Upload
lamkhuong
View
220
Download
0
Embed Size (px)
Citation preview
Somali 3/9/2016
Foomka Dacwadda Xeerka Dadka Maraykanka ah ee Naafada ah
Americans with Disabilities Act Complaint Form
Santa Clara Valley Transportation Authority (VTA)
VTA waxa ka go’an hubinta inaan cidna loo diidin helitaanka adeegyadeeda, barnaamijyadeeda,
ama hawlaheega iyada oo lagu salaynayo naafada, sida ku cad title II ee Xeerka Dadka
Maraykanka ah ee Naafada ah ee 1990 (“ADA”). Dacwadaha ADA waa in lagu fayl gareeyo 180
maalmood gudahood laga bilaabo taariikhda dhacdada eedaynta.
Macluumaadka soo socdaa wuxuu daruuri u yahay inuu naga kaalmeeyo ka shaqaynta
dacwadda. Haddii aad u baahato kaalmo dhammaystirka foomkan, ama haddii aad jeclaan
lahayd inaad samayso dacwad hadal ah, fadlan la xidhiidh Isu-duwaha ADA adiga oo wacaya
(408) 321-2300. Foomka dhammaystiran waa in lagu soo celiyo Isu-duwaha ADA, 3331 North
First Street, Building B-1, San Jose, CA 95134.
Dacwoodaha:
Complainant:
Taleefanka:
Phone:
Cinwaanka Jidka:
Street Address:
Taleefan Kale:
Alt Phone:
Magaalada, Gobolka, SIP-Koodhka
City, State, Zip Code
Qofka Diyaarinaya Dacwadda (haddii aanu ahayn Dacwoodaha):
Person Preparing Complaint (if different from Complainant):
Cinwaanka Jidka, Magaalada, Gobolka, SIP-Koodhka
Street Address, City, State, Zip Code
Taariikhda Dhacdada (Date of Incident):________________________
Fadlan sharrax dhacdada takoor ee la soo eedeeyey, oo ay kujirto goobtu, haddii ay khusayso.
Sheeg magacyada iyo mansabyada shaqaalaha VTA ee ku lug lahaa, hadday jiraan.
______________________________________________________________________________
Somali 3/9/2016
______________________________________________________________________________
______________________________________________________________________________
______________________________________________________________________________
Ka sii Wad Bogga Xiga
Sharraxaadda dhacada sii socda:
______________________________________________________________________________
______________________________________________________________________________
______________________________________________________________________________
______________________________________________________________________________
______________________________________________________________________________
______________________________________________________________________________
Ma ka fayl garaysatay dacwad hay’ado kale oo fadaraal, gobol, ama deegaan? Haa/Maya (Mid
Goobaab). Haddii ay sidaas tahay, ku tax hay’adaha iyo macluumaadka meesha lagala
xidhiidhayo hoos:
______________________________________________________________________________
Magaca Lala Xidhiidhayo Hay’adda
Agency Contact Name
______________________________________________________________________________
Cinwaanka Jidka, Magaalada, SIB-Koodhka Taleefanka
Street Address, City, State, Zip Code Phone
______________________________________________________________________________
Magaca Lala Xidhiidhayo Hay’adda
Agency Contact Name
______________________________________________________________________________
Cinwaanka Jidka, Magaalada, SIB-Koodhka Taleefanka
Street Address, City, State, Zip Code Phone
Waxaan xaqiijinayaa inaan akhriyey eedaynta sare iyo inay tahay run inta aan ka ogahay,
macluumaadka aan ka hayo, iyo sida aan u haysto.
