13
Sidee guusha dhabta ah loo gaara ?

Sidee guusha dhabta ah loo gaaraa

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: Sidee guusha dhabta ah loo gaaraa

Sidee guusha dhabta

ah loo gaara ?

Page 2: Sidee guusha dhabta ah loo gaaraa

sidee guusha dhabta ah loo gaara ?

intaanan is weydiinin su aasha ah sida loo garayo waaa inaan horta is

weydiinaa maxaa guul ah ? ama goormaan oran karnaa qofka bani

aadamka ahi wuu guuleystay ama guul dhab ah ayuu gaarey ?

Tusaale : Bani aadamku si guul ama guul daro usheego waa inuu

hadaf (target) calaamadiyaa, hadafka markaa uu xadido ee uu

calaamadiyo ayuu isweydiinayaa ma gaadhey mise ma aadan gaadhin

.haduu gaadhana waxa uu oronayaa waa guuleystay , hadii gaari

waayana waxa uu odhanayaa waan guul dareystay .

sida dadka oradada ah ama tartamaayasha orodka meel baa maro

yar loogu xiraa ama xariiq loogu jeexaa dabadeetana waxaa la

yiraahdaa soo baratama ama soo tartama , kan ugu horeeya ee

xariga gaara ayaa gacmaha cirka utaaga oo yiraahda waan guuleystay

sababtoo ah hadafku waa in xariiqdaa la gaaraa oo intaan kula

ordeeysa aad ka dheereesid oo aad ka horgaartid xariiqda hadiise

aan xariiqi jirin waa hadaf meel loo ordayaa jirin , ninba meeshuu

doono hadii uu u cararo keebaa guuleystay .

hadii nimanka baratamaya qofba meel ucararo guul iyo guul daro

toona sheegi meyno oo ma oraneyno hebal maa guuleystay sababta

oo ah waa hadaf aan xadidneen .

nolosha bani'aadamku markaa waxey leedahay ahdaaf koo kooban

oo yar yar iyo hadaf weyn oo kan xaqiiqiga ah .

Tusaale : ardeydga school ka marka uu sanad dhiganaayo ee uu wax

soo aqriyo aadna udiyaar garoobo imtixaankana uu galo ee uu

imtixaanka ku baaso waxa uu oranayaa waan guuleystay .

waayo hadafkii koowaad ee ahaa inaad sanadkaan dhameyso waad

dhameysay , markaad saddex sano ama afar sano aad dhameeyso

Page 3: Sidee guusha dhabta ah loo gaaraa

waad guuleystay waayo waraaq yar oo magacaaga ku qoran yahay

iyo inaad dugsi sare dhameysay ayaa lagu siinayaa .

markaad jaamacada dhameysana waan guuleystay baad leedahay oo

koofiyado yar yar iyo maryo yar yar inta laguu xiro ayaa lagu

oranayaa waa calaamadii guusha dabadeetana waraaq ayaa lagu

siinayaa , hadaba noloshu goorma ayuu qofka bani'aadamku oran

karaa waan guuleystay ?

noloshu waa wax kooban ninka dhalinyari ahi sheeda suke ayuu

arkaa waayo wuxuu tiriyaa inta uu jirey laakiin qofka markuu da'

gaaro wuxuu isweydiiyaa war toloow maxaa ka harey .

xaqiiqada bani'aadamku uu wadaago ee uu wada rumeysan yahay

waa geeri , intaad doonto nooloow waxaad doonto soo cun waxaad

doonto soo qabo waad geeriyooneysaa sidaa darteed xariiqda ugu

danbeysa ee la gaarayaa inta dunida la joogo waa geeri , intii kaa

horeysayna waa geeriyootey intii joogtana waa geeriyoon doontaa .

