13
KUSOO DHAWAW GRUMS! VÄLKOMMEN TILL GRUMS somaliska

VÄLKOMMEN TILL GRUMS · yihiin suugaanta dugsiga, koox-aha heesa, hablaha dugsiga ee maarajaanka, kooxaha fanka, iyo kooxaha waxbaaha dhaxal galka ah. Kuwani waxay dulsaar u yihiin

  • Upload
    others

  • View
    2

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: VÄLKOMMEN TILL GRUMS · yihiin suugaanta dugsiga, koox-aha heesa, hablaha dugsiga ee maarajaanka, kooxaha fanka, iyo kooxaha waxbaaha dhaxal galka ah. Kuwani waxay dulsaar u yihiin

KUSOO DHAWAW

GRUMS!

VÄLKOMMEN TILL

GRUMS

somaliska

Page 2: VÄLKOMMEN TILL GRUMS · yihiin suugaanta dugsiga, koox-aha heesa, hablaha dugsiga ee maarajaanka, kooxaha fanka, iyo kooxaha waxbaaha dhaxal galka ah. Kuwani waxay dulsaar u yihiin

HAYE!Waxaan wakhtigan kamid nahay 9,000 ee ruux ee ku nool Dowladda Hoose ee Grums. Waxaan rajaynaynaa inaad ku qanci doonto daganaanshaha halkan iyo inaad heli doonto bilawga ugu fiican ee gurigaaga dowladda hoose. Buuga waxaa ku jira maab, sidoo kale cinwaanka xidhiidh iyo xogta dowladda hoose iyo ganacsitadeeda, daryeelka caafimaad, dhaqanka iyo meelaha lagu nasto, daryeel-ka caruurta, dugsiga, shaqada, fursadaha waxbarasho, xidhiidhka, iyo guryaynta. Waxaa sidoo kale kujira xogta cida aad la xidhiidhayso haddii aad wax su’aal ah qabtid. Waxaan rajaynaynaa inaad ka heli doontid Grums, dawladda hoose ee ku taalla duleedka Lake Vänern ee deegaanka Karlstad

Macluumaadka buuggan waxaa la diyaariyay 2016 waxaana Diyaarisay Dowladda Hoose ee Grums Waaxdeeda Korniinka Sawirka dusha: Øyvind Lund Farshaxan: Anna Svedlund Sawirada: Øyvind Lund, Johan Carlsson, Tony AxelssonDaabacaad: Strokirk-Landströms AB

Page 3: VÄLKOMMEN TILL GRUMS · yihiin suugaanta dugsiga, koox-aha heesa, hablaha dugsiga ee maarajaanka, kooxaha fanka, iyo kooxaha waxbaaha dhaxal galka ah. Kuwani waxay dulsaar u yihiin

XIDHIIDH Boosta: Municipality of Grums, SE-664 80 Grums, SwedenBooqo: Sveagatan 77, Grums Taleefan: +46 (0)555-420 00 switchboard Xafiiska adeegga macmiilka: +46 (0)555-420 67 Iimeel: [email protected] Websayt: www.grums.seBaraha Bulshada: Wixii xog ahee ku saabsan bulshada Iswiidhan,

fadlan booqo www.informationsverige.se, Websaytka dadka dhawaan soo galay Iswiidhan. Websaytku waxa uu ku qoran yahay luuqado kala duwan.

XAFIISKA DARYEELKA MACMIILKAXafiiskaayaga adeegga shicibku (medborgarkontoret) ee xafiiska (kommunhus) ee dowladda hoose ee Grums Shicibku halkan ayay iman karaan haddii ayka qabaan wax su’aalo ah wixii ay dowladda hoose kamasuul tahay. Adeeggaha macmiilka ayaa kugu hagi doonaa cida ay khusayso.

TALOOYIN IYO TILMAAMOXafiiska adeegga macaamiilku waxa uu sidoo kale laftiisa laga helaa xogta dalxiisayaasha, sidoo kale buugaag iyo maabab. Shakhsiyaadka iyo ganacsatadu waxay ka heli karaan jawaabaha su’aalaha ay qabaan badankood xafiiska adeegga macaamiisha ee xafiiska dawladda hoose. Jawaabuhu waxay noqon karaan qaar ah qaab talooyin ama tilmaamo ah, iyo mararka qaar oo ay noqon karaan qaab go’aan. SAACADAHA SHAQADA

Xafiiska dowladda hoose/xafiiska adeegga shicibka/xogta dalxiiska Isniin 08:00 ilaa 17:00 Salaasa ilaa Jimce 08:00 ilaa 16:00 Saacadaha shaqada xagaagii 08:00 ilaa 16:00

Grums kommun

@Grums_kommun

grums_kommun

Bidix ka xigta: Agneta, Venka, and Hans.