Somali 3/9/2016
_______________________________________ ______________________________
Taariikhda Saxeexa Dacwoodaha
Complainant’s Signature Date
_______________________________________
Daabac ama Garaac Magaca Dacwoodaha
Print or Type Name of Complainant
Taariikhda La Helay: __________________ Date Received:
Helay: _____________________________ Received By:
Somali 3/9/2016
Beddellada/Waafajinaha Macquulka ah Reasonable Modifications/Accommodations VTA waxay gargaartaa rakaabka naafada ah ee adeegsanaya adeegyada baska tareenka laydka iyada oo ku samaynaysa beddello macquul ah siyaasadaha hawlgalka, dabbakhaadaha iyo habraacayda marka la codsado iyada oo raacaysa Xeerka u Dambeeya ee Waaxda Gaadiidak Maraykanka 49 CFR Qaybaha 27 iyo 37. Beddellada macquulka ah waxa kamid noqon kara ka caawinta rakaabka galinta lacagta sanduuqa nooliga, u oggolaanshaha rakaabka inay wax cunaan, cabbaan ama daawo qaataan iyaga oo gaadiidka saaran si looga fogaado dhibaato caafimaad, iyo u oggolaanshaha rakaabka inay si gaar ah gaadiidka u soosaaraan aaladaha ay ku dhaqaaqaan marka rakaabku uu xakamayn karayo dhaqdhaqaaqa aaladda. Rakaabku waxay sii codsan karaan beddello, ama waxay codsan karaan marka ay u baahdaan. Rakaabka loogama baahna inay dhahaan “Beddello Macquul ah” marka ay codsanayaan gargaar. Shaqaalaha VTA waxay la shaqayn doonaan rakaabka si ay u helaan qaab kale si loo gargaaro baahiyahooga galaangalka, haddii codsi beddelis siyaasad, dabbakhaad, ama habraac aan la oofin karin. Si aad u samayso codsi waafajin macquul ah, fadlan la xidhiidh Adeegga Macmiilka VTA. Adeegga macmiilka: (408) 321-2300 Macluumaadka is-wada ee jira 24 saacadood ah Ingiriisi iyo Isbaanish (800) 894-9908 dibadda Degmada Santa Clara (408) 321-2330 TTY [email protected] Siyaasadda/Habraaca Waafajinta Macquulka ah ee VTA
Gaadiidka Dadka Naafada ah; Siyaasadda VTA ee
Beddelka Macquulka ah ee Siyaasadda iyo Habraaca
SIYAASADDA (POLICY)
Transportation for Individuals with Disabilities; VTA
Reasonable Modification Policy and Procedure
Lambarka
Dokumentiga:
OPS-PL-0060
Lambarka Qaybta: 01
Taariikhda Hore: Taariikhda Dib-u-eegista: Bogga 1 ee 6
8/25/15 Aan khusayn
Somali 3/9/2016
1.0 Ujeedada:
Laga bilaabo Luulyo 13, 2015, xukunka u dambeeya ee Xeerka Dadka Maraykanka ah ee
Naafada ah ee Waaxda Gaadiidka ee la xidhiidha Gaadiidka iyo Dadka Naafada ah;
Beddelista Macquulka ah ee Siyaasadaha iyo Dabbakhaadaha wuxuu dhigayaa in
gaadiidlaydu ay ku sameeyaan beddello macquul ah xukunadooda hawlgalka iyo
habraacyada si loo xaqiijiyo in adeegyada ay galaangalka u yeelan karaan dadka naafada
ah (fiiri Diiwaanka Fadaraalka /Buugga. 80, No. 49 (80 FR 13253, Maarso 13, 2015.
Goobada Maamulka Gaadiidka Fadaraalka FTA C 4710.1 sidoo kale ku sheegaya
xukunka u dambeeya §2.10 & §2.11).
Siyaasaddan waxa kujira xukunada iyo qaynuunada hawlgalka VTA ee xukunka u
dambeeya ee beddelka macquulka ah ee Xeerka Dadka Maraykanka ah ee Naafada ah ee
Waaxda Gaadiidka, iyada oo markaa loo ballaadhinayo galaangal u yeeladka dadka
naafada ah ee adeegyada basaska, tareenada laydhka, gaadiidka dadka naafada.
2.0 Baaxadda:
VTA iyo qandaraaslayaasheeda ayaa ka masuul ah ku samaynta beddellada/waafajinaha
xukunada, siyaasadaha, iyo habraacyada hawlgalka marka loo baahdo ayna habboon
tahay in loo oggolaado dadka naafada ah inay isticmaalaan adeegyada baska, tareenka
laydhka, gaadiidka meelaha iskaga goosha, ama gaadiidka naafada.
3.0 Masuuliyadaha:
3.1 Wadayaasha Basaska, Wadayaasha Tareenka Laydka, Kormeerayaasha Nooliga,
Kormeerayaasha Goobta, Ku-xigaanada Ilaalada Gaadiidka, iyo shaqaalaha
Nabad-sugidda VTA waxay waajihi karaan tusaalayaasha soo socda ee codsiyo
waafajin macquul ah. Liiska ma aha khaas maadaama ay jiri karaan codsiyo kale ee
beddellada siyaasadda, xukunka, ama habraaca, aan la saadaalin, kuwaasi oo u baahan
doonaa in la gargaaro.