marka la geeriyoodo xabaalo yar baa la isku wada ridaa hadaad xoolo

badan shaqeysatey oo billionaire aheyd labo maroo yar yar inta

laguugu duubo ayaa xabaasha laguugu ridi , hadaad faqiir aheyd oo

aadan waxba heysan labadaa marood uun baa laguugu duubi

xabaashana laguugu ridi , hadaad magac iyo maamuus laheyd oo

madax iyo wax soo noqotey labadaa uunbaa laguugu duubi halka

ayuunbaana laguugu ridayaa , hadad nin iska xamaasho oo suuqiisa

iska jooga aheyd labada marood uunbaa laguugu duubi , markaa

dadkii waaba isku wada nooc oo wixiiba maradaa yar ee la isku

duuduubaayo ayuunbuu ku dhamaanayaa , hadaba kee guuleystay

markaa ?

noloshu waa iney hadaf leedahay wa iney qasdi leedahay

markaaseynu garan karnaa yaa guuleystay yaana guul dareystay .

Page 4: Sidee guusha dhabta ah loo gaaraa

ilaahey wuxuu qur'aankiisa kariimka ah ku leeyahay cidii ilaahey iyo

rasuulkiisa adeecday ayaa guuleystay .

qur'aanka 4 jeer ayaa erayga kusoo aroorey 4 taba wuxuu

ka waramayaa kaa , 13 jeer bey qur'aanka kusoo aroortey ,

saddex iyo tobanka jeerba aakhiro ayey ka warameysaa ,

ب ر ك 1 mar ayey kusoo aroortey iyana xagaasey ka

warameysaa .

eraygaan kaligii 16 jeer ayuu qur aanku qorey , 16 ka

jeerba midna aduunyada ka warami meyso ,16 ka jeer intuba

waxa ay ka waramayaan aakhiro .

nolosha guusheeda dhabta ahi waa marka aad aakhiro

badbaado ilaaheyna qur'aankiisa wuxuu ku leeyahay م ح ح ف

ن ر ع نة دخل ج قد . ف ف

ilaahey markaa wuxu inuuga waramey cida guuleystay iney

cidaasi oo qura tahay sidaa awgeed sidee loo gaara guusha

dhabta ah hadeynu niraahno , dariiq walba oo meeshaa ku

gaarsiinaya ayaa ah wixii lagu badbaadi lahaa , sidaa dareteed

ayuu qur'anka ilaahey wuxuu inoogu tilmaamey nabiyo ,

nabiyadu dhamaantood waa guuleysteen sow ma ahan nabi

faashil ah miyaa jira waa maya , hadana ilaahey qur'anka

wuxuu inoogu tilmaamey anbiyo qaarba wax noqdey kuwo

dowlado maamuley kuwo jini iyo insiba utaliyey sida suleymaan

iyo daa'uud , waxaa kaloo qur'anku inoogu waramey anbiyo la

laayey ama la diley inuu wax maamulo daayee , nabiyo kow

laga siyey ayuu ilaahey qur'anka inuugu tilmaamey hadana

waxaanu wada leenahay anbiyadu waa wada guuleysteen nabi

guul dareystay na ma jiro oo nabi walba wuu guuleystay waayo

hadafka xaqiiqiga ah ee nolosha ayuu gartey , noloshu waxey

tahay buu fahmey dabadeetana isagoo jidkii noloshaa ku socda

Page 5: Sidee guusha dhabta ah loo gaaraa

ileen qof walba waa dhimanayaaye ayey ka baxdey sidaa

daraadeed baa loo leeyahay wuu guuleystay .

laakiin aan idin weydiiyee ninka badaha gala ee tahriiba ee

nafta kaga baxdo iyo kan ka talaabo ee yurub gaara ma

niraahnaa kaasi wuu guuleystay midna waa dhintey saas sax

ma tahay ? yurub in la gaaraa wax nafta loo bixiyo miyey tahay

? waxaad unooleed miyey tahay oo hadii la waayo ay tahay

inaad dhimato ? .

