13
Somali 5/2020 Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611 [email protected] www.tampere.fi Y-tunnus 0211675-2 SHAQOOYINKA XIRFADLAYAASHA DARYEELKA CAAFIMAADKA EE LA SHAQEEYA QOYSASKA CARRUURTA LEH Sawirada bogga hore: Papunetin kuvapankki, papunet.net, Elina Vanninen

SHAQOOYINKA XIRFADLAYAASHA DARYEELKA ......Somali 5/2020 Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611 [email protected] Y-tunnus 0211675-2 SHAQOOYINKA XIRFADLAYAASHA

  • Upload
    others

  • View
    2

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: SHAQOOYINKA XIRFADLAYAASHA DARYEELKA ......Somali 5/2020 Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611 kirjaamo@tampere.fi Y-tunnus 0211675-2 SHAQOOYINKA XIRFADLAYAASHA

Somali 5/2020

Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611

[email protected] www.tampere.fi Y-tunnus 0211675-2

SHAQOOYINKA XIRFADLAYAASHA DARYEELKA CAAFIMAADKA EE LA SHAQEEYA QOYSASKA

CARRUURTA LEH

Sawirada bogga hore: Papunetin kuvapankki, papunet.net, Elina Vanninen

Page 2: SHAQOOYINKA XIRFADLAYAASHA DARYEELKA ......Somali 5/2020 Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611 kirjaamo@tampere.fi Y-tunnus 0211675-2 SHAQOOYINKA XIRFADLAYAASHA

Somali 5/2020

Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611

[email protected] www.tampere.fi Y-tunnus 0211675-2

HORDHAC

SHAQADA KALKAALISADA CAAFIMAADKA RUGTA DARYEELKA CAAFIMAADKA

DHALAANKA IYO HOOYOOYINKA

(Terveydenhoitajan työnkuva äitiys ja lastenneuvolassa) .................................................... 3

SHAQADA DHAQTARKA RUGTA DARYEELKA CAAFIMAADKA DHALAANKA

(Lääkärin työnkuva lastenneuvolassa) ................................................................................. 4

SHAQADA DHAQTARKA RUGTA DARYEELKA CAAFIMAADKA HOOYOOYINKA

(Lääkärin työnkuva äitiysneuvolassa) .................................................................................. 5

SHAQADA KALKAALISADA CAAFIMAADKA DARYEELKA CAAFIMAADKA ISKUULKA

(Terveydenhoitajan työnkuva kouluterveydenhuollossa) ..................................................... 6

SHAQADA DHAQTARKA DARYEELKA CAAFIMAADKA ISKUULKA

(Lääkärin työnkuva kouluterveydenhuollossa) ..................................................................... 7

SHAQADA SAYKOLOJIGA RUGTA DARYEELKA CAAFIMAADKA DHALAANKA

(Neuvolapsykologin työnkuva) ............................................................................................. 8

SHAQADA SAYKOLOJIGA ISKUULKA

(Koulupsykologin työnkuva) ................................................................................................. 9

SHAQADA TERAABIYAHA HADALKA

(Puheterapeutin työnkuva) ................................................................................................. 10

FUUSIYOTERAABIYAHA ILMAHA

(Lasten fysioterapeutin työnkuva) ...................................................................................... 11

HAQADA TERAABIYAHA XUBNAHA JIRKA

(Toimintaterapeutin työnkuva) ........................................................................................... 12

TERAABIYAHA NAFAQEEYNTA CARRUURTA

(Lasten ravitsemusterapeutin työnkuva) ............................................................................ 13

Page 3: SHAQOOYINKA XIRFADLAYAASHA DARYEELKA ......Somali 5/2020 Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611 kirjaamo@tampere.fi Y-tunnus 0211675-2 SHAQOOYINKA XIRFADLAYAASHA

Somali (Terveydenhoitajan työnkuva äitiys- ja lastenneuvolassa) 5/2020

Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611

[email protected] www.tampere.fi Y-tunnus 0211675-2

SHAQADA KALKAALISADA CAAFIMAADKA RUGTA DARYEELKA CAAFIMAADKA DHALAANKA IYO HOOYOOYINKA Rugta daryeelka caafimaadka hooyooyinka booqashadeeda wexeey ka koobantahay

caadi ahaan qiyaasti 9-10 baaris kalkaaliso caafimaad iyo labo baarisdhakhtar. Rugta

daryeelka hooyooyinka kalkaalisada shaqadeedu waa la socoshada uurka caadiga ah.