3.1.A Kaalmada maaraynta nooliga, marka la codsado, waa in la bixiyo (Buugga
Xukunka Wadaha Baska 7.11). Waduhu waa inaanu laacin boorsada, kiishka,
alaabta, ama dharka rakaabka si uu u gaadho lacagta ama nooliga si uu u
kaalmeeyo dhiibista nooliga.
3.1.B Rakaabka wax ku cunaya waxna ku cabbaya iyaga oo saaran gaadiidka si looga
dheeraado xaalad caafimaad oo gurracan. (Buugga Xukunka Wadaha Baska 8.12;
fiiri Sharciga Deegaanka VTA 98.1 Sec 4 (b) 7)
3.1.C Rakaabka daawo ku qaadanaya isagoo saaran gaadiidka (Buugga Xukunka
Wadaha Baska 8.13). Waduhu waa inaanu ka kaalmayn rakaabku inuu qaato
daawo. Rakaabka ayaa ka masuul ah qubista shayada daawadooda waana
Gaadiidka Dadka Naafada ah; Siyaasadda VTA ee
Beddelka Macquulka ah ee Siyaasadda iyo Habraaca
SIYAASADDA (POLICY)
Transportation for Individuals with Disabilities; VTA
Reasonable Modification Policy and Procedure
Lambarka
Dokumentiga:
OPS-PL-0060
Lambarka Qaybta: 01
Taariikhda Hore: Taariikhda Dib-u-eegista: Bogga 2 ee 6
8/25/15 Aan khusayn
Somali 3/9/2016
inayna ku tuurin shayada daawada (waxyaalaha dadka sara/muda, siriijyada,
falliiqyada baadhitaanka, daawada, ama wixii kale ee la xidhiidha) gaadiidka
dushiisa ama qashin-qub ay leedahay xarunta gaadiidku (kaabadda tareenka
laydka, xarunta adeegga macmiilka, xarunta gaadiidka, meesha basku joogsado
ama gabbaad).
3.1.D Rakaabku waxay baabuurka si gaar ah uga raaci karaan aaladaha ay ku
dhaqaaqaan (Buugga Xukunka Wadaha Baska 8.9.1). Waduhu waa inaanu
kaalmayn shaqada aaladda dhaqdhaqaaqa.
3.1.E Basaska waa in la dhigo meesha basku joogsado ama meel u dhaw si looga
dheeraado caqabado marka ay daruuri tahay ama la codsado marka Waduhu uu
go’aansado inay ammaan tahay inuu sidaas yeelo (Buugga Xukunka Wadaha
Baska 5.16).
Tilmaam dheeraad ah, wadayaashu waa inay la xidhiidhaan Xarunta Maamulka
Hawlgallada VTA haddii ayna awoodin inay bixiyaan waafajin la codsaday.
Wax diiwaangalin xog oo dheeraad ah looma baahna bixinta beddelloo
macquul ah.
3.2 Kormeerayaasha Goobta
3.2.A Waa inay ka taageeraan Wadayaasha go’aaminta haddii beddello/waafajin
macquul ah oo la codsaday la buuxin karo.
3.2.B Waa inay la falgalaan rakaabka si ay u hubiyaan inay awoodaan isticmaalka
adeegyada VTA iyaga oo adeegsanaya qaadashada go’aano samaynta beddello
macquul ah ama go’aaminaya qaabab kale kuwaasi oo bixinaya galaangalka la
codsaday.
3.3 Adeegga Macmiilka/Shaqaalaha ISR
3.2.A Adeegga Macmiilka VTA/Shaqaalaha ISR waa inuu u galo codsiyada
macaamiisha beddello siyaasad, habraac, ama xukun gudaha nidaamka raadraaca
jawaabcelinta Adeegga Macmiilka. Codsiyadan waxa loo aqoonsan Codsiyo
Beddello Macquul ah. Codsiyada waxa loo wareejin Maaraynta Adeegga
Macmiilka/ Kormeerka shaqaalaha.
3.2.B Haddii Adeegga Macmiilka VTA/Shaqaalaha ISR uu helo dacwad macmiil oo
kusaabsan diidmo codsi beddel siyaasad, habraac, ama xukun intuu isticmaalayo
adeegyada VTA, dacwadda waxa la galin doonaa nidaamka raadraaca
jawaabcelinta Adeegga Macmiilka waxaana loogu calaamadin diidmo codsi
beddel oo macquul ah.
