12
Warbaahinta Soomaaliya: Qaab dhexdhexaad? Sign up for our monthly e-newsletter: bbcworldservicetrust.org Policy POLICY BRIEFING #4 NOVEMBER 2011 Briefing HAMISH WILSON / PANOS

PB4 Somali Final2downloads.bbc.co.uk/worldservice/trust/pdf/bbc_world_service_trust_pb4... · ayaa inqilaab ku qabsaday waxaana horkacayay Maxamed Siyaad Bare. Dhaqdhaqaaq xoriyadeed

  • Upload
    others

  • View
    0

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: PB4 Somali Final2downloads.bbc.co.uk/worldservice/trust/pdf/bbc_world_service_trust_pb4... · ayaa inqilaab ku qabsaday waxaana horkacayay Maxamed Siyaad Bare. Dhaqdhaqaaq xoriyadeed

Warbaahinta Soomaaliya:Qaab dhexdhexaad?

Sign up for our monthly e-newsletter: bbcworldservicetrust.org

Policy

P O L I C Y B R I E F I N G # 4 N O V E M B E R 2 0 1 1

Briefing

HAMISH WILSON / PANOS

Page 2: PB4 Somali Final2downloads.bbc.co.uk/worldservice/trust/pdf/bbc_world_service_trust_pb4... · ayaa inqilaab ku qabsaday waxaana horkacayay Maxamed Siyaad Bare. Dhaqdhaqaaq xoriyadeed

2 BBC WORLD SERVICE TRUST POLICY BRIEFING #4 NOVEMBER 2011 SIGN UP FOR OUR MONTHLY E-NEWSLETTER: BBCWORLDSERVICETRUST.ORG

Hordhac Qiimaha warbaahinta ay bilowdo Soomaalida u leedahay. Bulshooyinka ugu isticmaalka badan xaga saxaafada, wallow ay hadana jiraan kala qeybsanaan ah dagaalo iyo hada oo aykusoo korodhay abaaraha saameeyay dalka oo dhan.

Bulsho dhaqan, gaar ahaan jecel gabayada, luqadooduna tahay mida kulmisa, sida aan ku aragnay taxanaha taariikhda waa bulsho jecel war. Warbixinada ay helana waxaa ay isku dayaan in ay iska hubiyaan jiritaankiisa saxda ah.

Beeraaleyda iyo xool dhaqatadu ma ahan kuwa saamyn u ah oo kaliya siyaada, bulshada iyo dhaqanka balse waxaa isbadal u ah sidii nolol loo heli lahaa.

Soomaali badan ayaa iticmaasha erayga salaanta ah ‘Maxaad sheegtay’, taas oo u micno ah war cusub sheeg, xooladhaqatada wey fahmaan halka qatartu ayka jirto sida dhulka beeraaleyda ee biyaha badan.

Dhaqanka Soomaalida waa mid qofba tiisa uu ka fi kiraayo iyadoo dagaalkuna yahay mid lagu raadinaayo hadba waxa jira sidii kontarool loogu heli lahaa, weli lama hayo sida baaxadda weyn ee ay u dhirantahay saxaafada dalka. Waxaa jira dagaalo badan oo kala nuuca, saxaafaduse waa mid taagan marwalba, hadii aysan saxaafadu door ku laheyn lama gaaren ujeedooyinka dagaalyahanada doonaya in ay awood ku

qabsadaan dalka. Saxaafada guud ahaan waxaa ay muhiim u tahay siyaasiyiinta iyadoo ay dhacdo in siyaasi walba uu isku dayo in uu wareysi siiyo saxaafada.

Warbaahintu waxaa ay fursad sii saa dadweynaha si ay usoo bandhigaan aragtidooda mustaqbal iyadoo sidoo kal lagu baahiyo kala duwanaanshaha bulshada ee xaga aragtida, waxaa kaloo muhima in warbaahintu ay soo bandigaan awoodaha xooga loo isticmaalo. Soomaaliya waa dal si qaldan loo isticmaalo awoodaha maamul taas oo keeni karta mararka qaar in ay ka dhalato dhibaato weyn. Warbaahinta doorweyn ayeey ku leedahay isqabqabsiga, dagaalada si loo baahiyo jiheynta dadka dagaalada ku jira. Isticmaalka saxaafada ee sida qaldan ayaa waxaa uu sababaa in ay doorweyn ka qaadato hurinta iska hor imaadyo iyo naceeyb.

Qoraalkan waxaan idiinkugu soo gudbineynaa sharuucda warbaahinta Soomaalida kaalinta ay ku leeyihiin dhacdo hore iyo dhacdo taagan. Warbixintan waa mid dhexdhexaad

ah kuna qotonta aaritan dheer oo lagu sameeyay sadexda uu dalku ukala qeybsamay. Waxaa kaloo wareysiyo aanu ka qaadnay suxufi yiin Soomaali ah, kuwa wax ka faalooda, wakiilada hor u marinta, deeq bixiyeyaasha iyo ururo kale oo muhiima. Waxaan isku dayi doonaa inaan soo bandhigno faalo ku qotonta wareysiyo iyo doodo la’la yeeshay quburo Soomaali, suxufi yiin iyo dad caadiya.

Cilmi baaristan oo ay suuragaliyeen Midowga reer Yurub iyo Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Ingriiska. Waxaana cilmi baaristan idiin soo gudbinaya BBC World Trust, BBC’s international development charity, warbixinadana ma ahan mid ka turjumaya BBC.1

Qoraalkan waxaanu si weyn ugu eegeynaa Warbaahinta qaasatan waxaan diirada ku saareynaa sida ay dadweynuhu u gaarto, u aaminaan iyo sida qaldan ee loo isticmaalo. Dal dhaqankiisu yahay hadal iyadoo afka Soomaaliga oo laga tixraacay habka latinka ayaa la qoray sanadii 1973-dii, raadiyaha ayaa waxaa uu ahaa mid muhiimad gaara u lahaa dalka oo dhan. Isticmaalka iyo kontrolka radiyaha ayaa qormadaan si gaara diirada ugu eegi doonaa, radiyuhu kaalin muhiim ah ayuu mararka qaar leeyahay.

Koonfurta Soomaaliya hantileyda dhaqaalaha ugu badani waxaa uu kasoo gali jiray isgaarsinta waxaana isticmaalkiisa ugu badan uu ka yimaadaa Qurbe joogta.

Wax iska dhacay maahan in Soomaaliya leedahay lacagta dal lagu waco tan ugu yare loo isticmaalo kolka loo fi irsho guud ahaan dalalka Afrika oo dhan, iyadoo aysii kordheyso isticmaalka internet-ka , qaabkii horey loogu isticmaali jiray raadiyaha oo ay haatan ku soo biirtay ka dhageysiga web-ka. Dalal badan oo Afrikaan ah warbaahinta ugu horeysa ayaa ah Jaraa’idka (joornaal), balse Puntland web-ka lagu magacaabo Garowe Online ayaa u dhigma jaraa’id ay dowlada soo saarto oo awood u leh inuu helo amuuraha masuuliyiinta kuwooda ugu horeeya Qurbe joogta Soomaalida xoriyada ay u heleen in ay saameyn ku yeeshaan arrimaha siyaasada ee sadexda qeybood ee uu dalka u kala qeybsanyahay, waxaa ay si xoogan uga muuqdaan website-yada iyo raadiyo-yaasha, waxaa kaloo hada soo kordhaya telefi ishanada kuwaas oo saterlaydka laga daawado. 8-telefi ishan ayaa hada gudaha Soomaaliya laga tabiyaa laba ka mid ahna waxaa iskaleh Alshabab oo xiriir dhow la leh ururka mayelka adag Al-qaacida.

Guud ahaan warbaahinta oo idil ayaa saameyn ku leh bulshada iyo siyaada Soomaaliya. Raadiyaha ama waxkale waxaa madaxbanaanidaasi ay keeneysaa in warkii la garsiiyo oo saameyna lagu yeesho dadka.

Waxaa jira dagaalo badan oo kala nuuca, saxaafaduse waa mid taagan marwalba, hadii aysan saxaafadu door ku laheyn lama gaaren ujeedooyinka dagaalyahanada doonaya in ay awood ku qabsadaan dalka.

1Falanqaynta bii’adda ama deegaanka Warbaahinta Soomaalida ee ay sameeyeen Kooxda cilmi-baadhista iyo ogaanshaha ee BBC WORLD SERVICE TRUST, SOMALIA (July, 2011).

Dad wayne dhagaysanaya laanta afka Somaaliga eeBBC da markii lagu dhawaaqayo gooniisug taaga soomaaliland 1991.

JOSP

EH W

INT

ER/B

BC O

NLI

NE

WARBAAHINTA SOOMAALIYA: QAAB DHEXDHEXAAD?

Dad gudbaya goob internet oo ku taal Muqdisho, Somalia.

Page 3: PB4 Somali Final2downloads.bbc.co.uk/worldservice/trust/pdf/bbc_world_service_trust_pb4... · ayaa inqilaab ku qabsaday waxaana horkacayay Maxamed Siyaad Bare. Dhaqdhaqaaq xoriyadeed

3 BBC WORLD SERVICE TRUST POLICY BRIEFING #4 NOVEMBER 2011 SIGN UP FOR OUR MONTHLY E-NEWSLETTER: BBCWORLDSERVICETRUST.ORG

Dalka Soomaaliya

Dalkii burburay ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay la asaasay 1960-kii, kadib midowgii labada gobol ee Ingriiska iyo Talyaaniga oo waqooyi iyo koonfur kala heystay.

Sida dalal horey gumeystaha isaga kacshay ayaa qawaaniin sameytay iyagoo isla markaasna ku guuleystay in ay xasiloonida dalalkooda ka shaqeeyaan.

Dadka Soomaalida ayaa ah kuwa isku jinsiyad ah (jinsiyada Soomaaliga ayaa ah 95% 10-ka milyan ee dad ah) dadkan oo wadaaga hal luqa, taarikh iyo dhaqan qoto dheer. Dadka Soomaaliya badi waa dad Suniyiinta Muslimiinta ah.