Baaritaan waqtiga uurka wuxuu ka koobayahay ogaanshaha dumarka uurka leh

miisaankooda, cabirka dhiigkarka, kaadida iyo la socoshada unugyada cascas ee

dhiiga.Caafimaadka cunuga waxaa laga soconayaa korista ilmagalaha iyo qiimeeynta

dhinaca cunugu u jeedo iyo dhageeysiga codka wadnaha cunuga. Hadii loo baahdana

waxaa lagu sii hagaaya baaritaano kale. Rugta daryeelka ayaa hageeysa uurka socodkiisa

dhalista arimaha la xiriira. Kalkaalisada caafimaadka wexeey kale oo kala talineeysaa hab

nololeedka, sida nafaqeeynta iyo arimaha la xiriira jimicsiga dumarka uurka leh iyo

lamaaneheeda.

Caadi ahaan la socoshada ilmaha rugta cafimaadka dhalaanka wexeey ka koobantahay

qiyaastii 15 baaritaan caafimaadeed, kuwaas oo shan ka mida dhakhtarku ka

qeybqaadanaayo. Ilmuhu markuu dhalaanka yahay la kulanka kalkaalisada caafimaadku

weey badantahay bishii waa halmar ilaa ilmuhu gaaro lix bilood. Markaas ka dib

booqashada weey yaraaneeysaa. Ilmaha markeey 2 sano jirsadaan ka dib waxaa

baaritaanka lagu sameeynayaa sanadkii halmar. kalkaalisada caafimaadkaa wexeey kula

soconeeysaa baaritaano kala duwan ilmaha koritaankiisa, jir dhismeedkiisa, horumarkiisa

qalbiga iyo bulshonimada. Rugta dhalaanka waxaa lagu baarayaa ilmaha miisaankiisa,

dhererkiisa, wareega madaxa, araga, maqalka iyo horumarka hadalkiisa. Kalkaalisada

caafimaadka ayaa ilmaha da´da ciyaarta ku jira baariitaanka dareenwadayaasha ku

sameeyneeysa 3- iyo 4-jir iyo hadii loo baahdana waqtiyo ka baxsan da´daas. Waxaa

intaa dheer in kalkaalisada caafimaadka eey ilmaha ku daryeeleeyso talaalka oo eey u

siineeyso sida uu yahay barnaamijka talaalka qaranka. Kalkaalisada caafimaadka wexeey

waalidka ka caawisaa arimaha korinta ilamaha iyo qoyska la xiriira. Qoyska wexeey

helayaan kulan walba talo caafimaad tusaale dayeelka aasaasiga ee ilmaha, hurdadiisa

iyo arimaha la xiriira nafaqeeynta.

Adeegyada hooyooyinka iyo ilmaha waa u lacag la´aan macaamiilka. Kalkaalisada

caafimaadka wexeey wadashaqeeyn la sameeysaa hadii loo baahdo dhinacyo kale duwan

sida xanaanada, sooshaalka qoysaska ilmaha leh, korinta iyo rugta daryeelka qoyska,

saykolojiga rugta dayeelka, teraabiyaha nafaqeeynta, fuusiyoteraabiyaha iyo kalkaalisada

caafimaadka khaaska ah.

Page 4: SHAQOOYINKA XIRFADLAYAASHA DARYEELKA ......Somali 5/2020 Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611 kirjaamo@tampere.fi Y-tunnus 0211675-2 SHAQOOYINKA XIRFADLAYAASHA

Somali (Lääkärin työnkuva lastenneuvolassa) 5/2020

Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611

[email protected] www.tampere.fi Y-tunnus 0211675-2

SHAQADA DHAQTARKA RUGTA DARYEELKA CAAFIMAADKA DHALAANKA

Dhaqtarku wuxuu baaritaan ku sameeyaa ilmaha 6 wiig, 4 bilood, 8 bilood, 1,5 sanno iyo 4

sanno jirka. Baarista caafimaadka waxaa dheer in kalkaalisada cafimaadka ku soo hagto

dhaqtarka rugta daryeelka caafimaadka dhalaanka hadii ilmaha korritaankiisa iyo

horumarkiisa lagu arko dhib.