Page 4: VÄLKOMMEN TILL GRUMS · yihiin suugaanta dugsiga, koox-aha heesa, hablaha dugsiga ee maarajaanka, kooxaha fanka, iyo kooxaha waxbaaha dhaxal galka ah. Kuwani waxay dulsaar u yihiin

KU SAABSAN GRUMSDawladda hoose waxay ku taalaa degada Värmland. Waxaa dagan dadka ilaa 9,000 oo ruux ah oo ku kala baahsan deegaan 386 oo kiiloomitir isku wareeg ah. Magaalo madaxda dowladdan hoose waa Grums. Magaalooyinkeeda yaryar waxaa kamid ah Segmon, Liljedal, Borgvik, Värmskog, iyo Slottsbron.

DAWLADEENA HOOSE WAXAA MAAMULA SIYAASIYIIN LASOO DOORTAY. Iswiidhan waxay ka kooban tahay 290 dawladood oo hoose. Dhamaan dowladdaha hoose waxaa maamula siyaasiyiin lasoo doortay. Hay’ada maamusha dawladda hoose waxaa dusha kasii haysta gudida maamulka ee degmada. Haddii si kale loo dhigo, hay’adda maamulku waxay hirgal-isaa awaamiirta kasoo fula siyaasiyiinta. Dawladda hoose ayaa kamasuul ah waxyaabaha ay kamidka yihiin: waxbarashada dugsiga kahor, dugsiga ilaa sekendariga, adeegga caafimaad ee dugsiga, adeegga bulshada, daryeelka waayeelka, laybareeriyada, barkadaha lagu dabaasho, dhaqan-ka iyo soo bandhigidda, adeegyo kala duwan oo bulshada ah.

GANACSIGAGrums waxay kamid tahay Karlstad Business Region (KBR). Deegaan-kan waxaa sidoo kale kamid ah Karlstad, Hammarö, Kil, and Forshaga. KBR waxaa shuraako loo aasaasay si ay u koriyaan deegaanka. Waxaa ka jira dawladda hoose ilaa 500 oo shirkadood oo kala duwan, kuwaas oo iskugu jira kuwo shakhsi kaliya leeyahay ilaa kuwo waawayn ah oo sida warshada waraaqaha ee BillerudKorsnäs, taas oo ay u shaqeeyaan 850 ruux. Waaxda korniinku waxay si dhaw ula shaqaysaa shirkadahan taas oo ay booqasho joogto ah ugu tagto oo ay iskugu dubarido hawlo. Ganacsatada, masuuliyiinta, iyo siyaasiyiinta ayaa si wada jir ah uga shaqeeya Gudida Ganacsiga. Xidhiidh: Waaxda Horumarka +46 (0)555-420 54, +46 (0)555-421 46 Booqo cinwaanka: Sveagatan 77

AAGGA MAGAALADA EE DEEGAANKA GRUMSAagga magaalada ee Deegaanka Grums wuu balaadhay maadaama ay ay deegaanka timberka iyo warshadaha waraaquhu balaad-heen, taas oo keentay in ay dow-ladda hoose ee Grums noqoto magaalooyin isku xidhiidhsan. Ilaa 5,200 oo ruux ayaa ku nool aagga deegaanka ee Grums. Badhtamaha magaaladu waxay leedahay tukaanadii iyo adeegya-dii daruuriga ahaa, sidoo kale Goobihii jimicsiga iyo Nasashada. Sawirkani waxa uu tusayaa Leif Haraldsson, Koomishineerka dowladda hoose ee Grums.

SLOTTSBRONSlottsbron waxay koonfur ka xigtaa magaalada Grums. Labada meelood waxaa xidhiidhiya buun-do dul mata Slottsbron Strait. Ilaa 1,080 oo ruux ayaa ku nool halkan.