Inta badan dadka Soomaalida ah waxaa ay ka tirsan yihiin mid ka mida lixda qabiil ee ugu waaweyn, xoola dhaqato iyo beeraaley Samaal (Darood Dir, Issaq, iyo Hawiye), dhulka ay ku nool yihiin (Digil iyo Mirifl aha ama Raxanweyn) goor aan sidaas usii fogeyn ayey aheyd kolkii ay xiisad ka dhex abuurantay beelo kale, kolkii la tooganayay madaxweynihii 2-aad ee Soomaaliya C/rashiid Cali Sharma’arke 1969-kii, xiligaas wixii ka dambeeyay dalka milateriga ayaa inqilaab ku qabsaday waxaana horkacayay Maxamed Siyaad Bare. Dhaqdhaqaaq xoriyadeed oo siyasada iyo saxaafadii xorta aheyd xiligaas wixii ka dambeeyay waa ay joogsadeen. Xukumadii Maxamed Siyaad waxaa ay dhacday 1991-dii, natiijo xumidii ka timid qabaa’ilada oo awood bilaabay in ay ku ridaan xukumada.

Taariikhda Soomaaliya dal ahaan waa markii ugu horeysay oo uu sadex ukala qeybsamo. Koonfurta Soomaaliya oo aan shaci iyo kala dambeyn laheyn iyo dagaalo joogta ah oo ka jira, balse waagii hore waxaa ay aheyd meel qabaa’ilo isku heystaan balse hada waxaa soo kordhay in loo kala qeybsamo ururo fi krado kala aaminsan kuwaas oo ay ugu horeeyaan dhalinyaro diimeed. Dowladda- waa dowladda KMG ah ee Soomaalya oo la sameeyay horantii 2004-tii xiligaas oo laga oo yakleelay shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee dalka Kenya lagu qabtay (Agoost 2004) qeyb yar oo ka mida casimada Muqdisho sanadkii 2006-dii. Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ayaa guud ahaan la wareegay Muqdisho iyo inta badan gobolada koofurta Soomaaliya iygoo

kaga awood roonaaday hogaamiye kooxeedyadii xiligaas jiray. Si kastaba ha ahaatee midowgii Maxkamada Islaamiga waxaa ay burbureen kadib markii ay yimaadeen ciidamo ay horkacayaan saraakiil Itoobiyaana, taasi waxaa ay dhalisay in ay dhalinyaradii xiligasi ay sameystaan urur lagu magacaabo Al-shabaab kuwaas oo wata fi krado mayal adag waxaana ay u muuqdaan kooxda ugu awooda badan koonfurta Soomaaliya.

Dowladda KMG ah waxaa aqoonsan beesha caalamka oo u aragt dowladda masasha Soomaaliya, iyadoo laga saacido xaga ciidamada AMISOM, waxaana ayka taliyaan qeybo ka mida Muqdisho. Agoosto 2011-kii ciidankii ururka Alshabaab ayaa dib u gurasho ciidan sameeyay markii ugu horeysay iyagoo faarujiyayna inta badan magaaladda Muqdisho, balse xaga afkaaraha kala duwanaanshaha koonfurta Soomaaliya weli xoog ayuu leyahay taas oo u dhaxeeyo dowladda, Alshabaab iyo Xizbul Islaam. Xiliga dowladda Madaxweyne Sh. Shariif ayaa ku eg Agoosto 2011-ka. Ugu yaraan hada waxaa abuurmay 10 kamida maamul goboledyo cusub kii ugu dambeeyayna waxaa uu ahaa Alzaniya oo laga sameeyay koonfurta Soomaaliya (weli si rasmiya looma aqoonsan).

Waa gobolka kaliya ee haray ee aanu waxsharciya ka jirin, dagaalo, dhacdooyin xun xun iyo awood waxku boobid, Soomaalida kasoo jeeda Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya dagaalada hada waxaa usii dheer abaaro baahsan, iyadoo lashaaciyay in abaarahaasi ay qarka u saran yihiin dad lagu qiyaasay 10 milyan in ay u dhintaan.

Sanadkii 1991-dii, Somaliland waqooyiga Soomaaliya waxaa ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale. Walow Somaliland aysan ilaa iyo hada helin wax aqoonsi Caalamiya, Somaliland waxaa ay leedahay daganaansho joogto ah, iyadoo sameysatayna dastuur u gaara iyo lacag u gaara lacagaha Somaliland waxaa ay ad ugu shaqeysaa lacagaha ka yimaada Soomaalida qurbaha ku nool.

Waqooyiga galbeed ee Soomaaliya, Puntland ayaa looga dhawaaqay 1998-dii xiligaas oo ay sheegeen in ay yihiin maamul goboleed, waxaa hogaansha oo madaxweyne ka ah Cabdiraxmaan Maxamuud Faroole.

MO

HA

MED

DA

HIR

/AFP

/GET

TY

IMA

GES

Dagaalyahan la aaminsan yahay inuu daacad u yahay maliishiyada Islaamiga ee Xisbul Islaam (2009).

WARBAAHINTA SOOMAALIYA: QAAB DHEXDHEXAAD?

Page 4: PB4 Somali Final2downloads.bbc.co.uk/worldservice/trust/pdf/bbc_world_service_trust_pb4... · ayaa inqilaab ku qabsaday waxaana horkacayay Maxamed Siyaad Bare. Dhaqdhaqaaq xoriyadeed

Warbixin eaadiyaha: xakameynta raadiyaha iyo kaganacsiga – kadib fawdaWarbaahinta oo idil guud ahaan (radio, telefi ishan iyo jara’id) ku dar (internet iyo mobileka) waxaa ay qeyb weyn ka qaataan dhaqdhaqaaqa siyaasada Soomaalida, dhaqanka iyo bulshada guud ahaan, raadiyaha ayaa ah kan ugu saameynta badan.

Raadiyaha waa aalada ilaa iyo hada loogu isticmaalka badan yahay dalalka soo koraya xaga warbaahinta qaasatan dal dhaqankiisu yahay hadal, “hadii ay Soomaaliya

waxka dhacaan qofwalbaa wuxuu dhageysanayaa radiyow, qofwalba oo dhageystana waxaa uu ka sheekeyaa wixii raadiyaha laga yiri, waa saameyn xoogan ayey tiri” Sahra Cabdi oo ah suxufi yad u shaqeysa wakaalada wararka ee Reuters isla markaasna ka miad wariyeyaasha VOA.

Waxaa jira 35 raadiyo oo ka howlgala dhamaan sadexda gobol maamuleed ee ay Soomaaliya ukala jabtay, inka badan 22 raadiyow ayaa 5-sano gudahooda la sameeyay. Idaacada kaliya ee aaminka leh guud ahaan bulshada waa BBC Soomaali iyo VOA Soomaali. Baaritaan lagu

eegayo dhageysiga idaacaaha Muqdisho oo ay BBC-du sameysay ayaa lagu ogaaday kuwa ugu dhageysiga badan ee Muqdisho laga dhageysto in ay yihiin BBC-da qeybta Afka Soomaaliga iyo idaacada Horn Afrik oo xarunteedu tahay Muqdisho.2

Si loola wadaago warbixinada waxaa muhiima in la’la wadaago mowjadaha maxaliga ah si warbixinada looga tabiyo, sida ay qabaan quburada waxaa ciriiri galaya idaacaaha caalamiga ah marka loo eego kuwa maxaliga ah.

Tixraaca taariikhda Soomaaliya dhawaan ayeey aheyd kolkii uu dalka xukumayay Maxamed Siyaad iyo regiimkiisa, xiligaas oo ay xoriyada warbaahintu ay aheyd mid xadidan oo aan loo ogoleyn in ay si xora wax u tabiso.

Xiligii 1991, wixii ka dambeeyay radiyaha waxaa uu noqday aalad ay dagaaladu u isticmaalaan hogaamiye kooxeedyada iyagoo sameystay raadiyow ay leeyihiin oo ay maalgashadeen. Xiligaas ka dib ayaa waxaa bilowday in ay qurba joogta Soomaalida in ay maalgashi iyagana ku sameystaan warbaahinta, waxaana ka mid aheyd idaacadii Horn Afrik oo bilaabatay sanadkii 1999-kii

inta badan siyaasiyiinta ayaa isku dayay in ay helaan sidii ay u koontorooli lahayeen raadiyaha ama ay saameyn ugu yeelan lahaayeen. Dagaalka sokeeyo 1999, wixii ka dambeeyay Warbaahinta guud ahaan gaar ahaa raadiyaha iyadoo ay labada dhinac ee raadyowyada ee ay kala hagaan mid hogaamiye kooxeed midka kalena ganacsi uu yahay.

Kadib dhicidii xukumadii Siyad Bare waxaa ay saxaafadu isku badashay kuwa dhibaato abuura, iyadoo ay hoos u dhacdayna kaalinta suxufi ga ee la rabay in uu shaqadiisa si rasmiya u guto ayaa waxaa ay saxaafadu isku rogtay kuwa qabiilada u shaqeeya oo wararka reerka ee dhanka wanaagsan buun buunsha ayuu yiri Maxamed Cadow oo Aljazeera ka tirsan.

Cumar Qadi oo horey u ahaa tafatirihii Joornaalka Somaliland balse hada ah qabiir ka mida hey’ada UNDP ayaa qaba in ay saameysay waxa dhacayay in ay dadka

Soomaalida marwalba ka hadlaan dagaalo. Dhacdooyinka nuucaasa ee dagaalada ayaa ahaa kuwa dadka ku soconaya walow ay jirtay warbixino ka hadlaya xaga hormarka.

Waxaa uu ku dooday, xiligii Siyaad Bare kadib raadiyaha nuucana aad ayuu u qiima badnaa... “waxaa ay sameysanayeen dhageyste yaal u gaara, haduu dagaal jiro qaasatan dadku waxaa ay aad u xiiseynayaan dagaalkaasi sida uu u socdo, waana waxa keenta marwalba in dagaal oogeyaashu ay daneeyaan warbaahinta ka hadalkeeda.”

Wareysiyo kale oo UNDP laga qaaday ayaa ku doodaya in dagaalada ay qeyb ka yihiin taariikhda “dib marka loo raaco Soomaaliya, waa dad hadal waxaana ay aad u isticmaalaan gabayada oo ay qabiiladu isku tiriyaan, kadib Siyaad Bare waxaa warbahinta ay isku dayeen in ay gabayadii qabiilada u isticmaalaan warbaahinta.