Dhaqtarka shaqadiisaa waa inuu la socdo ilmaha korritaankiisa iyo horumarkiisa si wada

jira kalkaalisada cafimaadka. dhaqtarka wuxuu rugta ku baarayaa warbixinta koriinka

ilmaha iyo baaritaanada kale ee kalkaalisada caafimaadku qaaday jawaabahooda

(tusaale. 4-jirka araga, maqalka, kuwa da´da ciyaartana baaritaanka dareenwadayaasha).

Waxaa kale oo baaritaanka la fiirinaaya foomamka eey waalidka iyo shaqaalaha

xanaanada soo buuxiyeen.

Dhaqtarka markuu baarayo ilmaha waxaa lagu soo reebayaa xafaayada ama dharka

hoose. Dhaqtarka wuxuu dhageeysanayaa wadnaha. sambabada, indhuhuu baarayaa,

afka iyo dhagaha, calooshuu baarayaa iyo halbowlahabowdada garaaciisa jirkana wuu

fiiriinayaa. carruurta yar yar waxaa la eegayaa sinta iyo lafta madaxa meelaheey isaga

xirmato iyo nushnushka. Wiilasha waxaa laga baarayaa ineey xiniinyaha hoos u soo

degeen. Waxaa la baarayaa adadeega ilmaha iyo horumarkiisa dhaqdhaqaaqa, carruurta

da´da ciyaartana waxaa laga baaraayaa dhabarka iyo qaabka lugaha. Rugta wuxuu kale

oo ku eegayaa waalidka iyo ilmaha sideey xiriir u wada sameeynaya, ilmaha awoodiisa

xiriir sameeynta, xaaladiisa firfircooni, habdhaqankiisa, dhawaqa iyo hadalka sidoo kale

carruurta yar yarna araga, maqalka.

Dhaqtarka wuxuu u sheegayaa qoyska jawaabta baaritaanka. Jawaabta ka dib ayaa hadii

loo baahanyahay lagu heshiinayaa tusaale. kontoroolo cabiraad oo kalkaalisada

caafimaadka ah ama ku hagista fuusioteraabiyaha, teraabiyaha jirka, teraabiyaha hadalka

ama saykolojiga rugta daryeelka caafimaadka dhalaanka.

Page 5: SHAQOOYINKA XIRFADLAYAASHA DARYEELKA ......Somali 5/2020 Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611 kirjaamo@tampere.fi Y-tunnus 0211675-2 SHAQOOYINKA XIRFADLAYAASHA

Somali (Lääkärin työnkuva äitiysneuvolassa) 5/2020

Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611

[email protected] www.tampere.fi Y-tunnus 0211675-2

SHAQADA DHAQTARKA RUGTA DARYEELKA CAAFIMAADKA HOOYOOYINKA Dhaqtar rugta dayeelka caafimaadka hooyoyinka waxaa lala kulmaa waqtiga uurka labo

goor: qiyaastii wiiga uurka 15 iyo 35. Hadii loo baahdana kalkaalisada caafimaadka ayaa u

balamineeysa hooyada uurka leh dhaqtar heerku rabo uurku ha ahaadee. Dhalitaanka ka

dib dhaqtarka rugta daryeelka caafimaadka hooyooyinka baaritaanka umul ka bixista

sameeynayaa qiyaastii 6-8 wiig dhalitaanka ka dib. Lamaanahaaga wuu kuu soo raaci

karaa kulanka dhaqtarka.