3.4 Maaraynta Adeegga Macmiilka
Gaadiidka Dadka Naafada ah; Siyaasadda VTA ee
Beddelka Macquulka ah ee Siyaasadda iyo Habraaca
SIYAASADDA (POLICY)
Transportation for Individuals with Disabilities; VTA
Reasonable Modification Policy and Procedure
Lambarka
Dokumentiga:
OPS-PL-0060
Lambarka Qaybta: 01
Taariikhda Hore: Taariikhda Dib-u-eegista: Bogga 3 ee 6
8/25/15 Aan khusayn
Somali 3/9/2016
3.4.A Shaqaalaha Maaraynta Adeegga Macmiilka waa inuu u wareejiyo codsiyada
macmiilka ee beddelleada siyaasad, habraac, ama xukun shaqaalaha ku habboon
ee VTA. Maaraynta Adeegga Macmiilku waxay galin doontaa xalka codsiga xog-
kaydinta Adeegga Macmiilka iyada oo laga tilmaan qaadanayo shaqaalaha VTA
ee qaabisani.
3.4.B Shaqaalaha Maaraynta Adeegga Macmiilku waa inuu codsadaa fiidyowga weelka
xogta CCTV ee diidmada la sheegay ee codsiga beddelka macquulka ah.
Warbixinta macmiilka ee diidmada macluumaadka kusaabsan dhacdada weel
xogta ee loo jeedo waxa loo wareejin Isu-duwaha VTA ee ADA. Fiidyowga
weelka xogta CCTV waxa la codsan karaa ilaa 14 maalmood kadib dhacdada la
sheegay iyada oo la dhammaystirayo foomka codsiga Weelka Xogta Adeegyada
Ilaalineed: http://thehub.vta.org/divisions/protectiveservices/Documents/Forms.
3.5 Shaqaalaha VTA ee Qaabilsan
Shaqaalaha VTA ee qaabilsan wuxuu haysan doonaa 14 maalmood laga bilaabo
taariikhda codsiga si uu u qaato go’aan la xidhiidha codsiga macmiilka.
3.5.A Haddii codsiga la ansixiyo, macaamiisha waxa loogu sheegi qoraal.
3.5.B Haddii codsiga la diido, xubinta shaqaalaha ee go’aanka qaadatay ayaa qoraal ku
bixin doonta, sababta diidmada oo bixin doonta wax kale oo beddela, hadday
suurogal tahay.
3.5.C Haddii macmiilku khilaafo diidmada ama waxa loogu beddelay ee loo soo
bandhigay, macmiilku rafcaan ayuu qaadan karaa. Ogaysiiska diimada VTA
waxa kujiri doona lambarka tixraaca macmiilka iyo talo macmiilka loogu
sheegayo inuu haysto 21 maalmood laga bilaabo taariikhda ogaysiiska diidmada si
uu rafcaan ugu qaado Isu-duwaha VTA ee ADA, kaasi oo qoran ama inuu waco
xarunta adeegga macmiilka. Macaamiishu waa inay isticmaalaan lambarkooda
tixraaca markay fayl garaysanayaan rafcaan.
3.6 Isu-duwaha ADA
Isu-duwaha ADA wuxuu dib-u-eegi doonaa rafcaanka macmiilka wuxuuna ugu diyaarin
doonaa bushqad Guddida Dib-u-eegista Rafcaanada si ay eegaan. Bushqadda rafcaanku
waxay ka kooban tahay guudmarka waafajinta la codsaday, sababaha keenay in
waafajinta la codsaday la diido, rafcaanka macmiilka, xukunnada VTA ee ku tacaluqa,
ra’yiga Wadaha/Kormeerayaasha Goobta ee ku lug lahaa, iyo nuqul wixii fiidyow weelka
xogta ee dhacdada la sheegay.
ARC waxay ka kooban tahay 3 xubnood oo ka socda waaxaha soo socda:
3.6.A Isu-duwaha ADA, ama wakiilkiisa
Gaadiidka Dadka Naafada ah; Siyaasadda VTA ee
Beddelka Macquulka ah ee Siyaasadda iyo Habraaca
SIYAASADDA (POLICY)
Transportation for Individuals with Disabilities; VTA
Reasonable Modification Policy and Procedure
Lambarka
Dokumentiga:
OPS-PL-0060
Lambarka Qaybta: 01
Taariikhda Hore: Taariikhda Dib-u-eegista: Bogga 4 ee 6
8/25/15 Aan khusayn
Somali 3/9/2016
3.6.B Khabiir Takhasus u Leh Arrinka (shaqaale aan ku lug lahayn go’aanka hore ee
lagu diiday codsiga beddelka)
3.6.C Adeegga Macmiilka
Xubno ayey la tashan doonaan xubnaha ARC, haddii loo baahdo, si ay dib ugu eegaan
ugana talobixiyaan xal codsiga diibmada codsiga Beddelka/Waafajinta Macquulka ah.