Hogaamiyeyaasha dagaalka ayaa weli saameyn ku lahaa saxaafadda Soomaaliya, walow ay maalgalin kale kolkii dambe oo dibada ka imanayesa ay soo foodsaartay, taas oo ay wataan dadka qurba joogta Soomaalida oo aad u daneynayay warbaahinta gaar ahaan raadiyaha. Laga bilaabo sanadkii 1999-kii maalgalinadii qurba joogta ay sameeyeen ayaa keentay in ay abuuranto warbaahin madaxbanaan. “Soomaalida qurba joogta waa kuwa saameyn weyn leh sababtoo ah waxaa ay leeyihiin maalgashiga ugu badan ee warbaahinta,” waxaa sidaa yiri sarkaal ka mida NUSOJ. Qurba joogta ayaa sidoo kale bilaabay in ay kaalin ka qaataan taakuleenta dadka abaaruhu ku dhufteen, mashariicda hurumarineed, maalgashi ganacsi iyo sidii kaalin looga qaadan lahaa siyaasadaha dalalka ay ku nool yihiin. Cilmi baaris ay dhawaan soo saartay hey’ada UNDP ayaa sheegeysa in $130 – 200 milyan oo dollar in sanadkii ay ku baxdo mashaariicda horumarineed iyo abaaraha, $1.3 ilaa 2 malyan waxaa ayka timaadaa dadka lacagaha soo dira.3

Dadka qurbaha ka yimid ayaa hormuudka ahaa furitaankii idaacada Horn Afrik ee la furay 1999-kii iyo maal gashiyo badan oo hada socda. Cilmi baarista ay sameysay hey’ada BBC World Service Trust ayaa lagu ogaaday in raadiyaha loogu dhageysiga badan yahay Muqdisho in uu yahay Shabelle xaga wararka gudaha oo ay sidoo kale wehliyaan horn Afrik iyo raadiyo Banadir. Inta badan raadiyoyada gudaha Soomaaliya ka shaqeeya waxaa maalgashi ku sameystay dadka qurba joogta iyagoo sidoo kale ganacsiyo kale sidaas oo kale maalgashiyo ku leh.4

Idaacadahaas ayaa ahaa kuwa loo sameystay in ay yihiin kuwa ganacsi oo madaxbanaan dadkuna waa ay fahmeen waxaana ay u arkeen in ay yihiin kuwa la aamini karo. “waxaan u arkaa in raadiyo Shabelle uu yahay mid ganacsi, waxaase muhiima in dadkuna waxku yeeshaa,” waxaa sidaa yiri mid ka mida dadkii warbixinta ka qeybgalay.

Sadexdii sano ee ugu dambeysay ee kaalimaha weyn ka qeybqaadaneysay bulshada ayaa hada niyad jab ay ku dhacday kadib markii ay bilowdeen kooxaha islaamiyiinta qaasatan Alshabaab iyo Xisbul islaam. Warbaahintii maalgashiga iyo tii dagaal oogeyaashu waxaa u awood sheegatay Alshabaab. “weli waa jirtaa warbaahin ay dagaal oogayaasha ama siyaasiyiinta iyagoo gadaal ka taagan ay waxkusoo bandhigi karaan” waxaa sidaa yiri Faarax Lamaane oo ah suxufi ahna tafatiraha raadiyow Barkulan. Waxaase waxkasta afka u dhigtay kooxda Alshabaab iyo bahdilisteeda.

Weerarka Warbaahinta xorta ah ayaa kooxda Alshabaab waxaa ay si cad oo aanan leex leexasho laheyn ay go’aansatay in ay baabi’iso dhamaan ama ay la wareegto. Ururka Midowga Suxufi yiinta Soomaaliyeed ayaa warbixin uu soo saarey waxaa uu ku sheegay in ay ururada Alshabab

BBC WORLD SERVICE TRUST POLICY BRIEFING #4 NOVEMBER 2011 SIGN UP FOR OUR MONTHLY E-NEWSLETTER: BBCWORLDSERVICETRUST.ORG4

WARBAAHINTA SOOMAALIYA: QAAB DHEXDHEXAAD?

2Horn Afrik waxa ku soo duullay Al-Shabaab bishii September 2010, kuwaas oo qaatay qalabkii Idaacadda. Ilaa wakhtigaa waxay ku hoos jirtay xukunka Al-Shabaab, wakhtiga la qorayay deraasaddan-na, hawada way ka maqnayd.

3Hammond et al. Lacag iyo Magdhow: Doorka Soomaalida qurbo-joogga ah ee dhinaca gargaarka, horumarka iyo dhismaha nabadda. Warbixinta deraasad ay samaysay UNDP Somalia (2011).

4Falanqaynta bii’adda ama deegaanka Warbaahinta Soomaalida ee ay sameeyeen Kooxda cilmi-baadhista iyo ogaanshaha ee BBC WORLD SERVICE TRUST, SOMALIA (July, 2011). P59.

Hadii ay Soomaaliya waxka dhacaan qofwalbaa wuxuu dhageysanayaa radiyow, qofwalba oo dhageystana waxaa uuka sheekeyaa wixii raadiyaha laga yiri, waa saameyn xoogan ayey tiri Sahra Cabdi.

Page 5: PB4 Somali Final2downloads.bbc.co.uk/worldservice/trust/pdf/bbc_world_service_trust_pb4... · ayaa inqilaab ku qabsaday waxaana horkacayay Maxamed Siyaad Bare. Dhaqdhaqaaq xoriyadeed

BBC WORLD SERVICE TRUST POLICY BRIEFING #4 NOVEMBER 2011 SIGN UP FOR OUR MONTHLY E-NEWSLETTER: BBCWORLDSERVICETRUST.ORG

WARBAAHINTA SOOMAALIYA: QAAB DHEXDHEXAAD?

iyo Xisbul Islaam ay la wareegeen todoba idaacadood sanadkii 2010.

Hada inta badan idaacadaha shaqeeya ayaa isku daya in aysan ka careysiin ama aysan soo tabin barnaamijyo ayka caroonkaraan kooxda Alshabaab. Raadiyow Shabelle ayaa dhawaan la gudoonsiiyay abaal marin aysiisay hey’ada Suxufi yiinta aan xuduudka laheyn, iyadoo idaacaduna ay dhawaan ka soo guurtay goobtii ay horey u daganeed kadib cadaadis uga yimid Alshabab oo mamnuucday heesaha.5 Go’aamada ay kooxahan mayalka adag kuso rogeen idaacadaha ayaa waxaa ay keentay in idaacadii muusig soo deysa in xarumahooda la qarxiyo ama in la weeraro milkiilaha idaacada oo la dilo taas oo markii dambe keeneysa wariyaha shaqadiisa gudanwayo.

“Alshabaab waxaa ay wadnaha gooyeen saxaafada, iyadoo la sameynayo faafreeb dheeriya” waxaa sidaas yiri Burhaan Axmed Daahir oo ka mida warbaahinta Puntland. “Waxaa ay warbaahinta u sameeyeen sida ay u doonayaan in ay wax u tabiso waa kuwa jooga goobaha ay gacanta ku hayaan, waxaa sidoo kale ay sameysteen warbaahin ayagu ay leeyihiin oo ay afkaarahooda ay ku baahsadaan.”

“Alshabaab waxaa ay kasoo horjeedaan waxkasta oo reer galbeed ay wadato,” waxaa sidaa yiri Rashiid Cabdi oo ka mida heya’da Xasaradaha aduunka (ICG. “waxaa ay u heystaan raadiyaha, telefi ishanka ama saterleytka in uu yahay wax reer galbeeda sidaas darteedna loo mamnuuco maadaama loo arko wax aanan islaam aheyn. Waxba kama qabaan hadii aad raadiyaha kasoo deyso quraan, mana ogolaanayaan xitaa muusig yar inaad idaacada kasoo deyso.”

Sida xaalka mayal adeega kooxda Alshabaab waa mid aad u adag. “Warbaahinta waxaa baa’bashay Alshabaab”, waxaa sidaa yiri Cumar Qadi suxufi qabiira oo UNDP u shaqeeya. Hogaamiye kooxeeedyada waxaa ay isku dayeen in ay xakameeyaan warbaahinta balse waa u shaqeyn weyday.

Markii ay Alshabab timidna waxaa dalka isaga cararay in kabadan 500 saxafi ya, qaasatan waxaa ay suxufi yiintaasi ka qaxeen magaalada Muqdisho, waxaa ay kugu dilayaan wax aanan qiimo sidaas ah u weyneyn, mana arag koox lamida kuwaan oo aduunka joogta.”

Kasoo bilow Siyaad Bare ilaa dagaal ooge, hadana dagaal ooge ilaa Alshabaab intaba warbaahinta waxaa ay aheyd mid ay marwalba kuloolamaan kooxahaasi oo masaalixdooda ku eegta. Waxaa awood sheegayashada warbaahinta ee marwalba ninka awooda ku sareeya ayaa waxaa uu ku qasbaa in ay baahiyaan waxa uu rabo iyadoo rabitaanka shacabkana la eegeyn ee la eegayo cida qorayga sidata.

Raadiyaha:Xoogga dhexdhexaadHeerka saxaafada uu gaaray ee uu waxku dhaqdhaqaaqsho awoodiisa muruq ayaa ah mid xowli leh oo badan waxaana ugu wacan sadex waxyaalood: Qodobak kowaad, dhiira gelinta saxafi ga iyo warbaahintaba si ay u helaan madaxbanaanidooda, qodobka labaad, qiimaha, dhaqanka iyo taariikhda dadka Soomaalida oo muujinaya in ay jirto rabitaan ah war in la helo oo lagu kalsoonaan karo oo ayna ka muuqato warkii dibada, qaasatan sida BBC iyo VOA oo dhawaan hawada soo gashay.

5

5Idaacadda Radio Shabelle imika waxay ku hawl-gashaa oo ay degan tahay deegaannada ay ka taliyaan Dawladda Ku-meel-gaadhka ahi ee Muqdisho.

Alshabaab waxaa ay wadnaha gooyeen saxaafada, iyadoo la sameynayo faafreeb dheeriya” waxaa sidaas yiri Burhaan Axmed Daahir oo ka mida warbaahinta Puntland. “waxaa ay warbaahinta u sameeyeen sida ay u doonayaan in ay wax u tabiso waa kuwa jooga goobaha ay gacanta ku hayaan, waxaa sidoo kale ay sameysteen warbaahin ayagu ay leeyihiin oo ay afkaarahooda ay ku baahsadaan.

Xubno idaacadda Radio Shabelle oo ku sugan Muqdisho.