Kulanka dhaqtarka ka hor hooyada uurka leh wexeey la kulmeeysaa kalkaalisada

caafimaadka. Balan walba waxaa la eegayaa cabirka dhiigkarka, misaanka, kaadida,

qoyska xaaladiisana waa laga wareeysanayaa. Kulanka rugta waxaa lagu eegayaaa

hooyada iyo ilmaha yar caafimaadkooda waxaana lagala sheekeeysanaya arimaha

qoyska feker ku haya. Dhaqtarku wuxuu sameeynayaa baaritaanka cudurada haweenka,

kaas oo la fiirinaayo xuub-cabeedka siilka, xaalada afka ilmagaleenka ayaa la

hubinaayaa,ineey ilmagaleenka si fiican u koray. Waxaa kale oo la dhageeysanayaa

ilmaha garaaca wadnihiisa. Waqtiga danbe ee uurkana waxaa la hubinaayaa, in ilmaha

dhinac saxa u jeedo (madaxu hoos jiro) iyo la qiimeeynaayaa miisaanka ilmaha iyo cabirka

simaha hooyada iyadoo laga fakaraayo dhaliinka soo socda.

Umusha ka bacdi waxaa la sameeynayaa baaritaanka dambe ee cudurada dumarka.

Waxaa kale oo laga wada fakaraayaa nooca ka hortaga uurka ee qoyska ku haboon, hadii

uur kale uusan qorshaha ugu jirin hada.

Dhaqtarka wuxuu u sheegayaa qoyska baaritaanka jawaabtiisa. Jawaabtaas ayaa hadii

loo baahdo lagu heshiinayaa booqasho kontorool kalkaalisada caafimaadka ama

dhaqtarka, hagayaa hooyada fuusiyoteraabiyaha ama saykolojiga rugta dayeelka

caafimaadka hooyooyinka ama waxaa loo qori karaa waraaq daryeelka bukaanka

khaaska ah.

Page 6: SHAQOOYINKA XIRFADLAYAASHA DARYEELKA ......Somali 5/2020 Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611 kirjaamo@tampere.fi Y-tunnus 0211675-2 SHAQOOYINKA XIRFADLAYAASHA

Somali (Terveydenhoitajan työnkuva kouluterveydenhuollossa) 5/2020

Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611

[email protected] www.tampere.fi Y-tunnus 0211675-2

SHAQADA KALKAALISADA CAAFIMAADKA DARYEELKA CAAFIMAADKA ISKUULKA Kalkaalisada caafimaadka iskuulka wexeey ku sameeysaa sannad walba baaritaan

caafimaad arday kasta. Markuu ardayga fasalka 1., 5. iyo 7.- 8. yahay, waxaa lagu

sameeyaa baaritaan caafimaad oo balaaran. Baaritaanka caafimaadka balaaran wuxuu

ka koobanyahay baaritaanka dhaqtarka iyo kan kalkaalisada caafimaaadka. Waxaana

loogu yeeraa ardayga waalidkiis. Kalkaalisada caafimaadka wexeey kale oo qabataa

waqtiyo lagu heshiiyey qaabilaad furan, midaas oo ardaydu balan la´aan imaan karaan.

Baaritaanka caafimaadka iskuulka waxaa lala soconaaya ardayga korritaankiisa,

horumarkiisa,caafimaadkiisa iyo nolol wanaagiisa. Baaritaanka kalkaalisada caafimaadka

wuxuu ka koobanyahay dhererka,miisaanka, araga,maqalka, la socoshada cabirka dhiig

karka. Waxaa intaa dheer in kalkaalisada caafimaadka eey ilmaha ku daryeeleeyso

talaalka oo eey u siineeyso sida uu yahay barnaamijka talaalka qaranka. Kalkaalisada

caafimaadka wexeey qiimeeyneeysaa hab nololeedka ilmaha wexeeyna siineeysaa

talooyinka caafimaadka la xiriira arimahaas. Baaritaanka caafimaadka waxaa lagu

ogaanaya iskuul dhigashada, waqtiga firaaqada iyo xaalada arimaha qoyska la xiriira.

Adeega daryeelka caafimaadka iskuulka waa u lacag la´aan qoyska. Kalkaalisada

caafimaadk wexeey wadashaqeyn dhow la sameeysaa dhaqtarka, waalidiinta iyo

macalimiinta iyo shaqaalaha iskuulka. Hadii loo baahdo kalkaalisada caafimaadka wexeey

ku hageeysaa ardayga fuusiyoteraabiyo, saykolojiga iskuulka, ama teraabiyaha

nafaqeeynta.