Guddida Dib-u-eegista Rafcaanadu waxay qoraal ku jawaabi doontaa 21 maalmood
gudahood laga bilaabo taariikhda rafcaanka. Haddii diidmada la beddelo, ARC waxay
ugu jawaabi qoraal macmiilka kaasi oo loogu sharxayo go’aankooda. Haddii diidmada la
taageero, ARC waxay qoraal ku siin, sharraxaad faahfaahsan oo kusaabsan sababta
waafajinta aan loo samayn karin. Qaab kale oo loo gaadhayo adeegga ay ku dabajirtay
waafajinta la codsaday ayaa lagula talin karaa macmiilka. Go’aanka ay qaataan ARC waa
kama-dambays.
Dhammaan macluumaadka la xidhiidha codsiyada macmiilka ee beddellada macquulka
ah iyo rafcaanada waxa la galin doonaa nidaamka raadraaca jawaabcelinta Adeegga
Macmiilka.
4.0 Siyaasadda:
VTA waxay ku samayn beddello/waafajino macquul ah siyaasadaheega, dabbakhaadaha
iyo habraacyada hawlgalkeeda si ay u caawiso hubinta in adeegyada gaadiidka ay heli
karaan rakaabka oo dhan.
In kastoo hay’adaha gaadiidka aan looga baahnayn inay sameeyaan beddello loo
tixgaliyo inayna macquul ahayn, xukunka kama-dambaysta ah wuxuu ku waajib yeelayaa
inay la shaqeeyaan macaamiisha si ay u helaan siyaalo kale oo macquul ah.
Marka codsi beddello/waafajino lagu samaynayo siyaasadda, dabbakhaadda, ama
habraaca la go’aamiyo inaanay ahayn macquul, VTA waxay la shaqayn macmiilka
codsanaya, ama wakiilkiisa, si loo helo dib-u-habayn siyaasad, dabbakhaad, ama habraac
oo kale si loogu oggolaado macmiilka inuu isticmaalo adeegyada gaadiidka VTA.
Waxa soo socdaa waa liis codsiyada waafajinta taasi oo USDOT ay u aqoonsatay inay
tahay mid aan macquul ahayn. Wadayaasha gaadiidka loogama baahnai nay bixiyaan
waafajinahan.
Liiskan ma aha khaas maadaama ay jiri jiraan habab kale, oon la ogayn, kuwaasi oon la
gargaari karin.
Gaadiidka Dadka Naafada ah; Siyaasadda VTA ee
Beddelka Macquulka ah ee Siyaasadda iyo Habraaca
SIYAASADDA (POLICY)
Transportation for Individuals with Disabilities; VTA
Reasonable Modification Policy and Procedure
Lambarka
Dokumentiga:
OPS-PL-0060
Lambarka Qaybta: 01
Taariikhda Hore: Taariikhda Dib-u-eegista: Bogga 5 ee 6
8/25/15 Aan khusayn
Somali 3/9/2016
4.1 Kaalmada Kaaliyaha Daryeelka Qofka ee wade
4.2 Kaalmada alaabta iyo bushqadaha
4.3 Nooli qaadista wadaha, ama bixin-waaga
4.4 Daryeelka wadaha ee xayawaanka adeega
4.5 Waxyaalaha rakaabku gacanta ku sitaan
4.6 Sifooyinka gaadiidka ama qalabka gaarkak ah ee gaadiidka
4.7 Safarka gaadiidka naafada ee khaaska ah ama mugga ya dhimay (qofka kaliya)
4.8 Safarrada Gaadiidka Naafada ADA ee ka baxsan mandaqadda adeegga ama
saacadaha shaqada
4.9 Joogsiga iyo ku sugista meel dhexe inta lagu jiro safarka gaadiidka naafada ADA
4.10 Codsi ku abuuraya halis gaadiidka, wadaha, ama rakaabka kale
4.11 Codsi ku aaddan dirawal khaas ah
4.12 Codsi inay ka fogaadaan rakaabka kale ee safarka gaadiidka naafada ADA
5.0 Shuruudaha Tabobarka:
Iyada oo laga tilmaan qaadanayo Waaxda VTA ee Tabobarka iyo Horumarka
Shaqaalaha, maamulku wuxuu ka masuul noqon doonaa ku tabobaridda shaqaalahooga
sida loogu jawaabo codsiyada macmiilka ee beddello/waafajino macquul ah. Tabobar
ayaa la siin doonaa shaqaalaha marka u horraysa iyo si joogto ah.