CO

URT

ESY

BBC

FO

CU

S O

N A

FRIC

A M

AG

AZ

INE

Page 6: PB4 Somali Final2downloads.bbc.co.uk/worldservice/trust/pdf/bbc_world_service_trust_pb4... · ayaa inqilaab ku qabsaday waxaana horkacayay Maxamed Siyaad Bare. Dhaqdhaqaaq xoriyadeed

Dhiiga iyo geesinimada saxaafada SomaliayaWaa arrin dhiira gelin u baahan in aad wariye ahaato Soomaaliya. Warbixin ay soo saartay ururka saxafi yiinta aan xuduudka laheyn ayaa lagu sheegay in “Soomaaliya waa dalka Afrika loogu dilista badan yahay saxafi yiinta,” jirdil xitaa waalaga soo wariyay waxaa kale oo laga soo wariyay in saacadaha shaqade ee saxafi ga uu yahay mid aad u badan. Kadib dhicidii xukumadii Siyaad Bare waxaa hoos u dhac ku yimid waxbarashada qaasatan tii saxaafada, walow ay jirtay in mararka qaar ay taba’baro helaan saxafi yiinta.

“Hadii aad saxaafada ka shaqeyso Soomaaliya waxaa lagu jiraa xiliyadaadii ugu adkaa. Dalka inta badan ee koonfurta waxaa gacanta ku haya kooxda Alshabaab iyo dowladda KMG oo qeybo ka joogta Muqdisho – waa xaalad qun” waxaa sidaa yiri Rashiid Cabdi oo ka mida Kooxda Xasaradaha Aduunka (ICG).6

Xaalka waa uu kasii darayay sanadihii ugu dambeeyay, iyadoo saxafi yiinta la dilayna ay gaarayaan ilaa todoba sanadkii 2007, sagaalna 2009, kadibna sadex kale oo la dilay 2010, dilalkan saxafi yiinta lagu ugaarsanayay ayaa badi waxaa ay ka dhici jireen magaalada Muqdisho oo uu dagaal xarag jiida uu iskala dhexeeyay garabyada dowladda KMG iyo kooxda Alshabaab. Waxaa sidoo kale la soo wariyay in ay dhacdooyinkale oo tacadiyo loogu geystay saxafi yiin in ay ka dheceen bartamaha koonfurta dalka iyo Puntland iyo wax aad u yar dhanka Somaliland. NUSOJ ayaa sheegtay in dhacdooyinka ugu badan ee saxafi yiinta waxlagu yeeleeyay 2010-kii in ay ka dheceen deegaanada ay ka taliyaan kooxaha islaamiyiinta ah qaasatan meelaha ay joogaan Alshabaab iyo Xisbul Islaam, waxaa intaasi sii raacda goobaha ay iyana joogaan maamulada Puntland iyo dowlada KMG ah.

Iyadoo ay saxafi yiintu la kulmayaan cadaadiska xoogan ee ay shaqadoodu ku qabsan la’yihiin ayaa hadana waxaa ugu sii daran saxafi yada dumarka ah oo qaasatan ka howlgasha goobaha ay joogaan kooxda Alshabaab. Sahra Cabdi oo ah saxafi yad kasoo shaqeysay Muqdisho iyo Kismaayo ayaa tiri, “goobaha ay ka taliyaan islaamiyiinta mayalka adag, wax haweena aniga uunbaa ka jiray oo halkaasi ka shaqeeya, dhowr jeer ayeey iiyeereen iyagoo iga codsaday in aan shaqada joojiyo maadaama ay meel ay ka taliyaan mujaahidiin loo ogoleyn in ay haween wariye ka noqoto hadii kalese isaga guur Kismaayo oo meelahaasi ka shaqeyso, markaan weydiiyay sababta ay sidaas u yiraahdeena waxaa ay iigu jawaabeen codkaaga ayaa dumara sidaas darteed ayaadan wax wara inaad tabiso laguugu ogoleen,” Saxafi yada dumarka ah ayaa marwalba waxaa lasoo gudboonaada tacadiyo kala gedisan waxaase usii dheer in ay qaadato mushaarad mida ugu yar.

“Alshabaab waxaa ay dileen dad badan si tusaale loogu qaato,” ayuu yiri wariye Faarax Lamaane, “dilka qofkaasi

BBC WORLD SERVICE TRUST POLICY BRIEFING #4 NOVEMBER 2011 SIGN UP FOR OUR MONTHLY E-NEWSLETTER: BBCWORLDSERVICETRUST.ORG6

WARBAAHINTA SOOMAALIYA: QAAB DHEXDHEXAAD?

Somaliland iyo Puntland wanaaga maamulo dowliya oo dhab u eg

Ka maqnaashaha dowlad dhexe gobolada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waa mida keentay dilalka saxaafada xorta ah. Saxafi ga ayaa si sahala lagu dili karaa iyadoo go’aankeeda uu kaa gaari karo qofka hubka sita.

Maamuladda Somaliland iyo Puntland ayaa xoogaa nidaam dowliya sameystay, sidaas aytahayna waxaa dhibaato xoogaa ay kasoo gaartaa saxafi yiinta deegaanadaasi ka shaqeysa. “Hadii aad Soomaaliya sadex u kala jarto, sida Somaliland, koonfurta iyo Puntland, waxaa kuu soo baxaaya sadex wax oo kala gedisan,” waxaa sidaa yiri Axmed Abubakar oo ah agaasimaha Universal TV. “Somaliland waxaa jira warbaahino qaasa, waxaa cadaadis ku haya xukumada oo ku qasbeysa in aysan tabin warar lidi ku ah, sidoo kale Puntland. Sidoo kale dowladda oo ka talisa laba jid. (wax bixintan oo la aruurshay ka hor agoosto 2011 inteysan inta badan ka bixin Alshabaab Muqdisho wadooyinkeeda).

Daauud Aweys, waxaa uu ka faaloodaa arrimaha saxaafada una shaqeeya warqabadka BBC ee xaruntoodu tahay Neyroobi ayaa igu waafaqsan: “in warbaahinta Muqdisho ay ku qasban yihiin in ay raacaan awaamiirta kooxaha hubeysan... dhanka Somaliland waxaa laga rabaa in ay raacaan amarka dowladda sababtoo ah dowladda ayaa xukunta saxaafada. Dhanka Puntland waxaa jira warbaahino ay shaqsiyaad leeyihiin balse marwalba waa in aysan dowladda ka careysiin.”

Inta badan Warbaahinta koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waa kuwa gaar loo leeyahay. Somaliland ayaa iyana inta badan warbaahintu ay tahay mid ay dowladu maamusho(sida raadiyow Hargeysa iyo Somaliland National TV SLNTV), waxaa sidoo kale jira in dhanka Puntland ay ka howlgalaan warbaahino si gaara looleeyahay, iyagoo mararka qaarna ay maamulka Puntland oo lagu eedeeyo maamul ad adag. Warbixintii ay soo saartay 2010-kii ayaa NUSOJ waxaa ay ku sheegtay in ay Puntland ku sugan tahay xaalad: “mid kasii dareysa warbaahinta xorta xaaladeeda

iyadoo uu maamulku a caroonayo waxa lagu dhaliilo.” in ka badan 50 saxafi yiina iyo ururo warbaahineed ayaa warqad u diray madaxweynaha Puntland oo laga codsanayay in uu waxka qabto difaaca saxaafada xorta ah.

Maamulka Somaliland ayaan jirin saxafi yiin badan oo lagu xiro dhankooda, balse saxaafada ayaa guud ahaan ah mid kooban oo ay dowladdu maamusho. Bishii Maarso 2011, telefi ishanka Universal ee xaruntiisu tahay London ee afka Soomaaliga ku hadla ayaa laga mamnuucay deegaanadaas. Koonfurta Soomaaliya oo aanan wax xukuna ka jirin ama nidaam ayaa hadana waxaa ka howl gala idaacado aad u badan halka Somaliland ay leedahay hal idaacad oo ay dowladdu maamusho oo ah raadiyow Hargeysa. “raadiyaha qaranka waa mid la koontaroolo oo ay dowladdu iska tijaabiso inta aanan barnaamijyada lasii deyn hadii ay ku jiraan waxyaabo lagu dhaleeceynayo dowladana waa laga saaraa,” waxaa sidaa yiri saxafi Somaliland oo warbixintan lagu wareystay.

Saxaafadu waxaa ay u baahan tahay in ay hesho qawaaniin dhowraya xuquuqda saxaafada. Sadexda gobol ee dalka u qeybsamay ayaa hada leh qoraalo muujinaya xuquuqda hadalka.

Puntland kama nabad gasho warbaahinta. “awood uma lihin in aanu ka hadalno wax siyaasada,” ayuu yiri saxafi kale oo xaruntiisu tahay Puntland. “xitaa waxaa jira gudi u qaabilsan in warbaahintu u xortahay in ay siyada ka hadasho. Mararka qaar xitaa waxaa nasoo waca kooxda Alshabaab oo noo hanjabta waxaana u baqnaa nafteena.”

“Waxaan u baahan nahay sharuuc toosa oo Warbaahineed,” ayuu yiri Burhaan Axmed oo ka mida ururka saxafi yiinta Puntland oo kala shaqeynayay maamulka Puntland sidii loo sixi lahaa qawaaniinta saxaafada. “Puntland waxaa ka jira in lagu tacadiyo xuquuqda saxaada oo ay dowladdu kusoo xad gudubto waxaa kale oo jira in dhanka warbahinta lafteeda ay tacadiyo sameyso.”

6Warbixinta NUSOJ 2010, “Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda Somalia” P 6.

Weriyeyaal ku tababaranaya xirfado farsamo, Hargeysa, Somaliland, Febraayo 2011.

NIC

K R

AIS

TRI

CK

/ BB

C W

ST

Page 7: PB4 Somali Final2downloads.bbc.co.uk/worldservice/trust/pdf/bbc_world_service_trust_pb4... · ayaa inqilaab ku qabsaday waxaana horkacayay Maxamed Siyaad Bare. Dhaqdhaqaaq xoriyadeed

BBC WORLD SERVICE TRUST POLICY BRIEFING #4 NOVEMBER 2011 SIGN UP FOR OUR MONTHLY E-NEWSLETTER: BBCWORLDSERVICETRUST.ORG

WARBAAHINTA SOOMAALIYA: QAAB DHEXDHEXAAD?

la dilay waxaa uu kuu yahay fariin la rabo inaad ku waana qaadatid hadii kale adigaa ku xiga. Ma ahan arrin kale ee waa amar toosa, sida kolkii ay soo rogeen in aanan wax muusiga la shidi karin runtii waa ay shaqeysay dhamaan goobaha koonfurta dalka.”