Page 5: VÄLKOMMEN TILL GRUMS · yihiin suugaanta dugsiga, koox-aha heesa, hablaha dugsiga ee maarajaanka, kooxaha fanka, iyo kooxaha waxbaaha dhaxal galka ah. Kuwani waxay dulsaar u yihiin

BORGVIKBorgvik waxay kamid tahay magaalo dhaqameedyada dhaqankooda aadka loo ilaaliyay ee Iswiidhan ee taariikhda diriqa ku leh. Deegaanka ku xeeran ee quruxda badan waxa uu soo jiita dadka badan oo soo booqda, gaar ahaan newlyweds. Borgvik waxay ku taalaa du-leedka Borgvik Lake, taas oo ilaa 15 kiiloomitir galeed ka xigta magaalada Grums. Waxaa dagan ilaa 350 ruux.

VÄRMSKOGVärmskog waa duleedka Lake Värmeln, waxay 20 kiiloomitir dhanka waqooyi galbeed ka xigtaa magaalada Grums. Waxaa dagan ilaa 650 ruux. Bulshadu waxay goob la iskugu yimaado ku leedahay Liljenäs, halkaas oo dugsiga iyo xarunta bulshaduba kuwada yaallaan.

SEGMONXagaa kasta dadka deegaanka Segmon waxay soo bandhigaan Xaflada kaliya Muusiga folk iyo rook ee Iskaandhiniifiyaanka ka dhacda. Segmon waxay ku taalaa toban kiiloomitir bariga magaalada Grums. Ilaa 400 oo ruux ayaa dagan badhtamaha Segmon. Maamulka Tuulada Segmon waxay leeyihiin xafiis degmo oo qaabka dabakaayooyinka oo kale ah oo loo yaqaan “badhtamaha”.

LILJEDALLiljedal waxaa tuulo cajiib ah oo ku dhaw Ransundet iyo Lake Vänern. Liljedal waxay ku taalaa duleeed-ka Lake Vänern, waxay toban kiiloomitir ka xigtaa koonfur Grums. Celcelis ahaan ilaa boqol ruux ayaa ku nool deegaankan jawiga nabada ah leh.

Page 6: VÄLKOMMEN TILL GRUMS · yihiin suugaanta dugsiga, koox-aha heesa, hablaha dugsiga ee maarajaanka, kooxaha fanka, iyo kooxaha waxbaaha dhaxal galka ah. Kuwani waxay dulsaar u yihiin

TAAKULAYNTA IYO DARYEELKADowladda hoose ayaa kamasuul ah inay bixiso daryeelka bulsho ee ugu fiican, daryeelka caafimaad, iyo adeegyada dhamaan dadka dagan. Ama yaraw ama waynaw, waxaad heleysaa caawi-madii iyo taakuladii aad u baahnayd.

DARYAAL SHAKHSI AHAANEED IYO KA QOYSQofkastaaba waxa uu u baahan karaa caawimo iyo taakulayn. Markaad doonto waxaad noogu iman kartaa Daryeelka Shakhsiga iyo Qoyska si aad talo iyo taakulayn u hesho Dhawr haayadood ayaa wadaaga masuuliyada dadka soo galootiga ah ee ku cusub Iswiidhan. Dowladda hoose waxay la shaqaysaa Arbetsförmedlingen, Hay’da Socdaalka Iswiidhan, iyo dhawr haayadood oo kale si ay joogitaan-kaaga dowladda hoose uga dhigaan ka ugu fiican, intaad doontaba aad joogtide. Saacadaha qaabilaada: Isniin ilaa Jimce 09:00 ilaa 15:30, Arbaca 13:00 ilaa 16:30, waxay xidhan tahay saacada qadada inta u dhaxaysa 12:00 ilaa 13:00 Taleefan: +46 (0)555-422 82 maalmaha fasaxa 09:00 ilaa 15:30, adeegga lahadalka: +46 (0)70-328 34 98 Isbiin ilaa Khamiis 08:00 ilaa 16:30, Jimce 08:00 ilaa 16:00. Cinwaanka booqashada: Sveagatan 77