5.1 Wadayaasha Baska iyo Tareenka Laydhka waxa la tabobari doonaa inta lagu jiro
tabobaka bilawga iyo fasallada muraajicada tabobarka farsameed ee xiga.
5.2 Kormeerayaasha Goobta, Maamulayaasha Guud, iyo Shaqaalaha Raadiyawgu
waxay heli doonaan tabobar bilawga oo kusaabsan qaynuunka
beddellada/waafajinta macquulka ah. Tabobar muraajico oo la qabto muddadiiba
mar, marka loo baahdo, ayaa la siin doonaa shaqaalaha Hawlgallada.
5.3 Kormeerayaasha Nooliga iyo Ku-xigeenada Ilaalada Gaadiidku waxay heli
doonaan tabobar bilawga kusaabsan qaynuunka beddellada/waafajinta macquulka
ah. Tabobar muraajico oo la qabto muddadiiba mar, marka loo baahdo, ayaa la
siin doonaa shaqaalaha Hawlgallada sida ay ku talogashay maaraynta Adeegyada
Ilaalineed.
5.4 Shaqaalaha Adeegga Macmiilka ayaa heli doona tabobar bilawga kusaabsan
qaynuunka beddellada/waafajinta macquulka ah. Tabobar muraajico oo la qabto
muddadiiba mar, marka loo baahdo, ayaa la siin doonaa maamulka Adeegga
Macmiilka.
Gaadiidka Dadka Naafada ah; Siyaasadda VTA ee
Beddelka Macquulka ah ee Siyaasadda iyo Habraaca
SIYAASADDA (POLICY)
Transportation for Individuals with Disabilities; VTA
Reasonable Modification Policy and Procedure
Lambarka
Dokumentiga:
OPS-PL-0060
Lambarka Qaybta: 01
Taariikhda Hore: Taariikhda Dib-u-eegista: Bogga 6 ee 6
8/25/15 Aan khusayn
Somali 3/9/2016
5.5 Isu-duwaha ADA wuxuu la shaqayn doonaa maamulka Adeegga Macmiilka iyo
shaqaalaha Hawlgallada ee loogu talogalay si loo hubiyo in xubnaha Guddida
Dib-u-eegista Rafcaanka loo sheegay macluumaadka kusaabsan habka dacwadda
iyo dib-u-eegista rafcaanka beddellada/waafajinta macquulka ah.
6.0 Qeexdimaha:
6.1 Beddel/Waafajin Macquul ah Isbeddel lagu sameeyo siyaasadda, dabbakhaadda,
ama habraaca hawlgalka si awood loogu siiyo dadka naafada ah inay isticmaalaan
gaadiidka dadwaynaha.
6.2 Beddel/Waafajin Aan Macquul Ahayn Isbeddel lagu sameeyo siyaasadda,
dabbakhaadda, ama habraaca hawlgalka kaasi oo khatar u leh wadaha ama dadka
kale, daruuri ma aha si loo helo adeegga, waa culays, waxaanu aad ah u beddeli
nooca adeegga.
7.0 Guudmarka Isbeddellada:
Fasaxa bilawga ee siyaasaddan.
8.0 Macluumaadka Ansixinta:
Diyaariyey: Dib-u-eegay: Ansixiyey
David Ledwitz
Falanqeeye Maaraynta
Qorshaynta Adeegga & Hawlgallada
(Management Analyst
Service & Operations Planning)
Camille C. Williams
Maareeyaha Barnaamijka Adeegyo la
Isitcmaali karo/
Maareeyaha Mashruuca Title VI
(Accessible Services Program
Manager/
Title VI Project Manager)
~saxeexay
Inez Evans, Sarkaalka Madaxa
Hawlgalka(Chief Operating
Officer
~saxeexay
Nuria I. Fernandez
Maareeyaha Guud
(General Manager)
Somali 3/9/2016
ADA: Habka Dacwadda
ADA: Complaint Process
Santa Clara Valley Transportation Authority (VTA) waxay u ballanqaaday muwaadiniinta oo dhan inay si
isku mid ah u helaan adeegyada gaadiidka.