Caalamka oo dhan, waa dhacdaa in hanjabaado ay kaaga yimaadaan siyaasiyiin ama cadaadis laguugu saaro fulinta qorshooyin gaara, balse ma dhacdo in dil laguugu hanjabo. “kala duwanaashaha danahooda qaasatan kuwa dagaalamaya ee Muqdisho dagaalkooda ka socdo, waxaa dhaceyso in ay cida warka aqrineysa ama soo saaraha in ay toos u soo wacaan iyagoo warkooda lasii deynayo, iyagoo ugu hanjabayana warkaas sii daa hadii kale waa lagu dilaa.”

Sida ay sheegeen NUSOJ, xiligii 2009-kii ilaa 2010, in ka badan 90 saxafi yiina ayaa dalka dibada kaga baxay ayagoo ka cararaya cagajugleyn marwalba u iman jirtay. Tacadiyada ugu badan ee saxaafada waxaa ay ka iman jirtay inta badan dhanka islaamiyiinta mayalka adag walow ay jirtay tacadiyo kooban oo iyana ka iman jiray dhanka Puntland iyo dowladda KMG.

Saxafi ga ayaa qatar weyn ku jira Soomaaliya iyadoo dalalka qaar saxaafadu ay dhibaato kala gedisan ay la kulmaan. “Uma maleynayo in saxaafad la mida tan ka jirta Soomaaliya in aad ka heleyso sida ay u adkeysatay caalamka kale,” waxaa sidaa yiri Rashiid Cabdi (ICG). “Dadbadan baa qaxay balse weli waxaa jira kuwa badan oo shaqadooda wata iyagoo sheegayna in ay u dhimanayaan difaaca warbaahinta xorta...kuwaas waxaan u hayaa tixgalin gaara markey noqoto saxaafada Soomaalia.”

Waxaa ay saxaafadda Soomaalida oo taariikho kala gedisan soo martay marka laga hadlaayo kaligiis taliye Siyaad Bare, dagaal ooge, iyo Alshabaab. Wariyaha ayaa ah mid ku dhiiran difaaca iyo adkeynta shaqdiisa saxafi nimo.

Aqoonta warbaahinta ee dalburburay Xiligii aysii dhaceysay xukumadii Maxamed Siyaad bare, waxaa jiray baahi ay qabiiladu u qabeen in ay guulahoodu baahiyaan. Dadweynaha waxaa ay xiligaas iyo wixii ka dambeeyay ay muujiyeen in wararka ay helayaan ay in ay noqdaan kuwa lagu kalsoonaan karo, kuwa kalsoonida ay muujinayaan ayaa ah idaacadaha soo tabiya aqbaaraadka kala gedisan meel laga heli karo.

Baaritaan aysameysay BBC WST ayaa lagu ogaaday dalka Soomaaliya ee ay dagaaladu daashadeen in ay haatan jeclaanlahaayeen isqab-qabsiga ay saxaafadu ukala warqaado siyaasada in shacabku ay jeclaan lahaayeen in ay arkaan doodo halmeel u wada socda.

“Waxaan u maleynayaa in ay kuwa aad u isticmaala warbaahin casriah” waxaa sidaa yiri Cumar Qadi oo u shaqeeya UNDP. Hadalkan ayaa waxaa uu u dhacayaa sida ay dadbadani ay qabaan oo ay BBC WST la hadashay qaasatan midka mida dumarkii aanu la kulanay.

Soomaalida oo ah dad ay caadifadoodu aad u sareyso ayaa marka ay dhageystaan idaacadaha sida raadiyaha ama ay daawadaan talefi ishanka hadii warkaasi uu noqdo mid aysan jecleysan ayaa isla markiiba warkaasi ku sheega in uu yahay mid ay reer galbeedku ka dambeeyaan ama dowladda KMG, waxaase ayku xirantahay hadba warkaasi waxa uu ku qotomo. “Sanadii ugu dambeeyay dagaalada oo marba marxalad galayay ayaa laga dareemayaa kala duwanaan shaha qolo walba” waxaa sidaa yiri Maxamed Cadow oo ah wariye ka mid Aljazeera. “Weli wey jirtaa

barabagaanka afkaaraha ay isku adeegsadaan kooxaha kala ishaya, balse saxaafada ayaa hada soo fahmeysa in ay tahay lagama maarmaan in ay noqdaan kuwa si xirfad hufan ugu shaqeysta shaqadooda.”

Inta badan raadiyowyada Soomaalida qaasatan kuwa ugu dhageysiga badan, ayaa isku daya’ya in ay ka jawaabaan rabitaanka dhageysteyaashooda iyagoo sidoo kale isku day sameynaya sidii ay u dheelatir lahaayeen, waxaa sidaa qaba wakiilka hey’ada ICG oo sheegay in ujeedku yahay sidii ay ugu shaqeyn lahaayeen agendaha qabiilka.

Caga jugleyn, hajabaado iyo awood sheegasho ayaa waxaa ay sababtay in ay xirmaan warbaahintii dhabta wax u tabin laheyd, walow ay jiraan kuwa muujinaya daacadnimo. Awooda raadiyaha ee lagu kalsoonaankaro ayaa ah kuwa soo tabiya barnaamijyada isku dhafka ah, waxaana dadweynuhu ay marwalbaa xushaan warar ay ku kalsoonaan karaan meesha ay ka heli karaan, koox ka qeyb qaadatay cilmi baaristan mid ka mida ayaa yiri, “waxaan dhageystaa radio Shabelle hadii ay war qaldan sheegaan isla maalintaas waxaa ay dadka kaga raali galiyaan warkaas sida qaldan u baxay.”

Kalsoonida raadiyowyada ayaa ah mid xadidan dalka oo dhan, mana ahan mid ku xiran oo kaliya koontarool ama deegaanka. “waxaa inta badan raadiyoyadu ay yihiin kuwa ka bad badiya aragtidooda, xitaa marka lagu daro raadiyo Shabelle,” waxaa sidaa tiri mid ka mida dadkii qoraalkan ka ka qeyb galay.

Awooda sida loo arko saxaafada dadku waa ayku kala gedisan yihiin, iyadoo aanan lagu kalsooneen warbaahinta oo idil waxaana taasi ugu wacan kala qeybsanaanta gobolada dalka. Sida qof ku nool Puntland marnaba ma aaminayo idaacadaha Koonfurta oo laga wado Muqdisho kuwa ku yaala, waxaa halkaasi ka dareemeysaa in ay jirto kala qeybsanaan xaga fi kirka siyaasada, kala qeybsanaanta qabiilada. Hadaba taasi waxaa ay keentay in gobol walba uu sameysto idaacad u gaara...Saxaafada dhabta ah ee ay dadka Soomaalida ku kalsoon yihiin ayaa ah BBC Somali, waana isha kaliya ay Soomaalida warka kukala helaan kadib burburkii ku yimid dowladii dhexe ee Soomaaliya 1991-dii, waxaa sidaa yiri Daa’uud Aweys oo ka mida warqabadka BBC. Saxaafada Somaliland ayaa ah kuwa wadaniyadu ku weyntahay iyagoon aanan marnaba soo tabin wararka lidiga ku ah maamulka, sida ay ku ogaatay baaritaan ay sameysay BBC World Service Trust.

Warbaahinta Soomaalida guud ahaan waxaa ay is dayayaan sidii ay warar xaqiiqo ah usoo bandhigi lahayeen mararka qaar, sida raadiyo Shabelle beejkiisa internetk ayaa waxaa ay badi kusoo bandhigaan dhacdooyinka wararka iyagoo isla markaasna wararka dagdaga ahna kusoo baahiiya internetka beejka ay ku leeyihiin, ayuu yiri Daauud Aweys.

‘Shabelle waxaa ay tusaale fi ican u tahay saxaafadda Soomaalida iyagoo dhawaana soo dagay goob cusub si ay dhexdhexaad ugu ekaadaan’ waxaa sidaa yiri Rashiid Cabdi oo ka mida hey’ada ICG. “idaacadaha Soomaaliya ugu tayada badan ayaa ah Shabelle iyo Horn Afrik… qabiilo ayey ku tiirsan yihiin walow ay aad iskugu dayaan sidii ay dhexdhexaad u ahaan lahaayeen, BBC-da ayaa kala shaqeysa dhinacyo badan iyadoo ay dhawaana muteysteen abaalmarin oo ay gudoonsiisay hey;ada suxufi yiinta aan xuduudka laheyn.

7

Waxaan aaminsanahay in raadiyayaashu ay kaalin ku leeyihiin kor u qaadista wacyiga dadka, iyadoo ay mararka qaarna dhacdo in laguwareero. Raadiyaha ay BBC la shaqeyso ayaa mararka qaar laba dhinac u muuqda iyadoo aytaasi horseedeyso wacyi kor u qaadis.

Page 8: PB4 Somali Final2downloads.bbc.co.uk/worldservice/trust/pdf/bbc_world_service_trust_pb4... · ayaa inqilaab ku qabsaday waxaana horkacayay Maxamed Siyaad Bare. Dhaqdhaqaaq xoriyadeed

Kaalinta BBC ay ku laheyd warbaahintaan ayaa aheyd mid sare u qaadey shaqadooda iyadoo aanan aheyn uun wararkooda sidii ay u sugu lahaayeen, “waxaan aaminsanahay in raadiyayaashu

ay kaalin ku leeyihiin kor u qaadista wacyiga dadka, iyadoo ay mararka qaarna dhacdo in laguwareero. Raadiyaha ay BBC la shaqeyso ayaa mararka qaar laba dhinac u muuqda iyadoo aytaasi horseedeyso wacyi kor u qaadis,” ayuu yiri Rashiid Cabdi.

Raadiyaha: Ganacsiga warbaahinta hadalka Awoodda Saxaafadda inay bedbaaddo iyo inay horumar sameyso waxa ay ku xiran tahay in lacag la siiyo. Saxaafadda waxay ku socotaa in la siiyo taageero dhaqaale(oo ay ka hesho nidaam deeq guud ama dano qaas ah ama shaqsiyaad wada hawlgal saxaafadeed): ama xayeysiin

(Taasi oo ay ku xiran tahay gaarista tiro badan oo dadka wax xayeysiinaya ay daneynayaan). Sida kor lagu xusay, laga soo bilaabo Siyaad Barre ilaa Qabqablayaashii dagaalka ilaa al-Shabaab, xoogag badan ayaa baadigoobay in saxaafadda ay u isticmaalaan inay ku hormariyaan dannahooda kooban. Dhanka dhaqaalaha, si kastaba ha ahaatee, saxaafad hal dhinac ah ama xag jir ah waxa u muuqataa mid ka sii yaraaneysa Soomaaliya, sababta ugu weyna waa dadka oo aan dooneyn. Doorka caadiga ah ee saxaafadda,

gaar ahaan Raadiyaha, ee bulshada Soomaaliyeed waxaa meel kore sii geeyay fi kradaha xagjirnimada – taasi oo aan gabaabsi ahayn – ayna caddahay inaan loo baahneyn. Soomaaliya, ugu yaraan haddii loo dhaafo aaladaheeda, suuqa idaacadaha waxay u egtahay inay u jeestaan dhinaca qunyar socodnimada.