dadka intiisa badan waxaa ka qaldan wixii loo noolaa , markii la

garan waayey waxa loo noolyahay ayaa ninba meel cidlo ah ku

geeriyoodey , qofba siduu meel u ordayey mid isagoo xoolo

raadinayo ay naftu ka baxdey mid isagoo dad leeynaya ayey ka

baxdey , tusaale qolyahaan dagaalama ee reerka udagaalama

wuxuu uheystaa reerka kale hadey dad badan ka laayaan iney

guuleysteen iyagoo faraxsan ayey soo noqonaayaan oo markii

la yiraahdo maxaad soo qabateen waan jabiney reer hebel

ayuu leeyahay , hadiise reer hebel aakhiro loo diro miyaa la

guuleystay ? yacni waxa la garan waayay waxa loo nool yahay

, waxa wax loo baranaayaa la garan waayey , waxa loo

guursanayaa la garan waayey , waxa loo joogaa la garan

waayey .

nin saxaabi ahaa oo la diley ayaa wuxuu yiri waan guuleystay

rabiki kacbada leh baan ku dhaartaye , saxaabigaan weliba

waxaa la diley dil khiyaamo ah.

hadii ka waran aad niman utimaado oo ay marka hore wax kuu

sheegaan oo aad dabadeetana wanaagooda ka talineesay oo

markaad utimaadeyna mid inta xaga danbe ka maro waran ku

galiyo , waxaad oran laheydeen tol la'ayee nimanku wey

ikhiyaameeyeen , laakiin saxaabigan wuxuu u arkaayey

noloshu waxa uu raadinaaye inuu helay oo shahaado aheyd

saas daraadeed ma eegin qolodaan khiyaameysay ee waxaa

Page 6: Sidee guusha dhabta ah loo gaaraa

umuuqatey dhankuu usocdey wuxuu arkeyba iney dariiqii usoo

gaabiyeen janada loogu socdey saas daraateed ayuu wuxuu

leeyahay waan guuleystay rabigii kacbada lahaan ku

dhaartaye. .

marka waxaan idiin sheegaya inaad guuleysataan iyo inaad

guul dareysataan waxey ku xiran tahay hadafka aad adiga

xadidatey wax loo noolaado ma yahay oo cimri loo bixiyo oo

waqti loo lumiyo mise ma ahan , haduu wax qiimahaa leh

yahay markaad gaarto waad guuleysatey hadii aanu aheyn

waxaa qiimaha leh markaad gaadhaa ayuunbaad wixii

waayeysaa ileen marka hore waxaad islaheed guul baad

xaqiijineysaa laakiin marka aad dhinaca kale tagto ayeyba

noloshuba ciriiri noqoneysaa .

soo BBC kama dhageysataan dad kamid ah kuwa tahriibey oo

leh hadaan sidaan moodayo Europe ma imaadeen , ileen

wuxuu islahaa hadaad halkaan ka talaawdo lacag barwaaqo

ayaad heleysaa , sida maanta gudaha dalka loogu dhiban

yahay ayuunbaa Europe na loogu dhiban yahay waxba isma

badalin .

waxaa laga yaabaa dadka barkood iney yiraahdaan kuwii

Europe tagey sow ma ahan kuwaan gudaha daaraha iyo

dabaqyada dhaadheer ka dhistey waa run , laakiin reer kiinu

waxaa laga yaabaa kun qof iney ka dhooftayee imasaa daaro

iyo dabaqyo soo dhistey ? waxaa laga yaaba iney 10 soo

dhisato markaa 990 ki kale ma is weydiiseen xagey ku maqan

yihiin ? oo kuwa gudaha jooga 10 ka mid ah miyaaney daaro

iyo dabaqyo dhisan.

kuwa gudaha wadanka joogaa intey daar dhisteen baa waxey

ka badan tahay inta maqan intey dhisteen , waxaan uga jeedaa

hadaad xitaa daaro soo dhisato soo godka geli meysid .