Habraacan Ashkatada waxa loo sameeyey in la buuxiyo Shuruudaha Xeerka Dadka Maraykan ah ee
Naafada ah ee 1990 (“ADA”). Waxa isticmaali kara cid kasta oo rabta inay fayl garaysato dacwad
sheegaysa takoor kusalaysan naafonimo bixinta adeegyada, hawlaha, barnaamijyada, ama dheefaha
VTA. Siyaasadda Shaqaalaha VTA ayaa lagu maamulaa dacwadaha shaqada la xidhiidha ee takoorka
naafada.
Fayl Garaysiga Dacwad
Dacwadda waa in la fayl garaysto intayna dhammaan 180 maalmood laga bilaabo dhacdada takoor ka la
soo eedeeyey. Habka la doorbiday waa in lagu fayl garaysto dacwadda qoraal iyada oo la isticmaalayo
Foomka Cabashada ADA (hoos ku cad), loona diro:
ADA Coordinator
Office of Diversity and Inclusion
Santa Clara Valley Transportation Authority
3331 North First Street, B1
San Jose, CA 95134
(408) 321-2300
www.vta.org
Dacwadaha hadalka ah waa la aqbali doonaa oo qori doona iyada oo lala xidhiidhayo xarunta adeegga
macmiilka (408) 321-2300. Dacwadaha sidoo kale waxa laga fayl garaysan karaa cidaha dibadeed sida
Maamulka Gaadiidka Fadaraalka (Federal Transit Administration), Guddida U-sinaanta Fursadaha
Shaqada (The Equal Employement Opportunity Commission), ama Waaxda Shaqaalayn iyo Guryeyn
Caddaalad ah (The Department of Fair Employement and Housing). Fadlan dib-u-eeg macluumaadka
websaytyada hay’adaha la xidhiidha si aad u hesho tafaasiil kusaabsan dacwadaha ADA.
Haddii dacwad laga fayl garaysto isla mar qudha VTA iyo cid dibadeed, dacwadda dibadeed ayaa ka
mudnaan doonta dacwadda VTA. Hase yeeshee, VTA waxay sii wadi doontaa baadhitaankeeda
dacwadda waxayna soo diyaarin natiijooyinka.
Baadhitaanada
10 maalmood gudahood laga bilaabo helista dacwadda tooska ah, Isu-duwaha ADA wuxuu ogaysiin
dacwoodaha wuxuuna bilaabi baadhitaan.
Baadhitaanadu waxay maarayn doonaan dacwadda ka-dhanka ah waax VTA ah. Baadhitaanka waxa lala
samaynayaa oo kana talinaya Waaxda Xidhiidhka Shaqaalaha.
Somali 3/9/2016
Baadhitaanka waxa kujiri kara kala hadal dacwadda dhammaan dhinacyada ay saamayso si loo xalliyo
dhibta. Dacwoodaha waxa matali kara qareen ama wakiil kale oo uu isagu soo doortay waxaanu keeni
karaa maragyo iyo caddayn inta baadhitaanku socdo.
Baadhitaanka waxa lagu samayn doona oo dhammaystiri doona 60 maalmood gudahood laga bilaabo
helista dacwadda tooska ah.
Iyada oo lagu salaynayo dhammaan macluumaadka la helay, warbixin baadhitaan ayuu qori doonaa Isu-
duwaha ADA u gudbinta Sarkaalka Madaxa Maamuleed.
Dacwooduhu wuxuu heli doonaa warqad sheegaysa go’aankaas kama-dambaysta ah ee 60 maalmood
ah. Baadhitaanada intooda badan waxa lagu dhammaystiraa 30 maalmood gudahood.
Dacwoodaha waa in la ogaysiiyo xaqiisa inuu rafcaan ka qaato go’aanka. Rafcaanada waxa loo qaadan
karaa Maamulka Gaadiidka Fadaraalka (Federal Transit Administration), Guddida U-sinaanta Fursadaha
Shaqada (The Equal Employement Opportunity Commission), ama Waaxda Shaqaalayn iyo Guryeyn
Caddaalad ah (The Department of Fair Employement and Housing).
Dhammaan dacwadaha qoran ee uu helo Isu-duwaha ADA ama wakiilkiisu, waxay rafcaan u qaadan
Maamulka Gaadiidka Fadaraalka, Guddida U-sinaanta Fursadaha Shaqada, ama Waaxda Shaqaalayn iyo
Guryeyn Caddaalad ah, jawaabaha ka yimaada xafiisyadan waxa hayn doona VTA ugu yaraan saddex
sano.