Soomaaliya ugu yaraan dhanka kale waxbaa ka jira, ganacsiga nuucaase waxaa dan uu u yahay hogaamiyeyaasha dagaalka oo idaacado ay sameysteen ku haga dadka ay isku heybta yihiin si ay u helaan kalsoonida qabiilkooda. Qaab dhismeedka qabiilada Soomaalida waa mid isku qasan marka loo eego qabiil yar oo laakiin kaalin weyn leh.

Si loo abuuro dhageysteyaal daacad u ah siyaasi weydhib badan tahay , qaasatan marka leen siyaasadeed uu isku dayo inuu jeexdo. Dhageyste yaashu waxaa ay marwalba dhageystaan idaacadaha leh barnaamijyada kala gedisan. “Waxaad arkeysaa raadiyo buun buuninaya danaha qabiilka taas oo markaas idacadaasi ku keentay in ay wax xayeesiina waayaa,” waxaa sidaa yiri Cumar Qadi oo UNDP u shaqeeya.

Waxaa jira doodo oranaya hal adeega ay Alshabab kula kacdo saxaafada, ayaa hadana waxaa jira isku day ay warbaahinta qaar ay sameynayaan ee ah sidii ay warar dhexdhexaada u heli lahaayeen kuwaas oo ganacsigooduna uu ku xiran yahay, waxaana ka mida kuwa aadka loo dhageysto sida Shabelle iyo Horn Afrik, walow ay Alshabab isku dayeyso sidii ay u xakameyn laheyd saxaafada madaxa banaan.

“dadku ma dhageystaan idaacadaha ay maamulaan Alshabaab”, waxaa sidaa yiri Rashiid Cabdi oo ka tirsan ururka Xasaradaha Aduunka, “Badi idaacadahaasi waxaa ay siidayaan barnaamijyo diiniya oo u badan tafsiirka Quraanka oo ay badi aqriyaan masuuliyinta Alshabab....Waxaanu weydiiney dadka Kismaayo ku nool in ay dhageystaan idaacadahaas ayey noogu jawaabeen in aysan dhageysan”.

“Dadku badi ma helikaraan warar dhexdhexaada, waxaa ay idaacadaha ay islaamiyiinrtu gacanta ku hayaan waxaa ay siidayaan uun wararka ku saleysan dagaalada ay ku jiraan ee aykaga soo horjeedaan dowladda KMG... balse dadku si qarsoodi ah ay u degaystan wararka dheelitiran ee baahiso lama afka somaaliga ee BBC da iyo VOA.” waxaa iyana sidaa tiri Sahra Cabdi oo suxufi yad ah.

Idaacadaha ku dhex shaqeeya goobaha ay Shababku ka taliyaan lagama ogola in aysiidayaan heeso balse waxaa loo ogol yahay uun barnaamijyada diiniga ah. Warbaahinta waxaa xanibaadahaasi ay u keeneen in ay lumiyaan xayeesiinadii ay ganacsatada ka heli jireen. “dhibka ugu weyn ee Warbaahinta soo gaaray ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay ugu darnaa mamnuucidii heesaha ay kusoo rogeen Shabaab”, waxaa sidaa yiri Daauud Aweys oo ka mida warqabadka BBC oo xaruntiisu tahay Neyroobi.

Barnaamijyadda iidhehda ee ay idaacaduhu u isticmaalaan daqliga kasoo gala kala socodsiinta idaacada barnaamijyada ka baxa ayaa ahaa kuwa aanan sahlaneyn, xayeesiinada ay idaacadahaasi qaataan ayaa horey u ahaa kuwa daqligoodu yaraa, ayuu yiri Aweys.

Bahdil iyo caga jugleenta soo gaaraya saxaafada ayaa waxaa uu hoos u dhigay shaqadii saxafi ga waxaa kaloo halkaasi ku lumay dhageystayaashu waxa ay ka fi layeen warbaahintaasi.

Idaacadaha soo daaya heesaha ayaa ah kuwa kooban, taas oo ah wax aan la yaab aheyn iyadoo ay ururka Xisbul Islaam mamnuucida heesaha soo rogeen 2010-kii. Qoraaga warbixinta ayaa sheegay in idaacadaha heesaha laga dhageysto ay yihiin kuwa Somaliland iyo radio Xurmo, oo soo daaya jimco walba barnaamijyo uugaaneed. Idaacadaasi qaarkood ayaa 11 saacadood todobaadkiiba soo tabiya barnaamijyada suugaanta.

BBC WORLD SERVICE TRUST POLICY BRIEFING #4 NOVEMBER 2011 SIGN UP FOR OUR MONTHLY E-NEWSLETTER: BBCWORLDSERVICETRUST.ORG8

WARBAAHINTA SOOMAALIYA: QAAB DHEXDHEXAAD?

Dadku badi ma helikaraan warar dhexdhexaada, waxaa ay idaacadaha ay islaamiyiinrtu gacanta ku hayaan waxaa ay siidayaan uun wararka ku saleysan dagaalada ay ku jiraan ee aykaga soo horjeedaan dowladda KMG... balse dadku waxaa ay wararka kale u doontaan idaacadaha afka Soomaaliga lagu baahiyo ee sida BBC iyo VOA.

BBC

WST

Bogga hore ee wargeys Somaliland oo toddobaadle ahThe Horn, June 2011.

Page 9: PB4 Somali Final2downloads.bbc.co.uk/worldservice/trust/pdf/bbc_world_service_trust_pb4... · ayaa inqilaab ku qabsaday waxaana horkacayay Maxamed Siyaad Bare. Dhaqdhaqaaq xoriyadeed

BBC WORLD SERVICE TRUST POLICY BRIEFING #4 NOVEMBER 2011 SIGN UP FOR OUR MONTHLY E-NEWSLETTER: BBCWORLDSERVICETRUST.ORG

WARBAAHINTA SOOMAALIYA: QAAB DHEXDHEXAAD?

9

Telefi shan, teknoolajiga casriga iyo joornaalka

Warbixintan oo aanu diirada kusaarnay raadiyaha oo ah mid kaalin muuqata ku leh bulshada gaar ahaan warbaahinta, arrimaha bulshada iyo siyaasada. Iyadoo ayjirtana warbaahinta kale oo iyana kaalin ku leh bulshada sida telefi shanada iyo internaka.

Telefi shanada ayaa noqday mid kaalin kuleh sadexda qeybood ee uu dalku ukala baxay, hada waxaa jira sagaal telefi shan laba kamidana waxaa la furay 2011-kii. Telefi shanada oo aad u baahantahay in aad koronto heysato ayaa waxaa cariiriya mararka qaar helista korontada. Sida ay inuu sheegeen dadka sadexdiiba mid ayaa daawada bulshada telefi shanada, kuloolanka telefi shanada ee Dowladda KMG iyo Alshabab ayaa waxaa ay muujineysaa sida afkaarahoodu ay ugu adeegsanayaan idaacadaas.

“Telefi shanadan ayaa ah kuwa ku cusub Soomaalida”, ayuu yiri Maxamed Cadow oo ka tirsan warbaahinta Aljazeera. “waxaa ay kuwan soo kordheen sadexdii sano ee lasoo dhaafay, waxa ugu weyn ee ay soo kordhiyeen ayaa ah isku xirka qurba joogta iyo kuwa gudaha Soomaaliya ku nool... Waxaad arkeysaa xayeesiin meherad London kutaal iyo midkale oo ku taal Muqdisho.

“Telefi ishanada soo kordhay ee saterlitka laga daawado uma maleynayo in ay buuxinkaraan kaalintii raadiyaha uu lahaa balse waxaan aaminsanahay in ay saameyn sameenkaraan. Inta badan telefi shadaas waxaa ay xarumahoodu ku yaalaan dalka dibadiisa, midka hada ugu caansan oo ah Universal Tvoo xaruntiisu tahay magaaladda London ayaa soo daaya barnaamijyo heeso iyadoo laga daawan karana goobaha ay gacanta ku hayaan Alshabab”.

JoornaaladaJoornaalka ayaa suuq aan badneyn ku leh Soomaaliya. Iyadoo ayjirtana baahi loo qabo in la helo jaraa’idyo ayaa hadana waxaa farakulul ku haya internetyada wararka qora kuwaas oo kala wareegay xayeesiinadii ay joornaaldu ka heli jireen. “Muqdisho, waxaan xasuustaa jaraa’id soo saaro 1000 xabo oo ay dadku kukala iibsanyaan lacago aad u yar”, ayuu yiri Daauud Aweys. Somaliland ayaa aad looga isticmaalaa joornaalada halka caasimada Muqdishana uu suuqaas yaryahay, Somaliland oo dhaqaalo ahaan fi ican ayaa dadku iibsiga joornaalada uu aad uga sareeyaa dalka intiisa kale.

InternkaSoomaaliya ayaa ka mida dalalka Afrika ugu isticmaalka badan internka taas oo ay ugu wacantahay kala qeybsanaanta dadka ee xaga fi kirka. Baaritaan ay BBC sameysay ayaa lagu ogaaday in dadka isticmaala internetka in ay u dhigmaan inta daawata telefi shanada.

Internetka ayaa badi dadka haga ayaa ah kuwa qurbaha kunool iyadoo ay dad tiradooda lagu qiyaasay 3-malyan oo Soomaaliya ku nool yihiin dalka dibadiisa. Intetnetka beejajka ay Soomaalidu leeyihiin ayaa lagu qiyaasay 200 in ka badan iyadoo inta badan ay jiraana kuwa tayadoodu ay aad u hooseyso.

Hadii aad dadka ku nool Itoobaya weydiisu meeqa ayey dhanyihiin webseytka ay Itoobiyaanku leeyihiin ayaa noqoneysa mid ay dadku kula yaabaan oo ay kugu oranayaan ma samdaadka timid

halka Soomaaliya oo ay dagaalo daashadeena ay kaga horeeyaan, taas oo ay Soomaaliya waxbadan kaga horeyso Itoobiya xagaas.