Page 7: SHAQOOYINKA XIRFADLAYAASHA DARYEELKA ......Somali 5/2020 Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611 kirjaamo@tampere.fi Y-tunnus 0211675-2 SHAQOOYINKA XIRFADLAYAASHA

Somali (Lääkärin työnkuva kouluterveydenhuollossa) 5/2020

Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611

[email protected] www.tampere.fi Y-tunnus 0211675-2

SHAQADA DHAQTARKA DARYEELKA CAAFIMAADKA ISKUULKA Baaritaanka dhaqtarka ardayda wexeey ka yimaadaan fasalka 1. fasalka 5. iyo fasalka 8.

Waa wax loo baahanyahay hadii waalidku baaritaanka imaan karaan. Dhaqtarka iskuulka

wuxuu la soconayaa korritaanka ilmaha iyo horumarkiisa isagoo wadashaqeeyn la

sameeynaya kalkaalisada caafimaadka. Dhaqtarku wuxuu eegayaa warbixinta korriinka

iyo baaritaanadii kalkaalisada caafimaadku sameeysay jawaabtoodii (tusaale. araga,

maqalka).

Baaritaanka dhaqtarka ardayga dhar yar ayaa lagu soo reebayaa. Dhaqtarku wuxuu

dhageeysanayaa wadnaha iyo sambabbada, afkuu fiirinayaa iyo dhagaha, qoortuu

taataabanayaa qanjirka tayroodka iyo qanjidhada, wuxuu taataabanayaa caloosha iyo

halbowlaha bowdada garaaciisa, jirkana wuu fiirinayaa. Wiilasha waxaa laga fiirinayaa

ineey xiniinyaha hoos u soo degeen, iyo in buuryadu ciriiri ku aheyn. Dhaqtarku wuxuu

fiirinaaya in ardayga u soo bexeen timaha la xiriira qaangaarka iyo gabdhaha naasaha

ama wiilasha xiniinyaha ineey weeynaadaan bilaabeen. Waxaa la fiirinaaya jir toosnaanta

ardayga. Waqtiga booqashaa xarunta dhaqtarka wuxuu la soconaaya habdhaqanka

ardayga (degganaansho la´aanta, baqdintiisa), u kuurgelista, isbedelada xaalada qalbiga

iyo wada xiriirka adayga iyo waalidkiis. Dhaqtarka wuxuu u sheegaaya qoyska jawaabta

baaritaanka. Jawaabtaas ayaa hadii loo baahdo lagu heshiinaya tusaale. baaritaan

dheeriya, kontorool cabiraad oo kalkaalisada caafimaadka ah ama ku hagis kuraatariga

iskuulka ama saykolojiga iskuulka.

Kalkaalisada caafimaadka wexeey ku soo hagi kartaa xarunta dhaqarka iskuulka fasalada

kale, hadii ardayga iskuulka dhigashadiisa ama waxbarashadiisa dhib ka jiro

(wadashaqeynta saykolojiga iskuulka), ama hadii ardayga korritaankiisa ama horumarka

qaangaarka si caadi ah u socon ama hadii tusaale. Madax xanuun waqti badan socday

ama calool xanuun ama daal aan caadi aheyn. Dhaqtarka iskuulka wuxuu baarayaa oo

daaweeynayaa isku kaadinta habeenkii/maalintii iyo xanuunada caadada ama finqooqa,

daawooyinka awooda leh ee iskaa isku daaweeyga farmashiyaha laga helo wax ka tari

waayeen.

Page 8: SHAQOOYINKA XIRFADLAYAASHA DARYEELKA ......Somali 5/2020 Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611 kirjaamo@tampere.fi Y-tunnus 0211675-2 SHAQOOYINKA XIRFADLAYAASHA

Somali (Neuvolapsykologin työnkuva) 5/2020

Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611

[email protected] www.tampere.fi Y-tunnus 0211675-2

SHAQADA SAYKOLOJIGA RUGTA DARYEELKA CAAFIMAADKA DHALAANKA

Saykolojigu waa qof shahaado jaamacadeed soo qaatay oo loo sharciyeeyey inuu noqdo

xirfadle arimaha caafimaadka ah. Saykolojiga rugta daryeelka caafimaadka shaqadiisu

waa shaqo ka hortaga howlaha dhimirka. Adeega waa lacag la´aan iyo amaan.