FOOMKA CABASHADA ADA (ADA COMPLAINT FORM)
Somali 3/9/2016
Siyaasadda Bayaanka Takoor La’aanta (Nondiscrimination Statement of Policy)
Iyada oo raacaysa shuruucda Xuquuqda Rayidka ee gobolka iyo fadaraalka, Santa Clara Valley Transportation
Agency (VTA) waxay hubinaysaa inaan qofna iyada oo lagu salaynayo qoomiyadda, midabka, diinta,
waddanka qofku ka soojeedo, aqoonsiga jinsiga kooxda, diinta, da’da, naafada, jinsiga, doorashada galmada,
ama macluumaadka hiddo-sidaha looga saarin kaqaybqaadashada, loogu diidin dheefaha ama adeegyada,
amabase loo takoorin dhammaan barnaamijyada, adeegyada ama hawlaha ay maamusho VTA.
Ogaysiiska sida uu dhigayo Xeerka Dadka Maraykanka ee Naafada ah
(Notice under the Americans with Disabilities Act)
Santa Clara Valley Transportation Agency
Iyada oo la raacayo shuruudaha Xeerka Dadka Maraykanka ah ee Naafada ah ee 1990 (“ADA”), Santa Clara
Valley Transportation Agency (VTA) ku takoori mayso dadka aqoonta leh ee naafada ah naafada ay yihiin
adeegyadeeda, barnaamijyada, ama hawlaha.
Shaqaalaynta: VTA kuma takoorta qofka naafada uu yahay hawlaha shaqaalaynteeda waxayna raacdaa
dhammaan qaynuunada uga yaala Guddida U-Sinnaanta Shaqada Maraykanka.
Xidhiidh Waxtar leh: VTA sida qaalibka ah, marka la codsado, waxay siin kaalmo iyo adeegyo habboon oo
keenaya xidhiidh waxtar leh dadka aqoonta leh ee naafad aah si ay markaa uga qaybqaadan karaan si siman
barnaamijyada, adeegyada, iyo hawlaha, ay kujiraan tarjumaano luuqadda calaamadda oo aqoon leh,
dokumentiyo ku qoran Farta Indhoolaha, iyo qaabab kale oo uga dhigaya macluumaadka iyo xidhiidhka qaar
ay isticmaali karaan dadka leh dhantaalnaan hadalka, maqalka, ama aragga. \
Beddelka Siyaasadaha iyo Habraacyada: VTA waxay ku samayn doontaa dhammaan beddelada macquulka
ah siyaasadaha iyo barnaamijyada si ay u hubiso in dadka naafada ah ay u helaan fursad loo siman yahay si ay
ugu raaxaystaan dhammaan barnaamijyadeeda, adeegyada, iyo hawlaha. Tusaale ahaan, dadka wata
xawayaanka adeega waxa lagu soo dhaweeyaa gaadiidka VTA, xarumaha gaadiidka, iyo xafiisyada maamuleed
xiitaa marka rabbaayadaha sida qaalibka ah la mamnuucay.
Cid kasta oo u baahata kaabayaal gargaar ama adeeg si ay si waxtar leh ugu xidhiidhaan, ama beddelis
siyaasadaha ama habraacayda si ay uga qaybqaataan barnaamij, adeeg, ama hawl VTA, waa inay la xidhiidho:
ADA Coordinator
Office of Diversity and Inclusion
3331 North First Street, B1
San Jose, CA 95134
(408) 321-2300
www.vta.org
Fadlan ula xidhiidh Isu-duwaha ADA sida ugu dhakhsaha badan inta ayna ka soo wareegin 72 saacadood
kahor dhacdada la muddeeyey.
ADA ugama baahna VTA inay qaaddo wax tallaabo ah taasi oo aasaas ahaan beddelaysa nooca
barnaamijkeeda ama adeegyadeeda, ama ku soo rogaysa culays dhaqaale ama maamul oon loo baahnayn.
Somali 3/9/2016
Dacwadaha in barnaamij, adeeg, ama hawl VTA ayna isticmaali karin dadka naafada ah waa in lagu hagaajiyo
Isu-duwaha ADA (macluumaadka la-xidhiidh ee sare).
VTA saari mayso dulsaar (lacag dheeraad ah) qof gaar ah oo naafo ah ama koox dad ah oo naafo ah si ay u
daboosho kharashka siinta kaabayaasha kaalmada/adeegyada ama beddello siyaasadda oo macquul ah, sida
kala soo bixista shayada goobaha u furan dadwaynaha laakiin ayna isticmaali karin dadka isticmaalaya kuris-
curyaanku.