Page 7: Sidee guusha dhabta ah loo gaaraa

nolashu waxey qiimo ku leedahay in la fahmo waxa loo nool

yahay .

gaalada qaar badan oo ka mid ah maanta wey isdilaan weliba

group ka is dila waxaa ugu badan dabaqada sare , dadka is

dilaa waa kuwa wax heysta , wax ma heystadu isma disho inta

badan waayo waa mashquul ba .

sababta ay isu dileen ayaa ah wax ey moodayeen in uu guul

yahay baa markey gaareen ayuu dhadhan iyo macno u sameyn

waayey

Tusaale nin dhaqtar ah ayuu wuxuu ilahaa markaan

dhalinyarada aheyn wax baro oo dhaqtar noqo oo surgery

suubi ayaan ku fikiri jirney , kadib markan wixii noqdey

noloshuba waxey noqotey in lagu yiraahdo jimcaha intaan

hospitalka soo galo ilaa isniinti inaan hospital ka ku jiro oo aan

waqti aad seexato iyo waxba laheyn , saacad kasta lagu

toosinaayo soo kac bukaan baa la ikeenay iyo mid baa

sakaraad ah maxaanu ku sameynaa , dhowr iyo sodon

saacadood ayuunbaad soo fadhiyeysaa hadhoowna markaad

xaafada ku noqoto waxaad noqoneysaa adigoo daalan oo

aanan cunto fiican xitaa cuni karin hurdada iyo daalka ku haaya

dartii .

kadib markaan mudo wadey ayey lacagtiina dhadhan sameyn

weysay oo an isweediiyey waxaan aad unooshahay waa

maxey , waxaan aan soo bartey ee aan mutaqasis kuso

noqdey ee aan kuso daaley ayuunbaa markaan gaarey

dhadhan sameyn weysay , waayo hadafkaa qaldanaa oo waxa

uu unool yahay ayuusan garanin oo daal ayuunbuu kasi

qaadey iyo inuu seexan waayo dabadeedna inta isaga yimid

ayuu gudaha wadanka iska yimid .

Page 8: Sidee guusha dhabta ah loo gaaraa

Tusaale : waxa aad isleedahay hadii aad lacag hesho aad baad

wax u cuni laheyd , caloosha wax badan ma qaado si kastoo

lacagta kuugu badato inta aad iminka cunto ka badan ma

qaado , ka badan hadii lagu ridana wey xanuunsataa oo dhiig

kar macaan iyo chorestrol balo iyo baas oo dhan baa ku

dhacaya dabadeedna waxaa lagu oranayaa hadii aad rabto

inaad noolaato waa inaad waxaa oo dhan ka yareesaa idan

maxaad ku sameyn , daashey oo naftaadi waxey ubaxdey in

lacag badan la helo lacagtii badneed markii lasoo helayna wax

macno ah ayey sameyn weyday xanuun badan uun bey

keensatey .

inta magaca iyo maamuska leh kamirad baa lala daba ordayaa

oo luuq luuq ayey marayaan , hada hadaad madaxweyne

noqoto maqaaxyaha ka shaaxeyn kari meysid xoriyadaa waad

waayneysaa maxbuus sharafeed baad noqoneysaa .

qol baad ku xiran tahay laakiin lagu oran maayo waa xabsiyee

waa qolkii madaxtooyadaa ayaa lagu oranayaa oo waa qol

sharaf leh laakiin hadaad qolkaa kasoo baxdo waa in askari iyo

banduuqyo iyo qoryo ku daba rooraan , waa xabsi waxaana

lagaa xabsinayaa intaad utalineeyso intaasaad ka baqeysaa oo

iska ilaalineysaa markaa xabsi sharafeed ba la yiraahdaa .

idan bani'aadamku waxa uu amaanta moodayo ayaa xabsi isu

badala wixii uu rabey inuu xaqiijiyo ayaa xabsi isu badaley oo

qofki wuxuu waayey xoriyadiisii .