XARUNTA DARYEELKA CAAFIMAAD & FARMASIYADAMaamulka degmada Värmland ayaa kamasuul ah daryeelka caafimaad. Qof iminka soo galay ahaan, waxaad leedahay daryeel lamid ah daryeelka ay heleyaan dadka kale. Waxaa jira laba xaru-mood oo daryeelka caafimaad ah oo ku yaallaGrums. Wax kasii badan ka akhri www.1177.se.Xarunta Daryeelka Caafimaad ee Grums Taleefan: +46 (0)555-432 22 Cinwaanka booqashada: Gamla vägen 89Xarunta Daryeelka Caadimaad ee Cusub ee Grums Taleefan: +46 (0)555-78 41 20 Cinwaanka Booqashada: Sveagatan 100Grums waxa ay sidoo kale leed-ahay farmasi aad ka iibsan karto dawooyinka dhakhtarku kuu qoray iyo agabkii kale ee caafimaad.

La hadal 1177 wixii talo iyo taakulayn caafimaad ah si aad u hesho daryaalka caafimaadka ee munaasibka ah. Furan 24/7. Xarunta gurmadka degdegga ah ee ugu dhaw waxay ku taalaa Karlstar. Xaalada nolosha khatarta ku ah, la hadal 112.

DARYEELKA ILKAHA Grums waxay bixisaa daryeel ilko oo gaar ah iyo mid shicib. Folktand-vården Grums waxa uu siiyaa daryeel ilko dadka waawayn iyo caruur-ta. Wakhti hore lasii xidhiidh haddii aad u baahan tahay turjumaan. Taleefan: Folktandvården Grums +46 (0)555-432 90 Cinwaanka booqashada: Gamla vägen 89

Page 7: VÄLKOMMEN TILL GRUMS · yihiin suugaanta dugsiga, koox-aha heesa, hablaha dugsiga ee maarajaanka, kooxaha fanka, iyo kooxaha waxbaaha dhaxal galka ah. Kuwani waxay dulsaar u yihiin

MAABKA GRUMS BADHTAMAHA

XARUNTA DARYEELKA CAAFIMAAD EE GRUMSGAMLA VÄGEN 89

JÄTTESTEN DUGSIGAMLA VÄGEN 122

BARKADA DABAASHA IYO HOOLKA CIYAARAHA EE GRUMSÅSGATAN 26

GRUVANSVEAGATAN 118

GAROONKA CIYAARAHA FUDUD

GAROONKA KUBADA CAGTA

JIMICSIGA BARAFKA DUSHIISA

LIT TRACK

JIIMKA BANAANKA

GAROONKA KUBADA TEENISTA

FOLKTANDVÅRDEN GRUMSGAMLA VÄGEN 89

XARUNTA DARYEELKA CAAFIMAAD EE CUSUB EE GRUMSSVEAGATAN 100

ISTAANKA BASKA IYO TAREENKA

SVEA PARK

KINIISADA SOLBERG

VÄXTRIKET, WAXBARASHADA DUGSIA KAHOR EE SHICIBKASVEAGATAN 61

XARUNTA DAB DAMISKA

GAROONKA JIMICSIGA DHALINYARA EE GRUMSÅSGATAN 20

WAXBARASHADA DUGSIGA KAHOR

WAXBARASHADA DUGSIGA KAHOR

DUGSIGA FARSHAXANTA ÅSGATAN 22 B

ARBETSFÖRMEDLINGENSVEAPLAN 4

XAFIISKA DOWLADDA HOOSE EE GRUMSSVEAGATAN 77

KIRADA GURYAHA GRUMSÅSGATAN 7

LAYBAREERIGA GRUMSSVEAGATAN 77

SHANEEMADA

FARMASIGA

Page 8: VÄLKOMMEN TILL GRUMS · yihiin suugaanta dugsiga, koox-aha heesa, hablaha dugsiga ee maarajaanka, kooxaha fanka, iyo kooxaha waxbaaha dhaxal galka ah. Kuwani waxay dulsaar u yihiin

DHAQANKA IYO JIMICSIGAWaxaa jira waxbadan oo la qabto iyo ladaawado dowladdan hoose. Waxaad ergaysan kartaa oo aad akhrisan kartaa buugaag, waxaad booqan kartaa carwada, waxaad ku biiri kartaa kooxaha dadka ee aad wadaagtaan hobiyada, waxaanad ku raaxaysan kartaa ku dhawaanshaha biyaha iyo kaynta dowladdan hoose

