaaliye waa inuu ka taxadaraa iskana ilaaliyaa dano-is-khilaaf-san ama u muuqan kara inay is khilaafsan yihiin. Si loo hubiyo in danuhu is khilaafi karaan xeer-ilaaliyuhu waa inuu qadiyada ka eego kaliya danta guud. Haddii ay caddaato marka arrinta laga eego danta guud inay is khilaafikaraan danta gaarka ah iyo tan xir-fadeed, xeer-ilaaliyuhu waa inuu qaadaa tallaabooyin uu ku xalli-nayo khilaafkaas muuqda. Si hawshaa uu u guto xeer-ilaaliye waa inuu:

Xilkiisa u gutaa si dhexdhexaad ah; Tixgaliyaa danta guud oo kaliya waana inaanay raa-

dayn dantiisa gaarka ah danaha dhinacyada kala duwan ama cadaadiska warbaahinta;

U dhaqmaa si hufan; Tixgaliyaa dhammaan xaaladaha galka oo kaliya oo

aanu daymo u lahaan inay arrintaasi kabayso ama dhaawacayso eedaysanaha;

Si loo dabaqo xeerka dalka loona helo garsoorxaq ah waa inuu hubiyaa inuu qaaday dhammaan baaritaanka lagama maarmaanka ah oo maangal ah sidoo kalana natiijada galka sii daayaa isagoon u aabayeelin dambi-ilanimada ama inaanu eedaysanuhu waxba galabsan; iyo

27

Page 28: Office of the Attorney General Guidelines for … · Web viewKa sokow in XXGQ uu waajib ka saran yahay inuu abuuraan jawi shaqo oo hufan si ay xeer-ilaaliyayaashu u gutaan hawsha

Mar kasta raadiyo runta maxkamaddana ka caawiyo inay xaqiiqda gaarto, una cadaalad falo bulshada, dhibanahaiyo eedaysanaha sida uu qabo xeerka sinaantuna ku jirto24.

Xeer-ilaaliyayaashu waa inaanay u shaqayn cid kale inta ay shaqaale ka yihiin Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waana inaanay ka qaadan dhinac kale hadiyado, abaalmarin iyo dhacdhac kale25. Qodobka 25aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka wuxuu xeer-ilaaliyaha ka mamnuucayaa inuu xubin ka noqdo urur siyaasadeed26.

Xeer-ilaaliyuhu waa inuu ka baaqsadaa arrin kasta oo laga yaabo inuu ka jiro ama ku jiri karo dano-is-khilaafsan, xaaladaahaa waxaa ka mid noqon kara marka:

Ay iman karto dano lacageed; Marag ahaan loogu yeeri karo; ama Uu jiro xiriir qoys ama bulsho oo keeni kara raadayn

aan haboonayn ama ay dhici karto inay saamayn ay ku yeelayn karto xilgudashada xeer-ilaaliyaha.

Xeer-ilaaliyaashu waa inay u soo gudbiyaan Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka isku day kasta oo keeni kara inuu si aan haboonayn u raadeeyo go’aankooda.

24Xiriirka Caalamiga ah Xeer-ilaaliyayaasha (n19) Qod. 3.25 Xafiiska Qaramada Midoobay ee Maandooriyayaasha iyo Dambi-ilayaasha iyo Tilmaanshaha Xiriirka Caalamiga ah ee Xeer-ilaaliyayaasha Dunida (n 4) 29.26 La barbardhig Xiriirka Caalamiga ah Xeer-ilaaliyayaasha (n19) 28-29 (wuxuu ka mamnuucayaa xeer-ilaaliyayaasha inay shaqo ka qabtaan urur siyaasadeed).

28

Page 29: Office of the Attorney General Guidelines for … · Web viewKa sokow in XXGQ uu waajib ka saran yahay inuu abuuraan jawi shaqo oo hufan si ay xeer-ilaaliyayaashu u gutaan hawsha

6. Adeegsiga WarbaahintaXeer-ilaaliyaashu waa inay u adeegsadaan warbaahinta bulsho, tan qoran iyo tan maqalka iyo muuqaalka intaba hab uu ku dheehan ya-hay xushmad iyo haybad. Waa inaanay si ula kac ah u soo dagsan, u qaybin, ama si kale u gudbin macluumaad wax takooraya ama wax dhaawacaya.

7. WadashaqayntaXeer-ilaaliyuhu wuxuu xiriiriyaa hay’adaha sharciga fuliya ee kala duwan sidaa darteed, waa inuu hubiyaa wadashaqaynta hay’adaha cadaaladda oo ay ku jiraan kuwa baara, hawlwadeenada garsoorka, xirdfadda sharci iyo hay’adaha kalaba27.Sidoo kale, xeer-ilaalyuhu waa inuu ula shaqeeyo hay’adaha sharci ee dalka dibadiisa hab waafaqsan xeerka Soomaaliyeed.

27Kal-fadhigii Siddeedaaad ee Qaramada Midoobay ee Ka Hortaga Dambiyada iyo sida loola Dhaqmayo Dambiilayaasha, “Tilmaamaha Kaalinka Xeer-ilaaliyayaasha” (n 5) 20.

29