markaa noloshaan aduun qiimo ma yaalo , dhibta ayaa

isbadasha oo maalinba problemka aad ka fakareyso ayaa kii

hore ka gadisan mushkilada nooceena ayuunbaa isbadala .

maanta waxaa laga yaabaa inaad ku heysto mushkilad cuni

yari ah oo aadan dhaqaale badan heysan oo aad cunto fiican

ku hesho , berina cuno xumi uunbaa ku heleysa oo waxaa lagu

Page 9: Sidee guusha dhabta ah loo gaaraa

oranayaa kana cuni meysid , cunadi waad heysataa laakiin waa

mamnuuc macaan baad qabtaa intaan cuna ah cuni meysid ,

dhiig kar baad qabtaa intaan dhanaan ah cuni meysid .

idan nolosha problems keedaa isbadala laakiin guul maleh tani

markaad heer ka talaawdaba mushkilad cusub ayaa soo

baxeysa .

Tusaale hada adigoo dhalinyaro ah oo guur doon ah , maanta

mushkilad guur doon nimo ayaa ku heysta , berina markaad

guursato caruur yar yar iyo hospital iyo islaantii baa uur leh

mushkilad kale uunbaa kuu bilaabmeysa .

aduunka waa dhibaato waa daal waa beer xanuun inta la nool

yahayna waa lagu jirayaa waxaana ku jirey dadki ilaahey kuwii

uu ugu jeclaa oo anbiyada ah oo qaarkood la diley qaar la

eryadey iyo rusul dagaalamey ayuu ilaahey qur'anka inoogu

tilmaamey .

nabi muxamed (SCW) ayaan heynaa qisadiisa oo agoon nimo

rajo nimo , isagoo laga saarey dhulkii uu udhashey iyo dagaalo

uu galo , idan noloshu waa sidaan .

hadaba hadaanu rabno nolosha inaanu guul ka xaqiijino guul

waa intaad ilaahey udhawaato uun , hadaad ilaahey

udhawaatana noloshaan baa fudeydmeysa oo xitaa

mushkilaadkeeda sida loo xalilo ayaa fududaanaya .

nolosha tani waa kadeed hadafka nolosha hadaanan fahmina

adoo daalan ayaad godka galeysaa ama madaxweyne noqo

ama taajir noqo ama billionaire noqo adoo daalan baa labo

maro oo yar yar lagaaga duuduubayaa oo wax kaa raacayaana

jirin oo wax alaale iyo waxaad udaashey waxba kaa raaci

maayaan oo markey marada kuugu duubayaan bey meyd kuu

bixinayaan xitaa magacaaga ayaa la hilmaamayaa .

Page 10: Sidee guusha dhabta ah loo gaaraa

indhuhu dhalanteed bey arkaan caqligu ama maskaxduna

dhalanteed bey aragtaa , dhalanteedku waa marka aad meel

fog ka aragto widh widh aad umoodo iney biyo fadhiyaan ayaa

la yiraahdaa dhalanteed .

ishu markey ka fog tahay waa biyo ayey isleedahay laakiin

haduu caqligu si fiican ushaqeynayo waad garaneysaa inaaney

biyo aheyn oo ay meeshu cadceedi heyso , hadaadse caqliga

seexiso oo aad tiraahdo bal ka wardoon laga yaabe iney biyo

noqdaane markaad meesha timaado waxey soo baxeysaa iney

dhalanteed tahay .

hamiga nafta ee dunida ku saabsana waa noocaa oo wax kasta

markuu kaa maqan yahay buu kuu yahay biyahaa hilaacaya ee

maalintaadse gaadho ayuu kula noqonayaa uun dhalanteedkaa

oo wax weyn aheyn .