FAAKIHAYSIGAFaakihaysigu waa qayb wayn oo kamid ah nolosha maalintii, waxaana jira waxyaabo kala duwan oo faakihaysi ah oo ay bixiso. Maadaama oo ay leedahay deegaan ku xeeran oo dabiici ah dowladdan hoose waxaa ka mid ah kooxo fara badan, waxaa halkan laga helayaa wax uu qof walbaaba ku qanco, dadka yaryar iyo waawaynba, sanadka oo dhan. Kooxaha dhaqanka ee Iswiidhan waxay ku dhisan yihiin shaqo ikhtiyaar ah. Badanaa kooxahan waxaa maamulo xubno iyaga ka tir-san. Xoog ku tabaruuciddu waa ka caan Grums. Waxaan rajaynaynaa inaad adiguna ka heli doontid kooxdii kugu haboonayd taas oo kaa caawinaysa inaad asxaab cusub heshid. Meesha ay ku taalo dowladdaayada hoose waxay sahlaysaa in loo dhawaado deegaanka dabiiciga ah. Waxaa jira bad xeeliyo iyo meelo la lugeeyo oo cajiib ah.

LAYBAREERIGU WAA XARUN MIHIIM AHLaybareerigu waxa uu kasoo horjeedaa xafiiska dowladda hoose. Fad-lan booqo laybareeriga si aad u qaadan karto kaadhka laybadeeriga.Kaadhka laybareerigu waa bilaa lacag. Kaadhka waxaad si buuxda ugu heleysaa waxkasta oo laybareerigu bixiyo, sida joornaalada, buugaagta, koombuyuutarada, taabletyada, daabacaada, iyo filimaan-ta. Laybareerigu waxa uu leeyahay Internet bilaa lacag ah.

WAX BADAN AYAY BIXISAADowladda hoose wax badan ayay bixisaa markay noqoto dhaqanka, kuwaas oo ay kamid yihiin suugaanta dugsiga, koox-aha heesa, hablaha dugsiga ee maarajaanka, kooxaha fanka, iyo kooxaha waxbaaha dhaxal galka ah. Kuwani waxay dulsaar u yihiin dhamaan hawyaabihii kale ee la qabanayay. Waxaanu leenahay kooxo fardo raaca ah, ciwaaraha sida hockey, floorball, teenista, badminton, kubada cagta, baraf-ka, dabaasha, lagdinta, ciyaaraha orlinterig, ciyaaraha biaya ayaa ah kuwa laga soo qaadan karo. Waxaa ka jira sidoo kale buuro baraf ah, sheeneemooyin, barka-do lagu dabaasho, jiim, garoonka kubada golofka, kooxaha jimicsi-ga, wadooyinka lagu jimicsado ee kaynta ah, lit taraak, garoomada bowlis, garoonada ciyaarta fris-bee, jiim banaanka ah, sidoo kale dhaw garoon oo lagu ciyaaro. Badi waxyaabahani waa bilaa lacag. Waxaanu leenahay beer isboorti oo cajiibah oo leh Astro-Turf pitch, iyo Lit track taas oo ay ku dhagsan yihiin ciyaarta jogging cidii jecel. Wixii dheeraad ah booqo www.grums.se.

Page 9: VÄLKOMMEN TILL GRUMS · yihiin suugaanta dugsiga, koox-aha heesa, hablaha dugsiga ee maarajaanka, kooxaha fanka, iyo kooxaha waxbaaha dhaxal galka ah. Kuwani waxay dulsaar u yihiin

BARKADDA DABAASHA & HOOLK ISBOORTIGA EE GRUMSBarkada dabaasha iyo hoolka jimic-siga waxa ay bixiyaan waxyaabo kala duwan sida wareega. Barkadda: Barkadda dabaasha 25 x 8.5 m, 27.5° to 28°Barkadda caruurta 10 x 5 m, 33° to 34°Barkada caruurta 0-3 sano, 33°Barkada buufinta, 37°Taleefan: +46 (0)555-422 14 Cinwaanka booqashada: Åsgatan 26