Adeega saykolojiga waxaa loogu talagalay macaamiisha rugta daryeelka caafimaadka

dhalaanka iyo hooyooyinka

hadii uurka iyo dhaliinka arimaha la xiriira welwel kugu hayaan

hadii nolosha cusub iyo la qabsiga waalidnimada kugu adkaato

hadii waalidku hayo dhaliinka ka bacdi ama waqtigii uurka welwel iyo

niyadjab biloowday

hadii ilmaha korritaankiisa ama horumarkiisa uu la xiriiro welwel

hadii ilmaha qiimeynta horumarkiisa/la socoshadeeda loo baahanyahay

baaritaan saykoloji

Saykolojiga rugta daryeelka cafimaadka dhalaanka wuxuu wadashaqeyn la sameeyaa

qolooyinka la shaqeeya qoysaska ilmaha leh (sida. rugta daryeelka caafimaadka

dhalaanka, xanaanada, teraabiyaha hadalka, teraabiyaha jirka, adeegyada qoyska).

Page 9: SHAQOOYINKA XIRFADLAYAASHA DARYEELKA ......Somali 5/2020 Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611 kirjaamo@tampere.fi Y-tunnus 0211675-2 SHAQOOYINKA XIRFADLAYAASHA

Somali (Koulupsykologin työnkuva) 5/2020

Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611

[email protected] www.tampere.fi Y-tunnus 0211675-2

SHAQADA SAYKOLOJIGA ISKUULKA Saykolojigu waa qof shahaado jaamacadeed soo qaatay oo la sharciyeeyey inuu noqdo

xirfadle arimaha caafimaadka. Saykolojiga iskuulka shaqadiisu wexeey ku saleeysantahay

sharciga daryeelka ardayda. Sharciga wuxuu waajib uga dhigaaya oo farayaa iskuulka

shaqaalihiisa wadashaqeyn.

Saykolojiga wuxuu ka caawinayaa bulshada iskuulka nololwanaaga isagoo ka

qeybqaadanaya qorsheynta iyo horumarinta caawinaadaha. Ujeedadu waa in laga hortago

dhibaatooyinka ardayga waxbarashadiisa caafimaadkiisa maskaxda iyo xiriirka

saaxiibadiis ama wax laga qabto waqti hore. Shaqada saykolojiga iskuulka wexeey

quseeyn kartaa arday keliya ama qoys keliya, kooxa ama fasal. Shaqadamacmiilka (ka

baaraandegis, baaritaano, booqasho caawinaad iyo wadatashi) waxaa intaas dheer

saykolojiga iskuulka wuxuu siiyaa talooyin iyo hagis ardayda waalidkood iyo kuwa

ugudhow korinta. Adeega waa lacag la´aan iyo amaan.

Adeega saykolojiga iskuulka waxaa loogu talagalay arday waxbarashada hore iyo tan

aasaasiga ah iyo waalidkood. Adeega waxaa lagu imaan karaa la soo xiriiris ee uma

baahna waraaq soo diris inaa ku timaato. Badanaa biloowga wadashqeeyntu wexeey ka

timaadaa dadka waaweyn ee iskuulka, waalidka, kuwa la shaqeeya ama ardayga shaqsi

ahaan.

Saykolojiga iskuulka waxaad la xiriiri kartaa

hadii ilmaha dareenkisa qalbiga amakorriinkiisa welwel laga qabo

hadii ilmaha waxbarashada dhib ka heeysato/ama dhibaatooyin u kuurgelista ah

hadii ilmaha uu dhib ka heesto isdhexgalka

hadii ilmaha/qoyska dhibaatoyin heeystaan

Caawinaadaha wanaagsan iyo xalalka waxaa lagu helaa intabadan wadatashi iyo ku

heshiin, wadashaqeeynta guriga iyo iskuulka iyo kuwa daryeelaya ama baxnaaninta.