Qurba joogta Soomaalida ayaa saameyn weyn ku leh gudaha, waxaana jira qurbajoog badan oo aad u xiiseeya saxaafada iyadoo ay qaarkoodna u shaqeeyaan warbaahino caalamiya. “Suxufi yiintaas ayaa marwalba tusaale waxaa ay u yihiin kuwa gudaha ka shaqeeya” ayuu yiri Cabdirashiid Ducaale oo ka tirsan Dahabshiil.

Soomaaliya oo ah dalka ugu isticmaalka badan internetka Afrika ayaa xitaa beejka Aljazeera ee Ingriiska waxaa loogu booqasho badan yahay wararka Soomaaliya waxaa sidaa yiri Maxamed Cadow. Beejajka Soomaalida qaar waxaa wararkooda qora shaqsiyaad aqoonta suxufi nimo ay aad ugu yartahay xitaa marka loo eego kuwa gudaha Soomaaliya jooga, waxaa sidaa isna yiri Burhaan Axmed Daahir oo ka tirsan warbaahinta Puntland, “waxaa ay qoraan warar aan dheeli tirneen iyadoo aanan mararka qaarba qaarkood la ogeyn halka ay ku sugan yihiin” ayuu yiri Burhaan.

“Internetka Soomaaliya waa mid kordhaya. Ma garan karo inta dhabta ah ee beejaj ay Soomaalidu waxku qoran, balse bishii hore 80,000 beej oo Soomaaliya ayaan arkay, waana wax fi ican in ay soo bandhigaan waxyaabaha aysan raadiyaha soo bandhigi kareyn. Waxaa ay heytaan xoriyad ay ugu soo bandhigaan qurbo joogta wararka ka dhaca gudaha Soomaaliya, balse qatarta ugu daran ayaa ah in cidkasta ay iska furato beej ay waxkasta kusoo qoraan taas oo qatar keeni karta,” waxaa sidaa yiri Faarax Lamaane oo tafatire ka ah Radio Barkulan.

“Saxaafad si weyn u kala qeybsan oo sida Soomaaliya kama jirta caalamka,” ayuu yiri Cumar Qaadi. Soomaalida isticmaalka internetka oo aad u sareeya ayaa sii kala qeybinaya. Waxayse ila tahay isticmaalka intertnetka inuu u yahay Soomaalida wax fi ican.

Hadii aad diblomaasiyiinta weydiiso ilaha wararka meesha ay ka helaan ayey kuu sheegayaan in ay ka aqristaan Garow online oo ay maamusho dowladda Puntland ayuu yiri Rashiid Cabdi. Beejajka internetka waxaa ay heystaan xoriyad dheeriya iyagoo aanan ka baqeen wax caga jugleyn ah taas oo fursad siineysa suxufi yiinta gudaha dalka ka shaqeysa, tusaale ahaan beejka Hadhwanaag oo ay wararku isdhaafsadaan raadiyo Shabelle oo Muqdisho xaruntoodu tahay. Waxaa sidoo kale Soomaalida ay leeyihiin beejaj ay soo saaraan qurba joog ku kala nool dalalka Sweden iyo Marekanka iyo dalalkale.

MobileWaxaa dalka haatan ka shaqeeya shan shirkadood oo telefoonada dadka siiya, adigoo hada helikarana nambar kuu gaara. Waxaa jirtay cilmi baadhis la sameeyay 2007-dii dadka heysta mobilada ayaa lagu qiyaasay 7% ilaa 15% iyadoo ay sii kordheysana dadka mobilada qaadanaya magaaloyinka iyo miiga. Iyadoo uu jiro korarkaasi isticmaalka mobiilada ayaa warbaahintuna waxaa ay bilaabeen in ay dadweynaha u sameeyaan barnaamijyo ay qadadka telefoonka kaga qeybgalaan. “ marka aanu barnaamij toosa tabineyno dadka waxaa ay nagula soo xiriiraan fariimaha qoraalka(SMS) kuwaas oo kasoo kala dira Hargeysa, Muqdisho xitaa Musambiig iyo meel walba oo caalamka ah,” waxaa sidaa yiri milkiilaha Universal TV.

Ganacsade ku hadlaya mobile-kiisa meel internet dibedda ka ah oo ku taal Hargeysa, Somaliland.

PET

TER

IK W

IGG

ERS/

PAN

OS

Page 10: PB4 Somali Final2downloads.bbc.co.uk/worldservice/trust/pdf/bbc_world_service_trust_pb4... · ayaa inqilaab ku qabsaday waxaana horkacayay Maxamed Siyaad Bare. Dhaqdhaqaaq xoriyadeed

BBC WORLD SERVICE TRUST POLICY BRIEFING #4 NOVEMBER 2011 SIGN UP FOR OUR MONTHLY E-NEWSLETTER: BBCWORLDSERVICETRUST.ORG10

WARBAAHINTA SOOMAALIYA: QAAB DHEXDHEXAAD?

Tababar,tababar, tababar...waa waxa ay u baahan yihiin,” ayuu yiri wariyaha Aljazeera. “looma baahno tababar oo kaliya balse waa in aqoonta guud korloo qaadaa si loo fahmo sida ay u shaqeyso warbaahinta Caalamka iyo warbinada sida ay u kala shaqeeyaan aduunka.

Caqabadaha Mustaqbalka Sare u qaadista aqoonta warbaahinta ee saxaafada ayaa ah mid hooseysa sida aanu ku ogaanay wareysiyo aanu qaadnay. Laba caqabadood ayaa hortaal saxaafada Soomaalida – cagajugleyn iyo aqoon yari waa labada kaliya ee saxaafadu ku dhibantahay. “Wariyeyaal aad u fara badan oo aqoon lahaa ayaa dalka isaga baxay, wixii ka dambeeyay 2007-diina waxaa aad usoo kordhayay saxafi yiinta kasoo qaxaaya Soomaaliya kuwaas oo badi kasoo qaxay koonfurta

Soomaaliya iyagoo aanan saxaafadda waxbadan kusoo jirin... intooda badan taba’baro ayey ku jireen ayuu yiri wakiilka suxufi yiinta(NUSOJ). Baaritaan ay sameysay hey’ada BBC WST ayaa lagu ogaaday in suxufi yiinta Soomaaliya hada ka shaqeysa ay yihiin kuwa aanan qibrad fi ican laheyn iyagoo 5-sano in ka yar warbaahinta ku jiray.

Baaritaanadii aanu sameynay ayaa waxaa ay muujineysaa in uu hooseeyo aqoonta saxaafada labada dhinacba iyadoo aysan jirin saxafi si rasmiya usoo bandhigi kara qaabka loo daba galo wararka.

Aqoontaasi yar ayaa waxaa ay kentay in ay jirto baahi looqabo sidii korloogu qaadi lahaa aqoonta saxaafada qaasatan dhinacyada dowladnimada,

kala duwanaanshaha lab iyo dhadig iyo qaxootiga.

“Soomaaliya oo ah dal ay dagaaladu daashadeen, waxaana ay leeyihiin idaacado badan iyo saxafi yiin tira badan iyadoo aysaas tahay ayaa hadana waxaa aysan weli wax karan saxaafada, waa in lahelaa si kor loogu qaadi karo aqoontooda hadii kale dhib badan ayey ku geesan karaan” waxaa sidaa tiri Sahra Cabdi.

“Dalkan wuxuu isbadalay 1991 dal awood lagu hayay kadibna noqday dal aanan shaci ka shaqeyn..Warbaahinta ayaa ah mida qalalaasaha ugu badan ee caalamka,” waxaa sidaa yiri Cumar Qaadi. Waxaa Cumar uu aaminsan yahay in arinta saxaafada dalka ay laba dhinac midna fi ican midna xuntahay in ay xambaarsan tahay, dhalinyarada saxaafada ku jirta oo sidey rabaan wax u soo tabiya ayaa sababta

mararka qaar in ay colaaduhu sii kordhaan.

“Tababar,tababar, tababar...waa waxa ay u baahan yihiin,” ayuu yiri wariyaha Aljazeera. “looma baahno tababar oo kaliya balse waa in aqoonta guud korloo qaadaa si loo fahmo sida ay u shaqeyso warbaahinta Caalamka iyo warbinada sida ay u kala shaqeeyaan aduunka.”

“waxaan umaleynayaa tababarada ku aadan xuquuqul insaanka, dowlad wanaaga, dhexdhaadnimo ayaa aad loogu baahan yahay,” waxaa sidaa qaba wakiilka NUSOJ. “Wariyaha waxaa loo baahan yahay in la baro xuquuqdiisa iyadoo ay milkiilayaasha warbaahintuna aysan aqoon u laheyn wariyaha xuquuqda uu leeyahay,” waxaa kaloo uu ku daray in qalabka oo aad u liitana ay tahay caqabadaha hoyaala saxaafada. Baaritaan ay sameysay BBC WST ayaa lagu ogaaday in arintaasi ay sax tahay maadama aysan qalabka fi icneyn ayaa hadana internkana uu yahay mid liita.

Ururka midowga suxufi yiinta ayaa qaba taba’barada in ay kor u qaadeyso saxaada, xitaa hadii ay ka howlgalaan goobaha ay maamusho Alshabaab oo ay kala kulmaan caqabadaha ayaa hadana ay kaalin ka qaadan karaan. “warbaahinta ayaa si weyn uga warantay arimaha abaaraha iyo qaxootiga, anagoo ah ururka suxufi yiinta ayuu yiri waxaan saxaafada siinay taba’baro shaqadooda u sahla sidii ay ku gudan lahaayeen. Saxafi ya marnaba ma luminkaro dhexdhexaadnimadiisa hadeyjirto cabsi ama musuqmaasuq,” waxaa sidaas yiri midka mida ururka NUSOJ.

Abaaraha hada ka jira Soomaaliya ayaa saxaafadu kaalin muga ayka qaadatay kadib markii sida ay sheegeen saraakiisha ururka suxufi yiinta Soomaalida NUSOJ ay bilaabeen in ay kasoo waramaan. Saxaafada waxaa si weyn looga dhex arkaa musuqmaasuq weyn iyadoo aytaasi aanu la wadaagno ayeytiri NUSOJ dalal badan oo Afrikaana.

Cabdishakuur Mire oo ka mida Somali Channel musuq maasuqa Soomaalida ee saxaafada ayaa ah wax iska caadiya iyadoo lagu magacaabo (sharuur) iyadoo lacagtaasina uu saxafi ga uu tabiyo wixii uu lacagta ku qaatay, ayuu yiri C/shakuur Mire.