DHIIRI GALI LEH SI AAD JIDH-KAAGA XOOG UGA DHIGTO! Dowladda hoose waxay leedahay jiim banaanka ah oo dhamaan dad-ka dagani bilaa lacag ku isticmaali karaan. Halkan waxaad ku jimicsiin kartaa dhamaan jidhkaaga oo dhan waxaanad hormarin kartaa jimic-sigaaga, quwadaada, iyo dheetitir-kaaga. Dhamaan khatarta jimicsiga ka timaada adaa kamasuul ah. Caruurtu waa in ayna isticmaalin qalabka jiimka iyada oo qof waynu aanu la joogin. Cinwaanka booqashada: Ringvägen 31

LAYBAREERIGA GRUMSLaybareeriga Grums waxa uu qayb ka yahay Bibliotek Värm-land: www.bibliotekvarmland.seIsniin ilaa Khamiis 10:00 ilaa 19:00, Jimce 10:00 ilaa 16:00. Qolka joornaalku waxa uu furan yahay laga bilaabo 08:00. Saacadaha shaqada ee xagaagii: Isniin, Abaca, Jimce 10:00 ilaa 15:00, Salaada iyo Khamiis 12:00 ilaa 18:00Taleefan: +46 (0)555-420 50 Cinwaanka booqashada: Sveagatan 79

DUGSIGA FANKADugsiga fanka ee Grums waxaa qa-canta ku haysa hay’da mutadawac ah. Halkan ayaad heesaha iyo dhaqanka kaga qayb gali kartaa. Taleefan: +46 (0)555-100 50 Cinwaanka booqashada: Åsgatan 22 B

GAROOMADA DHALINYARADA Garoomada dhalinyaradu ku ci-yaaraan way u furan yihiin dhamaan ardayda laga bilaabo fasalka afaraad ilaa dugsiga sare. Taleefan: +46 (0)555-420 51 Cinwaanka booqashada: Åsgatan 20

Page 10: VÄLKOMMEN TILL GRUMS · yihiin suugaanta dugsiga, koox-aha heesa, hablaha dugsiga ee maarajaanka, kooxaha fanka, iyo kooxaha waxbaaha dhaxal galka ah. Kuwani waxay dulsaar u yihiin

CARUURTA & WAXBARASHADADowladda hoose waxay bixisaa waxbarashada dugsiga kahor, dugsiga hoose, iyo waxbarashada dugsiga kadib. Waxbarashada dugsiga sare iyo dugsiyada bilaa lacagta ah waxay ku yaalaan Karlstad iyo dowladda hoose ee kale. booqo www.gymnasium.se wixii xog ee dheeraad ah.

WAXBARASHADA DUGSIGA KAHOR IYO WAXBARASHADA DUGSIGA KADIBWaxbarashada dugsika ka horeysa waxaa loogu talo galay caruurta da’doodu sanad ilaa intay dugsiga bilaabayaan ah. Waxbarashada dugsiga ka horeysa caruurta waxay sayska u dhigtaa in uu ilmuhu waxbarto oo uu koro. Dowladda hoose waxay leedahay toban goobood oo waxbarasha-da dugsiga ka horeysa ah, koobkale waxaa la samayn doonaa afar bilood kadib. Waxaa lasiiyaa dayrtii caruurta sadex jirka noqotay waxbarashada dugsiga ka horeysa oo bilaa lacag ah oo taakulo ah. Waxay noqotaa ilaa 15 saacadood todobaadkii. Waxbarshada dugsiga ka danbaysa waxaa shaqo wadareed loogu talo galay caruurta ku jira marka laga bilaabo waxbarashada dugsiga hortiisa ilaa fasal-ka lixaad taas oo ah wakhtiga aynu dugsiga joogin iyo inta uu dugsigu fasax yahay. Dhamaan dugsiyada ku yaala dowladdan hoose waxay leeyihiin wax-barashada dugsiga kadib. Waxbarashadan sanadka oo dhan ayay socotaa.

DUGSIYADADugsigu waa khasab Iswiidhan in la dhigto sagaal sano. Taas oo macnaheedu tahay inaad xaq u leedahay waxbarasho, sidoo kale waxay ka dhigan tahay inay khasab kugu tahay inaad waxbara-to. Qofkasta oo waxbarashada bilaabayaa waa in uu buuxiyo foom. Dowladda hoose waxay soo diri doontaa casuumaad, taas oo ay la socoto xog. Dadka magan ga-lyo doonka ahi waxay gali karaan waxbarasho lamid ah tan caruurta Iswiidhan.