Page 10: SHAQOOYINKA XIRFADLAYAASHA DARYEELKA ......Somali 5/2020 Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611 kirjaamo@tampere.fi Y-tunnus 0211675-2 SHAQOOYINKA XIRFADLAYAASHA

Somali (Puheterapeutin työnkuva) 5/2020

Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611

[email protected] www.tampere.fi Y-tunnus 0211675-2

SHAQADA TERAABIYAHA HADALKA

Teraabiyaha hadalka waa qof shahaado jaamacadeed soo qaatay oo loo sharciyeeyey

inuu noqdo xirfadle arimaha caafimaadka ah, kaas oo waajib ku tahay qarinta sirta.

Teraabiyaha hadalka badanaa waxaa lagu imaadaa waraaqda kalkaalisada caafimaadka

ama dhaqtarka. Teraabiyaha hadalka wuxuu qoyska caawinaayaa, markuu ilmaha

dhibaato ka heeysato horumarka hadalka ama wada xiriirka. Booqashada xarunta

teraabiyaha hadalka waxaa loo baahanyahay markeey tusaale, hadii ilmaha ku adagtahay

inu ku hadlo luuqadiisa hooyo, ilmaha hadalkiisa fasiix ma aha, llmuhu wuu shigshigaa

ama hadalka fahankiisaa ku adag. Marmar teraabiyaha hadalka wuxuu ka caawiyaa

arimaha raashin cunnista iyo liqida. Teraabiyaha hadalka wuu qiimeeynayaa wuuna

hagaayaa hadii loo baahdana wuxuu baxnaanin ka siinaayaa waxyaabihii ku adkaa ee

horey loo soo sheegay.

Ogolaanshaha qoyska teraabiyaha hadalka wuxuu wadashaqeyn la sameyn karaa

saykolojiga rugta daryeelka caaafimaadl dhalaanka iyo hadii loo baahdana ku hagaayaa

baaritaan dheeri ah daryeelka bukaanka khaaska ah.

Page 11: SHAQOOYINKA XIRFADLAYAASHA DARYEELKA ......Somali 5/2020 Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611 kirjaamo@tampere.fi Y-tunnus 0211675-2 SHAQOOYINKA XIRFADLAYAASHA

Somali (Fysioterapeutin työnkuva) 5/2020

Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611

[email protected] www.tampere.fi Y-tunnus 0211675-2

FUUSIYOTERAABIYAHA ILMAHA Fuusiyoteraabiyaha ilmaha shaqadeeda waa qiimeeynta, baxnaaninta iyo ka hortaga waqti

saxda ah dhibaatooyinka jimicsiga iyo awooda waxqabsiga. Fuusiyoteraabiyada ilmaha

hagista iyo talooyinka waxaa la siinayaa ilmaha iyo gaar ahaan ilmaha waalidiintood iyo

kuwa ilmaha nololmaalkeedkiisa qeyb ka ah sida, tusaale xanaanada iyo shaqaalaha

iskuulka. Sidaan waxaa waxaa looga hortegi karaa xadidnaanta jimicsiga iyo awooda

waxqabsasho.

Carruurta yar yar iyo kuwa da`da ciyaarta gaaray sababaha ugu badan eey u imaadaan

waa horumarka wadashaqeynta xubnaha iyo dhaqdhaqaaqa oo ka soo daaha iyo ka

duwanaansho, qalad ka jira addimada iyo dhibaatooyinka xubnaha dhaqdhaqaajinta jirka.

Carruurta iskuuleeyda wexeey rugta u imaadaan intabadan dhibaatooyinka qoorta iyo

garbaha, dhibaatooyinka saani isu taaga iyo qiimeeynta dhererka lugaha.

Fuusiyoteraabiyaha waxaa lagu imaan karaa waraaqda daryeelka bukaanka khaaska ah,

rugta caafimaadka dhalaanka ama xarunta caafimaadka dhaqtarkeeda ama kalkaalisada

rugta caafimaadka dhalaanka. Wixii 18-ka yar waa u lacag la´aan fuusiyoteraabiyada.