Kor u qaadista aqoonta warbaahinta qaasatan sufi yiinta waa mid baahi loogu qabo, iyadoo si degdeg ahna wax in loga qabtana loogu baahan yahay si wax soo saarka warbaahintu ay micno u sameyso.

Qataraha saxaafada ka howlgasha goobaha dhibka loogu geysan karo ayaa ah kuwa cajiiba, marka laga hadlay sida loogu xadgudbo saxafi ga ayaa ah mid baahsan, safi yiinta ka qeybgashay warbixinta ayaa ku waramay in tacadiga loogeysto wariyaha uu yahay mid aysan wax xuquuqa laheyn iyadoo ay milkiileyaasha idaacadahana mararka qaar si bilaasha in loogu shaqeeyo ay doonayaan oo ah in ka badan 15 saacadood. Idaacadahaasi oo qandaraasyo ka heysta hey’adaha Qaramada Midoobey lacagahaas ay qandaraaska ku helaana aysan wax mushaarado ahan kasiin suxufi ga u shaqeeya. Sida uu sheegay Maxamed Cadow oo Aljazeera u shaqeeya saxafi ga gudaha dalka ka shaqeeya wax xuquuqa ma helo, iyadoo aaney wax damaanad xaga amaankoodana aysan heysan ayaa waxaa ay ku qasbanaadaan in ay helaan wax amaankooda suga.

Waa ay adagtahay dal sidan oo kale baahi weyn u qaba in laga hirgalsho hey’adaha u dooda saxafi yiinta, waxaa sanadihii lasoo dhaafay aad u batay ururada loo abuurayo saxaafada kuwaas oo aanan waxba u qaban iyadoo ay deeq bixiyeyaashuna ay taageero dhaqaale siiyaan hey’adaha banaanka jira, iskusoo duuduub, ururadan ma ahan kuwa ka turjumaya baahida saxafi ga sida ay ku sheegeen koox ay soo abaabushay BBC WST oo xog lagu uruurinayay.

“Ma heystaan badi wax awood ah oo ay ku difaacaan wariye la xiray waana ay ka been sheegaan iska daa in ay difaan” sidaa waxaa yiri mid ka mida saxafi yiintii aanu wareysanay. Ururadan magaca saxaafada ku shaqeysta ayaa badi dhaqaale doona oo aykaga raadsadaan hey’adaha waxbaxsha.

Wadashaqeynta hey’adahasi ayaa ah mid liidata waxaana dhiba si loo helo hal cod oo u dooda saxafi yiinta dhibaato hadii ay ku dhacdo, waxaa sidaa qaba sarkaal ka tirsan hey’ada UNDP

Sarkaalkan UNDP ka tirsan ayaa qaba saba’baha ku kalifa shaqsiyaadka ururada saxaafada sameysta in ay tahay sidii ay dhaqaalo ku abuuran lahaayeen ama ayka shaqeeyaan dalka dibadiisa. Intabadana waa ururo been abuura, waxaase kuwaasi dhaama oo shaqeeya ururada xuquuqul insaanka.

Deeq bixiyeyaashu waxaa ay rabaan in ay helaan urur saxa oo ay ku mideysan yihiin suxufi iyinta Soomaalida. Rashid oo ka tirsan hey’ada xasaradaha (ICG) ayaa sheegay inuusan hada arkin wax midow ah oo dhexmari kara ururada saxafi yiinta. “waa wax aan rajo laga laheyn in la arko ayagoo mid ah...waxaase dhicikarta in Soomaalida ayba ku dhanyihiin waxmid ah.”

Caqabadaha caawinta saxaafada Soomaaliya

Page 11: PB4 Somali Final2downloads.bbc.co.uk/worldservice/trust/pdf/bbc_world_service_trust_pb4... · ayaa inqilaab ku qabsaday waxaana horkacayay Maxamed Siyaad Bare. Dhaqdhaqaaq xoriyadeed

BBC WORLD SERVICE TRUST POLICY BRIEFING #4 NOVEMBER 2011 SIGN UP FOR OUR MONTHLY E-NEWSLETTER: BBCWORLDSERVICETRUST.ORG

WARBAAHINTA SOOMAALIYA: QAAB DHEXDHEXAAD?

11

Kor u qaadista aqoonta warbaahinta qaasatan sufi yiinta waa mid baahi loogu qabo, iyadoo si degdeg ahna wax in loga qabtana loogu baahan yahay si wax soo saarka warbaahintu ay micno u sameyso.

Xagee halkan looga dhaqaaqi karaa Sadex qodob ayaa muhiima oo aan horayna usoo xusnay: Ilaalinta saxaafada xorta, qaasatan taageerida ururada saxafi yiinta, in laga taageero sidii aqoontooda kor loogu qaadi lahaa.

Qoraaladan aanu idiin soo gudbineyno ma ahan ujeedkooda in aan saxaafada Soomaalida u sameyno qaabka loo caawin lahaa warbaahinta Soomaalida, balse waxaanu ku ogaanay cilmi baarista in loo baahan yahay dhowr qodob oo muhiimad leh:

• Waa in mudnaanta koowaad lasiyo tageerada warbaahinta: warbixinta ayaa ku talineysa in saxaafadu ay u baahan tahay laga saacido sida warka loo hagaajiyo. Waa in la helaa taageero hurumarineed oo laga saacidayo saxafi nimada..

• Lahaanshaha iyo ururo: Mustaqbilka saxaafada Soomaalida waxaa abuuri kara saxafi yiinta Soomaaliyeed. In la helo taageerada waxaa loo baahan yahay in dalka laga hirgalsho wax la qaadan karo, walow ay taasi dhib badan tahay. Waa in saxaafadu ay heshaa barnaamij laga caawinayo sidii ay sumcadii ay bulshada ku lahaayeen dib ugu soo noqon laheyd.

• Ka saacidida xaga sharciga: si sharci loo helo waa ay adagtahay Soomaaliya qaasatan koonfurta dalka oo aanan wax sharciya ka shaqeyn. Deeq bixiyeyaasha ayaa ku dhiban sidii sharci loogu heli lahaa ururada iyadoo la dhowrayo qodobka (Artickle 19) sida ururka NUSOJ, oo heli kara qodobadii ay waxku saacidi lahaayeen (sida sharci soo baxay 2007 oo sheegaya in la buunbuunsho diinta Islaamka). Maamuladii kala gedisnaa ee uu dalka soo maray ayaa midkasta waxaa uu cagta ku hayay saxaafada in ay horey u socoto iyagoo aanan dhowreen xoriyada saxaafada. Sidee loo suura gelin karaa xoriyad, shaqo xirfadleh iyo kala duwnaanshaha warbaahinta, waxaa jira maamulada qaar in ay aad uga soo horjeedaan in ay xoriyad damaanad qaada siiyaan saxaafada waana waxa sida rasmiga ah loogu baahan yahay in sharci kala haga maamulka iyo saxaafada la helaa.

• Qorshe isku xir ah: Beejajka internetka Soomaalida ayaa ah kuwa ugu daran ee uu isdhexyaaca ka jiro. Tira ka mida saxaafada gudaha oo ku xiran ururo, hey’ado caalamiya oo saxaafada ku taxaluqa iyo qoraaga warbixintan ayaa ah kuwa u midoobay oo dhamaantood isku raacsan in la helo isku xir saxaafada ah.

• Tan Tayadeedu sareyso waa in lacaawiyo warbaahinta: qaar ka mida shaqsiyaadkii ka qeyb qaatay xog uruurintan ayaa sheegay in loo baahan yahay taba’baro kor loogu qaadayo xirfada suxufi nimada in la helaa in ay muhiim tahay sida ugu dhaqsiyaha badan si loo helo mustaqbalka saxaafad shaqadeeda si xirfadeesan u gudan karta. Tababaraduna waa in marka hore laga bilaabaa kuwa loo arki karo in waxa ay bartaana uga sii faa’iideyn kara suxufi yiinta kale kuwaas oo ay ugu horeeyaan kuwa milkiilayaasha ka ah warbaahinta. Sidoo kale waa in kor loo qaadaa kuwa ay wax u bilaaban yihiin in loo dhameystiraa aqoonta saxaafada.

War akhriye ka tirsan Raadiyo Danan, Muqdisho, Abriil 2010.

A24

MED

IA

Page 12: PB4 Somali Final2downloads.bbc.co.uk/worldservice/trust/pdf/bbc_world_service_trust_pb4... · ayaa inqilaab ku qabsaday waxaana horkacayay Maxamed Siyaad Bare. Dhaqdhaqaaq xoriyadeed

WARBAAHINTA SOOMAALIYA: QAAB DHEXDHEXAAD?

12

The BBC World Service Trust (BBC WST) is the BBC’s international development charity. It aims to reduce poverty and promote human rights.

The BBC WST is registered in England & Wales under Charity Commission number 1076235 and Company number 3521587.

Registered office: Bush House, PO Box 76, Strand, London WC2B 4PH, UK.

Tel +44 (0) 20 7557 2462Fax +44 (0) 20 7397 1622Email [email protected] bbcworldservicetrust.org

©BBC World Service Trust

Printed on paper from recycled and sustainable sources

SIGN UP FOR OUR MONTHLY E-NEWSLETTER: BBCWORLDSERVICETRUST.ORG

This briefing is based on research carried out by the BBC World Service Trust (BBC WST) Research and Learning Group between October 2010 and March 2011. Researchers were Jamal Abdi, Hodan Ibrahim, Chris Larkin, Samuel Otieno and Sonia Whitehead. Both the research and the briefing were funded by the European Union, the UK Foreign and Commonwealth Office and the Open Society Institute. This Policy Briefing is one of a series published by the BBC WST’s Policy and Research Programme. Both this programme and the BBC WST’s Research and Learning Group are supported by the UK Department for International Development (DFID). This briefing has been produced by the BBC World Service Trust independently from the BBC and BBC World Service and should not be taken to reflect official BBC policy or the policy of any of its funders.

Written by Jamal Abdi and James Deane.

The authors are particularly grateful for the insights provided by all those interviewed for this briefing. Thanks also to Tirthankar Bandyopadhyay, Kirsty Cockburn, Grace Davies, Yusuf Hassan, Judy Houston, Chris Larkin, Kate Mitchell and Sonia Whitehead as well as Dominik Balthasar. Responsibility for content rests with the authors.

The full research report, An Analysis of the Somali Media Environment(July 2011) is available from the BBC World Service Trust website atwww.bbcworldservicetrust.org

Translation by Said Ahmed Abdilwahid.

Acknowledgments