Waxbarashada dugsiga kahor ilaa fasalka sadexaad: Dugsiga Södra, magaalada Grums Dugsiga Slottsbron, Slottsbron Dugsiga Skruvstad, Skruvstad

Fasalka 4 ilaa 9: Dugsiga Jättesten, Magaalada Grums

BILAA LACAG Dugsiyada Borgvik iyo Värmskog waxay leeyihiin dugsiyo bilaa lacag ah laga bilaabo waxbarashada dugsiga kahor ilaa fasalka lixaad. Waxaa jira laba waxbarashada dugsiga ah oo madax banaan: Nallen ee Värmskog, iyo Skruven ee Skruvstad.

Waxaad isticmaali kartaa foomka ku jira www.grums.se si aad arji waxbarashada dugsiga ka horeyse/ka danbaysa ama aad dugsiga hoose aad u duwaan galiso. Waxa kale oo kuu furan, inaad ka dalban karto foomka dowladda hoose. Mudada arjiga magangalyo doonta, Laanta Socdaalka Iswiidhan ayaa diiwaangalin doonta caruurta sadex jirka ah ama kawayn waxbarashada dugsiga ka horeysa ama dugsiga iyaga oo ogolaansho ka qaadaya waalidkood oo wargalinaya dowladda hoose inay joogaan caruur dowladda hoose.

Page 11: VÄLKOMMEN TILL GRUMS · yihiin suugaanta dugsiga, koox-aha heesa, hablaha dugsiga ee maarajaanka, kooxaha fanka, iyo kooxaha waxbaaha dhaxal galka ah. Kuwani waxay dulsaar u yihiin

GADIIDKA IYO HOYGADowladdan hoose waxay ku taala meel istiraateejiyad ah oo isku xidha magaalooyinka Stockholm, Gothenburg, iyo Oslo. Waxaa jira meelo badan oo ay isku jaraa Haay Weeyada Yurub ee E18 iyo E45.

GOOBTA BADHTAMAHAJaamacada ee Karlstar oo ay dagan yihiin 90,000 oo ruux waxay u jirtaa 25 kiiloomitir ama 20 daqiiqo oo gaadhi wadis ah. Magaalo madaxda Norway ee Oslo waxay u jirtaa 2.5 gaadhi wadid ah. Goth-enburg 220 kiiloomitir ayay u jirtaa Grums, sidoo kale Stockholm 330 kiiiloomitir ayay u jirtaa. Waxay u jirtaa laba saacadood oo tareen ah Gothenburg.

GADIIDKA SHICIBKAWaxay jirtaa Karlstad 30 ilaa 45 daqiiqo oo masaafad bas loo raaco ah. Dhamaan jadwalka waxaa laga heli karaa websaytka Värmland-strafik www.varmlandstrafik.se. Haddii aad doorbido inaad tareen raacdo, booqo www.sj.se.

GURYAHAWaxaad xaq u leedahay inaad degto guri, guri la wadaago oo dabaq ah, ama guri guri dabaq ah oo aad leedahay xuquuqdii kirayste. Marka laga tago shirkada dowladda hoose ee Grums ee guryaynta ee hyres-bostäder AB (GHAB), waxaa jira kireeyayaal kale– wixii faah faahin ah booqo www.grums.se. Taleefan: Grums hyresbostäder AB, +46 (0)555-420 27 Cinwaanka booqashada: Åsgatan 7

VÄXTRIKETVäxtriket waxay il muhiim ah u tahay xogta iyo macluumaad-ka caruurta, dhalinyarada, iyo waalidkooda. Waxay qayb ka tahay dowladda hoose shaqada iyo guryaha kahortaga, iyo waxyaabo kale, waxbarasho dugsiga kahor oo shicib iyo kooxo kala duwan oo caruurta, waalidka, iyo dhalin-yarada ah. Waxaad ka heleysaa tilmaame qoys www.grums.se.Taleefan: +46 (0)555-421 51 Cinwaanka booqashada: Sveagatan 61

WAXBARASHADA DUGSIGA KAHOR EE SHICIBKAWaxbarashada dugsiga kahor ee shicibka waxaa loogu talo galay caruurta da’doodu tahay 0 ilaa 5 jir. Waa bilaa lacag umana baah-nid in aad mudo kahor ilmaha sii diwaan galiso. Khibradaada ayaad nala wadaagi kartaa, booqo maqaayada ilmaha, sidoo kale waxaad heli kartaa kaalmo wixii su’aal ah ama cabasho ah ee aad qabto. Taleefan: +46 (0)555-423 20 Cinwaanka booqashada: Sveagatan 61