Page 12: SHAQOOYINKA XIRFADLAYAASHA DARYEELKA ......Somali 5/2020 Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611 kirjaamo@tampere.fi Y-tunnus 0211675-2 SHAQOOYINKA XIRFADLAYAASHA

Somali (Toimintaterapeutin työnkuva) 5/2020

Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611

[email protected] www.tampere.fi Y-tunnus 0211675-2

HAQADA TERAABIYAHA XUBNAHA JIRKA Dhibaatooyinka fudud ee ilmaha laguma ogaan karo nololmaalmeedkiisa guriga, ee

waxeey ka soo muuqanayaan tusaale xanaanada, waxbarashada hore ama iskuulka.

Markaas ayuu ilmuhu u baahanyahay caawimaad gaar u ah ama hagis si uu ula

jaanqaado ilmaha ficiisa. Cawinaada waxqabadka maalinlaha waxaa ilmaha loogu

daraaya baxnaanin, midaas oo teraabiyada xubnaha jirka eey ka mid tahay nooc ka mida

baxnaaninta. Teraabiyada xubnaha jirka waxa la qiimeeynayaa ilmaha diyaarsanaantiisa

iyo xirfadihiisa (xirfadaha farsamada gacanta, dhaqdhaqaaqa, fahanka araga ku xiran,

xirfad ciyaareedka) iyo sideey raad ugu yeeshaan siduu ilmuhu waxqabsashada

maalinlaha uga bixi karo(tusaale. dhar gashashada, raashin cunnista, ciyaarta).

Marka hore ilmaha waxaa qiimeynta teraabiyada xubnaha jirka u soo diraaya dhaqtar

ama shaaqalaha gaarka ah (tusaale. saykoloji, teraabistaha hadalka, fuusiyoteraabiga).

Qiimeeynta waxaa la isticmaalayaa baaritaano kala duwan (tusaale. howlo ilmaha keligiis

miiska lagula sameeynayo), wareeysi iyo u kuurgelista ilmaha waxqabadkiisa (tusaale.

ciyaarta, ciyaarahaiyowaxqabashada jimicsiga ku jiro). Badanaa booqashooyinka

qiimeynta xarunta waa 2-5. Qiimeynta ka dib waxaa guriga la siinayaa warbixintii

qiimeynteeda iyo hagitaan habka ilmaha koritaankiisa loo horemarinayo hadii loo

baahdana waxaa lagu heshiinayaa qeybo teraabiyada xubnaha jirka ah.

Qeyb teraabiyada xubnaha jirka ah wexeey noqon kartaa mid u gaara ama mid wadareed

waxaana lagu siinaaya xarunta hadii loo baahdana xanaanada, iskuulka ama guriga.

Page 13: SHAQOOYINKA XIRFADLAYAASHA DARYEELKA ......Somali 5/2020 Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611 kirjaamo@tampere.fi Y-tunnus 0211675-2 SHAQOOYINKA XIRFADLAYAASHA

Somali (Ravitsemusterapeutin työnkuva) 5/2020

Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611

[email protected] www.tampere.fi Y-tunnus 0211675-2

TERAABIYAHA NAFAQEEYNTA CARRUURTA

Teraabiyaha nafaqeeynta wuxuu ka caawinaaya xaaladaha u baahan aqoonta dheeriga

ee nafaqeeynta. Kuwaas wexeey noqon karaan tusaale ahaan xasaasiyada cuntada,

keliyakI, cayilka, cuntada halka nooc ah, cuntada qudaarta ah, miisaankoo dhaca.

Kulanka teraabiyaha nafaqeynta waxaa la is weeydiinaayaa oo laga wadahadlaayaa

caadada cunto cunka ilmaha iyo cunnisteeda. Kulanka ka hor waxaa la soo buuxinaayaa

dhowr maalmood xusuus qor cuntada ah, midkaas oo teraabiyaha nafaqeeynta uu ku

qiimeeynaayo caadada cunto cunka ilmaha. Kulanka waxaa lagu hagaayaa hab nololeeda

caafimaad leh.

Xarunta teraabiyaha nafaqeeynta waxaa lagu tegi karaa waraaqda dirista ee kalkaalista

caafimaadka ama dhaqtarka. Teraabiyaha nafaqeeynta ayaa macaamiilka waqti balan

guriga ugu soo diraaya. Kulanka waa u lacag la´aan macaamiisha.