hadaad buul ama guri yar ku jirto waa la seexdaa oo haduu

qofku hurdo ubaahan yahay wuu seexan karaa , hadaad

dabaqa udheer lagu saaraana waad seexan kartaa waxa nafta

raadineysaana waa maxey waa iney seexato oo maskaxda

mashquulka laga yara bixiyo si mar kale ay ushaqeyn karto .

nin soomaaliyeed baa waxaa laga haayaa hurdo aan

macaaneyna ma seexdo cuno aan macaaneyna ma cuno ,

hurdo aan macaaneyn ma seexdo ayuu yidhi oo markaan

ubaahdo uunbaa seexdaa markaad ubaahan tahay inaad

seexatana hadaad dhagax dushii ku seexato waad gam'eysaa

markaadse ubaahaneyn hurdo hadii lagu saaro sariiraha ugu

fican gam'i meysid , wuxuu yiri cuno aan macaaneyn ma cunin

waayo anoo gaajoonaya uunbaa cunaa .

dunida dadka is dila cilmi baaris lasoo suubiyey waxaa ugu

badan dadka reer galbeedka waxaana ugu yar dunida islaamka

Page 11: Sidee guusha dhabta ah loo gaaraa

iyo africa , waa dhalanteedkii dadkii gaarey oo ay ucuntami

weyday dabadeetana ka taga bey isyiraahden .

taladu waxa weeyaan ilaaheygii ina abuurey baa yaqaana

naftaan waxey ku islaaxeyso wixii ay ku islaaxeysayna

rususha ayaa inagula soo dhibey rusushuna waxey ina bareen

in aynu rabigeena caabudno qof bani'aadam ah oo quman

toosana noqono si aynu natiijada wanaagsan ee aakhiro uheli

karno aduunkan na waxaa inoola sheegay inuu imtixaan yahay

waxa inalugu imtixaana yaana ama ineynu ku samirno ama ku

mahad naqno , hadii caafimaad lagu siiyo inaad mahad naqdid

hadaad xanuunsatidna inaad ku sabartid , hadey noloshu sidaa

noqoto wey fududaaneysaa dhadhan iyo macaana wey

yeelaneysaa waayo qofku hadii ilaahey raali ahaan shihiisa

helo wax ka maqani ma jiraan .

waxa kaa maqan ma ahan waxa qofka ka farxiyaa ee waa

waxa kuugu jira iyo waxa aad dareemeyso iyo sida aad

ufakareyso iyo hamiga ku hayaa kaas baa ah waxa qofka

farxad geliya .

in madaxweyne la noqdaa guul ma ahan ee waa mas'uuliyad la

kororsadey in lacag badan ama magac weyn iyo maamuus la

helaana guul ma ahan ee waa mas'uuliyad la kororsadey

laakiin ama madaxweyne ahaaw ama taajir ahaaw ama magac

lahoow ama miskiin ahaaw inaad ilaahey raali galisaa baa guul

ah , idan qof walibaa wuu guuleysan karaa oo waxaad ku

guuleysan kartaa waxaad heystaa intuu la'eg yahay .

hadaad madaxweyne akhlaaq, diin, cadaalad, dhaqan iyo

wanaag wada tahay waad guuleysan kartaa oo imaamka caadil

ka ah todobada qof ee carshur raxmaan harsanaaye ayuu

kamid yahay , hadaad nin dhalinyaro oo dhoorsoon oo akhlaaq

leh noqoto wad guuleysan kartaa oo todobada carshur

raxmaan harsanaaya maalinta khiyaamo ayuu kamid yahay ,

Page 12: Sidee guusha dhabta ah loo gaaraa

markaa mustawaha nololeed ee aad joogto guusha kuma xirna

aduunka inta kaa soo gaartey magac iyo maamuusna guusha

kuma xirna , waad kadeed naan ama guuldareysan kartaa

adigoo madaxweyne ah waad kadeednaan kartaa adigoo taajir

ah waad kadeed naan kartaa adigo magac iyo maamuus leh

waadna kadeed naan kartaa adigoo faqiir ah intaba kadeed ka

wuu la socon karaa guushana wey la socon kartaa .