Page 12: VÄLKOMMEN TILL GRUMS · yihiin suugaanta dugsiga, koox-aha heesa, hablaha dugsiga ee maarajaanka, kooxaha fanka, iyo kooxaha waxbaaha dhaxal galka ah. Kuwani waxay dulsaar u yihiin

HAY’ADAHA HALKAN U JOOGA SIDAY KUU KAALMAYN LAHAAYEENMarkaad la xidhiidhayso hay’ad, dowladda hoose, ama bixiye daryeel caafimaad, waxaad xaq u leedahay turjumaan haddii aanad ku hadal ama fahmin Iswiidhishka.

ARBETSFÖRMEDLINGEN www.arbetsformedlingen.seArbetsförmedlingen waxa ay caawisaa dadka ku cusub iswiidhan si ay si dhakhso ah ugu heli lahaayeen shaqo ama tobobar.

FÖRSÄKRINGSKASSAN www.forsakringskassan.seFörsäkringskassan waxay qaadataa go’aanka waxayna bixisaa caydha jirta, caydha caruurta, caydha guriga, iyo caydha waaliska, iyo waxyaabo kale.

LAANTA SOCDAALKA ISWIIDHAN www.migrationsverket.seLaanta Socdaalka Iswiidhan waxay eegtaa arjiyada dadka doonaya inay Iswiidhan dagaan ama booqdaan, kuwa doonaya inay ka badbaadaan waxyeelo soo gaadha, iyo kuwa doonaya dhalashada Iswiidhan.

HAY’ADA CASHUURTA ISWIIDHAN www.skatteverket.seHay’ada Cashuurta Iswiidhan waa maamula cashuuraha, cashuurta hantida, cashuurta heer qaran, iyo cashuurta lahaanshaha aqabka. Hay’adu waxay siisaa kaadh aqoonsi ah dadka ka duwaan gashan Iswiidhan.

WAXBARASHADA & SHAQADAWaxaa ku dhaw Grums, oo aad heleysaa Laanta socdaalka Iswiidhan (SFI), Dugsiga sare ee dadka waawayn ee Komvux, dugsiga sare ee dadka waawayn ee ay waxbarashadu ku adag tahay ee Särvux, Kuuliyada farsadama gacanta, iyo Jaamacada Karlstad.

WAXBARASHADA & SFIDadka soo galaytiga cusub ah ee doonaya inay bartaan luuqada Iswiidhishka waa inay lasoo xidhiidhaan maamulka komvux ee dowladda hoose. Maamulka ayaa ku tilmaami doona. Balan hore sii qabso booqashadaada. La xidhiidh Laanta Socdaalka Iswiidhan haddii aad tahay qof magangalyo doon ah oo su’aalna ka qaba waxbarashada SFI. Saacadaha taleefana nalagala soo hadli karaa waa: Isniin ilaa Khamiis 09:00 ilaa 12:00 iyo 12:30 ilaa 15:00, iyo Jimcaha 09:00 ilaa 12:00.La xidhiidh: Maamulka Komvux +46 (0)555-422 35 Cinwaanka booqashada: Sveagatan 61

WAAXDA SHAQADAShaqooyinka waxaa kamid ah mashaariic kala duwan, khibrad shaqo oo wakhtiyada fasaxa ah dadka yaryar, kaalmo shaqaalaysiin, shaqa-da meelaha dadka danyarta ahi galaan (OSA), iyo shaqo la kabo. La xidhiidh: Waaxda shaqada +46 (0)555-420 68 Cinwaanka booqashada: Sveagatan 61

Page 13: VÄLKOMMEN TILL GRUMS · yihiin suugaanta dugsiga, koox-aha heesa, hablaha dugsiga ee maarajaanka, kooxaha fanka, iyo kooxaha waxbaaha dhaxal galka ah. Kuwani waxay dulsaar u yihiin

Dowladda Hoose ee Grums, SE-664 80 Grums, Sweden. Taleefan: +46 (0)555-420 00 www.grums.se

Slottsbron