markaa guusha iyo guuldarada kuma xirna waxa gacantaada

ku jira iyo magac iyo maamuuska aad leedahay inta uu la

egyahay , waxa uu ku xiran yahay inta aad rabigaaga xiriir la

leedahay inta aad nolosha macnaheeda fahmeeyso inta aad

garaneyso maxaad unooshahay .

qof maanta hadii uu safar galo meel uu usocdaana aaney jirin

haduu yiraahdo mar qura nasan maayo oo uu daalo muxuu

kororsadey aanan daal aheyn , laakiin hadaad hadaf leedahay

oo aad tiraahdo magaalo hebla ayaan usafrayaa waa hadaf la

garanayo mar uun baad gaari doontaa , nolosha hadaad hadaf

dhab ah ka yeelan weydo lixdanka sano iyo todobaatan ka

sano ee lagu siiyey wey dhamaaneysaaye hadaad hadaf ka

yeelan weydo oo ah inaad rabigaa raali geliso jano na raadsato

naartana ka badbaadid hadafkaa hadaad xaqiijin kari weydo

noloshu qiimo ma leh wax kasta oo agtaada yaalaana qiimo ma

leh oo waad kadeedan tahay oo inta kadeedan baad ku jirtaa ,

hadaad intaa fahamtana inta guuleesataad ku jirtaa walow

aqoontaadu ha yaraato .

waxa dhibtu inaga heysataa waxa weeyaan dadka wixii ay wax

ku qiimeyn lahaayeen baa laga qaldey , oo waxey wax ku

qiimeenayen baa waxaa laga dhigey gaari iyo guryo iyo wixii

lamid ah .

qofku intuu rabigiisa udhaw yahay buu qiimihiisa dhabta ahi

yahay taas uun baana aakhiro markii la isugu yimaado wax

Page 13: Sidee guusha dhabta ah loo gaaraa

anfacda aduunka inta la joogana kadeedka qofka ka bi'isa ileen

aduunka adoo wax heysta ayaad kadeedan tahaye .

hadaba guusha si fudud ayaa lagu gaaraa dhamaanteena

waan gaari karnaa waa jidkii nabi muxamad (SCW) inaad

raacdaan , dadka ha xamanin ha caayin ha maagin

akhlaaqdaada hagaaji bani'aadamka si fiican ula dhaqan

waxaad ka xoog roon tahay ucadaalad samee salaada zakada

iyo cibaadaadkaga samee akhlaaqiyaadkaaga ku dhaqan waa

in qof waliba awoodo oo in lacag magac iyo maamuus ubaahan

ma ahan .

hadaba guusha dhabta ah dadka oo dhami waa gaari karaa

nabi muxamad na (SCW) waxa uu yiri dadka oo dhan baa

janada galaya ilaa qofki asaga diida mooyaane oo yaa diidaya

ayey asxaabta weydiiyeen oo wuxuu yiri qofkii iraacaana januu

geli qofkii iraaci waayaana isagaa diidey .

idan inaad guuleysataa kuma xirna inaad yar tahay iyo inaad

weyn tahay kuma xirna inaad lacag heysto iyo inaadan heysan

kuma xirna inaad madax tahay iyo inaadan madax aheyn kuma

xirna inaad cilmi badan tahay iyo inaad cilmi yar tahay , waxey

ku xiran tahay oo kaliya wadada aad ujeedo ee aad raaceysid .

ma wadada xaga ilaahey qabataad mareysaa mise wadada

xaga naarta qabataad mareysaa , labadan wado inaan kala

doorano ayuunbey ku xiran tahay guusha inta ay la egtahay .

ilaahey waxaan ka baryeynaa inuu jidka xaqa ah ina tusiyo

aamin